General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Sheikh Shariif oo Noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay Taariikhda Soomaalida oo Khilaaf Galiyay Badda Soomaaliyeed... Madaxweynaha DFKMG: "baddana waxaa waaye KHILAAF ayaa ka jira. Marka Khilaafkaasi in uu jiro in la muujiyo meesha ayay soo gashay, SomaliTalk.com | April 29, 2009 -------------------- -------------------- -------------------- -------------------- Jimacdii (April 24, 2009) xilli uu weriye Raage Cusmaan oo ka tirsan warbaahinta ku soo baxda Afka Carabiga ee HornAfricOnline uu waraysi la yeelanayay Madaxweynaha DFKMG ayaa waxaa sidoo kale goobtii ku sugnaa weriye Mahad Carrabow oo ka tirsan TV Universal iyo laba weriye oo kale. Waxaana weriyaashii Sheikh Shariif waydiiyeen dhawr su'aalood. Su'aashii ugu dambaysay ee uu waydiiyey weriyaha TV Universal Mahad Carrabow (oo uu duubay Raage Cusmaan maadaama uu goobta joogay) ayaa ahayd: "Waxaa jiray heshiis loo bixiyay is-afgarad islamarkaana xadaynaya badaha Soomaaliya, heshiiskaas waxaa dawladdaada u saxiixay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan xukuumaddaada, sidee ayay kula tahay heshiiskaas oo ummadda Soomaaliyeed ay shaki badan ka qabaan oo aysan shacabka Soomaaliyeed u caddayn." Madaxweynaha DFKMG ee Jamhuuriyaadda Soomaaliya, Sheikh Shariif Sheikh Axmed, waxa uu ku jawaabay: Halkan ka dhagayso ama Soo Rogo (mp3) "Waxaan horta marka ugu horaysa rabaa in aan idiin sheego ummadda Soomaaliyeed shaki ma qabtee dad raba in ay shaki abuuraan ayaa maalin walba qayliya, iyaga ayaana shakiga abuura, ee ummadda Soomaaliyeed shaki ay qabto ma jiro, kalsooni waxay ku qabaan wixii dawladdaan ay soo qabatay, tallaabooyinkii ay soo qaaday, dalkeena in aan khiyaanana wax naga suura gal ah ma aha, Ilaah ayaana ka magan galaynaa." Isagoo hadalkiisii sii watay waxa uu yiri: "Waxa ka dhacay meeshana waxay ahaayeen dalbashada in la dalbado xeebaha dhulka Soomaaliya ay sheeganayso lagu celiyo, marxaladan ayaa loo baahnaa, haddii aan la samayna waxaa dhumaaya dhul Soomaaliyeed, taas ayaana keentay in heshiiskaas la galo, annaga iyo Kenya isku si ayaan u dalbanaynaa." Sheikh Shariif oo si qeexan khilaaf u galiyay badda Soomaaliya waxa uu yiri: "Annaga iyo Kenya maadaama XUDUUDDA DHULKA AAN LA ISKU WAAFAQSANAYN, baddana waxaa waaye KHILAAF ayaa ka jira. Marka Khilaafkaasi in uu jiro in la muujiyo meesha ayay soo gashay, waxaadna ogtihiin in dhulka uu yahay dhul khayraad uu jiro loona baahan yahay tallaabo in ay qaado dawladdu. Marka heshiiskaasi waxa uu ahaa heshiis lagama maarmaan ah in la galo." Madaxweynaah DFKMG waxa uu sheegay waxa ay Kenya la saxiixdeen aan la dhehi karin heshiis, balse uu yahay is-faham, isagoo taas ka hadlayey waxa uu yiri: "Heshiis lama dhehi karo laakiin is-fahamkaasi waxa uu ahaa is-faham horudhac u ah in DHULKA MAQAN EE SOOMAALIYEED la raadiyo, qasadka wax ku dhisnaayeena kaas ayuu ahaa, shacabka Soomaaliyeed waxaan rajaynayna in ay sidaas u fahmaan." Hadalka Madaxwaynaha DFKMG waxaan kasoo qaadaynaa oo kaliya saddex arrimood oo muhiim ah inay Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeedba fahmaan: 1- Madaxwaynaha ayaa sheegay in heshiiskan baahi keentay hadalkiisiina wuxuu ahaa sidan; "Waxa ka dhacay meeshana waxay ahaayeen dalbashada in la dalbado xeebaha dhulka Soomaaliya ay sheeganayso lagu celiyo, marxaladan ayaa loo baahnaa, haddii aan la samayna waxaa dhumaaya dhul Soomaaliyeed, taas ayaana keentay in heshiiskaas la galo...........". Shariif wuxuu sheegay in dhul Soomaaliyeed lasoo celinayo, hadaan sheshiiskan lagalin in dhul Soomaaliyeed dhumayo, wuxuuna hadalka u dhigay inay qasab tahay in saxiixan dhaco si arintaas looga hortago, waa siduu hadalka u dhigay'e! Haddaba su'aashu waxay tahay Madaxwayne dhul Soomaaliyeed oo maqan oo aad Soo celenaysaan heshiiska kuma taal (hadaadan ula jeedin niyad ahaan NFD). Xeerka Qarammada midoobay ee soo gudbinta xogaha badda ee Article 76 kuma taal inay qasab tahay in heshiis isfaham dhaco si xogta loo aqbalo. Sidoo kale qareennada sharciyada baddaha waxay cadeeyeen inaysan kamid ahayn soo gudbinta xogta in heshiis lagalo, ee xagee xogtaan ka hesheen oo laga heli karaa, xeerkee dhigaya? 2- Arinta kale oo muhiimka ah ayaa waxay tahay Madaxwayne Shariif wuxuu noqonayaa Madaxwaynihii ugu horeeyey oo yiraahda xuduuda baddayda muran ayaa kujira, sidoo kale wuxuu noqonayaa madaxwaynihii ugu horeeyey ee aqbala dalabka Kenya ee (Muran baddeed- Dispute) in Kenya iyo Soomaaliya xuduuda baddooda murayn ku jiro. Wuxuuna hadalkiisii u dhigay sidan; "........... baddana waxaa waaye KHILAAF ayaa ka jira. Marka Khilaafkaasi in uu jiro in la muujiyo meesha ayay soo gashay" - waxaa Qareenada sharciga baddaha iyo aqoon yahanka Soomaaliyeed waydiinayaan Madaxwaynaha goormuu khilaafka baddu dhacay? Xagee ku qoran tahay? Ma akhriday dowladihii kaa horeeyey jawaabahoodii? Mase haboontahay inaan ummada si sahlan Madaxwaynuhu mushkilad cusub qoorta ugu galin, waayo hadalka Shariif waxaa ka muuqata inuu difaacayo arrin qaran oo u baahan in wadanka oo dhan isugu tago sidii loo hor istaagi lahaa. Mudaharaad Looga soo Horjeedo Heshiiska Kenya oo lagu dhigay London.. Guji.. 3- Ugu danbayntii waxaa muhiima inaan aad u dhuuxno hadallada isku midka ah ee ay ku Jawaabayaan Shariif iyo Wasiiradiisa, waxay ummada u sawirayaan in dhul dhacmayo, ama in dhul maqan lasoo celinayo ama dhulkii badda ee Soomaaliya sharcigii ka dhacay oo dib loosoo cusboonaysiinayo, jawaabahaas oo dhana wax xiriira lama lahan arinta Qarammada midoobay uga baahan tahay wadammada baddaha leh. Arinta QM u baahan tahay waa in lakordhiyo aagga ganacsiga wixii ka durugsan (200 mayl badeed oo u dhiganta 370km) aagaas ayaa ladoonayaa in laga dhigo (350 mayl badeed- oo u dhiganta 650km) si aagaas loo kordhicayo waxaa loo baahan yahay wadankasta inuu cabirka Qalfoofka Baddiisa QM u gudbiyo inta ka horaysa May 13, 2009. Wadankii aan awoodin xiligaas inuu ku geeyo waxaa jira xeerar kale oo uu raaci karo una ogolaankara in mudda loo dheereeyo iwm. Dad fara badan oo Soomaaliyeed ayaa Dowlada waydiinaya: haddii la cadeeyey in heshiiska (is-afgarad)
  2. Abshir Bacaadle “Qorshe looga hortagayo Dilaayeyaasha halala yimaado”. Sunday, 03 May 2009 07:03 BXM Dilalka oo kusoo batay Magaalada Muqdisho gaar ahaan kan lala beegsanayo dadka waxgalka ah iyo shaqsiyaadka caanka ah oo ay dheeryihiin dad rayid ah oo lagu qaldamo ayaa waxaa uu dhibaato ka dhex abuuray shacabka Muqdisho. Dhibaatada uu abuuray ayaa ah in qof waliba uu ka shakiyo qofka kale isaga oo u maleeya in qofka kasoo horbaxa uu dili rabo inkastoo Muqdisho arrintaasi ay ku cusbeyn. Guddoomiyaha Golaha Abwaannada Soomaaliyeed Abwaan Abshir Nuur Faarax (Bacaadle) oo la hadlay saakay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in xilligani loo baahan yahay in lala yimaado qorshe looga hortagayo dilalka Muqdisho ka bilowday. Koox wailba ayuu sheegay in markii dil uu dhoco ay iska bariyeelaan waliba ay cambaareeyaan dilkaasi taasina ay tahay mid shaki weyn gelisay shacabka Muqdisho oo ku jahwareeray cidda wax dileysa. “Qorshe looga hortagayo Dilaayeyaasha halala yimaado” ayuu yiri Abshir bacaadle oo intaasi ku daray in haddii lasoo qabto qofka wax dilay dib dambe aanan loo arki doonin cid wax disha. Dilalka ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaanan la ogeyn illaa iyo hadda cidda ka dambeysa kadib markii koox waliba ay iska bariyeeshay dilkaasi.
  3. Dowlada Sh. Shariif oo soo sameysatay lacago Shilin Somali ah Posted to the MOL May 3, 2009, 8:04 am Sida ay qortay wakaalada wararka ee dalka Sudan, dowlada SH. Shariif ayaa soo daabacatay lacago shilin Somali ah arintaasna ay ka caawisay dowlada Suudaan. Arintaan ayaa ka dmbeysay ka dib heshiis dhexmaray Sh. Shariif iyo madaxweynaha dalka Suudaan Gen. Bashiir. Arintaan ayaa durba walwal ku beertay dadka danyarta ah ee Somaliyeed iyadoo la xasuusto dhibkii ay keentay Lacagtii beenabuurka ahayd ee ay soo daabacatay dowladii C/Qaasim ee Carta lagu soo dhisay sannadii 2000kii. Dowlada Sh. Shariif oo aan lahayn wax awooda ayaa kaliya waxay haysataa aqoonsiga Qaramada Midoobay. Waxaana ay taageero badan oo loo hayay ku lumen doontaa lacagaha beenabuurka ah ee ay soo daabacatay. Mudugonline.com
  4. Guddoomiye-ku-xigeen ka 2aad ee KULMIYE Oo Maamulka Riyaale Ku Eedeeyay In Uu Iska-horkeenayo Bulshada Somaliland May 3rd, 2009 Hargaysa (Somaliland.org)- Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Mudane Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax ayaa ku eedeeyay maamulka wakhtigiisu dhamaaday ee Daahir Riyaale in uu wado dacaayado iyo borobagaande lagu kala qaybinayo oo la iskaga horkeenayo bulshada walaalaha ah ee Somaliland, kuwaasi oo uu waliba u adeegsanayo warbaahintii qaranka ee ummadda ka dhaxaysay. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Mudane Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ee magaalada Hargaysa, isaga oo ka jawaabayay war dhawaan lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta madaxtooyada laga maamulo iyo wargayska Maalmaha oo ka soo baxa Hargaysa, warkaasi oo lagu sheegay khilaaf soo kala dhex galay hogaanka sare ee xisbiga KULMIYE. Mudane Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax waxa uu sheegay in warkaasi yahay been abuur iyo borobogaande ay xukuumadda wakhtigeedu dhamaaday ee Daahir Riyaale iyo xisbigeeda UDUB bulshada ku kala qaybinayaan. “Waxaan filayaa waad aragteene War ku soo baxay Wargeyska Maalmaha, oo aan maqlay waxa laga soo saaraa Madaxtooyada ayaa qortay wax lagu tilmaamay shir ay laba beelood oo reer Somaliland ahi ay maalin dhawayd Xaafada New Hargeysa ku galeen uu ahaa shirqool loo waday in madaxda KULMIYE lagu bedelo sidaasi ayay sheegtay, labadaas beeloodna waxay ahaayeen ee wargeyskaasi sheegay beelaha Habar Awal iyo Habar Yoonis, horta shirkaasi ma uu ahayn mid beelo lagu galay waxa uu ahaa madax KULMIYE ah iyo madax dhaqameed weheliyay shirkaasi waxa loo qabtayna wuxuu ahaa sidii KULMIYE loo taageeri lahaa madaxdiisa iyo murashixiintiisa, si wanaagsana wuu u dhacay si wanaagsana waa la iskugu fahmay.” Ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cabdiqaadir. Md C/raxmaan C/qaadir isagoo arrintaas sii sharaxayay waxa uu yidhi “Halkan waxaan doonayaa inaan ka caddeeyo dawlada mushkilad baa haysata, dawladu waxay ka shaqaysaa inay beelahu kala fogaadaan. Waliba reerkayaga Habar yoonis cuqdad weyn ayay ka qabaanoo, haddii ay mar maqlaan reer kale oo reer Somaliland ah ayay la shireen xaalku wuu ku xumaadaaa, sababtuna waxa weeye reerkaasi waxay codka kaga doonaan ma aha wax baanu qabanaynaa oo wax baanu idiin keenaynaa waxay codka kaga doonaan waa la idinla col, waa la idin dilay, Habar-awal ayaa idin neceb, Habar jeclo ayaa idin baa biinaysa. Markaa haddii ay maqlaan beeshaasi ayaa beel kale shir nabadeed la gashay waxaad moodaa in qorshahoodii oo dhammi uu isku yaacay, waxaan doonayaa inaan u sheego dawlada nimanyohow Habar-yoonis halkaasi way soo dhaaftay sidii uu horeba dhawr jeer u sheegay Suldaankayagu.” Guddoomiye Ku Xigeenka labaad ee KULMIYE oo ka hadlayay go’aankii guddidii xeer beegtida ahayd ay ka soo saartay khilaafaadkii siyaasiga ahaa ee ka dhashay dib u dhacii ku yimid doorashadii madaxtooyada waxa uu yidhi “Muran siyaasadeed oo aad u weyn ayaa ka taagnaa Somaliland murankaasna waxa keenay wakhtigii la doortay Madaxweynaha ee shanta sanadood ahaa oo ka dhammaaday 2008-kii, hase ahaatee Madaxweynaha iyo dawladii jirtay way ku guul-darraysteen inay doorasho Madaxweyne ay qabtaan, waa tii sadexdii xisbi kal hore ay shireen ee ay qabteen in 29 March 2009 ay doorashadu dhacdo tiina way qabsoomi weyday. KULMIYE wuxuu taagnaa markaa markii ay dhammaatay wahtigii la doortay iyo muddadii sanadka ahaa ee hore loogu kordhiyayba. Waxaad moodaa inay dawladu wada hadaladii ay markii hore diiday ay imika khasab ku qaadatay markii ay ******** haddii aanu shacbiga Somaliland aqoonsanayn Ina Rayaale in ay mushkilad tahay, taas ayaa caqligii ku soo celisay.” “Horta heshiiskan waxa keenay dhex dhexaadin Anagu waxaanu taagan nahay lixdii bilood ee dhawaan Guurtidu kordhisay Madaxweynaha qayrul dastuuri ayuu ahaa, dastuurkeenu wuu caddeeyay sababta kaliya ee lagu kordhin karaa iyadoo nabad gelyo darro loo qaban kari waayo doorashada, dhexdhexaadintii Guddidii anaga wax bay nagu xukumeen dawladana wax bay ku xukumeen. Wixii ay nagu xukumeen waxay ahayd lixdaas bilood aqbala, waxase damaanad nalaga siiyay oo la mamnuucay in aan muddo kordhin dambe la samayn, haddii ay dhici weydo xiligan loo cayimay doorashada. Anagu heshiiskaasi waanu soo dhawaynay dawladuna sidaas si leeg , laakiin waxaanu filaynaa in sida ugu dhakhsaha badan ay u saxeexaan sidii Guddoomiye ee sadexda xisbi qaran ee heshiiskan gaadhay ay saxeexaan. Heshiiskaasi sidii loo saxeexi lahaa loona hirgelin lahaa waxay u taalaa Guddidii dhexdhexaadinta oo laga doonayo inay ka soo ansixiyaan labadii gole,”ayuu yidhi Md C/raxmaan C/Qaadir. Guddoomiye ku xigeenku wuxuu taageereyaasha xisbigiisa ee Gobolada Somaliland oo dhan uga mahad celiyay sidii ay dhawaan banaan baxyada salmiga ah dareenkooda ugu muujiyeen, taasi oo uu ku adkaystay inay Madaxweyne Rayaale ku khasabto inuu aqbalo wada hadaladii uu hore u diidanaa. C/raxmaan C/qaadir wuxuu ****olka ka qaaday in labada xisbi mucaarid ay isku raaceen inaanay kalsooni ku qabin xubnaha Komishinka doorashooyinka Somaliland, oo ay ku baaqeen in la bedelo marka laga reebo Xasan Cumar Hoori, oo ahaa xubintii cusbayd ee dhawaan la magacaabay. Waxaanu yidhi “Labada xisbi ee mucaaridka ah KULMIYE iyo UCID waxay soo jeediyeen in dhammaan xubnaha Komishinka doorashooyinka Somaliland la bedelo marka laga reebo xubintii cusbayd ee maalintii dhawayd la ansixiyay, oo la bedelo lixda xubnood ee kale oo muddo laba todobaad ka badnayna bedelkoodii lagu keeno, inta la soo buuxinayana ay xilkoodii sii wataan nimankan imika meesha sii joogaa.waxaanu rajaynaynaa in Mr Rayaale dawladiisa iyo xisbigiisu nala qaataan.” Guddoomiye ku xigeenku wuxuu intaasi ku daray in labada xisbi ee mucaaridku ay soo jeedinayaan in la balaadhiyo Guddidii anshaxa iyo **** galka oo lagu biiriyo 14 xubnood ee hore sagaal xubnood oo kale oo laga keenayo sadexda xisbi qaran. C/raxmaan C/Qaadir, wuxuu ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo Suldaan Saleebaan Boqor Xasan oo ku xidhan laanta baadhista dambiyada ee Hargeysa iyo nin kale oo ay walaalo yihiin Boqor Buur Madow oo ku xidhan xabsiga Mandheera, oo labadaba uu carabka ku dhuftay in loo xidhxidhay arrimo la xidhiidha xisbiga KULMIYE. Intaas ka dib waxa suxufiyiintii shirkaasi sharaa’id ka qeyb galay ay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee KULMIYE iyo Cali Guuleed {Cali Maarshaal] ay weydiiyeen su’aalo ay ka mid ahaayeen kuwani. S: Hadalkiinan aad leedihiin ha la bedelo Komishinka doorashooyinka, miyaanay ahayn caqabad hor leh iyo wakhtigii oo sii jiitamaya, waxaad ku cel celisay habr Yoonis, illaa imikana waxa la hayaa uun in xisbigiina KULMIYE la shiray beesha habar Yoonis? J:C/raxmaan: Waxa shiray niman xisbiga KULMIYE ah niman xisbiga KULMIYE ka tirsan xisbi ahaan ayay ku shireen ee beelo kuma ay shirin, UDUB baa u dhigtay in laba beelood shireen. Komishinka waxa soo qaaday Qodobada Guddida dhexdhexaadinta oo yidhi arrinta Komishinka sadexda xisbi qaran ha ka wada hadleen. Markaa ra’yigayagii labada xisbi ee mucaaridku keeneen uun baanu sheegnay cidna ma aan maagin xaqna waanu u leenahay. S: Wakiilka Xisbiga UDUB ee Maraykanka ayaa dhawaan la kulmay Wasiirka Maaliyada ee Dawlada Somalia, xisbiga UDUB-na wey iska riixeen noo waxay yidhaahdeen ninkaasi beryahanba wuxuu la saaxiib ahaa wakiilada Maraykanka ee KULMIYE, sidaad u aragtaan kulankaasi iyo eedaha uu Xoghayaha Guud idiin soo jeediyayba. J:C/raxmaan: Ninka la kulmay anagu ma naqaano waase ni UDUB ah, waxaanu qabnaa inaanu kaligii iska socon ee laga dambeeyay warar badana oo aanu haynaana waxay sheegayaan in wada hadalo hoosaad u socdaan dawlada Somaliland iyo dawlada ka dhisan Xamar. Waxa kale oo aanu qabnaa sababaha loo doonayo inay doorashadu dib u dhacdo ay ku xidhiidhsan tahay sheekooyin ka dhex socda xisbiga UDUB iyo dawladaas Xamar. Ninkaas Xoghayuhu waxyaabo badan buu iska yidhaahdaa, hadalkiisana waxba kama soo qaado oo waxaan u arkaa nin dalka ku cusub, Xoghayaha UDUB-na waxaan leeyahay waad qaboobiye’e qunyar soo soco. J: Cali Maarshaal: waxaan doonayaa inaan hadalkaasi ku kabo ninkani waa nin xisbiga UDUB ka haya xil weyn oo waa wakiilka dhan ee Maraykanka iyo Canada u jooga xisbigaasi, waxa hadalkiisu daba socdaa hadalkii hore ee Madaxweyne Ku xigeenku u sheegay. Ummadana waxa loo dabrayaa inta Xamar meel gaadhayso. Axmed Maxamed Saleebaan (Dhugfe) E – mail: afqarshe114@hotmail. com www. Somaliland.org, Hargaysa
  5. Somalidoon and other clan websites are attacking this man after he was used by them for so long. Well good luck to all. source
  6. Al Shabaab leader Fuad Shangoole Qabiiliiste Fu'aad Maxamed Khalaf Shongole oo ah Sarkaalka ugu sareeya Abaandullaha Ciidamada Alshabaab oo sheegay inay dib u xoreyn doonaan Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusa Mareeb, isaga oo aan weli xoreyn Puntland,Why Guri Ceel iyo Dhuusamareen?, iyo shacabka reer galgaduud oo diyaar ah in ay iska qabtaan nacebka uu ninkaasi Mr Shongole uu ku doonayo inuu ku burburiyo oo ku barakiciyo deegaankooda.
  7. Somalia: Sheikh Aweys rejects to meet with Sheikh Sharif 3 May 3, 2009 - 5:47:53 PM MOGADISHU, Somalia May 3 (Garowe Online) - A leading opposition figure in Somalia has rejected calls to meet with Somali President Sheikh Sharif Ahmed, Radio Garowe reports. Sheikh Hassan Dahir Aweys, who was the Somali President's ally in 2006, told reporters Sunday in the capital Mogadishu that the new government in Somalia is intended to defeat the Islamists. "I cannot think of a reason to talk to [somali President] Sheikh Sharif, who is being used to destroy Islamists in Somalia," Sheikh Aweys said, adding: "We are open only to talking with the international community." Sheikh Aweys noted that he does not believe that the new government works for the interests of the Somali people, but is "certain that the new government is in the pocket of the international community and is being used." He rejected meeting face-to-face with the UN-recognized Somali President, who was elected by parliament in January at the conclusion of UN-sponsored peace talks in the neighboring Republic of Djibouti. Yesterday, President Sheikh Sharif told a press conference in Mogadishu that Sheikh Aweys should join the peace process. READ: Somalia's leader condemns attacks, but avoids blaming groups Sheikh Aweys, who is on the U.S. terror list, returned to Mogadishu last month after spending more than two years exiled in Eritrea. He has demanded the withdrawal of African Union peacekeepers (AMISOM) who are in Mogadishu to support President Sheikh Sharif's weak interim government. Source: Garowe Online
  8. Xasan Daahir Aweys: Lama kulmayo Sheekh Shariif 3 May 3, 2009 - 12:15:36 PM Gudoomiyaha ARS-Asmara Sh. Xasan Daahir Aweys oo saxaafada Muqdisho la hadlay ayaa sheegay inuusan la kulmayn Madaxweynaha Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed oo ay xaga fikirka ku kala f********. Sh. Aweys, wuxuu sheegay in xukuumada cusub ee Somalia ay tahay mid ay ay beesha calaamka ugu talogasha inay ku burburiso muqaawamada, kana hortagto Islaamiyiinta Somalia. "Ma garan karo sabab kalifaysa inaan la hadlo Sh. Shariif oo loo adeegsanayo burburinta Islaamiyiinta Somalia, waxaa noo banaan oo keliya inaan la hadalno beesha caalamka" ayuu yiri Sh. Xasan Daahir. Gudoomiyaha ayaa sheegay inuusan rumaysanay in xukuumada jirta ay tahay mid u adeegaysa shacabkeeda, balse uu ogyahay oo keliya inay mid ku jirta jeebka caalamka, loona isticmaalayo sidii la doono. "Sh. Shariif iyo aniga waxaan ku kala tagnay xaga fikirka, mana dhacayso inaan kulano inta uu faraha kula jiro howsha uu ku biiray, waxaan ugu naseexeynayaa inaan ka shaqeyno horumarka dalkeena oo aan ilowno inaan dano kale fulino" ayuu yiri Sh. Aweys. Hadalka Sh. Xasan Daahir ayaa kusoo beegmaya xili uu Madaxweynaha Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed ku sheegay shir jaraa'id oo uu shalay qabtay inuu diyaar u yahay inuu la hadlo cid walba oo nabad doonaysa, xitaa gudoomiyaha ARS-Asmara. "Cid walba oo doonaysa nabad iyo inay dalka horumarkiisa ka shaqeyso waan la hadlaynaa, waayo go'aankeena waa inaan dalka dib ugu soo celino nabad, cidii kalena ma jiro hadal noo dhexeeya" ayuu yiri Sh. Shariif. Sh. Aweys oo Muqdisho ku sugan muddo ku dhow laba todobaad ayaa wada qorshayaal uu ku rurusanayo ciidamo cusub; isagoo horay u sheegay in ciidamada AMISOM ay dalka ka baxaan inta aysan dhiig faraha la gelin. Khilaafka Sh. Shariif iyo Sh. Aweys oo sanadkii 2006, ahaa saaxiibo iskudhow ayaa sii xoogeysanaya, iyagoo bilaabay inay warbaahinta isku mariyaan hadalo kulul, iyadoo khilaafkoodan uu isku badali karo gacan ka hadal. GAROWE ONLINE
  9. Swine flu virus may become less deadly as it spreads around the globeThe virus is likely to become less virulent the faster it is transmitted, writes Ian Sample, but in the short term the more people it infects the more people will die Health officials fully expect swine flu to reach Britain and today's confirmation of the first case in Europe suggests we may not have long to wait. The Spanish health ministry has identified the virus in one patient and is investigating a further 17 people who have fallen sick. On Saturday night, Britain's chief medical officer Liam Donaldson sent an alert to hospitals with details of how to spot potential cases, and what quarantine precautions to take. The £500m government stockpile of the antiviral drug tamiflu is largely earmarked for frontline health workers, who may be given the drug early on if a pandemic is thought to be looming. If the disease does spread through Britain, the foremost concern is to keep the health system running smoothly. This is arguably the most frustrating time for those charged with tracking and responding to the disease. There is as yet too little information to know how it will pan out. Swine flu is nothing new. The first virus was isolated in the US in 1930, and since then there has been roughly one human case a year there. Occasionally the disease has spread more widely among humans, though only two people have died from the infection since 1976. The latest swine flu virus is different from those that have caused these more minor outbreaks in the past. It appears to be far more infectious, and could be more lethal. But major questions remain. For example, it is not yet clear that the strain that has killed in Mexico – and so far only in Mexico – is the same strain causing more mild illness in the US, Canada and elsewhere. There is good reason to suspect the virus will become less lethal as it spreads. The virus is constantly mutating, and the strains that will spread fastest are the ones that do not stop people going about their daily lives and coming into contact with others. The most lethal viruses tend to be short-lived because they kill their host before the virus has had a chance to be passed on. The complexity of the issue does not stop there. Although the virus is likely to lose potency as it spreads, it will reach more people, so the odds of further fatalities could still rise. Work at World Health Organisation laboratories is ongoing to figure out what features of the virus make it infectious and virulent. Another task for WHO researchers is to model the future spread of the disease. This week, epidemiologists will try to find out how many people each infected person spreads the disease to, and how this figure changes with time and place. Another issue of concern is apparent from looking at a map of confirmed cases to date. In many ways, having the US on Mexico's doorstep ensured that as soon as the infection crossed the border, it was picked up quickly and that crucial information was shared immediately with the WHO. But it is no surprise that most confirmed cases outside Mexico are in developed countries with good surveillance for such diseases. The surveillance in countries south of Mexico – such as Guatemala, Honduras and Nicaragua – and on to South America, is generally much less effective. The disease could have been there for weeks, but the true nature of the spread in those countries may take some time to emerge. In the coming weeks, the WHO will decide whether it is necessary to make fresh vaccine to combat the spread of this particular swine flu strain. It is a delicate decision, because overreacting will have serious consequences. It will take between four and six months to develop a vaccine tailored to the virus in Britain, but pharmaceutical companies do not have the resources to make this as well as the seasonal flu virus, which needs to be ready for the winter.
  10. This is the strategy, the same tactics used before from 2006 til today. Before they used to say "Ita was Ethiopians" it was "that clan" the truth is its the same groups who have been doing this all thse years. Why not support the Sharif now?
  11. Barlamanka oo la weerarey 25 Apr 25, 2009 - 5:26:32 AM Ugu yaraan 8-qof oo uu ku jiro askari booliis ah ayaa ku dhintay 15-qof oo isugu jira rayid iyo ciidana way ku dhaawacmeen weerar madaafiic ah oo maanta lagu qaaday xarunta baarlamaanka Somalia ee Muqdisho oo ku taala xaafada C/casiis. Madaafiicdaas sadex ka mid ah waxay ku dhaceen gudaha xarunta baarlamaanka oo daqiiqado xiligaas ka hor lagu soo gabgabeeyay shir lagu ansixiyay miisaaniyada dowlada. Inkastoo aysan jirin mudanayaal wax ku noqday hoobiyeyaasha hadana hal askari oo booliis ah ayaa ku dhintay gudaha xarunta, kaasoo waardiye ahaa, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay afar askari oo kale. Madfac ku dhacay dhabarka dambe ee xarunta barlamaanka Somalia waxaa ku dhintay shan qof oo ay ku jiraan caruur, rayid iyo iskuuley, iyadoo sidoo kale ay dhaawacmeen 5-qof oo kale. "Mafac ku dhacay wada tagta Hotel Global waxaa ku dhintay dad ay ku jiraan ciyaal iskuul dhiganayay, kuwo kalena way ku dhaawacmeen" ayay tiri haweeney waayeel ah oo dagan guri ku dhaganaa Iskuulka. Sidoo kale haweeney ayaa ku dhimatay madfac ku dhacay guri ku yaala degmada Shibbis ee Magaalalada Muqdisho oo ku dhow xarunta Baarlamaanka, iyadoo sidoo kalena uu ari fara badan laayay madfacaas. Gen. Yuusuf Xuseen Cismaan [Dhuumaal] oo ah taliye ka tirsan booliiska Somalia oo madaafiicdaas kadib shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay in hoobiyeyaashu ay ku dhaceen xaafado ka tirsan C/casiis, Shibbis iyo weliba xarunta baarlmaanka. "Kooxaha nabad-diidka ah ayaa ka dambeeyay weerarkaas; waxayna dhibaatada ay geysteen ka heli doonaan Alle hortiisa berri" ayuu yiri Gen. Yuusuf Dhuumaal, oo sheegay in dowladu ay qaadanayso talaabo ka dhan ah falkii maanta. Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada weerarkan, waxaana weerarkan uu noqonayaa kii ugu horeysay oo lagu qaado xarunta baarlamaanka, tan iyo markii uu fariisinka ka dhigtay Muqdisho. GAROWE ONLINE
  12. 7 killed as mortars rain down on Somalia parliament building 25 Apr 25, 2009 - 3:08:43 PM MOGADISHU, Somalia Apr 25 (Garowe Online) - At least 7 people including civilians were killed Saturday in the Somali capital Mogadishu after suspected insurgents targeted the parliament building with mortars, Radio Garowe reports. At least three of the mortars hit inside the parliament building, which is located in Mogadishu's Abdiaziz district. Somali lawmakers had voted and approved the government's three-month temporary budget hours prior to the attack, Speaker Aden Madobe said. No lawmaker was hurt during the attack but one police officer was killed inside the parliament building. Separately, a mortar that hit a house located behind the parliament building killed at least five civilians, including schoolchildren. "A mortar hit Hotel Global, killing students," a female witness told Mogadishu radio stations. In Shibis district, a woman was killed when a separate mortar hit her home. Somali police official Gen. Yusuf Dhumal told a press conference afterwards the mortars hit targets in Abdiaziz and Shibis districts, including the parliament building. "The anti-peace groups are responsible for these attacks," Gen. Dhumal said, vowing that the Somali government will take steps against the insurgent groups. No group has claimed responsibility for the attack, but Islamist hardliners like Al Shabaab and Hizbul Islam have refused to recognize the interim government of President Sheikh Sharif Ahmed, a former ally in the Islamic Courts movement. Source: Garowe Online
  13. ^^^Adeer go and strip dance with Mohamed Abdi Yusuf. Puntland is my region you can have your opinion but insulting it and its people is beyond anything.
  14. Mintid: You sound desperate adeer and hence the jubilation on the fake news about “border closing”. The President has made a master stroke and gained the support of The Barack Obama adminstartion. When secretary Clinton & Gates mention Puntland in the same breath as the Federal government and when “Somaliland” is not even considered, what does that tell you? When Newsweek a big political magazine interviews Faroole and the international community in Nairobi are lining up to meet him, what does that tell you? But we have already concluded that your comprehension is awful and that you just don’t get this big game.
  15. ^^^The idiotic mentality of Che.. Just watch your language adeer, specially when you talk about my region.
  16. ^^^There is no border between NW Somalia & NE Somalia adeer. There are boundries but no interational border. Both Somaliland & Puntland are part of Somalia. But one has a big problem with Riyaale and the weak minded think they can get something with made up stories.
  17. ^^^ Our main concern today was for the loss of the singer, never heard of her. But she was more improtant than the news you are parroting. Hargeysa:Fanaanada weyn ee hobolada Waabari Haboon C/laahi Faarax oo geeriyootay 24. april 2009 Hargeysa:(AllPuntlan d)-Haboon C/laahi Farax oo ah fanaanad weyn oo ka tirsaneyd hobaladii Waabari ee Qaranka ayaa maanta ku geriyootay guri ay ka daganayd Magaalada Hargeysa. Geerida fanaanada ayaa ahaa mid kadis ah laakin waxaa ay eheladeeda sheegen in ay waayadan xanuusaneysay oo ay ahayd bukaan socod. Abwaan Saciid Xarawo oo ay soo wadashaqeyen fanaanada ayaa sheegay in fanka Somalia ay ka baxday fanaanad weyn oo ay dabeyli ka soo gali donto fanka meeshi ay baneysay , waxaana uu sheegay in fanaanada si weyn loogu xasuusto hees ay u qaaday calankii Jabuuti markii xurnimada ay ka qaadatay gumeystihii faransiiska 1977. Waxaa kaloo Xarawo uu sheegay in lagu xasuusto ka qeybgalkeedi shirkii Carte lagu qabtay 2000 oo ay qeyb weyn ku lahayd riwaayadii can baxday ee “Daraja iyo xil yaa mudan” Fanaanada Haboon C/laahi ayaa geerideeda waxaa ay Imaneysa iyadoo sanadkan ay geeriyoden fanaanin caan ahaa oo Somaliyed. Xafiiska Wararka Muqdisho
  18. Che: adeer stop with the insult and calling regions "whoreland" just shows your metality. Anyhow there is no war, there will be no war and this news is just hot air. A small skirmish maybe, but there is no war lads. Puntland has many things to deal with right now, Pirates being the biggest. Somaliland have their hands bussy with Riyaale.
  19. What nonsense no one recognizes your moves and this futile attempt at noise making has resulted in everyone either ignoring you or in our case having a laugh. There is no border between these regions of Somalia and you are unrecognized and will never gain anything by this. Adeer you have allot of problems to deal with, and “capturing” imaginary tertian and closing a non existent border is not going to solve the corruption, lack of recognition, poverty and the division in Hargaysa.
  20. ^^^Its funny how the fight is all in the imagination. Riyaale is a transformer, more than meet the eyes..
  21. "I know Gucci when I see it, I am RICH" ....... .................... .................... .................... . Eng. Maxamed Xaashi oo soo Bandhigay Hanti Balaayiin Doollar ah oo Rayaale iyo Wasiir Cawil Dibadaha Dhigteen “Hantida ma-guurtada ee Rayaale urursaday intii uu xilka hayay: Jabuuti: Villa badda saaran iyo hal dabaq oo badhtamaha magaalada ah, Qaahira; Dhisme 9 dabaq ah oo ku qoran Cabdiraxmaan Daahir Rayaale Kaahin, UAE (Shaariqa): Qasri, Boorama dhawr guri” “Hantida uu urursaday Cawil Cali Ducaale intii uu xilka hayay: Kenya (Nairobi) afar ******* oo middiiba tahay hal dabaq, 7 gaadhi weyn oo Volvo ah” .................... .................... .................... ...... Hargeysa (Jam)- Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah siyaasiyiinta urur-siyaasadeedka QARAN ee la midoobay xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa soo bandhigay hanti balaayiin dollar gaadhaysa oo uu sheegay in Madaxweyne Rayaale iyo Wasiirkiisa Maaliyaddu dibadaha dhigteen. Eng. Maxamed Xaashi waxa uu ku eedeeyey Wasiirka Maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) inuu markab raashin ah oo ganacsade Carbeed ku caawiyey Somaliland uu ku iibiyey dalka Jabuuti. Qoraal uu xalay khadka internetka Jamhuuriya ugu soo diray, waxa uu ku sheegay in Wasiirka Maaliyaddu si qarsoodi ah Jabuuti ugu iibiyey markab raashin ah oo ganacsadaha Carbeed ee Al-cammuudi ku caawiyey ummadda Somaliland, isla markaana lacagtii ka soo baxday aanay ku dhicin khasnadda dawladda. Qoraalkaas oo uu ku soo bandhigay dhaliilo tiro badan oo uu u xambaariyey xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo hantida ummadda ee madaxda xukuumaddu lunsadaan, waxa uu u dhignaa sidan: “Xaalad adag oo horleh ayaa soo foodsaartay JSL. Xaaladdaas waxa abuuray madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin. Daahir wuxuuu mansabka madaxweyne ka dhaxlay, Madaxweyne M .I.Cigaal (AN) bishii May 2002, Daahirna wuxuu u magacaabay Ku-xigeen madaxweyne Axmed Yuusuf Yaasiin. Maamulka Rayaale sidee loo arkaa? Sida qaalibka ah, madaxdu waa laba nooc. Mid ay arrimihiisa gaarku hoggaamiyaan iyo mid u adeega danaha caamka ee dalka iyo dadka. Haddii aan qiimayno xilgudashadii Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu ku sifoobi nin aad u danaya arrimihiisa gaarka ah. Madaxda noocan ah waxay adeegsadaan, dad u dhaga-nugul. karti iyo daacadnimo ma aha, shardi raalligeliya. Waxa furma albaabada musuq-maasuqa. Dastuur, sharci iyo dan gaar meel uma wada hoydaan. Dastuur iyo sharci waxa loo sameeyay, danta caamka ah. Waa sababta Dastuurka loo adkeeyay ee lagu ansixiyay afti dadweyne. Sidee ayey madaxda noocan ah daweynaha u raalligeliyaan? Waxa ay adeegsadaan Qabiil, kaasoo u adeega danaha khaaska ah, mid qof, qoys amma beel.iwm. Markaa dadweynaha waxa loo tumaa durbaanka qabiilka. Durbaankaas waxa u dhaga-wadan danayste oo dhan iyo inta aragtida gaaban. Kuwaa waxa hormood ka ah: Maalqabeen, Madaxa-dhaqameed baahi badan iyo afmiishaar. Waxa dadweynaha lagu duufsadaa sheekada; Dawladdii reer-hebel, wasiirkii reer-hebel. Waxa la isugu faanaa, Madaxweyne ilaa Agaasime, wasiir, xildhibaan iwm ee reerku leeyehay. Waa dareen in aan dadweynuhu u sinayn xukuumadda, haddii ay tahay mansab ama dheef. Waa asaaska xukuumad ballaadhan oo tayo xun. Waa majara-habaabin dadweyne. Laguma xisaabtamo, maxay xukuumaaddu qabatay, ee waa imisa madaxda aynu ku leenahay. Waa gabboodka madaxda sare ee musuq-maasuqa, maal urursigii iyo kursi jacaylka
  22. “We are not really looking at, from a US standpoint, doing anything on land,” the senior defence official told Reuters, speaking on condition of anonymity. “These base camps are located, co-located essentially, with villages so the potential for collateral damage is significant.” Asked about the possibility of air strikes, the official said “never say never,” but they were unlikely for the same reasons. The United States has used air strikes in the past to target Islamist militants in lawless Somalia. The solution to the Somali piracy scourge involved many elements, the official said. They included more effort by shipping companies to protect their vessels and possible US assistance to the semi-autonomous northern Somali region of Puntland. Puntland, where most of the pirates’ base camps are located, has a small coast guard which is not very effective and the United States is considering whether it could provide help to beef up that force, the official said.
  23. Among the steps are sending an envoy to attend the International Somali peacekeeping and development meeting in Brussels and calling for immediate meetings with U.S. partners in the international Contact Group on Piracy to develop an expanded multinational response. Clinton said she tasked a diplomatic team to meet with Somali leaders from the transitional federal government and Puntland.
  24. The solution to the Somali piracy scourge involved many elements, the official said. They included more effort by shipping companies to protect their vessels and possible US assistance to the semi-autonomous northern Somali region of Puntland. Puntland, where most of the pirates’ base camps are located, has a small coast guard which is not very effective and the United States is considering whether it could provide help to beef up that force, the official said.