Xudeedi

Nomads
  • Content Count

    1,691
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Xudeedi

  1. Zack wants to hear that Mr.Donyale wrote the lyrics to the song "Xornimo" and "Shacabka *******ia" Lol Adeer the man is educated and has MBA crediantials, wether you consider that as exceptional achievement or not is up to you. Trully the people of Puntland saluted to our shining star, Saalax Donyale
  2. The region produced many MD’s and MBA holders, thus his popularity stems from his leadership qualities as Mr.Donyale led many projects that were implemented in not only the region but Somalia as a whole. He constructed the soccer stadium in the city and is now in the latter stages in building the largest mosque in the region. He is also known for lobbying for emergency relief efforts like the relief effort for Kismayo residence during the lower Jubba flooding. Today the residents of Baraagaha-Qol greeted him in thousands to both support Somalia’s first Public Radio initiative and to acknowledge his efforts. Off course Mr.Donyale could have not accomplished this alone. It was input and help of many great friends such as our Great General Duke and our talented Nassir. Great Job all you guys
  3. Magaalada Baraagaha-Qol Oo Si Diiran Loogusoo Dhaweeyey Saalax Donyaale iyo Mas’uuliyiinta Somali Public Radio Baraagaha-Qol: Dadwaynaha ku dhaqan magaalada Baraagaha-Qol ee Gobolka Haylaan ayaa si weyn oo aaney u kala harin u soo dhaweeyey Mudane Saalax Donyaale, oo galabta booqasho la sugayey kusoo gaaray magaalada Baraagaha-Qol ee gobolka Haylaan. Dadweyne fara badan oo isugu jiray qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa uga hor tagay duuleedka magaalada, halkaasoo iyagoo caleemo qoyan lulaya uu madaxa Idaacada SPR Mr. Donyaale mid mid u gacan qaaday. Gawaari farabadan u ka babanayo calanka Jamhuuriyada iyo waliba astaanta idaacada Somali Public Radio ayaa soo dhaweeyey wafdiga, iyagoo shacabweynuhu muujiyey baahida ay u qabaan idaacad tayo leh oo u adeegta shacabka gobolka Haylaan iyo guud ahaan inta afka-Somaaligu ku hadasha. Mudanuhu ayaa u mahadceliyey dhamaan dadweynaha magaalada Baraagaha-Qol, qeexayna in idaacadu ay ka qaybqaadan doonto horumarinta tacliiinta, isu soo dhawaanshaha bulshadu iyo waliba la-dagaalanka xaalufka oo ay si ba’ani u saamaysay degaankaasi. Waxaa durbadiiba mudanuhu la qaatay shirar qaybaha kala duwan ee bulshadu. Ugu dambayntii waaxaa mudanuhu iyo mas’uuliyiinta la socotay loo galbiyey aqal loo diyaariyey iyadoo la filaayo saacaduhu soo socdo uu shirar qaas ahi la qaato duqa degmada iyo odayaal dhaqameedka magaalada Baraagaha-Qol ee gobolka Haylaan. Yuusuf Axmed Jaamac Dhahar.com
  4. Libaah: Unlike dictator Riyaale, Saalax Donyaale represents the people's voice
  5. The Trojan is more than likely sensing your sub-sub clan infection that you suffer from. Dhahar.com problem will be treated by Libaax-Sankataabte (kindly) but your disease will eternally haunt you. Your frustration with Faroole, Ilka Jiir and dhahar.com fueled by Cade’s incompetency is only a problem for you. Saalax Donyaale represents a new generation of leadership. The Land Cruisers will excelerate all the way to Garoowe and the crowd will keep cheering for this revolutionary media outlet (SPR). New site under construction www.spr.fm
  6. Hundreds of Cars Drove to Meet "Somali Public Radio" 25 Killometers from Dhahar
  7. Originally posted by Thankful: We need someone that can unite everyone, who can draw crowds from all sectors of society and is seen as a influential role model throughout the different towns and cities, not just their own area. Salah N. Donyale has written many articles that seem to have the same theme of using the clan card as an argument everytime. He will speak against other groups, but when it comes to his side like Ilko-Jiir he is a staunch supporter that defends him tooth and nail. No matter how strong the evidence is! I rarely see any of Puntland other big websites making clan accusations when criticized like Salah does. He is definitely a role model to a portion of society and I have no doubt this new public radio station will be used to promote his agenda. What he is doing is good, but I am not a fame of some of his articles and the excuses he uses. Thanksful, its obvious what bothers you but please take your crocodile tears of hate somewhere else. Mr. Saalax Nuur Saalax Donyale is a hero to many Somali's and Puntlanders as evidenced by the enormous welcome he has received in his motherland. The Salah Donyale family is a large family and the articles that your reffering to was written not by Salah but by brothers and other Donyale relatives. You must be reffering to these specific articles both whom were not written by Salah Nur Salah Donyale. http://www.biyokulule.com/view_content.php?articleid=2166 http://www.dhahar.com/article.php?articleid=9092 http://www.hiiraan.com/op2/2009/dec/the_greatest_impediment_to_puntland_s_progress.aspx Both of these well written pieces upset you only because they are critical about the administration. Never the less your sorrow comments appease me.
  8. On his left is Coronel Doonge, Police Chief of Babladay District of Bosaaso. Behind him is Service director of the information ministry.
  9. Mr.Donyale is a hero long awaited. Thanks Duke for your update
  10. http://www.somalifans.com/ Dhamaan Bahda Somalifans Online waxa ay hambalyo U dirayaan Mudane Saalax Nuur Saalax (Doonyaale) iyo Weliba Warbaahinta Qarniga Cusub ee SPR (Somali Public Radio: Idaacada Bulshada Soomaaliyeed), Waxana leenahay Saaxiibkeen Saalax ku soo dhowoow Dhulkaaga Hooyo Welcome Home, Mr. Donyale
  11. Salah Nur Salah Gudoomiyaha Idaacada SPR oo lagu soo dhoweeyey magaalada Bosaso Bosaso: Waxaa duhurnimadii jicmada ee xilliga magaalada boosaaso si diiran loogu soo dhoweeyey Airport-ga magaalada bosaso Salax Nuur Salax Gudoomiyaha Idaacada SPR ee Somaliya kaasi oo safar shaqo uyimid deeganada Puntland. Kumanaan dad ah oo isugu jira dhilanyaro rag iyo dumarba isla markaasina watay boorar ay ku xusantahay soo dhawaynta warbaahinta SPR iyo waliba Gudoomiyaheeda Salax Nuur Salax ayaa waxa ay saacada ka hor sii tageen gegida diyaaradaha Benderqaasim, islamarkaasina muujiyay dhiirananta iyo wanaaga ay u hayaan warbaahin cusub oo laga dhiso Soomaliya iyo waliba imaatanka Salax Nuur Salax oo horay looga bartay waxqabad iyo waliba horumar uu kusoo kordhiyo bulshada. Inta uu kusugnaa Benderqaasim airport ayaa waxa uu bulshada usheegay in uu uyimid dadkiisa iyo dhulkiisa si uu wax ugu qabto islamarkaasina oo rajaynayo qacan qabasho wayn oo uu kahelo dadka reer Puntland. Taariikh Kooban oo kusaabsan Saalax Nuur Saalax (Donyale) Saalax Nuur Saalax waa muwaadin soomaali ah oo haatan ku nool dalka Maraykanka, Waxana uu ku dhashay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, waxa uu waxbarashadiisa inta badan uu ku qaatay dalka maraykanka isaga oo gaaray ilaa heerka Masterka Jaamacada oo uu ku diyaariyay dhaqaalaha (MBA: Master of Business Administration) Salax waxa uu ahaa nin ku dhiiran wax u qabadka dalkiisa iyo dadkiisa meelkasta oo uu joogo waxana uu ka qaybqaatay hirgalinta barnaamijyo badan iyo waliba kaalmayntooda sida Dhismaha Webka Dhahar.com, Gacansiinta tartanka heerka gobol ee Puntland oo ay kuguulaystay gobolka Sanaag, iyo waliba barnaamijyo kale oo aan lasoo koobi karin. Ugu danbayntii Saalax waxa uu hada wadaa barnaamij oo ugu talagalay warbaahin aad u awood wayn oo ka hawlgali doonta intabadan Dawlada Puntland gaar ahaana Gobolada Bari Karkaar Sanaag iyo waliba Gobolka Haylaan. Bahda Dhahar.Com waxa ay hambalyo U diraysaa Waxqabadka Salax Nuur iyo waliba Soo dhoweynta dadka reer Boosaso ay u muujiyeen Warbaahinta SPR (Somali Public Radio: Idaacada Bulshada Soomaaliyeed) F.G Sawirada Soo dhoweynta Dib ayaan idin kaga soo gudbin doonaa C/casiis Ahmed Dhahar.com
  12. I’m very disappointed by the silence of the administration and lack of addressing this issue will only backfire on Faroole, Ilka Jiiir and their likes that are lead politicians of the community. Nevertheless, congrats to Xaglatoosiya’s effort, it seems as if a change of season began in Sool. The secessionists are afraid, weak and are backtracking as the day’s progress. Xaglatoosiye will be the next president of Puntland.
  13. Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Garoowe iyo Bosaaso ayaa sheegaya in Wasiiro iyo Wasiiro Xigeeno kamid ah Maamulka PL oo Kaashanaya Xildhibaano Golaha Baarlamaanka ay ku sii jeedaan Sanaag iyo Hayland ,Waftiga ayaa is kala qabiyay waxana la sheegay in qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo Wasiir ay Gaadheen Gobolka Hayland sida Xarunta Dhahar iyo Tan ku Xigta ee Xingalool Xildhibaan C/Xakiin Xaaji Maxamed [Dhooba Daareed] iyo Wasiir Xigeenka Dhalinyarada iyo Sportiga Siciid Daahir Qodax ay Gaadheen Degmada Dhahar iyo Xarunta Hayland halka ay Kulamo la Yeelandoonaan dadka deegaanka Wararka ayaa sheegaya inay u sii Gudbayaan dhanka Degmada Xinaglool iyo Degmada Wardheer ee Sanaag. Sidoo kale Wasiiru"Dawlaha Madaxtooyada Cumar Salaax Xamari iyo Wasiir Xigeenka Dekedaha Abshir Siciid Salaax ayaa La sheegay inay Gaadhaan Hadaaftimo ilaa Degmada Yubbe waxana ay iyana Arkidoonaan Odayaasha deegaanka ee degmooyinka ay Gaadhayaan. Xildhibaan Axmed Cali Xaashi oo ahaa Mar Gudoomiye Baarlamaan iyo Xildhibaan C/laahi Ali Xasan [il Bir] iyo Wasiir Xigeenka Maaliyada Mr Maxamed C/laahi Bootaan waxana la sheegay inay Gaadhidoonaan dhanka Degmada Warshadaha Badan ee Laasqoray ilaa Buurta Rogan ee Macagta Mashxaleed Socdaalka Xubnaha Reer Sanaag iyo Puntland ka tirsan ayaa Ujeedkoodu Yahay inay Buslahda Reer Sanaag iyo Hayland Wada Tashi la Yeeshaan isla markaana u SHeegaan Mawqifkooda ah inay dadku Yihiin Maamulka Puntland. Xildhibaan C/Xakiin Dhooba Daareed ayaa dhawaan BBC-da Mar uu la hadlay sheegay inay aad uga xun Yihiin Fara Galinta Somaliland ee Sanaag iyo Hayland isaga oo Beesha Caalamka Ugu baaqay inay il Gooni ah ku eegaan Daan Daansiga Somaliland ay Wado. Xildhibaan Cabdi Qani Diiriyi iyo Xildhibaan C/laahi Ducaaale,Xildhibaan Kutubo ayaa Hada ku Sugan Dhahar waxana ay Safarkoodu Gaadhidoonaan Buraan ilaa Baliga iyaga oo mudo ku Sugnaandoona Xarunta Hayland ee Dhahar Waa Waftigii ugu Miisaanka Cuslaa ee Sanaag Gaadha tan markii la doortay Madaxwaynaha Pl Horaantii Bishii Janaayo ee sanadkii 2009- Source-Dhahar
  14. Badhan: Waxaa saaka aroornimadii soogaadhay magaalada badhan ee gobolka sanaag wefti aad ubaaladhan oo kasocota dowlad goboleedka puntland, wefdidaas oo isugu jiray wasiiro, wasiiro kuxigeen iyo xildhibaano katirsan maamulka dowlad goboleedka puntland oo uuna horkacayey wasiiru dawlaha dawlada puntland En-Cali Saalax Xamari. wasiirkuxigeenka wasaarada dekedaha,Abshir Siciid Salax, wasiirkuxigeenka wasaarada maaliyada Maxamed C/laahi Bootaan iyo xildhibaano uu kamidyahay Cismaan Dalmar (Cismaan Baatrol),wefdidatan ayaa si heersare ah loogu soo dhoweeyey magaalada badhan iyagoo meelabadana kormeer kusoomaray sida xeryaha ciidamada iyo cusbitaalka magaalada badhan,iyagoo waraysi badan layeeshay masuuliyiintii aya kulakulmeen meelahaas ay booqdeen kana dhegeystay warbixin aad udheer oo katurjumaysay baayihii karjiray goobahaasi.intaas kadib wefdida ayaa ukicitantan guriga gobolka iyadoo uu horkacayo gudoomiyahay gobolka sanaag Maxamuud Siciid Nuur (Dabayl) Ahmed haji Mohamed (findhe) Sanaagpost News Desk/Badhan
  15. Cali Ceelaayo: Former directory of Puntland's Chamber of Commerce and Chief Officer of Laasqoray Tuna Factory (Somalia's largest industry)
  16. Madaxwaynaha Maamulka Pl C/raxmaan Faroole ayaa u duulay Maanta Dalka Turkiga halkaasi oo SHir Xaalada Somaliya Looga hadlayo, Waftiga Madaxwaynaha waxa ka mid ah Wasiir iyo Wasiir xigeeno sidoo kale Rugta Ganacsiga PL ayaa Waftigaasi iyana la socotay,Masuuliyiin ka Tirsan Warshada Laasqotay ee Kaluunka Soo Saartay ayaa ka mid ah Waftiga Garoonka Garoowe ka duulay. Madaxwaynaha oo BCC-da La hadlay ka Hor intii aanu Dhoofin ayaa sheegay inay Shirkaasi ka qayb Galayaan isaga oo Xubnaha la socdaa isla markaana ay Beesha Caalamka Kala xaajoonayaan siidi Maamulka Puntland Looga Taageeri lahaa Arimaha Amaanka Kobcinta dhaqaalah iyo Horumarinta Mashaariicda. Faroole ayaa xusay inay Lagama Maar maan tahay in ay Pl Beesha Caalamka ka dhaadhiciyo inay Haystaan Amaan iyo Kala Danbayn isla markaan ay dagaal kula Jiraa Budhcad Badeeda. Shirkaasi ayaa la sheegay in Arimaha Somaliya Guud ahaan lagu Gurfaynayo waxana dhanka Dawlada Somaliya uga qayb Galay Madaxwaynaha Somaliya Sheekh Shariif Walaw Khilaaf Siyaasadeed soo Food saaray Dawladiisa. Xubnaha ka socda Warshada Kalluunka ee Laasqoray ayaa waxa Hormuud u ah Maareeyaha Guud ee Warshada C/raxmaan Maxamed C/laahi kaasi oo Ujeedkiisu yahay inuu Caalamka u sheego in Warshada Kalluunka ee Laasqotay ay Gaadhay Meel Heer Sare ah isla markaana ay tahay Mid Geeska Africa Kaalin wayn kaga Jirta Marka laga hadlayo Wax Soosaarka Dalka Somaliya Dhahar Radio
  17. As the title suggests, the minister reinforced Makhiri political position and re-highlighted the communities political position in Somalia’s perplexed political environment. His attendance in this conference consolidated consensus in the communities powerful diaspora. The General is only an individual but his political alignment is indeed symbolic. Great Job to this organizers of this historical event.
  18. Shirkii Jaaliyada Reer Maakhir ee UK ayaa waxa u qabsoomay si habsami ah, geba gebadiina uu kala ka soo qayb galay Wasiirka arimaha gudaha Puntland oo howl shaqo u yimid wadanka Ingiriiska gelinkii danbe ee maanta Shirkan oo ay ka soo qayb galeen Dhamaan qaybaha kala duwan ee Jaaliyada Maakhir oo degan Dalka Ingiriiska Daafihiisa. Shirkan oo ay ka hadleen Waxgarad iyo aqoon yahano tiro badan oo ahaa kulan ay isugu yimaadaan kii ugu weynaa ayaa waxa ka mid ahaa xubnihii ka hadlay Xasan Cumar Hoori,Yuusuf Cali Fanax,Ibraahim Faras,Cali Guray Dirir, Cabdiraxmaan Faahiye, Faadumo Maxamed Xirsi iyo Dhamaan xubnihii hore ee degaanka iyo kuwii qaban qaabada iyo Marti Sharaf mid walba metelayey Gobolkii uu ka yimid sidoo kale Culumaa udiin ,ganacsato,Aqoon yahano waxa kaloo ka hadlay Xubno ka socday ururka haweenka Reer Maakhir ee UK Shirkan ayaa u qabsoomay dhamaan sidii loogu talo galay inuu u dhaco ,xubnihii yimidna ay isku raaceen iyaga oo wada jir ah ayna Jaaliyadu g'oaansatay in Dalkii iyo Dadkii wax loo qabto. Wasiirka arimaha gudaha dawlada Puntland oo hawlo shaqo ah u yimid Maanta Gelinkii danbe Wadanka Ingiriiska isaga oo ka soo kicitimay Dalka Joordan ee Bariga dhexe oo uu halkaas u aaday shaqo howleed ee dawlada Puntland ,ayaa aad u soo dhoweeyey Jaaliyad tiradaa leh oo Reer Puntland ah oo ka tashanaysa sidii ay wax ugu qaban lahaayeen Dadkooda iyo Dalkooda. Ugu danbayntii Xubnihii gudiga iyo sawiradii shirka gadaal ayaan idiin ka soo gudbinaynaa Allsanaag.com