General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Maalintii afaraad oo la guda galay qodobadii looga dooday shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed { 22 Jul 2007} waxaa la daabacay Sun 22 Jul 2007 09: 50: 24 Iyadoo maalintii afaraad uu si rasmi ah u socdo shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed kaasoo ugu socday xaruntii hore ee Gaadiidka Booliska ayaa maanta ergooyinkii ka soo qeybgalay kulankaasi ay kaga doodeen qodobka xalinta khilaafaadka beelaha Soomaaliyeed dhexdooda. Mas’uuliyiin u hadlayey qaar ka tirsan beelaha kasoo qeybgalay kulankaasi ayaa ku dheeraaday in hal maalin oo kaliya aan looga hadli karin sida loo xalin karo khilaafaad dhex maray beelo Soomaaliyeed. Xaaji Cabdi Iimaan oo ah Guddoomiyaha Golaha dhaqanka Beelaha ****** oo maanta kulankaasi ka hadlayey ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ka soo qeybgalka shirka isla markaana uu ayidsan yahay baaqii ka horeeyay oo ay iyagu ka maqnaayeen kulankaasi ee laga soo saaray shirka. Guddoomiyaha Guddiga guddoonka shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed Md. Cali Mahdi Maxamed oo isaguna gabagabadii kulankaasi ka hadlayey ayaa sheegay in beelaha ******* iyo Digil iyo Mirifle ay iyaguna fikirkooda soo gudbin doonaan maalinta berito ah hadii uu Alle Yiraahdo isagoo beelihii kale ee halkaasi ka hadlayna ku amaanay sida ay u soo gudbiyeen fikradooda oo uu sheegay in guddiga xogheynta ay keydiyeen. Kulanka maanta ayaan waxaan ka soo xaadirin Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo isagu shalay hadalo qiiro leh ka jeediyay kulankaasi balse warar ku dhow dhow guddiga qaban qaabada ayaa sheegaya in maqnaanshaha Imaamku uu ku saleynaa xiriiro uu la sameynayey qaar ka tirsan madax dhaqameedyada Beelaha Soomaaliyeed ee ku kala sugan gobolada dalka isagoo shalay halkaasina ka sheegay inuu xiriiro la sameeyay dad magac weyn ku leh bulshada Soomaaliyeed ayna ka aqbaleen ka soo qeybgalka shirka. Kulanka maanta ayaa sidii kale ku soo gabagabooway jawi nabadeed iyadoo aad moodo in wax xoogaa la xaliyay murano iyo isfaham la’aan u dhaxeysay guddiga qaban qaabada, ergooyinka beelaha iyo ciidamada nabadgelyada kuwaasoo ergooyinka qaarkood oo aan horay u heysan Kaararka aqoonsiga ee ka qeybgalka shirka maanta la arkayey iyagoo inta badan heysta aqoonsigaasi. xigasho: AllPuntland
  2. Dabargoyn Iyo Ugaarsi Lagu Hayo Kooxaha Wax Qarxiya Muqdisho(Calanka.com) 22-Luulyo-2007 Ugaarsi ba`an iyo dabar-goyn laga soo shaqeeyay ayaa waxa ey ciidamada boliska iyo sirdoonka dowladda federalka ku hayaan kooxaha weerarada iyo qaraxyada dhuumaaleysiga ka geysta caasimadda Somaliya ee Muqdisho, halkaasoo maamihii ugu danbeeyay oo kaliya lagu soo qabqabtay tiro ku dhow sodomeeyo oo qaarkood la qabtay iyagoo falal amni daro ah kula jira gacanta. Ciidmada boliska iyo sirdoonkaba oo u muuqda kuwa laba jibaaray howlgaladooda ku wajahnaa la dagaalanka kooxahan ayaa timid ka dib markii gudiga amniga qaranka uu go`aansaday in wax laga qabto kooxahan fara ku tiriska ah ee qaraxyadooda dhuumaaleysiga ah ku gumaada shacab aan waxba ka galabsan, gumaadkaasoo uu ugu danbeeyay hoobiye ey soo tuureen kooxahan oo ku habsaday lix caruur ah oo sadex ka mid ah ey walaalo ahaayeen kuna ciyaarayay guryohooda hortiisa. Howlgaladan dabargoynta kooxahan oo u socda si isdaba joog ah ayaa maanta waxa ey ciidamada boliska kasoo saareen isbitaal ku yaal Muqdisho oo la dhigay lix ka mid ah kooxahan sida dhuumaaleysiga waxa u weerara kuwaasoo dhaawac ku noqday iska hor imaadyo dhexmaray iyaga iyo ciidamada boliska. Ciidamadan howlgalka ka fuliyay maanta Isbitaalka ey jiifeen kooxahan ayaa la sheegay in ey ahaayeen kuwa ku socda timlaan isla markaana warbixin buuxda watay. Dhanka kale waxaa sidoo kale la qabtay mid ka mid ah kooxohii hoobiyaha ku qaraacay caruurtii lixda ahaa maalinimadii Khamiistii, sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Dheere. Weerarada iyo qaraxyada dhuumaaleysiga oo ey geystaan kooxahan ayaa noqday kuwa sii wiiqmaya isla markaana sii diciifaya, taasoo ey saraakiisha ciidamada iyo sirdoonkuba ku macneeyeen in ey shacabka Muqdisho iyo ciidamada boliska iskumeel uga soo wada jeesteen isla markaana inta badan kooxahan lagu hayo xabsiyada. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
  3. Ma'uuliyiin kale oo ka hadley arrimaha Suuqa Bakaaraha Iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay suuqa Bakaaraha ka taagnaayeen rabshado ka dhashey kadib markii ay ciiidamda DFKMG ah ay howlo amaanka lagu sugayo ka bilaaben ayaa waxa markii ugu horaysay ka hadlay arrinta suqa Bakaraha mas'uliyiinta ugu saraysa dowlada Federaalka Soomaaliya waxaana jira dadaalo lagu doonayo in lagu soo gaba gabeeyo xiisada Suuqa Bakaaraha. Taliyaha Ciidamada howl galada kawada Suuqa Bakaaraha Yuusuf Xasan Dhuumaal ayaa shaaca ka qaaday in maanta la soo afmeeri doono gebi ahaanba howl galadii ay Ciidamadu ka wadeen Suuqa Bakaaraha. Dhuumal ayaa intaa ku daray inay si wada jira arrintan uga shaqeyeen gudiga amaanka Qaranka iyo hay'ada Nabad sugida. War murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen Taliyaha Nabad sugida Maxamad Warsame Darwiish iyo Dhuumaal ayay ku caddeeyeen ajandaha ay ku wajahayaan suuqa Bakaaraha. Sidoo kale, Ra'iisulul-Wasaaraha Dowlada Federaalka Somalia Cali Maxamad Geedi ayaa isna ka hadlay arrinta Suuqa Bakaaraha waxa uuna sheegay in aan loo dul qaadan doonin sii socoshada rabshadaha Suqa Bakaaraha oo ay ku tiirsan yihiin noosha boolaal qoys oo dan yar ah. War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Geedi ayaa lagu sheegey sida dowladiisu uga xuntahay qasaaraha soo gaaray hantida ganacsatada Somalia ee hakadku ku yimid taana ay mas'uul ka yihiin kooxo qas wadayaala oo bambanooyin ku tuura Ciidamada DF waa sida uu hadlka u dhigaye. Afhayenka xafiiska Ra'isal wasaraha Cabdulahi Codka oo war Saxaafaddeedka soo garsiiyay Saxaafada ayaa intaa ku daray in ay jiraan wada hadlo lala leeyahay Ganacasatada qaar. Horay ayuu gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamad Cumar Xabeeb "Maxamd Dheere" u sheegay in aan ciidamada laga qaadi doonin gudaha suuqa Bakaaraha tan iyo inta laga taqalusayo kooxaha Argagaxisada ah sida uu hadalka u dhigaya waxaana muuqanayso in ay hada soo fara geliyeen mas'uuliyiinta ugu saraysa dowlada oo cadaadis kala kulmay shacabka iyo ganacsatada Muqdisho Cabdi Fatax Axmad,GO
  4. Qaybdiid oo ka hadley Bakaraha 22 Jul 22, 2007 - 6:04:45 AM Taliyaha ciidamada Booliska DFKMG ah Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay saldhiga ciidamada Booliska ee Howl-wadaag ayaa sheegay in howlgalka suuqa Bakaaraha uu ku yimid shirar iyo kulamo ay yeesheen mas’uuliyiinta sare ee dowladda, Madaxda amniga qaranka iyo guddiga midowga ganacsatada. “In maslaxad iyo wada hadal la isugu yimaado waa lagu wada shaqeysan karaa taasoo maanta la arkay in isfaham iyo isu soo dhawaansho uu ku bilowday dhaqdhaqaaqa suuqa ganacsiga ee Bakaaraha” ayuu yiri Taliyaha oo sheegay in wixii iminka ka danbeeya ay ciidamada Booliska ay xoojin doonaan amaanka suuqa Bakaaraha iyagoo balan qaad buuxa ka helay golaha midowga ganacsatada iyo kuw suuqa Bakaaraha. “Amni darada ka jirtay suuqa Bakaaraha ciidanka ma laheyn ee dadka dowlad, nabad iyo nidaam diidka ah ayaa waday” ayuu yiri Cabdi Qeybdiid oo ku eedeeyay dhibaatadii ka dhacday suuqa Bakaaraha kooxo uu sheegay in ay yihiin dowlad diid. Gabagabadii Qaybdiid ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo guud ahaan shacbiga ku dhaqan magaalada Muqdisho in ay ciidamada gacan ku siiyaan sugida amanka taasoo uu sheegay in hadii la helo uu suuqa Bakaraha ku soo laaban karo sidiisii hore iyadoon waxba eeda la saareyn ciidamada dowladda oo kaliya isla markaana aan sharaftooda meel looga dhaceyn, wixii khaladaad ah ee ay la kulmaana ay la soo socodsiiyaan madaxda ciidamada iyo guddiga ganacsatada oo si KMG ah ugu sii howlgeli doona saldhiga ciidamada Booliska Howlwadaag. Cali Muaxayadiin Cali,Muqdisho
  5. Shirka dib u heshiisiinta Qaran oo todobaadkii labaad si habsami leh u socda Shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ayaa si habsami leh wuxuu todobaadkii labaad uga socdaa magaalada Muqdisho ee caasimada ah, iyadoo dhamaan shirka ay ka soo qayb galeen ergooyinkii la casuumay oo ka kala yimid gobolada dalka. Gudoomiyaha Gudiga dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed Cali Mahdi Max’ed ayaa sheegay in inkastoo ergooyinka ay mudooyinkii ugu dambeeyey aysan ku dhamaystirneyn xarunta shirka maanta dhamaan ay ku dhan yihiin madasha shirka, waxaana uu sheegay in maanta ka qayb galayaasha shirka ay ka doodayaan mid ka mid ah qodobadii shirka ee horey loogu qaybiyey wakiilada beelaha ee shirka ku sugan. Qodobka maanta laga doodayo ayaa ah Nabadgalyada dalka iyo hub ka dhigista, iyadoo ka qayb galayaasho ay si saraaxad leh uga doodayaan qodobkaasi oo doodiisu saaka bilaabatey 9-kii subaxnimo. Ka qayb galayaasha saaka shirka ku soo biirey ayaa waxaa ka mid ahaa Xaaji Cabdi Iimaan oo ah Gudoomiyaha Golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha ****** iyo siyaasiyga C/laahi Sheekh Xasan. Xaaji Cabdi Iimaan oo maanta hadal ka jeediyey kulankii ka socdey waxaana uu ka hadley sababaha maalmihii ugu dambeeyey ay uga maqnaayeen madasha uu ka socdo shirka dib u heshiisiinta Soomaalida. SBC News Desk
  6. Qodobka xalinta Khilaafaadka beelaha oo maanta looga dooday shirka dib u heshiisiinta July -22-2007-HornAfrik, Mogadishu. Ergooyinka ka qeyb qaadanaya shirka dib u heshiisiinta ayaa maanta ka dooday mid ka mid ah 11-ka qodob ee ajandaha shirkaas iyadoo qodobka maanta laga dooday uu ahaa xalinta khilaafaadka Beelaha waxaa sidoo kale maanta shirkaasi ka soo qeyb galay xubno cusub. Shirka dib u heshiisiinta qaran ayaa maanta looga dooday mid ka mid ah 11-ka qodob ee ajandaha shirkaasi kaasoo ku aadanaa ka hadalka khilaafaadka beelaha dhexdooda ah. Beelaha ayaa iska soo saaray ilaa dhawr xubnood oo u hadlay iyagoo markaasi ka hadlayey muhiimada qodobkaani uu leeyahay iyagoo inta badan sheegay inay fiican tahay in la is cafiyo. Qaar ka mid ah Beesha *** ergo ka socotay oo maanta halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay haboon tahay inaan beel beel la isku dacaayadeyn oo la doonayo in laga gudbo colaadihii ka dhacay dalka soomaaliya. Dhamaanba xubinihii ka hadlay madasha ayaa sheegay in khilaafadka oo dhan xiligaan laga wada tanaasulo oo laga guul gaaro. Beelihii maanta ka hadlay shirka ayaa waxaa ay mid walba ku doodaysay inay tahay mida dhiban iyadu. Dhanka kalena waxaa maanta markii ugu horayasy ka soo qayb galay shirka dib u heshiisiinta Gudoomiyaha dhaqanka ee Beelaha ****** xaaji cabdi Imaan.
  7. Xaji Abdi Imaan Umar in attendence again today Muqdisho: Faah faahin ku saabsan shirkii dib u heshiisiinta beelaha ee Muqdisho 22. July 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Iyadoo maalintii afaraad uu si rasmi ah u socdo shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed kaasoo ugu socday xaruntii hore ee Gaadiidka Booliska ayaa maanta ergooyinkii ka soo qeybgalay kulankaasi ay kaga doodeen qodobka xalinta khilaafaadka beelaha Soomaaliyeed dhexdooda. Mas’uuliyiin u hadlayey qaar ka tirsan beelaha kasoo qeybgalay kulankaasi ayaa ku dheeraaday in hal maalin oo kaliya aan looga hadli karin sida loo xalin karo khilaafaad dhex maray beelo Soomaaliyeed. Xaaji Cabdi Iimaan oo ah Guddoomiyaha Golaha dhaqanka Beelaha ****** oo maanta kulankaasi ka hadlayey ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ka soo qeybgalka shirka isla markaana uu ayidsan yahay baaqii ka horeeyay oo ay iyagu ka maqnaayeen kulankaasi ee laga soo saaray shirka. Guddoomiyaha Guddiga guddoonka shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed Md. Cali Mahdi Maxamed oo isaguna gabagabadii kulankaasi ka hadlayey ayaa sheegay in beelaha ******* iyo ........ ay iyaguna fikirkooda soo gudbin doonaan maalinta berito ah hadii uu Alle Yiraahdo isagoo beelihii kale ee halkaasi ka hadlayna ku amaanay sida ay u soo gudbiyeen fikradooda oo uu sheegay in guddiga xogheynta ay keydiyeen. Kulanka maanta ayaan waxaan ka soo xaadirin Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo isagu shalay hadalo qiiro leh ka jeediyay kulankaasi balse warar ku dhow dhow guddiga qaban qaabada ayaa sheegaya in maqnaanshaha Imaamku uu ku saleynaa xiriiro uu la sameynayey qaar ka tirsan madax dhaqameedyada Beelaha Soomaaliyeed ee ku kala sugan gobolada dalka isagoo shalay halkaasina ka sheegay inuu xiriiro la sameeyay dad magac weyn ku leh bulshada Soomaaliyeed ayna ka aqbaleen ka soo qeybgalka shirka. Kulanka maanta ayaa sidii kale ku soo gabagabooway jawi nabadeed iyadoo aad moodo in wax xoogaa la xaliyay murano iyo isfaham la’aan u dhaxeysay guddiga qaban qaabada, ergooyinka beelaha iyo ciidamada nabadgelyada kuwaasoo ergooyinka qaarkood oo aan horay u heysan Kaararka aqoonsiga ee ka qeybgalka shirka maanta la arkayey iyagoo inta badan heysta aqoonsigaasi. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  8. The opposition or those who are allergic to stability are the following. Stability is a beautiful thing. 1. The Xaraan Ku Naax Parasites like, Yusuf Indacade, those who occupied by force from the suburbs of Mogadishu all the way to Kismayu. This group has opposed any central government apart from the A/Qasin Arta group which strengthened their capacity to plunder, terrorise and keep in bondage large segments of Somali society. This group has had many guises, USC/SNA, the JVA, the Clan Courts Union. Their political ideologies, murder, maim loot and propogate falsehood. Their actions have resulted in exiling more than a million, killing and maiming another million and torching the city of Mogadishu. Their present leaders A/Qasin Salad, Sharif Shiekh Ahmed , Xasan Dahir, Culusow . Ahmed Diriye is the present face of the group. Their tactics: Make idle threats against anyone, claim responsibility for killings and keep hush past crimes as well as continued murder of civilians. 2. The second group: The confused secessionist movement which centres on the ludicrous claims that British rule was somehow benevolent and thus gives this group a right to create a mythic nation out of the Somali provinces that made up the former colony. Absurd notion considering while in SOOL, SANAG and what is now CAYN the clans there never recognized British rule and fought against it. Hence the fact that the secessionist neither control this mythic territory nor convinced any nation on Earth they should be recognized. Tactics to exaggerate the security situation between the North West and other parts of Somalia. While downplaying the fact that some parts of Somalia outside this area have enjoyed as much peace, security and development even if not more than the North West. They also repeat that they were victims of the regime of Siyad Barre while propelling his henchmen into lofty position within their secessionist administration. Leaders Dahir Riyaale Kahin, Cawil and Faisal Ali Warrabe, two spies and ambassador of the former regime. 3. The easy to fool group and their idiotic leaders in the Diaspora. You got a group of naysayers led by the Samatar brothers in Minnesota and the minority who do not know their nose from their anus. This group always makes excuses for why Somalia is failing without ever providing remedy. They are always critics and scrutinize every action and have claimed the country is under occupation without explaining to their cult that they have no proof. Tactics talk down to poor folk and dazzle then with false titles such as Prof, Dr, Shiekh, former official. Blinding the average cabbie, cleaning lady and house bound mum into believing that these individuals are above the norm, exceptions to the rule, exceptional and have all the right answers to all our problems.
  9. Cali Mahdi oo rajo wanaagsan ka muujiyay natiijo ka soo baxda shirka dib u heshiisiinta Mogadishu 22, July 07 ( Sh.M.Network) Guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta Cali Mahdi Max'ed ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in shirka uu miro dhalo. Cali Mahdi Max'ed Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta beelaha Somalida Cali Mahdi Max'ed ayaa waxa uu sheegay in kalsooni buuxda uu ka qabo in natiijo wax ku ool ah ay ka soo baxdo shirka dib u heshiisiinta qaran oo ka soconaya xaruntii hore ee gaadiidka. Waxa uu sheegay in shirka uu sii socon doono isla markaana aanu jirin wax caqabado ah oo hortaagan habsamida shirka. Hadalka ka soo yeeray Cali Mahdi ayaa ku soo beegmay xilli maalmihii la soo dhaafay magaalada ay ku soo qulqulayeen ergooyin ka kala socda gobolada dalka, kuwaasi oo qaarkood aan helin kaararka ka qeybgalka shirka. Shirweynaha dib u heshiisiinta Beelaha oo lagu wado in maanta la isugu yimaado ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro qodob ka mid ah 11 qodob oo ergooyinka shalay ay ansixiyeen, iyadoo qodobkaasina uu yahay xalinta khilaafaadka beelaha
  10. Shirkii dib u heshiisiinta maanta oo lasoo xiray,iyadoo maanta Hoobiye uusan jirin. { 21 Jul 2007} waxaa la daabacay Sat 21 Jul 2007 13: 27: 29 Daqiiqado kahor ayaa lasoo afmeeray kulankii 3aad ee shirka beelaha Somaliyeed kaasi oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho,iyadoona kulankii maanta uu kuwa kale uga duwanaa iyadoon wax hoobiye ah aan lagu soo beegsan madasha shirka. Odayaalka beelihii aan kulamadii hore joogin ayaa kulankii maanta kasoo qeybgalay,waxaana ergada kulanka ka qeybgashay loo qeybiyay ku dhawaad 11 qodob oo ay kaga doodayaan shirka. Qodobadaasi ayaa intooda badan maanta ay ka dooden xubnaha ergada ka qeybgalay shirka maanta,iyadoona uu goob joog ka ahaa gudoonka shirka dib u heshiisiinta Cali Mahdi Max'ed. Sidoo kale Imaam Max'ud Imaam Cumar ayaa markii ugu horeysay shirkaasi goob joog ka aha isagoona ku hadlay dhamaan magaca ******,waxaana uu adkeeyay in muhim ay tahay in shirka si fur furnaan leh loo wado isla markaana agendayaasha shirka la meel mariyo. Si kasta oo ay ahaataba kulanki maanta waxaa uu soo afjarmay iyadoo wax hoobiye ah aysan kusoo dhicin madasha shirka,waxaana ergada ka qeybgashay shirka intooda badan ay ka walaacsanaayeen arrinkaasi.
  11. Ergooyin ka socoda Gobolada Waqooyi Galbeed oo maanta gaaray magaalada Muqdisho Ergooyin Shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed uga qebgalaya Gobolada Waqooyi Galbeed ee uu ka taliyo maamulka Isku magacaabay Soomaaliland ayaa maanta galinkii hore ka dhoofay magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug iyagoo kusii jeeda magaalada Muqisho ee caasimada dalka Soomaaliya. Ergooyinkaa ka socoda Gobolada Waqooyi,Galbeed, ayaa maalmihii ugu danbeeyey kusugnaa deegaanada Puntland gaar ahaan magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyagoo deegaanada maamulka Soomaaliland uu ka taliyo oga soo baxay baabuur kuna yimid magaalada Galkacyo, halkaas oo maanta galinkii hore ay ka qaaday diyaarad. Ergooyinkii maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Galkacyo ee kusii jeedey magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya oo uu haatan si habsami leh uga soconayo shirkii dib uheshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ee kal hore ay ku dhawaaqaday dowlada Soomaaliya ayaa dib u dhocii ku yimid ku sheegay in ay ka danbeeyeen maamulka iskumagacaabay Soomaaliland, oo hor istaagay in ay usoo dhoofaan dhanka Muqdisho, waxeyna intaa ku dareen in ey go`aan sadeen markaa ka dib in ey kusoo dhaqaajiyaan gawaari ilaa gobolada Puntland dabadeedna kasoo raacaan halkaa diyaarad. Ergooyinkaa ka socoda Gobolada Waqooyi Galbeed ee dalka Soomaaliya,ayaa waxaa ay tiradoodu gaaraysaa ilaa 80-Xubnood kuwaasoo ka kala socoda dhamaan beelaha dagan Soomaaliland. Dhanka kale horey ayeey ahayd markii uu shaaciyey Madaxweynaha Maamulka isku magacaabay Soomaaliland,Daahir Riyaale Kaahin, in aysan jirin doonin ergooyin ka socoda maamulka Soomaaliland oo ka qeyb galaya shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ee ay ku dhawaaqaday dowlada Soomaaliya , ee uu madaxda u yahay Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf., taasi oo aad moodid in aysan hir galin maadaaba maanta ay magaalada Muqdisho u dhoofeen Ergooyin tiradoodu garayso 80- Ergo oo ka socoda deegaanada uu ka taliyo maamulka Soomaaliland. Sidoo kale waaxaa maanta magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ka dhoofey Ergooyika socoda Gobolada Dhexe ee dalka Soomaaliya, kuwaasoo ku sii jeeda magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya. Ergooyinkaan ka socoda Soomaaliland, iyo Gobolada Dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa maanta diyaarad ka qaaday magaalada Galkacyo, iyagoo Ergooyinkaas ku sii jeeda xarunta dalka Soomaaliya ee Muqdisho, uu uu maalintii sadexaad ka socodo Shirkii dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed. Said Ahmed Husein.
  12. Its a picture from the conferece adeer. Like this picture of the brave delegates inside Mogadishu
  13. Somaliland Oo Wafti Usoo Dirtay Shirka Muqdisho Si Ay Uga Qaybgalaan (Hargeisa}21.7-7 Iyadoo maamulka isku magacaabay Somaliland ay kasoo horjeesatay ka qeyb galka Shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ee ka furmay Magaalada Muqdisho,ayaa haatan wafti balaadhan ay muqdisho usoo dirtay.................................... warar baa sheegay in waftiga somaliland ee muqdisho inay yihiin wafti si dhuumaaleysi ah uga soo ambabaxay hargeisa, waxaayna ka qeyb galayaan Shirka dibu heshiisiinta somalia, warar kalana waxay sheegayaan in waftigaasi ay kal horeba kasoo anba baxeen hareisa oo ay mudooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaayeen gudaha dowlad goboleedka Puntland. balse warar xog ogaala oo aanu ka helnay qaar kamid ah masuuliyiinta puntland ayaa sheegaya in Wafdiga ayba maanta kasoo duuleen garoonka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyagona kusoo wajahan magaalada Muqdisho, si ay uga mid noqdaan ka qeyb galayaasha Shirka. Xubnahaas ayaa waxa ay sheegeen inay casuumaad ka heystaan gudiga Shirka dib u heshiisiinta qaran. ismaamulka sida gaarka ah isugu magacaabay Somaliland ayaa hore waxaa ay u sheegtay in aysan iyadu marnaba ka qeyb gali doonin Shirka ka soconayo magaalada Muqdisho, isla markaana ciddii iyada ka socota ee isku dayda in ay ka mid noqoto Ergada ka qeyb galeysa Shirka, ay u arki doonto inay gashay qiyaano qaran, sharcigana la horkeeni doono ciqaab adagna ay mutaysan doonaan. maamulkaas isku magacaabay Somaliland ayaa markii ay socotay qaban qaabada lagu uruurinayay Ergooyinka ka qeyb qaadanaya Shirka dib u heshiisiinta, waxaa ay xidhay wadada u dhaxaysa magaalooyinka Burco iyo laascaanood, si aan looga soo talaabin. widhwidhonline@gmail.com
  14. Shirkii dib u heshiisiinta Beelaha oo maanta mar kale la sii amba qaaday { 21 Jul 2007} waxaa la daabacay Sat 21 Jul 2007 10: 01: 56 Waxaa maanta mar kale maalintii sadaxaad dib la isugu soo laabtay shirweynihii dib u heshiisiinta beelaha Somaliyed ee 15-kii bishan ka fumay Muqdisho iyadoo maantana ay ka soo qeybgaleen ergooyin soo gaaray Muqdisho furitaankii shirka kadib. 11 qodob oo ajende KMG ah oo loo qeybiyay ergooyinka ka qeybgalaya shirka ayaa maanta qodobkiisii ugu horeeyay dood iyo falanqeyn dheer kadib ay isku raaceen in baaq taageero ah ay ergada shirka kasoo jeediyeen kaasoo ahaa in shirku yahay mid ay u dhan yihiin qeybaha Soomaaliyeed isla markaana uu yahay mid natiijadii ka soo baxda la wada aqoonsan yahay Dhinaca kale Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada Md. Cali Mahdi Maxamed ayaa isagana ergooyinkii ka qyebgalayey shirka soo hordhigay in guddigiisa ay u cadeeyaan inuu sii wado shirka iyo ergooyinka doortaan Guddoon cusub, qodobkaasi oo ahaa mid xasaasi ah ayey dhamaan ergooyinkii ka soo qeybgalay shirka ay isku raaceen in la soo goobo aftida oo laga dhigo gacan taag iyo sacab kuwaasoo dhamaantood isku raacay in guddiga uu horkacayo Md. Cali Mahdi ay sii wadaan shir guddoonka shirka. Qodobka labaad ee horyaalay ergooyinka ayaa ahaa la kulanka madaxda sare ee dowladda hase yeeshee uu shir guddoonka soo bandhigay in ergada oo aad u badan awgeed ay min lix xubnood iska soo xulaan beelaha ka qeybgalaya shirka taasoo ay iyaduna ansixiyeen oo la isku raacay in berito xubnahaasi ay iska soo xulaan beelaha. Waxaa kaloo muhiimada lahaa qodobka sadaxad oo ahaa xalinta khilaafaadka beelaha Soomaaliyeed dhexdooda ahaa taasoo isna lagu balamay in la guda galo maalinta beri ah iyadoo beeluhu ay si gooni gooni ah u sii yeelanayaan kulamo ilaa maalinta beri ah. Intii lagu guda jiray kulankaasi maanta ayaa waxaa qadar saacado ah shirka ka baxay ergooyinkii ka socday beelaha kuwaasoo goob ka baxsan madasha shirka uu ugu daba tegay Md. Cali Mahdi Maxamed kaasoo kulan yar uu la yeeshay kadib ay suuragashay iney dib ugu soo laabtaan ergooyinkasi madasha shirka kuwaas oo khilaafkooda u muuqday mid iyaga dhexdooda ah. Afhayeenka beelaha Md. Ibrahim Macallin Kutub oo khilaafkasi xalintiisa kadib ugu waramay Gobolkabanaadir.com ayaa sheegay in ay ergooyinka dhamaantood ay taageersan yihiin beelaha Digil iyo Mirifle furitaanka Shirka isla markaana ay aqoonsan yihiin natiijada kasoo baxda shirka. Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ah oo gabagabadii kulankaasi hadal qiiro leh ka soo jeediyay ayaa sheegay in shirkaani uu yahay midkii ay dadka Soomaaliyeed ku gaari lahaayeen heshiis buuxa oo ka saara dhibaatada maanta ay ku jiraan isagoo ugu duceeyay dhamaan inta shirkanai soo qaban qaabisay, inta ka soo qeybgashay iyo inta taageersan in Ilaahey qeyrka waafijiyo isagoo kuwa ka maqana uu sheegay inuusan habaareyn balse uu iyagana in Ilaahey qalbigooda qeyr ku shubo. Gabagabadii kulanka maanta ayaa ku soo gabagabooway si saraxad leh iyadoo aaney dhicin wax caqabad ah oo ka duwan sidii maalmihii hore oo intii uu socday shirkaasi lala soo beegsaday deegaano ku dhow dhow madasha shirka hoobiyeyaal khasaaro u geystay dad rayid ah oo aan waxba galabsan taasoo maanta loo aaneeyay iney ka danbeysay kadib markii goobihii lagu tuhmayey in laga soo tuuro hoobiyeyaashaasi ay si xoogan baaritaano iyo howlgalo ugu wadeen ciidamada dowladda. Gobolkabanaadir.com
  15. ^^^Indeed and our brothers will say no one went, then report of arrests to those who never went, loool
  16. Even Ahmed Diriye is changing his tune of late. Imaan Mohamoud said all the right remarks.
  17. JC, your comedy is getting better. Tigray included nice one saxib. Anyhow the delegates have arrived and the conference is going well.
  18. Imaam Maxamuud oo loo doortay guddoomiyaha duubadka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed. Maanta ayaa mar kale la isugu soo laabtay madasha kulan weynaha dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee ka soconaya magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya,waxaana xubnaha ka qeyb galayaaha kulanku ay halkaa ku doorteen guddoomiyaha golaha duubabka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed,iyadoo masuuliyaddaana loo dhiibay Imaam Maxamuud Imaam Cumar. Maanta ayaa mar kale la isugu soo laabtay madasha kulan weynaha dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee ka soconaya magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya,waxaana xubnaha ka qeyb galayaaha kulanku ay halkaa ku doorteen guddoomiyaha golaha duubabka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed,iyadoo masuuliyaddaana loo dhiibay Imaam Maxamuud Imaam Cumar. Dhamaanba xubnihii kasoo qeybgalay kulanka ayaa isku raacay in Imaam Maxamuud uu noqdo guddoomiyaha Golaha Odayaasha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed,taasoo si weynna ay usoo dhaweeyeen dadweynaha Soomaaliyeed ee ku kala sugan Muqdisho goblada dalka Soomaaliya iyo dunida inteeda kale. Imaamka ayaa ka mid ahaa odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee ka qeyb galay shirweynihii nabadeynta Soomaaliya ee mudada 2-da sanadood ah ka soconayay dalka Kenya,lagunasoo dhisay dowladda federalka Soomaaliya. Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho. Contact:info@carmooyin.com or carmooyin@hotmail.com
  19. Ergo Ka Socota Somaliland Oo Soo Gaartay Mag. Muqdisho Muqdisho(Calanka.com) 21-Luulyo-2007 Shirka dib u heshiisiinta Somaliyeed oo galay maalinkiisii sadexaad ayaa waxaa wali kusoo qul-qulaya caasimadda Somaliya ee Muqdisho ergooyinkii ugu danbeeyay ee ka qeyb gali lahaa shirkaas, kuwaasoo qeybtoodii ugu danbeysay oo ka socda gobolada waqooyi ee Somaliya soo cagadhigteen Garoonka Muqdisho. Diyaaradda soo qaaday ergadan gobolada waqooyi ee reer Somaliland ayaa waxa ey kasoo duushay saakay magaalada Gaalkacyo, halkaasoo ey kusoo gaareen gawaari kasoo qaaday magaalooyinka kala duwan ee gobolada waqooyi. Ergooyinkan kasoo dagay garoonka Muqdisho ee ka socda gobolada waqooyi ayaa waxa ey ku sheegeen dib u dhocooda in ey ka danbeeyeen maamulka halkaa ka jira oo hor istaagay in ey usoo dhoofaan dhanka Muqdisho, waxeyna intaa ku dareen in ey go`aan sadeen markaa ka dib in ey kusoo dhaqaajiyaan gawaari ilaa gobolada Puntlan dabadeedna kasoo raacaan halkaa diyaarad. Dhanka kale waxaa maalinkii sadexaad si habsami leh uga socda caasimadda Somaliya ee Muqdisho shirweynihii qaran ee beelaha Somaiyeed, waxaana gabi ahaan u dhamaa shirka maanta dhamaan ergooyinkii loogu talo galay ee shirka lagu casuumay. Waxaa sidoo kale maanta ka dhexmuuqday shirka imaamka beelaha Hiraab Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo isagu ka maqnaa labadii cisho ee hore uu shirka furnaa, waxaa sidoo kale ka dhexmuuqday madasha shirka xubno raacsanaa garabka beelaha ****** ee mucaaradka ahaa iyagoo garab fadhiyay gudoomiyahooda Xaaji Cabdi Iimaan Cumar.
  20. Muqdisho: IMAAM MAXAMUUD “Shirkan waa mid nasiib ah guul ayaana ugu duceyneynaa, kuwa ka maqana in Illaahey qalbigooda qeyr ku shubo” 21. July 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo maanta markii ugu horeysay ka qeybgalay shirka dib u heshiisinta Beelaha Soomaaliyeed ugu socda magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu ku maqnaa howlo shaqo oo ku saabsaneyd sidii uu xiriir ula sameyn lahaa duubabka iyo boqarada beelaha Soomaaliyeed ee aan weli soo gaarin shirka. “Waxaan la xiriiray Baladweyne, Galgaduud, Ceel Buur iyo dhamaan duubabka beelaha ka maqan shirkan, waxaana rajeyhaa iney dhamaan soo gaaraan shirka, kuwaasoo ii balan qaaday iney ka soo qeybgalayaan” ayuu yiri Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ku kaftamay in aysan habaareyn kuwa shirka ka maqan balse uu ugu duceeynayaan in Ilaahey qalbigooda uu qeyrka ku shubo. “Shirkan waa mid nasiib ah guul ayaana ugu duceyneynaa, kuwa ka maqana in Illaahey qalbigooda qeyr ku shubo” ayuu yiri Imaamka oo sheegay in wixii hada ka danbeeya uu goob joog ka ahaan doono kulankan dib u heshiisiinta. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  21. Muqdisho: Kulankii ergooyinka beelaha oo maanta laga soo saaray qodobo muhiim ah 21. July 2007 Muqdisho(AllPuntland)-Ergooyinkii ka qeybgalayey shirweynihii beelaha Soomaaliyeed oo maalintii sadaxaad ka furmay xarunta Gaadiidka Booliska ayaa maanta looga dooday qodobo ka mid ah 11-kii qodob ee ahaa ajandaha loo qeybiyay ka soo qeybgalayaasha shirka. Ergooyinka ayaa maanta ansixiyay oo isku raacay in qodobka koowaad oo ahaa baaq taageero oo ay ergada shirka ka soo qeybgaleysa ka soo saarayaan kaasoo ah in shirka uu yahay mid muhiim u ah shacbiga Soomaaliyeed isla markaana ay ku baaqayaan in la aqoonsado natiijada ka soo baxda kulankan taariikhiga ah. Qodob kale ee laga dooday ayaa ahaa la kulanka madaxda sare ee dowladda iyadoo shir gudddoonka shirka Md. Cali Mahdi Maxamed uu ergooyinka ka codsaday iney iska soo xulaan min lix xubnood oo ka kala socda beelaha bacdamaa ay aad u tiro badan yihiin ergooyinka, taasoo ay aqbaleen ergooyinka iyagoo sheegay iney sida ugu dhaqsiyaha badan isaga soo xuli doonaan beri. Dhinca kale Md. Cali Mahdi Maxamed ayaa ergooyinka soo hordhigay mooshin ah in ay sii wadayaan isaga iyo guddigiisa shir guddoonka shirka iyo in ay dooranayaan guddi cusub taaaso keentay in ka qeybgalayaasha shirka ay sawaxan iyo sacab iyo cimaamad lulid ku soo dhoweeyeen kuna aqbaleen in guddigaasi horay u sii wado guddoonka shirka. Ugu danbeyntii waxaa uu maanta shirka dib u heshiisiinta uu ku soo gabagabooway jawi deganaansho iyadoo kulamadii hore ay ku dhamaanayeen cabsi iyo argagax la xiriiray hoobiyeyaal ku soo dhacayey nawaaxiga goobta. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  22. Warbixin shirkii Muqdisho 21 Jul 21, 2007 - 5:42:01 AM Waxaa maanta mar kale maalintii sadaxaad dib la isugu soo laabtay shirweynihii dib u heshiisiinta beelaha Somaliyed ee 15-kii bishan ka fumay Muqdisho iyadoo maantana ay ka soo qeybgaleen ergooyin soo gaaray Muqdisho furitaankii shirka kadib. 11 qodob oo ajende KMG ah oo loo qeybiyay ergooyinka ka qeybgalaya shirka ayaa maanta qodobkiisii ugu horeeyay dood iyo falanqeyn dheer kadib ay isku raaceen in baaq taageero ah ay ergada shirka kasoo jeediyeen kaasoo ahaa in shirku yahay mid ay u dhan yihiin qeybaha Soomaaliyeed isla markaana uu yahay mid natiijadii ka soo baxda la wada aqoonsan yahay xaeuntii shirka maanta ka furmey Dhinaca kale Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada Md. Cali Mahdi Maxamed ayaa isagana ergooyinkii ka qyebgalayey shirka soo hordhigay in guddigiisa ay u cadeeyaan inuu sii wado shirka iyo ergooyinka doortaan Guddoon cusub, qodobkaasi oo ahaa mid xasaasi ah ayey dhamaan ergooyinkii ka soo qeybgalay shirka ay isku raaceen in la soo goobo aftida oo laga dhigo gacan taag iyo sacab kuwaasoo dhamaantood isku raacay in guddiga uu horkacayo Md. Cali Mahdi ay sii wadaan shir guddoonka shirka. Qodobka labaad ee horyaalay ergooyinka ayaa ahaa la kulanka madaxda sare ee dowladda hase yeeshee uu shir guddoonka soo bandhigay in ergada oo aad u badan awgeed ay min lix xubnood iska soo xulaan beelaha ka qeybgalaya shirka taasoo ay iyaduna ansixiyeen oo la isku raacay in berito xubnahaasi ay iska soo xulaan beelaha. Waxaa kaloo muhiimada lahaa qodobka sadaxad oo ahaa xalinta khilaafaadka beelaha Soomaaliyeed dhexdooda ahaa taasoo isna lagu balamay in la guda galo maalinta beri ah iyadoo beeluhu ay si gooni gooni ah u sii yeelanayaan kulamo ilaa maalinta beri ah. Intii lagu guda jiray kulankaasi maanta ayaa waxaa qadar saacado ah shirka ka baxay ergooyinkii ka socday beelaha Digil iyo Mirifle kuwaasoo goob ka baxsan madasha shirka uu ugu daba tegay Md. Cali Mahdi Maxamed kaasoo kulan yar uu la yeeshay kadib ay suuragashay iney dib ugu soo laabtaan ergooyinkasi madasha shirka kuwaas oo khilaafkooda u muuqday mid iyaga dhexdooda ah. Afhayeenka beelaha BAY & BAKOOL Md. Ibrahim Macallin Kutub oo khilaafkasi xalintiisa kadib ugu waramay Garowe Online ayaa sheegay in ay ergooyinka dhamaantood ay taageersan yihiin beelaha Digil iyo Mirifle furitaanka Shirka isla markaana ay aqoonsan yihiin natiijada kasoo baxda shirka. Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ah Imaamka oo gabagabadii kulankaasi hadal qiiro leh ka soo jeediyay ayaa sheegay in shirkaani uu yahay midkii ay dadka Soomaaliyeed ku gaari lahaayeen heshiis buuxa oo ka saara dhibaatada maanta ay ku jiraan isagoo ugu duceeyay dhamaan inta shirkanai soo qaban qaabisay, inta ka soo qeybgashay iyo inta taageersan in Ilaahey qeyrka waafijiyo isagoo kuwa ka maqana uu sheegay inuusan habaareyn balse uu iyagana in Ilaahey qalbigooda qeyr ku shubo. Gabagabadii kulanka maanta ayaa ku soo gabagabooway si saraxad leh iyadoo aaney dhicin wax caqabad ah oo ka duwan sidii maalmihii hore oo intii uu socday shirkaasi lala soo beegsaday deegaano ku dhow dhow madasha shirka hoobiyeyaal khasaaro u geystay dad rayid ah oo aan waxba galabsan taasoo maanta loo aaneeyay iney ka danbeysay kadib markii goobihii lagu tuhmayey in laga soo tuuro hoobiyeyaashaasi ay si xoogan baaritaano iyo howlgalo ugu wadeen ciidamada dowladda. Cali Muxiyaddiin Cali,Muqdisho
  23. ^^^He has allot ofwork before he earns such a coveted title. However you would know since you call Siyad Barre's NSS spy, Mudane President.loooooool
  24. Ergooyinka Shirka Muqdisho uga qeybgalaya gobalada Somaliland Iyo galguduud oo ka dhoofay Magaalada Written by Osman Dhayib Saturday, 21 July 2007 Ergooyinka Shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed uga qeybgalaya gobalada Waqooyi galbeed ee uu ka taliyo Maamulka la magacbaxay Somaliland ayaa waxa ay maanta ka dhoofay Magaalada Gaalkacyo. Ergadan oo ka kala yimid gobalada Somaliland ayaa waxa ay maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaayeen deegaanada dawlada Gobaleedka Puntland,ayagoo ugu danbeytiina maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo. Mid ka mid ah Ergadan oo magaciisa ka gaabsaday ayaa wuxuu AllPuntland usheegay in ay ka soo baxeen deegaanada Somaliland dhowr maalmood ka hor,isagoo sheegay in aysan wax baqdin ah ka qabin Maamulkaasi. Dhinaca kale waxaa isla maanta ka dhoofay magaalada Gaalkacyo ergo ka socota gobalka Galguduud ,kuwaas oo beelaha daga gobalkaasi qaarkood umatalaya shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed. Socdaalka ergada Somaliland ayaa wuxuu ku soo aaday ,ayadoo magaalada Muqdisho ay horay ugaareen xubno gaaraya 80 Ergay oo ka yimid Somaliland ,maamulka Daahir Riyaalana wuxuu horay usheegay in qofkii shirkaasi ka qeybgalay yahay danbiile waa sida uu hadalka udhigaye. Ergay ka mid ah ergadaasi oo aan su'aashaasi weydiiyay ayaa wuxuu ku tilmaamay hadal aan wax qiimo ah laheyn ,isla markaana dadka Soomaaliyeed yihiin dad walaalo ah oo aan kala maarmin talada Soomaaliyana Muqdisho looga taliyo. Waa Ergadii ugu faraha badneyn ee ka soo dhoofta magaalada Gaalkacyo ,ayagoo ku sii jeeda caasumada Soomaaliya ee Muqdisho oo shirka dibu heshiisiinta Qaran beelaha Soomaaliyeed ka socdo. (xuseen maxmed qooje )
  25. ^^^Its a great development that clans from every region are and will be present in the National Conference, hope there will be no ZamZam type treatment of these noble men.