-
Content Count
17,678 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
325
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Frankfurt, Jarmalka 2012 -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Xamar 2012: -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Xamar 2012: Koowda Luulyo Oo Muqdisho Looga Dabaal Degay Si’aan Sanadahan La Arag Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo nooceeda oo kale aanay sanadahan ka dhicin magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Qaranka ayadoo Munaasabadaasina ay kasoo qeybgaleen Madaxda sare ee Dalka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay wehliyeen marwooyinkiisa, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Mudane Ceydiid Ilkaxanaf,Kusimaha Ra’isulwasaaraha Dalka ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo ay wehliyeen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda,duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan,Safiirro,Taliyeyaasha Ciidammada Xoogga Dalka iyo Booliiska,saraakiil ka socotay AMISOM,xildhibaanno,odayaal dhaqameed,abwaaniin iyo fanaaniin. Bilowgii Munaasabadda ayaa waxaa goobta kusoo bandhigay suugaan isugu jirtay heeso,riwaayado iyo gabayo ka hadlaya qiimaha xoriyadda kooxaha fanka ee kala ah Waaberi,Danan iyo Deegaan ayadoo suugaantaasina ay xambaarsanaayeen fariimmo wadaniyadeed. Munaasabadda oo bilaabatay abaarre 08:00PM fiidnimo ayaa markii ay aheyd 12:00AM saqda dhexe waxaa barxadda Madaxtooyada lagu saaray Calanka quruxda badan ee Jamhuuriyadeenna ayadoo cutubyo ka tirsan Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay salaan sharaf ka qaateen Madaxda Qaranka. Kusimaha Ra’isulwasaaraha Dalka ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo Munaasabadda khudbad kooban ka jeediyey ayaa guud ahaanba Shacabka ugu hambalyeeyey munaasabaddan qiimaha leh ayadoo kadibna uu kusoo dhaweeyey hadalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ugu dambeyntii Munaasabadda ka jeediyey khudbad aad u dheer ayaa uga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray iyo heerka maanta ay hiigsanayaan shacbiga Soomaaliyeed oo ah hormar. Munaaabadda ayaa kusoo gebageboowday jawi wanaagsan oo farxad ay ku dheehantahay ayadoo Munaasabaddana ay soo idlaatay abaare 03:00AM waxaana xusid mudan in Ammaanka guud ee Caasimadda ay xalay si weyn u adkeeyeen Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya. Marka lagasoo tago Munaasbaddan ka dhacday Madaxtooyada Qaranka ayaa sidoo kale waxaa munaasabad kale iyana ay ka dhacday Taliska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Villa Baydhabo taasi oo Taliska Ciidammada Xoogga uusoo qaban qaabiyey ayadoo sidoo dalal badan oo caalamka ahna lagu qabtay Munaasbaddo lagu muujinayo qiimaha ay shacabka Soomaaliyeed u leedahay Kowda Luulyo oo ah xiligii ay gobollada Koonfureed ee Dalkeenna xornimada ka qaateen gumeysitihii Talyaaniga islamarkaana ay midoobeen gobollada Koonfur iyo Waqooyi. -
Do you have health coverage in America?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Libaax-Sankataabte's topic in General
Thank Eebbe we have this and no maxkamadda sare's input needed for it: -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Celebrations in Iswiidhan, Denmark, Norway, Holland, Kanada (Edmonton, Regina, Ottawa, Toronto), Mareykanka (Minnesota), Ingiriiska (London) and more, click here. -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Soomaaliyeey toosoo cusub 2012 Kowda Luulyo -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Holland 2012: XAFLADA 1-DA LUULYO HOLLAND Waxaa dhamaan bulshada ku dhaqan wadanka Holland lagu wargelinyaa in lagu qabanayo xaflad loogu dabaaldegayo 1da luulyo 2012. Xafladaasi oo ka dhicidoontamagaalada Haarlem ee wadanka Holland.Xafladaan waxaa siweyn u soo abaabuley uruka FSAN,SSHO Haarlem iyo M&H Supermarkt oo ahdukaan Somaliyeed oo kuyaal magaalada Haarlem. -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Hees cusub Kowda Luulyo 2012 qaadeyso Ubac Nacfi Waa maalin weynoo Naga mudan xaqdhowriyo Maamuus dhameystiran -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
-
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Salaan macaan by Saafi Ducaale, Eebbe ha u raxmadee -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Nayroobi 2012: Qabanqaabada 1da Luulyo Oo Nayrobi Ka Socota Magaalada Nayrobi ee Dalka Kenya waxaa ka socda Abaabulkii ugu balaarnaa oo loogu diyaar garoobayo Munaasabada 1da Luulyo. Magaalada ayaa waxaa ka socda Abaabul bulshada Soomaalida ah ay ugu diyaar garoobayaan Munaasabada qiimaha leh ee maalinkii Xornimada Gobolada Koonfureed ee Dalka. Dadwayanaha Xaafada Soomaalidu ku badantahay ee Islii ayaa maalmihii lasoo dhaafay iibsanayay calamo iyo dhar lagu xardhay calanka Soomaaliyeed, waxaana suuqa alaabahaasi lagu gado uu ahaa mid mashquul ah oo dumarka ay gadanayeen agabka lagu labisan oo calanku kuwada xardhanyahay. Dhan kale waxaa socda abaabulka Munaasabado balaaraan oo la filayo in Magaalada ay ka dhacaan waxaana gudaha xaafada Islii lagu arkayaa Gawaari waaweyn oo ay ku xiranyihiin qalabka codka baahiya kuwaas oo dadka lagu wargalinayo ka qaybqaadasha munaasabadaasi. Safaarada Soomaalida ee Nayroobi ayaa qabanqaabinaysa xaflad heerkeedu sareeyo oo ku aadan Munaasabada 1da Luulyo taas oo ay ka qaybgali doonaan Masuuliyiin kala duwan. Dhalinyarada Waayaha Cusub ayaa abaabulaya iyaguna munaasabad balaaran oo ka dhici doonta Eastlight High School oo xaafada Islii kuyaala waxaana ka qaybgali doonaa Fanaaniin badan oo caan ah oo uu kamidyahay fanaanka Cabdi Shire Jaamac Jooqle, Waxaa sidoo kale ka qaybgalaya Masuuliyiin uu kamidyahay Ra’iisul wasaarihi hore ee Soomaaliya Mudane Maxamad Cabdulaahi Farmaajo kaas oo munaasabada kula hadli doona bulshada Nayrobi. Guud ahaan dacalada dunida ee Soomaalidu ku nooshahay ayaa waxaa la filayaa inay ka dhacaan Munaasabado waayweeyn oo lagu xusayo maalinta 1da Luulyo. Xigasho ____________________ The best Kowda Luulyo I ever experienced happened at Nayroobi's Soomaali embassy in last year. What a wonderful occasion it was, overcrowded not only by general public but well-known wadani singers like Axmed Naaji Sacad iyo Saado Cali among others. -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Istanbuul, Turkiga 2012: Munaasabad Lagu Maamuusayey Sanadguuradii 52aad Ee Xornimada Gobollada Waqooyi Oo Lagu Qabtay Caasimadda Dalka Turkiga Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay islamarkaana lagu maamuusayey sanad guuradii 52aad ee kasoo wareegatay markii ay gobollada Waqooyi ee dalkeenna ka xoroobeen gumeystihii Ingiriiska ayaa lagu qabtay caasimadda Dalka Turkiga ee Ankara. Munaasabadda oo ay soo qaban qaabisay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa waxaa kasoo qeybgalay Ardayda Soomaaliyeed ee dalkaasi wax kabarata,mas’uuliyiinta Safaaradda iyo Jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool. Gudoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee dalkaasi Turkiga Maxamed Sheekh Mukhtaar oo Munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa uga mahad celiyey Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga qabanqaabada Munaasabadan qiimaha leh waxaana uu dhanka kale tilmaamay in ay Ardaydu aad udhiiragelineyso in ayaga oo Dalkooda ku sugan si lamid ah ay Munaasabadda qiimaha leh ee 26ka June u xusaan. Xoghayaha Koobaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga Mudane C/qaadir Maxamed Nuur(Jaamac) oo Munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn ka hadlay qiimaha ay maalintaan ugu fadhido shacbiga Soomaaliyeed waxaana uu dhanka kale tilmaamay in ka safaarad ahaan ay mar walba u taagan yihiin sidii ay Ardayda Soomaaliyeed u dhiiragelin lahaayeen. Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo isna khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa ugu horeyn Dowladda aynu walaalaha nahay ee Turkiga uga mahad celiyey sida ay shacabka Soomaaliyeed u garan taagan yihiin waxaana uu safiirku ballan qaaday in lasii laba jibaari doono howlihii Safaaradda isagoo dhanka kalena ammaan u jeediyey shaqaalihii horey safaaradda u joogay. -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Calansaarkii 1960: -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Suudaan 2012: Xaflad Lagu Maamuusayey 26ka Juun Oo Ka Dhacday Suudaan Xaflad balaaran oo ay kasoo qayb galeen boqolaal Arday ah iyo Jaaliyada soomaaliyeed ee Dalka Sudan ku nool oo ka dhacaysay Hool ku yaala gudaha Jaamacada Africa ee Magaalada Khartoum ayaa inta badan looga hadlay taariikhda ay soo martay halgankii ay xurnimada ku qaateen gobolada waqooyi ee Soomaaliya. Sidoo kale xafladan oo ay dadka dhan gacanta ku haysteen calanka soomaaliya ayaa waxa sidoo kale lagu saaray calankii soomaaliya iyadoo korna loo roday bululeerka taasoo lagu muujinyay farxada ay habeenkan dadka u leedahay Qunsulka Safaarada Soomaalida ee Dalka Sudan Mudane Ibrahin Guure Maxamed oo goob joog ka ahaa xafladdaas ayaa sheegay in soomaaliya xiliyadii ay dolwadda wayn ahayd ay ahayd dowladdii ugu xooga badneed Geeska Afrika oo ay ahayd dowladi aas aasastay ururka imanka kulmiya ee IGAD. Hooyo soomaaliyeed oo lagu magacaabo maama maryan ayaa halkaasi ka qaaday heeso dhiiri galin ah oo ay ku muujinaysa dareenkeeda ku aadan munaasabadan kasoo wareegatay 52 sano xurnimadii gobolada waqooyi ee 26 Juun. Sawiro kale -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Happy Kowda Luulyo mar kale. Since 2002 ayaa u dabaaldagoyaa Kowda Luulyo right here on SOL. Maba iloowi kari. Pictures and celebrations around the world to come in the coming days, Eebbe hadduu idmo. -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Happy Kowda Luulyo mar kale. Since 2002 ayaa u dabaaldagoyaa Kowda Luulyo right here on SOL. Maba iloowi kari. Calansaarkii u horeeye ee 1960: -
I was and still pretty much am a difooso, taageero numero uno of Jarmalka since as a boy in 1986 Ciyaaraha Adduunka. Since '96, they keep disappointing me. Today's disappointment wasn't as bad as it was in '06 World Cup semifinal or '10 seminal as well. Or '02 final. It was beyond sad to see that sad face of Mascuud Osil, a great fine player who deserves nothing more than trophies. If only Klose and Muller/Reus started instead of Gomez and Podolski. Gomez, a slow player who can't follow the quick passes of Jarmalka, can't function in this German formation that was started in 2010. Klose does. I know, however, that Jarmalka will come back, strongly both physically and mentally. They have young best players.
-
What is 'coward' about this? Yaa ogaado dad markee hal xabbad yeereyso maqlaan isku kaadinaayo ayaa ugu wacaayo kuwa xabbadaas ku dhex jiro 'fuleyaal.' Waa iska xaal adduun.
-
It isn't laba qof hadleyso. Hal qof kaliya hadlaayo iska dhigaayo laba qof, with bad editing too.
-
grasshopper;842336 wrote: the idea of somali jazz sounds awesome.... It is.
-
Xaawo Kiin cod cajiib leedahay. Anoo adi ku raba ha iga roorin Caashaqa dhigta haka roorin Kalgacayl rasmiya haka roorin Raaxada danta haka roorin Oo ruux ku jecel ha iska reebin Abaaba.
-
Sakareet-ka dhuuga!. Sanka qaa' ka sheena!.
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Maaddeey's topic in General
-
Xawaaji iyo xawaash laba shey mee kala yihiin mise waa isla hashii oo laba dhawaaq kala leh? Waligey ma jecleen inaa wax kariyo, mana jecleysan ka ahayn shaah iyo waxaas fud fudud oo la sameeyo laakiin since I discovered this site earlier this year, inaa wax kariyo oo aan iska dhaafo maqaayadaha ku sigtayba. It is that appealing, the site that is.
-
Thread starter: Kama daashid miyaa this trolling? You already want to ban yourself again? Waaw.
-
Popular Contributors
