Sign in to follow this  
Saalax

Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka: Magaalada Hargeysa Oo La Ciir-ciiraysa Xabxab Xa

Recommended Posts

Saalax   

Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka: Magaalada Hargeysa Oo La Ciir-ciiraysa Xabxab Xad-dhaaf Ah Oo Ka Soo Go’ay Dhul-beereedka Galbeedka + SAWIRO

 

 

Hargeysa (Oodweynenews)- Magaalo-madaxda Somaliland ee Hargeysa, ayaa saddexdii todobaad ee ugu dambeeyey waxa ay la ciir-ciiraysay Xabxab xad-dhaaf ah oo ka soo go’ay dhul-beereedka Gobolada Galbeedka, ka dib markii sannadkan ay ka da’een roobaad badan, isla markaana ay dad badani jaanis u heleen inay Xabxab badan beertaan.

 

 

e152f0b2fd.jpg

Guud ahaan suuqyada iyo xaafadaha kala duwan ee magaalada Hargeysa, ayaa meel walba waxa ay indhahaagu qabanayaan Xabxab la kala iibsanayo, iyada oo qiimaha la kala siisanayaa uu aad u jaban yahay, isla markaana ay dad badani awood u heleen inay qiimo jaban ku helaan Xabxabkii waa weynaa ee lacagta badan la kala siisan jiray.

 

8ac37a117c.jpg

 

Sida oo kale gobolada dalka oo dhan ayaa waxa ay la ciir ciirayaan wakhtigan xabxab tiro badan oo ka soo go’ay deegaanada galbeedka Somaliland, kuwaas oo waayadan dambe caan ku noqday ama u jeedsaday dhinaca Beeraha, iyadoo aad moodo inay ka jeesteen dhincii xoolo dhaqatada.

 

b2086e6cc7.jpg

 

Mar aan maanta booqday meel ka mid ah Goobaha Xabxabka lagu iibinayay, ayaa waxa aan halkaas kula kulmay mid tirsan hawl-wadeenadii Xabxabka iibinayay, waxaana aan wadydiiyey Xabxabka ugu faraha badani halka uu ka soo go’o, waxaanuu ku jawaabay oo uu yidhi “Horta Xabxabkan fara badan waxaa sababay roobabkii badnaa ee saddankan waddanka ka da’ay. Waxaana Xabxabka badankiisu ka soo go’aa dhinaca Galbeedka ee Somaliland sida Gabiley, Arabsiyo, Alley-baday, Tog-wajaale, Ijaara, Xidhinta, Geed-ballaadh, Fara-weyne, Waalid-xoor, Goray, Boodhley iyo meelo kale.” Sidaa ayuu yidhi Siciid Ciise Bullaale.

 

cf4bcb8841.jpg

 

Cabdifataax Aw Jaamac oo isna ka mid ahaa dadka Xabxabka iibinayay oo aan is-na waydiiyey qiimeyaasha ay ku iibinayaan, ayaa ku jawaabay “Runtii xabxabku aad ayuu u jabay oo waxaa sannadkan soo go’ay Xabxab aad u fara badan oo meel kasta buux-dhaafiyey. Haddii aan wax kaaga sheeqo Qiimayaasha Xabxabka waa inta u dhexaysa dhawr kun ilaa dhawr iyo toban kun. Metelan xabbada weyn ee berigii hore la siin jiray 30,000 ee shilin, hadda waxa aanu siinaynaa 12000 shilin ama 10,000 shilin iyo wax ka hooseeya.”

 

546514cb37.jpg

 

 

Sida la wada og soon yahay, Xabxabka ayaa waxa uu ka mid yahay khudrada Ilaahay ku manaystey ummadiisa ee uu ugu talo galay inay quutaan, waxaanu wax weyn ka taraa caafimaadka dadka kalyo xanuunka ka cabanaya, waxa kale oo jira xanuuno dhawr ah oo uu wax ka taro Xab-xabku. Hadaba mudooyinkii u danbeeyay ayaa waxa suuqyada magaalooyinka Somaliland waxa buux dhaafiyay oo intuu ka batay bakhaaradii iyo goobihii lagu iibin jiray, uu daadsan yahay wadooyinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

44e2043339.jpg

 

 

Magaalada Gabiley oo ka mid ah meelaha Xaxabka ugu badani ka soo go’o, ayaa mar keliya dhamaan meheradihii hore u iibin jiray khudradu ay hortooda iyo hareerahoodaba uu buuxdhaafiyay XabXab aad la yaabto quruxdiisa iyo sidda dhamayska tiran ee uu u bislaaday. Waxa kale oo aad ku dhex arkaysay magaalada gudeheeda isaga oo xab xabku si weyn uu ugu dhex daaday khashinkiisii, waxa kale oo aad la kulmaysaa iyada oo uu Xab-xab fayow oo nabar yar qabaa uu dhexdaadsanaa magaalada. Dadka ku nool magaalada ayaa waxay u isticmaalaan oo ku badasheen cunadii caadiga ahayd ee la quudan jiray.

 

 

8029ed3ebd.jpg

 

 

Haddii aad dadka wax ka weydiiso waxa sababay sida xad dhaafka ah ee uu usoo go’ay xab xabku ayaa waxa ay kuu sheegayaa dadku in sanadkan ay da’een roobab ka badan intii hore ee di’i jiray, isla markaana ay dadku beereen in ka badan xadigii hore ay u beeran jireen markay ka niyad jabeen midhaha hay’ada WFP ku soo beegto xiliga dalaga la goynayo.

 

Geesta kale, Beerashada Xab xabka ayaan hore dalka Somaliland uga ahayn wax la tixgaliyo oo ninkii qotaana aanu u beeran jirin hab ganacsi laakiin waxa sanadihii ugu danbeeyay si aan la qiyaasi Karin ugu soo badana dalka beerasha geedka xab xabka oo ah geed aan mudo badan waari Karin, waana sababta hay’ada WFP aanay dibada uga keeni Karin xabxab sida ay midhaha kaleba u keento si ay ugu jabiso beeralayda rasmiga ah.

 

db5c9f986b.jpg

 

 

Baabuurta waawayn ee galbeedka ka soo gala magaalada Hargeysa ayaa waxa ay badidoodu keenaan oo magaalada u soo diiqaan xab xab, hadaba xad-dhaafka beerasha xab xabka ayaa waxa uu ka batay intii looga baahnaa suuqyada maagaalooyinka taasina waxa ay keentay in dad badani u waayaan wax suuq ah xab xabkii ay mudada ka soo shaqaynayeen ee hawsha iyo wakhtiga badani ka soo galay, taasina waxa ay muujinaysaa sida aanay bulshadeenu ugu bislaan habka loo beerto khudrada ganacsiga u gaarka ah, waayo waxa meesha ka baxay oo gabi ahaanba laga dhaqaaqay in la beero, khudrado kale oo hore loo beeran jiray iyo midho kale kaddib markii hay’ada WFP khaati laga joogsaday.

 

acf80ff61b.jpg

 

Dhinaca kale, Xabxabku waxa uu ku baxaa biyo aad u yar ama roobab ka yar kuwa ay khudrada kale u baahan tahay, geedka xab xabku kama baxo oo kaliya beeraha bustaanada ah. Laakiin waxa uu ka baxaa oo sifiican looga beeraa beera roobaadka. Xiliga lagu jiro oo ah xiligii uu sida ugu badan usoo ga’ay geedka xab xabku ayaa waxa ay dadkii beertay ee mudada ku soo tabcay ay u dhowyihiin in ay u waayaan suuq lagaga iibsado oo u qalma howshii iyo maalkii ay ku bixiyeen xiligii uu geedka ku yaalay, si ay uga helaan faa’iido.

 

 

Si kastaba ha ahaatee xukuumadda cusub ee xilka la wareegaysa ayaa looga fadhiyaa inay wax ka qabato hay’adaha ku tumanaya wax soo saarka dalka isla markaana curyaaminaya wax soo saarkii beeralayda, sida WFP oo dalka soo galisa raashin tayadiisu aad u hoosayso.

 

 

efe6379b09.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

^ Nice QARE, taloo intee laga keenaa? Ma Baladwayne mise Ethiopia?

 

Edit: Qare + Babaay la isku cuno wax ka macaan maleh waa the best

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Xaasidnimada badan iyo Cadaawadu ma wanaagsana, Waan hubaa hadii aad Hargeysa tagto maanta in si walaaltinimo ah lagugu soo dhoweeynayo.

 

By the way XabXabku wuxuu ka soo go'ay: Gabiley, Arabsiyo, Alley-baday, Tog-wajaale Ijaara, Xidhanta, Geed-ballaadh, Fara-weyne Waalid-xoor, Goray. Waa sida uu maqaalkani sheegayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

^lol Maxaa ku hadlaysaa? wax kasta ma hala iskuqabsadaa? Umadii way waalatay walee, qof walba difaac buu ku jiraa. Is tartiibi sxb wah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Waa la dhameynaa maad leedahay dee, even better. I hate food that goes to waste when there are ppl who are starving sitting right at the corner.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Originally posted by Jacaylbaro:

True ,, the whole city is full of watermelon ,,,, actually i'm eating one right now ,,
:D

:D I need to plant some xabxabs/qare in my farm in sanaag.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this