Sign in to follow this  
Deeq A.

Baaq loo diray siyaasiyiinta maamulka Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Doorashadda 2-dii bishaan Febraayo ka dhacday Galmudug isla markaana uu kusoo baxay Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa waxaa ka dhashay buuq siyaasadeed.

Buuqaas ayaa saameyay guud ahaan Galmudug kadib markii siyaasiintii ka qeybgashay tartaankaasi doorasho ay sheegeen in aysan ku qancin hanaankii uu kusoo baxay madaxweyne Qoor-qoor.

Odayaasha dhaqanka ee qeybta ka ahay saxiixayaasha shirkii dib u hesgiisiinta ee lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in xiligan aan loo baahneen in Galmudug ay kusii jirto dhibaato.

Nabadoon Badal oo ka qeybgalay barnaamijka Dooda Jimcaha ayaa daboolka ka aadey in waxa ka socda deegaanada Galmudug aysan ku koobneen siyaasiintoodA balse ay jirto gacan saddexaad.

Dhanka kale, suldaan Cabdicasiis Cumar-daad Suldaan Beyle ayaa ugu baaqay siyaasiinta Galmudug in khilaafkan siyaasadeed lasoo afjaro isla markaana ay u turaan danta dalka iyo waddanka.

Baaqa nabadeed iyo xalinta khilaafka ayaa kusoo aadaya iyaddoo xaalad kacsanaan ah ay ka jirto magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb, halkaasoo ciidamadda dowladda iyo Ahlu Sunna ku dirireen.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this