Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: dagaal culus oo ka qarxay Magaalada Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo inuu halkaas ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeyo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka socdaa meel u dhow Xarunta Inji ee Hooyga u ah Madaxda Ahlusunna, waxaana Goobjoogayaal ku sugan Dhuusamareeb ay sheegeen in mar qura jawiga Magaalada uu si bedelay mararka qaarna la maqlayo jug culus.

Xaalad kacsanaan ah ayaa laga soo sheegayaa Magaalada Dhuusamareeb,waxaana aaga dagaalka uu ka socdo ee Xarunta Inji iyo Madaxtooyada Gamudug ay saakay ilaa xalay ka barakaceen dadkii Shacabka ahaa ee deganaa.

Waxaa la is dhaafsanayaan hubka culus oo ay ku jiraan Hoobiyaal la sheegayo inay Ahlu Sunna ku garaaceyso hoyga Madaxweynaha Dowladda aqoonsan tahay ee Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Iska hor imaadka ayaa daba socda dagaal xalay ka dhacay iska goobta lagu dagaalamay, kadib markii ay israsaaseeyeen Ciidamo ka kala tirsan Booliiska Dowladda iyo kuwa Ahlu sunna, inta la xaqiijiyay dagaalkaas waxaa ku dhintay Askari katirsan Ciidamada Haramcad sida Ilo wareedyo sheegeen.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this