Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Qoor Qoor “ Wadaado ku jiro Inji ayaa soo weeraray Ciidamada Galmudug”

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay dowladda aqoonsan tahay Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa waxa looga hadlay dagaalkii xalay ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb iyo sida uu ku bilaawdey,iyada oo eedeyn loogu jeediyey hoggaanka Ahlusunna.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Gaari Ciidan oo ay leeyihiin hoggaanka Ahlusnna uu rasaas ku furay Koontorool ay ku sugnaayeen Ciidanka Dowladda.

Sidoo kale war saxaafeedka ayaa lagu sheegay in Xarunta Inji oo ay degan yihiin Hoggaanka Ahlusunna ay maalmahaan ka socdaan arrimo xaalad abuur ah.

Ugu dambeyntii war saxaafadeedka ayaa Hoggaanka Ahlu Sunna loogu baaqay inay joojiyaan waxkasta oo dhalin karo amni darro, waxaana lagu xusay inaysan jirin dhimasho ka dhalatay dagaalkii Xalay.

Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska madaxweyne Qoor Qoor

qoraal-3.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this