Xudeedi

Nomads
  • Content Count

    1,691
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Xudeedi

  1. The clan enclaves era of popularity has diminished. Its time for people of Northern Somalia to set aside differences and to collectively mobilize towards polital maturity.
  2. Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole wuxuu ku sheegay waraysi uu siiyey BBC in gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan uu ku saxsanaa in aanu soo xaadirin kalfadhigii baarlamaanka ,oo maqnaashihiisu ahaa mid aan sharci ahayn cududaarna lahayn,sidoo kale Wasiirka warfaafinta Puntland wuxuu gurigiisa Muqdisho ugu tegay Wasiirka kaluumaysiga dawlada KMG CabdiRaxmaan Ibbi. Bulshada reer Puntland ayaa hada labo u kala qaybsan oo kala ah Punlandta Garoowe oo ah kuwa taageera dagaalka Galgala hor joogana uu ka yahay Cabdiraxman Faroole, iyo Puntlandta kale oo ah bulshada inteeda badan oo aaminsan in dagaalka Galgala uu yahay mid dhaqaale doon ah laguna gor gortamayo kursi siyaasadeed waana kuwa soo jeeda Gobolada Sanaag, Sool,Cayn,Haylaan iyo gobolka Bari intiisa badan. Madaxa Puntlandta Garoowe Cabdiraxmaan Faroole ayaa isaga oo ka hadlaya khilaafka u dhaxeeya Madaxweynha Dawlada KMG Sheekh Shariif iyo Raisawasaarihiisa Sharciga bal maray Cumar Cabdirashiid wuxuu eeda dusha ka saray Madaxweyne Shariif isaga oo ku taageeraya RW Cumar qabiil ahaan iyo in ay Beel ka soo wada jeedaan ,isaga oo sheegay in ay Wiilkooda ay la hadli karaan isla mrkaana tusaayey Beelaha kale oo soomaaliyeed oo dega Koonfurta , in uu ugu awood sheeganayo degaano dagaalo ka socdaan oo horay loo oran jiray Puntland bulshadeedunab ay yihiinn kuwo kala qaybsan n ayna ku kala qaybsan yihiin qabiilkan foosha xun oo Raisawasaarihii Soomaaliya oo Soomaali oo dhan u ah Raisa Wasaare lagu leeyahay ama loogu yeerayo waanu ceshanaynaa "Wiilakayaga" halkii ay ka ahayd in loo noqdo baarlamaanka. Cabdiraxmaan Faroole ayaa caasimadaha geeska Afrika u kala gooshaya isaga oo Jihaad ugu jira in Kursiga Beesha hada haysato, aan cid kale gacanta u gelin,halka degaanadii uu ka wakiilka ahaa ay ka socdaan dagaalo dadkuna ay ku dhimanayaan maalin walba ,laguna jiro xiligii kala guurka Beelaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo siyaasadiisa Puntlandta Garoowe noqotay jar iska xoornimo ayaa hada waxay u muuqataa in Siyaasadiisa ku aadan federaalkuna ay tahay waxa loogu yeero ka daroo dibi dhal ka dib markii ay siyaasada ku saaxiibeen Ibbi iyo Shariif xasan isaga oo ka bilaabay amaantooda Idaacadaha. Horaantii Sanadihii sagaashankii markii ay ugu xumayd dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya oo Bulshada hada ku nool Puntland intooda badan oo ka bad baday dilkii iyo kufsigii ay ahaayeen kuwa qaxaya waxa jiray siyaasi kale oo sida maanta Cabdiraxmaan Faroole saaxiib uga dhigtay Ibbi iyo Shariif Xasan si uu kursi Beel u ilaaliyo, isaguna u tegay Muqdisho si uu kursi ina gumeed u helo isaga oo ka raadsaday Hogaamiyihii hore ee jabhada USC Allah ha u naxaristee Caydiid kaasina wuxuu ahaa Cabdulaahi Yuusuf. http://www.allsanaag.com/Details.asp?id=5960 Ugu danbayntii Cabdiraxmaan Ibbi iyo Shariif Xasan oo ahaa kuwii mashaariicdii loogu talo galay Bulshada reer Puntland ka hor istaagay una saxiixay dawlado kale sida Jabuuti in maanta laga amaano Idaacadaha looguna tago guryahooda sida Ibbi lagana baryo in Rw Cumar la daayo waa siyaasad ceebays ahna mid fashil ah waxna loogu dhimayo Bulshadii dhowrka boqol Salaadiinta iyo Garadada lahayd waana mida soo fududaynayasa kala taga Puntland Allsanaag.com khaalid1970@hotmail.com
  3. Maanta oo ay taarikhdu tahey 18/09/2010 waxaa magaalada London kadhacey shirmuhiin ah oo ay isugu yimaadeen Jaaliyada Gobalka Hayland iyo Galbeedka Gobalka Bari. Waxaana shirka lagu falanqeynayey arimo badan oo kajira degaanka ayna ugu muhiin saneyd xaalada cakiran ee kajirta magaalada Galgala. Oo ay in mudo ahba kadhacayeen dagaalo soo noqnoqday oo dhib badan oo burbur iyo barakac ugeystey dadkii degaankaas. Hadaba jaaliyada waxaa ay soo saareen baaqan hoos kuxusan. 1: In ay dowlada puntland ay ciidamadoodu sida ugu dhaqsa badan ugala soo baxaan deegaanka Galgala arintana u daayaan odayaasha beesha. 2: Waxa kaloo jaaliyadu ugu baaqeysaa dhanka kale ee Moxammed Siciid Atom in uu uhogaansamo wixii ay odayaashu degaanka ay soo saaraan, dhowrana xasiloonida gobalka. 3: In ay heyadaha samafalka kuwa gobalka iyo kuwa caalamiga ah ay arimo bini aanadanimo ufidiyaan dadkii mudada lagu dul dagaalamaayey. 4: In khasaarihii kadhacey degaanka Galgala oo naf iyo maal lahaaba ay masuuliyadeeda leedahey dowlada Punland maadaama ay dowladu horey ugu gacansaaytey odayaashii u istaagey waxkaqabashada howshan. 5: Waxa ay jaaliyada baaqoodi kusoo gunaanadeen in labada dhinac ay uhogaansanadaan baaqan nabadeed. Waxaa baaqan kusaxiixan dhamaan Odayaasha,Aqoonyahanada, Cuqaasha, Culimaa’udiinka jaaliyada ee hoos kuxusan:- 1 Dr: Maxamuud Shire Ismaciil (farmayeeri) 2 Eng: Maxamed siciid aadan (konge) 3 Eng: cumar cali cabdi 4 Caaqil: siciid maxamed finiin (finiin) 5 Caaqil: cali gurey dirir 6 Aqoonyahan: Khadar maxamed gaas 7 Aqoonyahan: c/qaadir saalax doonyaanle 8 Abwaan: cumar maxamuud maxamed (galdigsi) 9 Aqoonyahan: c/casiis maxamed xassan 10 Aqoonyahan: maxamed jaamac yuusuf (cudud) 11 Aqoonyahan: jaamac ismaaciil ahmed (jiis) 12 Haaruun maxamed siciid 13 Maxamuud ahmed aadan (geesood) 14 Cumar siciid maxamed 15 c/risaaq ahmed siciid 16 Dr: ducaale ciise yuusf (talyaani) 17 Aqoonyahan: xuseen shire ismaaciil 18 Aqoonyahan: maxamed nuur saalax 19 Aqoonyahan: sahal xusseen maxamuud (irbad) 20 Aqoonyahay: siciid cumar maxamuud (irbad) 21 Aqoonyahan: xuseen maxamed gaas 22 Nabadoon: cumar gaas 23 Aqoonyahan: c/rashiid maxamuud buraale 24 Aqoonyahan: cadnaan ahmed shire 25 Aqoon yahan: ahmed warsame aadan 26 Aqoonyahan c/qaadir cali halanbe 27 Aqoonyahan: maxamuud cali shire jiis 28 Aqoonyahan: siciid daahir aadan 29 Aqoonyahan: bashiir cismaan ciye 30 Aqoonyahan: khadar cali ciise (mareykan)
  4. ^Poor Duke attempting to advise me after his weak clannish strategies has been revealed. This thread is not about Xudeedi or Haylaan, it’s about SSC and the shift of power in Northern Somalia. How many characters can one need to convince his fellow solers that his clan has a mature administration? Taleexi, what long-term effect do you think SSC can have on the political structure in northern Somalia? certainly Puntland’s clan agenda’s has been exposed in how they handled Sool region and Galgala.
  5. Haylaan inhabitants also largely reside in the city of Bosaso , thus their cooperation with the corrupt administration is a mere reflection of their civic and sense of ownership (a fact denied by Duke on SOL). This photography only relays to me that Bosaso is their city and further defeats Duke’s silly claims. How can one expect anyone to speak against the puppet administration, when poor journalists are being sentensed in tree-house courts.
  6. SSC is becoming a reality as many patriots of the region from inside and abroad are joining the movement in droves. I was skeptical in the first place because it seemed the wrong and sinister information of the region and its people was too powerful to be confronted by the reality on the ground. However, press releases after press releases, interviews with senior political leaders and live videos of the military exericise and build up of the movement, the political landscape of Northern regions is getting a fundamental shift of power in favor of the movement of SSC. In fact, the recent well-executed mission of the ONLF freedom fighters in "Somaliland" indicate the latter adminstration's weakness as the bulk of its army and weapons are deployed and stationed in the SSC regions. Even Mohamed Adow of AlJazeera reported that the region is simply a militirized zone. How long will the ragtag clan militia from Bur'o and Hargeisa continue to occupy these vast regions of SSC is a matter of time regardless of the local mercenaries that aid them in their fights against the freedom fighters. Reer Maakhir as well have their share of real mercanaries with simple titles. Sooner they will be reduced to sub-clan leaders or warlords as they are discredited and ridiculed by the people for advancing their selfish goals. Taleexi, In addition to losing a golden chance that would have built a bridge of trust, PL has resorted to adopting ruthless policies of suppression and clandestine operations imposed from outside by Ethiopia. Farole and his clannish supporters have called the people of SSC and Maakhir "terrorists". They humiliated their elders while bankrolling political agents from the region to fight and discourage the genuine political aspirations of our people. Ethiopia is the main culprit in this entrenched division, but its sinister agenda to jealously safeguard its puppets of Garowe and Hargeisa might soon come back to haunt them than later. These puppets' main tool is the clan card first and foremost which they employ to maintain their little Vassal-type admins. Financing political agents (colonels, individuals) is another tool. All in all, Shortsightedness, greed , clannish and arrogant attitude hijacked the ideal vision of Puntland. SSC will be victorious. I hope the people of Maakhir, SSC, and ONLF should match their common interest and help overcome their sworn enemies. (Ethiopia, Somaliland and Puntland)
  7. ^adeer waa ku deg degtay ee raali ahow. Faroolo la kashifay jeclidaa
  8. http://www.allsanaag.com/Details.asp?id=6586 Click on the above link to listen to the audio
  9. Violations of freedom of expression and of the press have reached unprecedented levels, resulting in a serious crisis for journalist in Northeastern Somalia due to impunity, insecurity and massive restrictions by the corrupt Puntland administration. As a result, more and more journalists have been forced out of their local areas, and others abandoning their profession. Media restrictions in Puntland has reached its peak since offensives began in Western Bari, due to the weak administrations quest to seek control of the media and to manipulate it to their advantage through the use of violence, intimidation and enormous restrictions. Puntland is a clan enclave based in Garowe, a village located in Nugaal region of Somalia. The enclave has waged a war enticed by economic aspirations. Western Bari region hosts rich minerals as noted by western geologist and mineral explorers.
  10. Puntland Wariyaal Somaliyeed oo Baaq Deg Deg ah u dirayh [Daawo Sawirada] September 18, 2010 By Axmed Muuse Dheere Ilaa Boqol Wariye oo ka Tirsan Warbaahinta Somaliyeed iyo Ururada Saxaafada sida NUSOJ iyo MAP ayaa Kulan Isugu Yimi Hotelka Nomad Plaza ee Magaalada Nairobi,Kulankaasi ayaa ahaa mid ay Wariyaashu ku Muujinayeen sida ay xuga xun yihiin Xadhiga Loo Gaystay Wariyahaasi oo ka Tirsanaa Warbaahinta Horseed. Masuuliyiin badan oo Kulankaasi ka hadashay ayaa Sheegay sida ay uga xun Yihiin Xadhiga Agaasimaha Horseed Media oo Maamulka PL ay xidheen ka dib markii uu Waraystay Nin Mucaarad ah oo Dawlada ka soo Horjeeda. Liibaan C/Saalaan oo ka mid ah Gudigii Qaban Qaabada ee Wariyaashii Kulankaasi isku soo duba Riday ayaa ka hadlay Ujeedka Munaasibada waxana uu dhaleeceeyay Xadhiga Agaasimaha isaga oo Xusay inay Uga Gol leeyihiin sidii ay Wariyaasha Somaliyeed Si Siman Uga hadli lahaayeen xadhiga iyo Tacadiga loo Gaystay Agaasimaha. Axmed Nuur Maxamed Faarax oo ka tirsan Ururka Qaranka Suxufiyiinta Somaliyeed ee NUSOJ ayaa ka hadlay Kulankaasi waxana uu Cadeeyay inay ka NUSOJ ka ahaan ay Qareen u qabteen Agaasimaha isla markaana ay Maalinba Toos ula socdaan Xaalada uu ku Sugan yahay Agaasimaha Horseed Media. Axmed Nuur ayaa dhanka kale Baaq u diray Maamulka Pl inay Wariyahaasi Xoriyadiisa u soo celiyaan oo ay Saxaafada Xaq Dhowraan. Dadkaasi halkaasi ka hadlay oo aad u Badnaa ayaa waxa ka midahaa Cali Muuse Cabdi oo ka tirsan APF isaga oo uu xusay inuu Dareenka Wariyaasha Somaliyeed iyo kuwa PL uu la qabo Xadhiga Loo Gaystay Agaasimaha Idaacada, isaga oo Fariin u diray Madaxwaynaha Pl inay Wariyahaasi Si deg deg ah Xoryadiisa ugu soo celiyo. Catoosh oo ka Tirsan BBC-da ayaa isna lagu soo dhaweeyay Madasha waxana uu ku dheeraaday Hadal ka soo yeedhay dhawaan Wasiirka Warfaafinta Pl C/Xakiin Maxamed Guuleed oo ahaa in C/fataax uu Yahay danbiile, Mr Catoosh ayaa sheegay inuu aqoon Gaar ah u Leeyahay Wasiirka Warfaafinta PL aana lafa Filayn Arinka uu ku deg degay ee ah Xadhiga Wariayaashi madaaba Loo xaglinayay inuu Bahda Waraafinta in badan ka mid ahaa. Xildhibaanad Xareed oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa isna Mikirifoonka Lagu soo dhaweeyay isaga oo xusay inuu aad uga Tiiraanyaysanyahay Xadhiga Agaasimaha Horseed Media, uuna Cod u diray Maamulka Sare ee Pl inay ninkaasi Wariyaha Xoriyadiisa u soo celiyaan. Docda kale Saleebaan Cismaan Saalax ayaa ku hadlay Afka Ururada Bulshada ee Kulankaasi Wariyaha xidhan loo Sameeyay, isaga oo u Mahadnaqay dadkii Kulankaasi soo Abaabulay waxana uu dareenkiisa ku Muujiyay sida ay Warbaahintu u tahay Indhaha Bulshada. Waxa naga xasuusin ah in Wariyaal PL ka soo Haajiray oo qaarkood la xidhay ay Khudbad ka Jeediyeen sida Maxamed Yaasiin Isixaaq oo ahaa Wakiilkii VOA-da ee Mudug kaasi oo warbixin dheer dadkii Kulanka Joogay ka Siiyay Dhibaatooyinka ay Wariyaashu kala Kulmaan Maamulka PL, kuna Dhiiri Galiyay Wariyaasha inay Mid Noqdaan oo ay dhib kasta Wadaagaan. Daaduu Cabdi Daa’uud oo sheegay inuu Urur Saxafiyiinta Somaliyeed u dhaq dhaqaaqa uu Madax ka Yahaya ayaa isna cadeeyay inay Lagama Maar maan tahay isku xidhnaanshaha Wariyaasha Somaliyeed isga oo dhanka kale qeexay inay ka xun Yihiin Xadhiga Sharci Darada ah ee lagu Haysto Agaasimaha Horseed Media. Galgala news
  11. Yaasiin Dhahar, gudoomiyaha tartamayaasha gobolka Haylaan
  12. Don’t mind the howl of a desperate one angered by truth and reality. SSC is a reality; a movement that attends to the dire need of a community.
  13. Click on the above link to view the video. Garoowe,(lasanod Online)- Ciidamo hore uga tirsanaa Puntland ayaa soo gaadhay magaalada Tukaraq, kuwaas oo la sheegay inay ku biireen Ciidamada SSC ee halkaas joogay.
  14. Wafdi ka socda Maakhir University oo soo gaarey magaalada Dhahar ee xarunta Haylaan. Dhahar: Waxaa maanta xaflad soo dhoweyn iyo wacyi gelin ah lagu qabatay dugsiga H/Dh/Sare ee degmada Dhahar taasi oo lagu soo dhoweeyey wafdi sare oo kasocota Maamulka Jaamacada Maakhir oo uu hor kacayo agaasimaha Jaamacaada Maakhir Universty Sekeriye X. Siciid Awaare ayaa halkaasi war bixin dheer kaasoo jeediyey taasi oo ku saabsan Jaamacada iyo hadafkeeda iyo waxyaabaha ay u baahantahay oo ay kamid yahiin inlaga doonayo dadweynaha ku dhaqan deegaankan inay ka qayb qaataan dhismaheeda madaama ay tahay jaamacadii ugu horeysay ee laga furo Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag. Waxaa sidoo kale halkaasi kahadlay maamule xigeenka schoolka mubaarak dhahar Ibraahin aadan jaamac oo mahad naq balaaran uga soo jeediyay waftida ka socotay Maakhir University iyo weliba hadalo baraarujin ah oo ku wajahan dhinaca dadweynaha degaankan waxaa sidoo kale halkaasi kahadlay dhinaca odayaasha Ibraahin Xassan oo kahadlay taariikh dheer oo ku wajahan gobolkaan. Waxaa kaloo ku sugnaaa goobtaan oo hadalo kooban ka jeediyey gudoomiyaha degmada Salaad Xassan Shire aqoon yahan C/Kariin Maxamed, Eng. Cali Samatar oo dhamaantood soo jeediyey mahadnaq dhalin yaradaan isku howshay inay inay ka asaasaan jaamacad gobolka Sanaag oo an facaysa guud ahaan gobolada Sanaag iyo Haylaan. Axmed-deeq Sh. Madar www.spr.fm
  15. September 17, 2010 BADHAN, (SPR) - The management board of University of Maakhir has put in place an effective Evaluations Plan for the academic year 2010-11. Mr. Zakariye S. Osman, a program director, told Somali Public Radio that his team had started a long trip across Sanaag Region to lead recruitment and to develop a strong relationship with the public. "Our admission criteria is very competitive. To create and ensure the quality of a higher learning institution, we are first planning to launch a 6 month intensive course of varied subjects like Math, English, Computer, and Biology to prepare the freshman students for the well-structured upper division courses," related Zakariye to our SPR correspondent in Badhan, Yasin Ali. The board of the school is convinced that the school will proceed with two undergraduate programs: Education and Computer of Information Science. It will then expand into other essential programs of study like Health, Business and Finance later on. The first branch of the University will soon be launched in Badhan, Sanaag. It is principally funded by the Diaspora and partially by international donors. Prof. Abdirahman Hersi from Atlanta, GA is the General Manager and a member of the faculty staff. Mr. Hersi was the dean of Lafole University when Somalia had a functioning government. His dissertation at U.C. Los Angeles on the Arab factor of Somali society is a well-cited topic of the history of Horn of Africa. Construction of the premises and research and library facilities for the University of Maakhir shall proceed in the six months process of student registrations and the intensive courses. The Public Awareness and Registration Director of the University of Maakhir, Mr. Zakariye S. Osman, urges the people of Sanaag and western Bari not to misread or underestimate the purpose of the institution, which aims to fill in this particular need of higher education in Sanaag. He calls upon the Diaspora to lend their moral and financial support. Mr. Zakariye hopes that the shortages of nurses, doctors, teachers, technicians and aspiring businessmen from the region will be reversed in the years to come. "Education is the key element to social progress and economic development and all that we have to do is give what we can as either family contribution or as per individual pledge. Either way, you are part of an innovative and dynamic change of attitude," said Zakariye in an interview with Somali Public Radio. Mohamed Elmi Dhahar/SPR
  16. Saciid Baxwal; Mas'uul Idaacada Somali Public Radio oo Goobta Ka Hadlay
  17. Gudoomiyaha Tartamayaasha Gobolka Haylaan; Yaasiin Dhahar oo la Gudoonsiiyey Koopka
  18. Gobolka Haylaan oo la Gudoonsiiyey Abaalmarinta Barnaamijka Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan(Sawiro) Xaflad balaaran oo ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen Shirkadda Isgaarsiinta TELCOM iyo maamulka warbaahinta Horseed Media ayaa habeenimadii xalay lagu qabtay hotelka Panorama ee magaalada Bosaaso,kaas oo abaalmarino lagu gudoonsiiyey labada gobol ee kala galay kaalmaha kowaad iyo labaad intuu socday Barnaamijka Tartan Aqooneedka Bisha barakaysan ee Ramadaan. Waxaa xaflada kasoo qaybgalay dad kala duwan sida masuuliyin ka tirsan Dawladda Puntland oo uu kamid yahay Agaasimaha Wasaarada Amniga Puntland Cali Hayaan,Guddoomiye kuxigeenka gobolka Bari Yuusuf Muumin Mbidde,Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim,Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Bari Maxamuud Caynab,Guddoomiyaha Nabadoonada gobolka Bari Nabadoon C/qaadir Xarago,Culima’udin,Ururada Bulshada rayidka,Haweenka,Dhalinyaro,Ganacsato maamulada Shirkada TELCOM iyo warbaahinta Horseed Media. Ugu horeyn waxaa lagu furey aayadaha qur’aanka kariimka,waxaana lagu soo dhoweeyey mikrafoonka Agaasimaha guud ee Horseed Media Jaamac Ciise kaas oo sharaxaad ka bixiyey barnaamijka intuu socday.wuxuu sheegay in sanadkaan ay ahayd sanadkii saddexaad ay idaacada u qabato qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya tartankaan ayna ugu talagashay in kor loogu qaado aqoonta bulshada.waxaana xaflad xirririnaayay Cabdiqani Cabdulaahi Cabdi oo kamid ah Suxufiyinta ka howlgasha warbaahinta Horseed Media Agaasimaha guud ee Horseed Media ayaa xusey in ay sii wadi doonaan tartankaan,isagoo mahadcelin balaaran ujeediyey dhamaan gobolada ka qaybgashay.dhanka kale wuxuu ka hadlay xariga Agaasimaha Horseed Media Cabdifataax Jaamac Mire oo mudo ka badan hal bil xilligaan ku jira xabsiga weyn ee Bosaaso. Wuxuu sheegay in ay socdaan dadaalo lagu sii deynaayo Cabdifataax isagoo tilmaamay in ay lagu rajo weynyahay in uu xorriyadiisa dib u helo. Madaxa Suuqgeynta Shirkadda TELCOM Xassan Cumar Axmed oo ku xigey hadalka ayaa isna ka hadlay fa’idada u leeyahay Barnaamijkaan oo u tilmaamay in shirkada ugu talagashey in ay u faa’ideyso bulshadeeda,wuxuuna sidoo kale sheegay in Shirkada Telcom ay mar weliba ku dadaalayso in ay qanciso macaamiisheeda iyo bulshada. Agaasimaha Wasaarada Amniga Dawladda Puntland Cali Hayaan ayaa isna halkaas ka sheegay inuu mahadcelin ujeedinaayo Shirkada Telcom iyo warbaahinta Horseed Media kana mahadceliyey barnaamijkaan baaxada leh ay isaga kaashadeen.wuxuu kula dardaarmay dhalinyarada ka kala socotay gobolada Haylaan iyo Bari oo goobta ku sugnayd in ay ku dadaalan aqoonta. Guddoomiye kuxigeenka gobolka Bari Yuusuf Muumin Mbidde ayaa isna xusey in Barnaamijyada noocaan oo kale loo baahanyahay in la badiyo si buu yiri la helo bulsho aqoon ku dhisan isla markaana wax ka bedela xaalada dalka. Guddoomiyaha Waxbarashada gobolka Bari Maxamuud Caynab ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay barnaamijkaan oo u sheegay in ay qayb ka tahay horumarka bulshada maadama aqoontu ay tahay arin muhiim ah. Afhayeenada gobolka Haylaan iyo Bari oo iyaguna goobta gaba gabadii ka hadlay ayaa ugu baaqay Dawladda Puntland iyo masuuliyintii ka socotay Dawladda ku sugnayd goobta in ay si shuruud la’aan kusoo daayan Agaasimaha Horseed Media Cabdifataax Jaamac Mire. Gaba gabadii xaflada ayaa bilado la gudoonsiiyey labada gobol,waxaana gobolka Haylaan oo gashey kaalinta kowaad la siiyey koob iyo lacag shilin Soomaali ah oo gaaraysa 20-milyan,gobolka Bari waxaa la siiyey koob iyo lacag shilin Soomaali ah oo gaaraysa 10-milyan. Guddiga Barnaamijka mudada u socday oo Guddoomiye ka ahaa Ustaad Cabdiqani Cartan iyo kuxigeenkiisa Saadaq ayaa la gudoonsiiyey abaalmarino.Weriyaha Barnaamijka daadihinaayay Cismaan Axmed Ciise(Gaddasaar) ayaa isna goobta lagu gudoonsiinayay bilad sharaf ah. Waa sanadkii labaad dhalinyaradii ka socotay gobolka Haylaan ay ku guuleystaan barnaamijkaan,sanadkii hore ayay ahayd markii ay ku guuleysteen iyadoo ay ku tartamayeen gobolka Sanaag. Horseed Media
  19. Agaasimaha Horseed Media Jaamac Ciise oo u Waramaya Idaacada Somali Public Radio