Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,649
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Yariisoow deg deg badane, Afmaayga si fiican ugu baro wasiirkaaga.
  2. I for one do not want a strong, extremist Oromo leaders to gain power. No way. Just see what they did and are doing by expanding into Soomaali Galbeed in the last three decades. They believe they 'own' Diradhabo and many deegaans in Liibaan region of Soomaali Galbeed. It will also affect Soomaali-Boorana borders in NFD. They might arm more Booranta meesha degan.
  3. I don't know about you guys, but I want Abiy Axmed Cali to remain as a Xabashi leader. He is the most Soomaali-friendly Xabashi leader in history, if we are honest about it. Of course, we don't trust him and should not, but anyone who will replace him will be far worse for Soomaaliya and Soomaalis. It is him who practically bahlaha ka jafay maamul goboleedyada ismooday dalal, doing this without being asked much. Occupied Soomaali Galbeed has a Soomaaliya flag, has Soomaaliyeey toosoo as a national anthem. No Tigrey or Xabashi leader would tolerate this. Abiy Axmed is good for us Soomaalis who want a strong, united Soomaaliya, a weakened one is even better.
  4. Reer Arlaadi - Afmaay speakers - markaan oo kale waxee dhahaan, 'Aragaana,' though it is already happening. This seems like sheekadii degmada Marko. Isjiidkii, ku qabso ku qadi meysidee dheeraa ka dib maxaa ka dambeeyey?
  5. I noticed a distinct la iska fahmi karo on Western media: When Tigrayga are losing badly, certain Western media hyper-drives about 'famine' and 'sanctions' against Tigray region. But when they have a little upper hand, they are 'closer' to Adisababa and are on the verge of taking of Xabashiland. Maalin caddeey sheekadaan noo jilooyaan.
  6. Taliye Cabdi Xasan Xijaar oo go’aan culus kasoo saaray muuqaallada TikTok Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa si dag uga hadlay muuqaalada anshax xumada ah ee lagu baahiyo baraha bulshada, gaar ahaan Tiktok-ga iyo burcada dhaca ka geysata degmooyinka magaalada Muqdisho, kadib kulan uu maanta la yeeshay taliyeyaasha Booliska Gobolka Banaadir. Taliye Xijaar ayaa ugu horeyn sheegay in mudooyinkii dembe ay aad u soo badatay burcadda dhaca ka geysata magaalada Muqdisho, kuwaas oo dadka shacabka ah ka furta taleefoonada iyo agabkooda gaarka ah, isagoo balan qaaday in tallaabo deg deg ah ay qaadi doonaan hey’adaha ammaanka. Sidoo kale Taliyaha ayaa ka hadlay muuqaalada anshaxa wax u dhibaya ee lagu baahiyo baraha bulshada, gaar ahaan aaladda Tiktok-ga oo carabka uu ku dhuftay, isagoo ku amray saraakiisha ciidanka booliska inay wax ka qabtaan dadka muuqaalada anshax xumada ah kusoo bandhiga aalada Tiktok. Kulankii maanta ay isugu yimaadeen saraakiisha ciidamada booliska ayaa waxaa shir guddoomiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, waxuuna sheegay markii uu ka warbixinaayey in kulanka diirada lagu saaray sidii loo sii adkeyn lahaa amniga caasimadda Muqdisho. Taliyaha ayaa sheegay in muqooyinkii dambe ay muujiyeen dadaal xoog leh, taas oo suurta gelisay in waxbadan ay iska bedelaan ammaanka magaalada Muqdisho, isagoo balan qaaday inay sii adkeyn doonaan ammaanka, xiligaan kala guurka ah ee dalku ku jiro. Xigasho
  7. Tiktok hanoo dambeeyee kuwii afkooda duubnaa bil walba wax qarxiyo warkooda nooga warama idinkoo raali ah.
  8. Reer ku qabso ku qadi meysidee waa lagu yaqaanaa. Iyagaaba xataa isku qabsado waxooda isku ogaleyn.
  9. Laftagareen wuxuu ka xunyahay inaanan tolkiisa guddoomiye degmo gobolka Banaadir laga siinin. Aargoosasho ayuu wadaa. That is why wasiiro ugu diiday Reer Iljeex, sidoo kalena ugu diiday xildhibaanno in Koonfur Galbeed. Unlike Shariifka ka horeeyey, he also has British-trained ciidamo ka amar qaato asaga, Baraawe ayuuna geeyey. Laakiin qorshahaan Baraawe guddoomiyaha baarlamaanka KG Cali Saciid Fiqi ayaa la wado oo deegaan ahaan ka soo jeedo Baraawe.
  10. Toddobada xadgudub ee lagu eedeeyey Simon Mulongo ee keenay in dalka laga eryo Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka ka ceyrisay ku-xigeenka eregyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Simon Mulongo, oo kasoo jeeda dalka Uganda. Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa qoraal oo ay u dirtay Guddiga Midowga Afrika ku wargelisay in Simon Mulongo laga dhigay ‘persona non grata’ (qof aan dalka laga rabin), waxaana lagu amray inuu uga baxo Soomaaliya muddo 7 maalmood gudahood ah. Qoraalka ayaa intaas ku daray in Mulongo “uu ku lug yeeshay dhaq-dhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga Soomaaliya.” Haddaba Caasimada Online, oo la xiriirtay ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ayaa heshay xog ku saabsan sababaha dalka looga eryey Simon Mulongo. Simon Mulongo ayaa lagu eedeeyey xadgudubyo bulsho iyo kuwa siyaasadeed oo dalka uu ka galay, kuwaasi oo soo jiitamayey muddo, sida aan xogta ku helnay, waxaana qodobada ay nala wadageen ilo-wareedyada wasaaradda amniga ay kala yihiin:- 1- Simon waxa uu ahaa shaqsi ku caan baxay inuu ka shaqeeyo waxyaabo dhaawacaya qarannimada Soomaaliya, kana baxsan xuduudda Maandhaytka Hawlgalka Midowga Afrika. Isaga oo xogo khaldan oo ka fog waaqaca mar walba dalkeenna ka gudbin jirey. 2- Waxaa uu baqemaali jirey (Black Mailing) siyaasiyiinta iyo qaar ka mid ah madax Soomaaliyeed, isaga ugu hanjebi jirey ceebayn, qaar ugu cago juglayn jirey inuu dilayo, kuwo kale na uu isku diri jirey isaga oo farriimo khaldan u kala qaadaya. 3- Waxa uu ahaa shaqsi aan Soomaaliya u aqoonsanayn in ay tahay Qaran Madax bannaan oo leh Dowlad la aqoonsan yahay. Waxa uuna si bareer ugu kici jirey falal ka marag kacaya arrimahaas, isaga oo shirarka iyo fagaareyaasha ba ka sheegi jirey in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad, balse ay tahay qabaa’illo mid walba mudan yahay in gaarkiisa loola tacaamulo. 4- Waxa uu isaga oo adeegsanaya shaarka Midowga Afrika jaajuusi jirey ciidammada iyo hay’adaha kale ee dowladda, isaga oo xogaha iyo sirta dowladda la wadaagi jirey shaqsiyaad, hay’ado iyo dowlado shisheeye. Waxa uuna ka samayn jirey macaash dhaqaale iyo ujeeddooyin u gaar ahaa isaga. 5- Waxa uu Hay’ad shisheeye oo ay ka mid tahay tan la la dhoho Sahan iyo shaqsiga la yiraahdo Matt Brydan kala shaqeeyey in dalkeenna ay ka gudbiyaan xogo iyo siro khatar geliyey amniga qaranka, madax bannaanida dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed. 6- Waxa uu baad ka qaadi jirey ganacsatada iyo shirkadaha Soomaaliyeed isagoo ugu hanjabi jirey inuu ku eedaynayo inay argagixisada gacansaar la leeyihiin. Waxaa kale oo uu si gaar ah u baadi jirey shirkadaha ka shaqeeya Garoonka Diyaaraha iyo xayndaabka Xalane, waxaana arrintaas u fududayn jirey saraakiil kale oo ajnabi ah oo uu ka mid yahay ninka la dhoho Micah, una dhashay dalka Zimbabwe. 7- Waxa uu xadgudubyo jinsi iyo falal faroxumayn kula kacay hablo Soomaaliyeed oo ka shaqaynayey xafiiskiisa iyo xafiisyada kale ee Hawlgalka Midowga Afrika. Taasoo caddaymahooda ay dowladdu gacanta ku hayso. Dhammaan arrimahaas ayaa keenay in dalka laga eryo Simon Mulongo, sida ay ogaatay Caasimada Online. Mulongo ayaa noqonaya diblomaasigii labaad ee dalkeenna laga baaciyo muddo 2 sano gudohood ah, iyada oo la dul dhigay amarka ah “Dalkan lagaama rabo”, (Persona Non grata), loona qabtay muddo 7 maalmood ah inuu dalka isaga boxo. Xigasho
  11. Yariisoow deg deg badane, you think uttering qabiil's name is caay? Such a ciyaal. Anyway, I will wait 'Guul Laftagareen' adigoo leh beri knowing fudeedkaaga after hal laf ceyriin ah laguu tuuro. Or you will blame Deni waxa Baraawe ka dhacay?
  12. Somalia expels AMISOM deputy Simon Mulongo, accuses him of ‘hindering Somali security strategy’ Somalia has declared deputy head of AMISOM Simon Mulongo persona non-grata and ordered him to leave the country within seven days. In a letter addressed to the African Union Commission, Somalia said Mulongo, a Ugandan national, was ‘engaging in activities incompatible with AMISOM mandate and Somali security strategy.’ It ordered him to leave the country within seven days. The nature of activities Mulongo is accused of remained unclear, but the letter came barely a day after Foreign Affairs Minister Mohamed Abdirizak hinted at ‘individuals hindering the Somali nation.’ “Somalia will realize the implementation of the STP (Somali Transition Plan), everyone will be held accountable for their action, no one will be allowed to hinder the Somali nation, we have simply come too far,” the minister said in a tweet. Shortly after the release of the letter addressed to the AU, Abdirizak remarked that “the FGS will hold accountable AMISOM personnel, particularly those at the leadership level, who are expected to be beyond reproach in their integrity as they discharge their duty under the UN/AU mandate.” Somalia's federal government recently rejected a proposal to fold the African Union Mission in Somalia into a joint AU-UN force that would take over at the end of AMISOM's mandate this year. The African Peace and Security Council approved the proposal. Somalia' accused the Council of disregarding an assessment from a joint technical team that drew out a concept of operations to take over the security responsibility following an AMISOM drawdown. Mulongo will join United Nations Special Envoy Nicholas Haysom and political analyst Matthew Bryden in the growing list of foreigners expelled by Somalia's federal government in recent years. Xigasho
  13. Yariisoow deg deg badane, xaarka ha isku walaaqin ee meel fadhiiso. Do not speak when adults are speaking.
  14. Reer Iljeex iyo dagaal maxaa kala heysto. Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Baraawe? Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ay deggan tahay xaaladda magaallo xeebeedka Baraawe oo caasimad u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kadib dagaal ka dhacay halkaasi. Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa inoo sheegay in saaka lagu guuleystay kala qaadida labadii dhinac ee shalay ku dagaalamay halkaasi, xaaladduna ay haatan tahay mid xasilan. Waxgarad iyo mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed oo ku baxay xiisaddaas ayaa ku guuleystay in ciidamada iyo maleeshiyaadka dagaalamay ay kala qaadaan, iyaga oo ka dajiyey dabaqyo ku yaalla magaalada oo ay dhufeyso uga jireen dhinacyada diriray. Sidoo kale waxaa weli socda wada-hadallo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Baraawe oo saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqyo guud ee magaaladaaso. Caasimada Online waxay u kuur gashay waxa la isku hayo iyo sababta keentay dagaalka, waxayna ogaatay in khilaafkaan gaaray gacan ka hadalka uu salka ku hayo awood qeybsiga dhismaha golaha deegaanka oo haatan la doonayo in loo dhiso magaalada Baraawe. Madaxweynaha Koonfur albeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa la sheegay inuu diidan yahay in beesha *** ay xubno ku yeelato golaha deegaanka ee loo dhisayo Baraawe, isagoo taas ka duulaya ayuu maalmo ka hor ciidamo si gaar ah uga amar qaata ka soo daabulay Baydhaba, waxuuna ka dejiyey Baraawe, kuwaas oo shalay dagaal ku galay magaalada. Si kastaba, waxaa maalmihii lasoo dhaafay isa soo tareysay cabashada waxgaradka beelaha Mogadishu Clan ee wax ka dega magaalada Baraawe, kuwaas oo sheegay Madaxweyne Laftagareen uu si cad ugu sheegay in golaha deegaanka ee loo dhisayo Baraawe aysan hal xubin ku yeelan doonin beesha ***, waxayna shaaciyeen in taas aysan aqbali doonin. Xigasho
  15. Khadiija Diiriye oo u dacwootay ugaaska ***** Wasiirka gargaarka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye oo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka soo aheyd tan iyo dowladii Carta lagu soo dhisay, ayaa sanadkaan wajaheysa loolan adag, kadib markii sanadkaan ay kursigaas isku soo sharaxday Baarliin Maxamuud Biin oo ah gabar aqoonyahanad ah, kuna heyb ah Khadiija Diiriye. Caasimada Online ayaa ogaatay in Khadiija Diiriye ay u dacwootay ugaaska beelaha ****, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, iyadoo ka dalbatay inuu hadlo gabadha isku soo diyaarisay inay kursiga kula tartanto iyo dadka ku garab taagan ololaheeda oo reer abtigeed u badan. Khadiijo iyo Baarliin waxaa abtiyaal u wada ah ****, waana taas sababta ka keentay in Khadiijo Diiriye ay u dacwooto Ugaaska, iyadoo ka dalbatay inuu kala hadlo Baarliin, sidoo kale xogta aan heleyno waxay sheegeysaa in Khadiija Diiriye ay Baarliin u balan qaaday lacag aan cadadkeeda la shaacin, hadii ay tartanka ka harto. Wasiir Khadiija Diiriye ayaa barteeda Facebook-ga soo dhigtay sawirro ay la gashay ugaaska oo gurigeeda ku soo booqday iyo qoraal kooban oo ay ku tiri, “Koofida ugu weyn dugaashigeyga ayaa hoygeyga galabta igu soo booqday, darajo iima-laabna dad-na iima-dhina, ugaaska reer habartey macaan, rabiyow ii dhowr darajada duubkiisa.” Qalqal xoog leh ayaa soo wajahay Khadiijo Diiriye, kadib markii dhawaan ay musharaxnimadeeda shaacisay Baarliin Biin oo ah gabar taageero badan heysata oo sanadkaan dooneysa inay kursiga kula loolanto Khadiija Diiriye. Shariifo Caddow oo kamid shaqsiyaadka ugu saameynta badan ururada bulshada rayidka ah iyo Madiina Caamir oo ah haweeney ganacsato ah ayaa dhawaan ka qeyb galay xaflad ay musharaximadeeda xildhibaanimo kusoo bandhigeysay Baarliin Maxamuud Biin, waxayna farriin u direen ergada wax dooraneysa iyo madaxda Hirshabeelle. Labadaan haween oo ah kuwa miisaan culus ku leh dalka ayaa Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe ka codsaday inuu si cadaalad ah u maamulo doorashada kursiga HOP0097 oo yaalla magaalada Jowhar, kaasi oo 20-kii sano ee lasoo dhaafay ay ku fadhisay Khadiija Maxamed Diiriye. “Anaga cod ma lihin, laakiin waa in codka la siiyo Baarliin, qoyska ay Baarliin ka dhalatay waxaa la idinka rabaa inaad marada u xirataan sidii aad kursiga u siin laheyn, waxay aheyd qof idinka maamuleysay meesha ay joogtay, waa Gabar isku xambaaran karto qoyskeeda iyo Soomaali oo dhan,” ayey tiri Shariifo Caddow. Xigasho
  16. Maxay tahay sababta xildhibaanno katirsan Puntland u doonayaan in Somaliland lagu daro liiska argigixisada? Xildhibaanno katirsan Puntland ayaa soo jeediyay qaraar ay ku dalbanayaan in Somaliland lagu daro liiska waxa loogu yeero argigixisada, iygaoo ku eedeeyay in ay Alshabaab wada shaqayn dhow la leeyihiin. Xildhibaan Axmed Xiriir Gaas oo katirsan xildhibaannada golaha barlamaanka horgeeyay soo jeedintaan, ayaa u sababeeyay in ay Somaliland u fududayso Shabaab in ay Ceerigaabo kasoo galaan dhinaca buuraha Calmadow iyo Galgala, halkaas oo Shabaab ku leeyihiin saldhigyo qarsoon. Xildhibaan xiriir wuxuu sidoo kale sheegay in ay masuul ka tahay Somaliland dilalka ka dhacay magaalada Laascaanood, isagoo sheegay in ay hayaan macluumaad rasmi ah oo caddeynaya in Somaliland ay colaadaha ka jira gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn u adeegsado dad xiriir laleh Alshabab. “Dagaalyahannada Alshabab ee ka dagaalama Calmadow iyo Galgala waxaan ognahay in laga keeno Burco, Beer iyo Geerigaabo. Adduunyada oo dhan waa laga ogyahay in ay Somaliland caawiso Alshabaab oo aysan doonayn in Soomaaliya amnigeeda uu hagaago,”ayuu yiri xildhibaan Xiriir. Ma ahan markii ugu horraysa oo Puntland ay ku eedeyso Somaliland in ay xiriir dhow laleedahay Alshabaab, balse Somaliland ayaa marar badan ku tilmaamay dayacaayad ay Puntland ku qarinayso fashilkeeda amni. Xigasho
  17. Kuraastii ugu horeeysay doorashada Aqalka Hoose oo maanta lagu doortay magaalada Muqdisho Waxaa goordhaw si rasmi ah Xarunta Tababarka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho loogu doortay kursigii ugu horeeyay ee doorashada kuraasta Aqalka Hoose ee gobolada Waqooyi ee Somaliland Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed. Kursiga uu goordhaw ku guuleystay Mahdi Maxamed Guuleed oo tirsigiisu yahay HOP239, waxaa kula tartantay Mushtaaq Ibraahin Yuusuf, waxaana codeynayay 101 Ergo oo la soo xulay. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka maamulka Soomaaliland oo ku dhawaaqay natiijada codeyntii doorashada ayaa sheegay in Mahdi Guuleed uu helay codad gaaraya 97 cod, halka Mushtaaq Ibraahin ay heshay 3 cod, islamarkana hal cod uu halaabay. Waxaa sidoo kale daqiiqado kadib la doortay kursiga labaad ee tirsigiisu yahay HOP237, kaasoo ay ku wada tartameen Biixi Iimaan Cige oo ahaa Xildhibaankii kursiga ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay iyo Cabdiraxmaan Xasan Ismaciil, waxaana ku guuleystay kursiga oo markale Xildhibaanka afarta sano soo socota noqday Iimaan Biixi Cige oo helay 91 cod, halka Cabdiraxaan Xasan uu helay 9 cod. Gabagabadii Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa fariin hambalyo ah u diray labada Xildhibaan ee maanta doorashadioda ka qabsoontay xarunta Tababarada ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho. "Waxaan ku faraxsanahay in doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabku ay maanta si rasmi ah noogu bilaabatay. Waxaan dowlad-goboleedyada ka codsanayaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Golaha Shacabka, anigoo rajeynaya in howlaha doorashooyinku guul noogu soo dhammaadaan"ayuu yiri Raysal wasaare Rooble. Doorashada labada kursi ee maanta lagu doortay Muqdisho ayaa bilow u ah 46 kursi oo deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyi, islamarkaana lagu dooran doono gudaha magaalada Muqdisho.
  18. Fiqi and co. loo jawaabayaa: Qoorqoor oo weerar culus ku qaaday siyaasiyiinta taageeray AHLU SUNNA Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo haatan ku sugan Guriceel ayaa ka hadlay xaaladda magaaladaasi, wuxuuna sheegay in markale aysan aqbali doonin inay soo laabato dhibaatadii ka dhacday Guriceel. Qoorqoor ayaa sheegay in Ahlu Sunna ay taageerayeen ‘cadow’ uu tilmaamay inay kasoo horjeedaan horumarka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in siyaasiyiinta taageeray Ahlu Sunna la bartay, isla-markaana ay qaadeen waddo aan habooneyn, sida uu hadalka u dhigay. “Annaga na dhaliila oo xitaa been naga sheega siyaasadda ayaa iska ah waxyaabaha qaarkood laakiin nuuca aad tihiin hadda waa la idin bartay ee dadka ha isa sii barinina, Dowladnimada, Sharciyadda & Wadajirka Galmudug difaacda, qof qaldana xumaan aad wadato & xil aad raadineyso oo si xun u fakireyso haku saacidin” ayuu yiri Qoor Qoor. Madaxweynaha Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin u diray hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca wuxuuna ugu baaqay inay ka faa’iideystaan fursadda ay weli heestaan. “Dadka hubeysan ee duurka galay haka faaiideystaan fursadda aan siinay” ayuu markale yiri Axmed Cabdi Kaariye. Ugu dambeyn wuxuu ku goodiyey inay gacan bir ah ku qaban doonaan cid weliba oo isku deyda inay carqaladeyso Galmudug, isla-markaana ay ka qaadi doonaan tallaabo adag. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo uu soo gabagaboobay dagaalkii ka dhacay Guriceel, kadib markii ay magaaladaasi isaga baxeen xoogaga Ahlu Sunna ee ku sugnaa halkaasi.
  19. Gabar dhakhtar oo ajnabi ah oo iska soo tuurtay dabaq ku yaalla magaalada Garoowe Dr. Naadiya Cumar oo ah dhakhtar ku takhakhusay xanuunada Haweenka una dhalatay dalka Itoobiya ayaa xalay iska tuurtay qaybta ugu saraysa ee dhismaha CITY VIEW Hotel oo kamid ah dabaqyada dhaadheer ee Garoowe Dr. Naadiya ayaa lagu warramay inuu gaaray dhaawac culus, islamarkaana ay xaaladeeda halis tahay. Dhakhtaradan, oo ah gabar dhalinyar oo kasoo jeeda gobolka Amxaarada ee dalka Ethiopia, ayaa la sheegay inay Muslim tahay, ayna u dhaxdo dhakhtar asal ahaan kasoo jeeda dalka Suuriya balse haysta dhalashada Turkiga, kaasi oo lagu magacaabo Maxamed Cabdixamiid. Dr. Maxamed ayaa ku takhasusay xanuunada gaaska iyo uur ku-jirta. Dr. Naadiya ayaa bilowgii sanadkan ka tagtay shaqadii ay ka haysey Garoowe gaar ahaan Qaran Hospital oo ay ka ahayd dhakhtar xanuunada Haweenka ah. Intii ay ka hawlgelaysey Qaran Garoowe waxay fulisey hawlgalo caafimaad oo aad u culus oo ay ku jireen qaliimo adag, kuwaasi oo dhamaan ay ku guulaysatey. Illaa iyo hadda ma cadda sababta ay Dr. Naadiya dabaqa isaga soo tuurtay oo ay nafteeda halis u gelisay. Laamaha ammaanka Garoowe ayaa wada baaritaano ku aadan sababta keentay shilka. Xigasho