Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta dagaalka ka socda Dhuusomareeb iyo khasaaraha ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faahfaahino dheerad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalka weli ka socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ee u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu-Sunna.

Dagaalka ayaa hadda ka socda agagaarka xarunta Inji oo ay ku suganyihiin hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna, halkaas oo uu ka bilaawday abaaro 9:00am subaxnimo ee saakay.

Inta uusan biLlaaban dagaalka Dhuusamareeb saakay waxaa toogasho meel fog ah lagu dilay Taliyihii ciidanka Haramcad ee magaalada Dhuusamareeb, xilli uu ku sugnaa geybaha sare ee dhismaha wasaaradda tamarta iyo biyaha Galmudug oo aan sidaas uga fogeyn xarunta Inji oo ay gacanta ku heyso Ahlu-Sunna.

Inta la xaqiijiyey khasaaraha dagaalka ka socda magaalada Dhuusamareeb ayaa ah dhimashada ugu yaraan 10 qof, iyo in ka badan 20 dhaawac ah, oo isugu jira dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ah.

Dagaalka ayaa sababay in dadka ku waxyeeloobay la gaarsii waayo cisbitaalada waayeyn ee magaalada, maadaama labada cisbitaal ee ugu waaweyn ay ku yaallaan halka uu dagaalku ka socdo.

Dagaalkan ayaa intiisa badan waxaa la isku adeegsaday qoriga hoobiyaha oo labada dhinacba ay ku garaacayeen dhismayaasha waaweyn ee magaalada, waxaana goobaha burburka badan uu soo gaaray ka mid ah xarumaha Inji, Shiirkole, dhismaha wasaaradda tamarta iyo biyaha, guriga madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo xarumo kale.

Wararkii ugu dambeeyey ee hadda aan ka heleyno dagaalka Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ee aan dagaalka ku jirin la iskugu geeyey xarunta militeriga Soomaaliya ee qeybta 21aad.

Saraakiisha dowladda ayaa hadda halkaas kula hadlaya ciidamo u badan militeri, sida uu noo xaqiijiyeen sarkaal ka tirsan qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Xaalada magaalada ayaa aad u kacsan waxaana laga cabsi qabaa in dagaalku uu sii xoogeysto oo ay ku soo biiraan ciidamo hor leh oo ka tirsan kuwa dowladda federaalka oo ku sugan dhawr xarumood oo ku yaalla magaalada Dhuusamareeb.

Halka ciidanka Ahlu-Sunna ay magaalada uga suganyihiin xarunta Inji oo kaliya, halkaas oo ay ka dagaalamayaan afarta jiho ee xarunta, waxaana gudaha ku jira hoggaanka ugu sareeya ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca, sida Macalin Maxamuud, Sheekh Maxamed Shaakir iyo mas’uuliyiin kale.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this