Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. Pictures of ?? ,,, morning cadaan ,,,,,,,, you can go on if you have something to add
  2. The United Kingdom Ambassador to Ethiopia, H.E. Norman Ling today [24 May 2008] formally opened two new additions at Egal International airport in Hargeysa. The two new areas consist of a new departure/arrival lounge and a new immigration area. The two new additions are the first phase in a long term plan to update the immigration services at Somaliland's major international points of travel, the Egal International Airport in Hargeysa and the port of Berbera. The proposed second phase consist of plans to update similar areas at Borama and Buroa airports, as well as, the two major border centres at Togwajale and Lowyo-adde. These new development projects have been funded by the government of the United Kingdom and are being implemented by the international travel agency, IOM [international Organization for Migration]. The ceremony at the Egal International Airport, the first phase in updating Somaliland's immigration facilities was attended by several members of the Somaliland government, The Commander of the Somaliland Police Force, the Mayor of Hargeysa, diplomats from the British embassy in Addis Ababa, senior officers from the Somaliland immigration service and members from IOM. The head of the Somaliland Immigration Service, Mr Mohamed Nur Osman gave a brief background to the current developments at Egal International airport and port of Berbera. Mr Mohamed Nur highlighted Somaliland's efforts to update its immigration facilities to meet the needs of the people of Somaliland and visitors to the country. Mr Mohamed Nur thanked the government of the United Kingdom for providing the necessary funds for these projects to go ahead, as well as, the expertise from IOM which allowed Somaliland immigration officers from across the country to increase their knowledge of modern facilities, including computers and international immigration procedures. The Somaliland Minister of Civil Aviation, Mr Ali Mohamed Waran-adde also spoke at the ceremony to open the two new additions at Egal International airport. Mr Ali Mohamed also thanked the United Kingdom government for providing the means for these projects to take place. Mr Ali Mohamed also spoke of the strong ties between the two nations. Responding on behalf of his delegation, Ambassador Ling stated that it's the intention of his government to participate in development projects in Somaliland. Ambassador Ling declared that although this is his first visit to Somaliland since his appointment as Her Majesty's Ambassador to Ethiopia, the traditional links between Somaliland and the United Kingdom have always been acknowledged. Ambassador Ling continued by stating that his government has been providing over $15 Million dollars in development assistance to Somaliland which will continue and may be increased in the near future. Other speakers at the ceremony to open the new additions at Egal International airport in Hargeysa included Ms. Adrienne Testa from IOM, who gave a brief presentation of the new facilities and a dateline for the expected completion of the second phase of the development. Ms.Testa also gave a report on the co-operation between the Somaliland Immigration Services and IOM which is heading into its second year. At the conclusion of the ceremony, the Somaliland Minister of Home Affairs, Mr Abdillahi Ismail Ali gave a brief speech to highlight the development of Somaliland's immigration and border services. Mr Abdillahi Ismail stated that Somaliland has achieved many remarkably things in the 17 years since reclaiming its sovereignty and that it is time for the international community to recognise its achievements, and support its position as the most stable country in the region.
  3. Iska dhaaf inuu ka mid ahaa xarkii galay ummadnimadii Soomaaliyeed ee intuu dhuuxeedii cunay digaandigaha ka dhigay, iska dhaaf dedaalka uu ina adeerkay ku mutaystay billadaha cascas ee garbihiisa ka laallaaday ee uu muujintooda oo keliya riwaayadaha nagu dhaafin jiray, iska dhaaf baabuurkii liidadka lahaa ee adeerkay, habarwadaaggii, odaygii u soddoga ahaa, kii dhuubnaa ee inantiisa qabay uu wadan jiray ee maalinta milicdu kulushahay uu marmar nagu soo qaadi jiray….. ……..iska dhaaf waxaas oo dhan, waar sidaad u tidhaahdaa looxii quraanka ee macallinkii dayuuska ahaa ee dhengedda nala dhici jiray uu Negeeye madaxa ku kala dillaaciyay waxay ahayd macsi? Alla! Dee malmacaamad quraan baa lagugu darin, oo wadaadxume ku helin. Soomaali baad tahay oo dhaqankaagu waa mid suubban oo sidii dhengedda madheedhka aan tuur lahayn, miyaad xumaan la soo tebiyo oo farshaxan sawiro, qoro, ka gabyo ama ka geeraaro leedahay? Adigaa mooday. Aargoosigu waa ibtilooyinka, gar iyo gardarro ka ay doonto ha ahaatee, ku milan dhiigga aadmiga, miyuu moogaa Negeeye naqaskii u dambeeyay ee aabbihii ka baxay? Mag? Weligeed ba, bal waxaad igula wareegayso eeg, mag baa la kala qaatay, isagu sow aabbihii ma waayin, sow hooyadii nin kale ma guursan, sow ubad kale oo kaga dhow dhabtii uu dugsan jiray meeshii kama qaadin. Wuu iskoriyay? Maxaa ka khaldan? Ma cid baa wax u sheeganaysa. Wuxuu dhabay inantii Amran, yaa salaam oo ma waxa aynu leenahay nin aan qaaxada loo fadhiyin? Waa kuma wiilka yar ee baaluqay ee aan inuu wax dhabo naawilin? Odayga? Kee? Ninka inanta yar ee agoonta ah ishaaqsaday ee usoo dusi jiray sow maaha? Maxaynu asturaynaa horta ninyahow? Haa, iinta qofku leeyahay waa la asturaa, waa kuu sed isagana u yididiilo, maxaa se iinta bulsho leedahay laga yeelayaa? Ma la asturayaa? Sow wixii iin bulshadu leedahay ee la asturaa sida foolkaanaha qarximayso, bal jaadka eeg. Sow aniga iyo nin kale oo halkan meel ah ila joogaa ma aamminsanin in tirada ragga iyo dumarka Soomaaliyeed ee jaadka cunaa is le’ekaadaan. Toos(sax), ma aad fahmin khalad ee waa sida sinnaantu tahay, haddii raggii diideen inay ka go’aan geedka sunta ah, guri dumiska ah, cudurka ah, dhaqaalaha u daran, hawshii reerkuna dumarkii haysato ma daw baa? In ugu yaraan la isa soo gaadho sow maaha? Maya, saas maaha, Soomaalidu waa dad dhaqan iyo hidde quman leh oo aan u baahnayn in Negeeye shaasheeyo, waa ummadda Aabbahaa WAS laga bartay. Shuush, maaha arrinkaasi mid xaafadaha la geynkaro ee fadlan kor ha ugu dhawaaqin. Alla! Waad maqashay miyaa? Waa roodhi, aabbahaa futada ka geli baa la yidhaahdaa, hadda garo oo lama qariyo, waaba lagu dalbadaa magacaas, sow dhaqanka aynu asturayno ee inaadeerkay Negeeye kula yaabayno maaha. “Dumarkaan dhankii loo rogiyo, dhinacna diidayne”, waa gabay dee, maxaad aniga ii huruufaysaa, miyaan tiriyay. Astur? I’iinyo, maxaan u asturayaa sow kaas gabayga ah. Waad madaxbannaan tahay, wixii aad doonto ayaad cuni kartaa, cabbi kartaa, akhrisan kartaa, anigu kuma maamulo, waxa se aan ku weydiiyay maxaad ku keentay muftaaxa maankaaga ii dhiib? Waan kaa diiday, muftaaxa maankayga aniga oo keli ah baa leh, cid kale oo aan u dhiibayaa ma jirto, i’iinyo hadalkaaga yeelimaayo, maanka ayaanu gelayn. Ma ogtahay, beri ayaynu dad wanaagsan ahayn, geel iyo miyi ayaynu lahayn, dad wanaagsan HAA. Ma se og tahay inaynu isla berigaas tuug ahayn, dhac badan oo dhiigga jecel. Beri kale waynu badhaadhnay, dawlad inaynu ahayn sow ma ogid? Afrika ayaa inaga baqan jirtay, libaaxsanaynaa. Alla! Ummad is cunta oo aan isu hiilin ayaynu haddana ahayn. Waa ceebaha u baahan in la asturo sow maaha? Imika ka warran? War ma kugu seeggan yahay bulshadeenna iyo dhaqankeeda sharafta leh? Sharaftee dee, wiilku wuu war la’yahay, sowtii aabbaheed was tahay maaha. Wasiirka maalka dadka dhaca ee la soo baxsadaa wuxuu dhex yimaaddaa reerkoodii, wuu iska qoslaa, qayilaa, lala sheekaystaa, loo bogaa, weliba loo dagaalamaa haddii cidi wax ka sheegto, waa waxyaabaha u baahan inaynu asturro. Asturaaddee dee! Waar wallaahay Negeeye haddii aanad faraha ka qaadin waxaanan looxa quraanka madaxa kugu qaadayn, maxaa kaa galay xoolaha uu dhacay, inanta uu kuday, baabuurkiisa iyo meesha uu soo maray? Haddii uu lacag shandadda ku sitay oo la baxsanayay sow bililiqo ma ahayn? Isagu ma ceeb kale ayuu dhimay? Horta Negeeye ma gaal buu ahaa mise Muslim? Maxaa xukunkiisu noqonayaa? Maxaa u unkay sida uu ahaa ee ka dhigay? Garac? Ma hubtaa? Waar waxaas laguma aqoon dunida berigaas. Maxaad se waxaas afkaaga usoo marinaysaa ee kugu kellifay sow amuuro la asturo oo dhaqanka iyo caadada wanaagsan duminayaa ma jiraan. Garacu maaha dhaqanka bulshadeenna, wuu iska yimaaddaa ee maaha wax aynu dalbanno. Iyaa? Waan kaa yaabay? Ma aniga? Oo maxaad inaadeer igula yaabtay? Ma afxumada. Ha u qaadan in Negeeye dhintay, wuu nool yahay, waa kan, waa kaas, waa keer, waa ka halkaas fadhiya ee kitaabka akhrisanaya, waa ka dukaanka iibiniya, waa madaxweynaha, wasiirka, macallinka, adiga, aniga, iyaga, iyada, bulshada oo dhan. Car? Waan idinka baxayaa? Dee iska bax, **** xumaydaa, ma awel baad wax taraysay. Annaga nama saari kartid ee adigu iska bax. Annagu maankayaga ayaannu muftaaxiisa haysannaa, cid kale waxba naguma ridato. Waar Hawdow inoo istaadh makiinadaha fekerka iyo maanka waxsoosaarkiisa weligeedba ha is dabawareegaalaysate e…. Adeer af Soomaaligu dheeraaye maxaa loo asturiwaayay. Cabdillaahi Cawed Cige,
  4. Some SOL members said they dialed the numbers and some of them are not working. I don't know if they found a way.
  5. Originally posted by NGONGE: I'm told the story of the 'slap' started this way: AY tells Geedi a good joke about Gabre's mother. After falling out with AY, Geedi tells the joke to Gabre. AY rubs his face as he wonders why he got slapped. looooooooooooooooool ,,, then the Slap:
  6. This is the reports from the companies ,,,, not my piece sxb.
  7. Hargeysa (Qarannews)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa Maanta Wareegtooyin uu Soo Saaray Ku Magacaabay Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Buuhoodle ee Somaliland. Waxa kale oo isla Maanta Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliiska iyo Taliye ku xigeenka ee Gobolka Buuhoodle. Madaxweynuhu isaga oo tix geliyay qodobka 90-aad iyo qodobka 110-aad ee dastuurka Somaliland , isla markaana tix gelinaya ahmiyada weyn ee gobolka Buuhoodle u leeyahay dhismaha Qaranka iyo baahida loo qabo Buuxinta Jagooyinka Maamulka Gobolka , waxa uu u magacaabay Mudane C/rashiid Yuusuf Kooriye Jaamac inuu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle , Mudane Yuusuf C/laahi Maxamuud Hangool uu isna la wareego xilka Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Buuhoodle. Sidoo kale , waxa uu Madaxweynuhu iyana u magacaabay Mudane Axmed Faarax Cali ‘'Dhaga-cade'' Taliyaha Qaybta Booliiska ee Buuhoodle , Mudane Ibraahim Maxamed Cabdi uu isna ahaado Taliye ku xigeenka Qaybta Booliiska ee Gobolka Buuhoodle. Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu farayaa Masuuliyiintaasi uu xilka u magacaabay in ay la wareegaan xilkaasi sida ugu dhakhsaha badan. sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray af hayeenka madaxweynaha Somaliland, oo loo qaybiyay saxaafda isla markaasna uu nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay shabakda qarannews
  8. Waar maxaad la ooyaysaa ?
  9. Waxaa maanta hawl gal ay sameeyeen ciidamada Somaliland ee ku sugan magaalada Buuhoodle fuliyeen hawlgal ay kuy sugayaan amaanka xafiisyada maamulka Somaliland ee magaaladaas,kadib markii taageerayaasha Puntland ay soo abaabuleen mudaharaad la damacsanaa in lagu waxyeleeyo xafiiska uu fadhiyo gudoomiyaha gobolka iyo kan degmada. Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle Ismaaciil Maxamed Jaamac oo hawlgalkaas hogaaminayey ayaa amar ku siiyey ciidanka amniga inay ka hor tagaan dadka nabada magaalada wax u dhimaya,isaga oo ciidan ku hubaysan gawaadhida tiknikada ku wareejiyey dhismayaasha dawlada,iyo weliba meelaha muhiimka ah ee shacabku isugu yimaado. Dhanka kale ciidanka Somaliland ee ku sugan gobolka Buuhoodle ayaa la geliyey heegan,iyada oo la filayo inay fuliyaan hawl galo nabada gobolkaas wax looga qabanayo. Waxaa weli ku sugan degmada Buuhoodle masuuliyiin horey maamulka puntland ugu magacaabay maamulka degmadaas,iyo weliba saraakiil horay uga tirsanaa ciidamada Puntland oo qaarkood xabsiyada Somaliland laga soo daayey sida Deyr Cabdi-iska-toos oo aan isagu wax hawlgal samayn ilaa intii la soo daayey. Arintu si kastaba ha ahaatee xaalada magaalada Buuhoodle ayaa kacsan,iyada oo rag u ololeeya maamulka Puntland ay kicinayaan shacabka,si loo sameeyo mudahaaradyo,kuwaasoo keeni kara in ay dhacaan iska hor imaadyo u dhexeeya taageerayaasha labada maamul. Afnugaal News Desk,Buuhoodle.
  10. Nin rag ahi wuu garanayaa doqonna loo sheegi maayo ,,,,,,,,,
  11. Afhayeen u hadlay madaxtooyada dowladda ah ayaa daboolka ka qaaday in aanay waxba kama jiraan yihiin warar ay faafiyeen qaar ka mid ah war-baahinta dalka Ingiriiska kaasoo sheegayay in mas'uuliyiinta ugu sar sareysa dowladda dambiyo dagaal ay ka galeen dalka Somalia........................ Xuseen Maxamed Max'uud (Xuub Siyreed), afhayeenka madax weynaha dowladda waxaa uu intaa ku daray in aanay jirin sharci u baneynaya warbaahinta wadanka Ingiriiska ay ka hadlaan nolosha gaarka ah ee mas'uuliyiinta dowladda Somalia, oo uu ka mid yahay madax weyne Yuusuf, isagoona sheegay dacwad ka dhan ah wariyeyaal ka howl gala Kanaal 4 iyo Wargeyska Daily Mail ay u gudbin doonaan dowladda Ingiriiska. Xuseen Xuub Siyreed ayaa hadalkan waxaa uu ka sheegay shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay magaaladad Muqdisho, kaasoo uu u uga hadlayay warar ay faafiyeen qaar ka mid ah war-baahinta dalka Ingiriiska. Waxaa uu sheegay in dowladda xilligan ay u taagan tahay dib u heshiisiin iyo xasiloonida dalka, waxaa uuna sheegay in waxyaabihii u qabsoomay dowladda ay sii wiiqayaan warbaahinta qaar ee wadanka Ingiriiska ka howl gala. Afhayeenka madax weynaha dowladda ayaa eedeyn kulul u jeediyay warbaahintaasi kuna tilmaamay in ay sii hurinayaa colaadaha xilligan ka jira dalka, isla markaana ay taageerayaan xoogaga hubeysan ee ku kacsan dowladdiisa. Hadalkan ka soo yeedhay afhayeenka u hadlay madaxtooyada dowladda ayaa ku soo beegmay xilli uu dhowaan baahiyay Kannalka 4 iyo Wargeyska Daily Mail war bixin ka tarjumeysa xubnaha kala ah C/llaahi Yuusuf Axmed, madax weynaha dowladda Jen. Maxamed Warsame Darwiish, Taliyaha ciidamada nabad sugidda, Jen. Axmed Xaashi Taajir, taliye k/xigeenka ciidamada booliska dalka iyo Xildhibaan Maxamed Max'uud Guuleed Gacma-dheere, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladda , oo dhaamtooda ay sheegeen Warbaahintaasi in dambiyo dagaal ay ka galeen dalka Somalia.
  12. Still non-sense ............... Indeed, Qaranimada Somaliland waa MUQADDAS.
  13. You don't need to repeat the same post after 10 minutes time ......... If you don't get a replay that means it is not worth it.
  14. don't forget, we have Generals in SOL ,
  15. Yaab waxaan ahayni kumuu dhaafin ,,,,,,,, welcome back
  16. Originally posted by Juje: quote:Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o: ,,, yaa dallacsiiyay ?? Waxa dalacsiiyay kuwi marka hore 'Sheikh' ka dhigay. Taasba i dheh ,,,,,,,,,,,
  17. Jacaylbaro

    Relocating

    It is the mobility in our society back in home. Most of Somalis have a mobility background during the past times before the current civilazation. Even here, people move from one town to another, from one job to another one, from a school to another one, etc.
  18. SNM is history, the bravely fought, libarated the country, created Somaliland then left. What remains now is the marked days where people rember and honor those historical days. I will probably attend the one on 31st since i was here the day they invaded Hargeisa. Instead of hiding from the bullets, i remember climbing the roof of the house and shouting with a joy until my parents noticed and screamed at me to get off .......
  19. Iyadoo ilaa & habeenimadii xalay uu socday Gurdan ku saabsanaa in laga sameeyo Buuhoodle banaanbaxyo lagaga soo horjeedo Somaliland ayaa hadda waxa ay u muuqdaan kuwo qabsoomi waayey ka dib markii ay dhinacii qabanqaabinayey banaanbaxu ka baqeen in isku dhac dadweyne yimaado, dhanka kalena ay Ciidamada Itoobiya ee fadhiisinka ku leh magaaladu ku wargeliyeen qabanqaabiyayaasha inaan maanta oo ku aadan maalinta qaranimada Itoobiya ee Bisha Haayaa-Gambood aan la samayn karin wax banaanbaxyo ah oo rabshado keeni kara. waxaa la arkayey qaar ka tirsan ciidamada maamulka Somaliland ka jooga Buuhoodle oo saaka isku wareejiyey xarunta lagu magacaabay xafiiska Gobolka ee Somaliland, kuwaasoo ku talo jiray inay iska caabbiyaan hadiiba dhinaca banaanbaxayaashu isku dayaan inay soo gaadhaan dhismahaasi oo ku yaalla agagaarka Hoteelka Ileeye. Buuhoodlemedia.com
  20. I'm now officially connected to reer Jigjiga ,,,