Xudeedi

Nomads
  • Content Count

    1,691
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Xudeedi

  1. Eng. Zakariye Awaare; the man in charge of the marketing wing. May allah give him rewards for his efforts. Amiin
  2. Originally posted by Maaddeey: ^Nasab, ma sidaasaa??. Observation'kayga inta badan (if not always) isku waqti ayay forum'ka ku jiraan isuna jiibiyaan!. Coincedence miyaa?. Ma hadaa baraarugteen. Anigu waxaan u arkaa daciifnimo, in qof uu samaysto magac kale si uu isugu camiro. If you want to convince others or shape popular thought, then you should support your claims and develop other persuasive tactics. Nonesense
  3. Originally posted by Gallad: But how come they did not record the ciid event for "xirta" ahlu suna group in Dhahar, as one of the guys in video indicated. laba mel aya lakukala iidey ayu dhahay, xerta iyo daka adiga eh. 2 different corners baa lagu kala tukaday, i was told that the Ahlu-Sunnah led prayer was also recorded, i just didn't see any outlet that posted it. The city is known to host a significant number of Ahlu-Sunnah followers so it would be interesting to view that clip. Thanks
  4. Originally posted by Gallad: Maasha Allah. NIce pics. Sanaag is big province with large population. I have seen the picture of Dhahar and Badhan, and Ceerigaabo. Masha Allah, its not like how fake Duke and his friends makes Sanaag. Sanaag has one of the biggest populations I have ever seen. Nice pics and well done to all of you sanagians out there. Gallad, that because the clan enclave in Garowe has no pressence there. Further evidence that Puntland is a clan enclave that claims 1/3 of Somalia but is only present in portions of Northern Mudug, Nugaal and part of Bari region. Ceeri waa Maasha Alaah
  5. Faroole and the Garoowe enclave have failed miserably. These problems stem from prolonged injustices instituted in the city. May Allah have mercy on those who died.
  6. Buuhoodle, Governing Seat for SSC Movement Buuhoodle:- Magaalada Buuhoode ee Xarunta Gobolka Cayn ayaa saaka si weyn looga ciiday, taasi oo aan wax khilaaf ahi ku jirin. Waxaana ay dadweynuhu goor horeba buuxiyeen Masalayaasha kala duwan ee magaalada, gaar ahaan Garoonka Xabbado ee badhtamaha Buuhoodle, waxaana ay markii salaadda laga soo dareerey isku salaamayeen farxad iyo weedho duco iyo bogaadin isku jira. halkan riix sawirrada Hoggaamiyaha Midaynt iyo Badbaadada SSC Dr. Saleebaan Ciise Axmed, ku xigeenka Hoggaamiyaha Col. Cali Sabarey, Xubnaha Golaha Khusuusiga iyo mas'uuliyiinta kala duwan ee SSC ayaa waxaa ay dadweynaha reer Buuhoodle kala qayb qaateen Salaaddii Ciidda, waxaana ay dadweynaha salaaddii ka dib ku gacan qaadayeen Ciid wanaagsan. C/casiis Saleebaan Axmed cummaani@hotmail.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it Buuhoodle SSC Soomaaliya
  7. Hadaaftimo, Sanaag Region Waxaa si wayn looga Ciiday Magaaladda Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag ka gadaal markii Dadweyne gaaraya Kumanaan qof isugu soo bexeen Fagaaraha weyn ee Garoonka Magaaladda halkaasi oo ay Dadku soo buuxdhaafsheen si ay ugu Tukadaan Salaada ciida, Dadweynaha Goobta soo gaarayay ayaa isugu Hambalyaynayay CIID MUBAARAK,CIID MUBAARAK. HALKAN KA DAAWO SAWAIRADA OO DHAMAYSTIRAN Intaasi ka dib ayaa waxaa la guda Galay Jeedinta Khudbadihii Salaada Ciida iyadoo ay halkaasi ka hadleen Culuma’udiin ay ka mid yihiin Sheikh Xuseen cabdi wadaad oo khudbad halkaasi ka jeediyey . Isku soo wadda Duubo Munaasabadi Ciida ee Maanta laga Tukaday Magaaladda Hadaaftimo ayaa ahayd mid dadku ku soo dhamaysteen Jawi farxad iyo Raynrayn leh . Daawo Sawiro kale Dad-weynihii halkaas isugu so baxay oo dhegaysanaya khudbada Maxamed Ibraahim Rabisahal
  8. Buraan, Haylaan Region To listen to an audio coverage, click on the link below. http://www.spr.fm/index.php?option=com_k2&view=item&id=527:spr-iyo-sidee-looga-ciiday-soomaaliya-dha gayso&Itemid=121
  9. Ceerigaabo, Governing District of Sanaag Region IDEE LOOGA CIIDEY MAGAALADA CEERIGAABO EE GOBOLKA SANAAG Sidoo kale waxaa maanta si weyn looga ciidey magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag halkaasoo ay isugu yimaadeen shacab badan iyo masuuliyiinta qaar ka mid ah Somaliland. Iyadoo aan dhawaan idiin soo gudbindoono muuqaala kala duwan hos ka daawo sawirada Magaalada Ceerigaabo iyo sida looga ciidey. Culumaa'udiin badan oo meesha ka hadley ayaa sheegay in ay umadu ka faa'ideystaan waqtiga aysan noqon bil caabud iyagoo looga baahanyahay in ay cibaadadooda sii wataaan. HALKAAN KA DAAWO SAWIRADA CEERIGAABO
  10. BADHAN (SPR): Degmada Badhan ayaa maanta waxaa looga ciidey si aad u wanaagsan iyadoo dadku intiisa badan ay halmeen ku tukadeen. Shacabka ayaa waxay salaada ku tukudeen meel fagaaara ah oo magaalada dibada uga baxsan iyagoo wajigooda ay ka muuqdaan farxad iyo rayn rayn. Masuuliyiinta ka soo qaybgashay gudashada iidaana yaa waxa kamid ahaa badhasaabka gobolka sanaag ee maamulka Puntland maxamud siciid nuur (dabayl), Iyo isimo ay ka mid ahaayeen islaan xuseen c/salaan, ugaas maakhiri iyo isima kale. Waxaa goobta ciida qudba dheer ka jeediyey shiyuukhda kala ah Sh.Maxamud Maxaed Cumar iyo Sh. C/rashiid sh. Saalax iyagoo umada ku baraarujiyey in ay nimcada ka faa’ideystaan uu ilaah ku manaystey.ayna isu calool furaadaan kanashaqeeyaan nabada iyo horumarka Kuna shugriyaan nimcada balaaran ee ay haysataan, sidoo kale shuuyuukha ayaa waxaa ay ilaahay ugabaryeen in dagaalada kasocda degaanka dhulbeereedka ah ee galgala xal nabadeed oo waara lagagaaro. ciidkan ayaa waxaa uu ciidadkii hore kaga duwanaa iyaga oo ay dadku simidaysan meel ugu wadatukadeen maalina u wada ciideen taasoo aan hore udhicijirin,arintan ayaa ah mid albaabada ufuraysa isu soo dhowaanshaha qaybaha bulshada ee kudhaqan degmadatan badhan. iskusoo wada xooriyoo shacabka kudhaqan degmadatan badahn ayaa isugu hambalyeynayey in ciidkan ciidkiisa ilaahay kugaadhsiiyo barwaaqo,nabad iyo caafimaad. Sawira Badhan halkaan ka daawo
  11. Very Beutiful, Maasha Alaah. Ceerigaabo residents have proven that Somali's can co-exist and enjoy peace and progress together. Thanks for the photos
  12. Boosaaso, Governing Distric of Bari Region September 10, 20106 comments| leave your own! Share Iyadoo ay maanta ku beegantahay munaasabada Ciidul Fidriga isla markaana laga wada ciidayo dunida Islaamka ayaa waxaa si weyn looga ciiday magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga ee Puntland. Barxad weyn oo ku dhow xarunta Madaxtooyada ee duleedka Bari ayaa maamulka gobolka Bari xalay shaaciyeen in lagu tukan doono, iyadoo halkaas ay saaka ay isugu yimaadeen dadweyne iyo masuuliyin ka tirsan Dawladda Puntland. Sanadihii hore waxaa lagu tukan jirey garoonka kubadda cagta halkaas oo ay isugu imaan jireen dad boqolaal ah, waxaana ay dadku isweydinayeen sababta keentay in halkaas laga bedelo. Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire, Wasiirka arrimaha gudaha Gen.Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilkajiir, Wasiirka amniga Puntland Gen.Yuusuf Axmed Kheyr, Wasiirka dekaddaha iyo gaadiidka Eng.Siciid Maxamed Raage, Wasiirka Maaliyadda Faarax Cali Shire, maamulka gobolka Bari iyo kan degmada ayaa goobjoog ka ahaa goobta lagu tukanaayay oo ah meel dhowr talaabo u jirta xarunta Madaxtooyada Boosaaso. Dhegayso Khudbadii Madaxweyne ku xigeenka Puntland munaasabadda ciidda ka jeediyey Podcast: Play in new window | Download Ciidan badan oo ka tirsan kuwa Amniga ayaa goobta ilaalo ka haysay iyadoo dadkii oo dhan baaritaan lagu sameeyey, waxaana sidoo kale wadooyinka magaalada la dhigay ciidamo badan. Culimaa’udin uu kamid yahay Sheikh C/risaaq Xuseen Ciise ayaa ugu horeyn halkaas ka hadlay iyagoo ku dheeraaday muhiimada ay lahayd Bisha Ramadaan oo maalinimadii shalay ku ekayd, waxaana ay sidoo kale dadka ku wacyigeliyeen in ay marka ugu horeysa Alle ka cabsadaan. Shiikha ayaa ka codsaday maamulka Puntland in wacyigelin loo sameeyo Ciidanka oo loogu tego xeryahooda, isagoo sheegay in culima’udinka ay arintaas diyaar u yihiin. Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire oo ku hadlaayay magaca Dawladda Puntland iyo Madaxweynaha Puntland ayaa isagu goobtaas ka hadlay gaba gabadii. Wuxuu ka hadlay Gen.Cabdisamad xaaladaha amni ee ka jira degaanada Puntland iyo Soomaaliya guud ahaa, isagoo sidoo kale ka hadlay dagaaladii Galgala oo uu sheegay in Puntland ay kusoo duuleen kooxo Argagaxiso ah. Gen.Cabdisamad ayaa xusay in Dowladda Puntland ay mar weliba ka shaqaynayso amnigeeda isla markaana la dagaalamayso cid weliba oo khal khal ku haya amaanka. Salaada Ciida ayaa intaas kadib la guda galay iyadoo uu salaada tujiyey Guddoomiyaha gobolka Bari Sheikh Cabdixaafid Cali Yuusuf. Masaajidada kale ee ku yaalla magaalada Bosaaso ayaa sidoo kale lagu tukaday Salaada Ciida, iyadoo sidoo kale gobolada kale ee dalka Soomaaliya si maanta weyn looga ciiday. Cabdisalaan Axmed Shire Horseed Media Bosaaso
  13. Xingalool; Haylaan Region Dadweyne aad u fara badan oo ku dhaqan Degmada Xingalool ee gobolka Haylaan ayaa saaka u dareerey goobaha loogu tala galey in lagu guto salaada Ciidda barakeysan e Ciidul Fidri kadib markii xalay ay ka dhalatey dunida Muslimka intiisa badan bishii shacbaan lagana arkey gobollada soomaaliya intooda badan, waxaana maanta ciiddu kaga duwaneyd ciidihii hore in dadweynuhu ay si mideysan u ciideen oo aanu jirin wax khilaaf ah. Masalihii lagu tukanayey salaada ciidda ayaa waxaa ka dhex muuqaneyey inta badan waxgaradka magaalada sida Isimada dhaqanka, culimaa’u diinka, ganacsatada siyaasiyiinta iyo waliba masuuliyiinta deegaanka, waxaana goobta hadallo wacyi galin iyo baraarujin ah ka jeediyey qaar ka mid ah masuuliyiintii kasoo qeyb galay salaadda ciidul fidriga ee Maanta. Dadweynihii soo xaadirey masallaha ayaa isugu hambalyeynayey ciida iyaga oo salaan iyo ducoba is weydaarsanayey waxaana laga dheehan karayey wajiyadooda farxad iyo waji furnaan, waxaa culimada deegaanku ay umadda ugu baaqeen in la is cafiyo oo aan caloosha waxba la isugu hayn iyagoo ku baraarujiyey in dadweynuhu uu ka wada shaqeeyo amniga iyo xasiloonida Degmada Xingalool. Gaba gabadii salaada ayaa waxaa magaalada dhexdeeda ka muuqaneyey dadweyne maanta si fiican u labisan iyo caruur iyagu muujinaya farxad isla markaana ku ciidaya qalabka caruurtu ay ku ciyaarto iyagoo qaar ka mid ahna ay gacanta hayaan waalidkood. Goobtii Ciidda lagu tukanayey oo ay booqasho ku tageen qeyb ka mid ah wariyeyaasha webka XingaloolNews ayaa waxay kasoo qaadeen sawirro muujinaya sida looga ciidey Degmada waxaana dadweynaha ka muuqaneysey farxad iyo reyn reyn iyaga oo ku faraxsan ciidda ay shacabweynaha deegaanku ku mideysnaayeen. Daawo Sawirrada Ciidul Fidriga ee Degmada Xingalool
  14. Qardho; Governing Region of Karkaar Region Munaasabada ciidul fidriga ayaa saaka si weyn looga xusay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, dadweyne aad u faro badan ayaa isugu soo baxay fagaaraha weyn ee lagu oogo salaada ciida sanad kasta. Shacabweynaha magaalada Qardho ayaa igu hambalyeeynayay ‘Ciid Wanaagsan’ iyo “Ciid Mubaarak”, waxaana masalaha ciidul fidriga dadka kula tukaday saakay gudoomiyaha degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise, iyo Gudoomiyaha gobolka Karkaar C/quraan Maxamed Aadan. Duqa degmada ayaa u gudbiyay shacabka reer Qardhood salaan uu uga sido, Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo ku xigeenkiisa C/samad Cali Shire, Duqu wuxuu sidoo kale u iclaamiyay dadweynaha magaalada Qardho labo maalmood bishiiba in la qaado olole uu ugu magac daray ‘ Xoojinta nadaafada ‘.