Sign in to follow this  
Nur

Camelot!

Recommended Posts

Maf Kees   

xiinfaniin, please continue!

 

Originally posted by AYOUB_SHEIKH:

Xiin

Here's a little task for you, most of these poets named their favourite camels, care to name some the beasts?

I cannot believe what I'm witnessing. I can actually answer this question. Didn't the poet Cali Dhuux frequently talk to his favorite camel Cartan?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by xiinfaniin:

Where's Alle-ubaahane
:D
? i tought you were gonna take my artistic dual, saaxiib.

 

Awoowe soo noqo, oo adoo gabay wada soo noqo
:D
!

War waa i kanaa, ehehehehe, iga raali ahow waan yara mashquulsanaa baryahane! Awoowe, waxaan la yaabay sida goobtii suugaanta naloogu cidleeyay, mise wax kale ayaa jira, oo dadkii baa gartay inaan fooda is darno, oo suggaan hilfaha iskugu qaadno?! :D

 

Waxaan oran lahaa,

 

Nin hadii aftahan loo yaqaan amuu abwaan sheegto

Ilaaheey hadii uu yaqaan iyo awoodiisa

Islaamnimo hadii lagu dhalay iyo tirada iimaanka

Umadiisa waa inuu sinaan ugu adeegaaye'eee!

 

Asalnimada sooyaalka waa inuu abaaraaye

Waa inuu iqyaar daacad ahoo jira ahaadaaye

waa inay oraahdiisu tahay abshirtoo kale'e

Inkastoo yaryahay waa inuu oday u muuqdaayee!

 

Sidii nabi ayuub waa inuu samir adkaadaaye

awliyo sideed waa inuu aragti yeeshaaye

sidii ugub haween waa inuu u asturnaadaayeee

Xaqa waa inuu ku adimoo oo ku arimiyaayee!

 

Horta intaas waa iga afeef, laakiin aniga waxaan door biday intaan suugaan kugu jaa'ifeen lahaa oo halkaas ceebi iga raaci laheyd, waa inaan samaha ka doortaa, oo gabayga kiisa aan xanafta laheyn kuwada maraxabeenaa. Laakiin waxaa intaas ka horeysa, war ninyahow aniga Castro ayaan guubaabiyee, maxaad iila soo raadsatay gabayga?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Ina adeerow sidaas ha dhihin, waa intaas oo saaxiibkeey xiinfaniin yara caroodaaye!

 

Koley haatan waxaa meeshan koobka u sita Xiinfaniin, maadaama aan gabayga sidiisaba iska taagay mowqifka ah:

 

Gabayada hadaan shubi lahaa, amase geeraarka

Wuxuu iga galaafanahayaa, garasho diimeed'e

Cibaadada ninkii gaar ka mara, guuldaraa heli'e

 

Gabaldhiciyo waagii barya, iyo gooriyo ayaanba

Galin dhexe habeenkii, wardibaan galow kasiiyaa'e

 

Gafkii iga dhacaa maanta, waa geeri oo kala'e

Inuu godob islaameed ibado, woowga gaabsaday'e

 

Marka Ducaqabow, arintu waa sidaas, ragna gabay u tafa xeyday, ragna gees iskaba beyr oo goobtii holin waaye! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Been guurka xaa waaye. Haddii uu gabay idin haayo bal car dood-wadaag inta tagtaan afaray tuur tuura. Hadde waxan iri car!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by Alle-ubaahne:

[Q] ^^Ina adeerow sidaas ha dhihin, waa intaas oo saaxiibkeey xiinfaniin yara caroodaaye!

 

Koley haatan waxaa meeshan koobka u sita Xiinfaniin, maadaama aan gabayga sidiisaba iska taagay mowqifka ah:

 

Gabayada hadaan shubi lahaa, amase geeraarka

Wuxuu iga galaafanahayaa, garasho diimeed'e

Cibaadada ninkii gaar ka mara, guuldaraa heli'e

 

Gabaldhiciyo waagii barya, iyo gooriyo ayaanba

Galin dhexe habeenkii, wardibaan galow kasiiyaa'e

 

Gafkii iga dhacaa maanta, waa geeri oo kala'e

Inuu godob islaameed ibado, woowga gaabsaday'e

 

Marka Ducaqabow, arintu waa sidaas, ragna gabay u tafa xeyday, ragna gees iskaba beyr oo goobtii holin waaye!
:D
[/Q]

Shiekh Alla-Ubaahne, I am going to give you ample time to give recognition where it's due and name the famous source of that poem or I am going to have to expose a classic case of plagiarism . Even though you purposely altered the poem to decrease the chance of google-search speaks for itself, I am giving you the benefit of the doubt untill you can clarify your position.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War ma anaa ii hanjabeysaa, ^^, waxaan maqli jiray Caruur war la'aan baa cadaabka looga xoreeyay! haatan waa adiga ku hayee ishii gabayga laga soo xigtay sheeg, ma hubtaa inaanan aheyn ninkii gabaygaas yiri, mise waxaa tahay kuwa aaminsan gabyaaga inuusan Internet iyo computer gali karin? icon_razz.gif

 

Baashi, waan ku salaamay awoowe. Been kuu sheegi mahayo, gabayga waan holiyaa saaxiib, laakiin iskuma shideeyo, inkastoo aan u baahanahay inaan suugaan badan boorka ka jafo. Ee bal noo sheeg, xagee ayaantan ku maqneyd, mise waad labeysatay? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abaadir   

Alla Ubaahne: here is the entire Gabay. As Kasharne said, you should give credit the source of the poem. In this case Galayax.

 

Awel Maanso waataan gurshoo, gooyey waayadane

In dhawayd ka gaban gaabsadoo, wayga garateene

Anigoo an gabin baan nacee, kama gal gaaleene

Lix iyo toban haloo wada gartaya, wawga gaabsadaye

 

Gabaygu waa yaraa Muxumedoow, gaafihii hore

Garka iyo sidaydaas nimaan, guudka ka caddaanin

Ama aan shaarubada oo gotay iyo gucumo Aar yeelan

Goloyaasha lama keeni jirin, gaafka loo tago e

 

Maantana Gurbood iyo gabdhiyo, gaban yaroo wiila

Iyo Oday guxuushaaya yaa, guusha loo simaye

Gef inay amuurtaasi tahay wawga gaabsadaye

 

Guubaabo iyo gooddi iyo, gabay ma daayeene

Haddii aan garwaaqsaday intaan gu iyo Waa Joogay

Nin gaboobay oo oday noqdiyo, guudcaddaan ahaye

Gefkii iga dhacaa maanta waa, geeri oo kale e

Inuu godob islaameed I bado, wawga gaabsadaye

 

Cibaadada ninkii gaar ka mara , guul darraa heliye

Gabbal dhiciyo waagii baryiyo, goor iyo ayaanba

Marna kama gidaadeen fahmada, guulle ii qoraye

Gabayada haddaan shubi lahaa, amase geeraarka

Wuxuu iga galaafanahayaa, garasho diineede

Gelin dhexe habaynkii wardibaan, guriyaa Laylkiiye

Nin ilaah u go ay baan ahoo wa uga gaabsadaye

 

Geddaan anigu soo maray haddaan, gun uga sheekeeyo

Inkastoo barkood go ay naflaha, geeri bow imane

Raggii Geedka ila joogi jiray, gabalki baa noole

Galkaa Bari Garoowiyo Nugaal, Garacad meesheeda

Gooddiga Hargaysa intii, Guban ka hoosaysa

Gar loo gubay Galbeed iyo Jig-Jiga, Goobba dhinaceeda

Garbahaaraleey iyo dhulkaa, Gedo ka baalleeya

Intaasoon guriyo meelo iyo, gobollo soo sheegay

Anigaa geyiga eebbahay, gabay u teednaaye

Maantana rag badan baw gurmaday, gooha maansada e

Inay wiilal wada guuxayaan, wawga gaabsadaye

 

Nin gurbooda lama qayrsan karo, guun haddaad tahaye

Midaan hooyadii gurininoo, guriga meeraaya

Aan weli gosheediyo ka bixin, gurada Awrkooda

Hadduu goob walbaba taagan yahay, gabayna tookhaayo

Kolna inaanan garab joogsan karin, wawga gaabsadaye

 

Gabay Hawle iyo Raage iyo, Gooni baa lumaye

Cali iyo Gahayr iyo Qamaan, geeri baw timide

Ismaaciilna mawd baa genbiyay, waana tuu go

Afcad wuxuu Gallayr yeyn ogaa, geesigii dhimaye

Galaaskayga nimankii ahaa, gululi weeyaane

Anna goor dhow baan filahayaa, goof la ii qodo

Inay guurtidii eber yihiin, wawga gaabsadaye

 

Markaanse gaban ahaa iyo haddoon, gooman oday yeeshay

Intii aniga geed iyo shir iyo, garan gar lay keenay

Amaan meelo lagu guulay iyo, gogol ka sheekeeyey

Haddii anan gabaro weyn ku helin, guuyo iyo xoolo

Inaan faa'ido laga gaara hayn, wawga gaabsadaye

 

Haddii anan gobaadoo dhashiyo, geri ku taabaynin

Ama anan gamaankii fardaha gorey ka fuulaynin

Ama anan garaaddiyo billado garabka saaraynin

Waxba gooddiggiisiyo ma rabo, gole kasheeggiise

Inaan galala diisu i anfacayn wawga gaabsadaye

 

Aduunyaduba gaasiran ninkii gaan ahaan jiraye

Ninkaan gacanta lala laaci jirin waa gabanayaaye

Hayeeshee gadaal niman dhashiyo gaafiyaa kacaye

Amba rag baa gabay igu qabsaday iina goodiyaye

In aduunku gaafaysi yahay wowga gaabsadaye

 

Nin ragihi wuxuu galay amuu, gudeyba loo diidye

Haddaad geesi tahay meel walbaba, cadawga guulaaya

Giiryaalihii kula dhashaa gaalo, kaa necebe

Inaan xaasid gacal kuu ahayn, wawga gaabsadaye

 

Shir la gooday waayeel gabraday, talo la goyn waayey

Guddi ururtay niman gaan ahoo, gararka feeraaya

Xaajada guyaal iyo guyaal gees, u dhici wayday

Garaad iyo wax loo sooci jiray, guud-caddow odaye

Haddana geedka wiilkii yar baa, gic isa soosiine

Haddaanse guushey kani, waa adduun gees u foorare

Inba aakhir sabankii la galay, wawga gaabsadaye

 

Gooraan Fardood iyo Darmaan, Galow ka dheeraysa

Sayid maxamed geel iyo lo iyo, godol wuxuu haystay

Arlaa’iga wuxuu daar gin gimay, gulufna heenseeyey

Gubnigii Daraawiish wuxuu, gaasas bixinaayey

Gumaysiga wuxuu laayay oo, Gaal la diriraayay

Gebo-gebo intuu dhigay wuxuu, libin ku geeraaray

Waxuu naago goba guursadoo, aqallo gawriirshay

Intaasoo gallada oo ilaah, ugu gar gaaraayay

Gegi buu ka taaganaa cid la ah, maalintuu go aye

Nimanakii godka u qoday ma cunin, gudurki duugeede

Gadaal xumida dunidaan arkoo, wawga gaabsadaye

 

Gabdhaheenna waxaa loo yiqiin, haybad gooniyahe

Goshay xiran jireen maryaha loo garraarsado e

Gobna waxay ahaayeen intay, guudka dabayeene

Gayaankooda lama laacdamayn goor iyo ayaane

Maantana gad baa lagu arkiyo, guul darriyo ceebe

Adigoo gidaar uga horyimid, kaama gudayaane

Garoob waalan iyo waxaa ka haray, goroyo food dheere

Hiddiihiina waa garab mareen, gaar ahaan jiraye

Timihiina gedef bay ka dhigeen madax ganbuur weyne

Iyagoon ninama guursan bay, wada ganbaysteene

Haweenkeenna dhaqankii geddiyay, wawga gabsadaye

 

Garaad nimaan lahayn baan ogayn gaadistii Malage

Gugaan manta joogiyo hadaan gadaha faalleeyo

Gantaalaha wadkii haystay iyo gamaska mawdkayga

Markuu ruuxa iga goyn lahaa waala soo galaye

Inay taasna igu guullan tahay wawga gaabsadaye

 

Inkastoon gu yaal badan cimriga, gelimo sii joogo

Maraan go aba Mawdkii rabbaa,yaa ii gadaal imane

Godna waa i sugayaa qabuur, guda ciriiryoone

Gabnahaa agoontoobi iyo, gaaryahaan qabo e

Intaanan ciidda hoosteeda galin, wawga gaabsadaye

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this