
Jacaylbaro
Nomads-
Content Count
44,142 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
1
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Jacaylbaro
-
dacnii adribu cunuqah. Typical Alshabaab ............. To kill the person is not always the option specially when he/she is not a Muslim to begin with. Whateve happened to Nateexa, the teaching, the patient and so on ?? ,,,,
-
Sarkaalka Ciidankanwatay oo magaciisa ku soo gaabiyey Xassan ayaa u xaqiiqjiyey warbaahinta in ay 11:00pm ee wakhtiga geska Afrika ka soo ambabaxeen Boosaaso. Ciidamadan ayaa si dhoolo tus ah oo awood sheegasho ah ku soo dhex qaaday wadada laamiga ah, ayagoo dhamaan soo jeedhay Kantarooladii u yaalay booliska Puntland. I told you ... I admire these guys ,,
-
SSC leadership us are one Puntland deputy speaker
Jacaylbaro replied to General Duke's topic in Politics
ARE U SURE ABOUT IT ?? -
Bro you see the two lions? 1 of the lions is USC, the other lion is DBLOCK. So you believe USC is a lion similar to D-block ?? ,,,
-
Kolayba way kugu soo gaadhaysaa .......... Last day of the week ,,,, looking forward to the weekend.
-
Abwaan Saxardiid Maxamed [Jabiye} wuxuu ka mid yahay abwaabnada ugu waaweyn ee waqtigan aynu joogno nool. Abwaanku wuxuu sameeyay ila dhawr iyo toban riwaayadood oo midiba ta kale ka khatarsantahay, mudo 10 sanadood gudahood. Abwaanku wuxuu ka mid ahaa indheer garato yar oo markiiba aqoonsatay in Somaliland khaladkii uugu weynaa samaysay markii ay xornimadeedi sida fudud ugu deeqday koonfur. Heestan ugu horaysa oo ka hadlaysa khaladkaa lama ilaawaanka ahaa, wuxuu abwaanku tiriyay 61kii, wuxuuna ku soo daray ruwaayad la dhigay 64kii oo uu isla isagu curiyay. Heestan isla markiiba waa la mamnuucay si aanay dareenka reer Somaliland u kicinin. Waxa ku luuqayn jiray Alle haw naxariistee Faanaankii weynaa Axmad Muxumad Good [shimbir]. Waa tan ee ka noolaada: midho geed ku yaala gunti dar aad ku hayso u gadigu ma fiicnee maantaan garowsaday anigaa isu gaystoo galabsaday xumaantee wixii ila garaadow gobanimo ha tuurina adigoo galmoonoo gaajo ay ku haysoo gorofkaaga xoorka leh lays kama gambiyee anigaa isu gaystoo galabsaday xumaantee wixii ila garaadow gobanimo ha tuurina haweeyoo gayaanoo gacal igula taliyay ???? ii hilaacdoo sii daayay gacantee aniga isu gaystoo galabsaday xumaantee wixii ila garaadow gobanimo ha tuurina
-
so what is your joy today ,,,,,
-
Hargeysa (Waaheen) 27 May 1988 oo ay maanta ku beegntahay 22 guuradeedii, waxay ahayd maalin xusuus gaar ah u leh guud ahaan dadka Reer-Somaliland, gaar ahaanna dadka Reer-Burco, waayo maalintaasi waxay ahayd maalin uu si lama filaan ah dagaal culusi uga qarxay gudaha magaalada Burco, ka dib markii ay cutubyo ka tirsan ciimadii dagaalyahanka ururka SNM ee mudada tobanka sannadood gaadhaysa halganka hubaysan kula jiray dawladdii Siyaad Ba rre salaad hore guluf milateri ku soo galeen xarunta gobolka Togdheer ee Burco, halkaas oo ay dagaal faraha lagaga gubtay foodda isku dareen ciimadii taliskii Siyaad Barre ee Burco fadhiyey iyo cutubyadii SNM,waxayna taasi keentay jawi Siyaasadeed cusub iyo xaalado milateri oo hor leh oo ka aloos-may mandaqadda bariga Afrika, gaar ahaan labadii dawladood ee Itoobiya iyo Somaliya. Sidoo kale saddex maal-mood ka dib oo ahayd 31-kii may 1988, waxay cutubyo kale oo ciimadii SNM ahi weeraro milateri oo kaa la mid ah ku soo qaadeen gudaha magaalada Hargaysa iyo jiido kale. Weeraradaa milateri ee ay xoogaggii ururka SNM ku soo galeen gudaha magaalooyinka waaweyn ee Somaliland waxay, ahaayeen kuwo miidaamo ah, waxayna taasi ka dambaysay markii ay labadii dawladood ee ka kala talin-jiray dalalkii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed iyo Itoobiya ay isla gaadheen heshiis dhigaya inay qolo waliba dhinaceeda joojiso taageeradii ay siin jirtay jabhadihii dagaalka hubaysan kula jiray, iyadoo dawladdii Siyaad Barre taageeri jirtay jabhadii Ereteriya, halka ay dawladdii Mingistu Haile Mariam-na taageeri jirtay jabhadihii dagaalka hubaysan kula jiray taliskii Siyaad Barre sida: SNM iyo SSDF, waxaana waxyaalihii ay labada talis ku heshiiyeen ka mid ahaa in ciimadii SNM laga soo raro jiidaha hore ee dagaalka ,islamarkaana uu ururka SNM joojiyo hawl-galadii milateri ee uu ku hayey dawladdii Siyaad Barre. Sidaa darteed heshiiskasi waxa uu ururka SNM soo taagay marxalad aad u adag iyo mawqif xaraj ah, taas oo ay arintoodu noqotay “kala dooro laba daran”, waxayna taasi keentay inuu ururka SNM qaato mawqif xaraj ah, taas oo uu hogaankii ururka SNM go’aansaday wax lama filaan ah oo aad uga duwan wixii ay labada dawladood ku heshiiyeen, waxayna SNM talo ku gaadhay inay ciidamadeedu madax-madax isugu tuuraan gudaha, iyaga oo bartilmaameed ka dhiganaya saldhigyadii waaweynaa ee ciimadii qaybtii 26aad ee taliskii Siyaad Barre ee fadhigoodu ahaa goboladii waqooyi ee Jamhuuriyaddii Somaliya. Sidaa awgeed waxay ciidamadii dagaalyahanka SNM gulufkoodii u horeeyay ku galeen magaalada Burco, subaxdaasina waxay guud ahaan dadkii ku dhaqnaa goboladii waqooyi (Somaliland), gaar ahaan dadkii reer-Burco, talisyadii Mingistu iyo Siyaad Barre, mandaqadda iyo guud ahaan dunida ku noqotay amakaag iyo qaadan-waa. Ciidankii SNM ee Burco galay waxa uu xaddigiisu ahaa tiro aan ka badnayn ilaa 1200 oo dagaalyahan, taasina waxay ahayd tiro aad uga yar cududii milateri ee gaaskii ciimadii taliskii Siyad Barre ee fadhiyey jiidaha gobolka Togdheer iyo xarunta gobolkaa ee Burco,ee gaaskii Qaybdiid la odhan jiray, laakiin iswaydiintu waxay tahay maxaa dhacay, maxaase ururka SNM ku kelifay weerarkaa is miidaaminta ah. Ciidamadii SNM ee Burco galay waxa uu ahaa taliyahoodii u sareeyay Muj: Axmed Mire Maxamed, iyadoo ay talayayaashii ku xigayna kala ahaayeen labada Marxuum: Aadan Saleebaan iyo Xuseen Axmed (Xuseen kharash-yare). Muj. Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii sar-sare ururka SNM, gaar ahaan garabkii milateri, gaar ahaanna waqtigaa ka mid ahaa guddigii dagaalka ee loo xil saaray hawl-galkaa, madaxna ka ahaa saldhigii Itoobiya ee ay ka soo dhaqaaqeen ciimadii Burco galay. oo arintaa ka waramay ayaa yidhi “Waxyaalihii ay dawladihii Mingistu iyo Siyaad Barre ku heshiiyeen waxa ka mid ahaa inay ciimada SNM dib uga kacaan jiidaha hore ee dagaalka oo ay dib ugu guuraan gudaha Itoobiya, taasna waxay SNM u aragtay inuu dhabar-jab ku yahay halgankii ururka SNM”ayuu yidhi Maxamed Kaahin, wuxuuna intaa ku daray “ waqtigaa ururka SNM labo mid ayey isu soo taagtay inuu halgankii ururka SNM halkaa ku baaba’o iyo inuu go’aan adag qaato oo uu halgankii sii socdo, sidaa darteed hogaankkii ururka sida: Gudoomiyihii, guddigii fulinta ,golihiii dhexe, talisyadii ciidamada , waxgaradkii iyo waayeelkii ururku wada tashi ballaadhan ka dib waxa la go’aansaday in hawlagal ballaadhan oo milateri lagu galo gudaha”. Muj: Maxamed Kaahim isaga oo ka waramaya xaaladii Ciidan ee ururka SNM iyo sidii wax loo qorsheeyey iyo sidii ay ahayd isu dhiganka cududda labadii Ciidan ee SNM iyo ciimadii Siyaad Barre ee ay is-waajahayeen, waxa uu yidhi “ Ciidankii SNM labo qaybood baa loo qaybiyey oo kala ahaa aagga galbeed iyo aagga bari oo la kala odhan jiray MAKA iyo MADIINA, iyadoo ay ciimadii SNM ee weeraray aagga Cadaadley oo uu hogaaminayey Muj: Xuseen dheere ay ciidamo laga soo dheegay labada qaybood, intaa waxa dheeraa taliskii ciidamada SNM, ciidankii Burco galay ee SNM-na waxay tiradiisu ahayd ilaa 1200 oo nin iyo midhadh ,waxayna wateen labo qori oo jiibab ah, labo qori oo suugag ah, 6 qori oo siikow ah ,islamarkaana ciidanka umaanu hayn wax taakulo ah oo xataa baabuurtii ay wateen qaar baa shidaalku ka go’ay markii ay magaalada soo galeen, halka uu ciidankii gaaska 3aad eeSiyaad Barre ee Burco fadhiyey ay ka koobnaayeen 4guuto oo ciidanka dhulka ah, guuto taangiyo ah, laba guuto oo madaafiicda goobta ah, urur PM. Ah , laakiin anaga waxa PM iyo tangiyo u ahaa tayo iyo moral, waxaanuna hawlgalkaa ku gaadhay guul weyn oo milateri iyo mid Siyaasadeed-ba waayo khasaare kasta oo na gaadhay waxa ka weynaa khasaarihii gaadhay ciimadii taliskii keli-taliska ahaa ee Siyaad Barre”. Muj. Maxamed Kaahin, isaga oo tilmaamaya sidii ay xaaladda ururka SNM u ekayd maalmihii la qaadanayey go’aanka is-miidaaminta ah waxa uu yidhi “Runtii xaalad adag iyo go’aan adag ayey ahayd, laakiin waqtigaa ururka SNM wuu u bislaa inuu qato go’aamo ad-adag siyaasiyan iyo milateri ahaan-ba, waayo waxaanu soo maray marxalado ad-adag oo hore”.
-
Subax wanaagsan ,,,,,,,,,,,,,, I don't like Cakes but i always say no to HILIB ....
-
Puntland and her antics (Some jokes are getting tiring)
Jacaylbaro replied to me's topic in Politics
I hate Qabyaalada but I find THIS extremely Funny ,,,, -
u can't be so sure about that ....... he has a SAT Phone adeer ,, and other secret one make for him ONLY .....
-
Blame Burco niyow ,,,,
-
.... i told u waa sheeko dheer. Gabadha iyadoon la guursan uur yeelata waxa la yidhaa "Cabdillahi sarajoog baa helay" ,,, yaa fahmaayo hee hadaba ,,, lol
-
and the phone number there is a Djibouti one ,, not Somalis .....
-
Caano Maraaci haday yidhaahdaan reer burco ,, wax kele ayay u jeedaan ,,,,, Gabadhaas caano maraaci bay rabtaa ,, means ,, ehem ,, u know ,,,
-
somalia.presidency@gmail.com .....
-
Oxford House waxa lagu qabanayaa Xuska Guda-galkii Waddanka ee SNM 1988. Jaaliyadaha Somaliland ee London waxay si wada jir ah kuugu martiqaadayaan maalinta Sabtida, 29ka Meey 2010, Xuska Guda-galkii Waddanka, 1988. Waa kulan isugu jira aqoon iswaydaarsi iyo xus taariikheed oo lagu lafa guri doono dhacdooyinkii ku xeernaa ayaamihii ururkii Somali National Movement (SNM) ay go’aansadeen inay soo galaan gudaha waddanka ee sannadkii 1988-kii. Sida taariikhdu dhigayso, laga soo bilaabo siddeedankii, maamulxumada, xaqdarrada, xorriyad la’aanta iyo axmaqnimada baahday ee uu ku kacayay maamulkii kali-taliska ahaa, waxay keentay in ummadda Somaliland ay la soo daristay xaalad adag oo leh xadhig, dil, dulmo iyo xaqdaro fara badan oo aan lasoo koobi karin. Arrintaasi waxay sababtay in 6dii abriil 1982 lagu dhawaaqo urur waynihii SNM oo la abaabulo kasoo horjeed hubaysan. Kadib markii lagu jiray dagaal debedyaal ah muddo 6 sanadood ah 27kii May 1988, waxay ciidammadii SNM si badheedh ah usoo galeen, dibna u xoreeyeen, magaalooyinkii waawaynaa ee Somaliland . Magaalooyinkaas oo ay ugu horeysay magaalo madaxda labaad ee waddanka, Burco, oo lasoo galay 27kii Meey, dhawr casho kadibna waxaa dib loo galay magaalo madaxda Hargeysa, 31 meey Halgankaas iyo dib u xorayntaas oo ku soo afjarmay ku dhawaaqida dib ula soo noqoshadii Somaliland, 18 May 1991, waxa farxad ah in bishan loo dabbaaldagay 19 tobban-guuradiisii. Fadlan kala soo xidhiidh wixii faahfaahin ah: Maxamed Yusuf 07946363211 ama Maxamed casayr 07534876005
-
Geerashayn waa dhaaftay niyahow ,,,, luqad cusub baaba la samaystay ,, adigoo dhan baa lagugu dul shaxayaa adigana gafuurkaad taagaysaa oo maba ogid ,,
-
Was the Day the SNM forces smashed the Barre's arrogant military and invaded Burco in 1988. congratulations to those who are still alive and Ilaahay ha u naxariisto intii naftooda ku wayday. Their bravery should be remarked.
-
Waaryaa hada guul waduhu waa cay ,,,,
-
Originally posted by Karl_Polanyi: quote:Originally posted by Jacaylbaro: . Bring Somali Christians for example and then invite audiences for an open discussion. London aint Hargeysa. There's no Somali Christians. Yaa kugu yidhi ?? ,,, I already know some ,,
-
Waryaa Tuujiska, dadkani way dambeeyaane inaga dhaaf niyow ..... weliba reer burco war cusub bay soo saareen ,,,