
Jacaylbaro
Nomads-
Content Count
44,142 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
1
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Jacaylbaro
-
TFG Troops – Ready to liberate Gedo + Jubooyinka
Jacaylbaro replied to Xaaji Dhagax.'s topic in Politics
weli maad fahmin awoowe ,,,,, masaajidkuna waa dani ku qabatay uun ,,, ee kii hore u dhisi waayay uun buu dhaamaa -
TFG Troops – Ready to liberate Gedo + Jubooyinka
Jacaylbaro replied to Xaaji Dhagax.'s topic in Politics
walee inaanad fahmin cidaan ka hadlayo -
TFG Troops – Ready to liberate Gedo + Jubooyinka
Jacaylbaro replied to Xaaji Dhagax.'s topic in Politics
oo hada cidaa aan sheegayo ma waxba lagama aqbalaad leedahay oo xaaraanta iyo waxbaa ku badan -
TFG Troops – Ready to liberate Gedo + Jubooyinka
Jacaylbaro replied to Xaaji Dhagax.'s topic in Politics
accountant waanu kala xanaaqnaaye ,,,,, Ilaahayna la kala baryi oge sow ma ogid -
TFG Troops – Ready to liberate Gedo + Jubooyinka
Jacaylbaro replied to Xaaji Dhagax.'s topic in Politics
Niyow qusuusigaas meel kalaan ku maqlayee iga daa kow dheh ,,,,,,,,,, bahashaa lacagta ahna cid baa ku haboone ha loo dhiibo warkeeda ,,,, -
TFG Troops – Ready to liberate Gedo + Jubooyinka
Jacaylbaro replied to Xaaji Dhagax.'s topic in Politics
hanka farsamadaaa ka horaysa ,, qaar aan ogahay hadii loo dayn lahaa meel la kala dhigaa la wayi lahaa -
TFG Troops – Ready to liberate Gedo + Jubooyinka
Jacaylbaro replied to Xaaji Dhagax.'s topic in Politics
,, wax aan la waayinba lacag baa jirtee xariifnimada uun baa la is dheer yahay awoowe ,,,, -
-
TFG Troops – Ready to liberate Gedo + Jubooyinka
Jacaylbaro replied to Xaaji Dhagax.'s topic in Politics
Awalba waan fiicnaaye waa lagaa qariyay uune Inta AMISOM oo keliya madaxweynaha lagu hallayn karo weli ma dhawa ,,,,, lakin waa wax la gaadhi karo -
TFG Troops – Ready to liberate Gedo + Jubooyinka
Jacaylbaro replied to Xaaji Dhagax.'s topic in Politics
I hope one day ,,, that is Somalia -
Originally posted by Sacad *Ducaale: somaliland.org@ lol that is the most anti somaliland website , Anti Somaliland ?? ,,,,, come on
-
TFG Troops – Ready to liberate Gedo + Jubooyinka
Jacaylbaro replied to Xaaji Dhagax.'s topic in Politics
This time there will be no Ethiopians or Kenyans ,,,,, Soomaalidii uun baa si fiican la isugu dhirbaaxayaa with the same results ,,, And believe me ,,,,,,, it is the end of Sh. Sharif as well ...... he is there coz Alshabab are there ,,,, once they're defeated then he will be gone. -
Badhan: Dhaq-dhaqaaq Hor Leh Oo ka Bilaabmay Gobolka Cusub Ee Badhan.
Jacaylbaro replied to Siciid1986's topic in Politics
kee buu ahaa kaasi ?? -
Badhan: Dhaq-dhaqaaq Hor Leh Oo ka Bilaabmay Gobolka Cusub Ee Badhan.
Jacaylbaro replied to Siciid1986's topic in Politics
miss the city too ..... and xiin galool -
waar hadda halkan hablahaa lala qayilaa bad ha gelin ,,,
-
Somaliland Oo ka Hadashay Gabadh La Sheegay in la Mustaafuriyay
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
I could have said anagaa waxayna. But that is unacceptable I guess! Waar ma halkaasay kaa maraysaa -
Somaliland Oo Isha Ku Haysa Waxbarashada Gobolka Sool
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Wasiirka Wasaarada Waxbarashadu wuxuu sheegay in wasaaradaasu xidhiidh dhow la yeelan doonto macalimiinta iyo maamuleyaasha si looga hortago in ardayda la baro xag jirnimo iyo firkrado dalka dibadiisa laga soo waariday -
Laascaanood (Waaheen) - Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Md. Xasan X. Maxamuud Warsame (Gadhweyne) oo uu weheliyo Wasiirul dawlahawasaaradaasi Md. Maxamuud Garaad Maxamed iyo Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Sool ayaa shalaya kulan balaadhan la yeeshay Maamuleyaasha dugsiyada dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahayba. Wasiirku wuxuu kulankaasi maamuleyaasha si adag ugu wargeliyay inay la socdaan waxa carruurta loo dhigayo iyo cida wax u dhigaysaba. Wasiirka Wasaarada Waxbarashadu wuxuu sheegay in wasaaradaasu xidhiidh dhow la yeelan doonto macalimiinta iyo maamuleyaasha si looga hortago in ardayda la baro xag jirnimo iyo firkrado dalka dibadiisa laga soo waariday waxaanu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa in wasaarada Waxbarashadu ay xidhiidh dhow idinla yeelan doonto haddii aad tihiin bahdii waxbarashada ee gobolka Sool waa inaan la inoo kala sheekayn ee aynu ka wada socono xaalada waxbarashada ardayda si loo tayeeyo.” Md. Xasan Gadhweyne wuxuu intaa ku daray in Wasaaradu ay fulinayso balan qaadyadii xukuumada ee ahayd in horumariyo waxbarashada Gobolka Sool. Dhinaca kale, Wasiirul dawlaha Wasaarada Waxbarashada Md. Maxamuud Garaad ayaa isaguna sheegay in loo baahan yahay in dugsiyada gaarka ah ee gobolka ka jiraa ay qaataan manhajka waxbarasho ee Somaliland waxaanu xusay in lala socon doono waxyaabaha loo dhigayo ardayda dugsiyada gaarka ah. Waxa kale oo kulankaa ka hadlay qaar ka mid ah maamuleyaasha dugsiyada Laascaanood oo ka waramay xaalada waxbarasho ee dugsiyadooda waxaanay balan qaadeen inay xidhiidh adag la yeelan doonaan wasaaradawaxbarashada dalka. Dhinaca kale, weftigii xukuumada ee uu Hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro) ee beryahanba socdaalka ku joogay Laascaanood ayaa maanta kormeeray xarunta qeybta booliska gobolka Sool, oo uu muddo shan cisho ah ka socday dayactir balaadhan oo lagu samaynayo dhismaha xaruntaasi.
-
Somaliland Oo ka Hadashay Gabadh La Sheegay in la Mustaafuriyay
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
I can simply claim Riayaale is not a Somaliland president because I didn't see him. and i can claim Rayaale was kidnapped coz i didn't see him ,,,,, silly. -
if you're talking about A&T, yes you're referring to a specific qabiil ,,
-
Hay’ad sheegtay inay u doodo xuquuqal Insaanka laguna magacaabo African Rights Monitor, ayaa hay’adaha ammaanka ee Somaliland ku eedaysay inay haweenaydaas oo la yidhaahdo Bisharo Wacdi Shaqlane, u gacan geliyeen hay’adaha ammaanka ee dawlada Itoobiya. Hay’adu waxa ay sheegtay inay haweenaydaasi magaalada Hargeysa ku joogtay qaxoontinimo, iyadoo ka diiwaangashan hay’adda qaxoontiga ee UNHCR. Taliyaha ciidanka Boliska Somaliland Md. Maxamed Saqadhi Dubad, oo uu Geeska Afrika, xalay wax ka weydiiyay haweenaydan oo ay qoyskeedu sheegeen in Arbacadii la soo dhaafay goor ay ahayd salaadii subax lagala baxay guri ay ka deganayd Hargeysa, oo ku yaala xaafadda Oktoobar ee Waaxda Axmed-Dhagax, ayaa sheegay inaanay jirin cid uu ciidanka Bolisku qabtay amaba uu masaafuriyay. “Warkaas annagu ma hayno, idinka [Warbaahinta] ayuun baanu idinka maqlaynaa.” ayuu yidhi Taliye Saqadhi, waxaanu intaas raaciyay, “Waxna maanu masaafurin, wax dacwad ahna lanooma keenin.” Taliye Saqadhi, waxa uu sheegay in warkaasi yahay been abuur, “Waa been oo waxba kama jiraan, wax aanu masaafurinay iyo wax aanu qabanay toona ma jiraan.” ayuu yidhi Taliyaha ciidanka Somaliland Md. Sqadhi. Hoggaanka amniga dawladda deegaanka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa idaacadda VOA, laanteeda Afka Somaliga u xaqiijiyay in haweenaydaas la qabtay, waxase uu sheegay inaan magaalada Hargeysa laga qaban. “Waa gabadh laga qabtay Dhagaxbuur iyo Xarshin dhexdeeda, waxay ahayd budhcad ka baxsatay ciidamada, meeshii ay ka baxsatay ayuun baa la keenay, wax lanoo soo dhiibay ma jirto, dawladda deegaanka Somalida ayaa gacanta ku haysa, meeshii ay ka baxsatay ayuun baa lagu celiyay.” ayuu yidhi Md. Cumar, waxaanu sheegay in haweenaydaas loo haysto dambiyo dhinaca ammaanka ah oo ay ka gashay gudaha magaalada Jigjiga. “Miinadii lagu tuuray Jigjiga ee bamka ahaa, kaas ayay ku eedanaysd, iyadaa qaraxaas ka dambaysay oo gurigeeda lagu soo abaabulay.” ayuu yidhi Sarkaalkani. Hay’adda warka haweenaydan baahisay ee sheegtay inay u doodo xuquuqal insaanka, waxa ay sheegtay inay gabadhan Bisharo, magac been ah ku joogtay magaalada Hargeysa, kaas oo ah Shamsa Cabdillaahi Xirsi, si ay u badbaado, waxaanay sheegeen inay muddo ka hor ka soo baxsatay kililka shannaad ee Somalida Itoobiya. Wargeyska Geeska Afrika,
-
show debed baxan faraha badan waa shukaansi ,,,
-
Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom, ayaa manta soo bandhigtay adeeg cusub oo ay dhinaca isticmaalka Taleefanka Mobile-ka ku soo kordhisay, adeegaas oo ah Mobile Telesom u gaar ah, isla markaana ku shaqaynaya tamarta cadceedda, halkii dabka korontada lagaga jaajgarayn (charge) jiray. Masuuliyiinta sarsare ee Shirkadda Telesom oo maanta kulan ay ku soo bandhigeen adeegan ay soo kordhiyeen ku qabtay Holka Shirarka ee Xaruntooda Magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay in Mobile-dan tamarta cadceedda lagu jaaj-garaynayo, ay ugu talagaleen inay isticmaalaan dadka reer Miyiga ah iyo kuwo degan Daabiyadaha oo aan dab caadiya helin ama aan korontoba ka jirin meelaha ay deganyihiin. Kuwaasoo ay tilmaameen in dhibaato fara badani ka haysato sidii ay dab ula heli lahaayeen Mobile-dooda. Sidaa daraadeedna ay adeegan Mobile-ka cadceedda ku shaqaynaya uu yahay mid ay ku ****olayaan baahida dadkaas. Si ay uga maarmaan raadinta dabka korontada ama laydhka loo yaqaanno. Madaxa Suuqgaynta iyo xidhiidhka dadweynaha u qaabilsan Shirkadda Telesom Maxamed ***** Cilmi, oo ugu horeyan ka hadlay kulan Saxaafadeedka adeegaas lagu soo bandhigay, ayaa sharaxaad ka bixiyey adeegan cusub ee ay ku soo kordhiyeen adeegyadii shaqo ee Shirkadda Telesom u qaban jirtay dadweynaha. Waxaanu sheegay inay dadweynaha reer Somaliland, gaar ahaan dadka reer Guuraaga ah iyo kuwo Tuulooyinka degan ay maanta ugu bushaaraynayaan inay u soo kordhiyeen Mobile ku shaqaynaya cadceedda oo aan u baahnayn in dab ama laydh lagu jaajgareeyo. Maxamed ***** waxa uu sheegay in fikirka helitaanka Mobile aan dab ku shaqaynaynini yahay mid ka dhashay cabasho fara badan oo dadka reer Miiga ah iyo dadka Daabiyadaha aan korontada lahayn degan ka yimi, ka dib markii ay dhibaatooyin dhinaca dab la’aanta ah awgeed si fiican u adeegsan kari waayeen Mobile-da. Waxaanu intaa ku daray inay Shirkad ahaan gaadheen go’aan ah sidii loo heli lahaa Mobile tamarta Cadceedda ku shaqeeya, taasoo ay dhawaan ku guulaysteen, iyaga oo heshiis la galashay Shirkad Shiine ah oo Mobiledan soo samaysay, Mobile-daasna maanta laga bilaabo dadka loogu talagay ay meel kasta oo Xarumaha Telesom ku yaallaan ka heli karaan. Isla markaana qiimaha ay ku helayaan yahay mid aad u jaban oo ka hooseeya qiimaha inta badan taleefannada gacanta lagu iibiyo. Faarax Suugaal oo ah Madaxa horumarinta Gobolada iyo Degmooyinka Shirkadda Telesom, ayaa isaguna dhiniciisa faahfaahin ka bixiyey deegaannada adeegga Talifoonada laga heli karo dalka Somaliland, waxaanu sheegay in Taawarada Telesom ay gaadhsiiyeen guud ahaanba Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland, isla markaana isticmaalka Mobile-ka Telesom laga heli karo dhinac kasta oo dhulka Somaliland ka mid ah, Bari, Galbeed, Waqooyi iyo Hawd, iyada oo dadka ku dhaqan Tuulooyinka iyo dhulka Miiga ah ay taleefankan cusub kaga raysan doonaan dabla’aan iyo caqabado badan oo ka haystay helitaanka koronto ay ku isticmaalaan Mobile-dooda, kuwaasoo inta ay magaalooyinka u soo diraan Mobile-ka uu habeenno ka dhixi jiray, si loogu soo dabeeyo. Eng Muuse Cali oo ka tirsan Engineerada shirkadda Telesom oo ka mid ahaa Masuuliyiintii bandhiga maanta ka hadlay, ayaa tilmaamo ka bixiyey qaabka loo isticmaalayo Taleefankan cusub ee tamarta cadceedda ku shaqaynaya, waxaanu xusay inuu taleefankan Mobile-ka ah ee ay soo kordhiyeen muhiimad weyn u leeyahay dadka reer guuraaga ah iyo kuwa degan Tuulooyinka aan korontadu ka shaqaynin, isla markaana uu yahay Mobile wata jaajar nafsi ah, halkii Dabka Laydhka lagaga isticmaali lahaana lagaga isticmaalayo Cadceedda, iyadoo marka uu dhaco dabka taleefanka ku jiraa loo dhigayo Bacadka, ka dibna uu sidaa ku jaajgaraysmayo, ee aanu u baahnayn in dab lala raadsado. Haddaba guud ahaanba barnaamijkaa Telesom ku soo bandhigtay adeegga cusub ee Mobile-ka iyo hadalladii ay Masuuliyiinta shirkaddu kulankaas ka jeediyeen oo dhammaystiran waxaannu idiinku soo gudbinaynaa cod ahaan ee kala soco qaybaha soo sosocda ee Shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews.com oo aannu idiinku soo baahin doonno.