
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Muqdisho: War deg deg ah Xoogaga mucaaradka oo la wareegay degmada Kaaraan iyo xildhibaan Ing;Cadaw oo geeriyooday isagoo dagaalka hogaaminaya 19. juni 2009 Muqdisho(AllPuntland )-Dagaalo ka qarxay galabta degmada Kaaraan oo u dhaxeeyey ciidamada dawladda iyo xoogaga mucaaradka ayaa sababay in xoogaga mucaaradka ay qabsadaan dhamaan xaafadaha degmada Kaaraan . Dagaalka oo ahaa mid aad u xoogan waxaa galabta uu galaaftay nolosha dad lagu qiyaasay 15-qof oo uu ku jiro xildhibaan Ing:Cadaw oo ahaa hogaamiyihi dagaalka ee dhinaca dawladda. Ing:Cadaw ayaa ku dhintay xaafada Mariino xili uu waday gaari uu ku xiranyahay boobaha culus ee loo yaqaano "Dhashiikaha" , waxaana la geeriyooday ridihii qoriga gaariga uu waday iyo laba Askari oo kale. Mwydka Xildhibaan Cadaw ayaa la geeyey caawa guriga xildhibaan Salaad Cali Jeele oo ku yaala degmada C/casiis . Xidlhibaano ay ka midyihiim Salad Jeele iyo Suudi Yalaxow ayaa wada guluf dagaal caawa , waxaana ay isku abaabulayaan mar kale dagaalka oo biri la qiyaasayo in uu dib u qarxi karo. Wixi ku soo kordhaa kala soco xafiiska Muqdisho AllPuntland
-
Xildhibaan ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo la dilay
General Duke replied to Juje's topic in Politics
^^^lool. Yusuf won the war it was Nur Cade, Ahmed Abdisalaan, Sharif Ahmed, Walid Abdalla who lost it. Its their actions, your fake clan wailings and funds that empowered these groups. NN: I would replace the capital, the whole mindset. There will be an intervention coming but will that help? -
Dagaal xoogan oo haatan ka socda degmada Kaaraan iyo xoogaga mucaaradka oo gudaha u soo galay degmadaasi. Dagaal aad u xoog badan oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa uu ka socdaa degamada kaaran iyadoo xoogaga ka soo horjeeda dowlada soomaliya ay gudaha u soo galeen iyagoona heysta qeyb ka mid ah degmada kaaraan ee waqooyiga muqdisho. Dagaalkan ayaa geystay qasaare xoogan iyadoo aan iminka la ogaan karin tirada rasmiga ah ee dadka ay waxyeelada ka soo gaaratay maadaama uu dagaal weli ka socda gudaha degmada kaaraan ee Magaalada Muqdisho. Maleeshiyaadka xoogaga mucaaradka oo beryihii dhawaa ku suganaa duleedka degmada Kaaraan markii ay halkaasi ka soo bixiyeen ciidamada Dowlada ayaa haatan waxaa u suuro gashay inay gudaha u galaan degmada Kaaraan oo ka mid aheyd goobihii ay gacanta ku heysay dwolada Soomaliya. Inta badan dadka ku dhaqan degmadaasi ayaa maalmihii dhawaa barac ku jiray waxaana weli halkaasi ku harsan dad aysan u suuro gelin inay barakaacn oo aanan ogeyn meel ay u dhaqaaqaan madaama ay dagaaladu ka socdaan inta badan Magaalada Muqdsiho. Magaalada muqdisho ayaa waxaa ka socda dagaalo culus iyadoona xasuuq ba'an loo geysanayo shacabka aan waxba galabsan ee nool magaalada muqdisho, shacabka ayaa ah had iyo jeer dadka ay qaasarada lixaadka leh ka soo gaarto dagaalada muqdisho ka socda. ma jirto wax xabad joojin oo ay labada dhinaca sameynayaan iyadoo sidoo kalena aysan jirin cid isku dayaysa inay kala dhex gasho oo ay ku kala dab qaado labada dhinac waa maleeshiyaadka Mucaaradka iyo Ciidamada Dowlada Soomaliya. Wixii ku soo kordha wararkani kala soco wararkeena danbe. Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com
-
Xildhibaan ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo la dilay
General Duke replied to Juje's topic in Politics
^^^The fitna Sharif Ahmed led in 2006 has trully come to haunt him, his lame supporters. The Sharif has no clothes he should just resign and spare himself this shame. -
Inj.Caddow oo Ku Dhintey Dagaal Galabtey Ka Dhacay Degmada Kaaraan. Friday, June 19th, 2009 at 7:22 pm Horseed Media News Desk Weriyaha Horseed Media ee muqdisho ayaa ku soo waramaya in galabtay uu ku dhintey Inj.Maxamed Xuseen Caddow dagaal ka dhacay Degmada Kaaraan ee Muqdisho Inj.Caddow ayaa ka mid ahaa xildhibaano maalmihii la soo dhaafey abaabul ka wadey Xaafadda Kaaraan halkaas oo hoygiisu ku yaaley. Inj.Maxamed Xuseen Caddow Dagaalka galabta oo ahaa mid aad culus ayaa la sheegayaa in Inj.Caddow uu ka soo gaarey Dhaawac halis ah, wax yar kadibna waa nafbaxay. Inj.Caddow ayaa ka mid ahaa Siyaasiyiintii Muqdisho ee soo caan baxay dhamaadkii sanadihii sagashamaadkii, waxa uu gacansaar weyn lalahaan jirey Hogaamiye Kooxeedkii hore Muuse Suudi Yalaxow. Sanadkii 2004 Inj. Caddow Rabbi ha u naxariistee waxa uu isu sharaxay xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaa uu ka galay Kaalinta Sadexaad. Inj. Caddow ayaa ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, dilka Caddow ayaa ku soo aadaya maalin kadib markii fal ismiidaamin ah lagu diley Wasiirkii Amniga Qaranka. ShareThis
-
WAR DEG DEG AH: Xildhibaan Eng Caddow oo ku geeriyooday dagaalkii galabta ka dhacay Kaaraan War goor dhow na soo gaaray ayaa xaqiijinaya in dagaalkii galabta ka dhacay Degmada Kaaraan uu ku geeriyooday Xildhibaan Maxamed Xuseen Caddow oo loo yaqaanay Eng. Caddow. Warka ayaa intaa ku daraya in Xildhibaan Eng. Caddow uu ku dhintay dagaalka,hase ahaatee lama xaqiijin karo inuu dagaalka ka qeyb galayay,inkastoo uu maalmihii la soo dhaafay ka mid ahaa Mudanayaashii Baarlamaanka ee ka waday W/Muqdisho abaabulada dagaalka. Geerida Xildhibaankan oo ka mid ahaa siyaasiyiintii iyo hogaamiye kooxeedyadii,ayaa noqoneysa dhabar jab kale oo Dowladda ay wajaheyso,iyadoona shalay qarax ismiidaamin lagu dilay Wasiirkii Amniga Qaranka Col. Cumar Xaashi, maalin ka horna uu dagaal ka dhacay Hodan ku dhintay Taliyihii Ciidamada Booliska G/Banaadir Cali saciid. Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com
-
Aweys condemns security minister's assassination? enemies behind it
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^He is no Shiekh, a strong man yes. Ayhow he is scared of the outraged coming from the Hiiraan clan that lost its top leadership including elders. -
Aweys condemns security minister's assassination? enemies behind it
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
"I am saddened by the loss of so many lives...the enemy is behind this [attack]," Sheikh Aweys said, but he did not elaborate who the enemy is. Al Shabaab claimed yesterdays attack.. -
Aweys condemns security minister's assassination? enemies behind it
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Somalia: Aweys condemns security minister's assassination 19 Jun 19, 2009 - 7:59:56 AM MOGADISHU, Somalia June 19 (Garowe Online) - A senior opposition figure in Somalia has condemned the assassination of Security Minister Omar Hashi, who was killed by a suicide bomber yesterday, Radio Garowe reports Friday. Sheikh Hassan Dahir Aweys, chairman of Hizbul Islam rebel faction, said the way the Security Minister was killed is a "new tactic" in Somalia. "I am saddened by the loss of so many lives...the enemy is behind this [attack]," Sheikh Aweys said, but he did not elaborate who the enemy is. Al Shabaab, a group listed as a terrorist organization by the U.S. government, has claimed responsibility for the attack, where the former Security Minister was among 25 people killed when a suicide bomber rammed a vehicle into a hotel in Beletwein, a provincial town in central Somalia. Asked if his comments could trigger a conflict with Al Shabaab, Sheikh Aweys dismissed the possibility but stated that "anything is possible" if the various armed factions fighting the Somali government do not have a "unified ideology." Earlier this year, Sheikh Aweys condemned the attempted assassination of Interior Minister Sheikh Abdulkadir Ali Omar, a former ally and senior member of the Islamic Courts movement. Yesterday, Somali President Sheikh Sharif Ahmed blamed Al Qaeda for the suicide bombing that killed the Security Minister, a former ambassador and clan elders in Beletwein. The first suicide bombing in Somalia occurred in 2006, when then-President Abdullahi Yusuf was the target of suicide car bombs that killed his younger brother in Baidoa. Separately, Sheikh Aweys accused President Sheikh Sharif's government of attempting to "destroy" Bakara Market, a notorious marketplace where Islamist insurgents wield power. He praised ex-Prime Minister Nur "Adde" Hassan Hussein for "saving Bakara" during his term in 2008. Source: Garowe Online -
Sh. Aweys oo dhaliilay qaraxii lagu dilay Cumar Xaashi 19 Jun 19, 2009 - 7:29:25 AM Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Sh. Xasan Daahir Aweys ayaa dhaliilay dilkii wasiirkii amaanka Somalia Xil. Cumar Xaashi Aadan oo qarax qorsheysan lagu dilay shalay [June 18] galinkii kaasoo ka dhacay hotel uu ka daganaa Baladweyne oo lagu magacaabo Madiina. Sh. Aweys ayaa si cad u sheegay in qaabka dilkaas uu u dhacay uu ahaa mid aan wanaagsanayn, isagoo u muuqday inuu diidan yahay isqarxinta ay inta badan isticmaasho kooxda Al-shabaab. "Qadiyadii lagu dilay Cumar Xaashi iyo dad badan waa mid aan aad uga xumahay… waxaana ka dambeeyay koox cadow ah" ayuu yiri Sh. Xasan Daahir, inkastoo uusan carabka ku dhufan cid gaar ah. Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa durba sheegtay inay iyagu ka dambeeyeen qaraxii lagu dilay Wasiirka, Danjire la socday, saraakiil, oday dhaqameedyo iyo dad rayid ah, iyagoo sheegay in ruux iyaga ka tirsan uu ismiidaaminta sameeyay. Sh. Xasan Daahir ayaa ku tilmaamay in dadka badan ee dhintay qaraxa ay keentay qaabka wax loo maareeyay oo uu ku tilmaamay qaab ku cusub Somalia, isagoo aan sheegin halka laga soo minguuriyay. Madaxweynaha Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed oo shalay [Jun 18] shir jaraa’id ku qabtay Villa Somalia ayaa qaraxii lagu dilay wasiirkii amaanka Somalia iyo Danjirihii Somalia u fadhiyay Ethiopia ku eedeeyay Ururka Al-Qaeda oo kusoo duushay Somalia iyo dad Somali ah oo ay kaashanayso. Xil. Cumar Xaashi Aadan, Sh. Xasan Daahir Aweys iyo Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa muddo laba sano ah ku sugnaa dalka Eritrea, iyagoo aasaasay Isbahaysigii ARS oo dagaal adag la galay xukuumadii TFG iyo ciidamadii gacanta siinayay ee Ethiopia. Hogaamiyaha Xisbul Islaam oo ka tirsan mucaaradka ka horjeeda dowlada Somalia ayaa horay u dhaliilay qaraxii lala beegsaday wasiirka arimaha gudaha Somalia Sh. C/qaadir Cali Cumar, kaasoo la doonayay in lagu qaarijiyo, balse sababay inay dhintaan qaar ka mid ilaaladiisa iyo xoghayntiisii. Dhanka kale; Sh. Aweys, wuxuu eedeyn kulul u jeediyay dowlada Sh. Shariif isagoo ku eedeeyay inay burburinayso Suuqa Bakaaraha oo ka nabadgalay sida uu sheegay TFG, isagoo amaanay ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Nuur Xasan Xuseen [Nuur Cadde] oo uu sheegay inuu badbaadiyay Suuqa oo ay ku xoogan yihiin mucaaradka. Sh. Xasan Daahir oo la weydiiyay in hadalkiisan uu keeni karo iskudhac dhexmara isaga iyo kooxda Al-shabaab; ayaa sheegay inuusan taasi filayn, balse ay wax walba dhici karaan haddii aanu jirin mowqif mideysan iyo aragti mid ah. GAROWE
-
President rayaale meets with the emir of Kuwait.
General Duke replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
^^^^Stick to the topic adeer where are the secessionits, hard at work photoshoping I guess. -
President rayaale meets with the emir of Kuwait.
General Duke replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
^^^lool. Some people are having a bad hangover, we had JB and now Nuune. -
President rayaale meets with the emir of Kuwait.
General Duke replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Any pics? -
List of those Killed in Beletweyne - Gov Release
General Duke replied to Jacaylbaro's topic in Politics
-
Somalia: Puntland leader invited to Washington, D.C.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^He has left Puntland, I think he is in the UAE now. -
Three stooges who blasphemed on the faith..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^lool. That was even more confused adeer. -
Three stooges who blasphemed on the faith..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^That made no sense, must have been a bad night of chewing dear lad. -
Three stooges who blasphemed on the faith..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
JB: The three stooges was a famous US comedy series. As for Stooge, Riyaale, the late Egaal & Warrabe were well known boot lickers of Siyad Barre in their time. Thus an appropriate word indeed. -
Kampala: 60 Puntland officers train in Uganda:PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^The cities Kashafa & Pirate reside in have their own issues. -
ABWAN: lol...what a frustration atleast you proofed that you CANNOT do anything other than post nac nac here! You adeer are devoid of basic common sense, your whole agenda is to follow Duke around. That’s all, a simpletons quest. Adeer you did a great deal, you raised funds and demonstrated and cried for Al Shabaab for two years. Now you cry in anger at your idiotic actions. Because Al Shabaab are tearing the clan militias apart. Shame :eek:
-
Kampala: 60 Puntland officers train in Uganda:PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
SOURCE 60-dan Ka Mid ah Saraakiisha Puntland oo Tababar Uga Socdo Dalka Uganda Thursday, June 18th, 2009 at 9:54 pm C/qaadir Kaarshe HR Media Kampala 60-dan ka mid ah saraakiisha Police-ka Puntland ee ka hawgelgala saldhigyada kala duwan ee magaalooyinka puntland ayaa waxaa tababar uga socdaa Dalkan Uganda . Tababarkan Dawlada Dalka Uganda u fidisay qaar ka mid saraakiisha Police-ka Puntland ayaa waxaa uu ku mudaysanyahay 40 – 45 Maalmood, wxaana mudadii ay joogeen qaateen intii badnayd tababarkiii ay meesha u yimaadeen. Warbaahinta Horseed Media ayaa waxay ku booqatay Saraakiisha Xarunta ay ka deganyihiin Magaalada Kampala, halkaas oo ay saraakiishu kaga warbixiyeen Tababarka ay qaadanayaan. Col: Sayid Jama Cabdalle oo ah masuulka ugu sareeya saraakiisha Tababarka qaadanaya ayaa Horseed Media waxaa uu uga waramay Tababarkan ay saraakiishu ku jiraan iyo Heerarka tababar ee ay qaataan, isagoo ugu horayn Dawlada Uganda Uga Mahadceliyey Fursadan Qaaliga ah ee ay siisay. Col: Sayid waxa uu sheegay in Tabarkan uu ahaa mid ay u qaadanayeen Laba Face oo kala ah Qayb Theory ah iyo Qayb Practical ah, waxana uu sheegay in Qaybtii Theory-ga ay hada u dhamaatay ayna ku guda jiraan Qaybtii Practical-ka oo socondoonta Muda 10 Cisho ah. Saraakiisha ayaa waxaa loo qaybiyey Saldhigyada waaweyn ee Dalkan Uganda halkaas oo ay ku qaadanayaan Qaybta Practicalka ah ee tababarka waxaana Mudada 10-ka Casho ah kala Hawlgeleyaan Saldhigyada Saraakiil kale oo Ugand-is ah. Kudhawaad 10 Saldhig oo ah kuwa Ugu waaweyn Dalkan Uganda ayaa loo qaybiyey Saraakiisha oo ay ka Hawlgelayaan, Waxaana ugu waaweyn Saldhigyada Loo qaybiyey Old Kampala Police Station, Jinja Police Station, Iyo Weliba Taliska Ugu weyn Ee laga Xukumo Poilce-ka Dalka Uganda. Ardayda Reer Puntland ee wax ka barata Dalkan Uganda ayaa iyana waxay aad u soo dhaweeyeen Tababarka Saraakiisha uga Socda Dalka Uganda, Waxaana ay ii sheegeen inay Qorshaynayaan Kulan ay Yeeshaan Saraakiisha iyo Ardayda wax kabarata Dalkan Uganda Sida uu Horseed Media usheegay Axmed Shire Ahmed oo ka mid ah Hormuudka Ardayda Somaliyeed ee waxkabarata Dalka Uganda. 26-ka Bishan June ayaa loosoo Gebagebeyn doonaa Saraakiisha tababarkan, waxaana lagu wada inay xidhitaanka tababarka ka soo qaybgalaan Madax ka socota Maamulgoleedka Puntland. Horseed Media
-
President Sharif PM Omar's Response to the Suicide Bombing.
General Duke replied to Juje's topic in Politics
^^^Because there are no reporters there ? -
President Sharif Ahmed talking about Shiekh Sharif of old
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxweyne Shariif "Cid ay dhaafayaan ma jirto raggaas, waa argagixiso, meeshey qabsadaan calan madow ayay ka surayaan" Madaxweynaha Soomaaliya ayaa guddi qaran u magacaabay tacsida Wasiirkii Amniga Qaranka iyo Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Magaalada Addis Ababa oo labadaba ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo maanta lagula eegtay bartamaha magaalada B/weyn. Madaxweynaha oo la kulansanaa qaar ka mid ah Wasiirada Dowladda sida Ra'iisul Wasaare kuxigeenada kala ah Shariif Xasan Sheekh Aadan, Prof. C/raxmaan Ibbi iyo C/waaxid Cilmi Goonjeex. Waxaa uu si kulul u cambaareeyay dilkaas,isagoo ku tilmaamay qarax argagixiso oo u ku eedeeyay ururka Al-Qaacida, isagoona ku tilmaamay Cumar Xaashi shakhsi aaminsan in la soo celiyo qarannimada, sharafka iyo midnimada shacabka soomaliyeed. "Cid ay dhaafayaan ma jirto raggaas, waa argagixiso, meeshey qabsadaan calan madow ayay ka surayaan calankii soomaaliyana waa tuurayaan, marka raggaas waa dad soomaalinimada diidan, shacabkana waxaan leeyahay yeysan is dhigin ha ka hortageen"ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo si aad ah uga xumaaday geerida naxdinta leh ee ku timid Wasiirkiisii Amniga Marxuum Cumar Xaashi. Waxaa uu si gaar ah u soo qaatay in kooxaha dowladiisa ka soo horjeeda aanay laheyn hadaf,waxaana uu tilmaamay inay dilayaan cid kasta oo ay u arkaan inay danahooda diidan tahay,waxaana uu tusaale ahaan u soo qaatay madaafiic xalay ay ku dhinteen dadka masaajid ku jiray. Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in ficillada ka dhacaya dalka ay yihiin inxiraaf lagu sammeeyay diinta islaamka waayo hirgelinta shareecada islamaaka waxaa asaas u ah shan tiir oo kala ah in qofka loo ilaaliyo diintiisa, naftiisa, maalkiisa, caqligiisa iyo cirdigiisa. dadka banneystay inay falka cumar xaashi lagu dilay inay inxiraaf ku sammeyeen diinta islaamka. inkastoo kooxahaasi hubeysan yihiin kuna xiran yihiin kooxda al-qaacida, haddana waa inaan u baabaca dhignaa. Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com