Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Kenya oo heegan gelisay ciidamadeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (SMN) – Safaarada Mareykanka uu ku leeyahay Nairobi ayaa soo saartay digniino dhanka amaanka ah iyo suuragalnimada weeraro ka dhaca gudaha caasimada Kenya ee Nairobi.

Mareykanka ayaa ka digay in ay jirto suura galnimada weerar lagu qaado hotel caan ah oo ku yaala magaalada Nairobi oo magaciisan aan la shaacin.

Sidoo kale safaarada Mareykanka ee Kenya ayaa dadka uga digtay in ay feejignaan iyo diyaar garoow dheeraad ah muujiyaan,inta ay ku suganyihiin hoteelada waaweyn ee magaalada Nairobi.

Kadib digniinaha dhanka amaanka ah ay soo saartay safaarada Mareykanka ee Kenya,booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in ay ciidamo badan geeyeen gudaha magaalada,si looga hortago wax kasta oo amaanka khatar ku ah.

Abaanduulaha ciidamada booliiska dalka Kenya Hilari Mutayamba  ayaa tilmaamay in laamaha amaanka ay si weyn uga feejiganyihiin weerar ama fal amniga lid ku ah oo ka dhaca guud ahaan dalka Kenya,gaar ahaan caasimada Nairobi.

Booliiska Kenya ayaa Mareykanka uga mahad celiyay sida uu  ula shaqeynayo laamaha amaanka ee dalka Kenya,iyagoo shacabka dalkaasi ugu baaqay in aysan muujin  wax baqdin ah oo ku aadan wararkaasi,maadaama  laamaha amaanka feejiganyihiin.

Al-shabaab ayaa inta badan weeraro ku qaada hoteelo ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya,waxaana weerarkii ugu danbeeyay uu ahaa weerarkii Dusit oo in ka badan 20 ruux lagu dilay

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this