
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Mogadishu: Al Shabaab militia no match for National Somali forces
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Saraakiisha Milatariga dawladda oo shaaciyay in ay mudo todobaad ah wax kaga qaban doonaan amanka magaalada Muqdisho Jule 28, 2008 Markacadeey Saraakiisha Ciidamada Milatariga ee xukuumadda Federalka Somaliya ugu soo tababarta dalka Itoobiya aya sheegay in ay ka bilaabeen magaalada Muqdisho howlgallo baaxad leh oo ay ku sugayan amanka magaalada. Afhayeenka ciidamada dhawaan dalka soo gaaray ee kusoo tababartay Itoobiya Gaashaanle Daahir Xirsi aya adkeeyay in cidankooda ay awood buuxa u leeyihiin xakameynta amaanka iyo nabad kusoo dabaalida Muqdisho. Waxaa uu wacad ku maray in mudo todobaad gudihiisa ay ku wiiqi doonaan awoodaha xoogaga hubeysan ee kasoo horjeeda dawladda ayna ku baacsan doonaan dhamaan xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho. Waxaa uu intaasi raaciyay sarkaalkaasi haatanba in ay wax ka bilaaban yihiin howlgallada ciidamadooda ayna dhawaan sii ballaarin doonaan si shacabka Muqdisho ay u helaan waxa uu ku sheegay xasilooni buuxda. -
^^^lool. Adeer I welcome a grand court and try everyone. But who will be convicted? The above list are the top ones saxib. Crimes against humanity is what they caused from serving Barre regime for 21 years as Abdiqasin. To the occupation of lower Shabbele as in the case of the mini warlords. The opposition has hearsay and "documents" I present to you IndaCade... Nuff said
-
Mogadishu: Al Shabaab militia no match for National Somali forces
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dad maanta laga qab qabtay Maqaayad kutaala degmada Hodan (Muqdisho, Axad,27,Julaay,2008,(Hornafrik Media) Maqaayad kutaala degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ayaa Ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah waxa ay ka wateen dhamaan dadkii maqaayadaasi wax ka cunayay kadib markii shaqaaqo dad ku dhaawacmeen ay halkaasi ka dhacday. Amiin Yuusuf Khasaaro oo ka mid ah suxufiyiinta soomaaliyeed oo xiligaasi ku jiray mayaaqada Ciidamada dowladda xooga ku galeen ayaa waxa uu sheegay in dad isagu uu ka mid yahay lagala baxay maqaayada deetana aad loo handaday. Wariyhu waxa uu sheegay in isaga markii la gartay inuu saxafi yahay la sii daayay balse dadkii kale ay wateen ciidamada dowladda KMG ah ee soomaaliya lamana oga sababta Ciidamadu dadkaasi u wateen,balse wax yar ka hor intii aysan Ciidamadu falkaasi sameyn ayaa waxa israsaaseyn daqiiqado socotay ay dhexmartay Ciidamada dowladda iyo kooxo hubeysan waxana ku dhaawacmay halkaasi labo qof oo rayid ah. Isgoyska KM4 waxa saldhiyo ka sameystay Ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah iyo kuwa midowga afrika waxana halkaasi ka dhacay dhowr weerar ay kooxaha hubeysan ku qaadeen fariisimada ciidamadaasi. -
Afhayeenka ciidamada xooga dalka oo sheegay inay qasaaro ba’an gaarsiiyeen kooxo shalay soo weeraray iyo afhayeenka kooxda alshabaab oo arintaas dafiray Posted to the MOL July 28, 2008, 8:53 am Afhayeenka Ciidamada Mileteriga Dowladda KMG ah ee lagu soo tababaray dalka Itoobiya G/lle Daahir Maxamed Xirsi ayaa sheegay in kooxaha kacdoonka ka wada magaalada muqdishu oo diidan nabad lagu soo dabaalo dalka ay shalay weerar ku soo qaadeen Fariisimo ay Ciidamada Dowladda Federaalka xaruntii Warshadda Baastada. Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in ay kooxdaas weerarka soo qaadeen ciidamada xooga dalku ka dileen 12 nin oo maleeshiyo ah halka ay seddex kalena dhaawac ku qabteen oo ay hadda ku daweynayaan cisbitaal ku yaal isla xeradaas. Sarkaalkaan ayaa sheegay in dhincooda uu ka dhaawacmay hal askari oo dhaawiciisu fududyahay. Waxaa warkaas sarkaalkaasi sheegay waxba kama jiraan ku tilmaamay nin u hadlay kooxda Alshabaab oo lagu C/raxiin Ciise Caddow isagoo sheegay inaan cidna dagaalkaasi uga dhiman. Wuxuu qiray in dagaalkaas ay ku dhinteen dad shacab ah. Waxaa inta badan caadi u ah kooxda Alshabaab inay iska dhigaan dad shacab ah ayna inkiraan markii qasaare soo gaartay iyagoo inta badan ku eedeeya ciidamada dowlada inay laayeen dad shacab ah. Wararka ka imaanaya Muqdishu ayaa sheegaya in ciidamada cusub ee dowlada KMG ah ee Muqdishu dhawaan soo gaaray ay durba wax weyn ka badaleen deganaashaha magaalada. Waxaa la xaqiijiyay dhowr dagaal oo kooxda Alshabaab iyo kooxo kale o ka tirsan mucaaradka dowlada ay ku qaadeen ciidamadaan cusub inay kala kulmeen jab. Waxaana hadda socda qorshe qaar ka mida ciidamadaas loogu kala dirayo gobolada ay ku xoogan yihiin kooxda Alshabaab. Mudugonline.com
-
Yusuf IndaCade, Xasan Dahir, Abdiqasin[barre regime], Xasan Dahir Aways, Goobanle, Seeraar, Cirfo[Occupation of Afgoyee, Lower Shabbele & Kismayu. and the rest of the militia comanders. This the main list, thousands of victims are available to testify. Whole clans who's children in the west had to pay monthly bribes money are ready...
-
Mgadishu: Somali National troops secure huge areas of capital
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Horn Afrik even admits it, though they spin it a little. Degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa oo saaka deganaashiyo ku jira. (Muqdisho, Isniin,28,Julaay,2008,Hornafrik Media) Xaalada amaan ee goobihii galinkii dambe maalintii shalay ahayd la isku farasaaray ee degmooyinkaasi Yaaqshiid iyo Heliwaa ayaa sheegaya in waqti xaadirkaani uu xaalku ku jiro jawi deganaashiyo inkasta oo ay soo kordhayaan khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi. Dadka deegaanka ayaa idaacada HornAfrik u sheegay in aysan jirin wax dhaq dhaqaaqyo ciidan ah oo ay sameynayaan ciidamada iskaashanaya ee labada dowlo. Inta la ogyahay sadex qof oo rayid ahaa ayaa ku geeriyooday tiro kalana dhawaacyo ayaa ka soo gaaray ka dib madaafiic ku dhaceen guryo ku yaala degmada Heliwaa ee magaaladatani Muqdisho, waxaana wararka soo baxaya haatan ay tibaaxayaan in khasaaraha nafeed ee shibilka soo gaaray uu intaasi ka sii badan yahay bacdamaa ay tiro madaafiic ahayd la soo sheegayo in ay ku dhaceen meelo kala duwan. Inkasta oo rasmiyan la ogeyn khasaaraha uu geystay dagaalku ayaa hadana afhayeenka ciidamada Xoogga Dalka Somalia, gaashaanle Daahir Maxamed Xirsi waxa uu idaacada u sheegay in dagaalkaasi ay kaga gacan sareeyeen xoogagii mucaaradka ee u soo weerartagay saldhigyadooda Warshada Baastada iyo daarta Xaleyle Bariise, balse afhayeenka dhinaca howl-galada Maxaakiimta Islaamka, Sheekh C/raxiim Ciise Caddow ayaa si kulul u beeniyay wararka ka soo yeeray saraakiisha ciidamada dowlada qaarkood. Dagaalkii shalay oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaan ilaa iyo iminka waxaan jirin warar ka madax banaan oo ka soo baxaya dhanacyada dagaalamay waxaana la aaminsanyahay in uu qayb ka yahay iska horimaadyada ka aloolsan gudaha caasimada Somalia ee Muqdisho. Wararka ugu dambeeya ee laga helayo aagaasi ayaa soo ishaaraya in weli xaalku degan yahay wallow cabsiyo ay jiraan. -
Madaxeynaha DGPL Oo Wareegto ku Magacabay Wasiirka Arimaha gudaha PL Madaxweynaha DGPL Gen: Cade Muuse Xirsi Cade ayaa Maanta Wareegto ka Soobaxday Xafiiskiisa Lambarkeeduna aheyd 82 Islamarkaana ku Taariqsaneyd 28-07-2008/ayaa Waxaa uu ku Magacaabay Wasiirka Arimaha gudaha una Magacaabay C/xamiid Garaad Jaamac Garaad Cali . Sidookale Wareegtadan ayaa waxaa uu Madaxweynuhu ku Magacaabay Lataliye Gobol Kaas oo Isagana Loo Magacaabay Dr: C/rashiid Barqadle oo Isagu Ahaanjiray Isla Wasiirkani Maanta loo Magacaabay C/xamiid Garaad Jaamac. Madaxweynaha Ayaa Waxaa uu u Tiigsaday Magacaabistani Dastuurka PL Qodobkiisa 54,aad Farqadiisa 19,aad Kadib Markii uu latashaday Madaxweyne ku Xigeenkiisa iyo weliba Isimada Iyo Waxgaradka Gobolka Sool isagoo Markaana Sheegay in uu u Fiiriyay Aqoontiisa iyo Weliba Waayo aragnimadiisa . Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo Ku Sugan Caasimada DGPL Ee Garoowe ayaa Maanta Waxaa uu Booqasho ku Kala Bixiyay Qeybo ka Mid ah Gudaha Magaalada Garoowe Gaar ahaana Xarunta Sunaamiga loo yaqaan oo ay Degenyihin Dadkii soo Barakacay Kadib Markii ay ku Dhufatay Duufaantii Tusunami . Waxaana Sidookale Madaweynuhu Boqasho uu ku Kala Bixiyay islamarkaana uu kulan la Qaatay islaan Ciise Islaan Maxamed oo uu Gurigiisa ugutagay Islamarkaana kawada sheekeesteen Xaaladaha Deegaanada Puntland Gaar ahaana Gobolka Nugal. C/naasir Yaasiin SBCInternational- Garoowe
-
Hargeysa (Jam)- Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa si kulul uga dooday qodobada ajandaha kalfadhiga 7aad ee golaha, isla markaana badankoodu isku raacay in lagu daro qodobo aan hore u jirin oo ay ka mid tahay muranka dhoofka xoolaha ee hadda taagan. Fadhigii shalay oo ahaa kii ugu horreeyey ee goluhu si rasmi ah u fadhiisto muddo toddobaadka ka badan, kadib markii mudanayaashu ka soo noqdeen fasaxoodii, isla markaana uu hagayey Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa waxa xildhibaanadu dood ka yeesheen qodobada uu ka kooban yahay ajandaha kalfadhigan cusub ee ay gudogalayaan, kaas oo mudanayaashii dooda ka qaybqaatay ay si kulul uga hadleen xaaladda dalku marayo, gaar ahaan arrinta khilaafka weyni ka taagan yahay ee dhoofka xoolaha ay ku tilmaameen waxaan indhaha laga qarsan Karin, sidaa daraadeedna si degdeg ah go’aan goluhu uga soo saaro, iyada oo qaar ka mid ah mudanayaashuna soo jeediyeen in arrintaa guddi soo baadha murankan loo saaro, isla mrkaana si degdeg ah warbixin uga soo diyaariyeen. Mudanayaasha dooda ajandaha ka qaybqaatay oo tiradoodu ahayd 15 xildhibaan, ayaa badidoodu ku dooday in la kordhiyo waqtiga goluhu shaqeeyo oo maalmaha uu fasaxa yahay lagu daro ama gelinka dambe la soo noqdo, si ay uga gaadhsiiyaan dhammaystirka qodobada ajandaha ugu jira, maadaama ay waqti yar haystaan oo bishii barakaysnayd ee Ramadaan soo dhawdahay. Ugu horreyn Xildhibaan Baar Siciid ayaa ku dooday in ajandaha lagu daro xeerka taraafikada, maadaama buuq badani ka jiro shilal gaadiid oo ka dhacay meelo ka mid ah dalka, kuwaas keenay dhimasho muran ka dhashay Xil. Cabdiraxmaan Cismaan Caalin ayaa soo jeediyey in si degdeg ah go’aan goluhu uga soo saaro xiisadda dhoofka xoolaha ee taagan, taas oo uu ku tilmaamay mid khatar ah oo isku dhac abuuri karta. Waxa kale oo uu doodiisa ku sheegay in xabbada ciidanka boolisku u adeegsado marka dad mudaharaadaan ay tahay mid soo noqnoqotay oo caado ah, isla markaana bar madow dalka ku noqotay. Xil. Maxamed X. Yuusuf Axmed (Waabeeye), ayaa ka sakow arrinta xoolaha oo uu ku taageeray mudanayaasha hore ee ka hadlay, waxa kale oo uu soo jeediyey in ajandaha lagu daro heshiisyada xukuumaddu gasho ee aanay Golaha Wakiillada hor keenin iyo in loo yeedho masuuliyiinta Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha, si su’aalo loo weydiiyo. Xil. Xaashi Xuseen Caabi, ayaa isagu ka dariyey xaaladda dalka oo uu ku tilmaamay mid burbur qarka u saaran, taas oo ay sababtay buu yidhi kootooyinka badan ee xukuumaddu khayraadkii dalka cid kale ugu xidhay, isaga oo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxay ila tahay dalka maanta waynu ka warhaynaa oo burbur ayuu qarka u saaran yahay ninkii dheeldheel moodayow. Sidaynu ka warqabnana dalka wax badan ayaa kooto la geliyey kulluumaysiga badda kooto ayuu ku jiraa oo nin qudha oo aynu wada naqaan baa haysta, shidaalku TOTAL buu kooto ugu jiraa oo iyana rag baa iska leh, xoolihiina kootaa la geliyey. Xooluhu waa udub dhexaadka ummadda, sidaa daraadeed waa in arrinta xoolaha lagu daro ajandaha oo loogu horreysiiyo, weliba waxaan odhan lahaa maanta intaynu ku darno isla maanta aynu bilowno oo aynu go’aan cad ka gaadhno, waayo Berbera xoolo ayaa ku qulqulaya tiknikana waa la geeyey.” Xil. Cali Yuusuf Axmed, ayaa isagu soo jeediyey in gudi baadhis ku soo samaysa loo saaro dhibaatada dhoofka adhiga ee taagan, kadibna goluhu xal ka gaadho, “Waxa kale oo aan soo jeedinayaa in si degdeg ah xukuumadda looga dalbo heshiiska ay la gashay Al-jabiri, si goluhu u eego, waayo heshiis aanay Wakiilladu ansixin in xukuumaddu ay ku dhaqanto waa xaaraan,” ayuu yidhi Cali Yuusuf Axmed. Xil. Xasan Cawaale Caynaan ayaa isagu ku dooday in ajandaha lagu daro Xeerka midaynta cashuuraha ee X.L/12, si wax-ka-bedel loogu sameeyo maadaama buu yidhi degmooyin iyo gobollo wax-soo-saar badan keena uu culays ku hayo. Waxa kale oo uu Xildhibaanku soo jeediyey in isna ajandaha lagaga hadlo xeerka ciyaaraha, si dhallinyarada loogu dhiirigeliyo, isla markaana lagagala dagaalamo balwadaha. Xil. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Aw xoog) oo ka mid ah mudanayaasha ka soo jeeda xisbiga UDUB, ayaa isagu ku dooday in muranka ka taagan dhoofka xooluhu uu yahay mid u dhexeeya laba carab iyo laba dekedood, kuwaas oo aannu faahfaahin ka bixin, balse muu soo jeedin in lagu daro ajandaha golaha. Waxa kale oo uu mudanuhu taageeray in waqtiga yar ee ay haystaan ka faa’iidaysaan oo aanay dood badan gelin. “Xooluhu waa qayb maceeshada ka mid ah oo markaynu sicir-bararka ka hadlayno way soo hoosgelayaan, laakiin meesha waxa isku haya laba adhiile, laba dekedood iyo laba carab. Labadaa dekedoodna ta aad u hiilinaysaan waad garanaysaan,” ayuu yidhi Xil. Cabdiraxmaan Aw xoog. Xil. Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa isagu si kulul uga hadlay arrimaha xoolaha, dhacdadii dhimashada keentay ee ka dhalatay mudaharaadkii dhawaan ka dhacay koonfurta Hargeysa iyo guddida joogtada ah ee Golaha Wakiillada. “Ajandahan anigu waxaan qabaa in gebigiisaba siduu u dhan yahay la laalo, waayo waxa dalka ka taagan iyo ajandaha meesha ku qorani wax is leh maaha. Waxaynu ognahay in Golaha Guurtidu ka dhiidhiyey marxaladda dalku marayo, inaga oo ah golihii ummaddu soo dooratay ee sharciga ku fadhiyey in aynu indhaha ka qarsano xaqiiqada dalka taala waa ayaan-darro, waa in aynu garanaa waxaynu halkan u joogno,” ayuu yidhi Md. Buubaa. Waxa kale oo uu soo jeediyey Xildhibaanku in gebi ahaanba la baabiiyo guddiga joogtada ah ee golaha oo uu ku tilmaamay mid fadhiid ah oo aan wax shaqo ah hayn, maadaama aanay ka hadal waxna ka soo saarin waxyaabihii dhacay intii goluhu fasaxa ahaa. Md. Buubaa waxa kale oo uu ku baaqay in ajandaha lagu daro oo loo yeedho Taliyayaasha ciidanka Booliska iyo Militariga, si wax looga weydiiyo sababta keentay in dad mudaharaadaya xabbad lala dhaco, isla markaana loo adeegsado iyo wasiirada Daakhiliga iyo Xannaanada Xoolaha. Isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “khaladaadka xukuumaddu ka gasho sharciyadda dalka u yaala in golaha lagaga hadlo ayaan aaminsanahay. Waxa kale oo aan soo jeedinayaa in loo yeedho labada janan ee Booliska iyo Milatariga, runtii waa ayaan-darro iyada oo dalkeenu marayo marxalad fiican oo aynu hiigsanayno aqoonsi in marka mudaharaad yari uu dhaco Booliska inta la iska dhaafo milatari la soo geliyo, ma Puntland baa qabsatay Dunbuluq maxaa laga soo gelinayaa suuga iyo baroonka, caqliga ma gasho waxaasi. Wasiirka Xannaanada Xoolaha isna haloo yeedho oo halagala hadlo waxa isaga geliyey ganacsiga oo heshiisyo galo, ma wasiir ganacsi baa waa dhakhtarkii xoolahee. Waxaan aaminsanahay in ajandaha kalfadhigani uu noqdo mid ku kooban masuuliyiinta siyaasadda qaranka hoggaaminaya khaladaadka iyo gefafka ay ku galeen shaqadooda ee sharciyadda dalka ay ka galeen in wax laga weydiiyo.” Md. Ibraahim Mahadi Buubaa, waxa kale oo uu soo jeediyey in xeer lagu dhaqo loo sameeyo TV-ga Qaranka oo uu sheegay inuu mar walba baahiyo dad yar oo la leeyahay UDUB bay ku soo biireen, iyada oo aanay gaadhi xilligii ololaha. Waxaannu soo jeediyey in si uu noqdo mid qaran loo baahan inuu ka hadlo xaaladda dalka ee kala duwan. Xil. Xuseen Maxamed Cige ayaa ku dooday sidan; “Anigu waxaan odhan lahaa in arrinta adhiga qodobka koowaad laga dhigo, sidaa daraadeed mar haddii muddada aynu shaqaynayna aad u gaaban tahay waxa dhacayana aynu ognahay in si degdeg ah loo galo, welibana haddii ay inagu kelifayso labada gelinba aynu shaqayno Arbacada iyo Khamiistana lagu daro.” Xil. Xamse Gaadaweyne, ayaa isagu doodiisa diirada ku saaray abaaro uu sheegay inay dalka ku soo fool leeyihiin oo ay muuqdaa calaamadihii abaaruhu, isla markaana loo baahan yahay in lagaga hadlo ajandahan. Waxa kale oo uu soo jeediyey in arrinta xoolaha mowduuc gaar ah laga dhigo oo si faahfaahsan looga hadlo. Xil. Xuseen Ismaaciil ayaa isna soo jeediyey in ajandaha lagu daro siyaasadda wax-soo-saarka ee dalka, maadaama raashinkii adduunka ee dibada laga keeni jiray cirka isku shareeray, isla markaana dawladda lagu dhiirigeliyo inay si xoog ah arrintaa uga hawlgasho. “Xaaladda aynu ku suganahay waxaynu u baahanay in dawladdu ku dhawaaqdo mucaawano aynu adduunweynaha ka helno, sababta oo ah roobkii uu yaraaday wixii kale waynu waynay, halis baynu ku suganahay. Xiisadda adhiga indhaha lagama qarsan karo waxaan raacsanahay mudanayaashii yidhi gudi haloo saaro soo baadha arrinta,” ayuu yidhi Md. Xuseen Ismaaciil. Sidoo kale, waxa iyaguna dooda mudanayaasha Golaha Wakiilladu ka yeesheen qodobada ajandaha kalfadhigooda 7aad ka qaybgalay Mudanayaasha kala ah, Siciid Cilmi Rooble, Axmed Maxamed Idiris, Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, Maxamed Barkhad Miigane, Cabdikariin Aw Cali Shabeel iyo Mudane Bulqaas, waxaanay dhammaantood soo jeediyeen in ajandaha lagaga hadlo arrinta xoolaha ee muranka badani ka taagan yahay Jamhuuriya Online
-
Mudanayaasha Wakiillada oo isku Raacay in Go’aan Degdeg ah ay ka Soo Saaraan Muranka Dhoofka Xoolaha “Dhibaatooyinka dalka ka taagan waxa u sabab ah kootada faraha badan ee dalka la geliyey sida kulluumaysiga, shidaalka iyo xoolaha” [/b Xil. Xaashi Xuseen Caabi “Waa in si degdeg ah xukuumadda looga dalbo heshiiska Al-jabiri, waayo heshiis aanay Wakiilladu ansixin inay xukuumaddu ku dhaqanto waa xaaraan” [/u] Xil. Cali Yuusuf Axmed “Waa ayaan-darro iyadoo aynu hiigsanayno aqoonsi in marka mudaharaad yari dhaco Booliska inta la iska dhaafo milatari la soo geliyo, ma Puntland baa qabsatay Dunbuluq?” Xil. Ibraahim Mahdi Buubaa
-
Riyaale oo la eedeeyay 28 Jul 28, 2008 - 8:29:20 AM Kulan ay maanta yeesheen wakiilada Somaliland ayaa lagu eedeeyay Madaxweyanaha talada dalkaas haya Daahir Riyaale Kaahin, iyadoo lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo khiyaano Qaran. Wakiilada ayaa kulankoodaan kaga hadlay ganacsiga xorta ah ee Somaliland, iyadoo ay jireen muran xoogan oo ka dhashay ganacsiga xoolaha nool ee SL oo xiisado ka abuuray maamulka goonida isku taagay. Shirkii maanta ayay wakiiladu si weyn uga dooden waxa uu ka qabo dastuurka Somaliland ganacsiga xorta ah, waxayna ku eedeeyeen Riyaale inuu si guracan u naas-nujinayo shirkado shisheeye ah, isagoo cunoqabteynaya ganacsatada gobolka. "Riyaale waa inuu si dhaqso badan isku casilo, maadaama u galay khiyaano Qaran iyo ku tumashada dastuurka dalka u yaala" ayay wakiiladu u sheegeen warbaahinta markii uu kulankoodu dhamaaday. Wakiiladu waxay ka codsadeen Maxkamada sare ee dalkaas is magacaabay inay xilka si dhaqso badan uga qaado Dahir Riyaale Kahin iyagoo ku eedeyay inuu ku xadgudbay qodobka 11-aad ee dastuurka Somaliland oo dhigaya in ganacsigu xor yahay. Sidoo kale, waxay u cuskadeen xil ka qaadista Riyale in qodobka 96-aad ee Dastuurka Somalilanad oo qaba in haddii Madaxweynuhu uu ku kaco Khiyano Qaran iyo ku tumasho dastuur laga qaadi karo xilka. Mudanayaashii maanta kulanka yeeshay ayaa waxay 8-ka mid ah soo jeediyeen in si deg-deg ah xilka looga qaado Riyaale, kadib muran ka dhashay dhoofka xoolaha nool. Xisbiyada mucaaradka ah ee ka jira Somaliland ayaa waxay dhawaan soo jeediyeen in xukuumada hadda jirta ay ku xadgudubtay dastuurka dalka u dagsan ayna doonayso inay awooda xukunka u adeegsato naas-nuujinta shirkado shisheeye. Ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Daahir Riyaale Kaahin oo ku aadan go'aanka aqalka wakiilada dalkaas ay maanta gaareen, waxayse tani dhaawac ku noqonaysaa maamulka Riyaale. Garowe Onilne, Hargeysa
-
Wonderfull stuff.
-
Newly trained Somali troops begin military operations in Baydhabo
General Duke replied to Zoobe's topic in Politics
Ciidamo ka tirsan DF oo lala dar-daarmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheikh Aadan Madoobe iyo wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka DF Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa duleedka magalaada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxay kula hadleen Ciidamo Boolis ah oo ka tirsan dowladda oo lagu soo tababaray wadanka Itoobiya. Labada Mas'uul ayaa si isku mid ah ugu baaqay Ciidamadaasi inay wax ka qabtaan xaalada ammaan ee gobolka Bay islamarkaana ay iska difaacaan xoogaga ka soo horjeeda ee dagaalada ka wada deegaano ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay qaarkood gacanta u galay Kooxda Al shabaab. Sidoo kale afhayeenka Baarlamaanka Somalia ayaa Ciidamada ku dhiiragaliyay in laga shaqaynayo sidii Ciidamadaasi ku heli lahaayeen xaquuqdooda Mushaar. Wasiirka Gadiidka iyo cirka iyo dhulka Xabsade ayaa khudbad uu u jediyay Ciidamada Booliska ugu baaqay inay eegaan daruufaha iyo marxaladaha adag ee dalka ku jiro islamarkaana ay tallaabo Ciidamadaasi ka qaadaan xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda DF wuxuuna intaa raaciyay in xaalada ammaan ee Magaalada Baydhabo ay iminka faraha ka baxday sidaas dartedna looga fadhiyo inay wax ka qabtaan. Guddoomiyaha Baarlamaanka oo gabogabadii hadalka qaatay ayaa kala dardaarmay Ciidamada Booliska ee dhawaan lagu soo tababaray dalka Itoobiya inaysan ku biirin xoogaga dowladda iyo Itoobiyaanka ka soo horjeeda. wuxuuna halkaasi ka jeediyay aayado quraan ah oo u muuqanayay inuu ku wacyi galinayo Ciidamada. Ciidamadan ku sugan duleedka Magaalada Baydhabo oo dhamaantood ah Boolis ah ayaa noqonaya qeybtii labaad Ciidamo ka tirsan DF oo lagu soo tababaray Itoobiya kuwaas oo soo gaaray Baydhabo iyo Muqdisho waxana dhawaan Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay inay ka howlgalaan gobolka Bay iyo gobolada kale ee ku dhaw dhaw, iyadoo dadka intooda badan ay is waydiinayan waxan Ciidamadaani ka bedeli karaan xaalada ammaan ee koofurta dalka Soomaaliya oo faraha ka sii baxaysa. MM Odowaa,Garowe-Online. Muqdisho.. -
Mgadishu: Somali National troops secure huge areas of capital
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dagaal ka dhacay Muqdisho oo guulo laga kala sheegtay 28 Jul 28, 2008 - 8:37:37 AM Afhayeen u hadlay xukuumada Somalia oo lagu magacaabo G/lle Daahir Max'ed Xirsi ayaa sheegay in dagaal dhexmaray iyaga iyo kooxaha mucaaradka ah ay ku dileen 12 ruux. Sarkaalkaan u hadlay DF, wuxuu sheegay in dagaalkaas uu ahaa mid la damacsanaa in si gaadmo ah loogu soo qaado ciidamadii dhawaan lagu soo tababaray dalka Ethiopia, balse ay ka warhleen kana hortageen. "Ciidamadeenu waxay dileen 12 ka tirsan kooxihii nabaddiidka ahaa ee soo weeraray, waxaan ka qabanay 4-dhaawac ah oo la daweynayo, dhankeena waxaa gaaray dhaawaca hal askari" ayuu yiri G/lle Daahir M. Xirsi oo la hadlayay saxaafada. Sarkaalkaan ayaa intaas ku daray in ciidamadoodu aysan dagaalka bilaabin, balse lagu soo qaaday, wuxuuna xusay inay xaq u leeyihiin inay naftooda iyo mida shacabkoodaba difaacaan. Dhinacyadan ayaa gabaldhicii ee xalay [July 27, 2008] uu dagaal ku dhexmaray Degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid, iyagoo isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. "Tiro hoobiyeyaal ah ayaa ku dhacay warshada Baastada iyo xerada Xayle Bariise oo ay ku jiraan ciidamada Ethiopia, waxaana maqalay madaafiic xoogan oo laga ridayay saldhigyadaas, mase naqaan khasaaraha inta uu le'eg yahay" ayay tiri gabar ka mid ah dadka degen xaafadahaas oo saxaafada la hadashay. Dhaawacyo kor u dhaafaya 5-qof ayaa la dhigay maanta Isbitaalka Madiina, kuwaasoo qaarkood laga keenay degmooyinka ay xalay dagaaladu ka dhaceen, mase jirto cid xaqiijin karta khasaaraha dhabta ah. Afhayeenka howlgalada Midowga Maxkamadaha Sheekh C/raxiim Ciise oo ay warbaahintu wax ka weydiiyay khasaaraha dagaalkaas ka dhashay inta ay ogyihiin, ayaa sheegay inaysan jirin khasaare dhankooda gaartay. "Xageena ma jirto wax khasaare ah oo nasoo gaaray, waxaanan dagaalkaas ku qaadnay cadowga iyo kuwa gacanta siinaya" ayuu yiri Sheekh C/raxiim Cadoow, oo aan sheegin khasaaraha ay gaarsiiyeen ciidamada DF. Degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid ayaa ahaa goobo ay maalmihii ugu dambeeyay ka jireen daganaasho, waxaase warar hoose oo soo baxaya ay sheegayaan in inta badan ciidamada dhawaan tababarka ka yimid la geyn doono degmooyinkaas oo ay DF aamisan tahay inay yihiin goobaha ay ku dhuuntaan mucaaradka. -
Garowe: President Yusuf arrives in Puntland 2008: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
lool. Its all talk adeer. Yusuf is in Puntland and has the support of the people. -
Mgadishu: Somali National troops secure huge areas of capital
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dad maanta laga qab qabtay Maqaayad kutaala degmada Hodan (Muqdisho, Axad,27,Julaay,2008,(Hornafrik Media) Maqaayad kutaala degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ayaa Ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah waxa ay ka wateen dhamaan dadkii maqaayadaasi wax ka cunayay kadib markii shaqaaqo dad ku dhaawacmeen ay halkaasi ka dhacday. Amiin Yuusuf Khasaaro oo ka mid ah suxufiyiinta soomaaliyeed oo xiligaasi ku jiray mayaaqada Ciidamada dowladda xooga ku galeen ayaa waxa uu sheegay in dad isagu uu ka mid yahay lagala baxay maqaayada deetana aad loo handaday. Wariyhu waxa uu sheegay in isaga markii la gartay inuu saxafi yahay la sii daayay balse dadkii kale ay wateen ciidamada dowladda KMG ah ee soomaaliya lamana oga sababta Ciidamadu dadkaasi u wateen,balse wax yar ka hor intii aysan Ciidamadu falkaasi sameyn ayaa waxa israsaaseyn daqiiqado socotay ay dhexmartay Ciidamada dowladda iyo kooxo hubeysan waxana ku dhaawacmay halkaasi labo qof oo rayid ah. Isgoyska KM4 waxa saldhiyo ka sameystay Ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah iyo kuwa midowga afrika waxana halkaasi ka dhacay dhowr weerar ay kooxaha hubeysan ku qaadeen fariisimada ciidamadaasi. -
Garowe: President Yusuf arrives in Puntland 2008: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Olol saxib. The Somali communities of Mogadishu, Barava, Marka have firts hand experience of the lootings, the forced marriages, the rapes, the drug traficking caused by the militias of the groups you support. Thus if any courts will be held then the firts who should be tried are these fellows. Yusuf IndaCade, Xasan Dahir, Abdiqasin[barre regime], Xasan Dahir Aways, Goobanle, Seeraar, Cirfo[Occupation of Afgoyee, Lower Shabbele & Kismayu. and the rest of the militia comanders.
-
President Yusuf after 4 years : massive steps taken for Somalia
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Bravo Mafia supporter. But adeer many regions rebuild cities. Bossaso, Baidoa, Galkacyu, Garowe. Badhan , Erigavo and others have become huge cities. However where is the recognition? Where is the diplomatic success you people talk about. The TFG has in 4 years opened up the embassies and secured the capital. -
M/C/laahi Yuusuf iyo M/Cade oo Kulamo laqaatay Isimada Sool,Sanaag iyo Ceyn Madaxweynaha DFKMG ah Ee Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed iyo Madaxweynaha DGPL Gen’Cade Muuse Xirsi ayaa Maanta Si Wadajir ah ula Kulmay isimada Gobolada Sool Sanaag iyo Ceyn . Kulnkan oo ka Dhacayay Xarunta Madaxtooyada magaalada garoowe oo aan Saxaafada Loo Ogoleyn Balse wararka ka Soo Baxaya Madaxtooyada ayaa waxaa ay ku Waramayaan in Labadani Masuul ay kala shirayeen isimadaasi ay ka Soojeedaan Gaar ahaana Magaalada Laascanood ee ay Gacanta ugu Jirto maamulka Lamagacbaxay Soomaaliland . Labadan Mas’uul ayan La Ogeyn kulankooda Waxyaabaha Kale Ee ay Uga Hadleen ujeedooyinkoodana aysan Weli ka Soo bixin qodobada ay kuwada Gaareen . Kulamadan ayaa Waxaa uu Daba sicdaa Kulamo uu Madaxweynaha DFKMG ah Ee Soomaalia C/laahi Yuusuf Axmed uu La Yeelanayo Dhinacyada Bulshada iyo maamul Goboleedka PL asagoo Maalin nimadii Shalay Soo Gaaray Caasimada PL Ee Garoowe . Waxy aheyd Markii madaweynuhu uu Shalay kulan la qaatay Golaha Baarlamanka Pl islamarkaana Uga Warbixiyay Ujeedada Socdaalkiisa uu Ku yimid DGPL Waxuuna ku Tilmaamay Dhanka Siyaasada Dhaqaalaha iyo amniga iyo weliba Arimaha Macdanta laga Qodayo DGPL . C/naasir Yaasiin SBCInternational- Garoowe
-
Ciidamada DFKM Ee Lagu sootababaray Itoobiya Oo Howlgalo ka Wada Muqdisho Ciidamada Dowlada FKMG ah Ee Soomaaliya Gaar ahaan kuwa militeriga ha Ee dhowaan lagu Soo Tawabaray Dalka Itoobiya ayaa maantay Howlgalo Baaritaan ah ka fuliyay inta u dhaxeysa Hoteelada Guuleed kaah iyo Wadada isku Xirta isgoska Fagax . Howlgalkani ay Ciidamada Sameynayeen ayaa Waxaa la sheegay in ay Ku Raad joogen Xoogaga Hubeysan Ee DFKMG ah ee Soomaaliya ka Soo Horjeeda Ilaa iyo iminkana Majiraan Cid ay Howlgalkooda ay ku Soo Qabqabteen . Balse Goor dhoweyto ayay Wadooyinkaasi Dib u Furrmeyn ka Dib Markii ay Saakay Xireen Ciidamada Waxaana iminka Si toos ah ku Soo Laabtay Isusocodkii Gaadiidka Iyo Dadweynaha . Sikastoo ay Ahaataba Mudooyinkii u Dambeeyay Ciidamada Lagu So Tababaray Dalka Itoobiya Waxy Howlgalo Xoogan oo oBaaxadleh ay ka Wadaan Wadooyinka Warshadaha iyo Tan isku Xirta Hiliwaa iyo Fagax Mudooyinkii ugu Dambeeyayna Waxaa la Sheegay in Deegaanadaasi ay ahaayeen Deegaanadii ay ugu Xooga Badnaayeen Xoogaga Hubeysan Ee DFKMG ah Ee Soomaaliya kazoo Horjeeda . Isku soo Wada Duub oo arimahani ayaa Waxaa ay Qeybkayihiin Dhiirigelinta Xoogan ay Ciidamada DFKMG ah Ee Soomaaliya ay ka Wadaan Magaalada Muqdisho Sidii ay Amaankeeda u Sugi lahaayeen . Max’ed Xuseen Gentleman SBCInternational- Muqdisho
-
Garowe: President Yusuf arrives in Puntland 2008: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Garowe: President Yusuf arrives in Puntland 2008: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
M/weyne C/Yuusuf oo ka dagay caasimadda P/land ee Garoowe Garoowe, P/land, Somaliya (Calanka.com) 25-Luulyo-08 Madaxweynaha Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaminayo ayaa maanta duhurkii ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ee xarunta maamul gobaleedka Puntlnad. Madaxweyne Yuusuf oo aan wali la shaacin ujeedka safarkiisa ayaa warar hoose sheegayaan in uu la xiriiro arrimaha amaanka, shidaal baarista iyo burcadbadeed maamulka Puntland. Madxweynaha ayaa saaka ka duulay garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde Airport ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaa kusii sagootiyay xubno ka tirsan golayaasha dowladda iyo maamulka gobalka Banaadir. Wafdiga madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha Garoowe waxaa kusoo dhaweeyay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan maamulka Puntland, iyagoou usoo gudbay xarunta madaxtooyada magaalada Garowe. M/weynaha ayaa lagu wadaa inuu la hadlo Baarlamaanka P/land. Calanka.com Isha wararka xaqiiqda. -
Garowe: President Yusuf arrives in Puntland 2008: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Garowe: President Yusuf arrives in Puntland 2008: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Garowe: President Yusuf arrives in Puntland 2008: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics