
Jacaylbaro
Nomads-
Content Count
44,142 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
1
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Jacaylbaro
-
hadhwanaag 2008-08-03 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Dallada Midowga Suxufiyiinta Somaliland [union Of Somaliland Journalists [uSJ)]oo kulmindoonta dhamaan Suxufiyiinta Somaliland ka hawlgala kuwa Madaxa-banaan iyo kuwada Dawliga ahba ayaa maanta si rasmi ah loogaga dhawaaqay Caasimhada Hargeysa,isla markaana Xadhiga lagaga jaray Xafiis Cusub oo ay furteen, taas oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa. Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen, Gudoomiye Kuxigeenka kowaad ee Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo], Gudoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Xisbiga UCID Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Md. Maxamed Ismaaciil Bulaale, Abwaan Maxmed Xaashi Dhamac [Gaariye], Xubno Ka Socday Mareegta Somaliland, Masuuliyiinka ka socotay komiishanka doorashooyinka, Suxufiyiin tiro badan, iyo Marti-sharaf kale. Gudoomiyaha Wargeyska Jamhuuriya Faysal Cali Sheekh ayaa sharaxaad ka bixiyey u jeedada iyo hadafka keenay in la sameeyo Daladan guud ee kulmindoonta dhamaan Suxufiyiinta Somaliland ka hawlgala, isla markaana isaga oo ku sababeeyey inay asaasida Dalladan ay keentay sababta loo asaasay ahayd xoojinta iyo ka midho dhalinta baahida loo qabo. Waxa kale oo uu ka waramay kaalintii lama huraanka ahayd ee ay saxaafada Madaxa-banaan ka soo qadatay yagleelidii sees adag oo ay nabada Somaliland ay yeelato. Gudoomiyaha Dalada Midowga Suxufiyiinta Somaliland ee USJ Cabdilaahi Maxmed Daahir [Cukuse] Iyo Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ka mid ahaa xubnihii dedaalka u galay sidii ay Daladani I dhismi lahayd, ayaa waxay sheegeen sida ay ugu faraxsan yihiin hirgelinta Ururkan, isla markaana sheegay inay Daladani noqondoonto mid gabood difaaca u noqondoona Suxufiyiinta Somaliland ka hawlgala. Waxay Cadeeyeen inay Daladan ay ku midoobeen Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo isagu hore u jiray iyo Ururka SSJW, Ururka WIJA oo ay haweenku leeyihiin iyo Ururka Mareegta Internetka Somaliland. “SOLJA iyo SSJW waxay isku si u wada arki waayeen xeerkii ay xukuumadu u samasay Saxaafada oo dee waad garaysnaysaan oo Maandeeq iyo Haatuf isku si ugu wada qancimaayaan xeerka Saxaafada loo sameeyey” ayuu yidhi Cabdilaahi Cukuse. Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Xasan Suldaan C/laahi Suldaan C/raxmaan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in baahi aad u weyn loo qabay in la abuuro Dallad ay ku midoobaan Ururada saxaafadda Somaliland,isla markaana wax weyna ka tari-doonto baahiyaha suxufiyiinta iyo saxaafaddaba, Gudoomiye Xasan Suldaan waxa uu hadalkiisii ku bilaabay oo uu yidhi “Waxaan mahadnaq usoo jeedinayaa dadkii fikirkan wanaagsan ee Dalladdan suxufiyiinta ee halkan lagaga dhawaaqayo keenay iyo intii isku xil qaantay ee fikradan lahayd.” Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “ Waynu ognahay faa’iidooyinka ay Dalladuhu leeyihiin maanta. Haddii aynu nahay reer Somaliland waxaynu kasoo ka ban-la’anahay inqilaabkii Daladii Xuquuqal Iinsaanka ee SHURO-NET lagu sameeyay, waxaan idiinku hambalyaynayaa dalladan oo aan arkayo in ay dhamaan saxaafaddii madaxa banaanayd ay u dhan tahay. Xeerka ay soo saareen Baarlamaanku ee loogu tala galay saxaafadda madaxa banaan waxa uu damaanad qaadayaa suxufiga madaxa -banaan oo uu ilaalinayaa xaqiisa gaarka ah, dalkeenuna waxa uu maanta halkaasi kusoo gaadhay xorriyada oo aynu muddo dheer usoo halgamaynay oo ay kow ka tahay xorriyatul qawlku”. Md. Xasan Suldaan oo ka hadlayey Dhibaatada Saxaafada Somaliland ku gedaaman waxa uu yidhi “Anigu waxaan ka marag ahay habeenkii marka aan soo maro inamada joornaalada qoraa xilliga ay magaalada dhex socdaan qof binI’aadam ahi ma dhex socdo, xilliga dadka kale hurdada macaan ku jiraan way shaqeeyaan, tamar iyo maskax ayaa ka baxda, wax dheef ah oo ay ka helaana ma jirto, halgan ayaad ku jirtaane Illaahay ha idinka jisaa’i siiyo.” “Xukuumadaha Afrikaanku ma jecla saxaafadda madaxa-banaan hagar daamooyin badana way idin gaadhsiiyeen sida xadhiggii Weriyaashi Haatuf oo kale, ta aad kaga badbaadaysaana waa Dalladdan aad samaysateen oo aad gacmaha isku qabsataan wixii tafaraaruq ahna aad iska ilaalisaan”.ayuu yidhi Xasan Suldaan. Xog-hayaha Xisbiga Muxaafidka ah ee UDUB Maxamed Ismaaciil Bulaale oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay aad iyo aad u soo dhawaynayaan xisbi ahaan Dalladdan oo ay shaambadaynayaan, codkoodana siinayaan,sidoo kalena wuxuu ka waramay doorka ay saxaafadda Somaliland ay ka soo qaadatay dib-u-dhiska dalka, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay ugu-na hanbalyaynayaa cid kasta oo kulankan suurta-galisay, waxaan qabaa in ururo hore ay jireen Daladuna way timid halkana kamay sheegin wax is qabad ah oo muran ah oo dhex yaala Saxaafada,halkaa markaan waxaanu ka fahmaynaa inay ururadu badanayaan,Daladuhu badanayaan taasina ay keenayso taran. Waayo saxaafadii ayaa ballaadhatay oo badatay, horumarkii ayaa ballaadhay waxaanan taa ku macnayn karaa guul.” “ Waynu ognahay halkay saxaafadu ka soo bilaabantay maantana halka ay marayso waynu wada aragnaa, saxaafadu waxay ka mid tahay oo aan hubaa in ay tahay tiirarka waa-weyn ee dalkeenu iyo dawladdnimaduba ay ku dhisan tahay door-wayna way ka soo qaateen, saxaafadu marka ay doonto ayay dumisa ta Xamar oo dalkeedii dumisay oo isku *** ka shaqaynaysa iyo reer iyo reer Hebel oo ay qoraan.” Ayuu yidhi Bulaale. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi Bulaale sidan“ Saxaafadu dumis iyo dhisid labadaba way tahay, waxaan aad ugu mahad-naqayaa saxaafadeena oo ilaa markii ay bilaabantay dhismaha ka shaqaynaysay. Haddii aad Daladan samayseena waanu idin raacsanahay codkayagaanu siinay, shaanbadaanu saarnay”. Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] oo isna ka hadlay munaasibaddii lagaga dhawaaqayay Dallada Midowga Suxufiyiinta Somaliland [union Of Somaliland Jornalistis (USJ)) ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay ku dhawaaqida Dalladan, Xisbi ahaana ay soo dhawaynayaan. Md. Axmed Siilaanyo waxa uu ka waramay duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan suxufiyiintu taasi oo uu ku tilmaamay mid naf-hurnimo ah oo ay ugu shaqeeyaan dalkooda iyo ummadooda, waxaanu xusay in ay kala kulmaan xukuumadda tacadiyo ay ka mid yihiin xadhig, cabudhin iyo caga juglaynba,isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan xafladan ka soo qayb gallo, Dalada Saxaafada madaxa banaan ee qaabkan cusub maanta halkan uga abuurmay.” Isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “ Taariikhda ay soo martay saxaafada Somaliland iyo kaalinta ay ka soo qaadatay dhismaha dalka ee xoriyatul qawlka iyo hanuuninta ummada iyo dhibaatooyinka iyaga laftoodu ay soo mareen ee leh Xabsi, xadhig, cabudhin iyo cadaadis way soo martay,” “Waxa laga yaabaa in marka saxaafada laga hadlayo meeshay ka soo jeedaan ay iyagu wax ka arkaan. Waxaan tilmaamayaa in saxaafada Somailand iyada oo dadka ka shaqeeyaa oo aan run ahaantii is-waydiiyo dhibta ay ku nool yihiin iyo noloshoodu sida ay u adag tahay iyo naf huridd badan ay ku jirto hawsha ay hayaan,”ayuu yidhi Axmed Siilaanyo Gudoomiye Axmed Siilaanyo waxa uu yidhi “Waxaan qabaa imika inay saxaafadeenu ku shaqayso si xilkasnimo ah odhan maayana sidaa u shaqeeya. Waxaan aaminsanahay cidda ugu badan ee la dagaalanta ee ka hor timaada waa maamulka xukuumada ee jirta waana iska caadi in xukun kastoo jira dunida iyo saxaafadu ay kala gooni yihiin, waana laba laamood oo loogu tallo galay inay is ilaashaan.” Mar uu Axmed Siilaanyo la hadlayey Saxaafada Somaliland waxa uu yidhi” Waxaan ku guubaabinayaa saxaafada oo aan leeyahay mar walba wakhti walba iyo goob walba wixii waajibkiina ah ee xilkiina ah ee ka muuqda geedi socodka nolosha ama ka dimuqraadiyada iyo dhaqaalaha, waana waajibkiina ee una adkaysta oo ku dhiirada” Gudoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inaanay Golaha Wakiilladu meel-marinayn xeerka Xakamaynaya Saxaafada ee ay Xukuummadu u soo gudbisay Golaha Wakiillada Waxaanu Gudoomiye Kuxigeenku Canbaareeyey Saxaafada ay Xukuumadu maamusho, taas oo uu sheegay inaan laga soo deyn fadhiyada Golaha Wakiillada. Waxa kale oo munaasibadaasi ka hadlay Boobe Yuusuf Ducaale, Maxamed Xaashi Dhamac [Gaariye] Jaamac Maxamed [sweden] oo dhamaantood hanbalyeeyey asaasida Daladan iyo ku dhawaaqideeda isla markaana ka waramay duruufihii iyo dhibaatooyinkii kala duwanaa ee ay Saxaafada Somaliland ay soo martay laga soo bilaabo tan iyo markii la asaasay.
-
You tell that reer Burco.
-
Look at the Khamees and beards. What do you expect ??
-
The New SYL New Somali Youth League Somali Political Party August 4, 2008 Press release Letter of Condemnation & Condolences to the Victims Near & Dear Ones We deplore and condemn in the strongest terms the inhumane killing of over 20 women street cleansers in Mogadishu by remote controlled mine. This actions warrants condemnation from the International Community and the perpetrators of such savage criminal act should be brought to justice and held accountable. We the New SYL send our condolences to the bereaved families of the victims first and foremost and the general public of Somalia . It is sad and unfortunate to see such atrocities against the most vulnerable and innocent civilians. We fail to understand what the perpetrators of such hideous crime will achieve. Nevertheless we call upon the International Community to intervene immediately and stamp their authority in bringing an end to the ongoing carnage in Somalia . This cannot be let to continue for the sake of humanity. We call on the Somali people to stand together in defiance against such act, no cowardly attack of that nature will hinder the peace and unity we Somalis seek, instead let our response be one of unity and collaboration. We shall always remember our Mothers, Sister, friends, daughters and neighbors who where killed yesterday as heroes, who where attacked for bringing Somalia back to normality, peace and love, Once again our deepest condolences to the families of the victims and pray for the recovery, of those who were wounded. Sincerely, Mr. Awale Ali Kullane Leader of the New SYL AWale@yahoo.com Phone: 00447092877136 • Fax: 00447092877136 The New SYL New Somali Youth League Somali Political Party
-
Burco (Qaran news)- Wasiirka Caafimaadka Somaliland Md. Cabdi Haybe Maxamed, ayaa shalay xadhigga ka jaray cusbitaal casri ah oo laga hirgeliyey magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer. Xaflad ballaadhan oo loo sameeyey furitaanka cusbitaalka cusub, ayaa waxa ka qaybgalay wasiirka caafimaadka Somaliland madax ka kala socday axsaabta qaranka oo hormuud u yahay Guddoomiyaha xisbiga UCID, maamulka Gobolka Togdheer, weffti reer Kuwayt ah, aqoonyahanno, culimaa?€™udiin, xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka iyo martisharaf kale. Cusbitaalkan oo ka kooban afar qaybood ee ay ka kooban yihiin cusbitaallada caalamku, loona bixiyay MANHAL Hospital Burco, waxana dhismihiisa ku deeqay nin u dhashay dalka Kuwayt, dhismihiisana waxa si wadajir ah u fuliyey Guddiga Horumarinta Gobolka Togdheer iyo hay?€™adda samafalka ee MANHAL. "Waxa ii farxad ah maanta oo aan joogu cusbitaalka labaad ee ay dhistay hay?€™adda MANHAL qaybta Burco, waxaanan leeyahay MANHAL wasaaradda caafimaadka la socod siiya qorshayaasha aad ku dhisaysaan cusbitaalada si aanu idiinku sheegno meelaha aad ka dhisaysaan siday u kala muhiimsanyiin. Annagu haddaanu nahay wasaaradda caafimaadka diyaar ayaanu u nahay in aanu cusbitaalkan cusub keeno hay?€™adaha taakuleeya caafimaadka Somaliland, weftiga reer Kuwait ee inoo dhisay cusbitaalladana waxaan leeyahay gobolada kalena gaadhsiiya cusbitaallada noocan ah.?€¯ Sidaa waxa yidhi Wasiirka Caafimaadka Somaliland Md. Cabdi Haybe Maxamed oo hadal kooban ka jeediyey xafladdii furitaanka cusbitaalka cusub. Wasiirka oo si gaar ah uga hadlayey Cusbitaalka Guud ee Burco, waxa uu yidhi; ?€œDhaliilo ayaa naga soo gaadha dadku kaga cabanayaan cusbitaalka guud sida uu shaqeeyo, annaguna wasaarad ahaan waanu ku dadaala cusbitaalka guud ee Burco shaqadiisa, markaa waxaannu cabashada ka timaad dusha u saaraynaa dhakhaatiirta ka hawlgala,?€¯ ayuu yidhi Md. Cabdi Haybe. Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali-waraabe, oo isna munaasibadda hadal kooban ka jeediyey, ayaa si weyn ugu mahadnaqay dawladda Kuwait oo uu sheegay inay caawiso cusbitaallada Somaliland, "Kuwayt waa dawlada qudha ee Carbeed ee aad u caawisa cusbitaallada dalkeenna, hay?€™adda MANAHAL-na waxay qabatay wax aanay dawladi qaban oo dhaxalgal ah, annaguna UCID ahaan waxaannu xoogga saari doonaa caafimaadka iyo waxbarashada.?€¯ Eng. Faysal Cali-waraabe oo ka hadlayey aragtidiisa ku wajahan muranka ka aloosan dhoofka xoolaha nool iyo heshiiska xukuumaddu kula jirto ganacsadaha Carbeed waxa uu yidhi; ?€œBaryahan dambe waxa isa soo tarayay cabashada dadku kaga soo horjeedaan adhiga ay dawladdu u xidhay ninka Carabka ah ee Al-jaabiri, waxaan leeyahay dawladdu ha soo bandhigto heshiiska ay la gashay Al-jaabiri, hadduu xaaran yahay iyo hadduu xalaal yahayba dadku ha kala arkeene.?€¯ Madaxa Hay?€™adda MANHAL ee fulisay dhismaha cusbitaalka cusub, ayaa faahfaahin ka bixiyey mashaariic badan oo hay?€™adoodu ka fulisay dalka Somaliland, "MANHAL mashaariic ballaadhan ayey ka fulisay dalka waxana ka mid ah cusbitaalaka Hargaysa ee shaqeeya iyo cusbitaalkan aynu maanta [shalay] furayno, masaajido, waxaanuna diyaar u nahay in aanu ka qaybqaadano horumarka dalka," ayuu yidhi Sheekh Jaamac. Guddoomiyaha Golaha Degaanka Burco Mr. Maxamuud Axmad Xasan (Dhaga-laab), waxaannu sheegay in cusbitaalkani yahay kii labaad ee hay?€™adda MANHAL, isagoo rajeeyey in tallaabada xigtana hay?€™addu ku gaadhsiin doonto gobollada kale ee dalka. ?€œAnnagu cusbitaalka waxaanu u dhisnay in ay masaakiinta loogu faa?€™iideeyo, balse umaanu dhisin in macaash laga helo." Sidaa waxa yidhi Injneer Sheekh Mubaarik ninka reer Kuwait ku deeqay dhismaha cusbitaalka cusub. Dadka kale ee xafladdaa ka hadlay waxa ka mid ah Suldaan Maxamad Xasan Ibraahin, Xildhibaan Naasir X Cali Shire, Dr. Cabdi Aw Daahir oo ku hadlayey magaca xisbiga KULMIYE, Aasiya Cismaan oo ka socotay (WHO) iyo Dr. Maxamuud Axmad ?€“shiine, waxaanay dhammaantood mahadnaq u jeediyeen hay?€™adda MANHAL, weftiga reer Kuwait, shirkadda DAHABSHIIL oo dhulka ugu deeqday cusbitaalka iyo Guddiga Horumarinta Gobolka Togdheer oo iyaguna gacan weyn ka geystay hirgelinta cusbitaalka cusub. Cusbitaalka ayaa waxa la dhigay qalab casri ah, waxaannu ka kooban yahay afar qaybood oo kala ah, qalliinka, dawaynta quud, dhalmada iyo qaybta qalliinka indhaha iyo bukaan-jiifka. Keyse Axmed Digaale, Burco
-
Terrorism has become a word used to justify many of the wars waged against civilians in different regions of the world, including our very own Somalia. “Ethiopian defense forces were forced to enter into war to protect the sovereignty of the nation. We are not trying to set up a government for Somalia, nor do we have an intention to meddle in Somalia's internal affairs. We have only been forced by the circumstances.” These words were uttered by Ethiopian Prime Minister, Meles Zenawi; But at what price? Does the massive displacement and casualties incurred, validate the presence of Ethiopian troops in the streets of Mogadishu killing, raping and bombing innocent Somali civilians? Does the victimization of the Somalis in their own soil rationalize the crimes committed against them in the name of “War on Terror”? It has become inevitable to view Ethiopia’s war as one of vengeance and not an elimination of radical menace contrary to the justifications put forth by Mr. Zewani. The civil war and the lack of patriotism among Somalis played a vital role in creating an easy platform for Ethiopians to avenge the loss of their soldiers in the 1977 war. As a Somali, it pierces my heart to see, my country and my people bleed, while the international community adopts the role of bystanders in the catastrophe that is occurring in Somalia today. But who can blame them, for if it isn’t Ethiopian, it’s another Somali. What needs to happen, for us to see that our insignificant tribalism has gained us nothing but shame? We travel the world using another nation’s passport, now isn’t that lame? It is tragic that the only legacy we leave behind is that of poverty, starvation and warmongering. If Richard Burton traveled Somalia today, he would not refer to us as a “Nation of Poets” but a “Nation of Savages”. Elderly Somalis residing in different parts of the world wait for Divine intervention in bringing about a solution to the never ending calamity that has engulfed Somalia; while the younger generations have adapted and owned the alien world with no hope of returning to Somalia one day. Obviously UN has decided to watch the upheaval in Somalia from afar and the rest of the world remain catalysts in Ethiopia’s rampage, I wonder who is going to sacrifice himself divinely for Somalia sake? As a young Somali myself, I can’t help but cry, for what is happening in my country torments me yet my people’s reaction angers me. Why can’t we find just one leader who has an ounce of patriotism in his blood? Why can’t we find educated Somalis returning home to bring about a change and not rob the poor with their scholastic skills? Why is it that the only Somalis willing to return are either political thugs or business men? Neither of whom have unselfish interests. In spite of all the deliberately planned horrific persecutions we witnessed thus far, whether it was in the hands of our own kind or that of the enemy, it is only my hope that my Somalis put aside their petty differences and remember to honor the dream of our forefathers, who stood strong and tall against Colonial Rule. The independence we have gained in 1960 didn’t come around through international community or divine intervention, it’s the fruits of hardworking, devotional and loyal nationalists, who dedicated their lives to attaining a common goal; FREEDOM. “Dhulka Hooyo Waa Lama Huraan”THOUGHTS OF A REFUGEE by Hibo Ibrahim
-
Bugland Needs Your Help - Someone should Pay the Bills
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
{Garoowe}3-8-08"Xarunta Baarlamaanka Puntland ee magaalada Garowe ayaa laga jartay Korontadii iyo Biyihii iyadoo xaruntu ay shirar uga socdaan xildhibaannada maamulka Puntland. Makarafoonadii cod baahiyeyaasha ahaa ayaa mar kaliya aamusay, Musqulihiina biyo la’aan awgeed ayay u xidhmeen kadib markii shirkadaha Korontada iyo Biyaha siiya Xarunta Baarlamaanka Puntland ay ku soo dalacdeen qarash aad u fara badan oo muddo lagu lahaa Baarlamaanka. Xildhibaannada Puntland ayaa waxay sheegeen in Koronto la’aan awgeed aysan wax shirar ah yeelan Karin, maadaama is maqal aanu jirin, Cod baahiyeyaashuna Koronto la’aan shaqeyn Karin, sidoo kalena biyo la’aan aan la joogi Karin goobta taasoo bay yiraahdeen hoos u dhigeysa howlaha Baarlamaanka uu wado. Dhinaca kale waxaa shalay xarunta Baarlamaanka ka dhacday dood kulul oo ku saabsaneyd warbixinta guddiga dhaqaalaha oo sanad walba soo gudbiya xaaladda dhaqaale ee Puntland, iyadoo warbixin uu halkaasi ka aqriyay Guddoomiye ku-xigeenka guddigaasi Xildhibaan Axmed Barre uu sheegay in si sharcidarro ah loogu tuntay dhaqaalaha dalka, waxayna guddigaasi dhaliilo u jeediyeen xukuumadda Puntland. Guddoomiyaha Guddiga dhaqaalaha ee Baarlamaanka C/rashiid Maxamed Xirsi ayaa ku dhawaaqay in ay iska casileen guddiga dhaqaalaha xilalkii iyo howlihii ay u wadeen Baarlamaanka, wuxuuna codsaday in Baarlamaanka uu u magacaabo howshaasi guddi kale maadaama buu yidhi sidii la doono laga yeelo dhaqaalaha dalka u soo xarooda. Maanta oo lagu waday in xubnaha Baarlamaanka Puntland isugu yimaado kulan kale ayaa la sheegayaa in kulankaasi uu baaqday kadib markii shirkadaha Korontada iyo Biyaha siiya xarunta Baarlamaanka aysan soo fasaxin biyihii iyo Korantadii, isla markaasina aysan jirin cid xidhiidh la samaysay oo kala hadashay qarashaadka ay soo dalacdeen. Widhwidh Online News Desk...Media Center -
Waxaa laga jaray aqalka Baarlamaanka maamul Goboleedka Puntand ee Somalia korontadii iyo biyihii ay isticmaalyeen kadib markii shirkadaha bixiya adeegyada noocan ahi ay soo dalaceen kharash aad ufara badan kaas oo ay usoo gudbiyeen Baarlamaanka Puntland ayna waxba ka qaban waayeen muddo dheer sida uu sheegy mid kamid ah mulkiilayaasha Shirkadaha oo saxaafada u waramayay. Waxaana uu intaasi ku daray in Korontadii iyo Biyihii ay isticmaalyeen Xubnaha Baarlamaaku ay shirkado ahaan la' yihiin ilaa hadda meel ay uracaan isagoo ku tilmaamy in aysan jirin wax dhaqaalo ah oo maamulka Puntland hadda meel uyaal sidoo kalena wixii soo xarooda lagu kal goosto goobaha ay kasoo galaan iyagoon soo gaadhin khasnadaha Dawlada. Waxaa saaka gabi ahaanba go'naa microphone-da ay isticmaalaan xubahana Baarlamaanka Puntland ee ku shaqayn jiray korontada sidoo kalena waxaa go'naa biyihii arintan ayaa waxa ay ku tilmaameen qaar kamid ah xildhibaanada ku sugnaa goobtaasi mid laga xumaado sharaf dhac wayna ku ah xukuumada uu madaxda ka yahay Gen: Cadde Muuse. Arintan ayaa waxa ay kusoo beegantay xilli ay socdeen doodo maalmihii udanbeeyay hadheeyay xildhibaanada Baarlamaanka Puntland kaas oo looga dooday arimaha dhaqaalaha Puntland kuwaas oo ay soo gudbiyaan Gudida dhaqaalaha Puntland kuna saabsan maamul Goboleedka Puntland iyo heerka dhaqaale ee uu marayo. Hadaba Gudidaas ayaa waxaa ku yimi burbur kadib marki Gudoomiyaha gudidaasi uu ku dhawaaqay inay iscasilayaan gudidaasi ayna Baarlamaanku kusoo bedelaan gudi kale kaas oo baddala guddida hadda jirta isagooku tilmaamy inaysan xilkan hayn karin sababo la xidhiidha sharci la'aan ka jirta gudaha Puntland. Afnugaal Nes Desk
-
Vacancy - Learning & Development Manager at RedR UK Job purpose: Working as a member of the RedR Learning and Development Programmes Team to achieve its organisational purpose, specifically by planning, convening and occasionally delivering training courses within RedR’s programme to improve the competence of relief workers. Responsible to: Learning and Development Programmes Director Responsible for: Technical Co-ordinator, Training Officer(s), Associate Trainers. Working With: Security Programme Manager, Consultancies Manager, Clusters Manager, Programme Support Manager. Other RedR staff members as appropriate. Location: Currently 1 Bird Cage Walk, London SW1H 9JJ; in August 2008 the RedR office is moving to Vauxhall. Salary: £33,500 pa gross full time, depending on skills and experience Closing date: August 15th. To download a job description and application click on the link below: http://www.redr.org.uk/en/About_Us/Jobs/Latest_RedR_Vacancies.cfm
-
Marka jilbaha loo laabto ee mindida iyo kuruska la isku dul qabto.
-
Maalintii uu qofnimo baxay ama la qofnimo saaray ee u horraysay waxa loo magacaabay jago wasaaradeed ama wakaaladeed mid ay ahayd aad u ma xasuustee. Beenta muu aqoon, dadkana wuxu ugu necbaa qofka been sheega. Markuu maqlo qof been sheegay maxaa ku xaqsaday buu odhan jiray. Maalintan wuxu khudbadiisa ku bilaabay anigoo ku hadlaya afka hebel… waxan is idhi sow ka af leh sidee buu af nin kale ugu hadli karaa? Ma qof baa ku hadli kara af aan afkiisa ahayn? Sowta la yidhaa illayn af aanad lahayn lama qabto. Haddana wuxu ku xijiyey anigoo ku hadlayaa helaayo afkeeda, ma isagaa codkeediiba leh, sow ka nin ah ma af dumar buu ku hadli karaa, golxabkii mee? Wuxun Alle ku saar. Waad ka garanaysay codkiisa inuu gargariirayey oo uu naftiisa ku qasbayey inay tidhaahdo wax aanay doonayn inay tidhaahdo. Beenta muu aqoon, xorriyad taam ah buu haystay, cidna umuu afduubnayn, ereyga xaqa ah si cad buu u odhan jiray, maantase waa maalin kale. Jagadani waabay uga dartay, waxay bartay wax uu ka xishoon jiray, wax uu ka xarragoon jiray. Immika isagaaba cid walba ka sii horreeya, cayda iyo xishood la’aantu waa wax uu ku faano. Neefka marka la gawraco ayaa haragga laga siibaa isagase isagoo nool baa haraggii laga siibay, haraggii qofnimada, waa kaa oo wuu qaawan yahay-mudh iyo gacan- maryahan uu xidhan yahay, suudhka iyo qoor xidhku asturaad uma aha, isagoo labbis quruxsan xidhan baa cawradiisa la daawanayaa, carruur iyo cirrooleba daawanayaan. Maalmihii hore wuu dreensanaa in wax ka maqan yahay laakiin hadda maba dareensana inuu qaawan yahay, wuxu qabaa haddaan la isqaawin inaan la qaxwaynayn, waxba la iska celin karin, haddaan dadnimada meel la dhigan, haddaan ragannimada guriga lagaga iman… sidaas bay la tahay sida maal , magac iyo maamuus lagu helaa. Haddana waa kan Telefiishanka hor taagan, habeen walba hor taagan laakiin isma oga inuu qaawan yahay oo qaawanaantiisa laga daawanayo dal iyo dibedba, wuu isla quman yahay oo wuxu u haystaa in beenta uu sheegayo dadku rumaysanayo, taasi xaq buu u leeyahay, haddaa mar kasta oo uu fagaare ka hadlayo, uu been iyo belaayo sheego maxaa loogu sacab tumaa? Marmar buu ka maqlaa xantiisa dadka iyagoo leh alla nin wanaagsan buu ahaa, miskiin buu ahaa been muu aqoon,laaluush muu aqoon, xaaraan muu aqoon, way luggooyeen, alla yaa hugii dadnimada ku soo celiya… Dadku waalanaa ma madaxnimadaa qaawanaan ah, ma siyaasinimadaa been ah, ma in la shaqaystaa xaaraan ah?, miyaanay iyagu kuwa laaluushka siiya ahayn, miyaanay ahayn kuwii ninkii ka horreeyey ***** ku sheegayey markuu xoolo ka urursan waayey intuu xilka hayey?, maxay u arki laayihiin inuu immika ka wanaagsan yahay siduu markii hore ahaa…maxay beenta ugu haystaan iyagaa ku jecele, sow kuwa ku ammaana ee ugu sacab tuma, hadduu dagaal geliyo ku raaca, hadduu raadyowga ka caytama yidhaa ka caytama, maxay ku haystaan, ma iyaga laftoodaa qofnimo baxay?. Hadduu qofnimo baxay sow iyagu may qofnimo saarin? maxay qofnimo uga sugayaan, oo haddaa ma iyagaa qofnimo ku hadhay? Awal nin aamusan oo xishood badan buu ahaa, wuu yaqaannay kelmadda afkiisa ka soo baxaysa, kelmad aanu ogayn kamay soo baxayn. Laakiin immika wuxu arkaa hadalkiisii oo ka sii horreeya isagoon ka fikirin, wuxu garan waayaa goor uu ku hadlay, berigii hore isagoon wax dhegaysan oon dhinaca kale fahmin muu hadli jirin maantase cidna ma sugo, afkaba iskuma daro, malaha xajiyihii baa go’ay, shaki baa ku jira in afkani kiisii yahay, wuxu u haystaa in sida loo kala tororgo badan yahay loo kala aqoon badan yahay. Wuxu xasuustay sheekadii inantii indhaha la’ay ee cuqdadda ka qaadday indho la’aanteeda ee dad oo dhan la collowday marka laga reebo wiil ay la sheekaysan jirtay. Wiilkaasi ayey dad ugu jeclayd, waxay jeclayd inay mar uun aragto sida uu u egyahay, waxay ku hammiyi jirtay inay isguursadaan. Maalintii dambe ayaa qof indhihiisii u saaray inantii kolkaasay wax aragtay, wixii u horreeyey ee ay aragtay wuxu noqday wiilkii ay jeclayd oo hortaagan, mise waabu indho laayahay, yaab iyo fajac… waxay tidhi…hayyaaaay!!! kuma jecli sababtoo ah waad indho laadahay. Wuxu ugu jawaabay nabadgelyo laakiin indhayga ii ilaali. Iyadu mabay ogayn inuu yahay qofka indhihiisa u saaray. Waa aadane iyo abaalkii. Lama oga in xusuustii sheekadani qofnimadiisii soo celisay, oo qofnimadu maxay tartaa immisaa hortii qofnimo baxay, maxay qaawanaantu dhib leedahay haddaan la iskula yaabayn, haddii xoolo lagu helayo, wuxu arkayaa qaar kale oo isa soo qaawinaya oo u soo qofnimo baxaya siday booska ugala bixi lahaayeen, hadda waa kuwii isaga qofnimo saaray. Markuu halkaa marayo ayuu maqlay dhawaaq aanu garanayn gees uu uga baxayo. Waaba maanso uu beri hore maqli jiray. Waa cod abwaan, wuxu leeyahay: Haddaan diintu qabanayn Sharci kaa dabbaalayn Dabar kaa ceshaa jirin Dadku waa belaayee In dameerka aadmigu Derejada ka hoos maro Ama dawladaha qaar Xayawaanka duurkiyo Dugaaggii ka liitaan Kumay jirin duruustee Diiwaanka waayaha Dib ma loogu qorayaa? Waa Qormadii Xasan C Madar
-
Originally posted by Xidigo*: Wasiirka xanaanada xoolaha leen maqlaayay bisinka e, dadkii aay xanaaneyn wayeene xoolaha intey joogaan. looooooooooooooooool ,,
-
Originally posted by Emperor: Wadankaan Dunida maxay kadamacsantahay! Somaaliyay maxaa idiin talo ah? I don't know why wax walba dagaal iyo cay looga dhigo. That should be a decent discussion. Thanks Emperor for this. Soomaaliyeey maxaa idiin dan ah anagu waanu tashanaye ???
-
I'm not saying Aamiin unlesss you tell me why it was special .........
-
MPs Cry Impeachment, but Settle for a Meek Resolution
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Well, generally i don't like those giant-belly Arabs markaa the government should seek another investor. Second, I totally support the agreement. It is for the good of the government as well as the people. No one has to travel all the way to Yemen or Saudi Arabia to sell his livestock. All they want to do is to bring it to Berbera and get $ 42 per head then go home. Should they have to travel to SA to sell it $ 45 per head then with the risk of loosing it in the middle of the sea ??? The government is lacking some communication skills to explain this to the public. Jamaal, don't worry sxb. We have been like this since 1991 and it is all talk. I don't think ppl oppose Rayaale more than they did to Egal. -
loooooooool .....
-
Rift emerges between Warlord AY and the Ethiopians
Jacaylbaro replied to Hassan6734's topic in Politics
Now i should expect another SLAP ........... BACCCCC -
Mohamed Khanyare Afrah and Abi Abdulle said Sunday that the President and Finance Minister should be brought to justice ........
-
Somaliland's capital is not moving anywhere ,,,, It is here to stay.
-
General Duke is the new Somali ambassador to Tehran
Jacaylbaro replied to dhulQarnayn's topic in Politics
loooooooool ,,,, Maya maya -
Ragga iyo dumarka intee nooc ayaa loo kala qaybin karaa?
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in General
That is a good one too ...... Thanks Abdillah Haye ,, let the translation continue ,,, i think NG will have nothing to translate markuu yimaado ,,