General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Mukulaalow;821767 wrote: These elders were in Taleex conference, what are they doing in Garowe? It proves there is nothing between Taleex & Garowe, they are but the same...
  2. Afhayeenka Baarlamaanka Somalia oo sheegay in dhawaan la billaabi doono xulidda Xildhibaannada Cusub Axad, Abriil 22, 2012 (HOL) — Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta dib ugu laabtay Muqdisho ayaa sheegay in dhawaan uu ka billaaban doono Muqdisho shirka lagu soo xulayay baarlamaanka cusub ee dalka uu yeelanayo. Shariif wuxuu sheegay in beesha calaamka ay isha ku hayso dhameystira heshiiska Roadmap-ka, kaasoo uu sheegay inuu yahay midka keliya ee looga bixi karo xilliga KMG ah ee muddada lagu soo shaqeynayay. "Waxaan rajeynaynaa in geedid socodka nabadda ee Roadmap-ka laga shaqeeyo sidii uu ku meel mari lahaa, taasoo dadka Soomalaiyeed iyo calaamkaba dan u ah oo aan rajeynayno inay maalmaha dhow billowadaan shirarkii lagu dhameystiri lahaa heshiiskan si loo helo dowlad dadka Soomaaliyeed ka bixisa dhibaatada hadda ay ku jiraan," ayuu yiri Shariiif Xasan. Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan oo warfidiyeenka kula hadlayay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa sheegay in sidoo kale ay dhawaan billaabanayso xulidda xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya. "Dunida oo dhan waxaa loo han-weyn yahay dhameystirka Roadmap-ka, waxaana ka billaabanaya Muqdisho shirarkii ay isugu imaanayeen 825-ergo si ay u ansixiyaan dastuurka, markaas kaddibna lasoo xulo xildhibaannada baarlamaanka, kuwasaoo soo dooran doona madaxda dalka hoggaamin lahayd," ayuu yiri Shariif Xasan. Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ciddii ay doortaan xubnaha lasoo xulay ee baarlamaanka Soomaaliya ciddii ay doortaan ay hoggaamin doonto dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Dhanka kale, wuxuu ka hadlay howlgallada ay ciidamada DKMG ah, kuwa Itoobiya iyo kuwa Kenya ka wadaan gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, isagoo sheegay in degmooyin la qabtay la xoojiyo ammaankooda kuwa dhimanna si dhaqso ah loo qabto. Ugu dambeyn, afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya wuxuu Xarakada Al-shabaab ku eedeeyay inay dhibaatooyin ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, ayna dilaan qofkii ay doonaan isagoo shacabka ka codsaday in isku aragti laga noqdo oo meel looga soo wada jeesto. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  3. ^^^^Well what you have here is a huge delegation from the SSC regions in Garowe. We know they want not much to do with Hargaysa and never even visit the place for not wanting to be linked to the SNM secessionist delusions...
  4. Xasan Daahir : “Cadow meesha kuma Qarsan Hubkaasi, anigana ma lihi, xisbul islaamna ma lahaan jirin waa hanti ay leeyihiin dad muslimiin ah, kamana harayo..” Maalmo ka hor Xarakada Al-shabaab ayaa shaacisay in hub fara badan ay ka heshay goob lagu aasay oo ku taala degaanka siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaa soo baxaya hadalo iskhilaafsan oo ka soo baxaya saraakiil ka tirsan Al-shabaab, taasi oo ku aadan cida milki ahaanta u leh Hubkaasi. Sheekh C/casiis Abuu Muscab Afhayeenka dhinaca howlgalada ee Al-Shabaab ayaa sheegay inay heleen hub fara badan oo laga soo saaray goob lagu aasay oo ka tirsan guri ku yaala deegaanka Siinka dheer, wuxuuna sheegay in hubkaas ay goobtaas ku qarsadeen dad cadow ku ah Al-Shabaab. Dadka Magaalada Muqdisho ayaa ku wareeray cida hubkaas leh ee afhayeenku uu cadowga ku sheegay maadaama ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah aysan halkaas joogin mudooyinkaan, sidoo kale waxaa iyana meesha timid warar kale oo dhahaya hubkaasi waxaa lahaa Xisbul Islaamkii bur buray. Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaab ayaa isagu ka sheegay masaajid ku yaala degaanka Lafoole ee duleedka magaalada Muqdisho in Hubkaasi lahayn cadow, balse ay leeyihiin dad muslimiin ah oo uu garanayo. “Cadow meesha kuma Qarsan Hubkaasi, anigana ma lihi, xisbul islaamna ma lahaan jirin waa hanti ay leeyihiin dad muslimiin ah, kamana harayo waan u dacwooneynaa” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dalbaday in la soo caddeeyo sababta hubkaas loo qaatay. Afhayeenka dhinaca howlgalada Shiikh C/Casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in hubka laga helay Siinka Dheer ay gacanta ku hayaan Ciidanka, isla markaana ciddii sheeganeysa Milkiyaddiisa ay diyaar u yihiin inay ku kala baxaan Maxkamadda Shareecada Islaamka. Maxamuud Axmed Xasan Web Updating, Somaliweyn Website xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com www.somaliweyn.com
  5. http://horseedmedia.net/2012/04/22/ergadii-gobolka-sool-uga-qayb-galay-shirkii-ansixinta-dastuurka-oo-ka-jawaabey-edeyntii-prof-galayr-codad/
  6. Ergadii Gobolka Sool Uga Qayb Galay Shirkii Ansixinta Dastuurka Oo Ka Jawaabey Edeyntii Prof.Galayr [Codad] Updated:- 5 hours ago| 6 Commnets Ergooyinkii laga soo xulay gobolka Sool ee ka qayb galay shirkii ansixinta Dastuurka ayaa ka jawaabey hadal dhowaan kasoo yeeray Prof. Cali Khaliif Galayr. Hadalkaas oo ahaa in ergadii gobolka Sool shirkaas uga qayb galay ay yihiin kuwo aan gobolka metelin ayaa waxaa si kulul uga jawaabey qaar kamid ah Isimadii iyo cuqaashii ansixinta Dastuurka ka qayb qaatay. Shir ay magaalada Garoowe Saxaafadda ugu qabteen ayey ku sheegeen in hadalka kasoo yeeray Prof. Galeyr uu yahay mid aan sax ahayn islamarkaana uu dhibaato weyn u geysan karo sumcaddiisa. Boqor Cabdilaahi Dab-gooye oo ka tirsan isimada gobolka Sool islamarkaana qayb ka ahaa ergadii shirka ansxinta Dastuurka Puntland ka qayb galay ayaa sheegay in ansixinta Dastuurku ay u dhacday si hufan oo sharci ah. Wuxuuna intaas ku daray in loo baahan yahay in laga fogaado wax walba oo dadka sii kala qoqobaya si looga badbaado in cadow dano siyaasadeed oo gaar ah lihi uu uga dhex faa’iideysto kala yaacsanaanta dadka.
  7. http://taleex.net/2012/04/21/madaxda-dhaqankacuqaashadhalinyarada-iyo-qurbajooga-***********-oo-shir-jaraaid-qabtay-codsawiro
  8. Qurbajoogta iyo dhalinyarda iyo qaybo badan oo ka mid ah waxgaradka gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa maanta ka hadlayo arrimo farabadan ku qotoma Dastuurka Puntland, Maamulka Khaato, iyo Siyaasada Soomaaliland ee gobolladan. Halkan ka roggo hadaladii laga jeedi shirkaasi jaraa’id Shir Jaraa’id oo maanta ay magaalada Garowe si wada jir ah ugu qabteen Siyaasiyiinta, Cuqaasha, Qurbajoogta iyo dhalinyarda iyo qaybo badan oo ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa waxay aad ugu qodobeeyeen arromo dhawr ah oo ay ku jiraan:- • Dastuurka Dawlada Puntland ee 18th April Garowe lagu ansiixiyay. • Xaaladaha Siyaasadeed ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ee la xiriirta Khaatumo, iyo Somaaliland. • Khilaafka ku saabsan xubnaha wada hadalka Soomaaliya iyo Soomaaliland ee uu dhawaan magacabay Madaxweyne Shariif, Soomaaliland-na ay ka biya diiday. • Jawaab ku qotanta hadal dhawaan ka soo yeeray Cali khaliif Galayr oo la xiriira ergadda ansixinta Dastuurka Puntland ee gobollada SSC. Boqor C/laahi Axmed Dabagooye oo shirka gudoominayey ayaa ugu horeyn furay waxaana uu sheegay in uu wakiil ka yahay Isimada gobolladaas Sool, Sanaag iyo Cayn waxaana uu ku dheeraday habkii loo soo xulay ergadii ansixisay dastuurka Puntland ee gobolladas iyadoo uu sheegay in ay xulidooda lahaayeen salaadiinta gobolka lagalana tashaday.
  9. Carafaat;821547 wrote: Somaliland and Khatumo should definetly talk. But I have the idea your not advocating for Khatumo. I do not care what you call it adeer. The triangle region can not force other clans who have no wish to secede. It is high time that you took your head out of the sand and saw reality...
  10. Hiiraan is a little but larger than the district of Hobyo. Dividing it makes no sense. Galgaduud,Hiiraan and South Mudug need to go together as one regional State.
  11. No one is opposing the unification of the triangle withthe rest of Somalia. Everyone supports the ending of the secessionist clan delusions. However the SNM clan can only negotiate for it's land and population it can not speak on behalf of equal free men who never wanted to secede. Thus come to the table lad and stop hiding behind excuses.
  12. If you make a deal with the devil expect to get played. Some thought they could play the religious card, but it came to bite them in the behind.
  13. Che -Guevara;821450 wrote: Carafaat is now supporting the very thing he opposed the just other day. One has to love his nerve..
  14. Puntland has for a long time been taking responsibility for the NE of Somalia and was and still is the vanguard of the Somali unity preventing the secessionist from breaking the nation into two.
  15. Yup the Gaalo he waged a Jihad against might be the only people that can rescue him.
  16. Puntland's constitution will be amended when the Federal one, its even clear on the Puntland Constitution that it will come under the authority of the Federal Government. However things will have to be worked out by committees of experts. Puntland accepts the Federal Republic, the flag the capital being Mogadishu. The rest is just details.
  17. AfricaOwn, the State constitutions will be harmonized with the Federal one, in due time. Insha Allah.
  18. Xasan Dahir Aweys oo cadeeyey in hubkii Shabaab ay kala baxeen Siinka dheer ay lahaayeen Beeshiisa Posted by Pi on April 21st, 2012 Muqdisho(Pi) Xasan Daahir Aweys oo ka tirsan saraakiisha Al-shabaab ayaa shalay goor uu ka khudbaynayay Masjid ku yaal nawaaxiga Lafoole salaadii Jamcada wuxuu ka codsadey Al-shabaab iney dib usoo ceshaan Hubkii ay kala baxeen guri ku yaal Siinka dheer. Xasan Daahir aweys wuxuu sheegey iney hubka leeyihiin laftiisa oo uu ku tilmaamey iney yihiin kuwo aan u adeegin cadowga(TFG). Wuxuu yiri Xasan Daahir “Hubka waxaa iska lahaa Dad Muslimiin ah, oo aan ahayn Cadowga, cadowga wuxuu ula jeedaa Dowlada Federalka Soomaaliya”. Xasan Daahir wuxuu ka cod sadey Al-shabaab in hubkaas si deg deg ah loogu cesho beeshiisa oo iyagu hubka iska leh, wuxuu kaloo tilmaamey Xasan Daahir in raga hubka leh ay yihiin kuwo uu isagu yaqaan, waana dad ay wada shaqayn ka dhaxayso Al-shabaab, waa sida uu xasan Daahir Aweys yiri. Hadalkaan kasoo yeerey Xasan Daahir ilaa hada wax jawaab ah kama aysan bixin Al-shabaab Puntlandi.com Muqdisho
  19. ......................................................................................................................... Xasan Daahir Oo Ku Hanjabay Inuu Dhabarka Ka Jabinayo Al-Shabaab. 20 April, 2012 06:32:00 DAACAD Font size: Waxa soo baxaya faahfaahin ku saabsan hub badan oo Al-Shabaab ay khamiistii kala bexeen guri ku yaala xaafada Siinka-Dheer ee wadada Afgooye. Hubkaas oo ka koobnaa 300 AK47, 22 BKM (daba-jeex) 16 M16, 3 dhashiike, hal B10 iyo rasaas aad u badan, ayuu Xasan Daahir sheegay inuu dabajoogo, uuna ka doonayo ururka Al-Shabaab inay sheegaan sababta ay ula bexeen "hubkiisa" waa sida uu hadalka u dhigaye. Xasan Daahir oo ka hadlayay masaajid ku yaala Lafoole ayaa sheegay inuu hubkaas isagu leeyahay, uuna u baahan yahay in si degdeg ah loogu soo celiyo. "Wax badan baan candhuufta gadaal u liqay, oon is iri jabhadaha lama dhabar jabiyo inta ay halganka ku jiraan, laakin maanta waxa balan igu ah hadaan hubkeyga la iisoo celin inaan dhabarka ka jabiyo Al-Shabaab" ayuu yiri Sh. Xasan sida uu noo sheegay nin fadhiyay masaajidka. Wuxu intaas raaciyay Shiikha hubka laga dhigay in hubkaasi uusan "cadowgu laheyn" Xasan Daahir ayaa la sheegayaa inuu ku dacwoonayo in hubkaas ay leedahay beeshiisu, ayna beeshu kusoo biirtay Al-Shabaab sidaas darteedna ay waajib tahay in hubkooda loosoo celiyo. Odayaasha iyo waxgaradka beesha uu ka dhashay sheekhu ayaa diyaariyay qorshe ay ku beeninayaan in wax hub ah oo ay leeyihiin uusan u heyn Xasan Daahir ayna wax kama jiraan tahay sheegashadiisa. Eedaymaha loosoo jeediyay Sh. Xasan Daahir oo haddii lagu cadeeyo uu ku mutaysanayo qoor-goyn ayaa waxa ka mid ah in hubkaan uu si qarsoodi ah u iibsaday Shiikhu kadib midowgii ururkiisa iyo Al-Shabaab isagoo waliba ku iibsaday hubkan lacag gaaraysa $2 Milyan oo dollar oo ururka Al-Shabaab ay usiiyeen Sh. Xasan si uu iskaga gudo deymo uu sheegtay in lagu lahaa xiligii uu ku biirayay. Eedayntan ayuu Xasan Daahir ku beeniyay khudbadiisii jimcaha, wuxuna sheegay in lacagta Al-Shabaab ay ka bixiyeen ay aheyd 800,000 dollar ayna dhameystireen bixinta lacagtaas todobaadkii hore, isagoo intaas raaciyay "inay la daaheen" bixinta lacagtaas. Hubkaan ayaa u muuqda inuu ahaa mid uu gurigaas ku duugtay Sh. Xasan Daahir xiligii lagu qasbay inuu la midoobo Al-Shabaab, waxana muuqanaya inay sheegeen hubkaas rag ka agdhowaan jiray Shiikha sida laga dareemayo hadalkiisa. "qorshaha hubka lagu soo bixiyay wuxu ahaa qaab nidaami ah oo Al-Shabaab ay la socdeen halka hubku yaalo" ayuu yiri Sh. Xasan. Waxa farta lagu fiiqayaa inuu sheegay halka uu hubku ku duugan yahay madaxii hore ee Maaliyadda Xisbul Islaama isla markaana ahaa gacan yaraha koowaad ee Sh. Xasan, ninka lagu magacaabo C/tifaax. Dhacdadaan iyo midii ka horeysay ee Shiikhu uu ku dhaleeceeyay qaabka ay dadka u dilaan Al-Shabaab ayaa muujinaysa inay si weyn u kala boodsan yihiin Al-Shabaab iyo Xasan Daahir waxana laga dhursugayaa talaabada hogaanka sare ee Al-Shabaab uu ka qaado Shiikha gadoodsan, iyadoo ay dad badan isweydiinayaan qaabka uu Sh. Xasan dhabarka uga jabin karo ururkiisa Al-Shabaab dhabarka.
  20. My dear boy, the topic is about the comments made by the Suldan with regards to the Puntland constitution. You seem to be all over the place. Siilanyu's militias actions against the people of SSC is what is dividing SNM from the rest of Somalia, that you can not hide from..
  21. Ohio is more important for the GOP than MN, that would make sense. What about Mark Rubio?
  22. lool. Carafat as ever you try to divide, however regardless on how much you and the secessionists tried to create division the fact remains that today Puntland is united more than ever. You can see that Makhir was well represented and played a key role in this conference.. Thus the secessionist claims on SSC is becoming a joke, the delusions of Faisal Warrabe and Siilanyu's clan madmen.. Things have changed, everywhere you look, more unity, more development and more calacal from our secessionist kin..