Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Hassan Sh. Muumin

Recommended Posts

Waxaa naxdin leh geerida ku timid reer Xasan Sheekh Muumin. Ilaahay waxaan ugu baryayaa inuu naxariistiisa ka waraabiyo ehelkiisa, umadda uu ka baxay oo dhanna ka samirsiiyo.

 

Marxuun Xasan Sheekh Muumin wuxuu ka mid ahaa abwaannada ugu caansan, uguna waaweyn ee carriga Soomaalida. Wuxuu ku dhashay nawaaxiga magaalada Boorama, ee gobalka Awdal, horraantii qarnigii 20naad. Markuu dhamaystay waxbarashadiisii dugsiyada Quraanka iyo maaddiga wuxuu markiiba bilaabay inuu ka shaqeeyo dugsiyo kala duwan.

 

Abwaanku wuxuu soo caan baxay oo aad loo bartay badhtankii lixdameeyadii -1965 ilaa1968- oo uu ka shaqayn jiray Reediyo Muqdisho. Markii dambena waxaa loo qaatay wasaaradda hiddaha iyo tacliinta sare.

 

Marxuunka curintiisu waxay aad u soo shaac baxday oo ummada Soomaaliyeed ku faaftay 1968 kii, ka dib markii uu curiyay riwaayaddiisii ugu caansanayd ee Shabeelnaagood, riwaayaddaas oo ilaa maanta ah riwaayadda keliya ee Soomaaliyeed ee lagu turjumay af Ingiriisi.

 

Riwaayadaha kale ee abwaanka waxaa ka mid ahaa:-

 

 

Dunidu Maskaxday Magan u Tahay

Ehelunaar Adduunka

Gaaraa Bidhaan

iyo badowyahow dib ha u celin dadkan soo baraarugay

Abwaan Xasan waxa kale oo aad loogu xusuusan doonaa inuu ahaa jidfure weyn marka ay noqoto masraxa Soomaalida, isla markaasna uu halabuurnimadiisa uga faa’iidaysan jiray ka hadalka heerarka iyo dhibaatooyinka bulshada haysta.

 

Marka laga tago dhinaca riwaayadaha abwaanku wuxuu lahaa heeso aan lasoo koobi karin oo ay ka mid yihiin:-

 

 

Haye fudud, Ahmed Ali Cigaal iyo Hibo Mahamed

Laaleys dusheediyo, Hibo Maxamed

Waadiga dugsiyada, Marxuun M Mooge/Xasan Aadan Samatar

Caqligii wanaagsani itaal inuu ka roonyahay, Hibo Maxamed

Hadduu dab dhaxamoodo, Marxuun Cabdi Mahamoud iyo fanaaniin kale

Qof walba oo Soomaali ah waxa aanu illaawayn labadiisa heesood oo midna dadku ku soomijiray “Marxab marxab yaa Ramadaan” iyo, heestii Waabberi ku furan jirtay riwaayadaha “Halkan waxa u timaaddeen, waa naga helaysaan” Waxa se aanan anigu illaawayn curintii heesta “Canbihii Jamaame” iyo codkii Marxuun Mahamed Mooge Liibaan, ilaahay ha u naxariistee Fanaan aan aad u jecelahay ayuu ahaa isna.

 

Waxaa nasiibdarro ii ahayd inaan halabuurnimada abwaanka xiisaynteeda bilaabay dhowrsano ka hor kolkaas oo uu soo bandhigay sheeko la yidhaahdo “Basho ama Bisad” Bisadda oo markaas la barbardhigayo Soomaalida sida ay raaxada u jeceshahay shaqada se aan u jeclayn, tusaale ahaan Bisaddu waxay jeceshahay kaluunka laakiin biyaha oo uu ku jiro lama tusikaro.

 

Xiisahaygaasi wuxuu keenay inaan kusoo casuumo abwaanka bandhiggii Somali Week Festival oo aan soo bandhignay 21-28 Octobar 2007. Waxaa laakiin nasiibdarro ahayd inay suurtagal noqonweyday cillad la xidhiidha dhinaca fiisaha awgeed.

 

Bini’aadanku waa daciif oo marwalba wuxuu qorshaystaa arrin aan isaga faraha ugu jirin taas dareeddeed waxaa ii qorshaysnaa inaan Somali Week Festival marlabaad isku dayno inuu nagala soo qaybgalo.

 

Waa dhacaan arimahan oo kale, qorshuhu sida aad ku waddo marwalba ma noqdo. Waxa se jirta in ummadaha kale ee aduunku marka uu ka baxo farshaxan ama halabuur curin sare leh oo ay jecel yihiin aanu noqon taariikh dhimmatay ee laga reebo madxaf ama taariikh ummadeed oo nool.

 

Waan hubaa sida baryahan danbe caado naqotay in Soomaalida laga helo qoraa u fara bannaanaada ururinta halabuurkii sare ee aynu ka dhaxalnay Marxuun Xasan Sheekh Muumin. Weliba waxa aan rajaynayaa in qoraaga arrintan dhexgalaa inoo sheegin oo keli ah halabuurnimadii Marxuun Xasan Sheekh Muumin inay ahayd suugaan qudha ee inoogu daro inay ku dheehnayd farshaxannimo cajiib ah oo weliba aqoon qoto dheeri ka muuqato.

 

Waxaa haddaba isweydiin mudan maxaa sababay in Marxuunku isaga leh shan waddan uu ku geeriyoodo dibadyaalnimo? Maxaa loo waayay shanta waddan iyo maamul gobol ee Soomaliidu in la helo meel qudha oo tol u noqota (sida qoraa Ibraahim Hawd, qoraalladiisa mid ka mid ah noogu sheegay) dhaqanka, fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

 

Arintani waxay isoo xasuusisay farriin wiil Soomaaliyeed oo baadigoobayay buugaagtii Marxuun Abwaan Yusuf Xaaji Aadan iyo hagarlaawe sooyaalka Suugaanta Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye iisoo diray, taas oo uu igula kaftamay, maxaa buugaagta laga qorayaa haddii aan la helayn?

 

Weydiintu markaas waxay tahay, yuu xilka ah in jiilka dambe dhaqan, hidde iyo suugaan loo reebaa saaran yahay?

 

Ma laga yaabaa inuu saxsanaa markuu Abwaan Mahamed Xaashi Dhamac yidhi “ Intaan iilka la i dhigin baan kaaga baahnahay inyar oo aqoonsiya oo aan aad u buurrayn….”

 

Guddoomiyaha Waaxda Farshaxanka ee Oxford House

 

Ayaan M M Cashuur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hassan Sheikh Muumin has died, and for the Somali community in Norway , as well as all other Somalis, it is a great loss.

 

Hassan, like thousand of others, was a victim of the cruelty that has become Somalia. Like thousands of others he had to flee, to a country not his own, with an unfriendly climate and people who didn't know him. Old and sick, he had to start afresh, at first without his family, whom he never stopped thinking about, until one day they finally arrived. By now he had undergone two operations, and suffered much pain and loneliness, even though many Somalis sought his company , eager to listen to him and benefit from his wisdom. He was not like the thousands of others, he was unique. And yet he had to suffer the humiliation of being a refugee, even this king of words had to be part of the flotsam and jetsam which has had to drift to all parts of the world from Somalia.

 

As a Norwegian I had the good fortune to get to know him and am proud to call him a friend. We arranged meetings with him and young Somalis, they needed him and knew it, He read his poetry to them, and encouraged them to show him theirs. When a few people here became aware of his writing and philosophy, they wanted him translated to Norwegian.May be it is still possible.

 

He took part in the campaign against guudninka, sharing his thoughts on the ancient practice. he was steeped in Somali tradition, and yet a modern man, a kind and gentle man, but with firm views and the courage to express them.

 

I shall always be grateful for having known him, and remember what he meant to this community.

 

His wife and children followed him to Norway, it was what he thought best for them, and they were a comfort to him in his last years. May God comfort them in their great loss. With greatest respect,

 

Ingeborg Vardoen, Oslo, Norway

Share this post


Link to post
Share on other sites

My fellow Somalis I am saddened to hear the death of Hassan Sheikh Momin one of the most talented playwright in Somali history, and the exceptional Somali philosopher of twenty century. Indeed Hassan Sheikh Mumin was irreplaceable legend and will be missed among the Somali speaking nations. But while I am sending my condolence to his family I would also like to add small words of poetry since we are paying tribute to a man who dedicated his life to offer intellectually entertainment for his fellow Somalis.

 

Condolence poem

 

Our beloved philosopher

We heard you are gone

And we are saddened by this news.

 

If we could bring you back again

For one more hour or day

We would express all our untold appreciations.

Dear legend if we could bring you back again

We would say how much we treasured you

And that your presence in our nation

Meant more than we ever knew.

 

If we could bring you back again to

Tell you what we should, you would

Know how much we missed you now.

 

Dear philosopher your body and soul may gone

To a far away place where only angels can see

 

But your inspirations and lights which

You left behind are shining like a full moon.

 

Your rich words are being played in every

Corner of this world.

 

Our be loved hero we heard your soul has gone away

And we are sadden by the news

 

But we are comforting each other by playing

Your best lyrics and explaining them one another.

 

We will remember you in the days of peace

When the nation is progressing wealthy

By playing and watching on your best plays

 

And so dearly we remember you the days of wars

By listening your up lifting lyrics.

 

As the rising of the sun and it�s going down

We will remember you.

 

We will indeed remember you

In many centuries to come.

 

Our beloved philosopher we heard

You are gone and there is little we can do

To bring you back.

 

But we pray for you

May Allah bless for your soul

 

AAMIIN

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Inna-Lillahi Wa Inna Ileyhi Raajicum.

 

 

Salam Aleikum W.W

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

[K]a dib markii uu curiyay riwaayaddiisii ugu caansanayd ee Shabeelnaagood...

 

Qof walba oo Soomaali ah waxa aanu illaawayn labadiisa heesood oo midna dadku ku soomijiray “Marxab marxab yaa Ramadaan” iyo, heestii Waabberi ku furan jirtay riwaayadaha “Halkan waxa u timaaddeen, waa naga helaysaan”

Marxuumka marka koowaad Eebbaa weynee haka waraabiyo janaadiis barwaaqo.

 

Xasan Sh. Muumin waa maqlay, laakiin maba ogeyn in uu aasaasay ruwaayadaas caanka ahayd ee Shabeelnaagood, kaba sii daran warba uma heynin in uu ahaa alifihii heesta Marxab, marxab, yaa Ramadaan iyo furitaankii oraahda ii dhehda caanka ahayd ee Halkaan waxaa u timaadeen waa naga heleysiin.

------------

 

I wonder why MMA did not report this

Maxaa jiro, duqa? Ma geeriyaasha dadka geeriyoodo inaa naadiyo u qaabilsanahay?

 

Bar labaad Eebbe ha u naxariisto marxuumka abwaanka sare ahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

quote:[K]a dib markii uu curiyay riwaayaddiisii ugu caansanayd ee Shabeelnaagood...

 

Qof walba oo Soomaali ah waxa aanu illaawayn labadiisa heesood oo midna dadku ku soomijiray “Marxab marxab yaa Ramadaan” iyo, heestii Waabberi ku furan jirtay riwaayadaha “Halkan waxa u timaaddeen, waa naga helaysaan”

Marxuumka marka koowaad Eebbaa weynee haka waraabiyo janaadiis barwaaqo.

 

Xasan Sh. Muumin waa maqlay, laakiin maba ogeyn in uu aasaasay ruwaayadaas caanka ahayd ee
Shabeelnaagood
, kaba sii daran warba uma heynin in uu ahaa alifihii heesta
Marxab, marxab, yaa Ramadaan
iyo furitaankii oraahda ii dhehda caanka ahayd ee
Halkaan waxaa u timaadeen waa naga heleysiin
.

------------

 

I wonder why MMA did not report this

Maxaa jiro, duqa? Ma geeriyaasha dadka geeriyoodo inaa naadiyo u qaabilsanahay?

 

Bar labaad Eebbe ha u naxariisto marxuumka abwaanka sare ahaa.
I just thought in dadka sidaas oo kele ah ee soomaalida magaca ku leh aad la socoto oo ay kuu tirsan yihiin ,,,,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^ Amiin. He was invited to the Somali Week event last year but didn't make. He worked hard to improve the lives of people back home to the very end. May Allah reward him for everything good and forgive his errors. Will be greatly missed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this