
Jacaylbaro
Nomads-
Content Count
44,142 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
1
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Jacaylbaro
-
Insheeguu ,,,, eesaan jiraa
-
Hayeh North ,,, bal ciyaarta ka sheekee
-
Ok then ,,,,,,,,, I've just joined this group.
-
WAAR HINDIDA WAXAASBA KAMAAN FILAYN ,,, WATCHED ABOUT 2 MIN AND THOUGHT IT IS OK ,,,, Hadda waaban masaxay ,,,,,,,,,,,, belo idin degtay dheh
-
Qof aan ogahay baa soo saari doona ,,,,
-
I should do it while i can ,,,,,,,,,,,
-
I'm not sure who composed it ,,,,
-
Ninkii gabyay wuxuu yidhi: Inkastay dhallaan yeelatiyo ubad dhawaaqaaya Dhimashada ha joogtee si kale waw dhur sugayaa Dhufsataye qalbiga maanigaa dhudi ka reebaaya
-
hahahaha ,,, free world indeed ,,,,,,,,,
-
Originally posted by Ms DD: ^^ you need to stop smoking my dear I don't ,,,,,,, i just love to have cuppa tea/coffe ,,,,
-
Make this one special ,,,,,,,,
-
He has been attacked by gangs in Nairobi and has been in the hospital.
-
Hargeysa, (Harowo) - Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland Mudane: Cawil Cali Ducaale ayaa Maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu ka soo ladnaaday Nabaradii ka soo gaadhay, Dhaawac ay koox budh-cad hubaysan ahi badhtamihii bishii December ee sanadkii horay ku weerareen Magaalada Nairobi ee Caasimada u ah dalka Kenya. Wasiirka Maaliyada oo ay waheliso Xaaskiisa Marwo: Aamina Maxamed ayaa markii uu ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal International Airport ay si diiran ugu soo dhaweeyeen Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Xubno Wasiiro ah, Xildhibaano ka kala socday labada Gole Baarlamaan (Guurtida iyo Baarlamaanka), Salaadiin, Cuqaal, qaar ka mid ah ururada bulshada, Shaqaalaha Wasaaraddiisa iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan kuwaas oo meelo kala duwan uga yimiday soo dhawayntiisa. Wasiirka Maaliyada Cawil Cali Ducaale ayaa markii uu ka soo degay Madaarka Magaalada Hargeysa ayaa hadal kooban oo uu War-baahinta siiyay waxa uu ugu horayn ka waramay sida uu u arko soo noqoshadiisa dalka ee maanta waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan dalkii hooyo ku soo noqday, Aniga oo caafimaad qaba, dhibaatadii igaadhayna ka bogsaday, oo Illaahay caafimaad iga siiyay, waliba caafimaad dhakhso ah, maantana aan dalkaygi ku soo noqday oo si fiican laysoo dhaweeyay, oo taasi muujisay, in aan ahay nin dal leh, oo tol leh, oo dad leh intaba, aad baanan u mahad celinayaa, saaxibaday Wasiirada, Madaxweynuhu maalin walba wuu ila soo hadlayay, saxiibaday wasiiradaa ila soo hadli jiray saaxiibadayda kale ee ila soo hadli jiray, ee maalin walba I lahaa, iska waran ee I dhiiri galinayay waan u mahad naqayaa.” Ayuu yidhi Wasiirku Maaliyada Somaliland. Wasiirka Maaliyada Cawil Cali Ducaale oo Caafimaadkiisa la waydiiyay ayaa kaga jawaabay “100% aad bay u fiican tahay nabarbaa I gaadhay nabarkii halkii bawdada waa la tolay way I bogsatay markaa aad baan u fiicnahay.” Ayuu yidhi Wasiirku. Su’aal kale oo ay Warfidiyeenadu waydiiyeen Wasiirka oo la xidhiidhay in wax raad ah oo cidii ka danbaysay ah oo la hayaa ma jiraa ayuu Wasiirku kaga jawaabay “ Qolada Bilayska Kenya ee CID way daba socdeen oo baadhitaan ayay ku hayeen, waxanay maalmihii danbe lahaayeen raad baan haynaa, laakiinse waxaad moodaa iyaga qudhoodi baa siyaasiyan buuq badan galay, laakiin waxaan filayaa in bishan badhtameheeda wuxuun soo saari doonaan” Mudane Cawil Cali Ducaale oo ka jawaabayay sidii wax u dhaceen ayaa yidhi “Habeen uun bay ahayd niman iska hubaysan, oo faashash iyo waxaa sita, dabadeed nasiib wanaag markii ay sadax nabar igu dhufteen, ee ay halkaa bawdada igaga dhufteen, sidii wax sakatiyey ayey noqdeen, dabadeetana ilaa 9 Ruux bay ahaayeen oo mar uun bay yaaceen, hadii ay sii joogaan wax dhici karayay in ay dhibaatooyin wayn geysan lahaayeen, markay sadex nabar halkaa bawdada igaga dhufteen, uun bay nasiib wanaag mar qudha carareen oo sidii siidhi loo afuufay ay u yaaceen, haday sacad danbe sii joogaan waxay noqon lahaayeen rag dhan oo wada faashash sita oo marba wax kugu dhufta, markaa nasiib marka Illaahay ku badbaadinayo ma sahlana, aad baan Illaahay ugu mahad celinayaa bad baadadiisaa uu I badbaadiyay, oo maalin walba Nairobi dad baa lagu dilayaa oo hadhka cad dad baa lagu laynayaa. Markaa aad baan u nasiib badanaa Mahadaana Illaahaybaa leh.” Ayuu yidhi Md: Cawil. Markii wax igu dheceen waxaa ila socday Wakiilkeena oo isaguna nin bukaana oo kelyuhu xanuunaan, isaga qudhiisa nabaray u geysteen oo Cusbitaalkaa la dhigay, kelyahaa fadhiya oo waa la daweeyaa markaa isaga iyo dirawalkiisa ayaa ila socday, intaas ayaanu ahayn” Wasiir Cawil oo ka jawaabayay su’aal ahayd cidii la socotay markii falku ku dhacay. Wasiirka Maaliyada Somaliland Md: Cawil Cali Ducaale oo la waydiiyay in dadka nabarada gaadhsiiyay ay jiraan xidhiidh ka dhexeeyay dad Somaliland jooga ayaa sheegay in aanu aritaa ogayn waxaanu tilmaamay in hadii uu si daacad ah u hadlo aanu arintaa waxba ka sheegi Karin. Sidoo kale Wasiirka oo wax laga waydiiyay Arinta Urur Siyaasadeedka Qaran ee wali sharciyadiisa muranku ka taagan yahay ayaa ka gaabsaday Jawaabta su’aashaasi waxaanu sheegay in aanu diyaar xiligan u ahayn arintaas. Wasiir Cawil oo aad caafimaadkiisu u fiicnaa isla markaana aanay ka muuqan wax caato ah oo aad u badan ayaa laga dareemayay in uu xogay ka dhutinayay lugta bidixda, sidoo kale arinta dhaawaciisa iyo weerarkaa loogu geystay dalka Kenya ayaa aad ugu nixisay guud ahaan umada reer Somaliland.
-
Unless she is gone for good ,,,,
-
I bet she can proof that ,,,,,
-
Originally posted by Oodweyne: ^^^ Oodweyne/Gaashaamo area - i.e., ****** . ,,,,, miyay garanayaan dee ,,,,,,, [ February 07, 2008, 02:16 PM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]
-
Nepyth, You should give him an award then ,,,,,,
-
I love being on bed ,,, not sleeping ,,
-
Originally posted by NGONGE: Going to any celebrations in Borama this year, JB? Not on the 14th ,,,,,,,,,, JB, adi xaa kuu plans eh? Haven't decided yet ,,,,,, i still have more days to think. I might sleep though ...........
-
Half time ,,,,,,,,,,,,,, 0 - 0
-
Somaliland frees Puntland Pows — Puntland Vows to Retake Las Anod City
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Originally posted by Ismahaan: quote:Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o: Ismahan, This can be interesting in your case: READ THIS JB I know everyone is entitled to their opinions but please don,t give me afnugaal as a source. Bro that website has a real issue anyways I have much better source for you'. Here: Puntland and Somaliland Clashing in Northern Somalia: Who Cuts the Gordian Knot? Whethere they have issues or not they are part of the community and they are counted in these issues. Anyway, let's hope for the best ,,, let's hope everybody will live in long-lasting and fruitful peace in those regions. NB. The link you provided is not working for me,,,, -
Aqoon is waydaarsi u furmay cuqaasha iyo wax garadka reer Sanaag oo ka furmay Ceerigaabo Ceerigaabo(Qarannews) -Cuqaasha beelaha dega gobolka Sanaag iyo waxgarad kale oo isugu jira xubno maammulka kasocda iyo xubno kasocda aqoonyahanka qaybaha kale ee bulshada ayaa maanta xarunta maammulka gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo waxa uga furmay aqoon isweydaarsi socon doona muddo saddex casho oo kusaabsan adkaynta nabadda. Aqoon isweydaarsigan oo ay iska kaashadeen hay’adda Care International oo maalgelisey iyo SCBO oo qabatay ayaa ugu horrayn halkaas waxa hadal kooban ka jeediyey guddoomiyaha fulinta SCBO Xasan-Bulsho kaas oo hadalkiisii ay kamid ahayd “Kal hore waxyaabihii aynu halkan isugu nimid ee kusaabsanaa adkaynta nabadda iyo maammul wanaagga ee qaybaha xubnihiinna maanta aad kasocotaan iyo hay’adaha sharciga waxyaabihii aad kazoo jeediseen ama go’aannadii aad kazoo saarteen iyo qoraalladii aynu ka diyaarinnayba wixii ka qabsoomay waynu isla arki doonnaa, isla sannadkan-na waxyaabaha laynoogu talo galay waxa kamid ah 6 aqoon isweydaarsi oo noocan oo kale ah (4 Ceerigaabo, 1 C/afweyn iyo 1 Biyoguduud) iyo waxyaabo kale oo badan oo aannu rajaynayno adkaynta nabadgelyada iyo isdhexgalka bulshada in ay wax badan ka tari doonaan sida MCH halkan laga dhisi doono, jaraa’id bil-le ah oo muddada 8 bilood ee hawshani socoto halkan kazoo bixi doona jaa’isado lasiin doono xubno xagga nabadgelyada bulshada dhexdeeda si wax ku ool ah ugasoo shaqeeyey iyo weliba xataa xiisado ardayda dugsiyada lagu siin doono nabadda iyo isdhexgalka bulshada”. Xubin kamid ah hay’adda Care Mr-C/raxmaan oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa isagoo uga mahad celiyey xubnahan nasiibka u yeeshay aqoon isweydaarsigan wuxu ka warramay ujeeddada aqoon isweydaarsigan iyo faa’iidada laga heli karo, isagoo sidoo kalena ku boorriyey xubnahan in ay bulshada uga faa’iideeyaan aqoonta ay halkan ka korodhsadaan iyo iyaga dhexdooduna wixii iyo sidii adkaynta nabadda ay kazoo jeedina karaan ay ku kala faa’iidaystaan. Kusimaha guddoomiyaha gobolka Sanaag C/casiis Xasan Siciid ayaa isagoo halkaas hadal kooban ka jeediyey wuxu ugu horrayn u mahad celiyey hay’adaha SCBO/Care isagoo sidoo kalena ay hadalkiisii kamid ahayd “Nabadda xooggeedu weli gacanta cuqaasha/waayeelka ama waxgaradjka ayay kujirtaa, idinkuna waa in aad ku dedaashaan sidii mar kastaba loosii adkayn lahaa iyo sidii bulshadeennu isusii dhexgeli lahayd taasi oo qayb weyn ka ah adkaynta nabadgelyadeenna”. C/laahi Xuseen darwiish Qarannews Ceerigaabo