Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal u dhaxeeya ciidamada DF iyo Ahlu-Sunna oo ka socda Guriceel

Recommended Posts

Deeq A.   

Guriceel (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Ahlu-Sunna uu ka billowday magaalada Guriceel.

Dagaalka ayaa billaabmay kadib markii ciidamada Ahlu-Sunna ay qaadeen weerar ka dhan ah cidiamada dowladda ee ku sugan saldhigga booliiska magaalada Guriceel.

Weerarka ayaa sheegaya in dagaalka uu dhaliyey khasaare isugu jira dhimasho iyo mid dhaawac oo labada dhinac kala gaaray, waxaana la xaqiijiyey dhimashada laba askari iyo dhaawaca saddex askari oo kale.

Ciidamada Ahlu-Sunna ayaa muddo kooban la wareegay gacan ku haynta magaalada, ayada oo ciidamada dowladda loo riixay dhanka bari ee magaalada.

Si kastaba, ciidanka dowladda ayaa daqiiqado kadib soo qaaday weerar kale, waxaana lagu warramayaa in hadda ay ayaga gacanta ku hayaan saldhigga.

Weli waxaa magaalada laga maqlayaa rasaas ay is-weydaarsanayan labada dhinac.

Weerarkan ayaa imanaya ayada oo sidoo kale dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Ahlu-Sunna uu ka socdo magaalada Dhuusomareeb.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this