Suldaanka

Maamulka Garowe oo ku fashilmay xuska 1da Aug... Dhaqaale xumo awgeed..

Recommended Posts

Xafladii 1da Agoosto oo baaqatay & khilaaf siyaasadeed oo Garoowe ka Jira.

Garoowe (HM):- Dowladda Puntland oo dhismaheedii laga joogo mudo 20 sano ah,waxaa guud ahaan laga diyaar garoobay magaalooyinka waweyn si loo xuso munasabadda 1 agoosto oo ah xilli ku adan 20 guuradii dhashada Puntland 1998.

Waxaa caasimadda Puntland ee Garoowe bishaan kusoo qulqulayey marti katimi gudaha & dibadda Puntland oo lagu casumay ka qaybgalka munasabadd weyn ee dhalashadii dowladda Puntlan.

Nasiib daro waa baaqatay oo ma dhicin in la xuso, waxaan jirto cid xukuumadda Puntland kamid ah oo u sharaxday ummadda Puntland  sababta baajisay xafladda,waxase Jira warar lagu kalsoonyahay oo sheegay in uu jiro khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay Madaxda Puntland & tan Dowladda Faderalka Soomaaliya,iyadoo ay wali garowe kusuganyihiin wafdiga uu horkacayo raisalwasaare xasan cali kheyre.

Maanta inteeda badan waxaa aqalka madaxtooyadda Puntland kulan uga socday xukuumadda iyo xubno ka tirsan golayaasha kale ee dowladda oo uu shir gudoominayo madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali,waxaana lagu falanqeeyey munasabadda 1-da Agoosto, Shirka Golaha wasiiradda Faderalka oo hore loo qorsheeyey in Garoowe lagu qabto maalinta khamiista ah, iyadoo ay hore u dhacday in shirka golaha lagu qabto hadba meel kamid ah caasimadaha Maamul goboleedyadda Soomaaliya.

Shirka oo waqti badan qaatay waxaa kasoo baxay in aan munasabadu qabsoomin iyo in aan la qaban shirkii loo balansanaa ee xukuumadda Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre, magaaladda Garoowe waxaa galinkii danbe iyo caawa ka socda kulamo gooni-gooni ah oo arintaas ku adan wallow aanay jirin xal rasmi ah oo laga gaaray.

Arintaan ayaa la sheegay in ay salka ku hayso kadib markii uu ka baaqday dhagax dhigga dakadda Garacad Raisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo la sheegay in ay jadwalkiisa kamid ahayd.

Galinkii danbe ee manta waxaa garoonka diyaradaha ee Gen Maxamed Abshir Garowe kasoo degay xubno katirsan golaha wasiiradda Dowladda Faderalka Soomaaliya oo u yimi Puntland in ay kaqayb galaan shirka golaha xukuumadda PM Xasan Cali Kheyre,waxayse arintu u badan tahay in ay wafdi dib ugu laabtaan magaaladda muqdisho.

wixii warar ah ee kazoo kordha arintaan wararkeena danbe Ayaan idiin kusoo gudbin.

Horseed Media.net

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Quote

Xusid la’aanta sanakdan ee 01-da Agoosto

Guud ahaan maamulka Puntland ayaan laga dareemin 01-da Agoosto ee ku beegan 20 guuradii Puntland. Marka laga hadlaayo xuska waxaa ku bixi jirey dhaqaale badan kaas oo siyaabo kala duwan loo lunsan jirey, Puntland waxaa ka jira dhaqaale xumo aad u ba’an taas oo sababtey in Dowladdu bixin weydo 2018 oo dhan wax mushahar ah, waxaana dad badan ku doodaan in aan loo baahneyn xus lagu burburiyo dhaqaale si kale looga faa’ideysan karo, waxaa la is weydiinayaa sababta u diidey madaxweynaha in uu xitaa soo saaro baaq tahniyad iyo hambalyo ah haddii uu ka gaabsadey xusbkii uu maalmaha u diyaar garoobayey sababo maalmahan dhashey awgeed.

 

Source:  HorseedNews

Share this post


Link to post
Share on other sites
Holac   

This must be the first time Puntland missed the opportunity to wish its citizens a "happy anniversary".

Failure in Tukaraq. Failure in dealing with Kheyre. Failure in paying salaries of civil servants on time.  It is a tough time for Puntland these days. Let us hope Puntland doesn't destroy itself before the next election. After the election, the state may have a hope of surviving with a new leadership at the helm. :)

 

 

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

There is no need for extravaganza. Puntland is at war. Every penny is going to the thousands of soldiers in Tukaraq. Some people want a quick war but these Jeegaan will  be sent home at the right time. The state can celebrate afterwards. Khayre is the PM. He must be respected regardless. 

Holac, Abdiwali is not going anywhere. Do not bet on any other horse. All the other doom and gloom you pictute is fake news.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Unbelievable, and it meant to be milestone, 20 years!!

Of course it was expected when a guy who was just released from a mental institute in States selected as President.

No progress, SL getting closer to Garowe, nothing to celebrate. Hopefully Garowe will choose wisely in Jan and run background check and health check first!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.