Cige

Nomad
  • Content Count

    319
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Cige

  1. Col. Cumar Xaashi oo intaa ku daray ineysan jirin in Eritreya ay abaal u gashay intii ay joogeen magaalada Asmara ee halkaasi ay ku aasaaseen isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ee ka horjeeday ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladii hore. Wasiirka Amniga Qaranka ee DF oo Dowladda Eritreya ku eedeeyey iney hub ku socda mucaaradka soo gelisay dalka Somalia Col. Cumar Xaashi Aadan oo ah wasiirka amniga Qaranka ee xukuumada federaalka Soomaaliya oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyey Dowladda Eritreya in maaalmihii ugu dambeeyey ay hub sharci daro ah soo gelisay dalka Somalia. Wasiirka ayaa intaa ku daray in hubkaasi oo dayuurado lagu soo qaaday sida uu sheegay laga soo dejiyey garoonka dayuuradaha bali doogle ee gobolla Sh/hoose, maalintii Jimcaha ee ina dhaaftay iyo maalmihii ka horeeyey, kaasoo uu sheegay inuu ku socday mid ka mid ah kooxaha ka horjeeda DF sida uu warka u dhigay taasoo hase ahatee uu ka gaabsaday magaca kooxda ay yihiin. “Waxaa nasiib daro ah in dowladda Eritreya oo sheegan jirtay in madax banaanideeda iyo qaranimadeeda ay suurta gelisay taageeradii ay ka heleen shacabka Soomaaliyeed, kuna andacoon jirtay iney aad ugu farxi laheyn Soomaalia oo Qaran dhisan ah ay maanta u tafaxeydatay iney carqaladeyso nabada Soomaaliya soona geliso dalka hub ay isku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed waana Dowlada kaliya ee ka horjeeda dowladda soomaaliya caalamka guud ahaan” ayuu yiri Col. Cumar Xaashi oo intaa ku daray ineysan jirin in Eritreya ay abaal u gashay intii ay joogeen magaalada Asmara ee halkaasi ay ku aasaaseen isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ee ka horjeeday ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladii hore. Waa markii ugu horeysay ee dowladda cusub ee ee Soomaalia ay eedeeyn noocan ah dusha uga tuurto Dowladda Eritreya tan iyo itii lagu soo dhisay dowladda magaalada Jabuuti, mana jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya ama beenninaya eedeynta wasiirka Amniga
  2. They want to sit where sh. Sharif is SITTING now .. Understand? anything less than that NOOOOOOOOOOOOOO Way Mafhuum Nin kursiga aad ku fadhidid raba oo HAADANA KAA XOOG WEYN sidee la isaga fujiyaa? waa inaad kursiga uga kacdid sooner or later The sooner the BETTER
  3. KN:Boqolaal dad ah oo isugu soo baxay fagaaraha Beerta Xoriyadda ee Kismaayo ayaa u soo daawasho tagay xukun xad iyo tacsiir isugu jira oo lagu fulinayay 4 nin oo Maxkamadda Islaamiga ee degmadu ku heshay danbiyo kala gadisan. Mid kamid ah eedaysanayaasha ayay maxkamaddu ku xukuntay 80 jeedal kadib markii lagu helay inuu qadfay xaaskiisa isla mar ahaantaana uu dhawr jeer oo hore sidaas oo kale u qadfay. Nin mehersaday gabadh wali aan cuddo bixin ayaa waxaa lagu xukumay inuu bixiyo 2 qaalmood oo lo’ ah, halka ninkii gabadha furay lagu xukumay oo lagu karbaashay 38 jeedal iyo 2 qaalmood oo lo’ ah kadib markii ay cadaatay inuu gabadha meher xad ku guursaday. Sheekhii gabadha ninka hore u meheriyay ayaa asna lagu xukumay oo lagu dhuftay 38 jeedal maadaama oo uu gabadha wali la’aan meheriyay halka gabadhana loo xukumay 4 qaalmood oo lo’ ah iyo inay tirsato 2 cuddo. Waxaa sidoo kale 40 jeedal lagu dhuftay nin lagu helay isticmaalka maandooriyaha loo yaqaano Xashiishka kadib markii uu asaga laftirkiisu Maxkamadda horteeda ka qirtay. Maamulka Islaamiga ee magaalada Kismaayo ayaa horay u fuliyay xaddad iyo tacsiir isugu jira Qisaas, Karbaash, Masaafuris iyo xukunno kale. Magaalada oo aad uga raysatay qabqablayaashii iyo mooriyaantii xaaxda ka siisay shacabka ku nool magaalada ayaa amnigeedu marayaa heerkeedii ugu sareeyay tan iyo intii Islaamiyiintu la wareegeen. Bulshada qaybeheeda kala duwan ayaad arkaysaa ayagoo suuqyada iyo wadooyinka taxaashaya saqbarkii ayagoon cidna uga cabsanayn inay handado ama baarato.
  4. KN: Madaxweynaha DKMG ah Shariif Sh. Axmed waxa uu diidey deeqdii ay Jaamacada Carabta ugu yaboohdey, taasi badalkeeda wuxuu deeq u doontey dowladaha reer galbeedka, labbaduba shuruudbaa ku xirneyd, midna wuu diidey, midna wuu doontey, sabab?. Markii la qabtay kullankii Jaamacada Carabta ee Dooxa dhawaan, jaamacada carabta waxay ku yaboohdey lacag malaayiin ah, laakiin Shariif Sh. Axmed waa uu diidey deeqdaasi, sababtuna waxay ahayd waxaa ku xirnaa shuruud, isagana diyaar uma uusan ahayn deeq shuruud la socoto, laga yaabee in taasi uu qiil ku lahaa Maalmo ka hor isla Shariifka waxa uu joogey shir lagu qabtey Brussels halkaasi oo loogu deeqey aduun dhan $350 milyan oo doolar, isaguna waa uu gudoomey maadaamaa kolkii horaba uu meesha u tagay in lacagtaasi loogu yabooho, laakiin deeqdani maxay tahay shuruuda la socota? Dabcan tuhun mooyee ma ahan mid si dhab ah loo ogaan karro sida tii Jaamacada Carabta oo kale, sababtuna waxaa lagu sheegi karaa “sir la’isuma sheego”, laakiin jiritaanka shuruuda ma ahan mid inaba daah saaranyahay. Maxay ahayd shuruuda carabta?, sida uu sheegey xog-hayaha guud ee jaamacada carabta, Camar Muuse, deeq kasta oo ay tahay in la siiyo DKMG waa in shuruud looga dhigaa in ay marka hore la heshiiso kooxaha kasoo horjeeda. Haddaba haddii Shariif Sh. Axmed uu deeqdii Jaamacada carabta ku diidey shuruuda darteed, tii reer galbeedkana u doontey soona qaatay iyadoo shuruud la socota, waxaa la’si weeydiin karaa “ma wuxuu diidanaa asal ahaan in wax shuruud ah lagu xirro deeqda la siinayo, mise shuruudaha noocyo ka mid ah ayuu diidanyahay, sida tan Jaamacada carabta ay hor dhigtey oo kale?”
  5. KN: Police-ka Puntland ayaa muddo baddan kadib qaadaya talaabooyinkii ugu horeeyey oo ay kula dagaalamayaan hoorka maandooriyaha qamriga, 328 dhallo oo qamri ayay Police-ka shalay ku qabteen magaalada Garoowe ee xarunta puntland. Waxaa Garoowe caadi ka noqdey dhalinyaro rag iyo dumar isugu jira oo sarqaansan kuwaaso qamriga fagaarahaasha la yimaada, goobaha lagu caweeyo ee qamiriga lagu fuudo ayaa kusoo kordhey magaalooyinka Puntland iyadoo ganacsiga qamriga iyo maandooriyaha uu noqdey ganacsi siweyn looga macaasho. Qamriga Puntland laga isticmaalo waa kan calaqda ah oo qamadiga la qamiiriyey laga sameeyo, waxaana laga keenaa deegaanada xabashida. Muddo billo laga jooga waxaa la qarxiyey caweys qamriga lagu cabbo oo ay lahaayeen haween xabashi ah kuna yiiley Garoowe, waxaana falkaasi geystey dadka deegaanka oo ka argagaxay waxa meesha ka socda. Kadib cabasho baddan oo ka timid culumada iyo dadweynaha ayay markani ciidamada Puntland oo laftood lagu eedeeyo in ay qamriga isticmaalaan qaadayaan talaabooyin aan dhoolotus ka badneyd oo ay kula dagaalamaayaan qamriga iyo maandooriyaha oo ka ganacsigiisa iyo isticmaalkaba uu siweyn usoo kordhayo. Waxay sheegeen in ay soo qabteen boqolaal dhallo oo qamri ka dhaansanyahay, talaabadani timid kaliya markii uu sidaasi amray Madaxweynaha maamulka Cabdiraxmaan Faroole Arrinta ugu argagaxa baddan waa haweenka oo markani kusoo biirey isticmaalka qamriga, iyadoo Garowe laga furey caweysyo raga iyo dumarka ay ku wada tuntaan Warar aan ka helney Bosaso ayaa sheegaya in dhawaan shatiyo ganacsi la siiyey dad Hoteelo raaxo ah ka furanaya Xeebta agagaarkeeda, haalkaasi oo loo ogolaanayo in qamriga lagu cabbi karro, dadkaasi hoteelada furanaya waxa ay sheegayaan in talaabadani ay soo jiidan karto dalxiisayaal daqli Puntland soo galiya si la mid ah Somaliland oo ay Berbara iyo Hargeeysa ku yaalaan hoteelo loo tamashlo taggo, gaar ahaan ajaaniibta. Kani waa war dhiilo huwan, waxaana muuqata in heerkii ugu xumaa ay bulshada marayso. KismaayoNews.com
  6. KN: Dowlada KMG ah waxaa loogu yaboohay $350 malyuun oo doolar si ay ugu xoojiso ciidamadeeda, mid ka mid ah shuruudaha horyaala waa in meesha laga saaro Cabdi Cawaale Qeybdiid (Dad-qal) . Shirkii yabooha deeqda ee Brussels ee dowlada KMG ah loogu yaboohey $35a milyan ma ahayn mid shuruud la’aan ku najaxay, ka sokoow shuruudaha gurracan ee shisheeyaha lacagta bixinaya ay ku adeeganayaan, ugu yaraan waxaa jirta hal shuruud oo jiritaankeeda dad baddan ay ku nafiseen, taasina waa in shaqada laga dirro Cabdi Qeybdii (Dad-Qal), halyeeyga hoobiyaha oo la sheegey in uu geystey gaboodfal xad gudub weyn ku ah xuquuqda bini’aadamka sida ay reer galbeedka qabaan. Su’aasha ah “sidee meesha looga saarayaa?”, waa mid Shariifka u taala, walwalka ah “maxaa ka dhallan karra eryidiisa?” iyaduna waa arrin ay tahay in uu ka diggo Col. Cumar Xaashi oo dadka Xamar maalmo ka hor oga digayay 90 wiil oo Jubbooyinka iyo Bay lagu soo tabobaray, haddiisa ay doonayaan in ay malaayiinka doolar didimiyaan waa in ay ka taqalusaan Jenanka jaa’ifeysan, haddii ay doonaanba gobolada dhexe ha’u musaafuriyaane. Dadka wax baddan kuma seegana taariikhda madoow ee ninkani, laakiin waxaa in la ‘is xasuusiyo muddan sida uu ku maareeyey in uu hal jaggo ka qabto dowlad kasta oo dalka timaada, xittaa tan diinta sheeganaysa, isagoo diiwaankiisa uu sidaasi yahay? Wallow uu waligiis ahaa hogaamiye kooxeedka aan dhicin, hub iyo ciidanna heysta, haddane nidaam kasta oo lasoo dhiso kuma uusan gorgortamin wax ka baddan taliyaha ciidanka Police-ka. Kolkii dowladii Cabdiqaasim Carte lagu soo dhisey oo hogaamiye kooxeedyada kale ay kasoo horjeedsadeen, isaga tartiibtiisa wuxuu si shanqar tirasho ah ugu fariistey kursiga taliyaha Police-ka dalka, Cabdiqaasim oo hogaamiye kooxeedyada kale u maara la’aa, ma uusan heysan dooq aan ka ahayn in uu Cabdiqeybdiid siiyo waxa uu ku doonayo, Qeybdiid ma uusan dooneynin in uu wasiir noqdo ama uu wasiir ku xigeen midna (gaar ahaan xilli wasiiradu ay ahaayeen magac u yaal sida wasiirka duurjoogta) , malaha wuxuu ogaa in dhaqaalaha ugu baddan markasta lagu bixinayo ciidamada taasoo uu isaga maamuli doono. Markii la’isugu tagay shirkii Kenya ee dowladii Cabdullaahi Yuusuf lasoo dhisayay ee ragga asxaabiitisa ah sida Qanyare iyo Muuse Suudi ay isu sharaxayeen madaxweynenimo, haddii kale Ra’isulwasaarenimo ama ugu yaraan wasiirnimo, isaga leerta ayaa maraysay, xusul duubkaasina kuma uusan jirrin. Ugu dambeyntii wuxuu xajistey xilkiisii Taliyenimada Police-ka oo dabcan markani aad oga dhaqaale badnaa dowladii hore, UNDP ayaa bil kasta Baydhabo ku daabuleysey malaayiin Doolar oo ciidamada loo siinayay mushaar ahaan iyada oo uu isaga taliye u yahay, waxaad qayaasi kartaa heerka wax is dabamarinta iyo ka dul macaashka Qeybdiid uu halkaasi ka heli karay. Taasi ka sokow, Qeybdiid wuxuu ku jirrey diiwaanka dadka mushaariga ah ee hey’adaha sirdoonka reer galbeedka ay ku fuundaareeyaan soo qabashada shaqsiyaadka ay doonayaan, ama soo gudbinta siraha muhiimka ah ee Soomaaliya looga baahanyahay, ma filayo in ay su’aal ka jirta illaa heerka uu howshaasi qaban karro ninka haya xilka taliyaha Police-ka, waxaan dareemayaa markani in la fahmay sirta iyo sababta ka dambeysa in uu xilkani ku faro adeego. Intii uu jagadani ku magacaawnaa, dad aad u baddan ayaa qaarijin lagu dilley, dad baddan ayaa inta ciidamadiisa ay qabteen kadibna la dhoofiyey, kuwa baddan ayaa xabsiyada lagu jir dilley, wax kasta oo dhibaato ah oo aad ka fikiri kartid ayuu ninkani geystey intii uu xilkaasi hayay, sir iyo muqaabaraad halgankii naafeeyeyna waa la gudbiyey. Markii ay dowlada Shariifka Xamar timid dad baddan ayay neef kasoo boodey oo u arkay dhamaadkii casrigii Qeybdiid, laakiin riyadaasi waxay noqotey “dhido roob noqon weeysey”, rajada dadka waxay markale sare usii kacday markii albaabka la tusey madaxii sirdoonka ee Cabdullaahi Yuusuf daacada u ahaa Jeneraal Darwiish, laakiin rajadaasina illaahay waxbo kama aabeynin, war KismaayoNews ay faafisey xiligaasi ayaa lagu weeydiiyey goorta Qeybdiidna meesha laga saari doono, isla warkaasi waxaa ka mid ah xog laga heley dad wargaleen ah oo sheegey in Col. Cumar Xaashi uu ku hagoogtey Qeybdiid markii golaha wasiirada ay damceen in ay talaabo ka qaadaann, waxaa xil ka qaadistiisa doonayay Cabdiqaadir Cali Cumar, wasiirka amuuraha gudaha oo ahaa isla ninka codsigiisa meesha looga saaray jeneraal Darwiish. Eryidiisa ma ahaan doonto mid qiimo yar ugu kacda DKMG, waa nin hubeysan oo ciidamo daacad u ah heysta, waa ninka ciidamadiisa arlada oo dhan qasaya oo xittaa gawaarida rayidka rasaaseeynaya, waa ninka aad moodo in dowlada oo dhan uu afduub ku heysto , sidaasi darteed waxaa la arki doonaa sida ugu sahlan ee xilka looga qaadi karro taasina waa arrin tijaabo u ah dowladani. KismaayoNews.com
  7. Viva Presidente Madaxweyne Darmaan oo Barwaaqo ku fatahay Somalia Mogadishu 20 April 2009 Waagacusub Media. Cabdi Nuur Darmaan oo boqolaal ka mida taageerayaashiisa ay sanado ka hor Mogadishu ugu caleema saareen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia ayaa markii ugu horeysay barwaaqo balaaran oo horumarineed ku fatahay Somalia,mar uu Saxaafadda kula hadlay Mogadishu Sunday Music-Heesahii Radio Mogadishu Dhageyso ama Download Cabdi Nuur Darmaan wuxuu Saxaafadda u akhriyay shan iyo toban qodob oo dhamaantood ka turjumayo masuuliyad dowladeed iyo horumar daleed,wuxuuna tilmaamay inuu qorshayaasha dowladiisa ugu talo galay lacag gaareeysa sideetan Milyan oo dollarka Mareykanka .Dhageyso qodobada Shirkiisa Jaraa'id Mr Darmaan wuxuu xusay inuu lacago mushaara siinayo dhamaan dadkii ku waxyeeloobay difaacida Qaranimadda Somalia isagoo sidoo kalena ka dhawaajiyay in beeraleeyda dowladiisa ka iibsan doonto dalagyada laga iibsan waayo marka ay soo go-aan. Xoogaga Muqaawimada ayuu sheegay in dowladiisa ay u bilaabeyso Mushaaraad culus oo ku filan nolol maalmeedkooda. Mar uu ka hadlayay dhaqaalahooda wuxuu Weriyeyaasha tusay lacag cusub oo uu sheegay in lagu bedelayo lacagta Somalia. Madaxweyne Darmaan wuxuu xusay in dhaqaalaha faraha badan ee dowladiisa Jamhuuriga bixineysa uu ka helay dowlado waaweyn ,uuna kala hadlay sidii Somalia loo badbaadin lahaa. Mar la waydiiyay aragtidiisa dowladda Shariif Sheekh Ahmed ee heysata aqoonsiga beesha caalamka,wuxuuba meesha ka saaray inuu dowladnimadeeda garwaaqsan yahay isagoo ku af gobaadsaday "waxaanu ka maqalnaa idaacadaha" Dad badan ayaa mudo ka shakisnaa Mr Darmaan dhaqaalaha faraha badan ee uu bixiyo meesha uu ka helo hasse yeeshee marka hadalkiisa la dhageysto waxaa uu noqon karaa mid uusan ka been sheegin maadama lagu bartay ka dhabeeyn balanqaadyo hirgelay. Mr Darmaan wuxuu Xabsi ku yaal dalka Turkiga ka sii daayay shan boqol oo tahriibayaal Somalia kuwaas oo dhibaato xoogan ay heysatay,hadana dhamaantood ku nool dalka Yurub. Lama runtii Darmaan ololahii balaaran cidda ku garab taagan hasse yeeshee waxaa uu mar walba ku adkeeystaa inuu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia,waxaana xanta ugu badani ay tahay" Lacagaha uu faraqo ee Malaayiinta dollara halka uu ka helo" Lacagta cusub ee Xisbigiisa dowladeed geeyay Somalia dowladda cusub kama hadlin wuxuuna ka dejiyay garoonka Mogadishu isagoo boorsooyin ku sida laakiin shirkiisa Jaraa'id kadib ayey isweeydiini ka jirtaa waxay dowladda uga jawaabi doonto. Sideetan Milyan oo dollar maaha lacag sahlan oo waxaaba la rumeeysan yahay inaysan heli karin dowladda aqoonsiga heysata ee Shariif Sheekh Ahmed laakiin Mr Darmaan wuxuu leeyahay qorshaha dowladeyda wuxuu soconayaa boqol maalmood oo kadibna waxaan bilaabeeynaa horumarinta dalka sida dhisida wadooyinka,kaabayaas hii ilaha dhaqaalaha,adeega buslahda sida Caafimaadka,Waxbaras hada iyo sugida amniga. Waa arrin culus in Somalia ay ka jiraan dowlado badan iyo Madaxweyneyaal badan balse sheekada ugu xiisaha badan waxay tahay in Cabdi Nuur Darmaan loo tiriyo boqolka maalmood si loo kala ogaado kalaamu leeyl wa kalaamu nahaar waxay ku dambeyn doonto barwaaqada uu afka uun kaga fatahay Somalia. [
  8. No, simply because wax la jeclaado ma aha
  9. The influence of the qat is very clear! try again! You're sooooooooooooo Funny
  10. Safiirka Itoobiya ee Somaliland oo Beeniyey, War Been Abuur ahaa Oo Ay Qoreen qaar ka mid ah Wargaysyadu Typical JB, intaas ka badan miyaad ka sugeyseen? halkaas ka sii wad JB
  11. Xaaji is this the one? Laas Qorey: Markab lasoo afduubay oo Talyaani ah oo la sheegay inuu sun sido? Monday, April 13th, 2009 at 7:59 pm Markabkan ayaa ah nooca Jiida Maraakiibta Horseed Media Rome, Italy Dalka Talyaaniga ayaa si weyn looga hadal hayaa Markab laga leeyahay dalkan Talyaaniga oo maalinimadii Shalay ay afduubeen koox burcad badeed ah kuwaasi oo hada Markabkan geeyey xeebta Laas Qorey ee gobalka Sanaag. Markabkan ayaa kamid ah Sadex Markab oo ay burcad badeeda Soomaaliya soo qabsadeen shalay ayagoo keenay xeebta magaalada Laas Qorey meel u dhaw. Labada Markab ee kale ayaa laga leeyahay dalka Masar, waxayna kooxaha heysta warar laga soo xignayo ay sheegayaan in Maraakiibta reer Masar ay yihiin kuwa wax jariifa ee bada kaluunka ka daabula. Sidoo kale dad ku dhaw dhaw Burcad badeeda oo Horseed Media u waramay ayaa sheegay in Markabka laga leeyahay dalka Talyaaniga uu jiidayey qalab ay ku jiraan wax ay ugu yeereen sun lagu shubi lahaa dalka Soomaaliya. Hase yeeshee waxaan weli la cadeyn Karin wararkan kasoo baxaya kooxaha afduubay Maraakiibtan. Dhinaca kale Dalka Talyaaniga waxaa shir jaraa’iid ku qabtay shirkada iskaleh Markabka la afduubay shirkadaani oo lagu magacaabo Microperi. Shirkada Microperi ayaa xaqiijisay Markabka laga afduubay inuu yahay Markabka nooca jiida Maraakiibta, balse shirkada wax faah faahin ah kama bixin Markabkaasi waxa uu jiidayey. Waxayna shirkadu shaacisay Sawirkan uu ka muuqdo Markabkaasi lagu magacaabo Buccaneer. Afhayeen shirkadaasi Microperi u hadlay ayaa sheegay in ay ayagu wax walba ugala weyntahay qiimaha nolosha 16kooda shaqaale ee dul saran Markabkaasi, mar ay ka jawaabayeen inay taageersan yihiin in xoog lagu soo furto Markabkaasi sidii ay sameeyeen ciidamada Faransiiska iyo Maraykanka. Wasaarada Arrimaha Dibada ee Talyaaniga ayaa ayaduna xaqiijisay in 16 shaqaalah Markabkaasi saran ay 10 yihiin Talyaani, halka 5 u dhashay dalka Romenia iyo 1 u dhashay dalka Croatia. Horseed Media
  12. central government in mogadishu is good for everyone including Somaliland but bakarah market is in the hands of insurgentas and they can fire from there to wherever they want! where is the CENTRAL then?
  13. I would choose this ONE. Waxa la yedhi: the Riyaale administration is behind this act. They did it to prolong his presidency and allow him to cancel the upcoming elections whilst citing security concerns. :rolleyes:
  14. war idinku meel kalaad wax ka eegaysaan, anigu waxaan la yaabahanahy ninkaan sheekha sheeganaya haddana Qabiilka u doodaya oo leh J: Waa Ina Rayaale ciddaanu is-haysanaa, isagii baana ogol inuu halkaa reerkoodii ka tegin oo uu qaato, reerkayaga lagama kaxayn karo buu yidhi. Typical somali J: Waar waxaan ku idhi, Afrikaanku wuxuu maalinba u tumaa ninka taajka gashan. Ina Rayaale oo ah kii waddankan aanu ka xoraynay ayaa maantana loo tumayaayoo dadkii iska xoreeyay dib loogu adoominayaaye arrintu waa intaa weeye.
  15. Waraysi lala yeeshay Sheekh Xukuumadu waaran u goysay oo laga baadhayo buuraha waqooyi October 26th, 2008 Waraysi lala yeeshay Sheekh Xukuumadu waaran u goysay oo laga baadhayo buuraha waqooyi “Ina Rayaalaanu is-haysanaa…Afrikaankuna wuxuu u tumaa maalinba ninka taajka gashan” Hargeysa (Ogaal)- Sheekh Maxamuud Sheekh Muxumed Raagge oo ka mid ah culimada aad looga yaqaano Gobollada Hargeysa iyo Gebiley oo ka mid ah hormuudka dad ka biyo-diidsan in degaamo ka tirsan waqooyiga oo muran ka taagan yahay la raaciyo Gobolka Awdal, ayaa si adag uga hadlay arrimo la xidhiidha dhulkaas lagu muransanaa, isla markaana xusay in beeshiisa hore loogu xukumay, balse aan marna loo fulin. Sheekh Maxamuud Sheekh Muxumed Raagge oo xalay u waramay Idaacadda madaxabanaan ee Horyaal isaga oo ku sugan buuraha waqooyi ee Golis oo aanu si gaar ah u tilmaamin, waxa uu sheegay in xukuumadu waaran qabasho ah u jartay, kaasoo amarkiisa uu ku sheegay inuu bixiyay Madaxweyne Rayaale, waxa waraysigiisa oo dhamaystirani uu u dhacay sidan: S: Waxa jira goobo qalabkii diiwaan-gelinta la keenay laga hor-joogsaday, arrintaa maxaa ka jira ee aad ka ogtahay? J: Waxa weeyaan arrintaasi way jirtaa, waana sanaaduuq loo keenay meel dad laga haystay mudo dheer oo intii wadankuba xorka ahaa ahayd. Isla markaana la yidhi, waa laydinku diiwaan-gelinayaa dhulkii aad dadka ka haysateen ee kaalaya ku cod-bixiya oo isku diiwaan-geliya. Dabadeedna dadkii way ka gadoodeen oo laga kacay, dabadeedna waa laga xoog-roonaaday, sanaaduuqdiina waxa dib loogu celiyay ilaa iyo meel la yidhaahdo Ruqi. Markii dambena dawladda ayaa meesha ciidamo keentay, markaa ilaa immikana ciidankii ay dadku iska abaabuleen iyo ciidankii dawladda ayaa is-horfadhiya. S: Markaa Sheekh Maxamuud wax shaqaaqo ah oo ka dhacday iyo wax qalab ah oo la qaatay ogaantaa ma jiraan? J: Maya, maya, qalabka markii baabuurta laga dejiyay ayuun baa dabadeed la yidhi dib ugu ceshada, dabadeedna markii ay arkeen in lala dagaalansan yahay qalabkii baabuurtii ayay dib ugu ceshadeen. Waxaana la yidhi halkiinaa jooga, waanaynu is-garanaynaa, dhul dad leeyahayna sanaaduuqdani idiin qaadimayso, baadilla halkan isugu diiwaan-gelinmaysaan ee sanaaduuqdiinii la noqda, markaa dabadeedna waxa la geeyay xadkii Awdal baa la geeyay oo dib loogu celiyay, Ruqi baa la geeyay. Wax alaab ah oo la qaatayna ma jirto, dawladduna sidaa waa ka markhaati, shacabkii waa ka markhaati, komishanka doorashooyinku waa ka markhaati, wax alla wax loo dhimay iyo handadaad la handaday ama gacan loo geystay midina intaba ma jirto. S: Madaxweyne ku xigeenka, Badhasaabka Gobolka Awdal iyo wefti ay wataan baa iyagana la leeyahay way soo gaadheen, markaa ma is-aragteen oo ma wada hadasheen? J: Aniga is-maanaan arag, meel aanu isku aragnana maba joogo. Anigu waxaan ahay muwaadin, waaran baana meel walba la dhigay oo Ina Rayaale dhigay, ninkaa ha la soo qabto ayuu yidhi. Madaxweyne ku xigeenkase waanu xidhiidhnay wax aan sanaaduuqddaas ahayna kamaanaan wadahadal. Madaxweyne ku xigeenka saaka 10:30-kii subaxnimo (shalay) ayaanu wadahadalay, waxaanu yidhi, berri (maanta) baan Gabiley imanayaa, dabadeedna anigu waxaan idhi odayaashii Gabiley way kaa horeeyaan, halkaasaanad isugu imanaysaan odayaashii beesha, dabadeedna ha laga wada tashado. S: Maadaama aad wada-hadasheen Madaxweyne ku xigeenka, arrintaa wax aan ahayn oo isaku af-garateen ma jiraan? J: Mayee wax aanu isku af-garanay ma jirto. Aqal iyo beer iyo ceel 1988-kii dad ka qaxeen dadkii ka qabsadayna ilaa immika ay haystaan la doonayana in lagu dul-diiwaangeliyo, wax kaloo aanu ka wada hadli karnaa dee ma taalo, ha laga kexeeyaanu nidhi tiina waa layga diiday. S: Sheekh Maxamuud sidaad carrabka ku dhufatay, waxa la leeyahay waaran baa laguu soo gooyay oo waa lagu doon-doonayaa, maxaa adiga lagugu haystaa, maadigaa ka dambeeyay arrintan? J: Aniga arrintuu ka dambeeyayna way leeyihiin, dee beesha ka mid baan ahay, ciddii ka dhiidhida ee iyagu (xukuumadda) u arkaan inay wax ka geysan karayso oo ay ka dagaalanto oo ay ka dedaasho, waa cadowgooda rajiimkan immika meesha ka jira. S: Immika marka intaa laga yimaado meeshii ma ciidamaa isku haysta oo is-horfadhiya mise waa dhul iska degen oo nabad ah? J: Nabadi walaal ma jirto, nabadi ma jirto, laba ciidan way is-horfadhiyaan, way is-eeganayaan, way is-arkayaan. Dhawr kun oo qof ayaa la baro-kiciyay, marka horena dhulkoodii qaxoonti ka ahaa, ku dhadhawaa oo kulaalayay oo horfadhiyay, badhna laga haystay. Ilaa 36km laga haystay, xagga dhererkana ilaa dhawr iyo seddatan km baa laga haystay. Intii kalena ilaa xalay (habeen hore) dhawr kun oo qof ayaa la baro-kiciyay oo dib ugu soo qaxay Somaliland hadana. S: Sheekh Maxamuud ciidamada iyo masuuliyiinta halkaa soo gaadhay ma wada hadasheen oo wax kulan ah ma wada yeelateen iyaga? J: Mayee maanaan wada yeelan, meel aanu ku wada yeelano kulana anigu ma joogo. Magaalo ma joogo, meeshana ma joogo oo waan ka durugsanahay. S: Halkee ayaad joogtaa oo aad immika igala hadlaysaa adigu? J: Buuralayda fog ee Somaliland ee Golis Range ayaan immika kaala hadlayaa oo aan joogaa. S: Taa marka laga gudbo, waxa la leeyahay shaqaaqadan iyo fidmadan adigaa abuuray oo dadka kicinaya, markaa maxaa adiga dan iyo faa’iido ah ee kuugu jirta arrintaa maad faraha ka qaadid? J: Oo ninka ku yidhaahda aqalkaygan iyo beertaydan iiga tag, ma fidmo abuur baa weriye?…..Inbadan baanu dhulkayagii baryaynaa oo guurtidu xukuntay oo aanu xukunkii haynaa oo la yidhi waar dadyahow dadkan uga taga dhulkooda oo la diidan yahay oo guurtidii xukuntay ay diidan tahay oo Ina Rayaale reerkoodii baa dhulka haystee muxuu uga kaxayn la’yahay, aniguse maxaan dambiile ku noqon karaa? S: Sheekh hadii sidaa arrintu tahay miyaanay ka haboonaan lahayn inaad qaab sharciya wax ku wajahdaan oo aad nabadgelyo wax ku doontaan? J: Middida uu ninkii sitay haysto daabka sharci ma taqaano. Guryihii oo la dumiyay soo arag, beerihii oo layska haysto soo arag, ceelashii soo arag, iskaraabkii oo la gurtay soo arag, dadkii oo hantidii laga dhacay lagu dhex-haysto dhulkoodii soo arag! S: Laakiin immika waxa la leeyahay arrintu waa diiwaangelin uun ee dhul la qaadanayo iyo doorasho midna ma jiro, markaa maxaad ku diidaysaan dadku inay is-diiwaangeliyaan? J: Dadka ma halkiisaa lagu diiwaangeliyaa kow dheh, mise meel aanu lahayn baa lala doon-doontaa oo la yidhaahdaa halkaasaan kuugu imane igu sug aan kugu diiwaangeliyee? S: Hada ka hor arrintani mudo dheer bay taagnayd, sida aad sheegtay guurti baa gashay, xukuumadaa gashay, marar fara badan baa xal laga gaadhay, markaa waxaas oo dhami miyay idiin cuntami la’yihiin? J: Inaadeer Guurti anigu aan garanayo oo sharci ku fadhidaa ma jirtee sharcigii daaqad baa laga tuuray. Xukunnaday gaadheen hadaad immika ila arki lahayd adigaa argagixi lahaa oo yaabi lahaa. Bal waxaad waydiisaa Guurtida iyo Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre meeshaa dadkii lahaa ma u xukunteen oo ma tidhaahdeen uga taga. S: Ma cid kale ayay u xukumeen baad u jeedaa markaa? J: Mayee, annagay noo xukumeen oo ay yidhaahdeen dee dadkan guryahoodii uga taga. S: Hadii ay idiin xukumeen maxaa loo fulin waayay? J: Waa Ina Rayaale ciddaanu is-haysanaa, isagii baana ogol inuu halkaa reerkoodii ka tegin oo uu qaato, reerkayaga lagama kaxayn karo buu yidhi. S: Midda kale guddiga doorashooyinku waxay leeyihiin degaamaddaasi waxay annaga noo xisaabsan yihiin Gobolka Awdal, markaa iyaga wax xidhiidh ah ma la samayseen? J: Waar waxaan ku idhi, Afrikaanku wuxuu maalinba u tumaa ninka taajka gashan. Ina Rayaale oo ah kii waddankan aanu ka xoraynay ayaa maantana loo tumayaayoo dadkii iska xoreeyay dib loogu adoominayaaye arrintu waa intaa weeye. S: Ugu dambayntii muxuu xalku noqonayaa? J: Xalku wuxuu noqonayaa dadkan dhulkooda ha looga tago, hadii looga tegi waayana xaalku wuu xumaanayaa. Afwaynaan u badheedhay duhur cad 1988-kii, kii ku ka xun ayaa waddanka haysta, waana la wada ogyahay, adigaagan weriyaha ah baa og.
  16. Ninkaan waa buun buuniseynee, see waayena. Teeda kalena yaa dooranaayo, oo la dooranaa? I don't know how you can call this doorasho. Yaa u codeynaayo? The masses? The registered voters? Oh, I see. He will be selected in a secret vote taken on regional parliament by regional xildhibaano. So it is selection, after all, and not an election. And who are those fine gentlemen and marwooyin who will select him and other candidates? The same people who selected Cadde Muuse, no? And while we are on the subject, who selects themselves, the fine xildhibaano, I mean? Ma iyagaa ismagacaabay, mise reerahooda soo magacaabay mise laaluush lagu keenay meesha? MMA is right, these guys were not even selected their Qabiilis, they came there through Garabeeshin and ill-advised slelections and very few of them represent the general view (majority) of their clans. they will elect the next president (not the mass) and anyone who fills their pockets will win.... that's the bitter REALITY. These campains here and there are nothing but SHOW OF MUSCLES
  17. The Guy is just one of many somalis affected by a mental disease called BUUFIS
  18. Faysal Waraabe: 84-kii Cod Aniga ayaa u xalaaleeyay. Marrkaa waa nin Mas korsaday isaga malag.” hadhwanaag 2008-10-11 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Xukuumadda Somaliland ayaa maanta Wefti balaadhan oo ka tirsan Xisbiga UCID oo uu horkacayay Guddoomiyaha Xisbigaasi Eng. Faysal Cali Waraabe iska hortaagtay in tagaan Gobolka Gabilay, halkaas oo ay u tagayeen in ay Xaflad la sii diyaariyay qalab Ciyaareed kala duwan ku gudoonsiiyaan kooxo Ciyaartaw reer Gabilay ah iyo sidoo kale in ay soo dhaweeyaan taageerayaal cusub oo ku soo biiri lahaa UCID. Weftigan oo saaka subaxnimadii ka amba-baxay Caasimadda Hargeysa ayay Ciidamo lagu sii diyaariyay Kaantaroolka Caabudla oo ah halka uu ka bilaamo soonaha Gobolka Gabilay ayaa u diiday in ay uga gudbaan dhinaca Gabilay, isla markaana waxa uu weftigu ku soo laabtay Magaaladda Hargeysa oo uu markii hore ka baxay. Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xgeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe iyo Aadan Maxamed Mire Waqaf, oo warbaahinta la hadlayay ayaa talaabadan ku tilmaamay mid cabudhin ah, isla markaana xad gudub ku ah sharafta iyo karaamada dadka Gobolka dega iyo sidoo kale hanaanka dimuquraadiyada ee dalka ka jira. Faysal Cali Waraabe waxa uu arrintan lagu joojiyay socdaalkooda ku tilmaamay in ay tahay mid lala yaabo, isla markaana waxa uu u mahad-naqay Askarta wadada ka celiisay. “Arrintan maanta dhacday waa arrin layaab leh, Askartuna way mahadsan yihiin oo amar ayaa la siiyay. Waxaanay arrintaasi cadaynaysaa in Hogaanka maanta uu hayo wax aanu xaq u lahayn, macnaheedana garanayn. Markaa waxa weeyaan Daayeerkii Muraayada loo dhiibay ee kolba gees ka gashan jiray oo kale.” Sidaa ayuu yidhyi Faysal Cali Waraabe, Waxaanu ku dooday Faysal Cali Waraabe in ay mustaq-balka wax ka bedali doonaan hanaankan hada dalka ka jira oo ay ka run sheegi doonaan UCID ahaan himilooyinkii loo soo dagaalamay, Guddoomiyuhu isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Umaynu dagaalamin in 20 qof ay cunaan cashuurtii dalka, umaynu dagaalamin in Carruurtayadu badda isku tuurto, ummaanu dagaalamin inaynu Cusbitaal wayno, umaynu dagaalamin in aynu abuurno 50 qof oo Taajiriin ah iyo Saddex Malyan oo dawarsanaya, ee waxaynu u dagaalanay in aynu cadaalad samayno, dal horumar leh samayno oo sharaftii aynu Geeska Afrika ku lahayn soo celino,” Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in Madaxweyne Rayaale doonayo in isaga iyo dalku israacaan. “Dalkii todoba sanno madax furasho ayaa loo haystay. Rayaale dalka wuu isku duuduubay, waxaanu leeyahay dalka na wada dila ama naga wada taga. Markaa waxaanu leenahay caqliga ina xukumaa waa kaa sidaa gartay, musharax Madaxweyne ayaan ahay waanu simanahay Rayaale, sannadkaana Baad anaa ku bixiyay ee Kulmiye muu ogolayn ee anaa idhi waar aan ku maslaxno yuu inaga bur-burine. 84-kii Cod Aniga ayaa u xalaaleeyay. Marrkaa waa nin Mas korsaday isaga malag.” Sidoo kale, Faysal waxa uu sheegay in dalka ay ka jirto baahi iyo dayac balaadhan oo ah dhinacyada wadooyinka, waxbarashada, caafimaadka iyo guud ahaanba wax qabadkii kale ee dadka iyo dalku u baahnaa in laga seexday oo musuq-maasuq ay caadaysatay dawladdu. “Madaxweyne Rayaale Kursi aanu lahayn ayuu Illaahay fadhiisiyay hangoolkaas ayaananu kaga soo qaadaynaa Insha Allaahu tacaalaa.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID. “ Ninka amarku ka yimi waa Madaxweynaha, waa ninka Adhiga iibinaya, waa ninkaa Total Shiidaalkeedii shubaya, waa ninkaa Kaluumaysanaya ee meel walba galay ee dalka jawaanka wayn u soo toshay. Ayuu hadalkiisa sii raaciyaya oo uu yidhi Faysal Cali Waraabe . :rolleyes: Guddoomiye Ku-xigeenka UCID Aadan Maxamed Mire Waqaf, oo isaguna arrintan ka hadlay ayaa yidhi, “Waxaanu u sheegaynaa ummada reer Somaliland in Xisbiga Daryeelka iyo Cadaaladda ee UCID oo ka mid ah saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland hawl-maalmeed uu maanta ka fulinayay Xaflad dhalinyaro oo garabka dhalinyarada Gabilay ku qabsanayeen Huteel-ka Askar ee Magaaladda Gabilay, halkaas oo ay dhalinyaro kale oo reer Gabilay ah oo Xisbiga ku soo biirayay lagu soo dhawaynayay.” “Xafladaas oo ahayd mid hawl-maalmeedka Xisbiga ka mid ah Xisbiguna u gudbiyay maamulka Gobolka qoraal in Xafladaas oo sidaas u dhacaysa oo Kooxa Ciyaartow ahna aanu ku gudoonsiin lahayn qalab ciyaartaw oo Kubadihii iyo agabkii kale-ba.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Guddoomiye kuxigeenka UCID oo faah-faahinaya qaabka ay hawshu u dhacday, waxa uu yidhi, “Hawshu markay halkaa maraysay waxa dhacday in Maamulkii sare yidhi Gobolka ma soo gali kartaan. Halkan (Caabudla) waxa jooga Taliye Ku xigeenkii qaybta Booliska oo yidhi Gobolka Masoo gali karo Xisbiga UCID. Taasina waa wax aad iyo aad looga yaq-yaqsoodo, waxaana amarkaasi ka yimi Maamulka Sare, sababta oo ah Wasaaradda Arrimaha Guduhu way noo ogolaatay hawshaasi in ay Gobolka ka dhacdo, xalay 1:030-kii habeenimo markay ahayd ayaa la yidhi amar ayaa la soo rogay Madaxtooyada ka soo baxay oo la leeyahay ma tagi karaan Gabilay.” Mr. Waqaf isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxa la yaableh in Goboladii dadka qaar ka mid ah la yidhaahdo lama tagi karo. Anagu ma odhanayno Gobolkaasi hebe ama heblaayo iyo Xisbi hebel ayuu u xidhan yahay, waayo waxay ku tahay ceeb, karaama dil iyo sharaf-darro dadka Gobolka degan in la yidhaahdo cid ayay u xidhan yihiin, waayo saddexda Xisbiba way ka hawl-galaan, waanu ognahay in aan olole bilaamin ee hawsha Huteelada Hargeysa lagu qabto mid la mid ah ayaanu u soconay, cabudhintaasna Xisbigu ku niyad jabi maayo. Waxaanan u bandhigayaa ummada Somaliland maamul-xumada halkaa ka jirtaa waxa ay leedahay cid oo ay ku abtirsanaysaa.” Mustafe Abdi Maxamed [Mustafe-janaale] Hadhwanaagnews.com/Office Hargeysa/Somaliland. E-mail: Janaale94@gmail.com
  19. ^yaa ku weey diiyey? Af Soomaaliga sida loo qora soo baro
  20. 60% of the positions granted to majority who are reer Gedo, Is this is why you're very happy :cool:
  21. Yes, it is indeed a good move. so both of you are happy NOW
  22. What is wrong with it? mogadishu, baydhabo, kismayo are all burning out in Ramadhan so what is the difference?
  23. there is only one place for Somalis (both secessionist and unionist) Guantnamo Bay