gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Posts posted by gooni


  1. Inqilaab yaa kugu socda joojinta qaadka, macnaha habraha kale yaa doonaya in ciidanku lumo halkaasna lagaaga faa'iidaysto mudane biixi.

    Qaadku wuu noo hiiliyay berigii joojintii siyaad barre, macnaha jamhuuriyada barakaysanba jaadkaa xoreeyay.

    Dadka markaad waalli ku ogayd, Waa ladnaadeen mooyee, waa buskoodeen lama rumaysto.

    Jaadku waa xaaraan
    Qofka ka ganacsada lagama kafni karo markuu dhinto maalkiisii, waa kasab daroogo ama maan-dooriye.

    Caruurta lagu koriyo waxaa ka barako badan kuwa yaanyada iyo basasha gada maalina qada maalina hela.

    Oday dhaqameed mujtamiciisa daroogo inay cunaan ugu doodaya waa masiibo aad u wayn. 

    Waxaa aakhiradooda iyo aduunkoodaba u fiicnayd inay dhahaan ciidan yar noo soo dira anagaa la shaqaynayna oo naqaan jidadka ay kasoo galaan.

    Allaha soo hadeeyo.


  2. Dooda faraha badan oo aan laysku fahmayn waxaa ka fiican inaad ingiriiskii u noqotaan markii ugu dambaysay.

    Waxaad waydiisaan koonfurta ma adigaa nagu daray mise anagaa doonanay?

    Hadii uu ku jawaabo anigaa isku kiin daray dhulka fariista oo ka barya inuu idinkasoo celiyo.

    Hadii uu dhaho adinkaa doortay inaad walaalihiin la midawdaan, shalay iyo cataw caado rageed ma'aha aan lafta jabtay kabno oo iskaashano aqoonsi aakhiro lagama sugo waa wax waa hore dhintay.


  3. Rag ku tashaday inay mugdi fadhiyaan 100 sano waa talo xumeeyeen.

    Soomaaliya oo dhan xoriyadii ugu horaysay oo ay hesho waxay ahayd tii ingiriiska ay ka qaadatay.
    Intaa miyaan isku diidanahay?

    Kaana siib, kanna saar, waa waqooyiga waxay ka dhacday waana calanka buluugga ah.
    Intaa miyaan isku diidanahay?

    Shanta xidigood tii ugu horaysay yaa iftay.

    1luulyo calanka koonfurta la suray waa kii hargaysa laga keenay.
    Intaa miyaan isku diidanahay?

    Halkaa waxaa kasoo baxay labo xidigood oo ifaysa oo xidig qudha isku noqday.
    Intaa miyaan isku diidanahay? 

    Gocoshada danbe weeye waxa snm la habawday.

    Maan jamhuuriyad gaara noqono

    Maxaa naloo aqoonsan la'yahay.

    Soo tii ingiriisku dhar gaara noo toli jiray, maxaa talyaani wax noogu daray.

    Xoriyadeena aan kasoo bilowno geeridii siyaad barre dabadeed

    Dagaalkii sokeeye aan xasuuq u bixino si loo waraysto kun mujaahid oo nool.

    Waxaas oo dhan marka laysku soo duubo waa khiyaali aan waxba ka jirin dad muslina oo waalaalo ahna laguma kala goyn karo.

    Gaalku haduu dad fiyow oo caafimaad qaba meesha ku ogyahay wada hadal naguma daaliyeen 30 sano ilmo qubabaysana ma fiirsadeen.

    • Haha - That was funny. You made me laugh! 1

  4. 12 hours ago, cadnaan1 said:

    Adigana qabiil ayaa ka dhex hadlaya war lacagtan waxay aheed in lagu caawiyo barakacayaasha collaadaha iyo abaaraha kasoo qaxay ee nolosha xun Ku dhex hayso magaalooyinka ee dad aan colaad iyo abaar toona arki in loo sadburiyo waa ceeb iyo xaq daro.

    Cadnaan
    Qabiil waligay igama dhex hadlin adigay kuula ekaanaysaa markaad niyadda ka shidan tahay.

    Intee sano yaa dayniile wax lagu cunayay xalaal iyo xaaraan midkay noqotaba, qof saxankooda gacanta kula jira miyaad aragtay?

    Waa maalin dab-shid waxa aad kuula wayn.

    Badhan waxaa ku nool dad aad u badan oo xataa Ethiopia kasoo barakacay dad xoolihii ka dhamaadeen waligeena maan maqal wax la taray.
    Barakacayaashu soo soomaali ma'ahan dhamaantood?
    Maxaa kala fadalay?

    • Thanks 2

  5. Ma jirto dawlad khaliijka ah oo dawlad kale ka go'day ama wax isugu jireen markoodii horeba.

    Somaaliya labo jeer dawlad ma noqon calanka buluugga yaa hargaysa la taagay 26kii jun 

    Ayagoo indhaha isku haysta bay inkiriyaan taariikhda saxdaa.

    Ingiriis yaa gooni noo gumaysan jiray sharci lagama dhigi karo, waxaan suurto gal ahayn nafta laguma dhibo.

    Hadii gaal baa nasoo hadal qaaday ee dhagaysta arintu tahay sodon sano yaan mujaahid iyo gaalba dhagaysanaynay waxna kamasoo naasa cadda.

     


  6. Waa istaahilaan in loo sadburiyo badhan, waayo cidna lama qaybsan daruuf kastoo soo martay duufaano abaaro iyo barakac intaba.

    Wuxuu is barbar dhigayaa dhuuso mareeb iyo badhan wax walba isbaaro waa inay ka raadiyaan. 

    100 qoys ma degana dhuuso mareeb magac ahaana waa magaalo qadiim ah laakiin kaneeco iyo colaad looga cararay nus qarni ka badan.

    Xoogaa yar oo qoysas ay dab ku shitaan waa ceeb inay ka hadlaan, ayadoo boqolaal mashruuc ay ka heli karaan gobolada ay joogaan.

    Snm ayadu waxay noqotay ilmo yar oo ku daba socda oo marba kabta kaaga istaagaya, wax kasoo qaad ma leh, inaad dhinac uga leexato mooyee.

    • Like 1
    • Thanks 1


  7. Ilaahay asagaa hanuuniya qofkuu doono qofkuu doonana baadiyeeya.

    Waxaa laga yaabaa qalbigaaga oo macsi ka buuxdo inuu si dhakhsa ah wanaag ugu badelo

    Ama qalbigaaga oo wanaag ka buuxo uu si dhakhso ah u macsiyoobo

    (Allahuma muqalabal quluub tabit qaluubnaa calaa diinuka)

    Aragtidayda hantidu ma badna balse waxaa la rabaa intii karaankiisa ah inuu ku dadaalo oo helo dadkii hantidaas iska lahaa xataa qayb ahaan inta kasoo gaartayna uu u celiyo

    Hadii uu waayo ama ka quusto ka dib yuu culumada kala tashan karaa waxa laga yeelayo.

    Xoolo kasabkoodu xaaraan yahay ma lagu xajin karaa?

    Fatwada waxaa xaq u leh qofkii cilmeegeeda iska leh
    Waligaa qiyaas laguma fatwoodo xataa dadka cilmigeeda leh yaa ka baqa oo aan ku deg-degin.

    Jawaabta aan ka maqlay ha'ayat culuumaa fataawi waxay ahayd

    Haa waa lagu xajin karaa balse darajada ajarka qofka yaa hoosaysa.

    Caqligaaga caadiga ah kuma siinayo lacag xaaraan ah yaa lagu xajin karaa, shardiga ugu wayn waa inaad ka towbad keentaa wixii dambi ah oo kaasoo dhacay.

    Waxaase laga fiirinayaa towbada qofka ama inuusan sii habaabin, waxaa la badiyaa sadaqada salaada iyo alle ka cabsi oo dhan ama wax alle iyo wixii aad rabbi ugu dhawaan karto.


    Dambiga aad ilaahay ka gasho iyo kan aad aadanaha ka gasho waxaa khatar badan ka aadanaha aad ka gasho, sababtoo ah waxaa lagaa rabaa inaad aadanaha hor istaagto, ilaahayse waa qafuuru raxiim awoodoo dhan isagaa iska leh.

    Wali culumadu ma banaysan karaan sabarloogo iyo waraaqo ayagoon helin dadkii hantidaas iska lahaa asal ahaan hadaysan horay u dadaalin.

    • Like 1

  8. Sababta loo aqoonsan waayay
    Waa labo arimood aragtidayda

    Mid wuu sheegay oo soomaaliya way sii kala jajabaysaa hadii gobolada qaar la aqoonsado dhib badan yaa lagala kulmayaa mustaqbalka.

    Iyo tan ugu muhiimsan oo ah
    Waxa u ololeeya aqoonsiga snm waa ragga gacmaha jilicsan oo muxaafidka afrikaanka carabta, muslinka iyo dunidaba aad uga caraysiiyay.


  9. Kilinka
    Caam ahaantiis magiciisa saxdaa waa soomaali galbeed
    Qof qori deegta saaray oo aan dambi ka gelin dad kaloo soomaaliyeed ma jiro xataa haduu doono geel ha la joogo.

    Waxaa ila fiican inaan "uus" la kor istaagin oo dhinac laga maro.

    Wixii dhintay ama jabhad magaceed halagu dilo ama qabiil ama jufo halagu dilo waa xisaab soomaali account'geeda ka baxday, dib yaan loogu noqon aragtidayda.

    Xusbiyada siyaasadda haday is riixayaan shalay, yaysan dooda ka bilaabin ayagoo heli kara maanta iyo beri.


  10. Dr.odweyne

    Waxaas aad tirisay oo dhan, ama aad farmaajo ku sheegtay, waxaa ka wayn jacaylka ay snm u qabto Ethiopia. 

    Qof kastoo caqli leh wuu u jeedaa sida qoraxda mana qarsadaan haday qayilaan iyo hadii kaleba.

    Wada hadal?

    Khalad wayn, yaa ku jira hadaan la sixina wax macno ah yeelan maayo abid aragtidayda.

    Muxuu yahay khaladku?

    Snm waa munaafaqiin aan daacad noqon waligood, naftooda iyo dadkoodana been u sheega, waa inay meesha ka baxdaa arintaas.

    Mar waxay leeyihiin wada hadalka waxaa hor taagan waa beel, oo marnaba la hadli mayno beeshii siyaad barre oo xasuuqa noo gaysatay.

    Marna waxay leeyihiin ma doonayno dad lahjada waqooyiga ku hadla inaan hor fariisano.

    Mar kalana waxay leeyihiin aan u wada hadalno qaybtii ingiriiska iyo talyaaniga.

    Qaybtii talyaaniga haday USC kaliya u arkaan ama beel ahaan, 30 sano farmaajo ka hor maxay wax un ugula heshiin waayeen soo walaalahood ma'ahan?

    Mar afaraad waxay leeyihiin aan goobo badan la fariisano si munaafaqdaysan, ama aan hadhaw ugu sheegno ingiriiska in laysku daalay.

    Xagee timahoodu u xiirmaan marka walaalayaal?

    Nabad aad ceeb la dhex fadhido waxaa dhaanta qarax aan marnaba is taagin.

    Waa xaqiiq jirta oo aysan dareemi karin ilaa qoraxdu qabato.

    Ilaahayna ma jecla dadka musrifiinta ah oo xoolahooda iyo nabadooda daroogo ku badesha beena ku meeraysta iyo waxaan anfac lahayn.

    Xasuus

    Waad ii sheegi kartaan hadii ay jirto in wax sharuud ah ay koonfurtu ku xirtay wada hadalka snm, waligayna ma maqal.

    Ingiriiska na geeya....waa hagaag.

    Turkiga na geeya...waa hagaag

    Ethiopia na geeya.... waa hagaag

    Israel na geeya....yaa noo harsan waana midaan ku kala bixi lahayn.

     


     


  11. 17 hours ago, Oodweyne said:

    ^^^^

    Gooni,

    Saaxiib, marka aan ku idhaahdo waxa aad tahay hacoo aqligii ka foorarsatey, ama waxa aad tahay "qowsaar askari" u ahaan jirey Afweyne, maantana "tagsi-wade" ah, oo darbiyadda ku dawakha marka uu kala garan-waayo shaaricii uu mari lahaa, tan aad halkan ku soo qortey ayaa u daliil ah. 

    Taas-na waxa aan u leeyahay hadii kuwan Hargeysa kasoo cararaa ay"roob-doon" yihiin oo ay Xamar u arkaan meeshii ay usoo socdeen, Hargeysa-na ay aheyd meel ay biilka caruurtooda ay ka qaadanayeen inta "naqdu" ka soo baxeyso Xamar, ma isweydiisey sidii aan horey kuugu sheegay sababta ku soo celisa raggan Hargeysa marka ay shaqadda ama xilka ay ka hayaan Muqdishu uu ka dhamaado ama laga qaado xilkaas?

    Su-aashaas fudud ma isku tijaabisey in aad jawaab waafiya aad u hesho?

    Waan kuu tirin karaa inta siyaasi ah ee madax-waaweyn kasoo noqdey maamuladdii mac-malka ahaa ee Xamar loo sameeyey oo markii xilkii uu ka dhamaadey ama laga qaadey dib ugu soo cararey Hargeysa iyaga oo "cafis Madaxweyne" kusoo noqonaya. Halkaana, waxa aad ka aragtaa raggan aad leedahay "midnimo" ayey soo doonteen oo ay Xamar u yimaadaan in yihiin laba nooc oo qudha oo mid sadaxaad aanu ku jirin:

    Kow - In aaney aheyn niman mabda siyaasadeed gabi ahaantiisba oo ay aaminsan yihiin aanu jirin. Oo ay yihiin oo qudha "calooshood-u-shaqeystayaal" marba meeshii ay wax luf-luf ah ka heli karaan u yaacaya.

    Laba - In ay yihiin niman is og in aaney cidna matalin (Somaliland gudaheeda), sidaa-daraateed-na waxa ay ku hadaaqayaan marka ay Xamar joogaan aanu aheyn wax cid la qabtaa aaney Somaliland joogin. Ee ay tahay oo qudha "iidheh" iyo "xayeysiis" ay isleeyihiin roodhidiina kaga salaxda walaweynta lacagta siineysa siyaasi kasta oo Hargeysa kasoo saaqidey oo yidhaahda "Somali-weyn" ayaan aaminsanahay.

    Waakaas nuxurka aad la rafaneysaa in aad fahanto inta uu le'eg yahay, saaxiib.

    Intaas dheeradka ah ee "sadaqadda garashadda ah" ee aan ku siiyey si tabaruc ahaana ma garatey, saaxiibkeygii Ina-Gummeedka ahaayow? 

    Saaxiib
    Su'aalahaagu dhumuc ma leh umana eka su'aalo xog-ogaal iyo aqoonyahan midnaba.

    Nimankan iyo gabdhahaan muqdisho taga oo waqooyiga kasoo jeeda, wixii dawladaan ka horeeyay ma muuqan karin sababtoo ah waxaan jirin nadaam iyo madax banaani shaqo oo ay ka dhex muuqan karaan.

    Iminka xalka soomaaliya waxaa laga rabaa koonfurta iyo waqooyiga oo isku duuban

    Maalinba maalinta ka dambaysana way soo buskoonayaan.

    Balse berigii hore waxay soomaaliya u muuqatay in koonfurta kaliya xal keento snm'na ay aqoonsi beena shacabka ku maaweeliso.

    Arimahoo dhan markii lasoo koobo waxay ahaayeen tacab khasaar.

    Midan aad leedahay cafis bay waydiistaan hogaamiyaha snm markay muqdisho kasoo noqdaan way ku saxan yihiin

    Meeshaad ku dhalatay waa inaad ku nasataa markaad waynaato ama soo daasho.

    Cafisku sadexda habrood, dadkii ay dhaleen yuu ka dhaxeeyaa, wax wayn ma'ahan.


  12. Isweydii, Ina-Gummeedow, maxaa loo waayey mid kursiga dowladeed ku fadhiya oo Hargeysa xil kahaya oo masuul ah oo dabadeedna iskaga taga oo yidhaahda Somaliland waan ka baxay, oo xilkii aan u hayey ummadda iyo dowladda Somaliland-ba waan isaga tagey? Oo manta laga bilaabo, iyo wixii ka dambeeya, siyaasad ahaan, "Midnimo"

    Waa su'aal fiican ina gobeedow waxaad ogaataa, dadku maamulka yar waa u meel gaar ay biilka ku ilaaliyaan, curashada roobka waxaa kasoo hor mara naacaw udgoon waana mida keenaysa in lasoo roob-raaco.

     


  13. Allaha u naxariisto qofna dhaafi maayo wakhtigiisa

    Afar bilood markaad uurka hooyadaa ku jirto yaa nafta lagu geliyaa waxaana laguu qoraa, intaad noolaanayso, waxaad cuni lahayd ama arsaaqdaada, iyo waxaad dhali lahayd ama duriyad qadarta lagama cararo.

    Laakiin ratiggaaga dabro ilaahayna tawakal waa hadalkii rasuulkeenii suubanaa nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee

    Macnaha is ilaaliya oo ilaahay tawakala.


  14. Soo jiidashada waxaa keenaya aragtidayda.

    Muqdisho waxaa jooga masuuliyiin kasoo jeeda waqooyiga oo runtii shaqo wanaagsan oo soomaalidoo dhan jeclaatay dadkooda iyo dalkooda u qabtay.

    Nin kasta iyo gabar kasta oo snm beenteeda ku daalay, dadkooda soomaaliyeed waxay awoodaan ha u qabteen waa waajib dusha u saaran ilaa yomu-diin.

    Hadii aad daciifto sida oodweyne maalaa-yacni haku rafan, ninkaas fadhiga uga istaagay waa ina adeerkiis 30 sano ictiraaf raadinayay oo waliba madax ahaa.

    Soo dhawaada walaalayaal waa wax lagu farxo qof midnimo jeclaaday.

    Principle??
    Qodobka koowaad oo gun-dhigga u ah mabda' waa inaadan lahayn dan shakhsi ah

    Hadii aad waydo jago kuu qalanta beeshii haku noqon ama sidii professor samatar xaduudka tuko raq adhi ha gayn waa munaafaqad foolxun (ilaahay sharafta nagama qaado) soomaali ka bilaabo kuna dhamaad.

    1 minute ago, MoheyedinIssa said:

    Horta USC iyo RRA maxaa SNM kaladhaxeeya? 

    Waxaa ka dhaxeeya dalka iyo soomaalinimo waa hadaan si sax ah u fahmay su'aashaada.
     

    • Like 1

  15. Waa markii iigu haraysay oo aan arko qare sidii geelii loo iibinayo.

    Hal malyan iyo sagaal boqol waa intee dollar?

    Iga raali noqda hadaan lacagta soomaaliya ku wareeray.

    Vitamin "C" ha la basdo inta cudurkaan socdo iyo "E" niyadana ha la dhisto oo alle halagu xirnaado.