General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Suuqa wayn ee bakaaraha oo maalintii labadaad ay ciidamada dawladu kawadaan hawlgalo lagu ugaarsanayo taageerayaasha kooxda asmara. Ciidamada booliska somaliyeed oo ay kaabayaan kuwa military-ga somalia ayaa siwayn saaka baaritaano uga wada dhamaan gudaha iyo dibada suuqa wayn ee bakaaraha kadib markii shalay ay cagta mariyeen kooxo qawlaysato ah oo weeraro ka fulin jiray gudaha suuqa bakaarah. Dhamaan wadooyinka soo gala suuqa bakaaraha sida isgoyska Aadan Cadde,kan Carwo Idka, wadada isku xirta Baar Ubax iyo H/wadaag iyo sidoo kale Igsoyska Bakaaraha iyo wadooyin kale oo ku teedsan suuqa wayn ee bakaaraha. Ciidamada dawlada ayaa u diidaya saaka dadwaynuhu inay galaan suuqa wayn ee bakaaraha sababo lagu macneeyay baaritaano ka socda gudaha suuqa si loo xaqiijiyo amaanka suuqa. Ciidamada dawlada ayaa sidoo kale maanta xiray wadooyin badan oo muhiim u ah amaanka caasumada sida wadada wadnaha oo ah wadada ugu muhiiibsan guud ahaan wadooyinka magaalada muqdisho iyadoo ay xiran yihiin inta adan wadooyinka muqdisho. Hawlgaladan ayaa ku soo aadaya xili ay magaalada muqdisho shalay ka dhaceen shaqaaqooyin dhexmaray ciidamada dawlada iyo kooxo argagixiso ah kuwaasoo ka qawlaysta gudaha magaalada muqdisho. Maaha markii ugu horaysay oo ciidamada dawladu ay hawlgalo baaritaan ka fuliyaan magaalada muqdisho walow hawlgaladii ugu dambeeyay ay natiijo wanaagsan keeneen sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada booliska iyo kuwa militaryguba. Allmudug.org muqdisho reporter.
  2. Muqdisho: Kuxigeenkii Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo magaalada Muqdisho lugu qabtay. 6. september 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Warar hoose oo ay heshay Shabakada AllPuntland ayaa sheegaya in ay ciidamada dowlada faderaalka ee Soomaaliya shalay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah kooxaha qaraxyada ka geysta Magaalada Muqdisho. Sarkaal sare oo ka tirsan laanta sirdoonka Qaranka Soomaaliya oo magaciisa ka gaabsaday in uu sheego ayaa xaqiijiyay in gacanta lugu soo dhigay ilamaa Sadex sarkaal inkastoo uu sheegay in ay kala darajo sareeyaan. Masuulkan wuxuu sheegay in ay ciidamada dowlada Soomaaliya ay qabteen Kuxigeenkii Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo layiraahdo C/qaadir Maxamed Cumar ,isagoo lugu qabtay markii ciidamadu xoog ku galeen guri kuyaala agaagarka Suuqa Daawada ee magaalada Muqdisho. C/qaadir Maxamed Cumar ayaa loo dhaadhiciyay Xabsiyada dowlada Soomaaliya sida weyn u ilaaliso ,waxaana la weydiinayaa su'aalo kala duwan oo ku aadan qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. Ciidamada dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ayaa saaka markale sii bilaabay howlgallada lugu doonayo in lugu sugo amaanka Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  3. Muqdisho: Kuxigeenkii Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo magaalada Muqdisho lugu qabtay. 6. september 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Warar hoose oo ay heshay Shabakada AllPuntland ayaa sheegaya in ay ciidamada dowlada faderaalka ee Soomaaliya shalay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah kooxaha qaraxyada ka geysta Magaalada Muqdisho. Sarkaal sare oo ka tirsan laanta sirdoonka Qaranka Soomaaliya oo magaciisa ka gaabsaday in uu sheego ayaa xaqiijiyay in gacanta lugu soo dhigay ilamaa Sadex sarkaal inkastoo uu sheegay in ay kala darajo sareeyaan. Masuulkan wuxuu sheegay in ay ciidamada dowlada Soomaaliya ay qabteen Kuxigeenkii Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo layiraahdo C/qaadir Maxamed Cumar ,isagoo lugu qabtay markii ciidamadu xoog ku galeen guri kuyaala agaagarka Suuqa Daawada ee magaalada Muqdisho. C/qaadir Maxamed Cumar ayaa loo dhaadhiciyay Xabsiyada dowlada Soomaaliya sida weyn u ilaaliso ,waxaana la weydiinayaa su'aalo kala duwan oo ku aadan qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. Ciidamada dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ayaa saaka markale sii bilaabay howlgallada lugu doonayo in lugu sugo amaanka Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  4. Taliska Ciidamada Booliska Dowladda oo ka warbixiyay Iska Hor imaadyadii saaka Taliska Ciidanka Booliska Dowladda ayaa ka warbixiyay Iska hor imaadkii cuslaa ee saaka ka dhacay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha. Afhayeen u hadlay Ciidamada Booliska ayaa sheegay in howl galka Ciidamada Booliska uu ahaa mid ay ku baadigoobayeen kooxo uu ku sheegay in ay ka mid ahaayeen kuwa weerarada ka dambeeya. C/waaxid Maxamed Xuseen ayaa xusay in guri ay deganaayeen kooxaha dadka dila ay howl gal ka fuliyeen, kaasoo uu sheegay in ay waxna ku soo qab qabteen qaarna ay ku dileen. Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda markii saakay ay ku dhowaadeen gurigaasi ay kala kulmeen iska caabin kooxo hubeysan oo adeegsanayay bambaanooyin. Laakiin waxa uu meesha ka saaray in ay jirto qasaaro soo gaaray Ciidamada, isagoo tilmaamay in ay cagta mariyeen kooxihii hubeysnaa ee ku jiray Halkaas. Dhanka Kale Afhayeenka ayaa xusay in Ciidamada Dowladda ay wali baadi goob ugu jiraan kooxo kale oo uu sheegay in ay qoryihii iska dhigeen, kuwaasoo shacabka ku dhex dhuuntay sida uu hadalka u dhigaye. Iska Hor imaadkii saaka ka dhacay Suuqa Bakaaraha ayaa ahaa mid saameyn weyn ku yeeshay isu socodka qeybo badan ee Magaalada iyo ganacsigaba, inkastoo markii dambe ay iska hor imaadka soo galeen Ciidamo Ethiopian ah oo kaabaya kuwa Dowladda.
  5. Ciidamo ka tirsan dowlada federaalka oo fariisimo ka sameystay wadada Aadan Cadde. Mogadishu ,05, September 2007 (HornAfrik Media)Qaar ka mida askarta ciidamada xukuumada federaalka ayaa caawo goor horle fariiso hore ka dhigtay goobo ku yaala wadadaasi Aadan Cadde oo iyadu aan sidaasi uga fogeen S/Bakaaraha ee Muqdisho. Ciidamadaasi ayaa dagay baro ay mid yihiin xaruntii hore ee xanaanada caruurta iyo hooygii nabadeynta ee degmadaasi W/dhiigley ee gobolkani Banaadir. Askartaasi ayaa sida la sheegay waxa ay isugu jiraan ciidamada militaarka iyo kuwa booliska ee dowlada Soomaaliya. Saraakiisha ciidamadaasi halkaasi la soo dhoobay ayaa ku amray dadka deegaanka in ay isaga baxaan goobaha ku teedsan fariisimo ciidameedka ay sameysteen. Ilaa iyo iminkana lama oga sababaha keenay soo dagistooda halkaasi, balse waxaa la arkayay dadka deegaanka oo durbaba ka carayaya xaafadahooda si ay uga nabad galaan suura galnimada dagaal hubeysan oo ka qarxa degmadaasi. Arintaan ayaa soo baxaysa saacado ka dib xili saaka ay suuqaasi ugu weyn caasimada Soomaaliya ee Bakaaraha uu ku waa bariistay rabshado hubeysan oo ay kula jarmaadeen cutubyo ka tirsan ciidamada booliska dowlada federaalka iyo rag hubeysan oo lagu tuhmayo in ay gacan saar la lee yihiin kooxaha ka soo horjeeda xukuumada KMG iyo joogitaanka ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya.
  6. Wafdi uu hoggaaminayo taliyaha ciidanka xoogga dalka oo Laas Caanood jooga Wafdi uu hoggaaminayo taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Saalax Xasan Jaamac ayaa maanta gaarey magaalada Laas Caanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaas oo kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada daraawiishta ee dawlad goboleedka Puntland isimada, cuqaasha iyo maamulka gobolka Sool. Wafdigan ayaa kurmeer ku tegey xeryaha ciidamada daraawiishta dawlad goboleedka Puntland, ciidankaas oo ay dhowaan la wareegeen xoogga dalka Soomaaliyeed. Gen Xasan Jaamac Jaamac, ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya saraakiil kale oo ka tirsan dawladda federaalka Soomaaliya waxana ay ka amba baxeen magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Ujeeddada socdaalka wafdigan ayaa ah ogaanshaha xaaladda ciidanka daraawiishta dawlad goboleedka Puntland. Waftigan ayaa waxaa kaloo ay tageen meel ku dhaw aagga ay isku hor fadhiyaan labada ciidan ee maamullada ******ka iyo Punt land iyadoo maanta xiisadda aaggaasi ay si dabiici ah u daganeyd. Taliyaha ciidamnka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinayay Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka oo uu ku jiro taliyaha Guuto 1aad ee ciidanka xoogga Halyeey Md.Col-C/Risaaq Afgaduudu. Booqashadan kadib ayaa waftigu waxa ay soo aadeen magaalada Garowe ee xarunta u ah dowlad goboleedka Punt land si ay wadahadallo kale ula qaataan masuuliyiinta Punt land. Safarka masuuliyiintan ayaa waxaa la sheegayaa in ay kaga doonayaan maamul goboleedka Punt land ciidamo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 2000 oo askari oo la doonayo in ay ka howl galaan koofurta dalka Soomaaliya Abaaqaroow.com (wiil waal)
  7. Gabagabadii kulankaas ayaa waxaa lagu go’aansaday qodobada kala ah: Ø In shirkadaha Korontada ay iftiin siiyaan xaafadaha iyo jidadka mugdiga ah ee degmooyinka Gobolka Banaadir. Ø In shirkadaha Biyaha ay iyaguna waraabiyaan oo biyo siiyaan beeraha nasashada (jardiinooyinka), Masaajidyada iyo xarumaha daryeelka hooyada iyo dhallaanka (MCH). Intaas kadib wuxuu maamulka Gobolka Banaadir ku wargeliyey shirkadahaas in qalab ka kooban matoorro iyo adeegyo kale oo hay’ado ajnabi ah ballan qaadeen keenistiisa la guddoonsiin doono shirkadahaas si loogu horumariyo adeegyada ay u hayaan bulashada. Waxaa kale oo maamulka Gobolku uu ballan qaaday in laga billaabo manta shirkadaha biyaha la siin doono daawada lagu shubo ceelasha. Shirkaas ayaa waxaa ka soo xaadiray shirkadaha korontada oo gaarayey 158 iyo kuwa biyaha oo ahaa 173. waxaana halkaas ku sugnaa agaasimayaasha waaxaha Korontada iyo Biyaha Mudane Cali Axmed Taabit, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Cabdullaahi Maxamed Baarre (Baashi) iyo madax kale. Xafiiska Waaxda Warfaafinta ee Gobolka Banaadir 5-09-2007 Email: admin@gobolkabanaadir.com
  8. Maamulka Gobolka Banaadir oo la shiray Shirkadaha Korontada iyo Biyaha { 05 Sep 2007} waxaa la daabacay Wed 05 Sep 2007 08: 21: 25 Maamulka Gobolka Banaadir ayaa manta xaruntiisa shir kula yeeshay dhammaan shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Korontada iyo Biyaha ee ka hawlgala Gobolka Banaadir. Shirkaan oo ujeeddadiisu ay ahayd sidii loo soo noolayn lahaa adeegyadii guud ee xagga arrimaha bulshada Gobolka Banaadir, ayaa waxaa dhinaca maamulka Gobolka Banaadir uga soo qayb galay ku xigeennada Guddoomiyaha Gobolka ee kala ah Mudane Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur oo ah ku xigeenka xagga arrimaha bulshada, Mudane Cabdifataax Ibraahim Cumar (Shaaweey) oo ah ku xigeenka arrimaha nabadgelyada iyo Mudane Maxamed Cumar Nuur (Maxamed Yarow) oo ah ku xigeenka xagga maaliyadda.
  9. Tahliil. 1. The Bakara market was the cashcow for the opposition groups, thus the crocodile tears is a sign of progress. 2. The latest gun battles are instigated by the Police in their mop up job of the trouble makers, they can not hide, nor plan as easily as they used to. Since today the NSS,POLICE and other armed forces can hunt them more openly. 3. The good prof who was killed, is a reflection of how low these criminal networks have sunk in order to make headlines for the likes of yourself to parrot. 4. Balcad-Jowhar road is open, adeer.
  10. Boliska Oo Ku Dhawaaqay Jabka Kooxaha Kasoo Horjeeda Muqdisho, Somalia (Calanka.com) 05-Sebtember-2007 Gudiga Amniga Qaranka iyo taliska ciidamada boliska gobolka Banaadir ayaa isku si uga hadlay guulaha ey ka gaareen howlgaladii balaarnaa ee ey ka fuliyeen qeybo ka mid ah degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid, halkaasoo ey ku bateen mudooyinkii danbe amni darada isla markaana ku sugnaayeen kooxaha qaska ka wada caasimadda kana soo horjeeda dowladda. Saraakiisha ciidamada dowladda oo soo gabagabeeyay howlgaladoodii la dagaalanka kooxahan maalinkii Axada ayaa ku sheegay kuwa ey jab xoog leh ugu geysteen kooxahan mudadii labada todobaad kadib markii ey gacanka kusoo dhigeen intooda badan qaar kalena ku dhinteen sida ey sheegeen iska hor-imaadyo ey la galeen ciidamada dowladda. Jabkan loo geystay kooxahan oo ah mid cad oo waliba muuqdo ayaa waxaa daliil u ah xaafadihi ey ka howl gali jireen ee qaraxyada joogtadu ka ahaayen oo iminka xasilay iyadoo aanan laga maqlin wax xabad ah iskaba daa qarax iyo miino wadada lasoo dhigo. Mar ey ka war bixinayeen boolisku qasaarooyinka ey u geysteen kooxahan ayaa waxa ey ku sheegeen in uu ahaa mid aad u badnaa kaasoo intiisa badan ahaa maxaabiis xabsiga ey u taxaabeen, waxeyna intaa raaciyeen in tiro kale ey ku dileen iska hor imaadyo iyo weeraro ey soo qaadayeen mudooyinkuu ugu danbeeyay. Caasimadda Muqdisho oo aheyd meel amaankeedu wanaagsanyahay tan iyo intii lasoo afjaray dagaaladii sagaalka maalin socday ee lagu hoobtay barakicinta badana dhaliyay, inkastoo ey soo ifbexeen weeraro dhuumaaleysi ah oo ey ka fulinayeen xaafadaha qaar kooxahan dowladdu kaga awooda roonaatay dagaaladii foolka-foolka ahaa. Si kastaba ha ahaatee cuuryaaminta loo geystay kooxahan labadii isbuuc ee lasoo dhaafay ayaa u muuqda kuwa ku qasbaya in ey si qarsoodi ah isaga huleelaan caasimadda walow intooda badan eyba goor hore ka carareen Muqdisho iyo guud ahaan dalka oo idil. Ciidamada boliska ayaa dhankooda sheegay in ey sii wadi doonaan ugaarsiga kooxahan ilaa iyo intooda firxadka ah kasoo qabqabanayaan hadii ey kusii sugan yihiin dalka
  11. Northerner: A tip of from the public resulted in a dawn raid on suspected safe house for the criminal networks. At the time the house was full and an exchange took place, the police unit called for back up and in the resulting exchange the house was destroyes with around 8 killed all fighters inside. Three police officers were injured in the clash and more than 30 others from the other side as well as public got hurt. There is a name Warar ayaa sheegaya in howlgalkii saakay uu ku geeriyooday sarkaal sare oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha sare ee kooxaha ka horjeeda dowladda kaasoo lagu magacabo C/kariin Axmed Diiriye kadib markii guriga uu ku jirey gebi ahaanba gubtey. The proof, the safe house is in police hands and only the police are talking, while the other side is quite. Also if you read the criminal netwrok web portals its a day of sadness. This only ever happens when there is an armed setback.
  12. Dagaal ka dhacey suuqa Bakraaha 5 Sep 5, 2007 - 8:14:48 AM Abaaro 6:30 aroornimo[5 September.2007] ayaa ciidamada Booliska iyo kooxaha ka horjeeda dowladda uu dagaal fool ka fool ahi oo la isku adeegsaday rasaas iyo qoryaha garbaha laga rido ee loo yaqaan baasuukayaasha uu ku dhex maray agagaarka qeybta Daawada ee suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Afhayeenka ciidanka Booliika Cabdi-Waxid Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka bilowday ciidamada Booliska dowladda oo helay warbixin ku saabsan guri weyn oo ku yaala bartamaha suuqa Bakaaraha iney ku sugan yihiin xubno ka tirsan saraakiishii Maxaakiimta iyo hoggaamiyeyaal ka tirsan kooxaha weerarada u geysta fariisamada ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia, halkaasna ay booliska kala kulmeen iska caabin xoogan oo loo adeegsaday bambooyinka, rasaas iyo Basukeyal kaasoo sababay inuu ku fido qeybo kale oo ka tirsan suuqa Bakaraha iyo nawaxigiisa. Warar ayaa sheegaya in howlgalkii saakay uu ku geeriyooday sarkaal sare oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha sare ee kooxaha ka horjeeda dowladda kaasoo lagu magacabo C/kariin Axmed Diiriye kadib markii guriga uu ku jirey gebi ahaanba gubtey. Dagaalkan ayaa waxaa ku dhaawacmey dad gaaraya 31 qof ay kuwaas oo ka dhowaa goobihii lagu diriray iyo kuwo ay rasaastu ugu tagtay deegaano kale, balse wararka ugu danbeyay ayaa sheegaya in xaaladu suuqa degan tahay oo ay si buuxda ula waregeen ciidamada Booliska sida uu sheegay madaxa xiriirka saxafadda Booliska G/le C/waxid Maxamed Xuseen oo qiray in Boolisku ay ka dhaawacmeen sadax askari ayna sii wadi doonaan howlgalada lagu sugayo amaanka guud ahaan Muqdisho. Garowe Online,Muqdisho
  13. NN. Dont mind it one bit brother. Those who support a myth like Somaliland must attack a man of substance like the Duke. Its not even ammusing.
  14. Booliska Gobolka Banaadir oo gacan bir ah ku qabtay kooxihii dadka ku dili jiray Bakaaraha { 05 Sep 2007} waxaa la daabacay Wed 05 Sep 2007 09: 41: 46 Wararka ugu danbeeyay ee galabnimadan ka soo baxaya dagaalkii saakay waaberigii iyo maanta ku dhex maray suuqa Bakaaraha ciidamada Booliska Gobolka Banaadir iyo kooxaha ka horjeeda ayaa sheegaya in saakay barqanimadii dhismo ku yaala gudaha suuqa Bakaaraha uu ku geeriyooday mid ka mid ah Hoggaamiyeyaasha kooxaha ka horjeeda dowladda. Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamada Boolisku ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta suuqa Bakaaraha iyo nawaaxigiisa isla markaana ay soo afjareen dagaalkii ay kaga horyimaadeen kooxaha ka horjeeda iyadoo Afhayeenka Booliska G/le C/Waaxid Maxamed Xuseen uu sheegay in kooxihii ka horjeeday ay ka dhigeen kuwa dhinta kuwa dhaawacma iyo qaar la qabqabtay. Waxaa weli xeran goobihii ganacsiga iyo wadooyinka gala suuqa Bakaaraha halkaasoo ay si xad dhaaf ah ugu sugan yihiin ciidamada Dowladda oo wata baabuurka dagaalka ee loo yaqaano tiknikada kuwaasoo baaritaan ku sameynaya dadka oo si yar u maraya wadooyinkaasi kuwaasoo u muuqda qaar ku go’doomay goobaha uu ku fiday iska hor imaadkii saakay. Tirada dhimashada ayaa la xaqiijiyay in ay gaareyso 8 qof halka inta la og yahay la sheegay in ay ku dhaawacmeen tiro gaareysa 29 qofood iyadoo iminka aysan jirin wax xabad ah oo ka dhacaya guud ahaanba suuqa Bakaaraha iyo nawaaxigiisa. Madaxa xiriirka Saxaafadda iyo dadweynaha G/Le C/waaxid Xuseen ayaa sheegay in Booliska ay ka dhaawacmeen sadax askari isagoo xusay in Booliska ay diyaar u yihiin in ay ku dhintaan iyagoo gudanaya waajibaadka ay u xil saran yihiin oo ah difaacida maalka iyo nafta muwaadinka Soomaaliyeed isagoo sheegay in ay sii socon doonto howlgalada lagaga hortegayo kooxaha afka duubta ee aqoonyahanka iyo waxgaradka dalka iyo dadka u tari lahaa madaxa ugu toogta Bakaaraha iyo nawaaxigiisa. Email: admin@gobolkabanaadir.com Gobolkabanaadir.com
  15. S/bakaaraha oo nabdoon iyo Ciidanka Dowlada Fedaralka Somaliya oo Wali Baaritaan ka Wada Goobo Ka Mid ah Suuqaasi. Ciidamada Xooga Dalka Somaliyeed oo baaritaan guri ka guri ka wada suuqa bakaaraha oo saakey dagaal xoogan uu ku dhaxmarey haraadigii qarandiidka oo ku dhuumaleysanyey guryo ka mid ah suuqa bakaaraha qeybtiisa jumlada dawooyinka lagu iibsho. Ciidamada ayaa waxa ay heleen, warar sheegaya in guri ku yaal aaga S/bakaaraha ee daawooyinka uu ku dhuumaleysanayan xubno Al-Shabaab ka tirsan laguna farsameeyo waxyaabaha qarxa, iyadoo sidoo kale uu ahaa guri ay ku kala warqaataan kooxaha qarandiidka ah. Gurigaasi oo ilaalo xoog ahi ay ka hayeen maleeshiyo aad u hubeysneyd ugana jirey dhufeys ahaan guryaha gurigaasi ku xeeransanaa ayaa waxaa hal mar lagu bilaabey rasaas aan kala joogsi laheen ciidamadii dowlada oo u socdey in ay baaritaan ku sameyaan gurigaasi. Ciidamo aad u fara badan ayaa dhinacyo badan ka galay goobta uu dagaalka ka qarxay oo aad moodo in ay diyaarsanayen, waxeeyna ay Bilabeen dagaal foolka fool ah oo aad u qaraaraa, 45 daqiiqo ka dib waxaa loo itaal sheegtey maleeshiyadii qarandiidka oo si xoog ah loogu maquuniyey in ay isdhiiban. Wariyaha shabakada carmooyin.com oo qadka taleefonka kula xiriirey qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowlada fedaralka somaliya ee ku sugan goobta dagaalka, ayaa waxeey u sheegeen in dagaalkii uu dhamaadey ayna gacanta ku dhigeen maxbiis farabadan uu ka mid yahay masuulkii ugu sareeyey ee fulinayay qorshaha dagaalada Muqdisho. Suuqa Bakaaraha ayaa ilaa iyo haatan wali xiran, Ciidamada ayaa waxa ay hakiyeen gawaarida BL-Ka iyo Dadka inta uu hawgalkani socdey, ilaa iyo haatana wali waxaa socda dhaqdhaqaaq ay ciidanka xooga dalka somaliyeed iyo booliska ku hubinayaan in uu suuqa ka nabadoon yahay rabshawadayaasha shacabka ku dhax laaya maalin waliba suuqa bakaaraha dhaxdiisa. Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho Somalia Contact Carmooyin@hotmail.com OrCarmooyin@gmail.com
  16. Muqdisho: Ciidamada Booliska oo ku dilay dagaalkii Bakaaraha Hoggaamiye maliishiyo 5. September 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Wararka ugu danbeeyay ee galabnimadan ka soo baxaya dagaalkii saakay waaberigii iyo maanta ku dhex maray suuqa Bakaaraha ciidamada Booliska iyo kooxaha ka horjeeda ayaa sheegaya in saakay barqanimadii dhismo ku yaala gudaha suuqa Bakaaraha uu ku geeriyooday mid ka mid ah Hoggaamiyeyaasha kooxaha ka horjeeda dowladda. Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamada Boolisku ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta suuqa Bakaaraha iyo nawaaxigiisa isla markaana ay soo afjareen dagaalkii ay kaga horyimaadeen kooxaha ka horjeeda iyadoo Afhayeenka Booliska G/le C/Waaxid Maxamed Xuseen uu sheegay in kooxihii ka horjeeday ay ka dhigeen kuwa dhinta kuwa dhaawacma iyo qaar la qabqabtay. Waxaa weli xeran goobihii ganacsiga iyo wadooyinka gala suuqa Bakaaraha halkaasoo ay si xad dhaaf ah ugu sugan yihiin ciidamada Dowladda oo wata baabuurka dagaalka ee loo yaqaano tiknikada kuwaasoo baaritaan ku sameynaya dadka oo si yar u maraya wadooyinkaasi kuwaasoo u muuqda qaar ku go’doomay goobaha uu ku fiday iska hor imaadkii saakay. Tirada dhimashada ayaa la xaqiijiyay in ay gaareyso 8 qof halka inta la og yahay la sheegay in ay ku dhaawacmeen tiro gaareysa 29 qofood iyadoo iminka aysan jirin wax xabad ah oo ka dhacaya guud ahaanba suuqa Bakaaraha iyo nawaaxigiisa. Madaxa xiriirka Saxaafadda iyo dadweynaha G/Le C/waaxid Xuseen ayaa sheegay in Booliska ay ka dhaawacmeen sadax askari isagoo xusay in Booliska ay diyaar u yihiin in ay ku dhintaan iyagoo gudanaya waajibaadka ay u xil saran yihiin oo ah difaacida maalka iyo nafta muwaadinka Soomaaliyeed isagoo sheegay in ay sii socon doonto howlgalada lagaga hortegayo kooxaha afka duubta ee aqoonyahanka iyo waxgaradka dalka iyo dadka u tari lahaa madaxa ugu toogta Bakaaraha iyo nawaaxigiisa. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  17. Ciidamada Boliska Oo Weerar Ku Qaaday Guri Ku Yaal Bakaraha Muqdisho, Somalia (Calanka.com) 05-Sebtember-2007 Saakay waabarigii ayaa waxaa ey ciidamada bolisku weerar lama filaan ahaa ku qaadeen guri ku yaal gudaha suuqa bakaaraha, gurigaasoo ey mudo ku tuhunsanaayeen in ey ka howlgalaan kooxaha dowladda kasoo horjeeda isla markaana qaraxyada iyo amni darida ka geysta qeybo ka mid magaalada Muqdisho. Weerarkan oo ahaa mid lama filaan ah ayaa isku badalay dagaal socday qadar daqiiqado ah kadib markii kooxaha ku sugnaa gurigaas oo hubeysnaa ka warheleen in guriga loogu soo galay dabadeedna iska caabiyeen intii karaankoodu ahaa. Dagaalkan oo saameeyay rugta guriga iyo deegaanada ku hareereysan ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisu kala duwan, waxaana wararku shegayaan in dagaalkaas uu dhaliyay khasaare naf iyo maalba leh oo inta badan ku koobnaa qolyaha is hardiyay iyo guriga uu dagaalku ka dhacay oo lagu qaraacay madaafiic. Waxaa sidoo kale la arkayay ciidamada boslika oo ku quminaya gawaari ey wateen rag indhaha ka xirnaa oo u muuqday in laga soo qabqabtay guriga uu dagaalku ka qarxay kadib markii ey xabadu istaagtay, waxaana ilaa iyo iminka ku baahsan eeriyada uu gurigu ku yaal ciidamo aad u faro badan oo wata gawaarida dagaalka. Gurigan oo sida muuqata bartilmaameed u ahaa ciidamada boliska ayaa waxa uu weerarkiisu dhacay saakay waa barigii xilli ey dadka deegaanku badankiis hurdayeen iyo kooxihii gurigaasi ku sugnaaba taasoo keentay in jahwareer iyo dagaallo xoogani ka dhacaan halkaasi. Waxaa sidoo kale weeraro ka dheceen xalay deegaanka SOS ee suuqa xoolaha halkaasoo weerar kusoo qaadeen saldhib bolis kooxo aan la garaneyn, iskohor imaadkaas ayaa socday qadar daqiiqado ah mana cada ilaa iyo iminka qasaaraha ka dhashay weerarkaasi xalay.
  18. Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Jeneraal Saalax Xasan Jaamac oo Gobolada Maamulka Puntland ka wada Dhamaystirka Qorshe lagu qaranameynayo Ciidamada Puntland. Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in uu halkaa ku suganyahay Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Jeneraal Saalax Xasan Jaamac halkaas oo uu kulamo kula qaatay Madaxweyne Cadde Muuse . Taliyaha Ciidamada Xooga ayaa waxa uu halka u tagay sidii uu u dhamaystiri lahaa Qorshe qabya ahaa oo ay Wasaarada Gaashandhiga ku dooneysay in la qarameeyo Ciidamada Maamulka Puntland gaar ahaan kuwa Daraawiishta, waxaana horey Socdaal arintaa looga gol leeyahay ku tagay Maamulka Puntland Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Halyeey Salaad Cali Jeele o safaro shaqo ku tagay gobolo badan oo ka mid ah Puntland isagoo maamulkaana kala soo hadlay sida ay Ciidamada Daraawishta uga mid noqon karaan Ciidamada Xooga oo ay uga hawlgali karaan Somalia inteeda kale. Jeneraal Saalax Xasan Jaamac ayaa waxaa uu kormeero shaqo ku tagay intii uu halkaa joogay Xarooyinka ciidamada Daraawiishta Puntland, waxaana talaabadaan kala shaqeynaya Maamulka Puntland oo ay ugu horeeyaan Saraakiisha Ciidamada. Maamulka Puntalnd ayaa waxaa ay wararku sheegayaan in ay u hogaansameen Codsiga Taliska wasaarada Gaashaandhiga ee somalia. Dawlada Federaalka gaar ahaan Wasaarada Gaashaandhiga ayaa waxa ay wadaa dadaal ku aadan in la mideeyo Ciidamada Xooga Dalka meel walbaa oo ay Somaaliya ka jogaan , waxaana ay talaabadaan horseedi doontaa in dib loo helo Cudadii Ciidamada Xooga ee kala firdhinsantay. Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho Somalia Contact Carmooyin@hotmail.com OrCarmooyin@gmail.com
  19. My old friend, I am happy to be at the centre of your SOL stay. Because your quest to get that fake country recognised is coming to an end. Your claims over SOOL & SANAAG are at an end. Thus keep day dreaming in the little traingle and watch Somalia rise from the ashes.
  20. Taliska guud ee Ciidanka Dawlada oo markii ugu horaysay gadahay Laascaood { 04 Sep 2007} waxaa la daabacay Tue 04 Sep 2007 14: 52: 13 Abaanduulaha Ciidamada Dawladda kumeel gaadhka ah General Saalax iyo wefti Saraakiil ah oo ay ka mid yihiin Generaal C/samed Cali Shire ayaa gaadhay Laascanood Weftigan oo ka soo anbabaxay Garoowe ayaa durbadiiba booqasho ugu tegay Cidamada ku duruufaysan jiida hore ee adhicadeeye iyagoo u sheegay in la mideeyey Ciidanka Dawlada hada wixii ka danbeeyana ay heli doonaan xuquuqdooda. Waa markii ugu horaysay ee Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Qaranka uu gaadho goobtaas, waxaana ay tani ka danbaysay ka dib markii dhawaan la mideeyey CiidankaPuntland iyo Ciidanka federaalka Soomaliya. Lama hubo in wax is bedel ah oo weyn uu ku soo siyaadidoono waxaasa aad ma moodaa in durba Ciidanka uu soo galay waxoogaa yididiilo ah alldarwiish.com
  21. Muqdisho: Beelaha wada daga gobalada Jubooyinka oo shir uga furmay magaalada Muqdisho. 4. september 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya ayaa waxaa ka furmay shir nabadeed ay ka qeybgalayaan beelaha daga gobalada Jubooyinka isla markaana ay ka soo wada jeedaan ciidamadii ku dagaalamay magaalada Kismaayo duleedkeeda bilihii aan ka soo gudnay. Shirkan waxaa soo agaasimay dowlada Faderaalka ee Soomaaliya gaar ahaan wasaarada Arimaha gudaha ee Soomaaliya waxaana ka qeybgalaya in ka badan 11 Beelood oo wada gudaha magaalada Kismaayo. Sida ay sheegayaan Salaadiin shirkan ka qeybgalaya oo magacooda ka gaabsaday waxaa lugu falanqeynayaa xaaladaha Jubooyinka iyo sidii wax looga qaban lahaa colaadii ay sababeen dagaaladii qaraaraa ee dhexmaray labada ciidan ee ka wada tirsanaa dowlada faderaalka ee Soomaaliya. Horay Vila Soomaaliya waxaa loogu qabtay shir hordhac ah oo ay yimaadeen qaar ka mid ah madaxda beelahaasi ,inkastoo shirkaasi dib loogu dhigay socoshadii shirweynihii beelaha Soomaaliyeed uga socday Muqdisho. Mid ka mid ah waxgaradka beesha waqtigan magaalada Kismaayo gacanta ku heysa oo jooga Magaaladaasi ayaa Saxaafada usheegay in ay rajo weyn ka qabaan in ay go'aamo wax ku ool ah ka soo baxaan shirkaasi lugu qabtay magaalada Muqdisho. Shirarkan oo kuwa beeleedyo isla markaana si beel ah loo wada hadlayo ayaa kuwa gabi ahaanba saxaafada loo diiday waxaana lafilayaa in ay wasaarada Arimaha gudaha ee dowlada Soomaaliya ku dhawaaqdo guulaha laga gaaray markii lasoo dhameeyo wada hadalada dhinacyada kala duwan khuseeya. Faarax C/qaadir Geylan
  22. ^^^Adeer the men who are hiding out in Asmara under Aferwarki's skirt dont need to be lecturing anyone. As Mogadishu's former child soldiers and bombers get tamed, they will get even more confused. They will achieve in Asmara what they could not in Mogadishu? I think not, so go and sink your heads in the sand.