Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,695
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    326

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. My late mother's old friend for decades since 1960s is what we Afmaay speakers call Reer Geegii Mariidi (meaning Reer Waayo Waayo). Her father and his relatives settled in Waajid, Bakool, oo wuxuu ka soo cararay dagaaladii Daraawiishta, long before Abaartii Dabadheer kuwa soo degay Koonfur Galbeed. This lady, who used to be a xildhibaan until 2017, Waqooyi Galbeed waxba kama taqaano oo Waajid ayee ku dhalatay and speaks pure Afmaay than Afmaxaa. She is Muuse Muqayil's jufadiisa sidaa maqlay. My late father's old ganacsade friend from 1940s was also another transplanted Reer Waqooyi whose family came to Xuddur, Bakool, area as well. Again dad ka soo qaxay dagaaladii Sayidka iyo Ingiriiska ahaayeen.
  2. He, like many of his ilk, did not as of now. Gabdhaha ka soo jeeda Sool oo xildhibaanada ah iyo Fowsiya Yuusuf Xaaji ayaa ka hadlay bas.
  3. Or perhaps he is isolating from Covid or something. I don't think asaga iyo Axmed inay kala jabeen, after all dekadiisa inay Xabashada isticmaasho rabaa.
  4. Maxaa looga baahnaa reer Laascaanood, kadib tallaabadii Somaliland? Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo mar soo noqotay ra’iisul wasaare ku xigeen ayaa si adag uga hadashay dhacdadii Laascaanood, kadib markii ay Somaliland magaaladaasi kasoo masaafurisay dad ka soo jeeda koonfurta. Fowsiyo ayaa marka hore si kulul u cambaareysay tallaabada ay qaadday Somaliland ee lagu soo daabulay dadkaasi, waxaana sheegtay in arrintan ay tahay qalad weyn oo dhacay. Sidoo kale Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa shaaca ka qaadday in shacabka ku dhaqan magaalada Laacsaanood looga baahnaa in aysan ogolaan tallaabadaasi, isla-markaana ay aheyd in ay is hortaag ku sameeyaan gawaarida lagu soo qaaday dadkaasi shacabka ah. “Waxaan ku cambaareynayaa sida ugu adag waa qalad weyn oo dhacay aniga ila ma’aha in Ummadda Somaliland oo dhami inay waxaan raalli ku yihiin. Waxayse aheyd in shacbiga reer Laascaanood ay is hortaagaan baabuurtaasi oo aanay ogolaanin,” ayey tiri Fowsiyo Waxa kale oo ay intaasi ku sii dartay in dhacdadan ay tahay mid xanuun badan, isla-markaana ay bar madow ku noqon doono taariikhda Soomaaliyeed, sida ay hadalka u dhigtay. “Waa dhacdo xanuun leh oo bar madow ku noqon doonto taariikhda Soomaaliyeed. Weli lama arag waxaan oo kale waxa ay ku dhacdo,” ayey hadalkeeda sii raacisay. Ugu dambeyn Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ugu baaqday madaxda Somaliland inay dadka lasoo masaafuriyey u ogolaadaan inay ku noqdaan Laascaanood, si ay ugu yaraan uga soo qaataan hantidooda, ugana soo rartaan wixii alaab ah ee ka yaalla magaaladaasi. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo dadkii ugu badnaa oo ka soo jeeda koonfurta ay Somaliland kasoo masaafurisay Laascaanood, kuwaas oo gaaray deegaanada Puntland. Xigasho
  5. Of course, it is. Waa mööryaanimo lagu dhuftay marqaanimo = this is the result, a new kind of bililiqo. Maalkooda iyo xoolahooda ay dhidid badan u soo mareen kasbadooda si sahlan lagu dhaco ayaa la rabaa.
  6. Odayaasha Laascaanood "Shaqo kuma lihin falka lagu masaafuriyay dad reer Koonfur Galbeed" Qaar kamid ah odayaasha degmada Laascaanood, oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in aan lagala tashan masaafurinta dadka reer Koonfur Galbeed, isla markaana, anay ku qanacsanayn habka loo maamulay tarxiilka bulshadaa. Waxay sheegeen in amarka lagu tarxiilay bulshada kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya uu kasoo fulay wafti wasiiro iyo saraakiil ciidan ah, oo xukuumada Somaliland usoo dirtay xal ka gaadhista amaandarada Laascaanood. "Waftigaa Hargaysa ka socda oo xukuumadu soo dirtay markii ay yimaadeen kadib waxa soo baxday in dadkii la raray, dad kaa la rarayo waa dad deegaanka Laascaanood in badan daganaa caruurihii ku dhashay ayaa xaasas ku yeeshay, hadii xataa loo arkay in la raro waxan leenahay sida loo raray si sax ah maaha" mid kamida odayaasha ayaa sida yidhi. Odayaasha ayaa soo jeediyay in madaama oo dadka la raafay ay hanti ku lahaayeen magaalada, hantidaasi oo anay qaadan, in hantidoodii loo ilaaliyo isla markaana, madaxda iyo wax garadka Laascaanood ka wada shaqeeyaan sidii dadkaa iyo hantidooda laysku gaadhsiin lahaa. Waxay sheegeen in ay ahayd arrin si deg deg ah loo qabtay. "Waxaanu u sheegaynaa bulshada in arrinkaa maamulku aanu nagala tashan, oo ay ahayd arrin la dadajiyay oo si deg deg ah loo qabtay.. dadkaa si qax ah ayaa loo raray qof qudha oo shay qaatay malahayn, dadkaa hantidoodi iyo alaabtoodii waxaanu ka codsanaynaa dadka gobolka Sool ku dhaqan ee masuuliyiinta ah in dadka hantidoodi gacanta loogu dhigo" sida waxa yidhi mid kamid ah odayaasha. Xukuumada Somaliland ayaa qaaday howlgal ay ku qab qabanayso isla markaana, gobolka Sool kaga tarxiilayso dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ilaa iyo hada inta la hubo waxa la tarxiilay ku dhawaad 700 oo qof.
  7. Feysal Dhurwaa is at least making sense this time.
  8. Muuse Marqaan maanta inuu awood leeyahay ismoodaa, laakiin awood ku sheegiisa yar maalin ayaa la tusin doonaa wwxee tahay. Abaartii dabadheer ee toddobaatameyadii markii ilma adeeradiisa gaajeysan la soo dajinaaye Koonfur Galbeed, ilaa iyo haddana degan oo beero ku leh wuu isiloowsiinaayaa.
  9. Geel geey meesha yaa dhaho tuugaan. Inaa iloownay muu moodaa shida colaada loo shidaal siiyo uu Xamar ka sameynaaye.
  10. When Reer Mudug (including Galgaduud) had a taste of a lasting chance to unite the whole Galmudug under one leadership, this happens. Markii la damcay, laguna guuleystay in deegaanadaas qaarkood laga saaro Reer Afduub, this happens. Reer Mudug iyagaa isku xaasid ah, isku samir la'. If this continues, it is back goof goof ka talis. Back to Ximan iyo Xeeb and esch deegaan with maamul tabaryar. Such a shame.
  11. Sheekada markee saan gaarto, waalnimo soo dhaaftay, waala lagu qoslaa. Soomaalilaan oo shaacisay in dadka kasoo jeeda koonfurta ay ula mid yihiin Itoobiyaanka Taliyaha booliska gobolka Sool ee Somaliland oo maanta wariyeyaasha kula hadlay gudaha Laascaanood ayaa ka warbixiyey howl-gal ay ciidamada ammaanka saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen magaaladaasi, kuwaas oo lagu soo qab-qabtay dad u badan ganacsato, kana soo jeedo deegaan ahaan dhinaca koonfurta. Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in ay si gaar ah u beegsan doonaan dadka aan u dhalan deegaanadaasi ee ku sugan gobolka, wuxuuna tilmaamay in dadka kasoo jeeda Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay ula midyihiin Itoobiyaanka & ajiniibta kale, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay soo masaafurin doonaan dadkaasi, kana soo saari doonaan guud ahaan deegaanadooda. “Dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya waa ajnabi, waxayna noola mid yihiin Itoobiyaanka oo kale waana ka saaraynaa Laascaanood,” ayuu yiri taliyaha Waxaa kale oo uu intaasi ku sii daray “Annaga Soomaali ma nihin waxbana nagam gelin waxaanu nahay Somaliland,”. Hadalkan ayaa dad badan la yaab ku noqday, waxaana si aad ah looga hadal hayaa baraha bulshada ee Internet-ka. Dhinaca kale waxaa lagu soo warramayaa in Somaliland ay bilowday daad gureynta dadkaasi, iyada oo adeegsaneyo gawaari xamuul ah, sawirro lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka ayaa muujinaya ganacsatadii Laascaanood ee ka soo jeeda koonfurta oo laga soo saaray magaaladaasi, iyada oo hantidoodii ay taal halkaasi. Arrintan ayaa ku soo aadeyso, iyada oo maalmihii u dambeeyey ay kordheen falalka ammaan darri ee ka dhaca gobolka Sool, gaar ahaan xaruntiisa weyn ee Laascaanood, waxaana taasi ay keentay in Somaliland ay ballaariso howl-gallada ka socda halkaasi. Xigasho