General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Muqdisho: Faahfaahin ku aadan heshiiskii ay kala saxiixdeen dowlada Soomaaliya iyo dowlada China. 1. September 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Xarunta madaxtooyada Soomaaliya waxaa shalay galabnimadii heshiis ku kala saxiixday dowlada faderaalka ee Soomaaliya iyo dowlada China. Heshiiskan ay kala saxiixdeen labadan dowladood ayaa waxaa ukala saxiixay ayadoo dhinaca dowlada Soomaaliya uu usaxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaalida Md.C/laahi Yuusuf Axmed ayadoo dhinaca China usaxiixay Safiirka cusub ee China ee arimaha Soomaaliya. Waxyaabaha lugu heshiiyay waxaa ka mid ah In dowlada China dibu habeyn balaaran oo dhinaca dhismahaa ku sameysay goobaha kala ah Vila Soomaaliya ,warshadii hore taraqa,garoonka Muqdisho oo dagaalo la dageen iyo goobo kale ,waxaana dhaqaalaha ku baxaya qaar kamid lasheegay. Dhismaha xarunta Madaxtooyada waxaa ku baxaya aduun gaaraya (Hal Malyan oo Doolarka Mareynkaa) ,waxaana sidoo kale lasheegayaa in dhismayaal kale laga fulinayo magaalada Muqdisho. Afhayeenka dowlada Faderaalka ee Soomaaliya Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa sheegay heshiiskan noqon doono mid dhawaan hir gala ,isagoo ka dhawaajiyay inba laga yaabo todobaadyada soo socda in uu hirgalo. Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa sheegay in dhaqaale fara badan loogu deeqay arimaha Caafimaadka Soomaaliya isla markaana loo dhiibay lacagtaasi barnaamijka caafimaadka Aduunka ee WHO kana mid ahaa heshiiskan. Heshiiskan dhexmaray dowlada Faderaalka ee Soomaaliya iyo Dowlada China ayaa umuuqda mid dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ay ku dooneyso dibu dhiska dalka Soomaaliya ,inkastoo guud ahaan dalka Soomaaliya laga fulin doono ayaa hadana lugu hormarayaa caasumada Soomaaliya ee Muqdisho. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  2. Sedex Ruux Oo Ku Geeriyootay Muqdisho Xilli Saqdii Dhexe Ee Xalay Ay Miino Ku Aasayeen Deegaanka KKP Posted to the MOL August 31, 2007, 10:08 am Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoogan oo qasaare geeystay uu ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxaasi oo ka dhashay miino ayaa saqdii dhaxe ee xalay ka dhacay xaafadda KKP ee degmada Hodon , iyadoo wararka kala duwan ay ka soo baxayaan qasaaraha uu geeytsay iyo cidda ku geeriyatay waxa ay tahay. Wararka qaarkood waxa ay sheegayaan in hal ruux uu ku dhintay halka war kale uu sheegayo in ilaa sedex qof ay ku geeriyootay, iyadoo goobta qaraxa uu ka dhacay saaka lagu arkayay xubno jireed oo go`go`ay . Ilo wareedyo soo baxaya ayaa sheegaya in dadka dhintay ay ahaayeen rag aasayay miinadaasi, iyadoo goobta qaraxa uu ka dhacay ay ka dhawyihiin ciidamada dowlada KMG ah Soomaaliya . Ciidamo ka tirsan dowlada KMG ah ayaa saaka gaaray goobtii qaraxa , iyadoo aysan bixin wax war ah oo la xariira qaraxii xalay . Waxaana degan xaafadda KKP inkastoo gaadiidka in muddo ah laga joojiyay in ay halkaasi maraan balse markii dambe loo ogalaaday. Xigasho-Ilo Muhiim Ah Mudugonline.com
  3. C/raxmaan Shift “Shirkii dib u heshiisiintu nataa’ij waaweyn oo guul umadeed xambaarsan ayuu soo saaray” C/raxmaan maxamuud Jimcaale (Shift) oo ahaa afhayeenkii kulanweynihii dib u heshisiinta qaranka Soomaaliyeed ee shalay soo dhamaaday ayaa sheegay in guulo wax ku ool ah laga gaaray shirkaasi,aysana jirin cid iska in dhatiri karta . “Shirkii dib u hesisiintu nataa’ij waaweyn oo guul umadeed xambaarsan ayuu soosaaray mana jirto cid iska indha tiri karta”ayuu yiri afhayeenkii shirkaasi C/raxmaan Shift oo saxaafadda la hadlayay . Waxaa cabdiraxmaan Shift uu intaa ku daray in markiisii horaba shirkaasi uu ku yimid rabitaanka shacabka Soomaaliyeed islamarkaana uu meelmarinayay baahi ay shacabka Soomaaliyeed u qabeen nabad waarta in ay helaan. “Shirkaasi ma ahayan mid dad xil ka qaadayay dadna xil siinayay ee wuxuu ahaa mid isu calool fayoobi Soomaaliyeed lagu baadi goobayay”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay C/raxmaan Shift oo sheegay in hamigii laga lahaa shirkaa laga gaaray maadama beelaha Soomaaliyeed ay is cafin guud ku dhaqaaqeen. “Wadanku wuxuu u baahday talo,markii madaxweynaha Soomaaliya uu shirkaa ku dhawaaqayayna taa macneheedu waxaa uu ahaa in dadka wax garadka ahee Soomaliyeed talo la weydiiyo,taladaana lagu wada shaqeeyo”ayuu yiri C/raxman shirft oo intaa ku daray in kaddib uu shirku arrimahaa oo dhan maareeyay guushuna ay tahay mid aan la dafiri Karin oo usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed. Xafiiska warqabadka shaabakadda wrarka carmooyin.com ee Muqdisho. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com
  4. Qarax miino oo ka dhacay degmada Hodan oo ay ku geeriyoodeen dadkii dhigayey Muqdisho (WNT) Inta laga war hayo waxa geeriyootay laba ruux oo lagu sheegay kuwii miinada dhigayey waxaa iyana dhaawac ka soo garay laba ruux oo kale sida laga soo xigtay aghayeen u hadalay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. C/llaahi Cumar oo u halayey ciidanka Booliiska ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe ay ku geeriyoodeen laba ruux oo ahaa kuwii miinada dhigayey laba kala ay ku dhaawacmeen, waxaana uu sheegay qaadeen kuwii dhaawac ahaa. Qarax miinadan ayaa xalay laga magalay deegaanka ku xeeran degmada Hodan iyo guud ahaan degmada Hodan oo dhan, waxaana cidina war hayn wax yeelada qaraxaan xilliga oo habeen ahaan awgiis, waxaase saakay lagu waabariistay meyd jar jartay miinadu. Magaalada Muqdisho ayaa ka nasatay qaraxyadii miinada oo kuwaasi oo lagu aasi jiray jidadka waaweyn iyo kuwa yar yare e magaalada Muqdisho, taasi oo inta badan aan kala aqoon dadka rayadka iyo masuuliyiinta dawlada ee iyaga lala beegsanayey, waxaana hadda arintaas badaley oo si joogto ah uga dhaca magaalada bun booyinka gacanta laga tuuro. Xarunta wararka Waayaha
  5. Shirweynihi Qaran Oo Lasoo Gabagabeeyay Maanta Muqdisho, Somaliya (Calanka) 30-Agosto-2007 Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka dib u heshiisiinta beelaha ee mudada 45 cisho ugu socday ergooyinkamagaalada Muqdisho iyadoo munaasabadaasna ay ka soo qeybgaleen Madaxweynaha DF Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi, Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe iyo xubno ka socday Q/Midoobay oo uu hoggaaminayey Francius Fall, Wasiirka Dalxiiska iyo dhaqanka dowladda Itoobiya Maxamuud Dirir, Wasiirul Dowlaha arrimaha dibada Kenya, wakiilo ka kala socday ururka Midowga Africa, Jaamacadda Carabta, Masar, Shiinaha, Norwey Biljimka iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha guddiga Shir guddoonka dib u heshiisiinta beelaha Md. Cali Mahdi Maxamed oo halkaasi ugu horeyn faah faahin ka jeediyay ayaa ku dhawaaqay in shirka lagu gaaray guulo wax ku ool ah ayna ka soo baxeen qodobo aas aaas u ah heshiisyo dhex maray beelaha Soomaaliyeed, iyadoo xeritaanka shirka aysan macnaheedu aheyn in dib u heshiisiintu xeran tahay, waxayna ku sii socon doontaa gobolada degmooyinka iyo tuulooyinka. “Qodobadii ay beeluhu ku heshiiyeen iyadoo Documenti qoraal ah ayaan u gudbinay Madaxweynaha inagoo rajeyneyna in madaxda dowladda ay dhinacooda ka wadi doonaan dhinaca wada hadalka iyo dib u heshiisiinta, waxaana mar kale ugu baaqeynaa kooxaha ka horjeeda siyaasada dowladda iney dhinacooda wada hadalka ugu soo qeybgalaan iyagoo fiirinaya danta shacabka Soomaaliyeed” , ayuu yiri mudane Cali Mahdi. Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shirkan iyo natiijada ka soo baxda ay guul u tahay dowladda Federaalka oo iyadu xiligan iyo wixii ka horeeyayba guntiga u xeratay howlaha baaxada leh ee horyaala kadib burburki, wuxuuna sheegay in dowladdu ay ku tallaabsatay dhabo cad oo wax ka qabaneysa sugida amaanka, kobcinta dhaqaalaha iyo dib u howlgelinta adeegyadii guud ee bulshada. Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Sh. Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in shirkan uu yahay kii ugu horeeyay ee Soomaaliya gudahiisa ka dhaca oo ay Soomaali soo qaban qaabisay wuxuuna sheegay in ay jiraan kooxo dibada ku maqan oo wade qorshe iyo shirar lagu fashilinayo kan dib u heshiisiinta kuwaasoo uu ugu baaqay in ay ku soo biiraan wadatashiga iyo dib u heshiisiinta ka socota gudaha dalka. Madaxweynaha dowladda Federaalka Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed hadal kooban halkaasi ka jeediyay isagoo ugu horeyn mahad naq u jeediyay ergooyinka shirka ka qeybgalay iyo guddigii intaasi soo waday howsha dib u heshiisiinta, wuxuuna ka codsaday ergooyinka iney dib u heshiisiinta ballaariyaan oo ay gaarsiiyaan deegaanadii ay ka yimaadeen. “Waxaa jira dad doonaya iney dagaal iyo xoog ay wax ku raadiyaan, kuma deg degi laheyn hadey garanayaandhibaatada uu dagaalka leeyahay,mana jirto wax guul ah oo lagu gaaray, waxaana leeyahay hadaad wax isku heysaan doorasho baa la qaban doonaa marka dowladda xiligeeda dhamaado, diyaar ayaana u ahay inaan xilka ku wareejiyo cidii la doorto”, ayuu yiri Madaxweyne C/Yuusuf. Wasiirka Dalxiiska iyo dhaqanka Maxamuud Dirir ayaa mahad celin kadib gaashaanka ku dhuftay warar sheegaya in aanu dowladda Itoobiya dooneyn in ay ciidamadeeda ka bixin gudaha Soomaaliya oo ay rabto iney sii joogto ama Itoobiya aysan rabin in dowlad xoog leh ay ka dhalato, taasoo uu ku tilmaamay dacaayad raqiis ah wuxuuna caddeeyay in dowladdiisa ay rabto deganaanshaha Soomaaliya oo ay ka hirgasho dowlad hanata amanka taasoo dan ugu jirto wadamada gobolka iyo beesha caalamka. Wakiil ka socday dowladda Shiinaha oo lagu magacaabo Sam Seng ayaa madasha shirka ka caddeeyay in dowladda Shiinuhu ay ugu deeqday dalka Soomaaliya hal Milyan oo Dollar oo loogu talagalay dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska. Waxaa kale oo madasha shirka hadalo kookooban oo isugu jiray mahadnaq, dhiiri gelin iyo balan qaadyo kaalmooyin dhaqaale ka jeediyay qaar ka tirsan diblumaasiyiintii ka socotay beesha caalamka, kuwaasoo amaankooda si weyn ay u sugayeen ciidamada Ugandha kadib ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Calanka.com: Isha Wararka Xaqiiqda
  6. Dowladaha Somalia iyo China oo kala saxiixday heshiisyo Shabelle airs news in English Mogadishu 31, August 07 ( Sh.M.Network)- Dowladaha Somalia iyo China ayaa waxa ay kala saxiixdeen heshiisyo dhowr ah oo u badan dhinaca dib u dhiska, iyadoo safiirka China ee Kenya oo Muqdisho soo gaary uu u saxiixay dalkiisa halka Somaliyana uu u saxixay Madaxweynaha dowladda KMG ah C/laahi Yuusuf Axmed. Sida uu Shabelle u sheegay Afhayeenka dowladda KMg ah ee Somalia Cabdi Xaaji Goobdoon, ka hor inta aan la kala sixiixan heshiisyada ergada Shiinaha ay indho indheyn ku soo sameeyeen goobo dhowr ah oo ay ku jirto warshaddii hore ee taraqa, garoonka stadium Muqdisho iyo goobo kale, halkaasi oo dowladda China ay markii hore dhistay. Markii ay soo dhameysteen socdaalkooda ayay kulan ku wada qaateen xarunta madaxtooyada madaxweynaha dowladda KMG ah, C/laahi Yuusuf Axmed, waxaana halkaasi lagu kala sixiixday heshiisyo dhowr ah oo ay ka mid tahay lacag dhan halmilyan oo doollar, Taasi oo lagu dayactirayo xarunta madaxtooyada. Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in lacag gaareysa 500 kun oo dollar ay dowladda China guddoonsiisay hay'adda WHO, isla markaana sixiixaasi uu goobjoog ka ahaa wakiilka Somalia ee Hay'addaas. Heshiisyada la kala sixiixday ayaa sidoo kale waxaa ku jira ilaa 300 kun oo dollar oo wax looga qabanayo cudurada Malaariyada ee ka jira Somalia. Afhayeenka mar la weydiiyay goorta ay dhaqan galayaan heshiisyada ayaa waxa uu sheegay in marka wafuudaan Chiness ka ay dib ugu laabtaan dalka Kenya la bilaabi doono fulinta qodobada lagu heshiiyay. Dowladda China ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay heshiisyo la galeysay dalal ku yaala Africa, heshiisyadaasi oo la xiriira dhinaca dhaqaalaha.
  7. ^^^Indeed. They are trying to move the goal post. This was a reconciliation conference between the clans. The clans have made peace.
  8. ^^^What a pipe dream. The TFG has achieved all it wanted. A 45 peace meeting in Somalia ended peacefully and the world has give it its support. Asmara meeting, will be an Eritrean event as Asmara is not in Somalia nor even a country with a border with Somalia. TFG has won, get used to it.
  9. Khudbadii Madaxweynaha DFKMG C/laahi Yusuf ee xiritaankii shirka Dib u heshiisiinta Last Updated::2007-08-30 19:47:55 Muqdisho:- 45 cisho kadib shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ayaa maanta la soo gaba gabeynaya ayadoo madasha shirka ay Madaxda sare ee DFKM ayaa la filayaa in maanta ay khudbado ka jeediyaan xaflada gaban gabaynta shirka dib u heshiisiinta ayagoo kaga hadli doona guulihii uu ku soo tallaabsaday shirka dib u heshiisiinta oo intiisa badan xooga lagu saaray arrimaha dhaqanka iyo xalinta khilaaf beeleedyada. Guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta Cali Mahdi ayaa difaacay natiijada shirka isagoo sheegay in shirka looga hadlay arrimaha dhaqanka iyo siyaasada xilli dadka shirka dhaliilsan ay ku doodayaan in shirka uu ku fashilmay daminta xasaradaha ka aloosan dalka Soomaaliya. Waxaa sidoo kale halkaasi khudbad kasoo jeediyey Madaxweynaha DFKMG C/laahi Yusuf Ahmed. C/laahi Yusuf oo dadkii halkaasi isugu yimid la hadlayey ayaa sheegay inuu u mahadnaqayo dhamaan Issimada iyo Ergooyinka Soomaalida ee shirkaasi kasoo qeyb galay, asagoo intaa raaciyey in shirka uu kusoo dhamaaday GUUL. C/laahi Yusuf ayaa sheegay in 45 casho kadib in shirkan uu noqday mid guul u horseeday shacabka, asagoo sheegay in taasi laga dareemi karo sida beesha Caalamka ay u daneenayaan natiijooyinka kasoo baxay shirkan. Guusha shirka laga gaaray waxay ku xiran tahay hadba sida shacabka Soomaaliyeed ay u garwaaqsadaan guusha ay heleen, waa suu hadalka u dhigayee. Madaxweynaha DFKMG ayaa sheegay in shirkan uu ahaa mid taariikhi ah oo ahaa kii ugu horeeyey oo ay beelaha Soomaaliyeed isugu yimaadaan si ay uga tashadaan sidii dalka loo maamuli lahaa. Madaxweyne C/laahi ayaa sheegay in Dowlada Federaalka aysan wax faro gelin ah ku sameyn, taasina ay uga gol lahaayeen si uu shirka u noqdo mid ka tarjuma rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Waa markii ugu horeysay oo ay shacabka Soomaaliyeed indhahooda ku arkaan in dowladooda ay raali ka tahay in wax walba oo horumar ah ay la dooneyso, ayuu yiri C/laahi Yusuf Ahmed oo madasha shirka dib u heshiisiinta kula hadlayey boqolaal kasoo qeyb galayaal ah iyo marti sharaf kale. C/laahi Yusuf ayaa sheegay inuu balan qaadayo in dowladiisa ay si buuxda uga qeyb qaadan doonto hirgelinta natiijooyinka shirka. Dowlada Waxay diyaar u tahay in ayadoo tixgalineysa go'aamada aad soo saarteen waxay soo dhaweynaysaa wadahadal iyo nabad in lagu xaliyo wax kasto oo dalka Soomaaliya lasoo gudboonaada, si loo samatabixiyo dalka. Wuxuuna sheegay Madaxweynaha DFKMG in dowlada ay qaadeyso wada nabadeynta iyo soo nooleynta dalka, taasina aysan marnaba dib uga laaban doonin. C/laahi Yusuf ayaa yiri,...Waxaanu rabnaa in dalka Soomaaliya in aan gaariisno Nidaam dowladnimo oo ku saleysan rabitaanka ummada iyo Dimuquraadiyada. Qofkii ay dhab ka tahay in Soomaaliya nabad ka dhaliyo Qaranimadeeda iyo midnadeedna soo celiyo wuxuu ku khasban yahay inuu soo dhaweeyo shacabka Soomaaliyeed taladana la wadaago ayuu yiri C/laahi Yusuf oo ka hadlayey tilaabooyinka ay dowlada qaadi doonto. C/laahi Yusuf Ahmed ayaa sheegay in aysan dhici doonin in muwaadin walba laga horjoogsan doonin inuu ka qeyb qaato dowlada Soomaaliya. Wuxuuna Madaxweynaha DFKMG sheegay in ay dowlada diyaarineyso Dastuurkii, ayadoo la qaadi doono Afti shacabka laga qaado, lana sameyn doono tirakooba shacabka Soomaaliyeed ah. Soomaaliya waxaa lagu dhaqayaa Nidaam Federaali ah oo leh Dowlad gobaleedyo iyo dowlad dhexe, ayadoo si dastuuri ah ku kala qeyb sanaya maamulka, awooda iyo khayraadka dalka, ayuu yiri C/laahi Yusuf Ahmed. Dalka waxaa loo sameyn doonaa Nidaamka Xisbiyada badan asagoo Madaxweynaha DFKMG sheegay in aysan noqon doonin sidii nidaamkii sideetamaadkii. Intaa kadib ayaa la qaban doonaa doorasho madax banaan oo caam ah asagoo sheegay in dowlada markaasi ay awooda ku wareejin doonto cidii markaasi la doorto. C/laahi Yusuf Ahmed ayaa sheegay inuu ka yaaban yahay in ay jiraan dad xabad wata oo doonaya in ay xoog wax ku helaan, ayadoo sidaa wax loo qabanayo. C/laahi Yusuf Ahmed ayaa sheegay in dadkaasi xabada wata hadii ay wax isku hayaan ay Doorashada ka qeyb qaataan. Wax xal ah laga heli maayo dagaal aan Natiijo laheyn ayuu yiri C/laahi Yusuf Madaxweynaha DFKMG. Qof walba waa u xor inuu dalka iyo dibadiisa ka shaqeysto si xor ah, mana aqaan waxa ay hada usoo socdaan dilka iyo dagaalka ayuu weydiiyey C/laahi Yusuf dadkii halkaasi isugu yimid. Madaxweynaha DFKMG ayaa yiri waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay qaataan Nabada isla markaana maslaxdooda si miirleh uga fakaraan. C/laahi Yusuf ayaa geba gabedii shirkaasi ku baaqay in dib u heshiisiinta lasii wado oo la gaarsiiyo Gobalada dalka Soomaaliya. Wuxuuna Madaxweynaha markaasi si rasmi ah ugu dhawaaqay in shirka uu xiran yahay, balse wuxuu intaa raaciyey in Dowladiisa ay sii wadi doonto Dib u heshiisiinta Soomaaliya. Halkan ka dhageyso Khudbadii C/laahi Yuusuf uu ka jeedshay Shirka oo dhameystiran HorseedNet.com
  10. SOCOD-BADANE. I provide rich content in terms of pics, audio. You provide your own biased opinion. Which will the people take and accept as truth?
  11. Qodobo Muhiim Ah Oo Lagu Kala Sixiixday Shirka D/Heshiisiinta Muqdisho, Somaliya (Calanka) 19-Agosto-2007 Shirkii dib u heshiisiinta beeelaha ee maalmahan ka socday magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu saxiixay todobo qodob oo ay soo diyaariyeen guddigii loo saaray iney soo habeeyaan go’aanadii ergooyinka kaasoo ay maanta saxiixeen afar beelood. Qodobada ay maanta saxiixeen beelaha : 1- In beelaha Somaliyeed ay ka heshiiyeen wixii colaad ah ee horay u dhex maray. 2 - In hubka ay dhigaan beelaha laguna wareejiyo dowladda. 3 - In la helo goobo lagu dhaqan celiyo maliishiyooyinka beelaha, ayna furto dowladda goobahaas. 4 - In la dhowro oo ay muqadas tahay midnimada Soomaaliyeed. 5 - In la isu celiyo hantidada ma guurtada ah ee muuqata. 6- In beeshii ka hortimada danta guud ay beelaha hal meel ugu soo wada jeestaan. 7 - In beesha caalamku laga codsado taageero ay u fidiso natiijada shirka beelaha.
  12. This meeting which was represented by every clan, agreed on the following points. 1. The unity of Somalia 2. The ending of the 4.5 formula 3. Forgiveness and reconciliation of all war time events between Somali clans. 4. The return of private property ro rightful owners 5.That all clans should be disarmed and security return to the Federal Government.
  13. Today the landmark grand conference of our generation has come to an end. The meeting has taught us the vocabulary of a new language, that which is spoken in many nations but hitherto unknown or forgotten in ours. That precious language of peace. The Somali delegates have forgiven each other, have outlined a simple framework that we can be at ease with each other. No longer can militias claim to fight for the clan, nor can the serpents hiding in their hole claim they alone speak for the clan. 45 days of peace in which 2000+ delegates made Mogadishu their home. Adan Ade would have been proud, I know I am.
  14. ^^^Somaliland also has clans and the clans have their elders correct?