Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo Muhaajiriintu hayay ku fasaxay Qaaradda yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in ay dhammaan fasaxday Muhaajiriinta ku sugan dhulkeeda ee doonaya in ay u gudbaan dalalka Yurub.

Saraakiil ka tirsan dowladda Turkiga ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Ankara ay ka baxday Heshiiskii ay sannadkii 2016-kii la gashay Midowga Yurub ee lagu joojinayay in Muhaajiriinta dalkaas ku sugan ay u gudbaan Qaaradda Yurub.

Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay  in booliska iyo saraakiisha ilaada xuduudaha lagu amray inay ka hor wareegaan qaxootiga doonaya in dhulka iyo badda ay uga tallaabaan Yurub.

Saacado kadib warkaasi ka soo yeeray dowladda Turkiga ayaa Koox muhaajiriin ah oo ku sugan Turkiga waxay u dhaqaaqeen dhanka xuduudda dalkaas uu la wadaago Greece iyo Bulgaria si ay u galaan dalalka Yurub.

Turkiga ayaa Khamiistii sheegtay in 33 askari looga dilay duqeyn ay ciidamada dowladda Suuriya ka fuliyeen gobolka Idlib.

Dagaalka Idlib ayaa horseeday in qaxooti badan oo Suuriyaan ah ay usoo cararaan dhanka Turkiga.

Turki ayaa waxay hadda marti gelisaa 3.7 milyan oo qaxooti Syrian ah waxayna sheegtay inaysan xamili karin intaas ka badan.

PUNTLAND POST

The post Turkiga oo Muhaajiriintu hayay ku fasaxay Qaaradda yurub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this