-
Content Count
17,649 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Karaash, the new leader in Garoowe
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
-
Karaash, the new leader in Garoowe
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
-
Karaash, the new leader in Garoowe
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
XEER KUSIME MADAXWEYNE Lr 98, May 5, 2022 Magacaabid Xubno Golaha Xukuumada Dowladda Puntland Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha Dawladda Puntland MARKUU ARKAY: - Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 81-aad. MARKUU ARKAY: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo. MARKUU TIXGLIYEEY: Shaqada Baaxada weyn leh ee Shacabka Puntland Ka sugayaan Xukuumada. WUXUU XEERIYEY: MAGACAABID 1. Waxaa Cabdiqani Xaashi Cali Ciise (Bumbo) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowladda Puntland 2. Waxaa Axmed Xaaji Ibraahim Cartan (Bakiin) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland 3. Waxaa C/risaaq Mire Xassan (Gaawiido) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu saxiixo kusimaha Madaxweynuhu wuuna saxiixay. Axmed Cilmi Cismaan (A. Karaash) K/S Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-Xigeenka Dawladda Puntland -
Karaash, the new leader in Garoowe
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Karaash oo xilalka ka qaaday wasiiradii ku dhowaa Deni xilli ay kasii dartay xiisadda Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa xiisaddii u dhaxeysay isaga iyo Saciid Deni ugu sii daray kadib markii caawa saqdii dhexe soo saaray wareegto uu ku magacaabay wasiir cusub. Axmed Karaash ayaa wasiirada uu magacaabay wuxuu ku beddelay kuwo aad ugu dhowaa Saciid Deni, isaga oo aan shaacin xil ka qaadistooda, waxaana ka mid ah wasiirada arrimaha gudaha, maaliyada iyo amniga. Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo Dimoqraadiyeynta Puntland ayaa wuxuu u magacaabay Cabdiqani Xaashi Cali Ciise (Bumbo) Wasiirka wasaaradda amniga iyo DDR-ta Puntland waxaa waxaa loo magacaabay Axmed Xaaji Ibraahim Cartan (Bakiin), halka C/risaaq Mire Xassan (Gaawiido) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Puntland. Magacaabistaan ayaa waxay dhaqan galeysaa isla caawa oo uu saxiixay ku-simaha madaxweynaha Puntland Axmed Karaash. Puntland ayaa waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed iyadoo khilaafka madaxweyne ku-xigeenka iyo Saciid Deni ay ka dhalatay go’aanka is sharaxaada xilka madaxweynaha Soomaaliya ee Deni isagoo aan xilka wareejin, waxayna taasi keentay khilaaf hay’addaha dowliga iyo maamulka ee Puntland dhexdooda. Saciid Deni ayaa magaalada Muqdisho usoo kaxeystay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, si aan kalsooni looga keenin iyo in xarigiisa laga fur furo, taasoo uu ku guuleystay. -
-
-
Literal igu sawir sessions.
-
Rooblaawe corruption continues
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
-
Adan Madobe elected Speaker of Somalia’s Lower House
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Aadan Madoobe oo amniga doorashada la wareegay, soona rogay amar culus Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si rasmi ah ula wareegay maamulka amniga doorashada dalka, kadib aan caadi aheyn oo uu maanta qaaday. Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta isugu yeeray dhammaan saraakiisha ugu sareysa ciidamada qalabka sida, kuwaas oo uu la yeeshay shir diiradda lagu saaray xaaladda amniga doorashada dalka. “Saraakiisha ciidanka ayaa looga digay in aysan ku milmin siyaasadda, amniga doorashadana ay kaga amar qaataan Gudoomiyaha Golaha Shacaka inta lagu jiro marxaladda kala guurka illaa uu dalka ka yeelanayo madaxweyne,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay golaha shacabka. Amarka kasoo baxay Aadan Madoobe ee uu kula wareegay amniga doorashada ayaa imanaya ayada oo la filayo inay bishan gudaheed ku dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya. Doorashadii guddoonka Golaha Shacabka ee uu kusoo baxay Aadan Madoobe ayaa waxaa hareeyey muran xooggan kadib markii taliyaha booliska Jeneraal Xijaar uu isku dayey inuu dib u dhigo, taasi oo ay diideen ra’iisul wasaare Rooble iyo mucaaradka. Ma cadda haddii saraakiisha ciidamada ay u hogaansami doonaan amarka Aadan Madoobe, ayada oo la ogyahay in intooda badan ay ku xiran yihiin madaxweyne Farmaajo. -
Spoilers-Garbahaarey (S)election
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Sheekh Aaden Madoobe seems like inuu dhex dhexaad wali: Sheekh Aadan Madoobe oo go’aan ka gaaray arrinta xildhibaannada Gedo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa goor dhaweyd furay kal-fadhiga kowaad, kulankiisa siddedaad ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana kasoo qeyb galay 157 xildhibaan, kuwaas oo ansixiyay ajandaha maanta oo ah xulista guddiga doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya. Waxa uu sheegay inay shaqada ugu weyn ee hortaalla Baarlamaanka inay tahay doorashada madaxweynaha, isla markaana uu doonayo inay si deg deg ah ay u qabsoonto. Sheekh Aadan Madoobe ayaa xildhibaannada ka codsaday inay 10 xubnood ay iska dhex doortaan 'si waafaqsan nidaam dheelli tiran.’ Wuxuu sidoo sheegay in lix xubnood oo ku saleysan metelaadda maamul goboleeyada ay sidoo kale uga imaan doonaan dhinaca Aqalka Sare oo isna goor dhaweyd uu u bilowday kulan ay ku dooranayaan guddiga doorashada madaxweynaha. Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa intaas ku daray in maadaama ay tirada guud ee guddigan ay noqon doonto 17 xubnood uu guddoonka Baarlamaanku magacaabi doono xubinta dheeriga ah. Dhinaca kale guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay inay golaha soo xaadireen xildhibanno uu ku sheegay in uu ka jiro isqab-qabsi, wuxuuna ku wargeliyay ‘inuu go’aan ka gaari doono’ wixii maanta ka dambeeya. Wuxuu Caddeeyay inay Golaha fariisan doonaan oo kaliya xildhibaannada aanu khilaafka ku jirin, kooramkana aan lagu dari doonin xildhibananada la isku khilaafsan yahay, inta go’aanka kaam dambeysta ah laga gaarayo arrintooda. Kulanka maanta ayuu Guddoomiye Aadan Madoobe shaaciyey inaan Golaha laga saareynin xildhibaannada wada fadhiya ee is khilaafsan, kana yimid Gobolka Gedo. Xubnaha golaha ayaa hadda ku maqan xulista xildhibaannada ka mid noqon doona guddiga doorashada Madaxweynaha. -
Maareeye uu xilka ka qaaday Rooble oo ku gacan sayray, shaaciyeyna sabab yaab leh oo ay isku hayaan Maareeyaha Hay’adda tayo-dhawarka Qaranka Aadan Xasan Bare ayaa sharci darro ku tilmaamay warqada kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, taasi oo Maareeye KMG ah loogu magacaabay hay’adda. Aadan Xasan Bare ayaa sheegay in warqada kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble aysan laheyn habraac, islamarkaana la isku biday awood dheeri ah. “Maareeye Guud haddii la magacaabayo waxay u baahan tahay in loo maro nidaam, Golaha Wasiirada waxay leeyihiin soo jeedin waxaana lagu magacaaba digreeto Madaxweyne. Sidoo kale midka xilka laga qaadayo wadadaas oo kale ayuu maraya oo Golaha Wasiirada waxay leeyihiin soo jeedinta kadibna waa in uu aqbalo Madaxweynaha,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in sababta loo soo magacaabay Maareeyaha KMG ah ay daba socotay qandaraas sharci darro ah oo ay diiday Hay’adda tayo-dhawrka Qaranka, shaqsi ahaana uu meel adag iska taagay. “Arrintaan waxay aheyd mid soo socotay muddo Afar bilood ah, sida ogtihiin waxaa jiray qandaraas si sharci darro ah ku bixisay Wasaarada Ganacsiga oo la siiyay Ganacsato, wuxuuna qandaraaskaas ahaa howl ay hay’adda u xil saaran tahay. Ganacsatadaas dhinaca kalena waxay xiriir la lahaayeen Ra’iisul Wasaaraha, taasi oo keentay in Ra’iisul Wasaaraha uu culeys nagu saaro in aan aqbalno.” Maareeyaha Hay’adda tayo-dhawarka Qaranka Aadan Xasan Bare ayaa xil ka qaadistiisa ku tilmaamay mid dan shaqsi ah, islamarkaana uu sii wadan doono shaqadiisa, maadama uu waxba kama jiraan tahay ku sheegay warqada kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. “Dadka dowladda xilalka ka haya waa inay dhowraan nidaamka dowliga oo aysan ku xad-gudbin hantida iyo mas’uuliyada loo dhiibay. Shacabka Soomaaliyeed waxaa la socon-siinaya in hay’adda culeyska saaran uu yahay mid dano shaqsi ah, kuwaasi oo ka xoog batay dantii guud, waana ka gudbeyna midaas oo u istaagi meyno.” Xigasho
-
Karaash, the new leader in Garoowe
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Axmed Karaash oo markale weerar ku qaaday Saciid Deni Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo boqolaal dadweyne ah Salaada Ciida kula tukaday magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Puntaland, gaar ahaan xiisadda u dhexeysa isaga iyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Karaash oo weerar toos ah ku qaaday Deni ayaa sheegay inay muhiim tahay in la ilaaliyo Dastuurka Puntland, sidoo kalena lagu dhaqmo. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay in sharciga uusan noqon mid ku jira jeeb, isla-markaana lala aado meeshii la doono, sida uu hadalka u dhigay. ”Puntland maahan boombale dhabarka lagu qaato oo haddii la doono Ukrain lala aado waxaa loo baahan yahay in sharciga la ixtiraamo kaas ayaan isku keen keenay, kaas ayaan ku heshiinay kaas ayaa loo baahan yahay inaan adeecno,” ayuu yiri Karaash. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay reer Puntland inay muujiyaan degenaan, isla-markaana ay ka shaqeeyaan horumarka deegaanka. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan madaxweynaha Puntland uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho oo uu ka bilaabay ololohiisa doorashada ee xilka madaxweynaha. Si kastaba, Deni ayaa dhowaan jawaab culus ka bixiyey tallaabooyin uu qaaday Karaash, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay magacaabis uu sameeyey, taas oo uga sii dartay khilaafka u dhexeeya labada nin. Xigasho -
Karaash, the new leader in Garoowe
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
At 'boombalo:' -
Safiirka Somalia ee Italy oo diiday inu xilka wareejiyo
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to baala xoofto's topic in Politics
Waxaan wax weyn ma'aha. This safaarad used to be a crumbling homeless shelter until a few years ago. Kan meesha joogo kalaguurkaan ayuu ka faa'ideyso isleeyahay, but will be gone in a few weeks. -
Adan Madobe elected Speaker of Somalia’s Lower House
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Kenya's energy and petrol minister's husband and an adviser to several presidential canadidates: -
President Sheikh Sharif runs for HOP141
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Maakhir, every candidate has several dilaals inside the big teendho lagu xusho madaxweynaha. I was in Islii markii Farmaajo la xulanaaye in 2017. After every round dilaalyada start moving back and forth for negotiations and vote buying. Dhagta ayaa maanta dhan wax la iskugu sheegaa. So a musharax doesn't have to be a xildhibaan to be inside. Shariifka, like C/raxmaan C/shakuur, iskuma kalsoono. This is his foreign-backed plan B to oppose Farmaajo or Kheyre agenda, should either of them la xusho. -
President Sheikh Sharif runs for HOP141
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Iskuma kalsoona miyaa? Inuu baarlamaanka mucaarad weyn ka noqdo muu rabaa. Xasan Sheekh was allowed to be a member of Aqalka Sare as a former president yet he never attended. -
Also add aniga ayaa ka sii xiga as well because "Carab" ayaa isirkeena isla sheeganaa. Ciid wanaagsan, ya secessionist.
-
Spoilers-Garbahaarey (S)election
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Xildhibaannada Garbahaareey ain't going no where: -
You are trying to reason wax qabyaalad qurunkeeda la degtay. There is no reason nor logic that can permeate their qabyaalad-ridden minds. They cannot imagine the possibility of ardentlly supporting someone or a party that is not led by their fellow clan members.
-
Adan Madobe elected Speaker of Somalia’s Lower House
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Ninkee keensadeen u boggaadinaayaan: -
More importantly, it should not be allowed any candidate that lost in the last round to declare openly his/her supporters who to directly support. Meeshaba suuq xoolo dilaal ka dhigeen.
-
Indhacadde is not a xildhibaan. He is there as a tolkiisa supporter.
-
This gorgorton seen on this clip is for Khadiijo Diiriye's 21 seats in la gato la rabo for guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka votes. Yaab, how open it is. Caananuug candidacy group bought it, yet still lost. And what is Indhacadde doing in election venue? Another yaab.