
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Puntland police security operations in Galkacyu + Bossaso
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Bulshada Reer Puntland oo soo dhoweyey amaan sugida ay wadaan ciidamada amaanku>>>> Allidamaale News Desk Garoowe-(Allidamaale )bulsha waynta ku nool Magaalooyinka waawayn ee dawlad Goboleedka Puntland Gaar ahaan magaalooyinka Gaalkacyo boosaaso iyo Caasimaa maamulka Puntland ee Garoowe ayaa soo dhaweeyey hawgalo ay Ciidamada amaanku ka sameeyeen Gudaha Magaalooyinkaasi. Howl Galkaan oo ay ciidamadu ku soo qabqabteen dad dhibaatooyin ka geystay Gobolada Dowlad Goboleedka Puntalnd Siiba Gobolada nugaal iyo Mudug ayaa waxaa Soo Dhoweyey dadka ku nool Puntland. Sidoo kale Hawlgalkaan ay Sameeyeen Ciidamada amaanka Dawlad Goboleedka Puntland ayaa Waxaa soo Dhaweeyey Dadwaynaha ku Dhaqan magaalooyinkaasi waxaana ay ku Tilmaameen Mid wax ku ool ah islamarkaana looga baahan yahay Dadku in ay wax kala qabtaan Hada ka hor ayey ahayd marki ay fuliyeen ciidamada amaanku howl galo aad u xoogan oo loogu tala galay aman sugid aad ugu wanaagsan oo ay wadeen Ciidamada amaanku waxayna sheegeen in la soo afjarayo danbiilayaasha ay ku Raadjoogaan iyo Cidkasta oo Danbi ka Gaysataa Gudaha maamul goboleedka Putland Waxaana dadku sheegeen in ay kala shaqayn doonaan ciidamada amaanka amaan sugida ay wadaan dadka reer Puntland ayaa waxaa lagu yaqanaa in ay yiihiin dad nabada ku dadaala oo nabada ka shaqeeyan waana dad sida aynu wada ognahay nahay mudadii dalku burburka ahaa iyaga nabada ku dadlayey kana shaqeynayey nabada iyo amaanka iyo kala danbaynta. Isku soo wada duub oo Haatan waxaa muuqata in Dadka reer Puntland ay ciidamada amaanka si fiican ula shaqay nayaan oo ay amanka wax badan ka bedeli doonaan Puntland waxaa ay dhaanta Gobolada kale ee Dalka waa meel ay dadkeedu ka wada shaqeeyaan arimha amaanka iyo kala danbaynta. Cabdiraxmaan Mohamed Koronto Shabakada allidamaale.com-Garo owe kronto12@gmail.com -
Puntland police security operations in Galkacyu + Bossaso
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Maamulka Puntland oo U Soo Jeestay Wax-ka-Qabashada Xaalada Amaan ee Degaamada uu Ka Taliyo>>>>> Arbaco 20 May 2009 Ciidamada amaanka Maamulka Puntland, ayaa baryahan dambe qaaday talaabooyin ay ku qab-qabanayaan waxa ay ugu yeereen kooxo isugu jiray Burcad-baddeed iyo kuwa ayagu dadka ka tahriibiya degaan xeebeedka ku xeeran Puntland. Saaraakiil u hadashay Maamulka ayaa hseegay inay gacanta kusoo dhigeen hub iyo saanad kala duwan oo ay wateen kooxahan oo ahaa kuwo ku howlan sida la sheegay inay maraakiib ka afduubtaan xeebaha Somaliya. xubinkatirsan saraakiisha sare ee Boliska Puntland, ayaa ku macneeyey wax uu ugu yeeray Hawl-galo lagu sugayo amaanka. Xaalada hada kajirta Gobolada Maamulku ka taliyo ayaa ah mid soo hagaagaysa kadib markii ay mudooyinkii ugu dambeeyey ay la tacaaleen hay,adaha amnigu sidii ay wax uga qaban lahaayeen arimahan laxiriira Burcadd-badeeda, tahriibta. afduubka, iyo dhaca, IWM. Madaxweynaha Maamul-Goboleedka-Pu ntland, Mudane: Max'ed Max'ud "faroole" ayaa waxa uu wareegto u ku amrayo dhamaan qaybaha kala duwan ee laamaha, amniga Puntland uu kasoo saaray xafiiskiisa, islamarkaas si buuxda ugu dhawaaqay in lajoogo xili aan inaha laga qarsan karin kuwa falalka amnidarada ah kawada dhamaan degaamada hostaga DGP. ayna tahay in si dhab ah wax looga qabto. Talaabadan uu Maamulka Puntland qaaday ayaa waxa ay kusoo beegmaysaa xili si aad ah looga warsugayo sida uu maamulka cusub ee uu madaxda ka yahay Madaxweyne faroole wax uga qabankaro arimaha amaan ee Maamul-Goboleedka-Pu ntland. C/casiis (Sankubayo) warside1@hotmail.com Allidamaale.com Your Reliable Sources -
has Ethiopian threats halted Al Shabaab advance ?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Forget anthems you need to stop robbing old Muslim graves. -
has Ethiopian threats halted Al Shabaab advance ?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^No statement adeer, just the fact that Al Shabaab & their other groups seem to be less brave as the Ethiopians enter the fold. Thus no worries you are still where you have always been out of your depth. -
has Ethiopian threats halted Al Shabaab advance ?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Cabsi kasbi karta Barakac horle oo soo wajahday dadka ku dhaqan G/Hiiraan Waxaa cabsi iyo qalqal xoogan ay soo food saartay dadka ku nooq deeganada Jawiil iyo Kalabeyr halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo Itoobiyaan ah oo maalmo ka hor soo gaaray . Deegaanada ay soo gaareen Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa isaga cararay dadkii rayidka ahaa ee ku noolaa iyagoo ka baqa qaba dagaal u dhexmara dhinacyada Ciidamada Itoobiya iyo xoogaga ka soo horjeeda . Ciidamada itoobiya oo halkaasi soo gaaray mudo haatan laga joogo 3maalin ayaa waxaa ay wadaan howlgalo iyo isku balaarin qeybo badan oo ka tirsan degmooyinka gobolka iyagoo xiray wadooyin badan oo ay gaadiidka ganacsiga iyo kuwa rakaabka isaga kala gooshaan kuna fulinaya baaritaano iyo weydiin su’aalo inkastoo wararkii ugu dambeeyay ee na soo gaaraya ay sheegayaan in baaritaankii cuslaa ee ay gaadiidka baarayeen ay jojiyeen ciidamadaasi ayna gaadiidka ku amrayaan in aysan istaagin goobaha ay fariisimada ka sameysteen. Qal qal iyo cabsi xoogan ayaa so wajahday dadka deegaanada ka agdhow goobaha ay ciidamada Itoobiyaanka fariisin iyo dufeysyadaba ka qoteen kuwaasi oo cabsi xoogleh ka muujinaya in ay soo laabtaan weeraro ciidamadaasi loo geysto halkaasina ay ka dhashaan dhibaato iyaga soo gaarta . Magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan ayaa dadweynaha ku nool ayaa wixii ka dambeeyay imaatinkii ciidamada Itoobiya qeybo ka mid ah gobolka iska weydiinaya su’aalo iyagoo ku wareersan sida ay wax u soconayaan waxna iska weydiinaya maamulka haatan gacanta ku haya gobolka iyo Ciidamada Itoobiya sida ay isku wajihidoonaan . Dhacdooyinkan ayaa waxay ku soo beegmayaan xili habeenimadii xalay uu shaqadii u uhayay maamulka haatan ka taliya gobolka Hiiraan uu isaga tagay Duqii magaalada Baladweyne isagoo saxaafada u sheegay in laga bilaabo Habeenimadii xalay uusan heyn wax xil ah kana mid yahay shacabka Baladweyne . Ilaa iyo haatan waxaan la ogeyn sababta uu isku casilay gudoomiyihi Baladweyne iyadoo imaaneysa xil ka tagistaan xili ay soo baxeyso qilaafaad soo kala dhexgalay masuuliyiinta sar sare ee maamulka haatan gacanta ku haya gobolka . Tawane Cabdi Cali SBCInternational- Baladweyne -
has Ethiopian threats halted Al Shabaab advance ?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^lool. ME adeer they are only going to cause more death and destruction in Mogadishu, then they will lose as the locals are now waking up to their threat. Already they have been halted in Galgaduud, Hiiraan is next and they are stuck looting NGO's property in Lower Shabbele. Again would have much better if they spared the Muslims of Mogadishu and did their work in Ethiopia. -
lool. Why dont you build a school or educate an orphan instead of calling people to fight for something you dont want to? Somali's are not tools adeer, they are people who want life as much as you do.
-
has Ethiopian threats halted Al Shabaab advance ?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Yup they seem to act big against Somali's and their graves. They should just cross the border and liberate fellow Muslims in Ethiopia. -
Howlgal amniga lagu sugayo oo ka socda Gaalkacyo Posted to the MOL May 21, 2009, 7:43 am Ciidamada Booliiska maamul Goboleedka Puntland ayaa bilaabay Howlgallo amaan sugida ah oo laga sameenayo magaalada gaalkacyo ee xarunta Gobolka mudug howlagadan ayaa siween looga dareemayaa magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi waxaa wadooyinka kalle Duwan ee magaalada iyo xaafadaha ay ka koobantahay lagu arkayaa Ciidamo kulabisan dareeska biliiska islamarkaana bartilmaameedsanayo baabuurta ay ku Dhaganyihiin Bacaha Madoow iyo baabuurta aan lahayn taarikada Taliska Ciidanka Booliiska oo ka gaabsaday inay Faahfaahiyaan howlagladooda ayaa hadana waxaa lagu waramayaa in ciidamada ay Xabsiga ay Dhigeen ku Dhowaad lawaatan gaari oo ah nooca Raaxada islamarkaana ay ku socdaan baaritaano Mana jiraan intii ay socdaan howlgaladaan wax caqabad ah ay la kulmeen ciidamada booliiska ee ka qaybqaadanayso howlgalkaan dhinaca kalle Howlagaladaan ayaa kuwa la mid waxaa ay si ween uga Socdaan magaalada boosaaso ee Xarunta Gobolka bari iyadoona maamulka Gobolka bari mar sii horeesay uu ka hadlay arinta howlagalada boosaaso uu sheegay inay tahay mid lagu fulinayo wareegto uu soo saaray madaxwaynaha puntland oo faraysay in siwadjir ah loola dagaalamo burcad badeeda iyo tahriibka sharci darada ee ka jira puntland dhinaca kalle dad waynaha ku Dhaqan magaalooyinka ay howlagalada ay sida uga Socdaan ayaa siyaabo kalle duwan uga hadlay iyagoona qaarkoodna ay cabashooyin ay ka muujiyen qaabka ay Ciidamada u wadaan Howlgaladaan iyagoona qaarkoodna sheegay inay si ween u soo Dhoweeyeen Isku soo wada duuboo Howlagalada ay Ciidamada Booliiska ay ka wadaan magaalooyinka waawayn ee puntland ayaa la ogayn waqtiga sida rasmiga loo soo gabagabeenayo iyadoona Ciidamada horay howlgallo kuwan la mid ah ay ka sameeyeen magaalada garoowe ee Caasimadda puntland ay ka gaareen guulo ka dib markii ay burburiyeen Goobo lagu iibin jiray waxyaabaha maanka dooriya. Rabiile Cabdikariin Gabanow Mudugonline.com Boosaaso
-
Ciidamada Itoobiya Oo Hakiyay Socodkii Al-Shabaab 20 May, 2009 01:23:00 Toronto t. Font size: Kadib markii ciidamada Itoobiya ay soo galeen gudaha Soomaliya gaar ahaan Kalabeyrka ayaa waxa hakad ku yimid duulaankii ciidanka Al-Shabaab ay damacsanaayeen inay dib ugu qabsadaan gobolka Galgaduud iyo Hiiraan. Ciidamadii Al-Shabaab ee ku sugnaa Buula-Barde ayaa lasoo sheegayaa inay dib usoo gurteen oo difaacooda hore ay ka dhigeen Mahadaay. Ciidamada Itoobiya ayaa waxa horkacaya maleeshiyaadka Ahlu Sunna oo ay soo hubeeyeen, waxana la filayaa in Ahlu Sunna ay horay usoo dhaqaaqaan oo soo weeraraan gobolka Sh. Dhexe. Hubka iyo gaawirada ay adeegsanayaan Ahlu Sunna ayaa ah mid ka yimaada Itoobiya, waxana laga cabsi qabaa inay isku soo balaariyaan gobolka Sh. Dhexe, iyo Hiiraan, maadaama ay gacanta kusoo wada dhigeen gobolada Galgaduud iyo Mudug. Xoogaga Al-Shabaab oo xoogoodii balaariyay ayaa waxa dhici karta inay usoo jabaan sidii ay u jabeen dhamaadkii 2006 markii dhinac walba ay kasoo weerareen ciidamad Itoobiya oo kaashanaya diyaaradaha Maraykanka.
-
Armed local resistance against AL Shabaab grows
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Mahadaay:Maleeshiyo beeled xalay dagaal ku qabsaday degmada Mahadaay G/Sh/Dhexe oo ay heysteen xoogaga Xisbul islaam 21. maj 2009 Mahadaay(AllPuntland )-Dagaalo xoogan ayaa xalay degmada Mahadaay ku dhex maray maleeshiyo deegaanka ah iyo xoogaga Xisbul islaam ee dhawaan qabsaday degmadas. Dagaalkaas ayaa wararka aan saaka heleyno waxa ay sheegayaan in dhanka Xisbul islaam looga qabsaday gaari nuuca Tiknikada ah looga dilay sadex ka mid ah ciidamadooda, waxaana dhinacii deegaanka ee soo weerar tagay iyana ka geeriyooday laba ka mid ah sadexna wey kaga dhaawacmeen. Ganacsade lagu magacaabo C/fataax Max’ud ayaa APL ugu sheegay saaka qadka telefoonka in xaalada ay kacsantahay maleeshiyadii deegaanka ay ku laabteen hawdka degmada Mahadaay oo markii horey ay ka yimaadeen , waxaana saaka ciidamo xoojin ah ay ka yimaadeen degmada Jowhar . Ganacsadah ayaa sheegay in maleeshiyadaan ay mudo heysteen degmada Mahadaay inkastoo uu sheegay in saaka si nabad ah ay isaga baxeen. Dadka degmada Mahadaay ayaa saaka aad uga walaacsan weeraro kale oo dhici kara , waxaana jira abaabul maleeshiyo beeled deegaanka ah ay ka wadaan meelihi miyiga ah. Waa weerarki ugu horeeyey ee ay la kulmaan xoogagi dhawaan qabsaday degmooyinka G/Sh/Dhexe. Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland -
source
-
Mogadishu clan dreams evaporate / Outside help only lifeline
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Welcome youngDuke, I like the name, Nassir old man as ever you have the last word. -
Hargaysa: What has Riyaale done now to make Mugged ones angry ?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
“Rayaale Xoolahaa uu wareejiyay iyo Dekeddaa uu xidhay, wuxuu ku mutaysan karaa xadhig iyo in la dilo” Faysal Cali Waraabe May 19th, 2009 Empty threats from a naked Mugged one. He best becarefull before the NSS arrest his Magnoon self -
Galkacyu: Puntland forces clean city of criminals
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Poker: Adeer you are not making any sense, as for the insults of whole regions and states of Somalia, its a weak mans ploy as I have stated before. The thread is simple, Puntland police comando's are in Galkacyu making the security situation better. You understanding of the issues is limited. Galkacyu is growing thriving city in the centre of Somalia, all the communities are doing well, in peace and hence your anger. Its not 1993 lad. -
Sri Lanka : crushes Tamil tigers [model against extremists]?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Nicely put old man, nicely put. -
Religious pretenders start massive looting in Jowhar!
General Duke replied to Meiji's topic in Politics
Somalia: Al Shabaab fighters raid UN offices, confiscate equipment 19 May 19, 2009 - 5:19:38 PM JOWHAR, Somalia May 19 (Garowe Online) - Islamist hardliners waging war against Somalia's U.N.-recognized transitional government have raided U.N. offices and confiscated equipment, Radio Garowe reports. There were no U.N. personnel present at the offices in Jowhar, the capital of Middle Shabelle region that was overtaken by Al Shabaab on Sunday. U.N. officers were evacuated from Jowhar before the Al Shabaab takeover, sources added. "Al Shabaab fighters armed with weapons broke down the doors and took equipment," a security guard at a U.N. compound in Jowhar said on the condition of anonymity. Offices raided include the UNICEF compound and MSF offices in Jowhar, local sources reported. No one was hurt during the raids and Al Shabaab commanders did nothing to stop the raids, locals said. Sheikh Ali Mohamed Hussein, who was asked about the raids by the BBC Somali Service, declined to comment but stated that Al Shabaab would "return the equipment." He called on U.N. and other aid agencies to "calm down and to continue working" in Middle Shabelle region. Source: Garowe Online -
Hargaysa: What has Riyaale done now to make Mugged ones angry ?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
S: Guddoomiye, waxa jirtay in M/weyne Rayaale uu yidhi, Faysal waxaanu isu aragnaa si joogto ah, taasi ma jirtaa, sideedse u aragtaa? J: M/weynuhu dalkuu xukumaa, mana nihin dhinacyo Hubaysane in aanu kulano way tahay, waliba markay arrimaha Qaranku taagan yihiin waanu u tagnaa, tan u dambaysay ayay ahayd markii uu khalkhaliyay Komishankii iyo Guurtidii ee uu ka samaystay Doorasho ilaa 29-ka October ah ee arrintu Cirka isku shareertay ee ay noqotay in Somaliland halkaa lagu gawraco oo aanu Anaguna kala noqono Kalsoonida (Rayaale), ayaanu mawqif istaagnay oo aanu ka xishoonay in aanu nidhaahdno Dawladdu ma jirto. Sidaa darteed, waxaanu ku nidhi, KULMIYE mawqifkiisii waanu ka soo celinay ee gar qaado Dunida wax waa lays waydaarsadaa oo waxani kuuma suurtogelayaan ee talo keen. Nasiib-darrose, Madaxweynaha waan aqaanaa oo tanaasulka wuxuu u yaqaanaa daciifnimo. Dastuurka wuxuu u yaqaanaa waxa uu jecel yahay, taasina waxay keentay in aanu u tagno Anagu iyada oo ay Guddidii dhexdhexaadintu nagu dhex jirto. S: Had iyo jeer M/weynuhu wuxuu idinku eedeeyaa Xisbiyadiina Mucaaradka ah aqoon-darro Sharciyeed, sideed u aragtaan? J:..Rayaale sidaan hore u sheegay dalka wuu isku duubay oo wuxuu leeyahay, Aniga iyo dalka na wada dila ama sidaan doono ayaan ka yeelayaa, mana dilayno dalka oo ma burburinayno..Waxaan a loo doortay ku-xumayn oo dadkii soo halgamay ayaa isku xumaynayay oo ku xumee ayuu ku soo dhacay, laakiin dalkan wuxuu gaadhsiiyay dhibaato weyn..balse, haddaynu sharci gaadhsiin wayno, Ilaahay SWT ayaa inoo hiilin..Horta waa mide, Daahir Rayaale 7-dii sano ee uu dalka haystay wax baa dalka ka sii dhacay. Balse, Anagu waxaanu idiinku bushaaraynaynaa in aananu wax idinka cunayn, Daaro ka dhisayn oo Dumarka aananu Dahabka ka iibsanayn oo aanu Agoonta iyo dadka ilaalin doono. Haddii maanta la kicin lahaa Wershadda Sibidhka Berbera intaas oo qof baa shaqo geli lahaa, waxay u fadhidaa waa Laaluush oo Mashruuc kaliya dalka ka hirgeli maayo haddaan Laaluush la bixin. S: Waxa jiray Riig Biyo qodayay oo ay mar Rabshado ka dhaceen, kaas oo la sheegayo in aanu wax badanba qodin. Taa sideed u aragtaa? J: Dadkii Been baa lagu wadaa oo waxa lagu wadaa Mijin Jaad ah iyo Telefishan been-been ah oo loo bixiyay TV-ga Qaranka, kaas oo hadda u baahan in tallaabo laga qaado. Laakiin, intaas waa wada been oo intan Sacabka tumaysaa waa wada been oo intii badnayd dadku way xanaaqsan yihiin. Haddii Xadhig la jiido, wuu go’aa ee waxaan rejaynayaa in aad Doorashadan aarsataan oo M. Siyaad Barre Xabbad baynu kaga aarsanaye, inaga oo aan is-dhibin Cod ku aarsataan oo aynaan u dhiiban talada Nin iimaankiisu yahay maxaad cuntaa oo aanu inoo talin…Rayaale daacad uma aha dalkan ee cawaaqib-xumada isaga, Caruurtiisa iyo reerkiisu siday noqdaan ayaynu arki doonaa, haddaanu anagu duudsiyayno iyo haddaanu run sheegayno Ilaahay wuu arki doonaa. Laakiin, dadkan wuu baabiiyay oo dalkani hoggaan ma leh, wax ka naxaya ma leh wax dano gaar ah u socda ma leh. Siyaasi ka naxayaa wuu yar yahay, Sheekh ka naxayaa wuu yar yahay, Suldaan ka naxaya wuu yar yahay. Nin u tegaya (Rayaale) oo leh Tuuladayda Dugsi ka dhis ma leh, Nin u tegaya oo leh Dekeddayda maxaad u xidhay ma leh. S: Xil-ka-xayuubin M/weyne ayaad hore u soo qaadday, taas maxaad uga jeedday? J: Horta, Dalka wuu kufsaday iyo sharcigii oo dhan..Dhaqaalaha wuu la dagaallamay, sababtoo ah maanta Ninka Somaliland ah ee soo samaysta waa la dilaa, ninka dhaqaalaha baabi’iya Dilmo ayuu mutaystay. Anigoon meel kale tegin Xoolahaa uu meel kale u wareejiyay iyo Dekeddaa uu xidhay, wuxuu ku mutaysan karaa in Xilka laga qaado oo waliba la xidho oo Maxkamad la taago la dilo. Laakiin, dadkeedii iyo waqtigeedii ayaan la joogin. Nin ka maanta dhaqaalihii kaliya ee aynu haysanay u joojiyay mushqaayad awgeed ee maanta Xoolaheenii bari iyo Galbeed u kala dhaqaaqeen ayaa u wayn oo Sharciga iyo Dastuurka uu jebiyay ayaa Xilka looga qaadayaa. Beentuu sheegay M/weynuhu ee uu yidhi 300-Milyan oo Dollar ayaa Wershado lagu dhisayaa ayuu ku mudanayaa, beentuu sheegay ee uu yidhi Derejo ayaan u samaynayaa Ciidanka ayaa xilka lagaga qaadayaa, beentuu sheegay ee uu yidhi Lacagtaan Burco kaga bedelayaa ayaa lagaga qaadayaa xilka…laakiin, Baarlamaankeedii ma joogo, Guurtideediina ma joogo ee waxa jooga waxaan waxba ahayn oo aan dadka ka naxayn, laakiin waa layska daba tegayaa. Haddii layska iloobana, Ilaahay baan iloobayn Jariimada ay Rayaale iyo dadka ku xeersani ka galeen dalkan. Inta taageertaana way la qaybsanayaan oo inta yar ee Shaannida ka cabta ee tidhaahda Xisbi Hebel baanu ka soo baxnay. S: Faysal, waxa jirta haddaad Telefishanka daawato dad loo sacabbo-tumayo oo la leeyahay Xisbiyadii UCID iyo KULMIYE waa laga dareeray, sideed u aragtaan? J: Waxaasi waa lagu maan-qamaaminayaa, Umaddu maaha afarta qof ee maalintaa Jaadka loo qaadayo ee umaddu waa Umaddaa gaajoonaysa ee Biyaha u baahan. Waxaan soo maray Guryo inta la soo raray oo ay soo guureen, Dumarkii Guryihii u dhisi kari la’yihiin Gaajo.waa Umaddaas kuwa lagu xisaabtamayaa ee maaha kuwa Mijinta Jaadka la siiyo ee yidhaahda Xisbi Hebel baanu ka soo baxnay. Waxa weeye, dhalinyarta Jaamacadaha ka baxay ee Badda galaysa, waa Hablaha yaryar ee tegay ilaa Libya ee dhexda lagu kufsaday. Waa kuwaas kuwa maanta dadkoodu Codka bixinayaan, nin leh maanta maxaan ku qayilaa Codk bixin maayo. Ilaahay waxaan ka baryayaa in dalkeena hoggaan wanaagsan keeno, waxaanan ballan idiinku qaadayaa in aan Ictiraafka sanad gudihii ku keeno. S: Laakiin, waxa la leeyahay Faysal iyo Siilaanyo toona ma soo baxayaan? J: Waxa weeye, maalintii dhawayd ee Ina Rayaale la dooranayay dee Cilmi iyo taariikh fiican toona laguma dooran, waxa lagu doortayna waxay ahayd uun, dad baa lagu xumaynayay, dadkii ku xumaynayay maanta iyagaa u liita oo dadkii oo dhan baa wada xumaaday. Kuwii Codka siiyay ee lahaa yaanu Hebel soo bixin, iyagaa maanta ugu liita oo waxa laysku haystaa, waar yaa meesha keenay. Waanad arki doontaan Codayntee, haddii maanta UDUB Borama lagaga badan waayo, I tuurtuur. Markaa arrintu kaligii maahee, Rayaale oo kaliya yaan la qabsanin, intaas oo Wasiir baa jooga oo aan waxba tarin. Bal eeg Caqli-xumaantooda, Nin baa Xisbi ka soo baxay baa sheeko laga dhigayaayoo, Shan Wasiir baa soo fadhiisanaya. Miyaanay ka fiicnaateen iyaga oo 5-ta Wasiir intay soo fadhiistaan waxay qabteen sheega..Wax kale iska dhaafoo, Dawladdani 4 sanno ayay Biriij dhisi kari la’dahay. Anigu haddaan M/weyne iyo ku-xigeenkiisii ahaan lahaa, ismabaan soo sharaxeen. Maanta maxay M/weyne Rayaale iyo Dawladdiisu la shir imanayaan. Wasiiradiisu maxay la shir yimaadeen, Wasiiradu waxay ka shaqeeyaan reer Hebel soo qabo…Bal waa tane, Ciidamada uu berri (maanta) Salaanta ka qaadanayo ee uu yidhi Derejaan siinayaa, waa bilaa derejo..Bal waa kane, Somaliland sida ay maanta Jabuuti yeeshay inta la yeelo, Wasiir waliba ha soo bandhigo wuxuu qabtay. Bal waa kane waa M/weynee, Aniga oo Murashax ah Dood ha ila soo galo oo sidii Bush iyo Kerry u doodayeen, ha iila doodo oo wuxuu dalka u hayo ha soo bandhigo. Maaha, kolba in uu yidhaahdo, orda oo reerkiinii Qaad soo sii. Ogaal -
Hargaysa: What has Riyaale done now to make Mugged ones angry ?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
“Rayaale Xoolahaa uu wareejiyay iyo Dekeddaa uu xidhay, wuxuu ku mutaysan karaa xadhig iyo in la dilo” Faysal Cali Waraabe May 19th, 2009 “Dadkii ku-xumee u doortay ee Codka siiyay Rayaale ayaa maanta ugu liita” Waxaynu u soo halgannay laba ujeeddo, ta hore oo ah in talada dalkeena aynu soo ceshano, mid kalena wuxuu ahaa in Dawlad Sunnaha iyo Kitaabka Alle samaysano. Maanta dalkeena Nabadi waa jirta, laakiin waxa caddaatay oo soo baxaysa in dadka dalka gacanta ku haya ay yihiin fadhato dalka fadhataysanaysa. Taa waxa daliil u ah, 300 oo sanno ayaa Xoolaha laga dhoofinayay Berbera, maanta waxa nasiib-darro ah in aanu hal neef ahi ka bixin oo Saylado kale oo ka fogfog ayay ka baxaan, waxaana masul ka ah dadka maanta gacanta ku haya. Waxaan ilaahay ka baryayaa in sanadkan-sanadkiisa Ilaahay ka xoreeyo umadda gacanta ku haya.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo M/weyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa ku dhaliilay hoggaamin-xumo iyo inay gabeen hawshii loo igmaday. Waxaanu jawaab ka bixiyay hadal uu sheegay M/weyne Rayaale oo sheegayay in si joogto ah u kulmaan isaga iyo Faysal. Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo shalay Waraysi gaar ah siiyay Telefishanka SLSC, ayaa hambalyo iyo bogaadin uu u diray Shacabweynaha Somaliland munaasibadda 18-ka May ka sokow, wuxuu ka hadlay xaaladda dalka ee waqtigan, waxaanu naqdiyay habkii loo Doortay Madaxweyne Rayaale, isla markaana wuxuu eedayn u jeediyay Wasiirada Xukuumadda Rayaale. Waraysigaas ayaa wuxuu u dhacay sidan; -
Hargaysa: What has Riyaale done now to make Mugged ones angry ?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
SL: Wasiirka Maaliyada oo xanibay lacag 17 May 17, 2009 - 11:15:39 AM Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee maamulka la magacbaxay Somaliland Md. Xuseen Cali Ducaale iyo Guddiga Doorashooyinka ayaa shalay [May 16] Xarunta Guddiga Doorashooyinka kula yeeshay shir ay kaga wada hadlayeen sidii loo sii dayn lahaa lacagta Guddiga Doorashooyinka ee Miisaaniyada 2009 ka taasoo ilaa hada la sheegayo inay xaniban tahay. Kulankan ay labada dhinac wada yeesheen ayaa waxa uu ka danbeeyay cabasho xoogan oo ka jirta fulin la'aanta hawl maalmeedkii Guddiga Doorashooyinka oo la sheegay inay u taagan tahay xukuumadda Somaliland oo aan ilaa hada u sii daynin Guddigaasi kharashaadkii ay ku shaqayn lahayd ee ay Xukuumaddu balan qaaday inay bixinayso iyo waliba Miisaaniyadoodii gaarka ahayd. War rasmiya oo kulankaasi ka soo baxay ma jiro balse warar u dhawdhaw kulankaasi ayaa la sheegay xubnaha Guddiga Doorashooyinku inay Wasiirka Maaliyadda ka dalbadeen inay si dhakhso ah u helaan lacag ay ku hawlgalaan oo ay ku dhaqaajiyaan shaqada ay hayaan oo aan wakhtigan la dhayalsan karin maadaama muran siyaasadeed oo la xidhiidha hawsha ay u xilsaaran yihiin ka taagan yahay Somaliland. Maxamad Jamaal, Garowe Online HARGAYSA -
Hargaysa: What has Riyaale done now to make Mugged ones angry ?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
“Dawladda maanta joogta 7 sanno ka hor waxa xilka loo tiriyay Somaliland oo raadqaad ah, waxana loo baahnaa in la koriyo, lana taabbogeliyo, markii dalkan loo dhiibay nabad ayuu ahaa doorashooyinkii golaha deegaanka ayaa ka dhacay, waxaanay ahayd in ilmahaa yar la daayo intuu qaandhaayo, hase ahaatee dalkii waa la fadhataystay. Qaybaha dalka haddaad eegto meel la kociyay ma jirto, dugsiyada waxa inoo dhista hay’adda UNICEF,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID. Damn Riyaale, his children study in the UK at the expense of the poor in NW Somalia. :mad: