Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS iyo Ahlu Sunna oo ku dagaalamay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusaamareeb (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor-imaad kooban oo xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb.

Dagaalka oo daqiiqado dhowr ah socday ayaa u dhaxeeyay ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo kuwa ururka Ahlu Sunna Waljameeca.

Inta la xaqiijiyey laba ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay rasaasta ay dhinacyadda is-weedaarsadeen.

Iska hor-imaadka ayaa yimid markii ciidamadda dowladdu isku dayeen in ay joojiyaan gaari kasoo baxay xarunta INJI, fariisinka Ahlu Sunna.

Xaaladda magaalada ayaa haatan kacsan, waxaana la sheegay in aysan jirin saan-saan lagu qaboojinayo xiisadda colaadeed.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa Ahlu Sunna ku eedeeyay dagaalka.

Dhankiisa, Sheekh Shaakir oo bayaan kale soo saarey ayaa dowladda ku dhaliilay in ay hurineyso dhiilo colaadeed, sidda uu hadalka u dhigay.

Dhuusamareeb waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka jirtay xaalad kacsanaan ah, taasoo dadka ay ka digayeen in ay gacan ka hadal isku bedesho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this