Sign in to follow this  
SOO MAAL

Nugaal University Advocacy Group

Recommended Posts

SOO MAAL   

advoc11.jpg

advoc1.jpg

advoc3.jpg

advoc4.jpg

advoc2.jpg

http://www.sscayn.com/radiossc/iur/pics/advoc14.jpg

 

Shirkii Loogu gogolxaadhayey Taageerada Jaamacadda Nugaal ee Ururka Nugaal University Advocacy Group ay soo Qabanqaabiyeen oo Guul ku Dhammaaday

 

 

Apr 02, 2006 By:Ahmed M Hassan

 

Columbus, OH(Radiossc.net) Waxaa galabta si weyn looga soo qaybgalay shir loogu gogolxaadhayey in laga taageero dhinaca dhaqaalaha Jaamacadda Nugaal. Shirkan waxaa soo qabanqaabiyey Ururka Ardayda SSC ee Jaamacadaha magaalada Columbus ee lagu magacaabo Nugaal University Advocacy Group.

 

 

Shirkan oo uu xidhiidhinayey Cabdi Xirsi Dalmar ayaa ku bilaabmay warbixin kooban oo uu ajendaha shirka ku soo bandhigay. Khalif Sulub oo ku hadlayey magaca Ururkan ardayda ayaa sheegay in ujeedada ay shirkan ka leeyihiin tahay in Jaamacadda Nugaal laga caawiyo dadaalka weyn ee ay ugu jirto horumarinta Waxbarashada SSC. Khalif waxa uu yidhi, “Dhallinyaradu diyaar ayay u tahay inay arrimaha horumarka SSC wax ka geystaan oo Jaamacadda Nugaal ugu horeyso, Sidaas awgeed waxaanu uga baahan nahay Jaalliyadda Columbus ee SSC inay arrinkan naga caawiyaan.â€

 

 

 

Waxaa sidoo kale ururka ardayda ka socday Maxamed Cismaan Maxamud oo dadka soo horjoojiyey xubnihii fikradda ururkan lahaa oo aad loogu sacabiyey, isla markaana dadkii ka codsaday inay ka taageeraan ujeedooyinka horumarineed ee dhallinyaradu hiigsanayso. Xubniha ururkan ugu firfircoona magacyadoodu waxa ay kala ahaayeen:

 

Raxma Maxamed Axmed

Cawo Siciid C/qadir

Ayaan Jamac Aftaag

Hodan Maxamed Axmed

Maxamed Xoosh Budheys

Maxamed Carab

Maxamed Xasan Weyne

Maxamed Cismaan Maxamud

Khalif Sulub

Abdiraxman Axmed Ali Daad

Abdi Xirsi Dalmar

 

 

C/llahi Cabdi Nur oo ah Guddoomiyaha Jaalliyadda SSC ee Ohio ayaa lagu soo dhaweeyey microfoonka wuxuuna yidhi: “ Waxaa la isugu yimid oo dhallinyaradu soo abaabuleen waa aqoon. Waa hawl adag, dadaalbaase lagu gaadhaa, waana inaynu u diyaargarownaa.â€

 

 

 

 

 

Warbixintii hay’adda SSHDA

 

 

 

C/qadir Axmed Xandule oo ku hadlayey magaca hay’adda SSHDA waxa uu yidhi: “ Hay’adda SSHDA waa hay’ad samafal waxaana aasaasay Jaalliyadaha dibadda si loo ballaadhiyo horumarka iyo xoojinta dadaalka bulshada ee gobolada SSC. Hadafka, ujeedada, iyo yoolkeeduna waxa uu ku wajahan yahay waxqabadka deegaanada SSH iyada oo leh qaab dhismeed qeexan, hawl wadeeno, iyo dhaqaale aad u liita.â€

 

 

 

Hadafka SSHDA:

 

Hawl iyo wacyigelinta bulshada SSC si loo horumariyo waxbarashada, daryeelka caafimaadka, iyo in wax laga qabto baahiyaha kale ee bulshada ragaadiyey si loo baabi’iyo faqriga.

 

 

 

Ujeedooyinka SSHDA:

 

Qorshaha Dhaw ee 2005-2008 ee SSHDA:

 

 

 

Ballaadhinta awoodda SSHDA iyada oo kor loo soo qaadayo xubnaha hay’adda ee Jaalliyadaha dibadda.

U helidda dhaqaale ay hay’addu wax ku socodsiiso oo joogta ah.

Kor u qaadida wada shaqaynta hay’addu la leedahay hay’adaha caalamiga ah.

Dadku inay hawlaha hay’adda ka qaybqaataan oo talada wax ku yeeshaan si loo abuuro isfaham buuxa oo dadku u yeeshaan hay’adda iyo shaqooyinka ay qabato.

In hay’addu mar kasta raacdo qaabka iyo dariiqada ay ku gaadhayso ujeedooyinka ay u taagan tahay.

In hay’addu hawlaheeda ballaadhiso iyada oo fulinaysa mashaariic ay la kaashanayso hay’adaha kale ee caalamiga ah.

 

 

Hay’adda SSHDA oo lix sano iyo badh jirsatay waxa ay wax ka qabatay waxbarashada. Waa hooyada Waxbarashada dhulkeena. Waxay muddo gaaban heer fiican soo gaadhsiisay dugsiyada sare ee Laascaanood iyo Buuhoodle oo macalimiinta mushahar joogta ah siin jirtay, waxa ay furtay maktabad, waxa ay caawisay Jaamacadda Nugaal, waxa ay dadkii degenaa ka saartay dugsiga Hoyga ee Laascaanod iyo arrimo kale oo waxbarashada la xidhiidha. Hay’addu waxay sidoo kale wax ka qabatay abaarihii deegaanada SSC ku dhuftay.

 

 

 

Hawlaha ay hay’addu gacanta ku hayso ama dhawaan la bilaabayo waxaa ka mid ah:

 

Codsi Mashruuc waxbarasho,

Mashruuca Caafimaadka ee TBda ee Hay’adda Mercy USA iska kaashanayaan, Mashruuca Xirfadaha Dhallinyarada ee Horizonti iska kaashanayaan.

 

 

Waxa soo socda oo la diyaariyey:

 

Mashruuc ku saabsan daryeelka Deegaanka iyo

Mashruuc naafada ah.

 

 

Hay’adda SSHDA waa astaanta rajada, waxayna calaamad u tahay guusha Jaalliyadaha SSC iyo sida ay uga go’an tahay horumarinta deegaamadoodu. Waa dadaal isbiirsaday oo sannado badan lagu soo tabcay iyo shaqo adag oo la qabtay. Guushaas SSHDA iyo sii socoshadeeduna weli waxay si xoog leh ugu tiirsan tahay waxa aynu bixino, waana inagu waajib inaynu u dhabar adaygno.

 

 

 

Si kastaba ha noqotee, hay’adda SSHDA maanta waxaa haysta xaalad adag oo dhinaca dhaqaalaha ah, hogaanka oo dadaal looga baahan yahay, iyo weliba xubnaha oo ka sii jeeda hay’adda. Qofkasta oo inaga mid ah eedda wax buu ku leeyahay. Waa cajiib ah in labadii sano ee la soo dhaafay uu hoos u dhacay gacan ka geysashadeena hay’adda, iyo sida hay’addu iyada oo dhibaatadaas qabta ay guulo dhaxalgal ah u soo hoysay.

 

 

 

Gebogebadii SSHDA wax aynu taro oo ugu yaraan qalbiga ka taageero, ama dhaqaale ku taageero, ama aqoon ku taageero. Waadna mahadsan tihiin.

 

 

 

Warbixintii Jaamacadda Nugaal

 

 

 

Mahdi Warsame (Coonbe) oo ka warbixinaya Jaamacadda Nugaal ayaa yidhi: “ Jaamacadan waxa fikradeeda lahaa koox reer Atlanta ah iyo Adeer Maxamed Askar Galaydh oo labaduba shirkii SSHDA ugu horeeyey ee 1999 la isugu yimid ku soo bandhigay in loo baahan yahay Jaamacad laga hirgeliyo deegaanada SSC. Magaca Nugaal waxaa lahaa ogaalkay adeer Maxamed Askar Galaydh. 2003dii ayaa Guddiga SSHDA ee waxbarashadu ku soo bandhigeen shirkii 4aad ee Atlanta lagu qabtay qorshaha Jaamacadda, guddina waa loo saaray. Ka dib Jaalliyadda Yurub ee SSC ayaa loo soo jeediyey inay Hawlgelinta Jaamacadda qaataan waxayna September 2004 albaabada u fureen Jaamacadda Nugaal.

 

 

 

“Jaamacadda Nugaal waxa ka shaqeeya 15 qof. Waxay leedahay Board of Trustees ama Guddi Ammaano oo mutadawiciin ah. Waxaa Jaamacadda Nugaal gacan weyn ka geystay Professor Yusuf Maxamed Xayd oo buugaag 9000 gaadhaysa gaadhsiiyey, una sameeyey nidaam iyo dastuur ay ku shaqayso, tababarana u furay macalimiintii iyo shaqaalihii Jaamacadda, isla markaana dhisay guddiyo 7 ah oo Jaamacaddu leedahay oo kala ah Guddiga Fulinta, Dhaqaalaha, Dhismaha iyo dhulka, Arrimaha Waxbarashada, Arrimaha Ardayda, Waaxda Xisaabaadka, iyo Guddiga Jaalliyadaha Dibadda. Madaxweynaha Jaamacaddu waa Dr. C/raxmaan Xaji Salax, Waa jaamacad Saddex simisterle ah sannadkii, waxa ay hadda ka kooban tahay laba kulliyadood: Kulliyadda Shareecada iyo Barashada Islaamka iyo Kulliyadda Ganacsiga iyo Maareynta. Ardayda oo gaadhaysa 100 arday ayaa isugu jira kuwo Jaamacadda bilaabay iyo kuwo qaata duruusta diyaargarowga ee Jaamacadda ka hor la qaato. Waxa laga qaadaa ardayga $10 oo codsiga hore ah, iyo $20 bishii oo fee waxbarasho ah. Ma laha Jaamacaddu dad tabarucaad siiya marka laga reebo dhaqaale xadidan oo Jaalliyadaha SSC ee dibaddu u direen mooyee.â€

 

 

 

Caqabadaha Jaamacadda Hortaagan:

 

 

 

Mahdi waxa uu yidhi:†Dhibaatooyinka Jaamacadda haysta waxaa ka mid ah:

 

Dhaqaale la’aan,

Maskaxdii aqoonta ee deegaanka oo noqotay kuwo gaboobay, kuwo muddo badan ka maqnaa takhasusaadkoodii, iyo kuwo ka maqan waddanka,

Garabkii Jaalliyadaha dibadda iyo dadka gudaha oo maqan,

Iyo Hawlwadeenada Jaamacadda laftigooda oo aan samayn xidhiidh dhaxalgal ah oo ay dadka gudo iyo dibadba kaga iibinayaan ama ugu sharxayaan Jaamacadda, xataa webka Jaamacaddu waa meel maran oo xogihii loo baahnaa oo la hayo aan lagu soo bandhigin.

 

 

Baahiyaha Degdegga ah ee Jaamacadda:

 

 

 

Jaamacaddu waxa ay u baahan tahay inay:

 

Macalimiin dheeraad ah shaqaalayso

Qol computero internetka leh u diyaariso ardayda,

Library ballaadhan oo qaadi kara buugaagta,

Buugaag kale oo ah kuwa duruusta Jaamacadda ah hesho,

Iyo inay dhul ballaadhan oo jaamacaddu leedahay hesho.

 

 

Mahdi waxa uu ku celceliyey dawrkii cuslaa ee uu ka geystay Professor Xayd Jaamacadda Nugaal. Prof. Xayd waxaa la odhan karaa waa ninka Jaamacadda Nugaal hiil iyo hooba u huray isaga iyo qoyskiisuba. Mahdi oo taas ka hadlayaa ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa, “ Khayr Alle ha siiyee Professor Yusuf Maxamed Xayd waxa uu mudan yahay inaynu u mahadcelino, waxaa meelo badana laga soo jeediyey in Professor Xayd laga codsado inuu dhaqaale Jaamacadda uga uruuriyo Jaalliyadaha dibadda isaga oo ku wareegaya Adduunka oo ah tallaabo ay guul kaga soo hooyeen Jaamacado kale oo deegaanada Soomaaliya laga hirgeliyey.â€

 

 

 

Dadkii Kale ee Shirka ka Hadlay

 

 

 

Ibrahim Cabdi Maxamed oo ka mid ah odayada Columbus ayaa waxa uu shirka u sheegay inuu todobaad ka dib u baxayo waddankii wuxuuna yidhi: “ Todobaadkan ayaan baxayaa, wixii aad I fartaan ayaan idinka geynayaa, dhallinyaradii shirkan abaabushayna magacyadoodii ayaan rabaa. Waxbarashada anigu waan jeclahay. 100 geel ah ayaan ku yaboohay ninkii yidhi waxaa ka qiimo badnaa kii yidhi, sabeen run ah ayaan ku yaboohay. $100 ayaan dhallinyaradii shirka soo abaabushay ugu yaboohay.†Shirkii ayuuna ku bixiyey Ibrahim.

 

 

 

Axmed Ibrahim Caateeye ayaa isaguna shirka xasuusiyey maahmaahdii qiimaha lahayd ee ahayd raggu waa saddex: Kuwo hawl abuura, kuwo hawsha la socda, iyo kuwo yidhaahda maxaa dhacay oo aan waxba la socon. Kuwa hawsha abuuray waa dhallinyarada, kuwa la socda ee daawanayaana waa inteena shirka joogta, kuwo maxaa la kala maalayaa yidhaahdana Alle inagama dhigo.â€

 

 

 

Abwaan C/samiic Xasan ayaa isaguna gabayo xikmad huwan halkaas ka soo daayey, waxaana ka dib microfoonka lagu soo dhaweeyey Abwaankeena, macalinkeena Cali Mire Cawaaleh oo runtii khudbad aad u qiimo badan oo dhinac kasta taabanaysaa halkaas ka soo jeediyey. Cali waxa uu yidhi:

 

 

 

“ Raggu waa lix: Nin rag ah iyo rag kalkaal, Rife(Mucaarad) iyo Rife kalkaal, Qundud (meesha kama tage waxna kama tare) iyo Qundud kalkaal. Horaa loo yiri, Ruqo ninkii lahaa dabada hayo ma kacdo. Haddii aan la istaageerin lama horumaro.â€

 

 

 

Waxa uu Cali ku dheeraaday qiimaha iyo dawrka haweenku ku leeyihiin Bulshada oo runtii aad iyo aad looga helay, kaftan badana ku jiray, wuxuuna yidhi:†Haweenow mar kasta idinkaa horeeya ee ha isliidina. Dagaalkii Leegada haween bay ahaayeen kuwii dahabkooda iibinayey. Maanta haweenku hawshan ha isu taageen oo dhaqaalaha ha soo uruuriyeen.â€

 

 

 

Halyeygeena Cali Mire waxa uu goobtaas ka tiriyey oo ku soo gabogabeeyey Gabayga MAQAL OO OOY iyo sidii uu magaca kula baxay iyo wixii ku kalifay inuu tiriyo. Waxa uu sidoo kale ka sheekeeyey heestii SOOMAALIYEEY TOOSOO iyo midhaheedii qiirada xambaarsanaa.

 

 

 

Sawiradii shirka

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ahmed M Hassan

 

Radiossc.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abaadir   

Gobolkasta ma jaamacad baa laga furayaa? may is bitaalo ka furaan. Abaartaan iyo colaada meel kasta ka taagan yaa wax baran kara.

Share this post


Link to post
Share on other sites

To abaadir, las anod is not anywere. It is the center of a vast region that could greatly benefit and despretely needs this kind of institution. As a region neglected by every administration to have come through Somalia, such signs of self help by the people of this region to educate their children should be encouraged and not belittled.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Zafir   

^^Pointing out the obvious belittlement miyaa? The entire world knows this institutions is not based on helping a community, it’s based on the grounds of envy. Hargeysa has a university; mugadishu has a university, oo maxaa anaga no diidey? Were the motivating tools used to acquire donations sxb. Constructive thoughts la imoow before you yap away sxb.

 

Ask your self this: would I go to school if I had a terminal illness? Health comes before everything young lad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Any initiative by any Somali region to improve its state is met up with negetivity from Somalis from other regions. envy? afraid of being outdone? probably. I don't know what this project entails but I think when people take steps in the right direction we should all be happy for them. Zafir are people from this region more terminally sick that those in other regions of Somalia? I don't think so! so please dadka ha cunin!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maf Kees   

This is at least money that didn't go to litres of cinnamon tea at Starbucks or the latest nikes for the juniors. Was the motivation to build this institution built on envy and jealousy? Maybe so. But does it really matter? And is it fair to these people to single them out? I donated to Hiran University and East Africa University in their endeavours to collect money from diaspora communities. Never did it cross my mind that the motivation behind it was "kuwa-kale-ka-gaar". And why should I, who cares really? It's a positive development at the end of the day and we should be happy that our country Somalia is being built by the people itself.

 

Otherwise we could call all new Somali universities: copycats of Amoud.

 

Question: Why is it called Nugaal University? Isn't it in Sool and not Nugaal? I think it's confusing. Why not Sool Uni?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Zafir   

Ina Kong,

 

Soon as I read “dadka ha cunin†I pictured a table, on it was a women (presumably you) medium fries and a diet coke. That’s just my hunger talking, please don’t mind. :D:D

 

Now I think you might have taken my words out of context just a tad pit, and now that I have re-read what I wrote I believe I have done the same to the poster above me. You see, competitiveness is a good thing, but to say they have this and that, how come we don’t? Isn’t the right approach or logic, the year 2001 I believe Kuwait donated skill training equipment to the Bari region. They opened up Jaamacada Farsamada and the only people that attend that university is what they (the Bariners) consider the lower class citizens. They are too good for it otherwise. You see, it is that ridiculous thought process that drives 14volt drill into my skull, you would assume people might have changed by now, but with us it’s an endless rd with no change on the horizon.

 

If encouragement is what is required; then they have mine, so be it. Hope it bares fruits for the sake of the young and helpless

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Zifir

 

You should think twice before you say something, saying

Hargeysa has a university; Mogadishu has a university, oo maxaa anaga no diidey?

 

I didn’t understand why single out Nugaal University, while we can same about Hargeysa University, Mogadishu University, and East Africa University

 

You seem that you don’t appreciate the positive development whatever the motive maybe.

 

The fact is competing universities/hospitals are better than rival warning tribal factions

 

Although, I attended several fundraising events for Somali universities like East Africa University, Burco University, and most recently Hiiraan University.

 

I believe we should focus on the bright aspect of the benefits of these institutions, its not good to be always suspicious of the work of others

If encouragement is what is required; then they have mine, so be it. Hope it bares fruits for the sake of the young and helpless

Good point

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Farah Blue

Question: Why is it called Nugaal University? Isn't it in Sool and not Nugaal? I think it's confusing. Why not Sool Uni?

Don’t be confused sxb, whether it is Nugaal Univ, Sool Univ, or Laascaanood University it is same think

 

Although Nugaal is the name of province in Somalia, But Nugaal province was named after the larger Nugaal region (ama dooxada nugaaleed).

 

Sub-divisions of Nugaal region

BURTINLE

EYL

GAROOWE

LASCAANOD

TALEEX

XUDUN

 

 

link.jpg

I hope, I clarified the misconception

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Question: Why is it called Nugaal University? Isn't it in Sool and not Nugaal? I think it's confusing. Why not Sool Uni?

Daanyeer, most current degmooyin of Sool, including Laascaanood, was part of Nugaal gobol as as recently as 1988 or '89. Sool was the last gobol la dhiso by dowladii dhacday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Zafir,

 

It is interesting to know you eat happy meals lol. I deliberately turned the tables on you because you were being unduly harsh on Naxar Nugaaleed. However, I still see that you are stuck on the competition theme in your second post and contrary to what you said I don't think competition is healthy at least not at this stage in Somalia a country ravaged by war. I guess when one has parents who try to influence what kind of career choices to make because one day we may eventually go back to our native country and help our people, one tends to be less suspicious of other people's intentions and why they do the things that they do. So my brother Zafir lets make excuses and not judge others for their positive efforts.

 

PS. what do people usually study at Jaamacada farsamada? I'm totally clueless, perhaps that might explain why the "higher class" people do not attend it. It is very nice to know that you care about the young and the hopeless. Mansha allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Zafir   

Your arm twisting persuasion worked, I shall not question the motives of a positive effort.

 

Now “Farsamo†is anything that done with bare hands

Fuundi

Sharqaanle

Construction

Mechanic

Painting

Carpentry

Electrical

Trowel

Plumbing

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jamster   

Actually; the last gol was Awdal and Sool has become a gobol in 1986.

 

On the issue at hand-- the most of the nugaal valley runs through Sool region.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this