
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Summary of Qualifications Extensive experience in teaching, research, statistics, growth and development, international political economy, international economics, Money and Banking, applied macroeconomics, applied microeconomics, monetary theory and policy, public choice and public finance. Education Ph.D. in Economics , January 2000, George Mason University Fairfax, VA Concentration: Applied microeconomics, applied macroeconomics, public finance, public choice, and monetary theory. MA in Public Administration , June 1999, Kennedy School of Government, Harvard University Cambridge, MA Concentration: Project appraisal and management, environmental economics, taxation and public finance. Certificate in Taxation , June 1999, International Tax Program, Harvard University Law School Cambridge, MA Concentration: Transfer pricing, comparative income taxation, comparative tax administration, valueadded tax, tax design and tax administration, tax analysis and revenue forecasting. MA in Economics, 1988, Vanderbilt University , Nashville, TN Concentration: Economic development and international trade. BA in Economics (highest honors), 1984, Somali National University Mogadishu, Somalia
-
Education.... Teaching and Academic Experience 08/20/2003-Present Niagara University, Department of Commerce, Lewiston, NY Associate Professor of Economics • Taught Advanced Quantitative Methods: The course stresses practical applications of statistics to business. Topics covered include factor analysis, nonparametric statistics, chi square, multiple regression, time series analysis, and statistical process control. Each student is required to complete a project using statistics in solving a realistic business problem. • Taught Managerial Economics: This course is a combined Microeconomics and Macroeconomic analysis. The microeconomic component of the course examines decision making by the individual economic unit, addressing such topics as: demand and supply, price and output determination, cost behavior, profit maximization, and competition. The macroeconomic component examines models to explain: national output, inflation, and unemployment; and how fiscal and monetary policies stabilize the economy. • Taught Money and Banking: This course covers the functioning of the money and banking system and its relationship with the rest of the economy. The course considers the nature of money, the markets that allocate money to a variety of uses, the institutions that create and 5control the money stock, the flow of money and how it is related to employment levels, GDP, inflation and interest rates, and international financial matters. Much attention is paid to problems and issues requiring the attention of policymakers. Special attention is given to the role of the Federal Reserve System as it affects the economy through the monetary policy. • Taught Intermediate Microeconomics: This course covers intermediate level microeconomics theory relevant to business decision-making. The course is intended to give students an understanding of the economic environment within which businesses operate and to help you to learn to use economics to analyze the reasons for business decision-making and how economic decisions are generally made. • Taught Economic Growth and Development: This course introduce students to the study of the process of modern economic development. In doing so, it examines how standard micro-and macro-economic theories apply in the presence of the market failures and weak formal institutions that characterize developing countries. In the course of defining what development is, economists and social scientists use terms like poverty, inequality, illiteracy, quality of life, etc. Economic theory provides the fundamentals, a skeleton that can best serve as the framework for discussions about economic development. At the completion of this course, students will have a better understanding of what is meant by “development.” Students will also be familiar with several theories of development, and what implications they have for this important part of the world. Finally, this course will not focus on any country or region in particular, but will present the experiences of a number of countries to illustrate major points. • Taught Global Economics: This course examines the interdependence of economies to explain macroeconomic developments in a global context. Models are developed to explain Gross Domestic Product, unemployment, inflation, interest rates, exchange rates, and how economic policy at the national level is impacted by economic policy and economic conditions abroad. This course examines capital markets, foreign exchange markets, and labor markets in both a national and international context. Case studies and current economic developments are examined in a global perspective. 6/99-8/99 Harvard University Cambridge, MA Teaching Fellow, Harvard Institute for International Development (HIID) • Assisted the core faculty in teaching the summer executive program on environmental economics and policy analysis (EEPA). My assignment was to teach and assist with the research projects of students taking the methods track (which is heavy in economic theory and quantitative methods). • Prepared course material for class presentation. • Held after class review sessions and if necessary one-on-one tutoring. • Graded problem sets, homework assignments and final course papers. 9/98-6/99 Harvard University Cambridge, MA Teaching fellow, John F. Kennedy School of Government • Assisted the core faculty in teaching a graduate level course: markets and market failures. The course was microeconomics applied to policy issues. It applied microeconomic reasoning to public issues, policies, and programs. It considered economic incentives and organizations; models of economic behavior, including markets, the absence of markets, and interventions in markets; the price system and how it works; and policy objectives and instruments. • Prepared course material for class discussion. 6• Held after class review sessions and if necessary one-to-one tutoring. • Graded problem sets, homework assignments and term papers
-
Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga ayaa warbixin ka siiyey Golaha dhacdooyinkii ka dhacay maanta magaalada Muqdisho waxaana Goluhu faray Hay’addaha Amniga inay ka hortagaan wixii khal-khal u keeni kara amniga madaama wadanka ku jiro marxaladd kalaguur ah, isla markaan sheegay in baaritaano ku sameeynayaan dadka ka danbeeya dhacdadii maanta. Waxaa sidoo kale laga warbixiyey magaacaabista dagmooyinka cusub inay wax u dhimi karto dib-u-heshiisinta iyo dowladd wanaaga wuxuuna Goluhu soo jeediyey in la xakameeyo soo saarida go’aamada lagu beegayo xilliga doorashooyinka Ugu danbayntii Goluhu wuxuu isku raacay in magacaabista Degmooyinka cusub ee aan Golaha la horkeenin aysan waafaqsanayn nidaamka dowliga ah, sidaas darteedna laga soo bilaabo 01, July 2011 ilaa 31, August 2012 wixii dagmo ah oo la magacaabay ay yihiin sharci darro This is how you run a cabinet...
-
Golaha Wasiirada Oo Sharci Darro ku Tilmaamey Degmooyinka Madaxweynuhu Magacaabayo About:- 8 mins ago | 0 Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin hirgalintii Dastuurka, siyaasada iyo habraaca tafaftirka warbaahinta Qaranka, arimaha Amniga, iyo Degmooyinka cusub ee la magacaabay. Ugu horayntii Golaha ayaa isla soo qaaday hirgalintii Dastuurka waxayna ku tilmaameen inay ahayd ansixintiisu guul taariikhi ah taas oo lagu bixiyey juhdi faro badan suurtana galisay in Soomaaliya yeelato Dastuur mudo 43 sano kadib, iyadoo wixii farsamo ahna loo gudbin doono Baarlamaanka cusub, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa golaha ka hor akhriyey siyaasadda iyo habraaca tafaftirka warbaahinta Qaranka madaama la galay waqti xasaasi ah, warbixintaas kadib goluhu wuxuu taageeray masuuliyada wasaarada warfaafinta ee ku aadan ilaalinta shuruucda iyo habraaca lagu dhaqayo warbaahinta qaranka, sidoo kale Goluhu wuxuu isla qaatay in lagu dhaqmo xeerka iyo siyaasadda wasaaradu u dajisay warbaahinta gaar ahaan waqtiga uu socdo isbadalka siyaasadeed. Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga ayaa warbixin ka siiyey Golaha dhacdooyinkii ka dhacay maanta magaalada Muqdisho waxaana Goluhu faray Hay’addaha Amniga inay ka hortagaan wixii khal-khal u keeni kara amniga madaama wadanka ku jiro marxaladd kalaguur ah, isla markaan sheegay in baaritaano ku sameeynayaan dadka ka danbeeya dhacdadii maanta. Waxaa sidoo kale laga warbixiyey magaacaabista dagmooyinka cusub inay wax u dhimi karto dib-u-heshiisinta iyo dowladd wanaaga wuxuuna Goluhu soo jeediyey in la xakameeyo soo saarida go’aamada lagu beegayo xilliga doorashooyinka Ugu danbayntii Goluhu wuxuu isku raacay in magacaabista Degmooyinka cusub ee aan Golaha la horkeenin aysan waafaqsanayn nidaamka dowliga ah, sidaas darteedna laga soo bilaabo 01, July 2011 ilaa 31, August 2012 wixii dagmo ah oo la magacaabay ay yihiin sharci darro.
-
Cabdiwali M Cali Gaas Soomaaliya Ayaa Ubaahan Eng Abdirashid Abdi Daad Guurey@hotmail.com Agoosto 08 2012 Waxaan ku bilaabaya magac Allah ee Naxariis oo dhan iska leh In qaranimadii iyo dawladnimadii Somaliya dhuntay In sharaftii iyo karaamadii Somaliya dhuntay. In kalsoonidii iyo is aaminkii dhuntay. In daacadnimadii iyo cadaaladdii dhuntay. In isu arxankii iyo is ixtiraamkii dhuntay. Arimahaasi waxay na gayeey siiyeen burbur aan kasoo kaban waynay rubuc qarni, qof inaka mid ah oo Somali ah oo arintaas moog ma jiro maanta. Marka suaashu waxay tahay yaa innagu kallifay rubuc qanri mudda dhan inaan ka soo kaban wayno foolxumooyinkaas inagu habsaday? Qof noocee ah ayaase soo celin kara qaranimadii, dawladnimadii, sharaftii, kalsoonidii, daacadnimadii, cadaaladdii, isu arxankii iyo ixtiraamkii? Waxaa inagu kallifay cadowgeen oo aan doonayn Inaan xoog iyo awood lahaano. Inaan sharaf iyo magac lahaano. Inaan gacmaha is wada qabsano Inaan wax wada cunno oo mid ahaano. Inaan is taakulayno oo isku tiirsanaano. Yaa cadowgeen ah oo aan wanaaggeena jeclayn? Somalidu waxay ku maahmaahdaa labaa dad kuugu daran geesi cadowgaa ah iyo doqon xigtadaada ah… Waxay ila tahay inaysan u baahnayn cidda ah geesi cadowgeen ah sababtoo ah Somalidu waa garan kartaa dawladaha cadowga u ah oo aan marnaba doonayn midnimada Somaliyed, oo haddana maanta adduunkoo dhan ka gadaya inay doonayaan ama ay wadaan sidii loo soo celin lahaa midnimadii iyo dawladnimadii Somaliya. Abwaan hore gabay uu tireyey ayaa ahaa…. Baadida ninbaa kula deydeya, daalna kaa badane Oon doonahayn inaad heshana, daayin abidkaaye Dadkuna moodi duul wada dhashoon, wax u dahsoonayne Dallo malaha aakhiro haddii, loo kitaab dayaye Dawladahaasi hadday noqon lahaayeen kuwa african ah iyo kuwo kalaba cid ay maanta ka qarsoon yihiin ma jirto anna inaan faah faahin ka bixiyaa looma baahna ayaan filayaa. Doqonka xigtada ah oo aan doonayn inaan magac iyo karaamo lahaano waa kan meeshaas ina dhigay waxayna u qaybsamaan labo Danayste iyo Damdamle. Danayste… Sida kalmadda laga dhandhan sanayo ama macnaheedu qeexayo waa ruux aan xeerinayn wanaag iyo sharaf wax kastana ka hormarinaya dantiisa u gaarka ah aan kala jeclayn dhibaata kasta oo bulshadaas soo wajahaysa… (fadlan akhri maqaalkii ahaa Jaah Wareerka). Danasyte dadkii waxuu baday in is aaminitaankii noqdo waxaan suurta gal noqon karin oo qof qof kale aaminayaa jirin, waxuu ugashadaa shaarka qofka daacadda ah markuu doonayo in uu meel ku gaara bulshadaas. Taasina waxay keentay in dadku jaah wareer ka qaadeen kii daacadda ahaa iyo kii danaystaha ahaa maadaama mid kastaaba leeyahay wax baan qabanayaa oo nidaam cadaalad ah ayaan samaynayaa waxaan ku dadaalayaa midnimadii soo celiyo…iwm. Danayste reer baanu kala jeclayn, wadaniyad baanu kala jeclayn jeebkiisa iyo magaciisa waxaan ahayn ma xeeriyo jago ka xaaraansanna ma jirto hankiisu waa maxaan liqaa, tusaale ahaan Musharaxiinta maanta tartamaya kii Danayste ah waxaa lagu garan karaa… Musharaxa reerkiisu isu soo sharaxi karaan Madaxwayne ama Raysalwasaare oo doonta inuu Raysal Baarlamaan isu soo sharaxo isagoo u tartami kara Madaxwayne ama Raysal Wasaare waxaa ku jirta xumayn uu isleeyahay ku xumee kuwa kale ee reer kiisa ah ee isleh Labadaas jago u tartama isagoo ujeedadiisu tahay yaanay helin. Taasna waxaad ka garan kartaa inaan ruuxaasi magaca, karaamada iyo sharafta reer kiisa kala jeclayn ee uu dantiisa kaliya u leg damayo. Mar hadduu karaamada iyo sharafta reerkiisa dhowri waayey ma cid kaluu tooda dhawrayaa jawaabtu waa maya somalidaa horay u tiri tiisaba daryeelaa tu kale ku dara… nin sumcadda reerkiisa dhowri waayey mid Somaliyeedna dhowri maayo.( Doqon xigtadaada ah). Damdamle waa ruux malaasan oo aan codkar ahayn garasho iyo han fiican lahayn, haddana jecel inuu magac iyo karaamo helo(fadlan akhri maqaalkii ahaa Jaah Wareerka) Tusaale ahaan xafiis kasta waxaa jooga rag iyo dumar hoodaddo ah oo aan waxba qaban karin, qofkii wax qaban lahaana aan ogalayn inay gudbiyaan iyagoo ka baqaya in ruuxaasi booskooda lagu bedelo maadaama uu qaban karo wax yaabo badan oo aanay qaban karin. Taasina waxay keentaa in dadkii isu taagay inay wanaagga wax ka qabtaan ay soo geli waayaan aagaggii xafiisyada madaxda ama fursad ba ay u waayaan inay la kulmaan. ilaa ay ka maleeyaan inaan madaxdu doonayn inay la kulanto, oo ay markaa eed madaxdii dadkaasi dusha uga tuuraan. Waxaana laga yaabaa ama xaqiiq ahba inaan madax daasi waxba ka ogayn dadkaas laga hor istaagay inay la kulmaan oo wax badan tari lahaa. Waxaana dhici karta in xafiisyada madaxdaasi curyaamin badan oo shaqo xuma ah soo faadsaarto iyadoo ay eedeeda leeyihiin duulkaas Damdamla yaasha ah ama aan u aqaano HOODADDO(Doqon xigtadaada ah). Haddaan usoo noqdo suaashii ahayd qof noocee ah ayaa soo celin kara…Waxaa soo celin kara qaranimadii, dawladnimadii, sharaftii, kalsoonidii, daacadnimadii, cadaaladdii, isu arxankii iyo ixtiraamki ruux… Dulqaad leh oo daacad ah Damiir iyo Dareen leh Ixtiraam iyo qadarin leh Turiinsho iyo ka damqasho leh Waxna qaban kara… Sifahaasna waxaa leh Cabdiwali M Cali Gaas… Wax Qabad Waxaynu wada ognahay in Cabdiwali Raysalwasaare loo magacaabay 23/06/ 2011 waxaa baarlamaanku u codeeyeen 28/06/2011kii.. 20/07/2011 waxuu magacaabay xukuumad 18 wasiir ka koobnayd isla bishaas taariikhdu markay ahayd 28 /07/2011 waxaa la dhaariyey oo shaqo bilaabay xukuumaddii uu dhisay Cabdiwali M Cali Gaas… Taariikhdu markay ahayd 23/06/2011 mawjadaha alshabaab waxay hirdinayeen meel aan wax badan ka durugsanayn madax tooyada…. 06/08/2011 waxaa xamar ka baxday Alshabaab. Ilaa maanta gobolo iyo degmooyin badan kuwada jiraan gacanta dawladda oo aan markii hore aan ku jirin oo ay haddana mawjadihii TFG ay maanta hirdinayaan meel aan wax badan ka durugsanayn Xaruntii ugu muhiimsanayd Alshabaab ee Kismaanyo. Waxaa kaloo aan ka war haynaa is bedeladda badan oo uu ka sameeyey dhankii siyaasadda dibadda oo dawlado badani arinta Somaliya saamayn ku yeeshay sida shirarkii ka dhacay Britain, Turkiga iyo Italy oo dawlado badani kasoo qayb galeen. Waxaa iyana xusid mudan in miiska la soo fariisiyey Somaliland oo ah tallaabo aan horay u dhicin in ay suurtoowdo xukuumidiisa ka hor… waxaa kaloo jirtay in abaarihii xukuumaddu ay dadaalo badan ka samaysay, musuq maasuqa iyadana dadaal badan ka samaysay inkastoon Somalida inta eedaynta jeceli inkiraan oo qariyaan wax kasta oo aan dadku wada arki karin… Somaliyey anigu shaqsi ahaan waxaas oo dhan waxaa iga wayn hal wax oo ah inaan helno Dawlad maamulkeedo wada gaaro Somaliya oo dhan oo shicibku isaga gooshaan magaalo kasta iyagoon hagar daamo ka baqayn inay soo gaarto iyaga iyo maciishadooda… waxaana aan aamin sanahay in taas lagu heli karo inagoo is aamina oo kalsoonideenii soo ceshanna taasna waxaa inagu hogaamin kara waa ruux leh Dulqaad, Cabdiwalina waa ruux aad iyo aad u dulqaad badan haddaan lays xasdayn. Dulqaad... Dulqaadka waxaan ugu baahanahay waxaa inaga batay lugooyadii iyo anigaa khayrkii wada iyo wanaaggii. Taasoo been iyo waxaan jirin aakhrika isugu soo biyo shuban jirtay. Waxayna dhashay logooyadaasi inaan dadkii kaa akhrisan hadaad ku tiraahdo bohosha iska jir oo haku dhicin. Marka waxaa loo baahan yahay ruux u dulqaata wax kasta oo eedayn iyo rumaysi la’aan ah oo ka horyimaada dadkana tusa inuusan la mid ahayn duulkii hoogga baday oo uu ka duwan yahay isagoo waxii uu ballan qaaday oofinaya. Isagoo shaqsigaasi wax qabadkii iyo dulqaadkii isku wada dadkuna markaa arkaan inuu daacad yahay kana dhabaynaya ballan qaadyadii uu ku dhaartay markuu tartamayey, ilaa uu ka kasbado in dadku garab istaagaan. Waxaynu marka wada ognahay tan iyo intii uu xilka qabtay Cabdiwali is hor imaadkii harayn jiray madaxda sare ee TFG ee hadba waddan looga yeeri jiray sii loo soo kala maslaxo aanay dhicin. Waxaa markaa meeshaa fiirin uga baahan horta wax laysku qabsadaa ma dhacday oo la oran karo Cabdiwali dulqaad ayuu ka sameeyey…jawaabtu waa haa… Tusaale haddaan usoo qaato waxaa laysku raacay wax la yiraahdo tubta nabadda oo laysku afgartay in Somaliya lagu saleeyo sideed iyo tobankii gobol dhammaan lixda saxiixa yaasha ahi waa isku raaceen oo qalinkay ku duugeen. Haddana in madaxda qaar si toos ah ugu dhawaaqeen in gobolo kale ay sameeyeen, degmooyin cusub sameeyeen… Wasiiro shaqadii laga eryo oo wasiiro kala la magacaabo. Maamul goboleedyo aan shuruuddii 18 gobol buuxin la aqbalo…iwm Cabdiwali waxuu arimahaas is qabqabsiga keeni kara sameeyey dulqaad aad u wayn isagoo xoogga saaray sidii loo heli lahaa is bedel wayn oo xeer(dastuur) laysu cuskan kara xanbaarsan si markii arimahaasoo kale u yimaadaan loo helo sharci kala haga oo aan lagu xadgudbin… waana Allah mahaddii waxaa Maanta Somaliya yeelatay Dastuur loola noqon karo markii caqabadi soo food saarto madaxda dhexdeeda. Marka Somaliyeey haddii sanad gudihiis xukuumaddii Cabdiwali ina gaarsiisay is bedello aad u badan oo aan been iyo haghago ahayn… Miyaanay ahayn wax Allah swtc loogu mahad naqo oo la yiraahdo Rabbiyoow mahaddaa adigaa Cabdiwali noo soo diray. Somaliyeey miyaanay ahayn inaan siino Madaxwayne oo ku garab istaagno mar haddii mudadii gaabnayd ee uu Raysal Wasaaraha ahaa aan hawaysannay sifaalo dawladnimo… Oraahbaa ahayd Diric Ma Mooga Doqonna Looma Sheego Wa Billaahi Tawfiiq Qore: Eng Abdirashid Abdi Daad Email: Guurey@hotmail.com
-
oba hiloowlow;855800 wrote: This is what really happened dukie boi ........................................................................................................................................................................................................... Wararka qaar ayaa sheegaya in rasaasta ay bilaabatay markii qaar ka mid ah taageerayaasha Farmaajo uu sawirka Madaxweynaha oo qof ku sitay nawaaxiga Sayidka ka xoogeen, dabadeedna dhulka ku riday, taasoo gaari kuwa raaxada ah oo ku sugnaa goobta uu rasaas ku furay, halka Ciidamada sugayay ammaanka dadka dibad baxayay ee taageersanaa Farmaajo ay iyana rasaas fureen. ............................................................................................................................................................................................................... Oba, adeer thank you for corroborating the story.
-
Muqdisho (RBC) Ugu yaraan hal ruux oo ka tirsanaa taageerayaal maanta u bannaanbaxayey Musharax Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa geeriyooday saddex kalana way dhaawacmeen kadib markii taageerayaasha madaxweyne Shariif oo careysani ay weerar ku qaadeen barxada Sayidka oo uu ka socday mudaaharaad lagu soo dhoweynayey Farmaajo oo maanta Muqdisho soo gaaray. Ruuxa dhintay ayaa ahaa wiil dhalinyaro ah oo watay sawirka Maxamed C/laahi Farmaajo waxaana toogtay rag ku hubeysan bastoolado iyo qoryo oo watay baabuur lagu soo xiray sawirka Sheekh Shariif.* Illaa saddex ruux oo kale oo mid ka mid ah yahay raggii amaanka Farmaajo ilaalinayey ayaa dhaawacmay oo isbitaalka loola cararay. Weerarkan ayaa dhacay duhurnimadii maanta kadib markii 800 ruux oo u dibadbaxayey Farmaajo ayaa galeen barxada Sayidka oo ku taalla degmada Wardhiigley halkaasoo ku dhow xarunta madaxtooyada Villaa Soomaaliya, waxaana goobta markiiba soo weeraray rag hubeysan oo wataty sawirada Sheekh Shariif kuwaasoo rasaas ku furay taageerayaasha Farmaajo u banaanbaxayey. Bannaanbixii lagu taageerayey Farmaajo ayaa lagu kala cararay kadib markii uu shilku dhacay, waxaana goobta markii dambe la wareegay ciidamada ilaalada madaxtooyada oo kala ceyriyey dibadbaxayaashii. Wariyaha Raxanreeb oo goobta tagay ayay u suurtagashay inuu sawiradii ugu horeeyay ka soo qaado marxuumka la dilay inkastoo amaanka dartiis aysan noo suurtagalin in wariyaheenu uu sawiro dhaawacyada. Farmaajo oo hadlay Maxamed C/laahi Farmaajo oo maanta si weyn loogu doo dhoweeyay magaalada Muqdisho ayaa goordhow shir jaraa’id* ku qabtay hoyga uu ka degan yahay Muqdisho, wuxuuna cambaareeyay dilka loo geystay muwaadinka Soomaaliyeed. “Waa nasiib daro in muwaadin Soomaaliyeed oo dareenkiisa muujinaya in xabad lagu dhufto. Ma ahan wax dimuqraadiyada iyo ra’yiga xorta ah uu qabo, waxaana ugu baaqayaa dawlada hadda jirta inay baarto kiiska maanta dhacay ee dilka ah ayna maxkamad horkeento gacan ku dhiiglihii falkaasi geystay” ayuu yiri Farmaajo. Farmaajo wuxuu wariyaasha u sheegay inuu maqlay in madaxda sare ee DKMG Soomaaliya ay saxaafadda ku amreen inaan la siideyn karin wararka ku saabsan musharaxnimada Farmaajo iyo ololihiisa uu ka wado Muqdisho taasoo uu ku tilmaamay inay ceeb weyn ku tahay dawlada iyo madaxdeeda. “Waxaan ka codsanayaa qalabka warbaahinta iyo wariyaasha Soomaaliyeed inaysan ka cabsan hanjabaadaha loo jeedinayo ee la leeyahay ma siideyn kartaan ololaha Farmaajo, waxaad xaq u leedihiin wixii RUN ah* ee wadanka ka jira inaad sheegtaan” ayuu hadalkiisa ku daray Maxamed C/laahi Farmaajo.
-
It was a good well staged welcome. But the results are terrible, civilians maimed & killed. It makes no sense to hold such rallies when the people are not even voting.
-
Ugu yaraan hal ruux oo ka tirsanaa taageerayaal maanta u bannaanbaxayey Musharax Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa geeriyooday saddex kalana way dhaawacmeen kadib markii taageerayaasha madaxweyne Shariif oo careysani ay weerar ku qaadeen barxada Sayidka oo uu ka socday mudaaharaad lagu soo dhoweynayey Farmaajo oo maanta Muqdisho soo gaaray. Ruuxa dhintay ayaa ahaa wiil dhalinyaro ah oo watay sawirka Maxamed C/laahi Farmaajo waxaana toogtay rag ku hubeysan bastoolado iyo qoryo oo watay baabuur lagu soo xiray sawirka Sheekh Shariif.* Illaa saddex ruux oo kale oo mid ka mid ah yahay raggii amaanka Farmaajo ilaalinayey ayaa dhaawacmay oo isbitaalka loola cararay. Weerarkan ayaa dhacay duhurnimadii maanta kadib markii 800 ruux oo u dibadbaxayey Farmaajo ayaa galeen barxada Sayidka oo ku taalla degmada Wardhiigley halkaasoo ku dhow xarunta madaxtooyada Villaa Soomaaliya, waxaana goobta markiiba soo weeraray rag hubeysan oo wataty sawirada Sheekh Shariif kuwaasoo rasaas ku furay taageerayaasha Farmaajo u banaanbaxayey. Bannaanbixii lagu taageerayey Farmaajo ayaa lagu kala cararay kadib markii uu shilku dhacay, waxaana goobta markii dambe la wareegay ciidamada ilaalada madaxtooyada oo kala ceyriyey dibadbaxayaashii. Wariyahe kusugnaa tagay ayay u suurtagashay inuu sawiradii ugu horeeyay ka soo qaado marxuumka la dilay inkastoo amaanka dartiis aysan noo suurtagalin in wariyaheenu uu sawiro dhaawacyada. Farmaajo oo hadlay Maxamed C/laahi Farmaajo oo maanta si weyn loogu doo dhoweeyay magaalada Muqdisho ayaa goordhow shir jaraa’id* ku qabtay hoyga uu ka degan yahay Muqdisho, wuxuuna cambaareeyay dilka loo geystay muwaadinka Soomaaliyeed. “Waa nasiib daro in muwaadin Soomaaliyeed oo dareenkiisa muujinaya in xabad lagu dhufto. Ma ahan wax dimuqraadiyada iyo ra’yiga xorta ah uu qabo, waxaana ugu baaqayaa dawlada hadda jirta inay baarto kiiska maanta dhacay ee dilka ah ayna maxkamad horkeento gacan ku dhiiglihii falkaasi geystay” ayuu yiri Farmaajo. Farmaajo wuxuu wariyaasha u sheegay inuu maqlay in madaxda sare ee DKMG Soomaaliya ay saxaafadda ku amreen inaan la siideyn karin wararka ku saabsan musharaxnimada Farmaajo iyo ololihiisa uu ka wado Muqdisho taasoo uu ku tilmaamay inay ceeb weyn ku tahay dawlada iyo madaxdeeda. Waxaan ka codsanayaa qalabka warbaahinta iyo wariyaasha Soomaaliyeed inaysan ka cabsan hanjabaadaha loo jeedinayo ee la leeyahay ma siideyn kartaan ololaha Farmaajo, waxaad xaq u leedihiin wixii RUN ah* ee wadanka ka jira inaad sheegtaan” ayuu hadalkiisa ku daray Maxamed C/laahi Farmaajo. Xaalada Muqdisho iyo maanta Magaalada Muqdisho ayaa maanta gashay jawi u muuqday fawdo iyadoo banaanbaxyo iska soo horjeeda ay ka dhecee.* Saaka gelinkii hore ayaa inta badan wadooyinka magaalada waxaa xirtay kumanaan dadweyne ah oo gacmaha ku wata sawirada Farmaajo halka goor dambe oo barqadii ah ay soo bexeen dad gawaari watay oo iyaguna watay sawirada Sheekh Shariif. Fagaaraha KM4 illaa wadada Sayidka iyo tan tagta garoonka diyaaradaha ayay dibadbaxyada saameeyn ku yeesheen. Illaa hadda ma jirto ciod ka tirsan DKMG ah oo ka hadashay dilka maanta dhacay iyo eedeynta uu jeediyey musharax Maxamed C/laahi Farmaajo oo mar raysul wasaare ka soo noqday DKMG ah.
-
AL-ARABIYA- A remarkable Prime Minister helps revive a failed nation
General Duke replied to Mooge's topic in Politics
He is by far the most competent, qualified leader in Somalia's history. Those who are hating are only doing it fir one reason.. -
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo inuu ku guuleysto doorashada Muqdisho ka dhacaysa 20-ka bishan ee lagu soo dooranayo madaxweynaha dowladda cusub ee Soomaaliya. Mudane C/weli Gaas ayaa hadalkan ka sheegay xaflad uu kaga dhawaaqayay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya oo shalay ka dhacday Muqdisho, isagoo sheegay inuu ku kalsoon yahay in lagu qiimeyn doono waxyaabihii ay qabatay xukuumaddiisa muddadii sannadkan ahayd ee ay jirtay. "Haddii aad eegto waxyaabihii ay qabatay xukuumaddeyda muddadii yarayd ee ay jirtay waxaad i siin doontaa codkaada," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka mid noqonaya murashaxiinta xusul-duubka ugu jira doorashada madaxnimo ee dalka. Ra'iisul wasaaruhu wuxuu ku faanay in dowladdiis ay howlo badan qabtay intii ay jirtay, isagoo si gaar ah u xusay ammaanka oo uu sheegay inay tahay mid ay guul weyn ka gaartay xukuumaddiisa intii ay shaqeynaysay. * "Sababta aan isugu sharraxay doorashada madaxnimo ee dalka waa inaan kalsooni buuxda ku qabo inaan guuleysan doono," ayuu yiri C/weli Gaas oo intaas raaciyay inaysan jirin cid ku dhiirran kartay sannad ka hor inay ololaha doorashada madaxnimo ee dalka ay ku qabto Muqdisho, taasna waxaa sababtay ammaanka oo la xaqiijiyay. Wasiirrada xukuumadda C/weli Gaas oo iyaguna xafladda ka hadlay ayaa sheegay inay ku taageerayaan ra'iisul wasaaraha inuu xilka madaxnimo ee dalka isku soo taago iyagoo sheegay inay sumcad weyn ku heleen howshii ay qabteen halkii sano ee ay shaqeynayeen. Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu ku biirayaa 19-murashax oo u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya, kuwaasoo ay ka mid yihiin madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka aan awoodda lahayn. Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa soo dooran doona 275-xildhibaan oo lagu wado inay maalmaha soo socda soo gudbiyaan magacyadooda odayaasha dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho, waxaana murashaxiinta kale ay cabsi weyn ka qabaan in doorashada ay kusoo baxaan madaxda dowladda. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
AsadSL;855714 wrote: He wont become president now run and tell that.. That is what many where saying in 2004 with yey. Now run and search that... same story different day...
-
AL-ARABIYA- A remarkable Prime Minister helps revive a failed nation
General Duke replied to Mooge's topic in Politics
Great article. A wonderful leader Abdiweli is... -
What does it matter? There are 12 days until the election & Shatif is sounding ever the more confused. Though to be honest most of this is speculation. Abdiweli has declared his candidacy after the Clinton meeting which is telling...