galbeedi

Farmaajo must change direction and form a new government to salvage the two remaining years.

Recommended Posts

gooni   

Muqdisho haddii lasoo hadal qaado in caasimadda laga bedelo waxaa mar qura qalbiga agoontii kusoo dhacaysa xoriyadii beeshu usoo martay ama wayba dhalaali sidii baraf worax ah la dhigay.

Haddii la yiraahdo caasimad soomaaliyeed ha noqoto sidii ay ahaan jirtay berigii horena, waxaa imaanaysa in, wacyi gelin dadweyne bilaabato iyo gumaysigii baa nagusoo noqday ama hurdada halaga kaco.

Aad bay u wanaagsantahay in la helo caasimad cusub oo dad xadari ah ku noolyihiin sida baraawe iwm.

Waxyaabaha aan aadka ula yaabay waxay tahay, waxaa la waraystay taliyaha guud ee ciidanka df  sareeya gaas indho qarsho waxaa laga waraystay godoodka ciidanka iyo cabashadooda.

Waxaa la waydiiyay maxaa ciidanka gadooday isku lahjada ka dhigay aaway ciidankii isku dhafka ahaa ee ahayd inay soomaaliya yeelato?

Wuxuu ku jawaabay ciidankaan wuxuu qaataa 130$ reerkiisana lagama fogayn karo si uu meelaha uu yaqaan uga qaraabto waa inuusan beeshiisa ka fogaan.

Macquul ma noqon kartaa ciidan qaabkaas lagu dhisay in calanka soomaaliya garabka loogu dhejiyo oo lagu sheego ciidan qarran?

Ciidan wax yar baa iiga bilaaban siiba qaabkii kuwii hore u shaqayn jireen.

Wuxuu sheegay indho qarsho in halkii askari oo dagaal ku jira uu u baahanyahay shan askari oo taakuleeya sida sida  kan saadka, dhakhtarka kan lacagta iwm dhaqaalena looma heli karo.

Inta aan waxaasba la isla gaarin ma la is waydiiyay waakee askariga u baahan inuu helo shan taakuleeye?

Ma midkaan uu ku sheegay inaan beeshiisa laga fogayn karin yaa shan askari oo taakuleeya usii baahan iyo qarash kaloo hor leh?!!

Inqilaabkii ssdf askartii dawladda la dagaalamaysay qabiil ma lahayn saraakiisha mooyee, waxay qaateen amarkii taliyahooda markuu fashilmayna sargaal mooyee ciidan amar qaatay cidina lama xisaabtamin mid walba xeradiisii buu ku noqday

Askartaan gadooday aaway saraakiishoodii?

Askartu waxay ku shaqeeyaan sharci ciidan oo aad u adag waxaana laga saxiixaa intuusan qorran, lakiin mid tv ka leh (aryaa raysul wasare xow ogyahay mukayfow isaga dhex fadhaahe, ebaa ogaa mihiisaan uga tagaa)

Aragtidayda waxaasu ciidan noqon maayaan waa in dib laysugu noqdaa dhoodhoobka waxaa ka fiican in yaroo oo ciidan ah, oo somaali oo dhan ka kooban oo tayo leh,oo la baro sharciyada ciidanka iyo sida ciidan u shaqeeyo labadaba.

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Did someone ever post this on site where Farmaajo or his internet army can see it?

His government seems in ICU of politics. Intensive care not Islamic courts.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Farmajo waxaa macnaha wayn u samaynaya ma'ahan meeshaad ka fiirinaysaan

Waa qaylada iyo qaylo dhaanta ka baxaysa tuugo  dawlad la'aan ku naaxay.

Iyo gooni goosato daciifnimadda umadda soomaaliyeed, aqoonsi ku doonaysa.

Waa labada kaliya mucaaradka ku ah intaan afka duubnayn.

Shacabku ayagoo maydkooda aasaya bay akhrin karaan meesha miinadu taalo awoowe dadku "qabbi" ama wax garato ma'ahan.

Tuuganimo iyo inuu lacag ka sameeyo dad faqiira ama Airport'ka hortiisa guryo shuba ka taago, loogama fadhiyo adeer.

Xaqul qallin soomaali maqasho waxaa ugu horeeyay maamulka snm iyo imaaraadka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dalmar1   

@galbeedi ignore this ignorant gooni, he just like his clans-men that were raised on the xaraam booli qaran/Nepotism see farmaajo as their messiah afweyne 2.0 that will bring back their booli qaran status, which is why they are so eager in defending him from all critics, and by the way their Booli Qaran status will never return again.

 

As for farmaajo failing politically its all because of his arrogance in assuming that he a non native Mogadishu that hails from the poorest starved region GEDO in Somalia and his PM Kheyre a langaab from a tiny district Dayniile in outskirt of Mogadishu (and btw Kheyre's clan are so tiny that from all of Somalia they only have Dayniile and nothing else) can rule Mogadishu from those that have actual influence like Reer Galmudug who rule whole of Galmudug/S-Hoose and Half of Banaadir.

Somalia is still very much tribal, and there will be cold in hell before someone from langaab people that hail from one of the poorest region Gedo in Somalia will rule the Rich Native Mogadishu, so long Reer Galmudug are breathing they will forever make sure Afweynes orphans will never rule or struggle ruling  Somalia inshallahi.

 

  • Haha - That was funny. You made me laugh! 2

Share this post


Link to post
Share on other sites

@Dalmar1

take it easy on @galbeedi too often his emotional outbursts shroud his critical thinking capacity. I know he is capable of analysing things objectively but he won't admit to that. :D 

If you compare his most recent posts to those from just a year ago, it is farcry. He is slowly moving towards reality. 

The fundemantles in South Somalia have not changed. Of all the phantom foreign installed gov't in Mogadishu, Cheeseman's is the worse. 

The first 2 years of any new gov't is mostly related to finishing the previous gov't projects and plans. The new regime's policy is mostly take effect in the second half of the second year onwards, that is if they hit ground running and don't waste time. 

In that regard, anything that Cheeseman may claim in the last 2 years, is in fact HSM's projects just coming to an end or fruitation. 

If you read Heritage Institute's score card which is based on the 2017 London Conference agreements, Cheeseman has failed all but one category - revenue generation. 

Even with revenue generation, the people of Mogadishu are feeling being taken for a ride. They are paying tax, but they are not getting anything back i.e. bombing have increased, insecurity is at its worse.

That is the reality that @galbeediwill want to sweep under the carpet and think people will not see. 

 

 

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Odweyne

Farmaajo haduu marti yahay maxay u qaylinayaan dakuu martida u yahay, martida soo tii aamusnaanta loogu adeegi jiray?

Riyaale madaxweyne uma noqon snm, umana noqon karo, adeer soomaalidu waa jufooyin is yaqaan, waxyaabahaas luuqadda ingiriiska ku qor si ay aqoonsiga qayb uga qaadato. 

Sadexda xusbi ee snm markay isku sigteen, yaa odoygii ugu caqli badnaa ku taliyay inay ushooda u dhiibtaan nin ay ka qaadan karaan oo aan meel fog la'aadayn.

Maantana waxaad nooga dhigaysaa in snm cid beesha dhaafsan usoo talisay.!

Way dhisan karaan hargaysa wayna joogi karaan sababtoo ah mashruuc kasta oo dal lagu burburinayo ama lagu dhisayo waa inuu marka hore xafiis ku leeyahay meesha shaqadu ka socoto.

Dalmar awoowe jaahil waxaa lagu tilmaamaa ninka 2019 aaminsan laandheere, 40 sano oo geesaha loo kala saari waayay beelweynta reer canbe dhuuq miyaysan nagu filnayn? Mise wali waxbaa dhiman?

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Odweyne

Arinta riyaale haku fogaan walaal, waa wax la wada ogyahay nadaamka meesha ka jira inuu qabiil hogaamiyo

Doorashaduna qabiil salka ku hayso

Xusbiyadana lagu aasaasay mujaahid beena iyo jufooyin is leh.

isku haynta reerka hadii loo codeeyo, macnaheedu ma'ahan inay hargaysa Malta noqotay.

Gadaal waxaa ka taagnaa jufooyinka dhexe in kastoo uu ku yara adkaaday afartii sano ee dambe asagoo ku leexday jufo xurguf ka dhaxayso kuwa kale wuuna ka fara qabsaday sidaan maqlay allahu aclam nin sahlan ma ahayn.

Martinamda saxdaa waa taas walaal ninkaas si fiican baan u sooryaynay ku dood balse madaxweyne qaran buu ahaa wax qof somali ah laga gadi karo ma'ahan.

Farmaajo waxaa ka horeeyay madax badan oo qaarkood aad u aragto in marti loo yahay oo beeshoodu degto waligoodna maysan tagin bakaaraha maxaad asaga ugu diraysaa?

Xaqiiq baan rabaa inaan kuu sheego markaad marqaan jabto akhri 

Farmaajo waa nin daacada waxayna keentay in la helo sumucad wanaagsan iyo soo kabasho muuqata

Taasina waxay naxdin badan gelisay danaystayaal aan calooshooda dhaafin iyo gooni goosato ictiraaf ku waashay.

Bal is waydii beel gooni u go'day ama tashatay ictiraafkiina wax yar uga dhiman yahay maxay farmaajo ku mucaaradayaan oo ka dhaxeeya?

Farmaajo waxaa la tartami kara doorashada soo socota nin cusub oo aan la aqoon, balse kuwii horay noo soo maray kuma jiro nin dhaama qaabka maamul dawladeed, tuug iyo qabiilaystana ma'ahan, 

Dhanka amniga dadka amniga loo doonayo waa inay marka hore ayagu amni rabaan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Muhiimadu ina adeer iyo farmaajo ma'ahan walaalo.

Muhiimaddu waa in la helo  madaxweyne kasii fiican farmaajo, wadaniyad, cadaalad, sinaan iyo horumar noo horseeda kaasaa ina adeerkay ah.

Albaab xiran (xidhan) oo furihii lagu furi lahaa daxalaystay nadiifin ka dib ninba in buu wareejiyaa awoowe.

Marnaba lagama yaabo inaan beel la aqoonsan waayay ku indho madoobaado sidaadoo kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Dr.Odweyne.

Aragtidaada kowaad iyo labaad waa isku macne

Aragtidaada sedexaad iyo afaraadna waa isku macne sidoo kale.

Mid waad ku gar leedahay oo ah, tan sedexaad mar hadaysan jirin dad isku waafaqsan dawladnimo in qarran loo geeraaro waa khalad waan kugu waafaqsanahay.

Tan afraadna waa isla ayadii hadii la waayo dadkii isku waafaqi lahaa, aayaha dalkooda iyo dadkooda gumaysi waa lama huraan iyo in loo taliyo.

Hagaag...

Marka ugu horaysa haka saarin gobolada waqooyi inaysan ka mid ahayn qaranimadii fashilantay  sababtoo ah, hal madaxweyne yaa naga geeriyooday, anagoo dal qura ah waana arrintaas waxa aduunka noogu kaydsan..

Hadaad doonayso inaad hadalkayga xaqiiqsato qof kastoo ajnabi ah oo ku waydiiya jinsiyadaada ama dalkaad u dhalatay asak ahaan waxaad ku tiraahdaa (somaliland).

Wixii kaaga soo baxana nala wadaag adigoo mahadsan oo daacada.

Hadii ay doodaadu tahay beelaha kale waan ka fiicnahay oo maro cagaaran yaan towxiidkii ku qortay, waa mowduuc kale.

Qarran markaad si fiican u baarto waad ogaan kartaa macnihiisa dhabta ah, adigoo ka fogaanaya khiyaali iyo is yeel yeel.

Kun jeer ka badan intaan ku sheegay inay erayga qarran snm ciyaarta ka dayso hadii kale wuxii ka mid noqonayaa erayada qiimo beelku ku dhacay ama lumi doona mustaqbalka dhaw. 

Koonfurta waqooyiga bari iyo galbeed ha iska kaashadeen inaan eraygaas la isticmaalin inta sidaan xaslku yahay.

Farmaajo

Macno wayn ma leh inuu xamar sii joogo haduu kursiga ka dego.

Xamar majiro nin laandheere nimo ku joogi kara nin walba oo siyaasad soo dhex galay asaga iyo xaaskiisa waardiyaa u dhaxeeya.

Dagaalkii qabiilku afkuu ku haray muqdisho wiil yar oo dhawr iyo toban jir ah oo gobolada kale ku dhashay yaa madaxa dadka ka toogta reerkuu kasoo jeedana cidina mag uma raadsato kamana aar goosato sida hargaysa.

Arrinta aad fahmi la'dahay waxaa weeyaan markii lagu heshiiyay fedaraalninada, Muqdisho waxaa hoy looga dhigay goloyaasha dawladda waxaana loo sheegay dhamaantood inay marti u yihiin beeshii taabsatay muqdisho 1991kii

Aan kusii fahamsiiyo waxaa la doortay ilaa shan madaxweyne oo la is lahaa gobolada kale ha joogtee, bal muqdisho un ha mideeyeen, waxay bilaabeen dhaqankii hore oo ay dawladnimadaba ku diideen oo ahaa dhul boob suuq madaw iyo dhaqaale samayn.

Tusaale 

Xaaji muuse suudi yalaxow waxaa laga furfuri la'yahay maalmihii kasoo dhaafay, xeradii Miranaayo ee ciidamadii badda soomaaliya.

Xamar maanta waxay qarka u saaran tahay inay soo noqdaan hogaamiye kooxeedyadii dagaal faraha looga gubtana ka dhaco dhulkii hantida guud.

Dhanka kalana waa senator aqalka ugu sareeya soomaaliya fadhiya looguna talo galay inuu la xisaabtamo wixii maamul xumo yimaado.!!!

Awoowe is waydii dhawr su'aalood kaligaa intaadan odhan farmaajo waa fishilmay

Kow

Ciidankii federaalka lagu magacaabay oo lasoo dhisayay sanado badan ka hor ma beel baa lagusoo dhisiyay mise somaali oo dhan buu ka koobnaa?

Beel bay ahaayeen walaal, waxaana lagu macneeyay shaqo abuur si ay qoysaskooda u masruuftaan kii dhul lagu qabsadana u difaacaan.

Labo soomaalidii kale waxay go'aan ku gaartay inay meesha ay deggan yihiin callan qabiil ka taagtaan oo snm ka mid tahay, inta gumaysi fiican laga helayo taasna is waydii inay jirto iyo in kale.

Adeer fashilku waa labo

qof fishilmay iyo qowm fashilmay.

Farmaajo shakhsiyan nin toosan oo qoyskiisa ku filan caruurtiisa u xamaasha buu ahaa sidaan maqlay.

Waxaad inkirsan tahay oo aad goobo goobanayso waa inaad ka hadasho qowm fashilmay oo beeshaad u heesayso, ugu horayso.

Intaad qoraxda istaagto markii madaxu yara kululaado ruxrux waxaa laga yabaa in xidido kaa dansan iminka ay kuu shaqeeyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Awoowe aragtideenu waa kala gaar, waana kugu ixtiraamayaa, sababtoo ah adigay gaar kuu tahay.

Wax lagaa faa'iidayaana ma jirto haba yaraatee, oo aan ka ahayn inaad snm si un dacaayad ugu samayso.

Qowmiyadda carabta waxaa mideeya luuqadda oo kaliya

Diin, mad-habad asal ama isir, dhaqan, wax walba way ku kala duwan yihiin ayagoo ogna waxay isugu yeeraan "carab"

Ingiriisku wuxuu uga tagay xukaamkii markii hore la shaqayn jiray oo ahaa shiyuukh al-cashaa'ir, ama badaw ha ahaadeen ama xadariga bad joogtaa ha ahaadeene.

Mid walbaana waxay leedahay maalin iyo sanad gaara oo xoriyadooda iyo callankooda ay ka qaateen ingiriiska.

Halka soomaalidu callan qura ku midawday dawladna ku noqotay waligaa ha is barbar dhigin qowmiyadda carabta iyo qowmiyadda soomaalida wax shaqo isku leh ma'ahan.

Kuwa waqooyiga afrika sidoo kale inkastoo xataa lahjadoodu aad uga adagtahay marka laga reebo masar  

Hadayssn khafiifin luuqadoodana aysan is famiba karin kuwa kale, isir ahaan waa dad aan is lahayn markii lasoo koobo.

Somaalidu waxay wadaagtaa midab, luuqad, mad-habad, dhaqan iyo wax kastoo hal qoys lagu garan karo.

Mushkiladda hal qoys dhex martana way ka dhib badan tahay tan dad aan is lahayn dhex marta.

Qabiilka carabtu siday u isticmaasho

Beeshu haday konton qoys ka badato (waa qoys ma'ahan abtirsi) shaqo iskuma lahan waxaana laga yaabaa in beesha uu magaceeda wato ay ka badan yihiin toban malyan oo ku kala nool shan dal.

Soomaaliduna markay boqol iyo konton wado oo ay garan waydo meel ay kusoo afjaraan bay banuu haashim iyo jaabur ismaaciil ku istaajiyaan.

Usoo noqo mwduuca

Marka ugu horaysa waxaan rabaa inaad fahamto aqoon iyo takhasus aan soo bartay kuu sheegi maayo waa aragtidayda kaliya.

Qowmiyaddu, qarankay dhashaa, qarankuna dawlad.

Qowmiyadii soomaalidu way jirtaa laakiin waxaa laga waayay dhal ama awlaadii dawladda u dhali lahayd,si ay qowmiyaddu awoow u noqoto

Wax walba duco iyo daawo, bay leeyihiin

Ninbaa gabar guursaday hadda ka hor waxay is qabeen dhawr iyo toban sano wax dhal ama awlaada waa iska waayeen.

Dhakhtar kasta daawadiisii waxba way ku tari wayday, waxaana loo sheega inay labaduba caafimaadkoodu wanaagsan yahay oo aanay jirin sabab ay sheegi karaan. 

Dad nolosha isku dhaw oo aan kala maarmi karin way noqdeen haday kala tegi lahaayeen.

Maalintii dambe bay waxay u tageen dhakhtarkii ugu dambeeyay ayagoo soo ducaystay

Wuxuu isku dhuftay xisaab 2+2 maalinkay diyaar tahay gabadhu, asaguna diyaar yahay, waxay ku aadan tahay maalinta afraad.

Hagaag isniinta soo socota labadiinuba guriga haka bixina yuu kula taliyay, si shiishku u qabsado meeshii loogu tala galay. 

ilaahay mahadi afar iyo toban sano ka dib bay barteen in ducada iyo dadaalkuba wada socdaan mar walba, awlaadna ilaahay baa ku risiqay.

Waxaan ula jeedaa qisadaan aqoonsiga la waayay waxaa ka dhiman xisaabtii dhakhtarka oo ay ahayd in koonfurta iyo waqooyigu ducaystaan una tagaan dhakhtarkii ugu dambeeyay si awlaad barakaysan loo helo.

Rajadii iigu horaysay oo ii gasha shakhsi ahaantayda in soomaaliya dawlad noqoto waxay ahayd maalinkii cabdi qaasim la doortay, xaqiiqdii wuxuu lahaa haybad, cod karnimo iyo aqoon diin intaba.

Shabaggii reerkiisu u dhigay intuu jabuuti kasoo socday buu asagoon nasan ku dhacay waxayna dantu ku khasabtay inuu daaqadda ka boodo wixii gacan qabsi ah oo agyaalana uu horay usii qaato ilaa qaahira.

Dawladda farmaajo waxay dhaqaajisay arimo badan oo ay ku dhiiran waayeen kuwii ka horeeyay

1- Waxaa ka mida xarigaan ay snm       iska jiidanayso in meel loogu xiro si aysan usii fogaan ama usii habaabin.

2- Waxaa ka mida haybad, dawladnimo lagu yaqaan oo ah inay dawladaha qaarna isku dhacaan qaarna isku dhawaadaan ayagoo maslaxdooda fiirinaya

3- Waxaa ka mida barlamaanka inta aan quality'ga lahayn inay saxaafadda ag joogaan

4- waxaa ka mida in masuq maasuqa laga baqo

5- waxaa ka mida in askartu aysan sadex mushaar ka qaadan sadex jufo oo kala duwan oo diiwaangelintu noqoto cadawga tuugga.

6- waxaa ka mida inay gaal ingiriis asalkiisu yahay u sheegaan inuu dalka isaga baxo oo uusan xaq u lahayn inuu arimahooda gudaha fara gelin,

Aqoonyahan badana aaminsanaayeen in irsaaqadii dalka alle u qoondeeyay hadii ingiriis ka cayriyo ay go'ayso.

7- in la helo sumucad wanaagsan oo ah dad gaajaysan see lacag "cash" ah ugusoo bandhigeen saxaafadda caalamka si dalkooda aan loo fidnayn.

8- waxaa ka mida in passport soomaaliga midawga yurub laga aqoonsado.

9- waxaa ka mida inaan ka hadalno in daymaha nalaga cafiyo si loo helo lacag tayo wanaagsan iyo bangi dhexe oo shaqaynaya.

10- waxaa ka mida in la helo madaxweyne wasiirkiisa kowaad u ogol inuu shaqadiisa guto.

Haddii lasii wado wax qabadkii labada sano ee farmaajo, qaadkaa naga dhamaanaya.

Arimaha gudaha

Waxaa shaqaynaya daba dhilif u adeega shisheeye mar shaati diimeed xiran, mar shaati qabiil, mar shaati aqoonsi iwm ayagana waa laga gudbi dhawaan insha allah

Tan jabuuti

Qowmiyaddu waa faras ama xusaan, xoog badan, quruxdiisu waa dawladnimo xoogiisuna waa midnimo, orodkiisuna waa dadaal.

Balse haduu dhabarka ka jabo macno samayn mayso inaad indho kuul u mariso ama u shanlayso waxa aad ku sheegayso somaliland iyo jabuutina waa sawirkii faraska oo aad indhaha kaliya nooga sawirayso.

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Waa hagaag saxiib adna qodax kuma mudo, balse aqoon sadex habrood lagu kala celiyo waa tacab khasaar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.