
Jacaylbaro
Nomads-
Content Count
44,142 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
1
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Jacaylbaro
-
Farole Promise 12th anniversary of Puntland Will be Held In Las Anod
Jacaylbaro replied to Cowke's topic in Politics
Sida dumarka ayey Xin u nool yihiin. Might have been better to call themselves XINLAND, rather than Puntland. -
Farole Promise 12th anniversary of Puntland Will be Held In Las Anod
Jacaylbaro replied to Cowke's topic in Politics
-
ILAAHAYOW KARAAMADA HA NAGA QAADIN
-
Somaliland: The Beginning of the Election Campaign
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
But that is not a change waaryaa ,,, -
Ururka Somaliland Forum waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland sida xilkasnimada leh ee ay u wadaan hawshii loo igmaday oo ah suurogelinta qabashada doorashooyinka Somaliland. Komishanku waxa uu ku ammaanan yahay sida ay u abaabuleen diiwaan gelinta iyo beddelaadda waraaqaha aqoonsiga iyo codaynta, go’aanka adag ee ay ka gaadheen muddaynta doorashada Madaxtooyada oo ay maantaba ku dhawaaqeen xilliga uu furmayo Olalaha doorashadu, iyo guud ahaan sida ay u dareensan yihiin xilka qarannimo ee ka saaran hawlaha mas’uuliyadda badan ee ay qaadeen. Waxa kale oo uu Ururka Somaliland Forum hambalyo iyo bogaadin usoo jeedinayaa dhammaan shaqaalihii ka hawl galay qaybinta waraaqaha aqoonsiga ee cusub, gaar ahaan Ardayda Jaamacadaha, oo si waddaniyad ah door aad u muhiim ah uga qaatay hirgelinta qaybinta kaadhadhka cusub. Ururka Somaliland Forum wuxuu hoosta ka xarriiqayaa in Somaliland ay ku nabad-iyo-caano maashay wax-qabsiga ummaddeeda iyada oo aan hore iyo danbayso toona ku xidhin taageero dibedeed waxa ay qabsan karto ummaddeedu. Waxa sidaa darteed uu Somaliland Forum dhallinyarada waddaniyiinta ah ku dhiirrigelinayaa in ay ogaadaan in qof kasta oo muwaadin ah uu xil gaar ahi ka saaran yahay ka qaybqaashada dhiska tiirarka qarannimo oo ay doorashadu ka mid tahay. Waxa uu ururka Somaliland forum xusuusinayaa guud ahaan shacabka Somaliland, gaar ahaanna inta mas’uuliyaddu gaar uga saaran tahay habsami u socodka doorashada (komishanka, dhinacyada loolanka ugu jira hanashada maamulka waddanka, shaqaalaha), in waxqabadka dhabta ahi uu ku xidhan yahay in ay dhacdo doorasho xaq ahi, oo ay ku dhacdo waqtigaa loo cayimay. Xubnaha Ururka Somaliland Forum waxay Ilaahey uga baryayaan in komishanka iyo dhamaan inta ku howlan meelmarinta doorashooyinka uu ku guuleeyo hawlaha iyo masuuliyadda baaxadda leh ee hayaan. Ururka Somaliland Forum wuxuu shacbi-waynaha Somaliland ku ammaanayaa sida habsamida leh ee uu uga qayb galay qaadashada Kaadhka cusub. Waxaana uu ka codsanayaa dadwaynaha inay si anshax iyo waddaninimo ku dheehantahay ay u hirgeliyaan doorashooyinka, u codeeyaan si nadiif ah, una taageeraan Komishanka Qaranka sidii ay si nabad ah inoogu qabsoomi lahayd doorashooyinka sanadkan. Komishanka qaranku waa xilkas u baahan in la isku garabtaago hawsha ballaadhan ee ay ummadda u hayaan. Ugu danbeyn waxa uu ururku ugu baaqayaa dhammaan axsaabta siyaasadda iyo saxaafadda Somaliland in la dhawro heshiiskii anshaxa doorashooyinka (Code of Conduct) lagana fogaado waxkasta oo dhaawici kara habsami u socodka arrimaha doorashooyinka qaranka. Guul iyo Gobannimo, Ururka Somaliland Forum
-
Ilaahay ha u naxariisto ...
-
Somaliland: The Beginning of the Election Campaign
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Change from Rayaale to Siilaanyo ..... that is what he means ,, -
Tukaraq: SSC Clan Elders Hold Party For Defected Pland Troops. (PICS)
Jacaylbaro replied to Cowke's topic in Politics
Now this is a really good move ..... -
qurub joogta Jibaysan ,ee ubadka, dumarka iyo dhalinyarada leh,ee caruurtoodii iskuulada wanaagsan iyo meelaha nabada joogaan ee qaxinya caruurta nabada uun haysatay ee aan wax kale haysan, aanay awood difaac iyo mid siyaasadeed toona u ahayn Indeed ...............
-
Go figure ,,,
-
Somaliland: The Beginning of the Election Campaign
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
I'm sure anyone who won will make u cry anyway ,,,, so i'm chilling ... -
SIDEE WAX U DHECEEN 27 MAY 1988? Maalmo ka hor 27 may 1988 waxay ahayd wakhti aad iyo aad ugu adag jabhadii S.N.M iyo taageerayaasheediiba, waayo waxaa heshiiyay labadii hogaamiye ee Somalia iyo Ethiopia, Siyad barre iyo Mengistu,waxaa dallow ka dhacday rejadii shacabka,waxkastana waxay ka fisheen dhinaca guuldarada,werwerka,malo awaalka,anfariirka iyo rajo xumadu waxay noqdeen kuwo wehel u ah dadkii ku noolaa Gobolada Waqooyi ee SOMALIA. Maalmahaas heshiisku dhacay xitaa Gudoomiyihii S.N.Mta Ahmed Siilanyo oo dareensan rajo xumada jamhada S.N.M iyo shacabdkeeda soo wajahay,dhinaca kalena iska diid siinaya heshiiska labada dawladood gaadheen ayaa la hadlaaya idacada BBCda laanteeda afsomaliga bal si uu in uun rajada umada usoo nooleeyo,wuxuuna bixinayaa waraysigii fariinta xambaarsana ee ay ereyadiisa ka midka ahaayeen DAWLADUHU HADII AY DOONAN HA HESHIIYEEN LAKIIN INTA DULMIGII AANU KA DAGAALAMAYNEY JIRO HALGANKA JOOJIN MAYNO!!!. Isla maalmahas waxaa la isugu yimi jiida hore ee Dagaalka magaalada DHUUBO-GUDUUD,hadii ay tahay gudoomiyihii ururka iyo dhamaan garabkii ciidamada iyo kii siyaasadaba iyo waxgaradkii kale ee uruka taageeri jiray oo dhanba. wakhtigu aad ayuu cidhiidhi u ahaa waxkastaana si degdeg ah ayay ku soconayeen ajandaha keliya ee meesha yaalayna wuxu ahaa KALA DOORO LABA DARAN,qofkasta oo maalmahaas jiida hore joogay maskaxdiisu aad ayay u shaqaynaysey oo intaas oo kun oo fikradood ayay daqiiqadiiba soo tuuraysey,habeenkii marka la gaadho hurdadu cirka ayay ku laalmaysey,waxaa xad beelay qaadka la cunaayo,si fikradaha saxan loo helo,mashquulka kalena maskaxda looga ilaaliyo,waana la wada jibaysnaa waxay talo ku soo ururtay in gudaha la isugu shubo,gudidii dagaalka ayaana la iska dhexdoortay. gudidii dagaal gelinta S.N.M ee kaartada dagaalka dejisay waxay kala ahaayeen. 1.Muj. Jaamac cali cilmi (gudoomiye) 2.Muj. Maxamed kaahin axmed 3.Muj. Xasan yonis Habane 4.Muj. C/samad Xaaji C/laahi 5.Muj. C/laahi maxamed Gudidani wakhti aad u kooban gudahood ayay ku soo diyaariyeen,kaarto dagaal tii ugu quruxda badnayd,weliba sidii ay ugu talo galeen hadii ama u dhigeen hadii ay u dhici lahayd oo burco iyo hargeysa isku maalin lagu dhufan lahaa,guul aad u baaxad weyn iyo khasaare ka yar kii markii markii danbe dhacay ayaa soo hooyan lahayd,lakiin si ay ku dhacdayba afar cisho ayuu ciidankii kala danbeeyay. Waxaa meel la isugu wada keenay ciidamadii S.N.M,iyo wixii hub iyo gawaadhi iyo shidaal la hayayba,labadiii eeg ee S.N.M ee aaga galbeed iyo aaga bari,waxaana magac ahaan loo bedelay aaga makka iyo aaga madiina. Waxaa dhamaan deegaanka S.N.M isa soo dul taagtay daruurta GEERIDA waxaase ku lamaanayd daruurta XORIYADA,qofwal wuxuu go,aan saday inuu nafta iyo maalkaba huro,waxaana caloosha lagu adkaysanayay gabayo qarniyo hore la mariyay oo ay ka mid ahaayeen, hadaad dhimato geeridu marbay nolosha dhaantaaye,dhaqashiyo marbay kaa yihiin dheregu xaaraane iyo gobanimo bilaash looma helo ban iska taal taale, iyo gobanimadu waa geed ku baxa dhiiga geesiga. tabaabushe degdeg ah ka dib waxaa meesha la yidhaahdo Samatar Axmed,lagu diyaariyay 1200 oo mujaahid,waana ciidankii aaga MADIINA, ee burco weeraraayay,waxayna kasoo dhaqaaqeen Samatar Axmed 26.5.1988. Ciidankaas aaga Madiina waxaa hogaankooda guud ahaa,Muj. Axmed Mire Maxamed, abaanduulena waxaa u ahaa Muj.Aadan Saleeban Cali. (Ma gubte), taliyaha hawlgelinta waxaa ahaa Muj.Xuseen Axmed (kharash yare). Waxaana weliba ciidankaas loo sii qaybiyay laba qaybood oo ka koobnaa qaybta 1aad iyo qaybta 2aad waxaana kala hogaaminayay labadaas qaybood. QAYBTA 1aad waxaa hogaaminayay Mujaahidiinta kala ah. 1.Muj. Xasan Cali Abokor 2.Muj. Muuse xasan Dhunkaal (Muuse Bidaar) 3.Muj. Ibraahim jaamac Dhiif (HA LIQIN) 4.Muj. jaamac Digale Ducaale 5.Muj. Maxamed Yusuf QAYBTA 2aadna waxaa hogaaminayay mujaahidiinta kala ah 1.Muj. Axmed Macalin Haaruun 2.Muj. Maxamed Cali Faarah 3.Muj. Maxamud Maxamed Xandulle ( oo ahaa saraakiishii ugu da,da weyneyd S.N.M, 77kiina gacan wax ka noday) 4.Muj. Cumar maxamed Ciidankaas S.N.M ee burco galay waxay wateen. 4 Siikaawe 2 beebee 2 Jiib 2 ZUU 23 Iyo 30 gaadhi oo xamuul ah, waxayna wajahayeen ciidamadii gaaska 3aad ee qaybta 26aad ee xooga dalka somalia oo ka koobnaa. 4 Guuto oo Ciidanka dhulka ah. 1 Guuto oo Tankiyo ah ama KAARAYAAL sida aad u taqaanan 2 Guuto oo Madaafiicda Goobta ah iyo hal urur oo ah hubka wax gumaada ee PMka loo yaqaan. Ciidankaas S.N.M ee ka soo dhaqaaqay Samatar Axmed waxay xuduuda ka soo galeen meesha la yidhaahdo SIBIDHLEY waxayna soo mareen DHOQOSHEY, marka ay marayaan meesha la yidhaahdo XAYDH DUCATO ayay iska heleen xooga ****** ah lakiin baabuurta loogama degin ee markiiba way kala yaaceen ******taasi markii la rasaaseeyay, waxay habeenkii oo dhan soo socdaanba ciidamadii S.N.M waxay dul yimaadeen magaalada burco intaan waagu beryin,halkaas ayayna ku kala qaateen go,aamadii ugu danbeeyay ayna isku kala qaybiyeen. Markeliya ayay subaxnimadkii 27 may 1988, maalin jimce ah ay burco ku waa bariisatay ALLAHU AKBAR iyo sanqadha rasaasta daqiiqado gudahoodna hugunka hubka noocyadiisa kala duwan ayaa burco is wada gaadhay,hadii ay mujaahidiinta S.N.M ahayeen 1200 nina,daqiiqado gudahood ayay burco oo dhami S.N.M ku wada noqotay, ALLAAHU AKBAR, dhalinyaradii hubka ayay wada qaateen oo boobeen, hooyooyinkii quraacda ayay S.N.M la daba ordayaan, islaamihii waaweyna ama ayeeyooyinki Ciida ayay S.N.M ka daba saydhayaan iyaga oo in ilaahay beleda iyo xabada ka xijaabo iyo inay guulaystaan ilaahay uga baryaaya. Waxaa cagta la mariyay dhamaan ciidamadii ******TA ee gaaska 3aad ee burco ku sugnaa,waxana la laayay dhamaan saraakiishoodii oo dhanba oo ay ka mid ahaayeen 1. gashaanle sare CADCEED oo ahaa hagoomiyihii ciidanka gaaska 3aad 2. Captain maxamed abshir (kabtan faalso) oo ahaa taliya bilayska burco iyo boqolaal kale oo aynaan halkan ku soo koobi karin,iyo kumanaan ciidamadoodii ahaa,waxayna noqdeen wax dhinta,wax is dhiiba iyo wax yaaca oo oo firdhadkii meelay mareen la waayay. Jabkii maalintaas ****** ku dhacay kamay soo kaban,waxayna bilaabeen inay shacabka diyaarado ku duqeeyaan, xabadii maalintaas BURCO ka bilaaban tayna laba sano iyo badh gudahood ayay SOMALIA oo dhan ku wada gaadhay,xukunkii siyad barrena ku soo afjar tay, waxayna sheekadu ku danbaysey maansadii Hadraawi ee DAALALEY. Dusduskay ku dheregtee haddaan daalku dheeraan gabbal baas u dumin nabad. Nin dalleensi lagu cunay haddaan guuto loo dilin dakharkiiba toban noqon. Nin kastoo dun iga qaba haddaan daab-cad lala dhicin. Janannada durduurta ah Haddaan daadku soo qubin. Aqallada derbiga dheer haddaan daaqad laga gelin. Ninka dabin ka boodka ah haddaan diirad lagu helin. Haddaan duubka gogoshiyo lagu dhuuman dalowyada. Haddaan shaashka derejada dallacaadda laga nixin. Dar Allay u kibirtee haddaan iilka lagu degin. Haddaan meydku duurkiyo derrimaha ka fara badan. Sanqadhaa dabayshiyo haddaan fiinta laga didin. Fadhigay ku daaqdee haddaan soodhku dalandalin halka diibi lala maro haddaan raacdo daba gurin. Dacfalaanka mahaddiyo dardarsiga barwaaqada iyo doosha subagga leh haddaan laysu dacarayn, inata daran intaw daran haddaan duulal lagu falin. Haddaan deebta gumuciyo lagu guban dabkaan shido. Duhur laysla wada jiro haddaan guusha lay deyn Allay-lehe docdaydii ha goblamo dal weynuhu.
-
I thought we're talking about SNM and Somaliland ,,,,,
-
Somaliland: The Beginning of the Election Campaign
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Both Rayaale & Siilaanyo will be your enemies anyway .... Both are Somalilanders and have the same goals ,,,, -
I didn't expect you give a credit where it is due adeer ... colaada qabyaalada ayaa kaa xoog badane ,,, put in your diary that the SNM is the only movement who transferred power to its people.
-
I'm just a normal-achiever ....
-
You can join Cowke's class adeer ...... SNM were not a power hungry and all they did is to handover the power to the public to choose whoever they want.
-
Somaliland: The Beginning of the Election Campaign
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
I don't care what you hope ,,,, the importance is the elections happening and one will be chosen BY THE PEOPLE ,,,,,,, -
Puntland and her antics (Some jokes are getting tiring)
Jacaylbaro replied to me's topic in Politics
Nobody is celebrating here adeer ...... people are dying there and lives are lost simply coz of some political gangs are mobilizing and giving guns to the poor youth instead of helping them get educated. -
Somaliland: The Beginning of the Election Campaign
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
whoever goes there ... will be the choice of the people of Somaliland. I still prefer Rayaale though -
Somaliland: The Beginning of the Election Campaign
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
It starts on Thursday, the 3rd of June 2010. First day UDUB, Second day KULMIYE and the Third day UCID .......... and it goes. -
Hargeysa(Waaheen)Maxamed Axmed Xirsi “ Geelle” ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay Ololihii Doorashada Madaxtooyadu inuu sadexda Xisbi si rasmi ah ugu bilaabmi doono 3 bisha June oo ku beegan maalin khamiis ah Sidaas waxa uu Af-hayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Maxamed Axmed Xirsi ka sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Hotelka Imperial ee Hargeysa, waxaanu intaa ku daray in ay sadexda Xisbi ixtiraamaan nidaamka iyo Qorshaha loo dhigay, kaasoo maalin ba si gaar ah uu Xisbi u yeelan doono Dalka oo dhan inuu kalidii ka Ololeeyo Waxaanu sheegay Maalinta ugu horeysa inuu Ololaha Dalka ka bilaabi doono Xisbiga UDUB, maalinta Ku xigtana Kulmiye, maalinta Sadexaadna UCID, taasoo ay ilaa iyo maalinta la soo gababaynayo Ololaha Doorashada sidaa isku weydaarsan doonaan Jadwalka Komishanka Doorashooyinka ayaa wali ku guda jira bedelaadii kaadhadhka iyadoo uu Ololuhuna ku beegmayo maalmaha la gabagabeeyo uun Kaad-bedelka, sidoo kale xubno Komishanka ka mid ah ayaa iyana safar ugu maqan sidii ay u soo daabici lahaayeen waraaqihii Codaynta
-
Puntland and her antics (Some jokes are getting tiring)
Jacaylbaro replied to me's topic in Politics
the people of SSC will no doubt liberate themselves from the SNM clowns. I'm glad you finally gave up ...... Now let's deal with our own Secessionists aka SSC ..... I hope there will be no more bloodshed. -
Now someone tell me they're not secessionists ...
-
Cowke wuxuu dhashay 1991 ,, markaa ha la yaabina ,, Someone here was claiming that he is not qabyaaladiista.. Tell me about it now... SNM maxay tahay? You need a 101 lesson on SNM adeer ....... U need 2 years of class attendance with full payment in advance.