
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
My Personal Review Of The Recent Skermish In Galkacyo
General Duke replied to Cowke's topic in Politics
^^^ Taar A standard Villa in Galkacyu Puntland source Adeer stop being a clown, Galkacyu is a Puntland city, while you was wasting time with roadblocks in Mogadishu, Puntland moved foreward and today its too late for your silly claims. Duke's city has developed, like I said its not Baraxlay adeer this is Puntland. Also figure out who the President of the clan village of Galmudug is before you come with the crime wave. Yamayska has the most abundent water source in all of Mudug, shame it aint in "Galmudug". -
Garowe: President Faroole to open Parliment.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
PM me on the info you have. -
My Personal Review Of The Recent Skermish In Galkacyo
General Duke replied to Cowke's topic in Politics
Originally posted by Sabriye & co.: Dukey, I admire your affection for Yamayska but the Galkacyo i know of looks like this: Baraxlay The Duke's Galkacyu Galkacyu I know looks like the above Puntland State of Somalia, a bussy city lad lool. The UN plans you can depdend on all you like , Puntland has control of the city of Galkacyu, its main cashcows. A few silly militia leaders from a sub clan village with two "presidents" wont change a thing. -
Wedding of the century : He is 112 years young she is 17 years old
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^All those tales from the last century and the one before. -
112 jir ku guursaday Guriceel gabadh 17 jir ah oo uu ka waynyahay 95 sano. Guriceel, Oct 29 - Arooskii ugu layaabka badnee ee ka dhaca waddanka Soomaaliya in ka badan qarni inta la ogyahay ayaa dhex maray nin 112 sanadood jir ah iyo gabadh 17 jir. Boqollaal qof ayaa iskugu soo xoomay si ay uga qayb qaataan arooskaas oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo shalay ka dhacayay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee badhtamaha Soomaaliya. Caruuska 112 jirka ah waxaa la yidhaahdaa Axmed Maxamed Dhoore, waxana uu guursaday gabadh uu ka wayn yahay 95 sanadood oo 17 jir ah lana yidhaahdo Safiya Cabdulle. Axmed Maxamed Dhoore waxa uu sheegey in uu gabadhan yar ee uu guursaday isha ku hayay illaa intay ka soo koraysay, “Allaa igu caawiyay in aan xaqiijiyo riyadaydii” ayuu yidhi Dhoore, waxana uu intaa ku daray in aanuu khasbin ee uu khibraddiisa uu ka dhaxlay da’diisa wayn uu u adeegsaday in uu ku beero jacayl iyo kalsooni, kaddibna waxa ay isku raaceen in ay isguursadaan. Ehelada gabadha caruusadda ah ayaa sheegey in ay inantooda si wayn ula dhacsantahay ninka ay is calmadeen. Axmed Maxamed oo ah ninka da’da wayn ee qarniga ka wayn ee guursday ayaa waxa uu hore u soo dhalay 18 caruur ah oo ay u kala dhaleen 5 xaas oo hore oo uu guursaday, waxana mid ka mid ah carruurtiisa oo imika ku sugan guri Ceel oo ka qayb galay arooska aabihii uu jiraa 80 sanadood. Safiya Cabdulle waxa ay arooskeedii ugu horeeyey si farxad leh kula wadaagaysaa Axmed Maxamed Doore oo ay u noqotay haweeneydii 6aad ee uu guursado. Adam Shardi Axmed Radio Daljir
-
Originally posted by Xudeedi: The SNM tactic is unfruitful as it had been duplicated numerously and yet there exists no rationale on their end to address its failures. Ministers and other employees in Riyaales mugging team arrive to visit their wife’s and offspring’s in the region and secessionist cheer hopefully that it might be an attempt to close the colonial borders. The community is much stronger and much more organized as Bosaso today is a sister command center of Sanaag and Haylaan. Many developmental projects are taking place in the region as the future looks much brighter for the people of Puntland. Who can go without their family?
-
My Personal Review Of The Recent Skermish In Galkacyo
General Duke replied to Cowke's topic in Politics
^^^ Adeer, Galkacyu, Puntland city, the single area that you reside in is of no interest to the state. The shoot out yesterday was between a gang and local police nothing more. The militia suffered heavily. Is it a political issue? No, and will be dealt with as with all police & criminal issues. the fact that all of the cities organs, including the airport is Puntlands highlights your fallacy. -
Galkacyu: developing story, clean up project leads to fighting..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Galkacyo oo deggan iyo wadahadallo lagu soo afjarayo iska-horimaadkii shalay oo socda. Galkacyo, Oct 30 - Xaaladda magaalada Galkacyo ayaa maanta aad u deggan kadib markii maalintii shalay ahayd uu suuqa weyn ee Galkacyo uu ka dhacay iska-horimaad dad ku dhintay kuwo kalana ay ku dhaawacmeen. Isku socodka dadka iyo gaadiidka dhinacyada magaalada ayaa caadi meelo badan ku soo laabtay gaar ahaan nawaaxiga suuqaasi oo ahayd meelihii shalay cabsidu ka jirtay, hase ahaatee waxaa gabi ahaanba maanta xirnaa goobihii ganacsiga ee suuqaasi ku dhax-yaallay. Dadka wax ku iibsada suuqaasi oo ay idaacadda Daljir maanta wax ka weydiisay sababaha xirnaasha suuqaasi ayaa sheegay in ay jiraan dhowr arrimood oo is biirsaday oo midi tahay iyadoon wali xal laga gaarin is maandhaafkii shalay ka dhacay suuqaasi ee dhaliyey iska-horimaadka dad ku dhintay kuwo kalana ku dhaawacmeen, waxaana ay sidoo kale sheegeen sababaha xirnaashaha in ay ka mid tahay maanta oo ah maalin Jimce ah oo dadku ay shaqooyinka ka nastaan. Ganacsatadu waxay Daljir u sheegeen in aysan jirin wax dareen colaadeed ah oo ay haatan ka walwal qabaan, isla markaana xilli dhow shaqada suuqaasi ay si rasmi ah u bilaaban doonto. Dhanka kale waxa socda wada-hadallo gooni-gooni ah oo ay yeelanayaan maamullada ka jira magaalada, kuwaasi oo lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisaddii ka dhalatay iska-horimaadkii shalay ka dhacay suuqa weyn ee magaalada Galkacyo, wada-hadalkaasi oo ay qayb ka yihiin waxgaradka iyo culimo aw-diinka kala duwan ee gobolku. Mas’uuliyiinta maamulka Puntland ee gobolka Puntland iyo kuwa maamulka koonfurta gobolka Mudug oo ay la xiriirtay idaacadda Daljir, ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii ay u hirgalin lahaayeen waxkasta oo horseedi kara nabad iyo wada noolaansho. Galabta ayaa lagu wadaa xarunta dawladda hoose ee magaalada Galkacyo in uu ka dhaco shir ballaaran oo ay ka soo qayb gali doonaan mas’uuliyiinta maamulka Puntland ee gobolkan ku sugan iyo qaar ka mid ah bulshada rayidka ah, shirkaasi oo looga arrinsan doono nabadda iyo wada noolaanshaha dadyowga ku dhaqan magaalada Galkacyo. C/fitaax Cumar Geeddi Idaacadda Daljir. -
My Personal Review Of The Recent Skermish In Galkacyo
General Duke replied to Cowke's topic in Politics
Originally posted by Sabriye & co.: Cowke, DaanDaansi = qasaaro. Adeer you are living in cloud cuckoland, Galmudug presents no problem for us other than a as a crime issue. A clan war will only waste our energy. Galkacyu was not given to us adeer, it was taken as a right, now go off and day dream. -
Galkacyu: developing story, clean up project leads to fighting..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Galkacyo: Magaalada Gaalkacyo oo maanta degan iyo Wararkii ugu dambeeyey shirarkii dhacayay saacadihii lasoo dhaafay & Khasaarihii dagaalada...Warbixin dheer oo leh dhinacyo badan.. 30. oktober 2009 Galkacyo(AllPuntland)- Xaaladaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug oo ay shalay ka dhaceen dagaalo bilowgii hore dhexmarayay Ilaalada dawladda Hoose iyo Galmudug, balse isku badalay Ganacsatada Waqooyiga ee magaalada Galkacyo iyo Maleeshiyaad taageersan Galmudug, ayaa maanta caadi ah, waxaana laga dareemayaa daganaansho aan cago badan ku taagneyn gudaha magaalada. Ganacsatada magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland ayaa agag difaac umuuqda ka xirtay, goobaha aan ka fogeyn Agaagarka Bangiga Khudaarta ee magaalada Gaalkacyo, oo ah meelihii ay shalay oo dhan ka dhacayeen dagaaladu, hadana aan laga gaarin wax horumar ah. Dhinaca kale ee ka soo jeeda Koonfuta Magaalada ayaa ku jira difaacyadii dagaalka, waxaana aad u adag in la helo xaqiiqada rasmiga ah ee ku aadan qorshaha difaacyada ah, hadana waxaa la dareemayaa in aysan wali xaaladu daganeyn, marka loo fiiriyo hub urursiga iyo is hor-fadhiga Maleeshiyaadka dhinacyada. Ganacsatada Gaalkacyo ee iskugu jira Waqooyi & Koonfur ayaa wararku ay sheegayaan in ay usocdaan wada xaajoodyo iskood ah oo ku aadan joojinta dagaalka iyo sida ugu wanaagsan ee layskaga kaashan karo, dagaal dambe oo aan dhicin, waxaana Warar hoosaadyo ay heshay APL ay sheegayaan in ay ganacsatada labada dhinac ay hada ku jiraan qorshe in ay wada ilaalsadaan ganacsigooda. Wada hadalada Puntland dhexdooda ah. Saraakiisha dawladda Puntland ee ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa leh wada xaajoodyo ama kulamo ku aadan arrimaha ka jira magaalada Gaalkacyo oo ay ka mid yihiin dagaaladii dhacay, waxa ayna shirarkan soo bilowdeen shalay galinkii dambe, ayadoo uu ku soo biiray kulamadan taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland ee agaga Mudug iyo Cayn, oo ku maqnaa caasumada Puntland ee Garoowe. Kulan saaka ka dhacay Xarunta dawladda Hoose oo ay ka qeybgaleen Duqa Magaalada Md. C/rixmaan Xaaji Maxamuud Xasan,wasiirka Caafimadka Puntland Dr. Bashiir Cali Biixi,taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland ee agaga Mudug iyo Cayn G/sare Maxamed Muuse (Il-ka Dheere),gudoomiyaha gobalka Mudug Col. Axmed Cali Salaad iyo taliyaha ciidamada Booliska ee gobalka Mudug G/sare. Muuse Axmed C/rixmaan (Xasaasi), ayaan la garan karin waxyaabaha ka soo baxay, waxa ayna dhamaantood ka gaabsadeen in ay ka hadlaan waxa ay ku wada hadleen, waxaana la xaqiijiyey in ay xubnahooda kaliya ku jiraan wada hadaladaasi. Qaar ka mid ah dadkii ugu dhawaa ee wada hadaladan ayaa sheegay in ay dhinacyadan isla soo qaadeen, sidii wax looga qaban lahaa howshan, waxa ayna qaar ka mid ah Saraakiisha dawladda Puntland ay soo jeediyeen in howlaha la wado faraha laga qaado, isla markaasna dib loo raadiyo nabadgalyadii magaalada, taasoo la xaqiijiyey in lugu kala jaban yahay ama aysan dhinacyadan isku raacsaneyn. Khilaaf lasheegayo. Warar hoosaadyo soo baxaya ayaa sheegaya in ay jiraan waxyaabo ay isku khilaafsan yihiin Madaxda dawladda Puntland ee hada kusugan magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo ay ku jiraan sii wadida baneynta goobaha sharci darada ah ee suuqa weyn & arrimaha ku aadan soo celinta bilicda magaalada Gaalkacyo, inkastoo aysan jirin dhinacyada howlahan la xariirinayo cid ka hadashay, waxa ayna ka gaabsadeen in ay ka hadlaan. Duqa magaalada iyo gudoomiyaha gobalka Mudug oo ay la xariirtay APL waxa ay ka gaabsadeen ka hadlida arrimahan, waxa ayna sheegayaan Ilo ku dhow dhow in ay go'aan ka gaari doonaan goor dhaw xaaladaha magaalada Gaalkacyo. Duqda Degmada. Duqa dawladda Hoose Md. C/rixmaan Xaaji Xasan ayaa shalay shaaciyey aysan marnaba ogolaan doonin in, ay joojiyaan howsha ay gacmaha kula jiraan oo ah howl uu ku sheegay mid sharciga waafaqsana,isagoo sheegay in aysan cidna uga marti noqon doonin, goobihii lugu dagaalamay oo uu sheegay in ay tahay meel ay leeyihiin Shacabka Puntland. " Guryaha ay Galmudug nagu weerareen waa kuwa ay leeyihiin ganacsatada Puntland, taasna waxaan u aragnaa daan-dansi cad oo nalaku hayo, waana weerarkii labaad oo lugu soo qaado dawladda Hoose tan iyo bilowgii howshan, waxa ayna ila tahay Ujeedo fog ayaa laga leeyahay" Ayuu yiri Duqa magaalada Gaalkacyo oo ahaa masuulkii labadii weerarba lugu qaaday, isagoo ku sugan gudaha Suuqa weyn, iyadoo uu shalay ka soo gaaray dhaawac fudud. Culumada Diinta & Qeybtooda dibu-heshiisiinta. Culumada Diinta ee dhinacyada Puntland & Galmudug ayaa wada waan-waan ku aadan joojinta colaadaha ka aloosmay magaalada Gaalkacyo, waxa ayna sheegeen in ay Bulshadu wada dhasheen aana loo baahneyn in dagaal lakiciyo. Waxa ay ugu baaqeen Maamulada Puntland & Galmudug in ay wada hadlaan, ayagoo sheegay in waxyaabaha hada laysku hayo ay yihiin kuwa aan weyneyn, waxa ayna sidoo kale sheegeen in ay culumo ahaan hada doonayaan dagaalka oo lajoojiyo. Dareenka dadka Galkacyo. Siyaasiinta iyo waxgaradka magaalad Gaalkacyo ayaa ka walaacsan dagaalada ka taagan magaalada ee dhacay shalay, waxa ayna sheegayaan in aysan wanaagsaneyn dagaal, ayagoo sheegay in looga baahan yahay Madaxda dawladda Puntland ee ku sugan gobalka Mudug ee haya xilalka gobalka in ay la yimaadaan waxqabad muuqda. Dadka Shacabka ah ayaa qaba dareen xoog leh oo ku aadan in ay jiraan arrimo Siyaasadeedyo udhaxeeya shaqsiyaadka haya xilalka gobalka Mudug, ayagoo sabab taasi uga dhigaya sidii ay shalay wax udhaceen, inkastoo ay ka gaabsadeen dhinacyadan ka hadlida arrimahaasi. Khasaarihii ay dagaaladu shalay geysteen. Inta la og yahay Cusbitaalada magaalada Gaalkacyo ayaa lageeyey dhaawaca dad kabadan 60 ruux, waxaana dhimashadu ay sidoo kale ka badan sida ay xaqiijinayaan Ilaha caafimaadku ku dhowaad 20 ruux, ayadoo ay wali jiraan dad udhimanaya Dhaawacyadii soo gaaray. Cusbitaalada Galkacyo Midecal Center iyo Cusbitaalka Koonfureed ayaa la garsiiyey dhaawacyada dhinacyada, waxaana la sheegay in ay goobahaasi yaalaan dad badan oo dhaawacyo kala duwan oo qaba, ayna ku badan yihiin dadka rayidka ah oo rasaastu haleeshay. Saadaasha la bixinayo. Marka dib loo eego dagaladii ka dhacay Gaalkacyo wixii ka dambeeyey 1993-dii, waxa ay ahaayeen kuwa looga xaal-tamay, siyaabo kala gedisan waxa ayna ka yaraayeen dagaalada hada ka dhacay magaalada, waxaana dadka aadka ula socda xaaladaheeda ee ku sugan Gaalkacyo ay sheegayaan in aan la garan karin sida ugu wanaagsan ee layskugu marayo howshan, maadaama ay dhinaca Galmudug diidan yihiin in la burburiyo Sandaqada sharci daro ah oo kuyaala Waqooyiga Magaalada oo ay ku ganacsadaan, halka dhinaca kale ee Puntland ay ku jiraan ku adkeysi ah in dhamaantood ay cagta marin doonaan dhismayaasha sharci darada ah ee kuyaala deegaanada ay maamulaan. Lama garan karo sida ay noqon karto xaaladaha magaalada Gaalkacyo, waxaana Gaalkacyo wada dagan labo beelood, waxaana wada daganaanshuhu soo bilowday 1993-dii, markii ay Hogaamiyaashii waqtigaasi kala hogaaminayay Maleeshiyaadkii ku dagaalamay Magaalada Gaalkacyo ee kala ahaa Col. C/laahi Yuusuf Axmed iyo Gen. Maxamed Faarax Caydiid ay Muqdisho ku saxiixeen, heshiis ku aadan xaaladaha wada daganaansho ee magaalada, markaas oo Beesha Koonfureed ee magaalada loo ogolaaday in ay soo galaan Magaalada oo ay dagaan, hadana inta badan magaalada ayaa ah meel colaad ku furan tahay, maadaama ay tahay magaalada Xuduuda kutaala ee Puntland, ayna ku furan yihiin gacamo badan oo dhamaantoodba ay dawladda Puntland ku sheegto kuwa cadow ka soo gali karo. F. C. Maxamed AllPuntland -
Garowe: Madaxweyne Faroole oo isku diyaarinaya furitaanka Fadhiga baarlamaanka Puntland & Khudbadiisa oo dad badan sugayaan. 30. oktober 2009 Garowe(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed oo waday maalmihii lasoo dhaafay diyaar garoow ku aadan hortagida baarlamaanka Puntland, ayaa ku jira diyaar-garoowgii ugu dambeeyey, waxaana lafilayaa in uu beri subax, hadii alle Idmo hortago Mudanayaasha baarlamaanka Puntland oo uu hortooda ka aqriyo khudbad ku aadan xaaladaha qalafsan ee ka taagan Puntland. Ilo-wareedyo ku dhow Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa galabtay usheegay AllPuntland, in uu Madaxweynuhu khudbad dheer ka jeedin doono fadhiga baarlamaanka Puntland ee berito oo sabti ah dhacaya, wuxuuna ku soo qaadi doonaa xaaladaha Amaan, Horumar, Dhaqaale, Siyaasadeed iyo Burcad badeed ee Puntland, isagoo si gaar ah usoo qaadaya qodobada ay ka mid yihiin amaanka iyo Horumarka oo ah waxyaabaha aad looga doonayo in uu ka hadlo. Mudanayaasha baarlamaanka oo ay qaarkood APL kula kulantay Caasumada Puntland ayaa usheegay in ay dhowrayaan khudbadda Madaxweynaha Puntland, dhinacyada ay sida tooska ah utaabatom, ayagoo sheegay in ay jiraan xaalado xasaasi ah oo ka taagan magaalooyinka Puntland badankooda, sida Boosaaso oo ay jiraan dad careysan oo sheegaya in la dhiibay nin udhashay Ismaamulka Soomaalida, Gaalkacyo oo ay ka jiran dagaalo udhaxeeya Puntland & Galmudug iyo Sanaag Bari Puntland oo laga sheegayo xiisado dagaal oo ay soo abaabulayso Somaliland. Xaaladahan xasaasiga ah ayaa lafilayaa in ay abaarto Khudbada Madaxweynaha Puntland Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud oo ugu dambeysay in uu horyimaado Mudanayaasha baarlamaanka Bishii June, markaas oo uu doonayay in ansixin lugu sameeyo Wasiiradiisa oo tiro badnaa iyo Dastuurkii ay dibu habeynta ku samayso Xukuumadiisu. Madaxweynaha Puntland Dr. C/rixmaan ayaa mudadii uu joogay Xaafiiska Madaxweyne-nimada Puntland waxaa dhacay dhibaatooyin kala gedisan, kuwaas oo ka dhacay meelo kamid ah Puntland, Xukuumadiisana lasheegay in ay xalintoodii intii badneyd ku guuleystay, warar hoosaadyada ayaa sheegaya in uu sidoo kale khudbad jeedin doono Madaxweyne kuxigeenka Puntland. Khudbada Madaxweynaha oo ah mid ladhowrayo ayaa sidoo kale lasheegayaa in uu ku taaban doono waxyaabaha ay ka qabteen falal dhacay, mudadii ay dhisneyd Xukuumadiisu oo ay ka mid yihiin, dilkii Wasiirka Warfaafinta Maamulkiisa, talaabadii ay Itoobiya ku gashay Gaalkacyo,qab-qabashada dadka udhashay Kilalka Shanaad, dagaaladii Bari meelo kamid ah iyo Heshiiskii magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug uu kula galay dawladda faderaalka ee Soomaaliya. Baarlamaanka Puntland ayaa ka dib furitaanka fadhigadooda, waxaa ubilaaban doona dood xoog leh oo ku aadan mustaqbalka Puntland iyo arrimaha hada ka jira, ayagoo qaadan doono doodo xoog leh oo ku aadan xaaladaha Siyaasadeed, amaan iyo midnimada Puntland, waxa ayna su'aalo weydiin doonaan Wasiirada Arrimaha gudaha iyo Amniga oo ay uyeeri doonin sida ay tabaaxayaan wararka laga helayo gudoonka baarlamaanku. F. C. Maxamed AllPuntland
-
Punland parliment will sit tommorrow insha Allah.
-
ONLF need to convince their population not us
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Ok sir, what about the fake Mujahid's like you, when did you "figure" me out? -
ONLF need to convince their population not us
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Originally posted by Sherban Shabeel: I see you are still incapable of saying anything constructive and resort to pathetic attacks to discredit your opponents. You should not be ashamed of what you are, nor are you an “opponent” of mine; I don’t take you seriously for one. -
Originally posted by Sherban Shabeel: Why on Earth would they drop the name? LOL your clan hatred never ceases to amaze me. Again there goes the clueless “Romanian” gypsy commenting on things he does not know about. Adeer the O sub clan is my own kin in any terms, they are family thus you have no argument there. If we were talking about a golf club then it would not matter what name one took. We are talking about the “liberation” struggle of a new nation. There are many sub clans and clans who inhabit the land who don’t want to fight under the banner of another clan who are their equals. Thus its counter productive, and I make these suggestion as a man who has deep familial affection for his family.
-
ONLF need to convince their population not us
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Originally posted by Jafe101: The subclan name will remain intact. Only those who are in front lines sacrifying their lives have rights to talk to about the name, not a pay out collaborater. Simple as that, simple. So everyone in the state who is not of the sublcan is a collaborator? How on earth do you think you will get anywhere, you are a clear example of the mindless nonsense of the ONLF and its failure. Now take the Duke's advice, be more inclusive and liberate the land. Sharbeen Shabbele: The **** Maskin should not be speaking amongst Somali’s, again mind your manners lad. [ October 30, 2009, 11:52 PM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ] -
Originally posted by The Zack: Duke, are u trying to defend Puntland's actions of handing over those five youngsters to Xabashis? No, I only defend something real never imaginary propaganda sound bites. Also my suggestions would help the community, drop the name be more inclusive and liberate the state. The rest is just hype.
-
Galkacyu: developing story, clean up project leads to fighting..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^People died, nothing funny about it, but it changes nothing, Galkacyu has been tamed by the new admin, hence the birth bangs of a new city order. -
ONLF need to convince their population not us
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^You have not been missed lad As for the topic, I dont know why people want to convince others when the target audiance is working for the "enemy", convince the folks then we will all take you seriously. Also drop the sub-clan name. -
^^^loool. ONLF is crap adeer, if one wants to liberate a clan by all means do so. If you want to liberate a country you shall get ones support.
-
ONLF need to convince their population not us
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^What "struggle" are you talking about the crips & bloods again? -
If strong Somalia emerges, it will have unparalleled influence on the final strategy and the organizational structure of the movement if the state shows commitment in terms of resources and diplomatic support of the large struggle. It could also negotiate with Ethiopia and address the source of this long conflict and reach settlement of some sort. Intaa taa laga gaarayyo raggu hasii celceliyeen ee ha la daayyo The point is taken, however it’s up to the community & the leaders of this group to make sure they outline a clear strategy and not beholden to the past. Nuune, I am not against my people, I am against ********* as in the case of the kids in SOL calling for clan warfare and the silly propaganda. Now the name change is a simple step in the right direction. They lack a plan also let alone a strategy, aside from the silly songs and the wailing we see no strategy for an inclusive attempt at liberating or at least getting the rights they claim are missing.
-
Galkacyu: developing story, clean up project leads to fighting..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dagaalkii xooganaa ee ka dhacay Suuqa weyn ee Magaalada Gaalkacyo oo gaystay khsaarooyin iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa iminka iskiis u Istaagay. Dagaalkaan oo ka biloowday bam baanooyin lagu weeraray ciidanka Doowlada Hoose magaalada Galkacyo oo waday howl galo lagu baneynayo wadooyinka dhaxmara suuqa weyn ee magaalada Galkacyo ayaa inta la ogyahay geeystay qasaaro nafeed oo lgu sheegy dad ka badan 10- qofood iney ku dhinteen, halka ay ku dhawaacwmeen tiro intaa ka badan. Dagaalkaan oo ahaa mid si kadis ah ku qabsaday Ciidanka Dowlada Hoose, ayaa waxaa soo xoojiyay Ciidanka amniga ee Magaalada , kadib markuu dagaalku kululaaday. Duqa magaalada Galkacyo C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan oo asagu ka mid ahaa dadkii ay dhawacyadu kasoo gaareen dalkaas balse u ahaa dhawaac fudud ayaa sheegay in la soo weeraray Ciidankooda iyagoo ku guda jira howl galo wado bannayn ah, taas oo uu ku tilmaamay daan daansi iyo gardaro caddaan ah waa sida uu halka u dhigaye, wuxuuna intaa ku daray in dhaawiciisu fududyahay oo ay soo gaareen firir bam baanooyinkii lagu weeraray Ciidankii saarna aGaariga oo u isagu ku jiray , waxaan dhaawaciisa lagu daweynayaa Isbitaalka guud ee Magaalada. Xaalada guud ee Magaalada Galkacyo ayaa haatan ah mid degan ma jiraan wax dhawaqa rasaasta oo la maqalayo iminka, sidoo kalena ma jiraan wax waan waan ah oo xiisada lagu qabooyinayo oo illaa haatan socota. Daraad ayey ahayd markii hawl galo noocaan oo kale ah oo ay wadeen ciidanka ammaan ee Puntland lagana fulinayey isla suuqaasi weeraro lagu carqaladeeyey, taas oo iyada laftigeedu gaystay is rasaasayn dad ku dhintay kuwo kalana ku dhaawacmeen.