Sign in to follow this  
Jacaylbaro

New Hotel Opened in Burco

Recommended Posts

BarwaaqoHotel1.JPG

BarwaaqoHotel.JPG

 

 

Burco(Qaran)-Munaasibada culus oo loo sameeyey furitaankan Hotel Barwaaqo oo laga furey badhtamaha Magaalada Burco ayna ka qayb galeen ganacsatada ugu muhiimdan ee Gobalka Togdheer Madaxda maamulka Gobalka, xubno ka tirsan golaha deegaanka waxay ahayd munaasibad ugu balaadhanayd ee kulmisa Haldoorka Burco.

 

Gudoomiyaha Gobalka Togdheer oo saaka hadal ka jeediyey furitaanka ayaa waxaa ugu baaqay ganacsatada Burco inay ka qayb qaataan siday lug ugu yeelan lahaayeen dhismaha gobalka iyo weliba in aanay ilaawin inay danta guud noqoto mid saldhig u ah tiir kasta oo loo taagayo danta gaara.

 

Gudoomiyaha waxaa kale oo warkiisa ku sheegay inay maamul ahaan soo dhoweynayaan Muwaadin kasta ku dhiiratay inay hantidooda ku aaminaan wadanka “ Horumarka Bulshada waxaa uu ku xidhan yahay in la,aamino dalka” ayuu yidhi.

 

Maamula Hotel Barwaaqo C/laahi Xaaji ayaa isaguna waxa uu furitaanka ka sheegay in Hotelkan oo ah mid sadex dabaqa, isla markaana laga bixin doono ilaa sadex qaybood adeegooda ee ay ujeedada ka danbaysa ay tahay in la xalilo baahida macaamiishood.

 

“Waxaana Hotelkan noqon doonaa mid ka kooban 51 Hurdo, Cunto iyo weliba qaybo ganacsi ayuu yidhi”

 

Sidoo kalena Yaasiin Cabdi Cawad oo ah Wakiilka Shirkada Indha Deero Group oo iyadu maalgelisay Dhismaha Hotelkan ayaa waxaa uu munaasibadan kaga dhawaaqay in Hotelkan kaga baxday lacag dhan $ 750,000. isla markaana ay shirkadu ka gacan siisay furitaanka Hotelkan $ 120,000. oo ah qalabayn kaasi oo ay ugu talo galeen inay ku gacan siiyaan ganacsatada yar yar.

 

Yaasiin Cabdi Cawad waxaa kale oo sheegay in dhismaha Indha Deero Center ka kooban yahay Groun Floor oo ilaa 12 Meheradood oo loogu talo galay in laga kireeyo Shirkadaha Waaweyn ama ganacsiga ee Magaalada Burco meheradahaas oo ay hada ku jiraan qaar ka mida shirkadaha isgaadhsiinta iyo kuwa ganacsigaba Sida Telcom, Sitlink, Boosta Casriga ee Daalo Express, Mubarik Medicine Company IWM.

 

Sadexda Dabaq ee Hoteelka Barwaaqo oo ka kooban 51 Qol oo hurdo casri ah 2 Hool oo shirarka iyo Seminaarada, qayb Restruant Cunto ah, oo shirkadu ku qalabaysan qalab casri ah sida Hotelada Four Stars. Hotel Barwaaqo oo ka mida Hotelada waa weyne ee kor u qaadaya Standard Magaalada Burco

 

 

 

 

Reported By: Yusuf I Warsame

 

Ilka Case, Burco

Share this post


Link to post
Share on other sites
chubacka   

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

don't you think this Barwaaqo is somehow too much for burco ??
:D

HOW RUDE!

 

*must remove JB from FB friend list*

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

A bit of competition is healthy yaa North. It looks like the Barwaaqo Hotel in Hargaisa, same owners?

 

Sidoo kalena Yaasiin Cabdi Cawad oo ah Wakiilka Shirkada Indha Deero Group oo iyadu maalgelisay Dhismaha Hotelkan ayaa waxaa uu munaasibadan kaga dhawaaqay in Hotelkan kaga baxday lacag dhan $ 750,000. isla markaana ay shirkadu ka gacan siisay furitaanka Hotelkan $ 120,000. oo ah qalabayn kaasi oo ay ugu talo galeen inay ku gacan siiyaan ganacsatada yar yar.

Good to see my old neighbours (deeros) are doing their part for the town and small businesses. The Mayor is full of sh*dh. Politicians, eh? :rolleyes:

 

 

Originally posted by chubacka:

quote:Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

don't you think this Barwaaqo is somehow too much for burco ??
:D

HOW RUDE!

 

*must remove JB from FB friend list*
LOL. So is your name Barwaaqo or are you a Burcaawi ... or both? You took that v. personally. icon_razz.gif:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Chimera   

Somalis really don't know how to take pictures, their style always gives the impression that new buildings were build on a hill and now one side is uneven lol

 

good job btw.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^^ I suppose that's why they call it the land of poets and not photographers.

 

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

don't you think this Barwaaqo is somehow too much for burco ??
:D

:D No comment. At this rate, won't be long till Burco has more hotels than mental institution. icon_razz.gif

*ducks from the budhs and dacas*

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Ayoubow, waa ku sidee ninyow? :eek: :mad:

 

Budh iyo dacas is so 90s! Bokoorad iyo toore dhe saxib bakoorad iyo toore :D

 

Ha la is arko in May IA

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this