Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. DAREENKA DADWEYNAHA KU DHAQAN MAGAALOOYINKA BADHAN, DHAHAR IYO LAASQORAY EE KU AADAN IBINTA QALABKII DEKADA LAASQORAY Dadweynaha ku dhaqan Magaalooyinka kala ah Badhan, Dhahar iyo Laasqoray ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay sida ay u arkaan in la iibiyo qalabkii Marsada Laasqoray dib loogu dhisi lahaa ee ay lacagtiisa inta badan Soo Urur Sheen Jaaliyadaha Dibada eer Reer Maakhir. Warbaahinta Caalamiga ee Laasqoray.Net ayaa Khadka Telephone-ka kula xidhiidhay Magaalooyin ka tirsan Gobolada Sanaag iyo Haylaan oo ayaamahan dambe ka jiray dhaq dhaqaaq ku aadan sida ay uga xun yihiin iibinta qalabkii dib loogu dhisi lahaa Dekada Magaaladda Laasqoray oo uu maalmahan dambe ka socday ololaha dib loogu gadayo Gudaha Magaaladda Boosaaso. dadkan oo shucuurtoodu kor u kacsanayd ayaa noo sheegay hadii ay suuragasho in qalabkaas la iibiyo in ay ka dhalan doonto cawaaqib xumo mustaqbalka dhow saameyn ku yeelata Deegaanka. Qeybaha kala duwan ee dad weynaha ku dhaqan Gobolada Sanaag iyo Haylaan oo ay u horeeyaan Odaayasha ayaa Warbaahinta Laasqoray.Net u Sheegay in dadkii ka qeyb qaatay dhaqalaaha dib loogu dhisayo Dekada Magaaladda Laasqoray Meelay joogaanba ay Gudi iska Soo Dhex Saaraan Kuwaas oo La Xisaabtan La Sameya hawl wadeenada hay'adda Horn Relief. Sidoo kale Odayaasha Magaaladda Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa ugu baaqay Bulsho Weynta Reer Maakhir ee Qurbaha ku nool ee qeybta libaax ka qaatay sidii markale dib looga hir galin lahaa Dekada Magaaadda Laasqoray in ay ku baraarugaan in xoolahoodi dad gaara ay ku takri faleen islamarkana loo baahan yahay in Gudi Xaqiiqo raadis ah u soo diraan Gudaha Dalka si ay uga hor tagaan qalabka Dekada ee Suuqa Lagu baayacayo. Qaar Kamida Dad Weynaha Ku dhaqan Magaaladda Dhahar ee Xaruunta Gobolka Haylaan ayaa Warbaahinta Laasqoray.NET u Sheegay in ay aad uga xumaadeen markii ay dhagoohada kusoo dhacday fariin xambaaran murugo iyo naxdin oo ku aadan iibinta qalabka Laasqoray Waxayna sheegeen inay uga baaqayaan hawladaneeda Horn Relief in ay arinkas dib uga noqdaan Dhanka kale Dad Weynaha ku dhaqan Magaalooyinka Dhahar,Badhan, Laasqoray, Hadaaftimo iyo Xingalool ayaa diyaarinaya Isu soobax lagaga soo horjeedo iibinta qalabka Dekada Laasqoray waxaana laga yaaba in uu dhaco maalmaha fooda inagu soo haya. Laasqoray.NET
  2. who talked about ictiraaf ??? ,,,, way duushay indeed.
  3. Badhan:-Mudaharaad baa ka socda Looga Xunyahay iibinta Qalabka Laasqoray Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa saaka laga xidhay goobihii Ganacsiga iyo Waxbarashada waxana loo Banaan Baxay sidii dadku ay Shucuurtooda uga Muujin lahaayeen sida ay uga xun Yihiin Warka sheegaya in Horn Relief ay Beecinayso Qalabkii Dekeda Laasqoray. Warka ayaa sheegaya sidoo kale in Odayaasha Gobolka iyo Heer degmo ay wadaan Abaabulo xoogan oo arinkaasi lagu Joojinayo waxana ay Fariimo Dhanka Media- ah u dirayaan Hay’adda Horn Relief. Dhanka kale Magaalada Laasqoray ee Dekeda laga dhisi lahaa ayaa iyana laga wadaa Mudaharaad balaadhan oo kaasi la mid ah. Guud ahaan Dadka Reer Hayland iyo Sanaag ee Qurbaha iyo Dalka ayaa si xun uga dhii dhiyay masiibada ka soo Yeedhay Maamulka Hay’adda Horn Relief oo sheegay inay Suuqa ugu Jiraan Qalabkii Dekeda.
  4. I've spotted this in Hargeisa couple of months ago ..... That would be my car when the time comes IA
  5. Waxaanad ogaynba sida Oprah halkan looga daawado ,,,,
  6. Muqdisho calankeeda muu dhicin ,,, Berberana wuu dhacay ?? ,,,,, Xataa anaa yaa haamaan
  7. Where is Oodweyn? Nin aanad magaciisaba saxayn xaad ka rabtaa ??
  8. KAMA QASNA . . . . BOONXIRSI, BIDDE OO SUUDH KU TAAGAN , IYO MAYARKA LONDON OO QOSOL KALYAHA IS HAYA
  9. I think it is the other way round ,,, Sh. dalxiis got what he wanted ,,,, an open gacan taag
  10. in labada masuul ay isku raceen in ansixinta Ra’iisul wasaaraha maalinta Arbacada ah ee soo socota oo barlamanka fadhiga ay ku balansanyihiin in laga dhigo mid gacn taag ah.
  11. Muqdisho: (Sh. M. Network) Madaxweynah dowaldda KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo gudoomiyah barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta isku raacay habka loo qaadayo codaynta Ra’iisul wasaraha cusub oo maalimihii lasoo dhaafay ay ku murunsanaayeen. Kulankaani oo ahaa kii labaad oo Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ay ku wada yeesheen madaxweynaha dowaldda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa ay kaga hadlayeen qilaafkii dhawaan soo shaacbaxay ee u dhaxeeyay labadasi masuul kaasi oo ku aadanaa qaabka codka kalsoonida ah baralamanka KMG uu ku siinayo Ra’iiusl wasaare Max’ed C/laahi Max’ed oo dhawaan madaxweyne Shariif uu soo magacaabay. Kulanka labadaani qof oo mudo dhowr saacadood ah uga socday aqalka madaxtooyada ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa wararka qaar ay sheegayaan in ay si aad ah uga lafa gureen mad madowga iyo muranka maalmahaan hareeyay madaxda sare iyo barlamanka oo iyaguna si aad ah ugu kala qaybsmay u codeynta Ra’iiusl wasaaaraha. Hase ahatee warar lagu kalsoonaan karo oo Shabelle ay ka heshay Xarunta madaxtooyada oo maanta kulan ay ku wada qaateen madaxweynaha dowaldda Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo gudoomiyaha barlamanka ayaa waxaa ay shegeeyaan in labada masuul ay isku raceen in ansixinta Ra’iisul wasaaraha maalinta Arbacada ah ee soo socota oo barlamanka fadhiga ay ku balansanyihiin in laga dhigo mid gacn taag ah. Waxaana sidoo kale kulanka madaxweynaha iyo gudoomiyaha barlamanka goob joog ka ahaa xubno ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya, waxana maanta baaqday fadhi Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ay ku yeelan rabeen Xarunta golaha shacbiga kulankaasi oo ay ku doonayeen inay codka kalsoonida ay ku siiyaan Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo.
  12. Wasiirkii Mucaawinooyinka Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Denmark Oo Goor Dhaweyd Ka Dhoofay Madaarka Cigaal International Airport Hargeysa (HWN) Waftigii uu hor kacayay wasiirka Mucaawinooyinka iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Denmark Mr. Søren Pind oo isagu saacadihii u dambeeyay booqasho ku joogay dalka ayaa goor dhaweyd ka dhoofay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport. Waftigan oo intii ay ku sugnaayeen dalka kulamo kala duwan la yeeshay madaxweynaha Somaliland, wasiirada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa magaalada Hargeysa ka anbo baxay, waxaana lagu wadaa in uu ku sii hakado wadamada jaarka la ah Somaliland. Mr. Søren Pind ayaa intii aanu ka anbobixin la hadlayay warfidiyeenada ayaa sheegay in kulankii uu la yeeshay madaxweynaha iyo wasiirada xukuumadu ahaa mid ku dhaamaday guul iyo is afgarad. Waxaanu shacabka reer Somaliland iyo xukuumadaba uga mahadnaqay sidii fiicnayd ee dalka loogu soo dhaweeyay, waxaana sii sagootiyay xubno ka mid ah golaha wasiirada ee xukuumada madaxweyne siilaanyo.
  13. Buuhoodle:(Allpuntland)-Wararka laga helayo Deegaano katirsan gobolka Ceyn ee Dawlada Puntland ayaa kusoo waramaya in ugu yaraan Labo Boqol oo kamid ahaa Malayshiyaadka Jabhada SSC ay gaareen Deegaano katirsan degmada Widhwidh kadib markii ay si rasmi ah uga goosteen Kooxda SSC. Wararku waxay sheegayaan in Malayshiyadani ay ahayd kooxdii ugu badnayd ee katirsanaa ciidankan,waxaan ay wararku sheegayaan in ay goosteen kadib markii uu khiilaf soo kala dhexgalay Saraakiisha ciidamada SSC & Hogaanka Jabhadda SSC kaas oo ku salaysan Arimo Dhaqaale kadib markii ay Mushaar la’aan baahsani lasoo derista ciidanka SSC. Sarkaalkii hogaaminayey Ciidanka ayaa isagoo xiriir lasoo sameeyey APL wuxuu sheegey in ay doonayaan in ay ka qeybqaataan soo celinta gobolada maqan,isagoo sidoo kalena sheegey in hogaanka SSC uusan diyaar u ahayn inuu ka dhabeeyo sababtii loo saameeyey Jabahadan.
  14. BAGHDAD — Tariq Aziz, a former top aide to Saddam Hussein, was sentenced to death by an Iraqi court on Tuesday for crimes against members of rival Shiite political parties. The ruling was the latest in a series of criminal cases against Mr. Aziz, 74, whose frequent media appearances and travels abroad made him the bespectacled face of Mr. Hussein’s regime. For years, Mr. Aziz served as a staunch and public defender of Mr. Hussein before the American-led invasion of 2003. Because Mr. Hussein rarely left Iraq out of fears about his safety, Mr. Aziz represented Iraq in the diplomatic world. He surrendered to American forces shortly after the invasion, aware that, for Americans, he was among Iraq’s most hunted officials and one of the best known emblems of the Saddam Hussein era. Mr. Aziz’s death sentence stemmed from charges of persecution against members of the religious Shiite Dawa Party, which counts Iraq’s current prime minister, Nuri Kamal-al Maliki, among its members. It was unclear when Mr. Aziz would be executed. One of Mr. Aziz’s lawyers, Badea Araf Azzit, said he was considering whether to appeal. He dismissed the sentence as a ploy aimed at distracting attention from Iraq’s political stalemate and the recent publication of a trove of American war records that described widespread prisoner abuse by Iraqi guards and security forces. “It is a political judgment,” Mr. Azzit said. Mr. Aziz’s lawyers have long claimed he was only responsible for Iraq’s diplomatic and political relations, and had no ties to the executions and purges carried out by Mr. Hussein’s Baathist government. Mr. Hussein was himself hanged in 2006, less than two months after his death sentence was handed down. Mr. Aziz’s lawyer said he remained in poor health. In January, the American military said in a statement that he suffered a blood clot in the brain. He was taken to an American military hospital north of Baghdad for treatment. In March 2009, Mr. Aziz was sentenced to 15 years in prison for crimes against humanity, but he was acquitted earlier that year on charges of ordering a 1999 crackdown against Shiite protesters after a revered Shiite cleric was assassinated. He is also serving a seven-year prison sentence for a case involving the forced displacement of Kurds in northern Iraq. In a recent interview with The Associated Press, he predicted he would die in prison, citing his old age and lengthy prison sentences. Death sentences were also handed down on Tuesday against other former officials in Mr. Hussein’s government including Abed Hammoud, a former secretary to Mr. Hussein, and former Interior Minister Sadoon Shaker. Under Mr. Hussein, Mr. Aziz cultivated a reputation as a cigar-smoking, whisky-drinking, worldly diplomat who used his official posts to justify the invasion of Kuwait, the efforts to obscure Mr. Hussein’s weapons program, the mass killings of Kurds and Shiites in the late 1980’s and early 1990’s and the use of chemical weapons at the Kurdish town of Halabja, among other things. Only weeks before the American-led invasion in 2003, he had an audience with Pope John Paul II at the Vatican, one of dozens of encounters with world leaders. When he surrendered to American troops in his hometown, Mosul, in northern Iraq, he apparently did so for his own safety in the face of mobs hunting down officials of the ousted government. He was No. 43, and the eight of spades, on the Pentagon’s ”pack of cards” listing the 55 most wanted officials of Mr. Hussein’s government. American officials said that, after his surrender, Mr. Aziz offered to testify against Mr. Hussein on the condition that he be released early, a proposition eventually rejected by an Iraqi court and its American advisers. HERE
  15. Ahlan yaa qooqane ,,, Too F**king long day ,,,,
  16. Laba markab oo kuwa dagaalka ah lagana leeyahay wadanka UK ayaa maanta barqadii amintii 10 subaxnimo ayaa yimi xeebta magaalada Berbera labadan markab ayaa waxa ka soo degay laba laash oo ay wateen saraakisha labada markab waxayna yimaadeen xarunta ama taliska ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland. Saraakiisha Ingiriiska ah ee watay labada markab ee kuwa xanbaara diyaaradaha ee dagaalka ayaa waxa kula kulmay Taliska Ciidanka ilaalada xeebha Somaliland markii ay yimaadeen taliyaha Guud ee ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan taliye ku xigeena Ciidanka Booliska Somaliland C/raxmaan Fooxle Gudoomiyah Gobolka Saaxil Ramaax Cali Hayste iyo duqa Magaalada Berbera Cabdale Maxamed Carab . Ilaa iyo hadda war faahfaahsan lagama soo saarin dhinaca Xukuumada Somaliland oo ku saabsan Labada Markab ee kuwa dagaalka ah ee ku soo xidhay magaalada Berbera .
  17. Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulan Albaabadu U Xidhan Yihiin Huteel Maansoor Kula Yeeshay Wasiirka Iskaashiga Iyo Mucaawinooyinka Ee Denmark Hargeysa (HWN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kulan kula yeeshay wafti sare oo uu hogaaminayay wasiirka iskaashiga iyo mucaawinooyinka ee dalka Denmark oo dalka booqasho ku yimid. Waftigan oo ka koobnaa wasiirka mucaawinooyinka iyo iskaashiga ah ee dalka denmark, safiirka dalkaas u fadhiya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayuu madaxweyne siilaanyo kulan albaabadu u xidhan yihiin kula yeeshay safiirka iyo waftigiisa. Madaxweynaha ayaa sheegay in uu dalka ku soo dhaweynayo imaatinkooda waxaanu tilmaamay in dalka Denmark uu yahay mid mar walba mucaawino la barbar taagan dalka Somaliland. Mud. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo madaxweynaha Somaliland ayaa dhinaca kale uga mahadnaqay dawlada Denmark taageerada ay wakhti walba la babar taagan yihiin Somaliland. Waftigan uu hor kacayay Wasiirka Iskaashiga iyo mucaawinooyinka ee dalka Denmark ayaa inta ay dalka joogaan kulamo la yeelan doonaa hogaanka xisbiyada iyo qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka ah.
  18. Waftigii ka socday Dawlada Denmark oo uu qaabilay M/weyne Siilaanyo iyo waftiga oo lug ku maray Saylada Xoolaha Hargeysa M/weynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta ku qaabilay kulana kula yeeshay Wafti balaadhan oo kasocdo Dawlada Denmark Hogaaminayayna Wasiirka Horumarinta Iyo iskaashiga Denmark Mr. Søren Pind Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa waftigan oo maanta barqadii ka soo degay Madaarka Hargeysa International Airport . Waftiga ayaa waxa ku soo dhaweeyey Madaarka Hargeysa Wasiirada Arimaha Dibada Somaliland Dr Maxamed C/laahi Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire Wasiirka Arimaha Gudaha Dr Gaboose Xanaanda Xoolaha Dr Oday Iyo Mayer ka Caasimada Hargeysa Eng Xuseen Maxamed Jiciir. Waftiga ayaa markii uu ka soo dagay markiiba waxa uu booqday Sayladda Xoolaha Nool ee Hargeysa Wasiirka iyo waftigiisa ayaa lug ku soo maray Dhamaan qaybaha Saylada Xooluhu ay ka kooban tahay isaga oo u kuur galayay xaalada guud iyo dhaqaalaha Somaliland ee xoolaha Nool . Waftiga ayaa markii uu ka soo baxay dhamaystayna Kormeerka ay ku soo mareen Sayalada Xoolaha waxay toos u tageen Hotel Maansoor waxaana ku qaabilay M/weynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo isaga oo kulan saacado qaatay La qaatay Wasiirka Iyo Waftigiisa M/weynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo. Shirka ay wada yeesheen Waftiga iyo M/weynaha Somaliland ayaa waxay ka wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo waliba iskaashiga labada dal M/weynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Siilanyo oo halkaas ka hadlay waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay imaatinka ay timaadeen Somaliland aniga oo si balaadhan u soo dhawaynaya waftigan balaadhan ee ka socda Dawlad Denmark hogaaminayana Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Denmark idinku soo dhawaynaynaa sidoo kale waxaanu idiinka mahadcelinaynaa ayuu yidhi M/weynuhu caawimada aad dawlada Denmark ay u fidiso Somaliland iyo shacbigiisa anoo sidoo kale uga mahadcelinayaa Dadweynaha Wadanka Denmark taageerada ay u fidiyaan shacbiga Somaliland .
  19. wafti culus oo ka socda Dalka Denmark kuwaas oo uu hogaaminayo wasiirka Horumarinta iyo xidhiidhka Caalamiga ah Mr Sorn Pind iyo saraakiil kale oo katirsan Dawladda iyo Hay’adaha Dalkaasi Waftiga Denmark oo saaka ka soo degay madaarka Hargeysa ayaa wali ku sugan Caasimadda Somaliland waxaanay kulan la leeyihiin Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyagoo intii ay joogeena indho-indheeyay meelo kala duwan oo ay degan yihiin dadka Qaxootiga ah ee Dalka Gudihiisa ku barakacay. Tan iyo saaka intii ay waftigaasi soo degeena waxa si xoog ah loo adkeeyay Amaanka Hargeysa.
  20. Wasiirka horumarinta iyo xidhiidhka caalamiga ah ee dalka Denmark Mr. Søren Pind iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka barqadii ka soo dagay Madaarka Hargeysa ee Hargeisa International Airport . Waftiga Wasiirka ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Hargeysa waxaana ka hortagay Xayn ka mid ah wasiirada Somaliland oo uu hogaaminayo Wasiirka Khaarajiga Somaliland Md Maxamed C/laahi kuna soo dhaweeyey waftiga Madaarka Hargeysa, guud ahaan waxaa la adkeeyey Amniga Magaalada Hargeysa iyada oo ciidamo fara badan la dhigay jidadka magaalada Waftigan ayaa watay Diyaarad Khaas ah .
  21. Waaheen(Hargeysa) Maraakiib waaweyn oo ay diyaarado ka duulayaan oo ah kuwa dagaalka ee Dalka Ingiriiska ayaa goor dhaweyd soo gaadhay Dekeda Berbera Sida ay dad goob joog ahi Waaheen u xaqiijiyeen waxa ay maraakiibtaasi joogaan meel u dhaw marsadaay ku xidhaan maraakiibtu, waxaana ka dul haadaya diyaarado Helicapter ah oo fadhiistay Madaarka Berbera iyo gudaha Dekedda, sidoo kale waxa iyana ka soo degay maraakiibtaasi laashash kale oo iyana ku soo xidhay dekedda Ilaa hada ciddamadaasi kama ay hadal xukuumadda Somaliland iyo Dawladda Ingiriisku toona, lamina garanayo ujeedada dhabta ah ee ay u yimaadeen, balse waxa ay u egtahay sida ay dadka goob jooga u ah dhacdadaasi sheegayaan inay yihiin Ciidamo badan oo wada hawlgalo baadhis iyo sahamin ah isugu jira Ilaa hada wararka na soo gaadhayaana waxay intaa ku darayaan inay ciidamadda Ingirriska ee halkaas joogaa kulamo la yeesheen saraakiisha Ciidanka Badda, balse si rasmi ah looma oga waxay kawada hadleen. Arrintani waxay ku soo begantay goor ay Hargeysa ku sugan yihiin wafti culus oo ka socda Dalka Denmark kuwaas oo uu hogaaminayo wasiirka Horumarinta iyo xidhiidhka Caalamiga ah Mr Sorn Pind iyo saraakiil kale oo katirsan Dawladda iyo Hay’adaha Dalkaasi Waftiga Denmark oo saaka ka soo degay madaarka Hargeysa ayaa wali ku sugan Caasimadda Somaliland waxaanay kulan la leeyihiin Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyagoo intii ay joogeena indho-indheeyay meelo kala duwan oo ay degan yihiin dadka Qaxootiga ah ee Dalka Gudihiisa ku barakacay. Tan iyo saaka intii ay waftigaasi soo degeena waxa si xoog ah loo adkeeyay Amaanka Hargeysa.