Sign in to follow this  
Jacaylbaro

DIIWAANKA QOSOLKA

Recommended Posts

Nin badow ah oo dhawr sannadood magaalo ku noolaa ayaa qolooyin qaraabadoodu ay casumeen oo cunto kala nooc nooca u keeneen ka mid ahaa. Markii bariis iyo hilib la isla dhacay ee laga haagay haqab-tir ahaan, ayay u soo dhigeen macmacaan ay ku jiraan nooca loo yaqaan "Jelly". Sida aynu ognahayna Jellyadu way yara dhaqdhaqaaqdaa xataa markay iska taallo oo waxaad arkaysaa sidii baruur jaas ciyaaraysa dubaaxinteeda.

 

Dabadeed waxaa dhacaysa in mar walba ninkii ay qoladii qaraabadu yidhaahdaan waar bal cun alaabtan macaan. Mar walbana isagu wuu is dhaafiyaa, isaga oo leh "Waan u iman doonaaye horta aan hilibka ka haago." Markuu hadalkaa leeyahay il-qoodha ayuu ka eegayaa macmacaanka sidii inan yar oo intuu bisad uu ka baqanayaa ay guriga joogto oo la yidhi wax cun.

 

Markii uu qadadii si fiican u dhammaystay ee uu soo faraxashay ayay ku yidhaahdeen iminka haddaba iskaga deji, haddana wuu iska dhega-maray, isna dhaafiyey oo hadalkii sii watey.

 

Markii danbe ayay qoladii wax casuuntey ka hadhi waydey oo ku yidhaahdeen " Waar waa fiitamiin miidhane cun". Daadeed inta uu si niyad ah u soo boodey ayuu yidhi "Waar isagaa isku taagi lahaa fiitamiinkiisa ee bahalka macmacaan lahaane i waydaariaya!"

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ninkii Qaadka ee Transitka ahaa

 

Nin reer Berbera ahaa ayaa Qaadka si xun u jeclaa. Wuxuu kale oo ahaa nin aad uga muxtarim ah bulshada dhexdeeda, gaar ahaan magaaladaasi Berbera ee uu ku nolaa. Haddaba waxaa dhacaysa in ninkan odayga ahi uu maalin maalmaha ka mid ah uu Qaad guri soo dhiganayo, si uu ugu soo noqdo qadada ka dib. Iska cun qadadiisii, waxaanu ku soo laabanayaa halkii qaadku u sii yaalley. Iyada oo aanay ka qasnayn oo sahii qaadku hayo, una sii miliqsanaya oo iska foodh foodhyaya, ayuu imanayaa gurigii uu qaadka sii dhigtay. Waxa wejiga ku dhufanayaa gurigii oo quful weyn oo aad u ballaadhan lagu jebiyey!!!

 

Inta uu aad u naxo oo is hayn kari waayo, ayuu guriga gidaarkiisii dhabanka saarayaa bal si uu u dhegaysto inay guriga cidi ku jirto iyo in kale. Illayn waa nin Qaad hayaaye wuxuu is tusayaa gurigii oo lagu dhex jiro oo laga dhex hadlayo oo isaga mala-awaalkiisa ah. Gurigani waxa uu ka mid yahay guryihii yaryaraa ee sekedaha ku yaalley (amaba dhowr guri oo isku dheggan). Dabadeed wuxuu tegayaa gurigii ugu kooneeyey ee sekedda ku yaalley oo uu gidaarkiisa fuulaayaa. Wuxuu rabaa inta uu derbigii laynka ahaa ee guriyahaas oo dhan ka dhaxeyn jirey soo fuulo markuu dhowr guri soo dhaafo uu gurigii uu rabey daaradda ugaga soo dhaco, maadaama ay guriyahani leeyahiin daarad u bannaan hawada; kulka aawadiis.

 

Haddaba waxa dhacaysaa isagoo ku gurguuranaya derbigii ay lahaayeen reerihii kale ee gurigii uu ku socdey ka kooneeyey, ayaa markuu laba guri dhaafo, isagoo maraya gurigii saddexaad oo aan weli gaadhin gurigii uu rabey, uu ka soo dhacayaa derbigii. Halkaasuu sidii bombka ugu soo dhacayaa guri ay leeyihiin reero qalaad oo aan ahayn gurigii uu ku socdey. Nasiib darro waxaa dhacaysa in reerkii uu gurigooda ku soo dhacay ay deg-deg ugu soo cararayaan dhinicii daaradda bal si ay u ogaadaan maqaadiirta ku soo habsatay xaafaddoodii. Waxa indhaha qac lagu siiyey ninkii oo daaraddoodii jiifa oo dhinacaa is haya xannuun dartii, il-qoodhana ka eegaya dadkan ku soo buuqay oo uu xishoodna dhinac kaga jiro, isagoo maskaxdiisa boqol jeer u kala tirinaya Qaadkaas markiyey waxaas oo foolxumooyin ah.

 

Haddaba waxaa dhacaysa inay gartaan carruurtii qaar ku soo xoomay oo ay yidhaahdaan,"Allah, oo waa hebele!" iyagoo ay wejigooda yaab fara badani uu ka muuqdo. Markaa intuu naxo illayn waa nin weyn oo khashifmaye, ayuu odhanayaa si xanuun leh; "Aaaa, Aaaa, Aar waa Hebeloo Transit ahe", isagoo u jeeda inuu sidii diyaaradahii intay meel ku sii nastaan ku ahaan jiray transitka. Micnihii idinka idiinma aanan socone gurigaa kale ayaan ku socdaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wali waxaynu ku guda jirnaa Maansooyinkii qosolka iyo Maada iyadoo ay inooga horraysii tii Warsame iyo Warmooge, Ayaa Cabdiraxman Ibraahin Abees oo isna abwaan da’yar ah oo joga dalka ingiriiska ayaa saaxiibkii oo isna la jooga la talinaaya oo Maansadii Sirta Nolosha ee hadraawi ee ahayd,

 

marka hore sariir raadi,

sali iyo furaash dayday,

saddexdaba hadad weydo,

lama seexan kari waayo

 

Hadaba waxaynu eeganaynaa sida farshaxinimada leh ee uu baddalay Maansadii waxanu odhanaaya Abwaan Abees sidan

 

Marka hore sucaad raadi,

Samsam iyo ruqiya dayday,

Saddexdaba hadaad weydo,

Lama seexan kari waayo,

Single momtu Ceeb maaha

 

dabeed saaxiibkii ayaa taladii qaadanaaya, oo waxa uu u dhaqaaqayaa sidii uu u raadin lahaa Sam iyo ruqiya marka uu ku salaaxi waayo, ayuu single mother isku tuurayaa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Originally posted by Jacaylbaro:

Marka hore sucaad raadi,

Samsam iyo ruqiya dayday,

Saddexdaba hadaad weydo,

Lama seexan kari waayo,

Single momtu Ceeb maaha

:D Ururka Single Mothers ee Toronto ayaa ku raadinaya,,, :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nin reer waqooyi ah ayaa guursaday Gabadh reer koonfureed ah, dabadeedna dib oogu soo laabtay dhanka Somaliland.

 

Mudo ka dib ayaa xaaskisii tell u soo dirtay oo u sheegtay inay umushay, Wuxuu ku yidhi Maxad umushay waxay tiidhi Igaar!!!! ninkii baa garan waayay Igaar, markaasuu saaxibkii oo aad u qal qaali ahaa yidhi waar heedhe Igaar bay naagtaydii umushee igaarku waa maxay,

 

Kii baa yidhi inaaalilaah waar ka baxso meesha naagtu mas bay dhasheeeee :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

3 nin oo reer waqooyi ah baa bari koonfur u dalxiis tagay, way siii qayileen Baska dhexdiisaa, gobolada dhexe markay marayaan bay laba hurdo dhaceen.

 

Midbaa gami waayay, markuu Jawhar agteeda marayo ayuu arkay kuwa san wawayn oo wadada hareeraheeda alaba ku iibinaya, ninkii wuxuu is yidhi deee dadkani somaliba uma eekee, malaha wadankiiba waad dhaafteen.

 

saaxiibaduu buu kiciyay waar kaca waar kaca, waar maxaa dhacay, bay yidhaahdeen intay tooseen, "Waar xuduudii baynu dhaafnay" buu ugu jawaabay .... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this