Xudeedi

Nomads
  • Content Count

    1,691
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Xudeedi

  1. Sacad Miskiin baa tahay oo aan mudnayn in loo jawaabo. It would disgrace my breathens and my fellow Makhiri's if i was to respond to your lame duck wishes. This is Laag, Bari, Somalia.
  2. Following the civil war, Sudan’s education ministry assisted Somali primary and Secondary schools through curriculum building, staff training, and other practices needed in order to maintain a viable education system. The curriculum in place for all of Sanaag’s 10 high schools is the same as the Sudanese and because of that a strong relationship emerged between the two communities. There are over hundreds of students who were graduates of Al-Furqaan Primary School in Badhan who now study in Sudan’s higher education institutions. Every year, over 50 students are granted scholarships from the region.
  3. Khartoum: Galabnimadii Jimcaha ee taariikhdu ku beegnayd 19-02-2010 ayaa ururka ardayda Gobolka Sanaag, waxa uu xaruntiisa ku qabtay xaflad lagu sagootinaayey Gudoomiyihii hore ee Ururka Mudane: Axmed Maxamuud Maxamed Geesood (Xamaada). Isaga oo safar ugu kicitimayey wadamada Uganda iyo Kenya, kadib markuu ka qalin jebiyay Jaamacadii uu ka waday dalkan Sudan. Kulanka Xafladda oo uu xidhiidhiye ka ahaa C/qani Faarax Kaabe (profka) ayaa waxaa ka soo qayb galay dhammaan xubnaha Ururka iyo marti sharaf kale, aayadihii qur’aanka kadib waxaa kulanka furay Gudoomiyaha waqtigan xilka haya Mudane: Cali Xasan Ayaxle , waxana uu gudoomiyuhu shaaca ka qaaday Ujeedada kulankan, isagoo sheegay inuu yahay, sagootinta Masuulkii hore ee Uruka Mr: Xamaada. “ walaalkeen Xamaada waxa uu ururka u qabtay guula waawayn oo la taaban karo sidaas darted waxa uu inaga mudanyahay inaan dareensiino guulihii uu soo hooyey intuu xilka hayay, waana shakhsiyad ina meteleysa meel kasta oo uu tago” sidaas waxaa yidhi Gudoomiye Cali Xasan Ayaxle. Waxaa isagana goobta ku sugnaa Eng. Maxamed Axmed Cali Madaxa xafiiska Maakhir Development Group (M.D.G) Kalmad lagu soo dhoweeyey Masuulka ayaa khibradiisa uga faa’iideeyey Ururka, isagoo tibaaxay in mar walba uu Ururka hiigsado himilooyin aad u sareeya, isku xidhkana uu ku dadaalo, maadaama buu yidhi Qurbe la joogo. Sidoo kale Ing-ku waxa hadalkiisa ku soo gunaanaday talooyin muhiim u ah Ururka iyo guud ahaanba Ardayda. C/qani Faarax Kaabe ayaa hadalka ku soo dhoweeyey Madaxa arimaha bulshada: C/kariim C/raxmaan Jaamac (Wasiirka) , waxayna kalmadiisu gabi ahaanba ku saabsanayd ka warbixinta Gudoomiyihii hore ee Ururka isagoo tilmaamay inuu yahay qof mudan in loo qabto xafladan, isagoo cadeeyey inuu yahay nin jecel horumarinta Mandaqadda, C/kariim ayaa intaa raaciyay inuu mudo lasoo shaqeeyey Xamaada. Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay marti sharaftii kale ee ka soo qayb gashay kulanka waxaana afkooda ku hadlay Mudane: Muuse Axmed Ciise. Isagoo muujiyey sida uu ugu faraxsanyahay ka soo qayb galka kulankan, Muuse waxa uu u sheegay kasoo qayb galayaashii kulanka inay Saaxiibo yihiin Gudoomiyihii hore Uruka Ardayda Sanaag isagoo yidhi isku diyaarad baanu ku nimid Sudan, kadibna isku qol baanu degnay. Kalmadihii la soo jeediyey ka sokow xubno ka mid ah Ururka ayaa soo bandhigay Barnaamijyo kala duwan kuwaas oo si wayn u soo jiitay kasoo qayb galayaashii xafladda Gebagebadii kulankan ayaa ku soo dhamaaday si farxadi ka muuqato, iyadoo qof waliba si gaara uu gacan qaadayey Gudoomiyihii hore, isla mar ahaantaana si kooxo ah ay sawiro isaga qaadayeen…. Dhahar-Radio
  4. JB: malaha waad qaadariyeysantahay. The chief Sultan did not visit Dhahar recently pointing to this rubish clearly made up story. "Sanaag Bari" waa xagee? In western Sanaag falls: Ceerigaabo (exceptional city) with diverse clan presents has a section (Suuqa Sare) where your clan has the Riyaale administration present. The other section (Suuqa Hoose) is administered by the chief Sultan of the native Makhiri sub-clans. JB: What about other towns in western Sanaag:(Shimbiraale, Dar-Asalaam, Ceel-Laqoday, Damala-Xagare, etc). Are they administered by Riyaale's pit? No Elections being held in Sanaag is as true as our good old myth of "Recognition".
  5. Xaaji: Your greatest ambition is reaching out to Maryan Mursal "Riwaayada recognition", what do you know of the lower Jubba?
  6. Maakhir:-Jaliyada Kenya oo Baaq ka Soo Saartay Xaalada Jubooyinkan Hadaanu nahay jaaliyada ka soo jeeda Gobolada Sanaag,Haylaan,G.G..Bari iyo Jubooyinka, ee jooga wadanka Kenya waxaan baaq wacyi gelin ah u diraynaa dhamaan jaaliyadaha ka soo jeeda goboladaasi kor ku xusan. Baaqaas oo ah in ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada iyo hawalaha ka socda wadanka Kenya, ku waasi oo ku wajahan sidii maamul iyo ciidamo loogu samayn lahaa Gobolada Jubooyinka. Iminkana la xereeyey ciidamo gaadhaya 2500 oo askari iyo maamul ka kooban 170 qof, maamulkaasi oo laga hirgelin doono gobolada Jubooyinka iyo degmooyinka ay ka kooban yihiin oo dhan, Ciidankan oo iminka tababar uga socdo Kenya magaalada Isiolo, oo ah wejigii kowaad ee tababarku ku bilowday,uuna jiro wejig labaad iyo sadexaad loogu talo galay in ay qabtaan gobolada jubooyinka. Sidaa awgeed waxaa looga baahan yahay dhamaan jaaliyadaha ku abtirsada goboladaasi kor ku xusan A) In aynu ka qaybqaadano hawlaha ka socda Nairobi ku waasi oo kala ah sidii qaybteena aynu uga qaadan lahayn ciidamada la qorayo iyo maamulka la dhisayo. B) Hawsha hore waxaa u bilaabay beelaha Ugaadeen iyo ********* oo keliya,sidaasi daraadeed beelaha ***** hada ay bilow u tahay hawshaasi, waxaa loo baahanyahay sidii aynu qaybteena uga qaadan lahayn waxqaybsiga *****ga inaga oo cudud wayn ku leh jubooyinka oo arinku quseeyo. C) Dhaqaalaha waxaa bixinaya dhinaca xeraynta iyo tababarka ciidamada, Dawlada Kenya, waxaase lay nooga baahan yahay in aan : Dhalintii iyo saraakiisii inooga qaybqaadan lahayd tababarka iyo maamulka D)Waxaa ciidanka markii uu tababarku udhamaado la siinayo hub iyo baabuurta Gaashaaman oo ku wa dagaalka ah Waxaa loo baahan yahay in aynu qabteena ka helno Waxaanu aad ugu boorinaynaa ugu war gelinaynaa cidii danaynaysa Jubooyinka iyo dadka dega ee asal ahaan Maakhir ku abtirsada ee ka soo jeeda goboladaasi oo dhami In ay shirar deg deg ah ka yeeshaan arinkasi,oo ay xidhiidh la soo sameeyaan Jaaliyada Maakhir ee wadanka Kenya oo iyadu ku hawlan arinkani. Sidoo kale in ay xidhiidh la sameeyaan duqayda iyo waxgaradka Jubooyinka degan ee reer Maakhir. Si dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshadu ay abaabulkaas iyo qaybsigaasi uga qaybqaataan. Nimaan hadlin hooyadii qadisay waxaa inagu badan erayga ah waa layna qadiyay ama meeshaasi cadkeenii lama keenin sidaasi daraadeer nin aad cadkiisa doonan nina ma siiyo. Hadaba halooga qaybqaato hawshaan si ay u hadho xanafteeda iyo hadal danbe oo ay yeelato. Waxaanu baaqaan dhamaan usoo jeedinaynaa qaybaha kala duwan ee bulshada sida Guurtida,Isimada.Aqoonyahanada,Culimaa'udiinta,dhalinyarada ,ururada bulshada iyo haweenkab eek u dhaqan dunida daafeheeda yar iyo wayn Arinkan yaan la dhayalsan jaaliyada iyo ururka dhalinta ee Maakhir Kenya waxay xusul duub ugu jireen mudooyinkaan sidii laysug xidhi lahaa oo xidhiidh joogta ah loogu yeeli lahaa dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshad Maakhir waqooyi iyo Maakhir koonfurta Soomaalia. Ilaah mahadi haka gaadhee waa hirgalay isku xidhka iyo isku dubaridka bulshada Maakhir koonfur iyo Maakhir waqooyiga Soomaaliya Jaaliyada Maakhir ee Kenya 1:Xasan Hilaali Ugaaska guud ee beelaha ******* ee geeska Africa 2.C/laahi Xasan Maxame "C/laahi Goobe" 3.Ismaaciil Xassan Guray 4.Aadan Xaji Cali "Aadan Ciid" 5.C/raxmaan Maxamed Maxamuud "Maacir" 7.Saleebaan Cismaan Saalax Gudoomiyaha Golaha Barbaarta Maakhir 8.C/salaam Cismaan Bulqaas"Khasnaji" 9.Cumar Saalax 10.Saalax Bulxan 11.Axmed X. Cawad 12.Axmed Faras 13.Xamse Aadan X.Ciise 14.C/qaadir Khaliif C/nuur 15.Mahdi Maxamed Maxamud 16.Cali Axmed Cali Jiis 17.Siciid Maxamuud Xassan 18.C/xakiin Timafaras 19.Axmed Ciise Abdi 20.Axmed Yuusuf Cali Ciid 21.Mukhtaar Cabdi Ducale 22. Faarax Maxame Aadan" Jiidhaa" 23.Axmed Maxamuud Maxamed "Basbaas" 24.Jaamac Ayaan Ismaaciil 25.Caasho Qaalib Maxamed 27.Ubax C/laahi Cartan 28.Cali Maxamed Xassan 29.C/raxmaan Nuur Cali 3.. C/laahi Aadan Ciid 31.Maxamuud C/qaadir Muuse "Xidig" 33.Maryan Maxamuud Faatax 33.Aamino Xirsi Faroole 34.Xaliimo Maxamed Cabdale 35.Xaawo Canbaashe wixii faahfaahin ah oo intaa dheer kala xidhiidh numberada hoos ku qoran : Ugaaska beelaha ******* Ugaas Xasan Hilaali +254721337776 Indheer Garad C/laahi Xasan Maxamed Goobe +254721661663 ama barta internetka ee Makhiryouthforum@hotmail.com ama P.O. Box: 00600 - 3292 Daabacaada:-Jaamac Feyte Dhahar.com Maakhir:
  7. DHAGAYSO---- Gudoomiyaha Jaaliyada Maakhir ee Kenya oo ka warbixiyey shirkii beelaha ***** ee magaalada Nairobi... Audio Link: http://www.dhahar.com/article.php?articleid=8988 Nairobi: Gudoomiyaha jaaliyada Maakhir C/raxmaan Maxamed Maxamuud oo ka warbixiyey shir ka dhacay magaalada Nairobi oo ay yeesheen beelaha ***** ee isla magaalada Nairobi. Shirkaasi oo looga arinsaney ciidamo Kenya lagu taba barayey oo ah ciidamada dowlada federaalka, isla markaasina loogu talagalay sidii ay maamul ugu sameynlahaayeen jubooyinka.
  8. Nairobi: Kulan ayay isugu yimaadeen Beelaha ***** ee ku dhaqan magaalada Nairobi,shirkaasi ayaa ahaa mid ay beesha ***** iyo Carab Saalax kaga tashaneeyeen Arimahooda, gaar ahaan Xaalada Juboyinkan ee cakiran. Siyaasiyiin badan oo uu ka mid yahay Raisalwasaarihihii hore ee Dawladii C/Qaasim Salaad Xasan Xasan Abshir Faarax ahna Mudane ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa Kulankaasi Goob Juug ka ahaa, iyo Gudoomiyaha degmada Kismaayo waa wakhtigii C/laahi Mr Tima Jilic, Cuqaal iyo Ganacsato. Dood dheer ka dib waxa la sheegay in Kismaayo ay tahay in Magaalo Istaaraatiiji ah isla markaana u Baahan in la bad baadiyo oo ay Beesha ***** iyo Beesha kale ee Meher Carab Saalax iska Kaashadaan qaabkii dib Magaalada Loogu soo celin lahaa. Waxa La xusay in Beelaha Ugu cududa wayn Jubada Hoose ee ka mid ah Beesha ***** Khaasatan Beesha Cawramale ee Warsangali.iyada oo la sheegay in Dhaqaale iyo Cudud lagu Taageero Ciidamada Beesha ee haatan ku Hadhay deegaanka Kismaayo. Qodobadii laysla soo qaaday waxa ka mid ahaa: 1- Xoojinta Jubbada Hoose Gaar ahaan Xarunta Gobolka ee Kismaayo. 2- Dar dar galinta Qorida Ciidamada Beelaha Jubooyinkan ee ay Tababarayso Dawlada Kenya. 3- Taaba galinta Maamulka laga wado Jubooyinkan iyo Ka Muuqashada Beelaha ***** iyo Carab Saalax 4-Isku xidhka Beelaha Dal iyo dibad iyo in Xidhiidh Joogta ah ay Yeesheen Cuqaashaha Beelaha. 5-Abuuritaan Sanduuq Dhaqaale oo lagu Maal Galiyo hadba Baahida Deg Deg ah ee markaasi soo is taagta,sida daryeelka Caafimaadka Saraakiisha Beelaha ee Tababarka Ugu jira Xeryaha dalka Kenya. 6-in la Abuuro 4Gudi oo kala ah 1-Gudi Dhaqaale 2-Gudiga Marjac ah oo Loo Noqdo 3-Gudi Abaabul ee ka Fadhiisata Shirarka iyo qaabkii loo Agaasimi lahaa.4-Gudi Siyaasadeed Waxa iyana xusid mudan in aad looga hadlay Arinta Laas-caanood oo la sheegay inay tahay Magaalo Muhiim ah oo ka Maqan acanta Beelaha ***** iyo Beesha Carab Saalax isla markaana laga shaqeeyo qaabkii dib loogu soo celin lahaa, sidoo kale Amaan xumada Puntland la soo daristay ayaa si xoogan loo lafa Guray, meeshan aad loogu soo cel celiyay inay Pl tahay Meesha kaliya ee Beelihu Miisaanka wayn ku Leeyihiin isla markaana ay u baahantahy Bad Baado. Hadaba Arimahaasi oo dhan ayaan Waraysi Maqal ah kala Yeelanay C/raxmaan Maxmed Maxmuud Maacir oo ku Hadlay Afka Reer Maakhir Dhawaan hadii eebe Idmo ayaan idiin Soo gudibin Waraysigaasi. Dhahar.com Xarunta Africa
  9. Adeer those are 1992 Badhan Photos: (Ama ku farax ama ka nax) this is how Badhan looks like as of 2008
  10. Secessionists in this thread are excited over an international non-profit that established an office in Sanaag’s largest city. If that is where you think the “fairy tale” of recognition lies, then Kudo’s to Riyaale’s regime. The Red Crescent is in this term like Horn-Relief, Horn Relief has a base in Boorame, does that mean that Boorame is seeking to be part of Puntland? Nassir iyo Paragon, Secessionist are humiliated themselves with their lack of comprehension. ee nimanku Riyaale ayaa aqoonsi u helaayo ee iska daaya. Aqoonsi marna Maryan Mursal laga raadiyo, hadana waa Badhan. (Cajiib)
  11. lol@ the disputed marks. Somalia's issues can best be defined as a resource conflict. No clan controls or disputes the region of another clan. What you see is a constant shift of alliances under the banner of regional admins primarily founded on the basis of kinship ties.
  12. Originally posted by The Zack: quote:Originally posted by Koora-Tuunshe: Zack: you might be right on something I dont hear, but I agree with you that Abbas is better singer. Here is one where he is performing live in Denver: Koora, very classic song! Thanks for sharing! Very Classic dhaanto!
  13. Originally posted by Xidigo*: Oh lord! mid ilka farda ah leh iyo mid madax burus ah. Heesta ugu horaysa iyo tan ugu danbeysaan ayaan u jeedaa. Xidigo, read about Abbas. His album is soon to be released. SOL the cast for Danab.
  14. War Deg Deg Ah--Shirka Hol Hol oo si Rasmi ah u Furmay Galabta oo Warar Been ah Hore Looga Fidiyey Garaad Ismaaciil ayaa maanta u sameeyey Qado sharaf isimada Sool ee shirka isugu yimmi qada sharaftaas oo si heer sare ah loo soo agaasimay Gelinkii Dabe Markii la tukaday salaada casar ayaa shirku si rasmi ah u furmay iyadoo lagu sharfay furitaanka shirka garaadkii lahaa Marti qaadka oo halkaas ka jeediyey khudbad aad u qiima badan uguna baaqay in shirku noqdo ay ka soo baxaan go,aamo ummadda u noqda masiir. Dhinaca kale garaad jaamac ismaaciil ayaa uga mahad celiyey isimada ssc ee ka soo jawaabay gogoshuu u dhigay iyo marti gelinta isimada ssc. Dhinaca mar radio laascaanood la xidhiidhay madasha shirka ayaa na loo xaqiijiyey inaysan jirin warar been abuur ahaa oo laga fidiyey shirka iyo in maleeysiyaadka dirta qabsadeen gogoshii iyo dhamaan wufuudiiba. Si kastaba ha ahatee shirka ayaa waxaan ilaa hadda ka soo qayb gelin garaad jaamac garaad cali iyo ugaas faarax oo markii hore ugu sugnaa garoowe isla markaana ay isimada mar kasoo wada baxeen magaalada garoowe balse aan soo gaadhin madashii shirka ilaa iyo hadda. Source: Boocame
  15. War Deg Deg Ah--Shirka Hol Hol oo si Rasmi ah u Furmay Galabta oo Warar Been ah Hore Looga Fidiyey Garaad Ismaaciil ayaa maanta u sameeyey Qado sharaf isimada Sool ee shirka isugu yimmi qada sharaftaas oo si heer sare ah loo soo agaasimay Gelinkii Dabe Markii la tukaday salaada casar ayaa shirku si rasmi ah u furmay iyadoo lagu sharfay furitaanka shirka garaadkii lahaa Marti qaadka oo halkaas ka jeediyey khudbad aad u qiima badan uguna baaqay in shirku noqdo ay ka soo baxaan go,aamo ummadda u noqda masiir. Dhinaca kale garaad jaamac ismaaciil ayaa uga mahad celiyey isimada ssc ee ka soo jawaabay gogoshuu u dhigay iyo marti gelinta isimada ssc. Dhinaca mar radio laascaanood la xidhiidhay madasha shirka ayaa na loo xaqiijiyey inaysan jirin warar been abuur ahaa oo laga fidiyey shirka iyo in maleeysiyaadka dirta qabsadeen gogoshii iyo dhamaan wufuudiiba. Si kastaba ha ahatee shirka ayaa waxaan ilaa hadda ka soo qayb gelin garaad jaamac garaad cali iyo ugaas faarax oo markii hore ugu sugnaa garoowe isla markaana ay isimada mar kasoo wada baxeen magaalada garoowe balse aan soo gaadhin madashii shirka ilaa iyo hadda. Source: Boocame
  16. Garoodi: Silly young boy who continues to highlight the inferiority complex that was long susceptible to North-Westerners. This has nothing to do with Northwesterners, it is between one family and will soon be resolved.
  17. Thank you Duke, Xudedi is back on his feet to run marathons.