Xudeedi

Nomads
  • Content Count

    1,691
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Xudeedi

  1. bravo Captain Puntlander, you keep prooving to us that your desperate clown from the Garowe clan enclave. Somalialand and Makhiri's share history, culture and territories. I won't insult Somaliland, as their accomplishments deserve to be recognized. Your provocative immature narative is from no other than the desperate Garowe enclave. There exists no hostility between Somaliland and Makhiri's. The two communities co-exist peacefully in one of the largest cities inhabitted by Somali's (Ceerigaabo). Somaliland has never launched any offensives in Makhiri territories. As a matter of fact, if it was not for slight political differences, Makhiri's would have been 100% Somalilanders.
  2. Originally posted by A_Khadar: WFC... Dumarkana ma ku jiraan. Are these all enlisted or it's just photo/video opp? Xudeedi xageed ka soo gurtay tana.. I am with them but I am disappointed the organization of this enlistment... Khadar, i found the link on Jidbaale.com. Keep in mind that this is only the beginning. The troops will be trainned and organized with time. The fact that Boohoodle is confidently developing institutions itself is the greatest development in Northern Somalia. Libaan, your w/c, i agree this is an amazing video.
  3. ^Captain Puntlander, your cover was long blown so go entertain yourself. SSC will co-exist with Somaliland and develop to be a among the powers of Somalia.
  4. Askar ka tirsan ciidammada Puntland oo ku geeriyooday qaraxa maanta ka dhacay Boosaaso Arbaco, September 22, 2010 (HOL) - Labo askari ayaa ku geeriyootay tiro kale oo dad ahna waa ay ku dhaawacmeen qarax saaka aroortii hore ka dhacay agagaarka masjidka Rashiid ee magaalada Bosaaso. Qaraxan ayaa la sheegay in uu ahaa mid lagu aasay hareeraha wado ay si joogto ah u isticmaali jireen ciidamada amniga ee degmada,waxaana uu ku qarxay askarta,xilli ay wadada marayeen. "Waxaan maqalnay hal mar dhawaqa qarax aad u xoog badan oo saameeyay xaafada,mana garanayno waxa laga damacsanaa" ayey tiri Safiyo Maxamuud oo ka mid ah dadka degan xaafada uu qaraxu ka dhacay. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa markii danbe gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay,waxaana halkaa ay ka samayeen baaritaano kala duwan oo la sheegay in dhowr qof lagu qab qabtay. Taliyaha saldhiga Bosaso oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo qaraxan sababta uu ku dhacay,waxaana dadkii ku dhaawacmay la soo gaarsiiyay cisbitalka Bosaso si loo daweeyo. "Ciidamadu waxey nagu amreen in aan guryaha laga soo bixin inta howshan ay ka dhamaanayso " ayey hadalkeeda sii raacisay Safiyo oo si gaar ah ula hadashay HOL. Qaraxan ayaa qayb ka noqonaya falal amni daro ah oo ku soo badanayay degmada baryihii la soo dhaafay,inkastoo ay jiraan howlgalo laamaha amniga ay ka wadaan gudaha degmada. Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online Boston@hiiraan.com Boosaaso,Soomaaliya
  5. http://www.youtube.com/watch?v=7kC_Rm9PS48 Click on the above link to view the video I applaud the courage of the men behind the revolution. SSC in indeed a reality.
  6. Maamulka degmada Bosaaso ayaa ka hadlay warar soo baxaayey maalmihii u danbeysey oo sheegaaya in odeyaal dhaqameed lagu xiray magaalada Bosaso kuwaas oo ka tirsan labo Beelood oo hadda kahor ku dagaalamay deegaanka Igdheys ee gobolka Bari . Tirada odoyaasha la xiray ayaa garaysa 20 oday, waxaana xabsiga loo taxaabey maalintii shalay (Talaado). Duqa degmada Bosaaso Maxamuud Faarax Beeldaaje oo wareysi siinayay warbaahinta Horseed Media ayaa sheegay in odeyaashaas ay ka qayb qaadan waayeen dedaalo nabadeed oo lagu doonayay in lagu qaboojiyo xiisad ka dhex aloosnayd labada beelood, taas oo dib u soo cusboonaatey. Wuxuu intaas ku daray in maamulka xaq u leeyahay in talaabo ka qaado cidii ay u aragto in ay caqabad ku tahay amaanka. Duqa degmada ayaa sheegay in Dawladda ay ka quusatay dedaalo nabadeed ay doonaysay in ay dhex dhigto labada beelood. Maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Bosaaso ayaa sheegay in ay isku dayayaan si kasta oo ay ku qaboojin karaan xiisadda labada beelood dhextaaladan. Horseed Media
  7. Qarax ka dhacay magaalada boosaaso ayaa waxaa ku dhintay labo ka mida ah booliiska puntland waxaana ku dhaawacmay 4 qof oo mid ka mid ah uu rayid yahay,qaraxan ayaa waxa uu ka dhashay miino dhulka lagu aasay. Miinadan dhalisay qaraxan ayaa lagu aasay meel u dhow masjidka al Rashid ee magaalada Boosaaso Guddoomiyaha gobolka Bari Sh Cabdixaafid Cali Yuusuf ayaa sheegay in qaraxan uu ka dhashay miino ay isku dayeen ciidamadu in ay saaraan ka dib markii ay ka war heleen. Guddoomiyaha ayaa ka gaabsaday in uu cid ku eedeeyo mas’uuliyadda miinadaasi la aasay, sidoo kale ma sheegin cid loo qabtay qaraxan. Xingaloolnews
  8. Qarax Qasaare dhaliyey oo Saaka ka dhacay Magaalada Bosaso. Qarax miino ayaa saaka waxaa lugu khaarijiyey 2 Ka mida ciidanka Booliska Bosaso ,Waxaana qaraxani saaka hiirtii Waaberi abaara 6:30kii Subaxnimo xili him himow ah oo dadka soo taseen uu ka dhacay Agagarka Shirkada Xalwo kismaayo ee Magaalada Bosaso,iyadoo meshaasi ay ahayd goob ku taala laamiga dhiniciisa. Qaraxan ayaa 2ciidamada ka tirsani ku nafbexeen halka 3kalena ay ku dhaawacantay,waxaana goobtaasi ay rasaas aan la meeldayn ka bilabeen ciidamada Amaanka ee Puntland oo agagarkaasi ku sugnaa xiliga qaraxan oo dhulka lugu aasay uu la kacay ciidanka qaar ka mida. Wadda laamiga ee Bosaso ayaa saaka waxaa dhooban ciidanka Maamulka Puntland oo rasaas aan kala joojinayn xabaduna dhuunta ka saarantahay qoriga oo cidii soo fiirisa ay hore ka hawinayaan sababo la xiriira cabsi ay ka qabaan shacabka iyo cid kasta oo aan wadan dereyska ciidanka Puntland xafiiska bosaaso buraannews.com
  9. Infighting Between Puntland Troops in Galgala Maalintii shalay waxa ku dagaalamay Magaalada Galgala Ciidanka Puntland oo halkaa isga dhaawacay Sideed Askari. Ciidamadii dagaalamay ayaa waxay ka soo wada jeedeen labada Beelood oo walaalaha ah oo kal dega Garoowe iyo Qardho. Dagaalaka ayaa waxa ka bilowday Qori laysku qabsaday oo qolo walba sheegaynaysay in ay iyagu xaq u leeyihiin in ay gacanta ku hayaan si ay ugu dagaalamaan dagaalka cabsida leh oo ka socda Buuraha Cal Madow. Qorigan looyaqaan PM ayaa ka mid ahaa hubkii dhowaan Itoobiya ugu deeqday maamulka Puuntland si ay uga guulaystaan Ciidanka Maxamed Atom Dagaalkan labada Beelood ku dagaalameen Qoriga PM waxa ka horeeyey dagaal khasaare dhaliyey oo ku dhex maray buurta Cal madow Ciidanka Atom iyo kuwa Puntland halkaas oo ay ku dhinteen Afar ka mid ah Askarta Puntland. Dgaalkan Buurta oo Madaxweynaha Puntland ka iclaamiyey Masaajid ku yaala Garoowe oo ah meesha uu ka soo jeedo ayuu ahaa mid baal maray waxna ka dhegaysan waayey odayaashii dhaqanka oo u fadhiya nabadayn, iyo in arinta Galgala lagu dhameeyo si nabad ah hase ahaatee Madaxweyne Faroole wuxuu ka doortay dagaal nabadii Odayaashu wadeen ,dagaalkaas s oo noqday mid soo if bixiyey tamar yaridiisa isagiina ka dhigay door joog ka dhaxaysa Jabuuti iyo Itoobiya isaga oo radinaya kaalmo ciidan Allsanaag.com
  10. Qaraxan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 4 qof oo mid ka mid ah uu rayid yahay.Miinadan dhalisay qaraxan ayaa lagu aasay meel u dhow masjidka al Rashid ee magaalada Boosaaso Guddoomiyaha gobolka Bari Sh Cabdixaafid Cali Yuusuf ayaa VOAda u sheegay in qaraxan uu ka dhashay miino ay isku dayeen ciidamadu in ay saaraan ka dib markii ay ka war heleen.Guddoomiyaha ayaa ka gaabsaday in uu cid ku eedeeyo mas'uuliyadda miinadaasi la aasay, sidoo kale ma sheegin cid loo qabtay qaraxan. allsanaag
  11. Maxamuud Faarax Beeldaaje Duqa Bosaso oo ka hadlay degaal beleedyo Gudaha Bosaso soo galay iyo Odayaal Maamulku xirxiray oo si kulul u canbareyey Xad gudubtaka Duqayda dhaqanka ee jeelka lugu taqan taqiyey. Bosaso:-Gudoomiyaha Magaalada Bosaso Maxamuud Faarax Beeldajiye oo isagu ka soo jeeda mid ka mida beelaha coladoodu ka soo idlaatay Magaalada Bosaso horena ugu dagaalamay degaanka Ufayn iyo meel dhul daaqsimeed ah oo wax sidaas u wayn aan ka fogayn Magaalada Ufayn oo la yiraahdo igdhays. Duqa ayaa isagoo Warbaahinta ugu Waramaya Magaalada Bosaso waxaa uu sheegay inay Dowladu markan u guntanayso sidii nabad iyo xal loo heli lahaa isagoo intaasi raaciyey inay talaabo ciqaab mudan ka qaadayaan cidii ka amar diida go,aanka nabadeed ee dowlada. mar la waydiiyey Gudoomiyaha Degmada Bosaso Maxamuud Faarax Beeldaje inay tahay mid waajib ah ama ay Dowladu masuuliyadeeda leedahay xariga Dhowr odayaal dhaqmeed oo wayeel ah oo xabsiga la dhigay ayuu cadeeyey inay taasi tahay mid ay xukuumadu si cad ugu talaabsatay oo xarigaasi ka dameysey ka dib tuhun ay Odayashaasi ka qabaan iyo ollole nabdeed oo dowladu uga rajo gabtay. Dhinaca kale Nabdoon ka mida kuwa ugu Caansan golaha dhaqanka Magaalada Bosaso oo siwayn indhaha ugu hayey xaaladaha PL isala markaasina codsaday magiciisa inaan la shaacin ayaa sheegay inaysan Waajib ahayn in wiil yar ama nin Dowlada u shaqaya uu si sharaf dhac ah Oday wayn ugu xadgudbo ,isagoo sheegay inaysan ahayn wax dhicikarta in Odayaal dhaqameedku marnaba raali ka noqon karaan Amaanka Guud ee dalka in Wax loo dhimo. Maamulka Gobolka Bari ayaa ku guuldaraystay inuu xal nabadeed oo buuxa ka gaadho Dagaaladan oo hore u uga bilaabmay dhul daaqsimeed iyo Baraago ay dad reer guraa ah iskaga horyimadeen ,iyadoo iminkana Magaalada Bosaso ay labadan belood oo aan sidaasi u sii kala fogayn ay iskaga layeen in kabadan ilaa 7Ruux oo si hoose ay Habeenidii aan soo dhaafnay isaga layeen. Dhahar Online/Bosaso
  12. Bosaaso:- Dawlada oo xidhay Odayaal dhaqameed September 21, 2010 By Juuj Dawlada Puntland ayaa xidhay Odayaal dhaqameed ka soo Jeeda Laba Beelood oo Walaalo ah kuwaasi oo dhawaan Xurugfi ku dhexmartay Deegaank ku Yaala Bariga Fog ee Gobolka Bari, Wasiir Xigeenka Amniga Abdi Jamaal Cismaan Maxamed iyo Duqa Bosaaso Maxamuud Farax Beeldaaje ayaa kulan si wada Jir ah Ugu qabtay Aqalka Madaxtooyada Bosaaso waxana ay sheegeen inay Ragan Yihiin kuwa ay ka Xasili Wayday Deegaanada Bari waa sida ay Warbaahinta ka sheegeeni. Qof Bosaaso nagala hadlay ayaa sheegaya in Odayaasha ay Waceen Wasiirka Maaliyada oo ka soo Jeeda Beel ka mid ah kuwa dagaalamay iyo Gen C/Samad Cali Shire oo 2-Sano la Haysto Gurigiisii Laas-caanood, kuwaasi oo ka dalbaday inay Yimadaan Madaxtooyada dabadeena Gaadhi Shabaq leh lagu qaaday oo la Geeyay Xabsiga Wayn ee Bosaaso. Mudaharaadyo Arinkaasi Looga soo Hor Jeedo ayaa ka dhacay Degmada Carmo ee Gobolka Bari kuwaasi oo ka dalbaday Maamulka inay si Nabad ah Odayaasha Beelaha ku soo daayaan. Puntland waxay ku Andacoonaysaa inay Odayaal dhaqameedku xal waara ka keeni waayeen Dagaalka Igdhays oo ah Meel Miyi kuwaasi oo ay Beelaha Cali Saleebaan iyo Cali Jibraahiil isku Maan dhaafeen Baraagaha Biyaha oo deegaankaasi laga qoday. Dadka waxa Indha Indheeya ayaa leh Talaabada ay qaaday Dawladu waa mid ay ku deg degtay waxana ay sii Fogaynaysaa Ragaadka Dagaalka Beelaha ku Salaysan ee Gobolka ka Aloosan. Liiska Odayaal dhaqameedka la xidhay Odayaashe beesha Cali Saleebaan 1- Libaan Yusuf Maxamad 2-Muse Farax Yusuf 3-Maxamad Xasan maxamad 4-Cumar Muse Maxamad 5-Salaad Siciid Maxamad 6-Axmad Siciid Badow 7-Gaacshe Jamac Cali 8-Cismaan Farax Yusuf 9-Abshir Yaasiin Dalmar 10-Xasan Jamac Maxamad 11-Maxamad Jamac Maxamad Odayaasha Beesha Cali Jibraahiil 1-Shire Siciid Maxamad 2-Muse Farax Maxamad 3-Cali Cumar Guure 4-Farax Siciid Cuud 5-Siciid Shire Faahiye 6-Maxamad Farax Maxamad 7-Abdulahi Aadan Yusuf 8-Maxamad Yusuf Maxamad Maxamed Bosaaso Isha Warka:-GalGalanews
  13. INKA BADAN 50-RUUX OO ISUGU JIRA ODAYAAL DHAQAMEED IYO GANACSATO GALABTA LAGU XIRAY MAGAALADA BOSSASO. -------------------------------------------------------------------------------- Magaalada Bossaso ee xarunta Gobolka Bari waxaa galabta lagu xiray in ka badan 50-ruux oo isugu jira Odayaal dhaqameed iyo ganacsato kuwaasi oo ka kala tirsan beello ay maal mahii ugu dambeeyey dilal ku dhexmareen Magaalada Bossaso iyo Deegaanno hoosyimaada Degmada Ufayn ee Gobolka Bari. Xariga Odayaal dhaqameedka ayaa yimi kadib markii galabta loogu yeeray Odayaasha iyo Ganacsatada beelaha dagaalamay in ay isugu yimaadaan gogol nabadeed isla markaana xilligii ay halkaasi tageen lagu xaraasay Gawaarida Shabaqlayaasha ee ay isticmaalaan Ciidamada Booliska Puntland iyadoo aan la garanayn meesha la geeyey ilaa iyo xilligan, waxaana jira warar kala duwan oo kasoo baxaaya goobta dadkaasi isugu jira Odayaal dhaqameedka iyo ganacsatada lageeyey. Dawladda ayaa u sababaysay xariga Odayaal dhaqameedka kadib markii ay ku guuldaraysteen daminta dilal iyo dagaallo beelaha ay kasoo kala jeedaan ku dhexmaray qaybo kamid ah Gobolka iyo Magaalada Bossaso iyadoo maanta oo ugu dambaysay uu Magaalada ka dhacay dil loo gaystay ganacsade katirsan mid kamid ah labada beelood halka dilkiisa ay ka dambaysay beesha kale ee ay dirirtu u dhexayso. Sidoo kale saraakiisha Booliska ayaa waxa ay ku eedeeyeen odayaal dhaqameedka hurinta colaadda dhextaala labada beelood, iyadoo horay labada beelood loo dhex dhigay heshiisyo nabadeed kuwaasi oo xilligan noqday hal bacaad lagu lisay, kadib markii ay u hooggaansami waayeen qaar kamid ah waxgaradka beelahaasi wixii lagu heshiiyey taasina waxay sababtay in ay dib usoo cusboonaato colaaddii labada beelood dhex oolayd. Saraakiisha Dawladda u qaabilsan dhinaca ammaanka Magaalada Bossaso ayaa waxa ay sheegeen in Odayaal dhaqameedka iyo ganacsatada la xir xiray ay kusugan yihiin gacanta Dawladda waxayna intaasi ku dareen in Odayaal dhaqameedka lagu xiray go'aan kasoo baxay madaxda sare ee Dawladda Puntland. Dawladda Puntland ayaa waxa ay siweyn uga xumaatay in dagaalka iyo colaadda u dhexaysa beelahaasi dagaalamay ay soo gasho gudaha Magaalada Bossaso ee xarunta dhaqaalaha Puntland iyadoo horay ay dagaaladu beelahu ka dhici jireen meelo banaanka ah Magaalada Bossaso una badan dhul miyi ah. Sikastaba xariga Odayaal dhaqameedka iyo ganacsatada ayaa waxa uu ka dambeeyey dilal labada beelood ee dagaalsan ku dhexmaray Magaalada Bossaso waxaana sidoo kale xarigu kusoo aaday xilli ay Magaalada si goonni goonni ah uga socdaan dadaallo la doonaayo in lagu qaboojiyo colaadda labada beelood. Jaamac Joofane Joofane11@hotmail.com Xafiiska Warbaahinta Laasqoray ee Bossaso Daabaco U *** saaxiibkaa
  14. Magaalada Bossaso ayaa saaka hiirtii waaberi waxaa lagu dilay 2-askari tiro kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib markii weerar loo adeegsaday miindada meesha fog laga hago lagu qarxiyey Ciidamada ammaanka taasi oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidamada Booliska ee Magaalada Bossaso. Saaka ayaa qaar kamid ah dadweynaha ku nool aga gaarka Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis Telecom waxay Ciidamada Booliska kusoo wargeliyeen in waddada dhinaceeda la dhigay walxaha qarxa iyadoo isla wakhtigii ay Ciidamada ammaanku soo gaareen goobta qaraxu oolaa, Ciidamada ayaa isweer ka qabtay aaga goobta qaraxu oolaa intaasi kadib Ciidamada ammaanku waxay isku dayeen in ay qaraxaasi meesha kasoo saaraan hase yeeshee meel aan sidaasi uga fogayn goobta ay Ciidamada joogeen ayaa weerarkaasi laga hagaayey waxaana lagu qarxiyey miinadii kadib markii loo adeegsaday waxa loo yaqaan Remote Cantrolk-ka. Inta la ogyahay labo kamid ah Ciidamada ayaa ku geeriyooday weerarkaasi sidoo kale dhaawacyo kala duwan ayaa waxa ay weerarkaasi kasoo gaareen qaar kamid ah Ciidamada ammaanka, Ciidamada ammaanka ayaa goobta iyo xaafadaha ka agdhow ka sameeyey hawlgallo balaaran oo baaritaan ah hase yeeshee ilaa iyo iminka lama soo sheegin cid ay weerarkaasi usoo qabteen. Qaar kamid ah saraakiisha laamaha ammaanka ee Magaalada Bossaso oo aan xiriir kala samaynay imaanshaha weerarkan khasaaraha gaystay iyo waxa ay kusoo qabteen hawlgalada ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin naga siiyaan iyaga oo ku gaabsaday in ay ka warbixin doonaan xilliga ay soo idlaadaan hawlgaladan ay xilligan wadaan Ciidamada ammaanka ee Magaalada Bossaso, Ciidamada ayaa xilligan baadi goob ugu jira sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen ciddii ka dambaysay weerarkaasi maanta lala eegtay Ciidamada ammaanka ee Magaalada Bossaso. Maydadka iyo dhaawaca soo gaaray Ciidamada ammaanka ayaa waxaa loo daad gureeyey Cusbataalka guud ee Magaalada Bossaso ee Bendar-Qaasim Hospital waxaana dadka loo diiday in ay booqdaan Isbitaalka iyada oo lagu gedaamay Ciidamo farabadan kuwaasi oo ciddii ay ka shakiyaan rasaas ku furaayey, Sidoo kale Ciidamada amaanka ayaa waxa ay gebi ahaanba xireen aga gaarka goobta uu qaraxu ka dhacay waxaana halkaasi xilligan ka socda hawlgallo baaritaan. Weerarkan ayaa waxa uu yahay kii ugu horeeyey ee Ciidamada ammaanka lala eegto xilli ay ku guda jira soo bixinta qarax lagu aasay mee kamid ah Magaalada Bossaso, Ciidamada ammaanka ee Magaalada Bossaso ayaa ku guulaystay hadda ka hor sabata bixinta in ka badan 20 qarax oo lagu aasay meelo kala duwan oo kamid ah Magaalada Bossaso inkastoo kii ugu dambaayey ee maanta ahaa lagu qarxiyey uuna sababay khasaare soo gaaray Ciidamada ammaanka. Jaamac Joofane Joofane11@hotmail.com Xafiiska Warbaahinta Laasqoray ee Magaalada Bossaso Daabaco U *** saaxiibkaa
  15. Great interview, the minister called for the formation of an independent administration in Sanaag, Haylaan and Western Bari. Surprissing, how the political tone of even die-hard Makhiri Puntlanders is evolving slowly but surelly. Abdirahman Jama Cabdalla has held 6 ministrial portfolios in Mogadishu.
  16. "Deeqi waa tan ilaah, Duca waa nabigii, doodi waa nin yaqaan, Diin’a waa tan Islaamka, Dalna waa iska nugaal, Dowaldina waa SSC" Memorable words of Xina Xiiray. Liibaan keep updating us.
  17. Great news, this further compliments my predictions of a new northern Somalia. Great Job reer Buuhoodle
  18. This makes him a man less interested in the future of Somalia and more about “money”. I'm sure he acquired enough experience pocketing $, working for the most innovative thiefs (NGO's). Omar Abdirashid known to many on SOL as the Pillsbury Dough-boy of the TFG, has failled worse than even shariif Hotel. Alla Yarxamhu
  19. Originally posted by Maaddeey: Dagaalkii waxaa ku guuleystay Odaygii Beelaha Muqdisho u hadlay!, Hebelkaa Dalabeey maas ahaay us?!, aaway Duke? quote: Ra’iisul Wasaare Sharma’arke oo istiqaaladiisa u gudbiyay Madaxweyne Shariif. Muqdisho: (Sh. M. Network) Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaa’arke ayaa goordhow istaqaaladiisii u gudbiyay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed Isagoo ku dhawaaqay in uu is casilay. Wararka laga helayo Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya oo kulan uu uga socday sedaxda Masuul ee ugu sareysa dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in Ra’iisul wasaare Sharma’arke uu iska Casilay xilkii uu u hayay dowladda KMG Soomaaliya. Ra’iisul wasaare Sharma’arke waxaa uu sheegay ion sababta uu isku casilay ay tahay kadib markii uu arkay khilaafka sii xogeysanaya ee u dhaxeeya isaga iyo madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Marxad uu uu sheegay in haatan dalka uu marayo. Wixii faah faahin intaasi dheer kala soco Shabelle.net hadii uu Illaah inoo saamaxo. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. Omar Abdirashid was an incompetent U.N agent, his resignation was only another order from the petty NGO's that have monopolized Somalia's political destiny. Odayga beelaha Mogadisho u hadlay, runtii waa guulaystay, waxaana rajaynaynaa ra'iisul wasaara cusub ee reer Muqdisho ah, malaha Maaday miyeynu sharaxnaa
  20. Shirwac an American born Somali, has served 4 years in U.S army and is now a student at the University of MN. I've seen him perform at many Somali and American conventions along with a group of poets by the name of Ka-joog. Great interview, the kid has true passion for the arts and conveys emotional poems. I advise the young man to continue his work, he may one day bear the fruits of his passion.
  21. Haween isu Diyaarinaya in ay Noqdaan Burcad Baddeed ka dib markii ay ku qanci waayeen Maxaa ka Taqaan Magaalo Xeebeedka Hobyo…. Waxaa Dhawaan Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug Booqasho ku tagey Wariye Maxamed Ciise Maxamuud oo ah wakiilka koonfurta Somali ee idaacada Somali public radio wuxuuna soo direy Warbixintaan oo si aad ah uga hadleysa Xaaladda Magaalada Hobyo oo ah Magaalo Qadiimi ah: Magaalada Hobyo waa Magaalo Xeebeed ka tirsan Gobalka Mudug waxayna qiyaas ahaan dhanka koofureed 260 KM kaga began tahay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta u ah Gobalka Mudug Hobyo waa magaalo dadka ku nool badankood ay yihiin Kaluumeeysato u Jalaab tagta xeebta Hobyo Magaalada ayaana laheyn Ganacsi aad u buuran waxaana Ganacsigeeda ku xiran yahay ugana yimaadaa Magaalada Gaalkacyo oo Masaafo badan u jirta . Sidoo kale malahan Hobyo Ceelal Matoor ah oo dadka Biyo Macaan ka cabaan maka layaga yimaado Ceelal Gacmeed oo Cid walba ugu dhex qodan Gurigeeda Biyahaasna waxay yihiin kuwa aan la cabikain oo dhanaan ah balse waxaa jira Cealal Biyo macaan waxaana Fuustadii biyahaas Hobyo la kala siistaa Kontan Kun oo Shalin Soomali ah Dadka ku dhaqan Hobyo ayaa Biyahaas u isticmaala Cabid iyo Cuna karin howlaha kale waxay u isticmaalaan Biyah kale Magaalad waxaa Ceel Matoor ah ugu dhaw Ceel u dhaxeeya Hobyo iyo Gaawaan oo wax badan ka fog Nasiib daro mala soo gaarsiin wali Biyaha Ceelkaas Magaalada. Xaga Caafimaadka Hobyo malahan wax Hosbitaal ah xataa lagama helo Goob Fayo dhowr Caafimaad ama Meel Kaniin laga helo Qofkii ku xaunuusada waxa dabiib loogu soo qaada Magaalada Gaalkacyo Taasana waxay ku tusineysaa baahida Caafimaad ee ka jirta Hobyo. Dhinaca Waxbarashada Hobyo malahan xiligaan Goobo wax lagu barto balse waxa jiray School weyn oo ku yaalay Magaalda inkastoo hada uusan shaqeyn oo albaabada loo laabay sababa la xiira isqabqabsi soo dhex galay dadka Deegaanka mana ahan Dadka ku nool Hobyo Badankood Dad ku Haminaayo in ay Wax Bartaan. Xaga Koronatda Hobyo ma ahan Korantadeeda mid joogta ah oo ****oli karta baahida Koronto waxayna leedahay hal Mishiin oo Koronta Siiya Hobyo balse Inta badan Dadka ma wada isticmaalaan marka laga reeboMeherada Qaar o ou isticmaalo adeegyo ay ka mid yahay Buuxinta dabka Mobeladda. Dhanka Isgaarsiinta Magaaladda aad ayay ugu liidataa waxaana ku taalo hal Shirkad oo Isgaarsiin Waxan aad ciriiri u ah xaga ku hadlaka Telefoonada. Adigoo Dhibaado Fara badan Ka marayo Xiliga aad Dooneysid In aad Qof Wacdo Hobya ayaa ah meel ay ku yar yihiin goobah Maqaayadaha ah ee wax laga cuno waxaan ku yaal labo iyo Sadex kuwaasna mahan kuwa kaafin kara dadka Magaalada iyo kuwa Soo booqda Saasoo ay Tahayna xili walba mashaqeyaan sidoo kale Xaga Hotelada Hobyo malahan Hotelo Far badan waxayna xiligaan leedahay Leedahay halo Hotel oo aan sidaas u weyneyn asagana ma****olo baahida Dadka Hobyo Booqashada ku taga. Dadka ku dhaqan Magaaldda Hobyo oo badan kooda ah Kalumeysato ayaa Subax walba Aroortii waxay ku kalahaan Xeebta si ay ugu soo Jalaabtaan iyagoo Badda ka soo hela Kheyraad kala duwan Xeebta Hobya ayaa Dadka ka Kalumeysta ayaa aad u Fara badnaa inta aysan Dilaacin Burcad Baddeeda Soomalida waxaana haatan Hoos U dhacay kalumeysatada ka Jalaaban jirtay Xeebta Hobyo Taas ayay waxaay ku macneeyeen Kalumeysatada Dhibaatooyin kaga imaada dhanka ciidamada Nato ee Xeebaha Somaaliya U jooga Magaca La dagaalanka Burcadbadeeda Waxayna sheegeen in ay ka burburiyaa doonyo fara badan ayna ka jaraan Shabaakadaha u yaala Bada waxayna sidoo kale sheegeen kaluumeysatada in howlahoodi ay saameeyn ku yeesheen Dabeeylihi Xooga badanaa ee ku Dhuftay Xeebaha Soomaliya oo doonyo fara badan ka burburisay kalumeysatada Marka aad Tagtid xeebta Hobyo ayaa waxay idhahaagu qabanayaan doonyo aan sidaas u badneyn oo ka Kalumeysanaayo Xeebta gudaheeda iyo kuwa kale oo banaanka yaal doonyaha ay haatan ku shaqeystaan Kaluumeeysatada Hobyo ayaa waxaa Sadax jibaar ka badan kuwa Ka burburay oo daadsan banaanka xeeba Hobyo. Dhismayaasha ku yaala Magaalada Hobya waxay u badan yihiin kuwa Qadiimi ah waxaaa jira dhismayaal ay carra Qarisay Adigoo shaki kaa galay in meesha ay ahaan jiray guryo iyo in kale Ayadoona guryahaas ay Gabi ahaan dadka isaga guureyn waxaana inta badan dhismayaasha asaamey ay u dhaw yihiin xeebtaa Hobyo guraayaas ayaa ah kuwa qadiima ah waana guryihii ugu horeeyay ee laga dhidbo Hobyo Taalada uu Sawirkeeda kuu muuqdo waa mid ka mid ah meelaha ugu caansan Hobyo waxayna astaan u aheyd maraakiibta ku soo xiran jirtay Dekada Hobyo xiligii dowladii dhex ay ka jirtay Dalka Soomaliya waxaana haatan ka muuqda bubur xoogan oo soo gaaray man jirto Cida isku howshay in ay dayactirto waxaana ka dheehan kartaa sida ay gudaheeda uu burburkaXoogan u soo gaaray. Sidoo kale Taaladan waxay ka mid tahay Taalooyinka caanka ah astaana u ah Hobyo waxayna ku taalaa Ilinka horre ee laga soo galo Magaalada Hobyo Waxayna dhinaca ku haysaa Airportkii hore ee Hobyo waloow xiligaan uuyahay mid burbursan Magaalad Hobyo ayaa waxay ka mid tahy goobaha ay Burcadbadeed ku soo xirtaan Maraakiibta ay soo qafaashaan waxaa xiligaan Hobyo kuxiran Markab laga leeyahy kuuriyada Koonfureed oo Shidaal ka soo qaaday Ciraaq una socday Mareykanka waxayna Burcad Badeeda Markabkaasi kaasoo Afduubteen meel Kun iyo laba Boqol oo Meyl u jirta xeebaha Soomaliya sidoo kale waxa xeebta ay burcad badeeda ku haystaan dooni yar oo Ganncsi Haddii aan u soo labaano kalumeysata Hobyo ayaa badankooda wxay ka cabanayaan dhibaatooyin ay kala kulmaan cidamada shisheeye Ee Ku sugan Xeebaha Somaliya Cali Warsame Cali waxaa uu kamid yahay kalumeysatada Hobyo waxuuna mudda 50 Sano ah ka kalumesanaayay Xeebata Hobyo waxa uu leeyahay dooni yar oo ah kuwa ay Soomalida u yaqaanaan Huuriga waxuuna Subax walb galaa Badd halkaas oo Shabaag ay u taalo Cali Warsamae ayaa waxaan kula kulmay Xeebta Hobyo xili uu Badda ka soo jalaabtay Uuna watay Libaax Badeed Yar Waxaana weydiyay Dhibaatoyinka U la kulmo Xiliga uu Ku guda jiro Howlahiisa Kalumeysi Waxuuna ii sheegay Cali in Dhibaatooyinka ugu Badan uu kala kulmo Markiibta Shisheeya ee ku Sagun Biyaha Somaliya Kuwaasi oo u sheegay in ay xiliyada Qaar ay u qabtaan Burcad badeednimo iyo in ay Shabaagadaha Ka jaraan Kalumeysatada ku nool Magaalda Hobyo ayaa aminsan in hadda xeebaha Soomaliya ay xaalufiyeen Markiib shisheeyo oo si sharcidaro ah ugu kalumeysta Xeebaha ayagoona sheegay in ay xeeba marka ay ku kalahaan xiligii hore ay heli jireen Khayraad Fara badan ayagoona sheegay In ay ka heli jireen meel aan sidaa ugu fogeyn xeeba Hobyo Kalumeysatada Hobyo ayaa ka wada siman eedeyn ay u jeedinayaan Maraakibta Shisheeye C/Khaliif Xassan Waxuu kamid yahay Gudiga Kalmuesatada Hobyo Waxuuna ku eedeyay Maraakiibtaas in aysan Xeebaha Soomaliya U joogin La dagaalanka Burcad badeeda Balse uu ku Sheegay in ay U joogaan Ilaalinta Maraakiibta Sida Sharcidarada Ugu Kalumeysta Badaha Somaliya. Sidoo kale kalumeysada Hobya ayaa qaba in burcad badeeda qudhooda ay ku kaliftay dhibaatoyin kaga yimaada dhan ka Markiibta Shisheeye oo ay sheegeen in ay ka burbiriyeen doonyihii ay ku kalumeysanayeen Taasna aysababta inay Bada galaan oo ay Maraakiib soo Qafaashaan balse waaxy amiinsan yihiin kaluumeysatada Hobyo in hadii burcad badeeda la siiyo shaqo ay joojin lahayeen Howlaha ay hada kuguda jiraan. Dadka ka kalumeysta Hobyo kuma faraxsano in Burcad badeeda ay soo Afduubtaan Maraakiibta Xamuulka iyo kuwa Dalxiisa yaasha ah balse waxay sheegeen in ay ku Taageersan yihiin Burcad badeeda in ay Qabsadaan Maraakiibta sida sharcidarada ugu kauulmeysta xeebaha soomaliya. Dhanka kale burcad badeeda Hobyo waxaya ku leeyihin Saldhig weyn waxaana lagu soo xiraa Markiibta laga soo Qafaasho Biyaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan waxaana Maraakiibta ay soo qabtaan ka qaataan lacago Fara badan oo ah mid ay madax Furasho ugu qaataan waxana marka aad galeysid Magaalada Hobyo Caadi Ka ah in ay shacabka Ku dhaqam halkaas ay ku weydiyaan Su’aalo dhowr ah ayna ka mid yihiin Saami miyaa laguu qoray Badda miyaa galeysaa iyo kuwa kale oo badan Balse Su’aasha isweydiinta mudan ayaa waxay tahay Burcad badeeda ma aaminsan yihiin in ay yihiin burcad maxayse isku arkaan? Marka aad su’aashaas weydiisid qaarka mid ah burcad badeeda ayaa waxay durbadii kaga jawabayaan manihin burcad badeed ee waxanahay Cidamada ilaalada xeebaha taa badalkeeda waxay Burcad badeed ku tilmaamaan markiibta shisheeye ee ku sugan xeebah Soomaliya, Dadka sugan Hobya ayaa markii loo qeybiyo Sadex ayaa waxa qeyb ay yihiin burcad badeed qeybna waa kuwa wax ka suga Burcada halka qeybta sadexaadna ay yiiin dad iska ganacsata ah . Ganacsatda Hobya ayaa inta badan alaabahooda waxaa si Deyn ah ama Amaah ugu qaato alaabahooda burcad badeeda ayagoona lacago Fara badan Saarta alaabaha Waxayna u xisaabiyaan qimaha sheyga ay qadanayaa Sadex jibaar qiimaha u jooga sheyga ay sinayaan laakiin Ganacsatada waxay lacagahooda ay sugayaan inta markabka u xiran ay lacagtiisa qadanaayan burcad badeeda waxaa kaloo jira dad u yimaada Magaalada Hobyo Rag ka mid ah Burcad Badeedka oo ay qaraabo ama saaxiibo yihin waxaan dadkaas Buug loogu Furaa Magaalada Burcada Badeedka ayaa uqeybsada markabka ay lacagaha ka qaatan sadex qeyb oo kala ah a Ninka Maalgaliyay , Raga soo qabta iyo kuwo markii markab la soo qabto kadib si ilaalo ah u Fuula. Waxana sadexdaas qeybood lacagaha ay qaataan ka sii suga kawa kale oo loo yaqaan Simayaal waxaana Simiyaasha loo qeybiyay Sadex Qeybod waxayna kala yihiin Saami hoose kaasi waxa uu u gaar yahay Gabdhaha xiriirka la Leh Burcad badeeda ,Saami dhexe iyo Saami sare waxaa qaata maalgaliyaha iyo raga soo qabta markabka, waxaasa jira qaar ka mid ah gabdhaha ku nool Magaalada Hobyo oo sheegey in aysan ku qanacsaneyn Saami hoose laakiin hadda waxay doonayaan in ay dhankooda Maraakiib soo qafaashaan ka dib markii ay ciilkaambiyeen Ragga Burcad Badeedka ahaa oo wax weyn ka sii waayeen Hantida fara badan ee ay helayaan Burcad Badeed waxayna ku jiraan sidii ay heli laheen Doomo dheereeya haddi riyadooda u suura gasha waxay noqonayaan Haweenkii ugu horeeyey ee soo qafaasha Maraakiibta Taariikhdana wax badan bey ka bedeli doonaan maadaama raga keliya ay haatan keligood noqdeen kuwa iska dhuuqaya lacagaha la helo Maraakiibta la soo qafaasha. Haweeney aad ugu dhaarsan in ay gasho Badda ayaa tiri: “wax badan baa banaanka fadhiney waxayna raga naga badiyeen haweenow Badda Cagaha geliya waxaana qalbiga gashataan in hal heyskaa ana markeenna aan qaadan doono oo aan dhihi doono Ragow Cagaha Badda geliya arrintuna ay noqon doonto (Lagaa Barayow lagaa Badi).” Inta badan gabdhaha ayaa waxaa ku dhaliyey in ay raacaan Burcad badeeda markii ay soo jiiteen Gawaarida qurxoon ay wataan Burcadda Taasoo ay soo dadajisa in Gabdhaha Hobyo ay soo xera geliyaan kuwa kale ee meelaha Fog jira ee ku nool Magaalooyinka kale. Waxaan idiin soo wadna magaalooyin kale oo ku yaal dalka Somali anagoo soo qaadan doona magaalooyinka kastaa oo ku yaal gobalada dalka Somalia inshaa allaah Alle ayaa mahad leh Maxamed Ciise Maxamuud Dhahar Online Muqdisho Somalia Email mociise@hotmail.com Tel: 00252615374589
  22. Muqdisho: Sheekh Xasan Daahir Aweys oo maanta sheegay inay si rasmi ah ula wareeegeen Idaacadda iyo Telefishinka GBC Hoggaamiyaha ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday inay si rasmi ah uu ururkiisu ula wareegay idaacadda iyo telefishinka GBC oo ka mid ahaa kuwa madaxabannaan ee ka howlgala Muqdisho. "Maanta wixii ka dambeeya idaacadda iyo telefishinka GBC, waxay ku hadli doonaan afka ururka Xisbul Islaam, waxaana uga mahadcelinaynaa maamulkii hore wareejinta ay nagu wareejiyeen," ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir oo xiligaas uu garab-taagnaa milkiilihii GBC Yuusuf Axmed Geelle. Ciidamo ka tirsan ururka Xisbul Islaam ayaa tan iyo xalay ilaalo ka hayay xarunta idaacaddan oo ku taalla degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeyn maanta duhurkii lagu dhawaaqay inay Xisbul Islaam la wareegeen. "Waxaan ku wareejinnay idaacadda iyo telefishinka maamulka ururka Xisbul Islaam, iyadoo aanay jirin wax khasab ah, waxaana ugu baaqaynaa maamulka inay ugu shaqeeyaan shacabka si wanaagsan," ayuu yiri Geelle oo shirka jaraa'id ka hadlay. Idaacaddan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo Xisbul Islaam ay la wareegaan, iyadoo mas'uuliyiintooda ay sheegeen inay isbadal ku sameyn doonaan qaabka ay ku shaqeyso, ayna badali doonaan erayada ay adeegsato. Maamulka idaacaddii iyo telefishinkii Hornafrik ayaa sheegay in dhammaan qalabkii idaacadda la qaatay, waxaana idaacaddaas habeen hore gudaha u galay ciidammo ka tirsan kuwa Xarrakatul Shabaab. Maxamed Ciise Maxamuud_Dhahar Online Mociise@hotmail.com
  23. Muqdisho: Sheekh Xasan Daahir Aweys oo maanta sheegay inay si rasmi ah ula wareeegeen Idaacadda iyo Telefishinka GBC Hoggaamiyaha ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday inay si rasmi ah uu ururkiisu ula wareegay idaacadda iyo telefishinka GBC oo ka mid ahaa kuwa madaxabannaan ee ka howlgala Muqdisho. "Maanta wixii ka dambeeya idaacadda iyo telefishinka GBC, waxay ku hadli doonaan afka ururka Xisbul Islaam, waxaana uga mahadcelinaynaa maamulkii hore wareejinta ay nagu wareejiyeen," ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir oo xiligaas uu garab-taagnaa milkiilihii GBC Yuusuf Axmed Geelle. Ciidamo ka tirsan ururka Xisbul Islaam ayaa tan iyo xalay ilaalo ka hayay xarunta idaacaddan oo ku taalla degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeyn maanta duhurkii lagu dhawaaqay inay Xisbul Islaam la wareegeen. "Waxaan ku wareejinnay idaacadda iyo telefishinka maamulka ururka Xisbul Islaam, iyadoo aanay jirin wax khasab ah, waxaana ugu baaqaynaa maamulka inay ugu shaqeeyaan shacabka si wanaagsan," ayuu yiri Geelle oo shirka jaraa'id ka hadlay. Idaacaddan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo Xisbul Islaam ay la wareegaan, iyadoo mas'uuliyiintooda ay sheegeen inay isbadal ku sameyn doonaan qaabka ay ku shaqeyso, ayna badali doonaan erayada ay adeegsato. Maamulka idaacaddii iyo telefishinkii Hornafrik ayaa sheegay in dhammaan qalabkii idaacadda la qaatay, waxaana idaacaddaas habeen hore gudaha u galay ciidammo ka tirsan kuwa Xarrakatul Shabaab. Maxamed Ciise Maxamuud_Dhahar Online Mociise@hotmail.com
  24. General Nuux Taani was asked by the Press on his thoughts about the Garowe enclave’s Galgala offensives. The general sheds light on rich minerals in Western Bari region and utilizes it to weigh on his response to reporters’ questions. The general states that terror links to western Bari rebels are mere “he say she say” allegations. Click on the bottom link to listen to the General. http://www.hadhwanaagnews.com/ click more news on the bottom Go to Second Page click on the link: Labada Taliye ee Ciidanka Qaranka iyo Booliska J.Somaaliland oo faahfaahin ka bixiyey meleeshiyaadka hubaysan oo lagasoo dejiyey xeebaha Galbeedka S/Land. Monday sept/13/2010