General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Price for grenades, pistols skyrockets in Mogadishu
General Duke replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Qiimaha Bamka gacanta oo kor u kacey 1 Sep 1, 2007 - 8:00:43 AM Waxaa sare u kac xoogan laga dareemay qiimaha lagu kala iibsado Bam gacmeed gaar ahaan nooca loo yaqaan F1-ka oo maalmahan gaaray qiimo dhan $40 oo u dhiganta 800,000 Shillin Somali ah, iyadoo horay loogu iibin jiray in ka yar hal Dollar. Iibsiga Bam gacmeedka oo iminka Muqdisho ka ah mid qarsoodi ah oo aysan jirin suuq si cad looga iibiyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa sababtay sara kaca Bam gacmedyada oo ay adeegsadaan kooxaha ka soo horjeeda dowladda iyo ciidamada Itoobiya. Dhinaca kale qiimaha Bastooladaha noocyadooda kala duwan ayaa iyaguna sare u kacay oo qiimuhu gaaray lacag dhan 400 $ oo u dhiganta Sideed Milyan Sh. So. Tan iyo markii ay magaalada Muqdisho laga mamnuucay suuqyada lagu iibiyo hubka ee loo yaqiinay cirtoogtaha ayaa dhalisay in ay sare u kacaan qiimaha Bastooladaha iyo bam gacmeedyada. Garowe Online,Muqdisho -
Mogadishu: Northwest forced to use new TFG passport
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dulimadyada oo xayirada laga qaadey 2 Sep 2, 2007 - 6:44:06 AM Waxaa maanta dib loo fasaxay xayiraadii mudada todobaadka aheyd saarneyd duulimadyada diyaaraddaha ay ku tagi jireen deegaanada Woqoyi galbeed ee Somaliya sida uu shegay Taliyaha waxda socdalka iyo Jinsiyadaha Cabdullahi Gafow Maxamud. Taliyaha wuxuu sheegay in kulamo ay horey ula yeesheen maamulada shirkaddaha diyaaradaha ay ku dhamaadeen isfaham la’aan la xiriirtay sameynta document-yada loo sameeyo dhoofayaasha aadaya gobolada Waqooyiga Soomaaliya. Md. Gaafow wuxuu intaa raaaciyay in laga bilaabo maantaba dib loo furay duulimaadyadii diyaaradaha taasoo ay isku afgarteen mas’uuliyiinta shirkaddaha iyo waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha. Dhowaan ayey aheyd markii waaxda socdaalka ay joojisay diyraddaha aadaya Somaliland oo lagu eedeeyay iney rakaabka u sameeyaan waraaqaha Go Home-ka taasoo ay shaqo ku leedahay waaxda socdaalka. Garaowe Online,Muqdisho -
Mogadishu: China TFG sign deal as official visits Xamar
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
China oo tageereysa Somalia 2 Sep 2, 2007 - 6:36:07 AM Dowlada China ayaa maalintii Jimcaha bixisay tageero gaareysa $1.5 Milyan taas oo wax ka tari doonta dhibaatooyinka haysta Somalia. Heshiiskan oo ay sixiixeen Madaxweynaha DFKMG ah iyo safiirka dowlada China u fadhiya wadanka Kenya Zhang Ming ayaa noqoneysa $ 1 Milyan oo dib u dhisid ah, $0.5 Milyan oo tageero xagga bini'aadnimada ah kuwaas oo ay ku jiraan daawooyinka loo qaato malaria-da qiimahadoona noqon doono $132,000. Madaxweynaha DFKMG ah oo ka hadley xafladii saxiixa ayaa sheegey in wadankiisa u baahanyahay tageero dib-u dhis kadib in ka badan 10 sano oo dagaal sokeye ah. Cabdulahi Yusuf Waxaa uu mahad celiyay dowlada China tageerda dhaqaale ay siiyen Somalia. Garowe Online+Wakaaladaha -
Somaliland Oo Ogolaatay In Baasaborka Cusub Lagu Soogeli Karo Hargeisa (Hargeisa}2.9-7 Dowlada kumeelgaadhka ah ee somalia iyo hogaamiyayaasha ismaamulka labaxay somaliland iyo waliba madaxda shirkadaha duulimaadyada oo isku waafaqy in baasaboorka cusub ee somalia lagu tegi karo magaalooyinka hoos yimaada maamulka lamagac baxay somaliland........................... fasaxaadan ayaa timi kadib wixii ka danbeeyay markii waaxda socdaalka ee duulimaadyada ee dowlada somalia masuuliyiinta maamulka labaxay somaliland iyo madaxda shirkadaha duulimaadyada aywada kulmeen oo ay wada hadleen. sababa dhaliyay in dowlada kumeelgaadhka ah ay xanibto ama ay joojiso diyaaradihii tegi lahaa magaalooyinka hoos yimaada maamulka labaxay somaliland gaar ahaan hargeisa iyo berbera safaradii ay ku tegi jireen waxaa kamid ahaa eedeyn dowlada federaalka ay dusha kaga tuurtay maamulka labaxay somaliland oo ku aadan in maamulka somaliland uu ku xadgudbay shuruucda cusub ee baasaboorka dowlada somalia iyo arimo badan oo doora. sidoo kale somaliland ayaa amartay cidii lagu arko baasaboorka cusub ee dowlada somalia inay ku xukumayso 8 sanadood oo xadhig ah iyo ganaax lacageed qodobkan oo ahaa kii muranka weyn dhaliyay ayaa haatan ay somaliland kasoo dabacday waxayna wararku sheegayaan in wada hadal dheer kadib ay dowlada federaalka somalia iyo maamulka isku magacaabay somaliland isla ogolaadeen in arinka laxaliyo..................... .widhwidhonline@gmail.com Widhwidh Online News Desk..Media Center
-
Price for grenades, pistols skyrockets in Mogadishu
General Duke replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Emperor loool. These folks dont understand that the price has gone up because there is less weapons around. Also now weapons are sold in a clandestine fashion, under the table. Since all the gun markets are closed. Well done to the security forces. -
JVA militia in Kismayo barbaricly rape young girl after marriage refusal
General Duke replied to Emperor's topic in Politics
Its disturbing, but expected from this group. They will loose in the end. Our heartflet condolence to the girl and her community. -
On Friday, Somalia government made new deals with the Chinese government over rebuilding the entire infrastructure of the capital following the arrival of the Chinese ambassador to Kenya in Mogadishu as the government spokesman said. Speaking on behalf of Somalia, President Abdulahi Yusuf Ahmed signed the new contract on rebuilding the institutions while on the China side, the ambassador, Du Qiwen signed the deal.
-
Somalia: Ministers told to rebuild offices Last Updated::2007-09-01 20:11:34 Somali’s interim president Abdulahi Yusuf Ahmed Saturday ordered the cabinet ministers to renovate the former buildings within three months a bid to step up the efforts to develop the government’s institutions. His statement made in the opening ceremony at the ministry of land and space which happened at Shanghani district in Mogadishu. In his speech, Mr. Yusuf told the ministers to do all what they can to resume their ministries. “By all means, the departments should be in operational within matter of days,” The president’s remarks came as the cabinet moving slowly to operate some ministries. All the ministerial buildings have not had maintenance since the fall of the former regime in 1991. On Friday, Somalia government made new deals with the Chinese government over rebuilding the entire infrastructure of the capital following the arrival of the Chinese ambassador to Kenya in Mogadishu as the government spokesman said. Speaking on behalf of Somalia, President Abdulahi Yusuf Ahmed signed the new contract on rebuilding the institutions while on the China side, the ambassador, Du Qiwen signed the deal. Abdi Haji Gobdon, the spokesman for the government said before signing the agreement the Chinese delegation supervised several locations in the capital including former cigarette and match factory, Mogadishu’s football stadium and other key places, which the Chinese company had previously built.
-
Puntland state dinner for a hero returned home: Col Abdirizaaq Afgaduud.
General Duke replied to Gabbal's topic in Politics
^^^Maybe you are .. -
Mogadishu: Top leaders open Ministry of Transportation HQ
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^lool. Its the firts public office to be opened in 17 years. Unlike the clowns the TFG gets things done. Mogadishu is back, Somalia is back -
Puntland state dinner for a hero returned home: Col Abdirizaaq Afgaduud.
General Duke replied to Gabbal's topic in Politics
^^^LOOL. Indeed, anyhow update us were Hiiraale unlike Col Afgaduud is having a state dinner.lool -
Mogadishu: China TFG sign deal as official visits Xamar
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^lool. They are helping to rebuild the ministries and governemnt offices. Oh as for Chinese products dont use anything as they make 90% of what we consume now days in the US. -
Mogadishu: China TFG sign deal as official visits Xamar
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dowladaha Shiinaha iyo Somalia ayaa shalay gaaray heshiisyo dhinaca dhaqaalaha iyo dib u dhiska, iyadoo dowladda shiinaha ay hal Million oo dollar ay ku bixisay in lagu dayactiro xarunta Madaxtooyada oo fariisin u ah madaxweyne C/laahi Yuusuf. -
Puntland state dinner for a hero returned home: Col Abdirizaaq Afgaduud.
General Duke replied to Gabbal's topic in Politics
^^^^lool. We wait on Horn to tell us what he had for lunch. -
Mogadishu: Top leaders open Ministry of Transportation HQ
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
source Munaasabaddan Ayaa Waxa Ey Ka Dhacday Magaalada Muqdisho Dhageyso: Qudbadii Prof. Geedi Uu Ka Jeediyay Munasabadda -
Puntland state dinner for a hero returned home: Col Abdirizaaq Afgaduud.
General Duke replied to Gabbal's topic in Politics
Welcome home Mudane. Its not Hiiraale getting bommbed in occupied Bardheere thats a different welcome. -
Dowlada Mareykanka Oo Si Weyn U Soo Dhaweysay Shirkii Dib U Hishiisiinta Ee Muqdisho Lagu Soo Afjaray Posted to the MOL September 1, 2007, 7:35 am Dowlada Mareykanka ayaa si weyn u soo dhaweysay shirkii dib u hishiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay kaasi oo ay sheegeen in uu yahay hor mar dhanka nabada loo qaaday. Danjiraha Mareykanka ee Nayroobi Michael Renneberger ayaa shir jaraa`id oo uu ku qabtay Nayroobi ayuu ku sheegay in shirkaasi uu ahaa fursad muhiim oo ay haboon tahay in si deg deg ah looga faa`ideysto. Waxa uuna ku baaqay in si deg deg ah loo meel mariyo qodobadii lagu hishiiyay intii uu socday shirkaasi oo muddo 45 cesho ah ka socday magaalada Muqdisho. Mr.Renneberger ayaa dhanka kale ku baaqay in dalka Soomaaliya loo diro ciidamo dheeraad ah si loogu guuleysto soo celinta nabadii Soomaaliya isaga oo rajo ka muujiyay in arintaasi ay dhawaan dhameystirmi doonto. Waxa uu danjiraha intaa raaciyay in wax laga xumaado ay tahay in dalalkii balan qaaday ciidamada aysan weli aysan dhameystirin arinkaasi , iyadoo dalka ay joogaan oo kaliya ciidamo ka socda Uganda. Dowlada Mareykanka ayaa gadaal ka riixeysa arinta ciidamada ee Soomaaliya , iyadoo Mareykanka uu haatan uu si weyn ugu soo jeestay arinta Soomaaliya . Cismaan Xasan Cali Mudugonline.com
-
Mogadishu: China TFG sign deal as official visits Xamar
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Shiinaha iyo Soomaliya oo heshiis ku galay dib u dhiska Xarumaha DFKMG Last Updated::2007-09-01 20:40:03 Muqdisho:- Afhayeenka Dowlada Federaalka Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa saxaafada u sheegay in uu jiro heshiis dhexmaray Shiinaha iyo DFKMG oo la xariira sidii dib loogu dhisi lahaa xarumaha Dowlada ee ku yaal magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Heshiiskan ayaa la sheegay inuu ka dhacay Magaalada Muqdisho, kadib markii uu halkaasi safar ku tagay Safiirka dowlada China u fadhiya dalka Kenya. Safarkaasi ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa mid lagu kuurgalayo xaalada magaalada Muqdisho iyo waliba xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood. Dowlada China ayaa kamid ah dowladihii xiriirka weyn la lahaan jiray dalka Soomaaliya kahor dagaaladii sokeeye, isla markaana horey dalka Soomaaliya uga fuliyey mashruucyo waaweyn oo dhinaca dhismaha ah. Macada qorshahan cusub goorta uu hirgeli doono, balse maanta khudbad uu Madaxweynaha DFKMG C/laahi Yusuf ka jeediyey furitaanka xarunta Cusub ee Wasaarada Gaadiidka Cirka io Dhulka ayuu ku sheegay in loo baahan yahay Wasaaradaha dhamaantood in ay xarumahooda ka hawlgalaan muddo sadex bilood gudaheed ah. Sidoo kale waxaa isla todobaadkan soo baxay amar ah in dadka shacabka ah isaga baxaan Xarumaha Ciidamada ee ku yaal Muqdisho muddo 10 casho gudahood ah. HorseedNet.com -
Shirkii Mucaaradka Ee Asmara Oo Dib U Dhac Ku Yimid Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 01-Augosto-2007 Shirkii ey iclaamiyeen golihii Maxaakiimta Islaamka iyo kooxda la baxay Baarlamaanka Xorta ah ee lagu waday in uu qabsoomo maalinka barito ah ayaa la sheegay in dib loo dhigay ilaa lixda bisha ee ku beegan maalinka Arbacada ah. Dib u dhaca shirkan oo lagu sheegay in uu ka danbeeyo kadib markii ey soo xaadiri waayeen inta badan ergooyinkii lagu casuumay shirka oo kuligood ah dad dibadda ku nool islamarkaan ka kala imaanayay wadamao kala duwan oo qaarkood fog-fog. Ilaa iyo iminka ma cada tirada rasmiga ah ee lagu casuumay shirkan, laakiin wararka qaar ayaa sheegay in ey isugu tagayaan shirkaas dad tiradoodu lagu sheegay 150-200 oo qofood. Shirkan oo ey isugu imaanayaan kooxo mucaarad ah oo qaarkood dalka kasoo cararay kadib dagaaladii qaraaraa ee halkaasi ka dhacay dhamaadkii sanadii hore iyo dad iyagu qurbo joog ah kuwaasoo kuligood ka mideysan waxa ey ugu yeereen Gumeysiga Itobia ee dalka kusoo duulay. Isagoo shirkan wali ka furmin dalka Eritrea ayaa waxaa iyana soo shaac baxay mucaarado badan oo shirkan kaga imaanaya xagga kooxo kale oo ey isku mowqif yihiin kuwaasoo ku tilmaamay raggan ku shiraya Eritrea ey yihiin kooxo iyagu iswacday oo isku dano ah. Kooxaha mucaaraday shirkan ilaa iyo hada laakiin isku fikir ah ayaa waxaa ka mid ah odayaasha ****** ee garabka mucaaradka oo iyagu ku sugan Muqdisho iyo koox diimeedka Al-sabaab oo iyagu soo saaray baaq ey ku mucaaradayaan shirkan |Halkan Ka Akhriso Baaqa Al-shabaab (Riix Halkan)|, waxeyna ku tilmaameen kooxdan iyagana mucaaradka ah ee ku shiraya Asmara ey yihiin kuwa la shaqeysta gaalada isla markaana ku qabsanaya shirka caro gaalo. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
-
Puntland state dinner for a hero returned home: Col Abdirizaaq Afgaduud.
General Duke replied to Gabbal's topic in Politics
Afgaduud welcomed home, great news indeed. -
Mogadishu: Top leaders open Ministry of Transportation HQ
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Munaasabada Furutaanka Wasaarada Gaadiidika Cirka iyo Dhulka oo Muqdisho ka dhacday Madaxweyne C/laahi Yuusuf” Wasaarad Walba Xarunteeda haku sameysato Sedex bilood” Mogadishu, Sabti , September 01 2007 SMC R/wasaare Geedi , Darawal kastaa waa in uu qaataa Sharciga mudo Sedex bilood ah”. Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa ugu baaqay Wasiirada ku jira Dowladiisa in ay muddo 3 bilood gudaheed ay ku dayactiraan Xarumaha Wasaaradahooda. Madaxweynaha oo ka hadlayay Munaasabad xariga looga jarayay Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka oo ka dhacday Maanta Xaruntii Fiisha Bra ee Degmada Shangaani Madaxweyne Yuusuf ayaa sheegay in mudo 3 bilood ah kadib laga doonayo wasiir waliba in wasaaradiisa ay xarun ku yeelato magaalada Muqdisho isla markaana uu dadaal xoogan arrinkaasu u galo. “Meeshaad rabtaan lacag ka keena, hadaad rabtaan dadka ha dhicina, xataa soo luf lufta waxaa la idinka rabaa inaad 3 bilood gudaheed ku soo dayactirataan Xarumaha Wasaaradaha”ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo hadalo kaftan u muuqday manta ka jeediyay Munaasabadii Furitaanka ee Xarunta Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka. Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in Wasaarad kasta ay ku shaqeysa xarunteeda, waxa uuna u jeediyay Wasiirada Xukuumada Soomaaliya, in ay bilaabaan howlo ay ku dar dar gelinayaan Xafiisyadooda. Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya, iyadoo qaar ka mid ah Xarumihii Wasaaradihii Dowladii hore ay ka muuqdaan bur buro soo gaaray dagaaladii sokeeya, laakiin Wasaarado qaar ayaa u muuqanaya kuwo xil iska saaraya howlahooda, sida Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta oo dhowaan howlo dayactir ah ku sameysay Xarunteeda oo ku taal Degmada Boondheere. Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa ku dhawaaqay in muddo 90-maalmood gudahooda ay isku soo diiwaan geliyaan Gaadiidka ka shaqeeya Gudaha Soomaaliya si loo siiyo aqoonsi. Hadalkan ayuu manta Ra’iisul wasaaruhu ka sheegay Munaasabad xariga loogaga jarayay Xafiiska Wasaarada Gaadiidka cirka iyo dhulka oo ka dhacday Xaruntii hore ee Fiisha Bara. Prof. Geeddi ayaa sheegay in dhamaan gaadiidka ka howl gala Gudaha Soomaaliya la siin doono aqoonsi, isagoo sheegay in gaadiidka aan isa soo diiwana gelin loo aqoonsan doono kuwa dhibaatada wada. Waxa uu sheegay Prof. Geeddi in diiwaan gelinta looga dan leeyahay sidii loo asteyn lahaa Nabadgelyada Dalka iyo Caasimada Muqdisho, isagoo sheegay in gaadiidkii aan wadan wax aqoonsi ah uu ka mid yahay kuwa dhibaatada abuuraya. Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaare Geeddi in darawal kasta ama wade kasta looga baahan yahay in uu qaato warqada fasaxa iyo Taargada gaadiidka. Dhanka Kale Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed Ibraahim Xaabsade oo isna ka hadlay Munaasabadii Furitaanka Xafiiska Wasaaradiisa, ayaa sheegay in Xarumo ay ka furan doonto Wasaaradiisa, Magaalooyinka Beled Weyn, Kismaayo, iyo Baydhabo. Waxa uu sheegay Wasiirka in wasaaradiisa ay u wajaheyso sharciyada gaadiid dhowr tallaabo, isagoo sheegay in ay soo bandhigeen Documentiyada Taargooyinka gaadiidka kala duwan, kuwaasoo uu sheegay in wado sharciyeysan loo marayo. Somaliweyn Media Center (SMC) Mogadishu Somalia -
Mogadishu: Top leaders open Ministry of Transportation HQ
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho: Sadaxda mas’uul ee ugu sareysa dowladda oo maanta xariga ka jaray xarun cusub 1. September 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayey furitaanka xarun cusub oo ay ka howlgasho wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka oo manta lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe, Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo wasiiro ka tirsan dowladda, xildhibaano, safiirada Itoobiya iyo Yeman. Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in in la gaaray xiligii dib u dhiska iyo dib u degida xarumaha ay ku shaqeynayaan wasaaraddaha dowladda, wuxuuna balan qaaday in madaxdooda ay ka shaqeyn doonaan sidii loo diyaarin lahaa looguna fududeyn lahaa hey’addaha dowliga ah iney Muqdisho ay ka wada howlgalaan. Ra’iisul Wasaare Geeddi ayaa isaguna halkaasi ugu baaqay wasaaraddaha kale ee aan weli furan xarumo ay ka howlgalaan iney mudo sadax bilood gudahood ah ay ku sameystaan xarumaha ay ka howlgalayaan, wuxuuna ugu baaqay in la gaaro xiligii loo guntan lahaa wax qabad dhab ah. “Waxaan wasaaradda gaadiidka ugu baaqayaa iney iyaguna sadax bilood gudahood ay ku soo dhameeyaan sumadeynta iyo diiwaan gelinta gaadidka iyo darawalada ka howlgala dalka oo dhan, iyadoo loo sameynayo warqada lahaanshaha gaadiidka, tan aqoonsiga darawalnimada iyo sumada halka uu ka shaqeeyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo halkaas isaguna hadal gaaban ka jeediyay ayaa ugu mahad naqay mas’uuliyiinta ku dhaqaaqday tallaabadan ku dayashada mudan oo horseedeysa in wasaaraddaha kalena ku daydaan oo ay soo degaan caasimadda. “Amarka asteynta iyo diiwaan gelinta gaadiidka aniga ayaa bilaabahaya oo berrito gaadidka Madaxtooyada yaala iyo kuweygaba lagu bilaabayaa asteynta oo Xaabsade u imaanahaya” ayuu yiri Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo dhoola cadeynaya. Madaxweynaha iyo mas’uuliyiintii halkaa ka hadashay ayaa ugu wada baaqay hey’addaha dowladda iney Muqdisho soo degaan sidoo kalena Baarlamaankuna uu soo dego xaruntii Gaadidka Booliska ee lagu qabtay shirka taasoo ah goob weyn oo Baarlamaanka degi kara. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho -
Madaxda Sare DFS Oo Ka Qeyb Galay Xafladda Furitaanka Wasaaradda Gaadiidka Cirka & Dhulka Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 01-Augosto-2007 Xaflad lagu maamuusayey furitaanka xarun cusub oo ay ka howlgasho wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka oo manta lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeybgalay madaxda sare ee dowladda sida Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe, Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo wasiiro ka tirsan dowladda, xildhibaano, safiirada Itoobiya iyo Yeman. Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in in la gaaray xiligii dib u dhiska iyo dib u degida xarumaha ay ku shaqeynayaan wasaaraddaha dowladda, wuxuuna balan qaaday in madaxdooda ay ka shaqeyn doonaan sidii loo diyaarin lahaa looguna fududeyn lahaa hey’addaha dowliga ah iney Muqdisho ay ka wada howlgalaan. Ra’iisul Wasaare Geeddi ayaa isaguna halkaasi ugu baaqay wasaaraddaha kale ee aan weli furan xarumo ay ka howlgalaan iney mudo sadax bilood gudahood ah ay ku sameystaan xarumaha ay ka howlgalayaan, wuxuuna ugu baaqay in la gaaro xiligii loo guntan lahaa wax qabad dhab ah. “Waxaan wasaaradda gaadiidka ugu baaqayaa iney iyaguna sadax bilood gudahood ay ku soo dhameeyaan sumadeynta iyo diiwaan gelinta gaadidka iyo darawalada ka howlgala dalka oo dhan, iyadoo loo sameynayo warqada lahaanshaha gaadiidka, tan aqoonsiga darawalnimada iyo sumada halka uu ka shaqeeyo”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo halkaas isaguna hadal gaaban ka jeediyay ayaa ugu mahad naqay mas’uuliyiinta ku dhaqaaqday tallaabadan ku dayashada mudan oo horseedeysa in wasaaraddaha kalena ku daydaan oo ay soo degaan caasimadda. “Amarka asteynta iyo diiwaan gelinta gaadiidka aniga ayaa bilaabahaya oo berrito gaadidka Madaxtooyada yaala iyo kuweygaba lagu bilaabayaa asteynta oo Xaabsade u imaanahaya”, ayuu yiri Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo dhoola cadeynaya. Madaxweynaha iyo mas’uuliyiintii halkaa ka hadashay ayaa ugu wada baaqay hey’addaha dowladda iney Muqdisho soo degaan sidoo kalena Baarlamaankuna uu soo dego xaruntii Gaadidka Booliska ee lagu qabtay shirka taasoo ah goob weyn oo Baarlamaanka degi kara.
-
Mogadishu: China TFG sign deal as official visits Xamar
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
China & Somalia Heshiisyo Ku Kala Saxiixday Muqdisho Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 01-Augosto-2007 Heshiisyo wax ku ool ah una badan dhinaca dib u dhiska dalka Somaliya oo ey kala saxeexdeen maanta dowladaha Somaliya iyo China ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho oo uu ku sugan yahay safiirka China u fadhiya Kenya iyo wafdi uu hogaaminayo. Safiirkan iyo wafdigiisa ayaa waxa kormeer indha-indheyn ah kusoo sameeyeen xarumo dhowr ah oo ey dowladda China horey uga dhistay dalka Somaliya sida Stadio Muqdisho, Warshadii Taraqa iyo Sigaarka iyo goobo kale oo dib u dhis u baahan. Kadib kormeerkooda qiimeynta ahaa oo ey ku bixiyeen wafdigan caasimadda Muqdisho ayaa waxaa ey abaareen dhinacaas iyo madaxtooyada halkaasoo heshiisyada lagu kala saxeexday, isagoo heshiiskan uu u saxeexay Somaliya madaxweynaha dowladda Federalka mudane C/Laahi Yuusuf Axmed. Sida uu shegay afhayeenka dowladda Cabdi X. Goobdoon ayaa waxaa heshiisyadan iugu jireen deeqo iyo dib u dhis oo xitaa lagusoo bandhigay cadada lacagaha qaar iyo qarashaadka ku baxayo mashruucyadan. dowladda China ayaa horay kaalin lixaadleh ka qaadatay dib u dhiska dalka ee xilligii Kacaanka dowladdi Siyaad Barre, waxeynaa markaa dhistay sida wadooyinka, jaamacadaha, garoomada sportiga iwm. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
