General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Gaalkacyo: Tafaasiilaad ku saabsan shir maanta dhexmaray Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo Dadweynaha magaalada Gaalkacyo...WARBIXIN DHEER.. Gaalkacyo(AllPuntland)- Kulan mudo la agaasimay ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, kaas oo uu casumaadiisa la lahaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland Dr, Cali C/laahi Warsame oo maalmihii ugu dambeeyey booqanayay gobalka Mudug. Kulanka oo ay soo xaadireen Odayaasha dhaqan, Masuuliyiinta dawladda heer gobal iyo degmo, Culumada diinta iyo Aqoonyahanada gobalka ayaa si dheer looga hadlay howlaha caafimaadka gobalka Mudug iyo sida loogu baahan yahay in wax laga qabto howlaha taagan. Wasaaradda Caafimaadka ayaa bilowgii shirkan soo bandhigtay waxqabadkeedii iyo waxyaabaha looga baahan yahay in ay dadweynuhu qabtaan, gaar ahaana waxaa lasoo bandhigay labadii bilood ee lasoo dhaafay, waxyaabihii uqabsoomay Wasaaradda Caafimaadka. Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in ay wax badan ka qabteen caafimaadka Puntland, wuxuuna tilmaamay in ay Gaalkacyo yimaadeen oo ay la kulmeen xaalado xun oo ay horayba ugu maleynayeen Cusbitaalka Gaalkacyo. Muuqaalo muujinaya xaaladaha Cusbitaalka oo ay ka muuqdaan xaalado laga xumaado ayaa lugu soo bandhigay madasha shirka, waxaana aad looga dooday meesha uu gaaray xaalada Cusbitaalka Gaalkacyo iyo cida ay utaalo wax ka qabashadiisu. Wasaaradda ayaa soo bandhigtay Sawiradaas oo muujinayay xaqiiqada jirta, waxaana dadka madasha joogay oo dhan ay garowsadeen xaaladaha muuqda oo dhan, maadaama ay horay u ogaayeen xaalada uu ku sugan yahay Isbitaalka guud ee gobalka Mudug, oo mar looga imaan jiray dalalka jaarka la ah Soomaaliya, balse hada gabay in wax lugu aamino. Ganacsatada, Isimada, Culumada Diinta iyo Aqoonyahanada oo fadhiyey gogosha ayaa mahad uceliyey Wasiirka Caafimaadka dadaalkiisa ku wajahan howlaha Cusbitaalka, waxa ayna balan qaadeen in ay dhaqaale kasta uhuriyaan sidii Caruurtooda ay ugu diyaarin lahaayeen adeegyo caafimaad oo wanaagsan iyo meeshii lugu daweyn lahaa. Dr, Cali C/laahi ayaa ku dhawaaqay magacyada shaqsiyaadka loo magacaabayo gudoonka Caafimaadka gobalka, Isbitaalka Gaalkacyo & gudiga Board-ka oo ay maanta ka soo dhex muuqdaan xubno sacab kala kulmay dadweynihii ka soo qeybgalay madasha oo ay ku jireen dad badan oo wax badan ka qaban xaaladaha Gaalkacyo. Gudiga Board-ka oo horay loogu yaqaanay in ay noqdaan kuwa maamula howlaha caafimaadka ee gobalka, markaasna amar siin jiray Iskuduwaha Wasaaradda ayaa hada la joojiyey taas, markii la ogaaday in gudiyadii hore ee qaabkaas ku shaqeeyey ay fashil ku dhamaadeen, waxaana hada laga dhigay in gudiga uu ka sareeyo oo uu go'aanka leeyahay Isku duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee gobalka. Gudiga oo xulidooda lugu bixiyey waqti dheeri ah, ayaa lugu soo daray dad badan oo wax ka yaqaana Gaalkacyo iyo xaaladaha ay mar kasta la kulanto, waxaana loo magacaabay sidan.
  2. ^^^What stability is there now in Mogadishu oustide of Al Shabaab controlled areas?
  3. I'm afraid to ask who Sharmarke Google or Wiki his name.
  4. War Deg Deg ah:Wasiirka Caafimaadka Puntland oo Maamul Caafimaad Mudug umagacaabay. 20. maj 2010 Gaalkacyo:(Allpuntland)-Wasiirka Caafimaadka Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr,Cali Cabdullaahi Warsame oo mudo todobaad kabadan kusugan magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa goordhaweyd ku dhawaaqay maamul hoosyimaada Wasaarada Caafimaad oo uu u sameeyey Caafimaadka gobolka Mudug. Dr,Cali Cabdullahi Warsame oo imika kulan kula jira Aqoonyahanada & Qeybaha kala duwan ee Bulshada gaalkacyo ayaa sheegey in Wasaaradu ay Saraakiishan Caafimaad magacawday iyada oo eegaysa Xaalada caafimaad ee gobolka mudug oo uu sheegey in ay aad u liidato,wuxuuna Wasiirku sheegey in gudigan ay yihiin kuwo Kumeel gaar ah shaqaynayana Mudo 6-bilood ah. Hadaba Saraakiishan Caafimaad ee uu Wasiirku magacaabay waxay kala yihiin sidan:- 1-Cabdinaasir Sheekh Ibraahim Iskudawaha Wasaarada Caafimaadka ee gobolka Mudug. 2-Kuxigeenka Iskudahawa Wasaarada Caafimaadka ee gobolka Mudug Axmed Faarax Maxamuud. 3-Agaasimaha guud ee Isbitaalka gobolka Mudug Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac. 4-Madaxa qeybta hooyada & dhalaanka Maryan Xuseen Cali. 5-Xog uruuriyaha guud ee Caafimaadka gobolka Mudug Cabdi Maxamuud Shire. 6-Xisaabiyaha Wasaarada Caafimaadka u qaabilsan gobolka Mudug Cabdinuur Maxamed Xasan. 7-madaxa fayadhowrka Axmed Cabdixakiim Axmed. Wasiirka ayaa imika ku guda jira shir uu la leeyahay qeybaha kala duwan ee Bulshada gaalkacyo,wuxuuna imika Wasiirku goordhow ku dhawaaqayaa Gudiga ugu sareeya ee Isbitaalka gobolka Mudug lagala tashado kana tala bixiya xaalada Isbitaalka Gaalkacyo. Goordhow lasoco Magacaabisa qeybaha kaladuwan ee Bulshada oo uu Wasiirku imika ku gudajira Allpuntland ayaana idiin soo gudbinaysa. Cabdiqani Xayir Allpuntland
  5. Xaji, you are right the Pirates might welcome Abdiqasin, however we in Puntland state are just finding it hard to fathom the sheer ignorance of the man. Does he forget his past actions and utterences? As for you, we are looking forward to Riyaale's coronation in the NW of Somalia.
  6. Originally posted by GaroweGal: Sherbaan, are you Somali? :confused: He is a Romanian Orthodox Christian who supports Shiekh Sharif and wants to marry a Somali woman.
  7. Mar la weydiiyey siduu u arko xaalka dhibaatada ka jirta Soomaaliya wuxuu sheegay inuu qabo in la qabto kulan balaaran oo ka dhaca gudaha dalka gaar ahaan goobaha nabdoon sida Puntland iyo Somaliland oo ay isugu yimaadan Soomaalida ayna heshiis ka gaaran khilaafka ka dhex aloosan. What a difference failure makes, the fact this ***** wanted to destroy Puntland and always insulted Somaliland, when he had "power". The fact that this man armed his clan and even supported the fake Jihad of the Clan Courts and now speaks of peace is a change. Is it my birthday?
  8. Cabdiqaasim Salaad Xassan oo Ka Hadlay Khilaafka Masuuliyinta Dowladda Federaalka May 20, 2010 Madaxweynihi hore ee Dowladda Carta lagu soo dhisay Mudane Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa ka hadlay khilaaf dhowaan soo kala dhexgalay masuuliyinta ugu sareysa Dowladda Federaalka,ka dib markii Madaxweyne Sheikh Shariif ku dhawaaqay inuu kala diray Xukuumadi Ra’isulwasaare Cumar C/rashiid. Wareysi uu siiyey warbaahinta VOA-da qaybta Afsoomaaliga ayaa waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay mugdiga iminka soo kala dhexgalay Madaxweyne Sheikh Shariif iyo Ra’isulwasaarihiisa Cumar C/rashiid,wuxuuna ka codsaday in ay arintaas xal ka gaaran oo ay ku dhaqmaan axdiga Kumeel gaarka ah oo ay ku dhaarteen xilliga ay la wareegaayeen xilalka ay iminka hayaan. Mudane Cabdiqaasim ayaa intaa ku daray in Dowladda Federaalka iminka looga fadhiyo waxqabad isla markaana wax ka bedesho xaalada Soomaaliya. Mar la weydiiyey siduu u arko xaalka dhibaatada ka jirta Soomaaliya wuxuu sheegay inuu qabo in la qabto kulan balaaran oo ka dhaca gudaha dalka gaar ahaan goobaha nabdoon sida Puntland iyo Somaliland oo ay isugu yimaadan Soomaalida ayna heshiis ka gaaran khilaafka ka dhex aloosan. Horseed Media
  9. ^^^They should all leave, Sharif has failed to lead and has ended up with 2KM of all of Somalia. Sharmarke should not leave just yet.
  10. ^^^Yeah, he is a "good man" who is unable to understand the very constitution that brought him to power? I am loving it.
  11. SOMALIA: President Sharif reverses decision to sack PM Sharmarke May 20, 2010 SOMALIA: President Sharif reverses decision to sack PM Sharmarke May 20, 2010 On Thursday, the president of Transitional Federal government of Somalia Sheikh Sharif Ahmed today announced that the cabinet of Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmarke will stay in place. The president changed his previews decision on 17th May 2010, when he publicly declared that he dissolved the whole cabinet and the Prime Minister Omar Sharmarke. Today, in an official letter by the President Shariff, said that after consulting with law experts on the issue of sacking the Prime Minister and the cabinet, he decided that the Prime minister and his cabinet will stay in place and function normally. On Tuesday, The Somali prime minister, Omar Abidrashid Ali Sharmarke held a press conference in Mogadishu and challenged president Sharif’s decision to dissolve the government. Still there were no answers to why the president took a such risk decision that undermines the federal charter. The Somali Federal charter states that : “The Transitional Charter states that a government will be dissolved if it loses the parliament’s vote of confidence.” Many Somalis are debating whether the President should be impeached for violating the federal charter. Others praise the president for releasing his mistake and correcting it accordingly. President Sheikh Sharif Ahmed is expected today to travel to Istanbul, where he will attend the international conference on Somalia. Horseed Media
  12. Iyadoo Qalalaase siyaasadeed uu soo wajahday Dowladda FKMG ee uu hogaamiyo Madaxwyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed ka dib markii uu is qabqabsi uu dhexmarey Gudoomiyihii Hore Baarlamaanka Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) iyo Raiisul Wasaaare Cumar Cabdirashiid taasina waxay keentey in xilka laga qaado Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke islamarkaana uu is casilo Gudoomiyhii Baarlamanka. Cumar Cabdirashiid ayaa markii ugu horeeysey wuxuu ku gacanseyrey Eryadii uu xilka kaga xayuubiyey Gudoomiyihii Baarlamaanka wuxuuna uu sheegey in uusan xilka ka qaadi karin Shiikh Aadan Madoobe hadalka uu ku dhawaaqey uu yahay mid aan sharci ahayn , Go’aankii labaad uu uu ku gacansayrey Camar Cabdirashiid wuxuu ahaa mid ka soo baxay Madaxweyne Shiikh Shariif ee ahaa in uu xilkii ka qaaday Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Dowladiisiina ay dhacdey wuxuuna afka ku balaariyey in madaxweynuhu uusan isaga xilka ka qaadi karin “Hadalka ka soo yeerey Madaxweynaha waa mid aan sharci ahayn” ayuu si kulul u yiri Cumar Cabdirashiid oo sheegey in uu yahay Raiisul Wasaare Sharci ah Qalalaasahaas siyaasadeed ee ku yimid Dowladda Federaalka ayaa waxaa soo kala dhexgaley Beesha caalamka taasina waxay keentey in Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif uu ka laabto Go’aankii uu ku eryey Cumar Cabdirashid wuxuuna ku sheegey warsaxaafadeed uu soo saarey in uu Raiisul Wasaaraha sii wadan karo howshiisa Dowladiisuna ya tahay mid shaqeyneysa. Warsaxaafadeedka oo uu faafiyey agaasimaha warfaafinta u qaabilsan Madaxtooyada DFKMG, Cabdirashiid Khaliif Xaashi ayaa tibaaxday in Sheikh Shariif ka laabtay go’aankiisii kadib markii uu la tashaday dad sharciyaaqaano ah iyo xildhibaanada Baarlamaanka DFKMG, isla markaasna la sheegay in aysan dhamastirnayn kalsooni kala laabashado ay Baarlamaanku ku sameeyeen xukuumada. “Habkii kalsooni kala noqoshada ee xukuumaddu ma ahayn mid dhammeystiran qaab ahaan iyo qodob ahaanba,” ayaa lagu xusay warsaxaafadeedka. Inkastoo aan la faahfaahin sababta uu Madaxeyne Shariif uu uga laabtay Go;aankaa haddana waxaan ka marneyn meesha cadaadis siyaasadeed oo ka yimd dhinaca Beesha caalamka hase yeeshee su’aasha meesha taala waxay tahay waxa laga yeelayo ama lagu qancin doono Shiikh Aadan Madoobe oo markii hore lagu qanciyey in la eryayo Cumar Cabdi Rashiid islamarkaana loo dhiibi doono Xil kale. Warsaxaafadeed uu hore (May 17, 2010) magaalada Nairobi ka soo saaray Walad Cabdalla oo markaas taageeray go’aankii Sheikh Shariif ku casilay ra’iisul wasaaraha ayaa xillilgaas qoraalkiisa ugu baaqay in Aadan Madoobe “Guddoomihii hore ee Barlamaanka uu ogolaado inuu ku soo biiro Golaha Wasiirrada cusub“. W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
  13. ^^^ No doubt adeer, Sharmarke proved one thing today. That is he is no Geedi, and that Sharif does not have the balls to go through with tough decisions. Bottler Sharif hotels supporters are in disarray today. That’s what matters here lad, wax fahan you bloody secessionist.
  14. Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo todobaadkii uu hore uu ku dhawaaqay in uu kala diray Xukuumadii KMG ahayd, uuna soo dhisayo Raysalwasaare cusub oo wax ka qabta xaalada, markaasna uu barbarkiisa midig kaga d 20. maj 2010 APL Muqdisho(AllPuntland)- Raysalwasaaraha KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku sii jeeda dalka Kenya, sida ay sheegayaan shaqsiyaad ka ag dhaw Aqalka Raysalwasaaraha KMG ah, wuxuuna halkaasi kula kulmayaa xubin sare oo ka tirsan dawladdaha Midowga Yurub oo ay kala hadli doonaan xaaladaha qalafsan ee dalka Soomaaliya iyo kaalinta Reer Yurub. Raysalwasaaraha KMG ah oo taageero wanaagsan ka haysta Reer Yurub, ayaa kala hadli doona sidii wax looga qaban lahaa arrimaha Burcad Badeeda, Khilaafka TFG-da iyo arrimo kale oo ay ku jiran lacagaha lasiiyo dawladda uu ka tirsan yahay. Goor sii horaysay ayaa la shaaciyey in ay haweenaydan la kulmayso Madaxda dawladda KMG ah, gaar ahaana Madaxweynaha KMG ah, balse taasi ayaa la baajiyey sida ay sheegayaan qaar kamid xoghaymaha Madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya, maadaama uu hada joogo gudaha Muqdisho, islamarkaasna uu ku dhex jiro howlaha badan oo ay leedahay dawladda KMG ah. Raysalwasaaraha ayaa hada ku sii jeeda Magaalada Nayrobi, ka dibna wuxuu aadi doonaa dalka Turkiga oo uu kaga qeybgalayo wada xaajoodyada looga hadlayo xaaladaha dalka Soomaaliya oo ay ka qeybgalayaan maamulada dalka Soomaaliya. Dawladdaha Reer Yurub ayaa taageero wanaagsan siiya Xukuumada KMG ah ee itaalka daran oo maamusha 2KM oo ka mid ah Muqdisho, waxa ayna dhawaan si toos ah uga hiiliyeen Raysalwasaaraha Soomaaliya khilaafkii magaalada Muqdisho. F. C. Maxamed AllPuntland
  15. ^^^Say what you want lad, but this is a major defeat and the beginning of the end for Sharif Ahmed. Sharmarke stood his ground and made the Sharif make a U turn, that obviously was hard for him to do. Remarkable.
  16. Have we all underestimated the son of Abdirashid, grandson of Ali Sharmarke ?
  17. Muqdisho: Shariif oo ka laabtay go'aankiisii iyo Taageerayaashiisa oo caro muujiyey....WARBIXIN.... Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo todobaadkii uu hore uu ku dhawaaqay in uu kala diray Xukuumadii KMG ahayd, uuna soo dhisayo Raysalwasaare cusub oo wax ka qabta xaalada, markaasna uu barbarkiisa midig kaga dhawaaqay Aaden Madoobe oo ahaa gudoomiyihii baarlamaanku in uu iscasilay, ayaa hada maanta oo Khamiis ah ka laabtay go'aankii uu ku kala diray Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya, iyadoo lugu sheegay go'aankaas in uu ahaa mid ka soo horjeeda dastuurka ay ku shaqayso dawladda KMG ah. APL ayaa xog dheeraad ka raadisay waxyaabaha keenay in horay loo gaaro go'aan la og yahay in laga laaban doono ama uu sharci daro, waxaana xog baaris dheer ka dib lahelay in ay dawladdo badan lug ku lahaayeen arrimahaasi. Madaxweynaha KMG ah ayaa lugu sheegay in uu xalay dhageystay doodo uga yimid Raysalwasaaraha iyo shaqsiyaad wax ka yaqaana Dastuurka dawladda KMG ah, maadaama ay muuqatay in uu qaldan yahay, oo aysan waxba ka jirin qaraarkii uu ka cayriyey Raysalwasaaraha iyo Xukuumadiisa. Diblumaasiin uu ka mid yahay danjiraha Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya iyo waaxda Arrimaha Africa uqaabilsan dawladdaha Reer galbeedka ayaa qaarkood usoo gudbiyey Madaxweynaha KMG ah in uusan sharci ku socon, isla markaasna uu waayi doono kalsoonida dawladdahas oo caawiya dawladda uu madaxda ka yahay. Qof aad ugu dhaw Madaxweynaha oo diiday sheegida magaciisa ayaa xaqiijiyey in Shariif warqad looga soo diray Wasaaradda Arrimaa dibada ee dalka Mareykanka iyo dawladdo kale oo ay uga hadlayaan sida loogu baahan yahay in uu ka laabto go'aankiisii, markaasna sharcnimadeeda loo daayo Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya. Taageerayaasha Madaxweynaha KMG ah ayaa maanta aad uga carooday go'aankiisa uu ku burinayay hadalkii uu sheegay Talaadadii todobaadkan, oo uu ku sheegay in aysan sharci aheyn Xukuumada Soomaaliya, waxa ayna sheegeen in looga baahnaa in uu ku adkesto talaabadiisaas. Laakiin taasi waxaa diidan taageerayaasha Raysalwasaaraha oo isku arkaya in ay guul wanaagsan gaareen, waxa ayna sheegeen in uu hogaamiyahooda Cumar leeyahay taageero dibadeed iyo Siyaasad wanaagsan, waa sida ay rumeysan yihiin shaqsiyaadka taageersan Cumare. Labada qaraar ee iska soo horjeeda uu qaatay Madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaan shaki ku jirin uu muujiyey sida uu Shariif wax badan oo sharci daro ah, ugu dhaqaaqay, maadama maanta lugu qoray bayaanka ka soo baxay Xaafiiskiisa lugu sheegay in uu Madaxweynuhu ku qaldamay Dastuurka dawladda KMG ah. F. C. Maxamed AllPuntland
  18. Originally posted by Xaji_Xunjuf: Riyaale dislikes Koonfurians , lool Is that what he told you? Poor Mugged one!
  19. Originally posted by Sayid*Somal: you are not wise and your understanding of issues involve around cay iyo qabiil. They say don’t come to a gun battle armed with a fork. Now go and surrender to a secessionist.
  20. Originally posted by Sayid*Somal: have you ever heard of the expressions "buffoons have the same habit"? Indeed, but stop describing yourself dear lad. A better quote for you is "“When trouble comes, wise men take to their work; weak men take to the woods” ... Weak men should not discuss important issues with those who understand.
  21. ^^That was meant for Mr. Somalia, a true Puntland insider, it was expected that secessionist and their lackeys would respond as you did.
  22. Originally posted by Mr. Somalia: Maasha-Allah. May peace and prosperity forever linger in Gaalkacyo. Duke, the Mayor, the Governor and other city leaders have done well. Wish them many more success. Indeed they have done well, specially the mayor. The Health Minister also in the last few days has made a remarkable move in sacking the staff of the main Hospital.. Galkacyu is doing well Alhamdulilah.
  23. Garoowe:"Waxaanu qabanay ninki ugu caansanaa Burcad Badeeda& Hub badan"Gudoomiyaha Gobolka Nugaal. 19. maj 2010 APL Garoowe:(Allpuntland)-Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa ka hadasha 24-saac kadib markii ay soo qabqabteen Saraakil sarsare oo kamid ah Burcadbadeeda sida xowliga ah looga yaqaan Deegaanada Puntland gaar ahaan gobolka Nugaal ee Puntland waxay ku dhawaaqday jiritaanka warka sheegaya inay gacanta kusoo dhigtay Saraakiishan ka tirsan Burcad badeeda oo lagu soo qabtay howlgalo ka dhacay gudaha & Banaanka magaalada Garoowe ee caasimada dawlada Puntland ee Soomaaliyeed. Gudoomiyaha gobolka Nugaal ee dawlada Puntland Cabdi Faarax Xirsi (Qarjab) oo goordhawey Warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in ciidamada Dawlada Puntland ay soo qabqabteen ugu yaraan sadex gaari oo ah nooca Raaxada ah,Hub,Isgaarsiin casri ah & Saraakiil si wanaagsan loogu dhexyaqaano Burcadbadeeda Puntland,wuxuuna sheegey in dhamaan Waxyaabahan lagu soo qabtay Labo weerar oo kakala dhacay gudaha & Banaanka caasiamda Puntland. "Waxaanu soo qabanay Sadex gaari oo ah nooca raaxada,waxaanu qabanay Labo Bistooladood,lacag kabadan $26000,Taleefoono Casri ah oo faro badan & Rag si weyn loogu dhexyaqaano Burcad Badeeda oo uu kamid yahay nin layiraahdo Booyaax oo aad caan ugu ah Burcada isla markaasna dhowr jeer noo sheegey inuu Burcada ka baxay,balse ku laabtay hada,waxaanuna kusoo qabanay Howlgalo aanu ka fulinay qaarkamid ah Hotelada magaalada & meelo naloosheegey inay degenyihiin oo anan magaalada ka fogayn"Ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Nugaal. Mr,Qarjab wuxuu sidoo kale sheegey in Howlgalkani hormuud ka yahay howlgalo dhawaan bilowday islamarkaasna sii socon doono oo lagu ugaarsanayo cidkasta oo Amaanka & Xasiloonida wax u dhimaysa,wuxuuna sheegey inuu si gaar ah u quseeyo Burcadbadeeda & Kooxaha qaraxyada Iyo dilalka ka geysta magaalooyinka Puntland. "Kani wuxuu kamid yahay Howlgalo aanu wadno oo aanu kula dagaalayno cidkasta oo Amaanka wax u dhimaysa gaar ahaan Burcad badeeda oo mushaakil aduunkoodhan ku noqday & Kooxaha qaraxyada geysta oo Argagixiso aduunkoodhan looga bartay,waxaa sidoo kale aanu dhawaan howlgal kusoo qabanay nin dilal ka geystay Gaalkacyo & Burtinle,marka waanu sii wadi doonaa maadaama Caasimadii Puntland ay Nugaal katirsan tahay"Ayuu yiri Cabdi Faarax Xirsi (Qarjab). Howlgalkan laga wado gudaha & Hareeraha caasimada Puntland ee Garoowe ayaa kamid noqonaya barnaamijyo diyaarsan oo ay Dawlada Puntland kula dagaalamayso Burcad badeeda oo inta badan lagu xanto inay si hoose ugu nool yihiin Gobolada Puntland. Cabdiqani Xayir Allpuntland
  24. Boosaaso:Gudiga Sugista Amniga ee Boosaaso & Dadweynaha Boosaaso oo kulmay. 19. maj 2010 APL Boosaaso:(Allpuntland)-Qaarkamid ah Xubnihii dhawaan loomagacaabay Amaanka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa maanta kulan weyne Amaanka & Xasiloonida looga hadlayo waxay la qaateen Qeybaha kaladuwan ee Bulshada oo ay kamid yihiin Odayaasha dhaqanka,Haweenka,Dhalinyarada & qaarkamid ah Mas'uuliyiinta Xaafadaha kala duwan ee degmada Boosaaso ay ka kooban tahay,waxayna kala haldeen sidii looga wadashaqeyn lahaa Amaanka Puntland gaar ahaan kan Magaalada Boosaaso. Gudoomiyaha Gobolka bari ee Dawlada Puntland Sheekh Cabdixaafid Cali Yuusuf oo halkaas hadal dheer kasoo jeediyey ayaa guud ahaanba dadkii kasoo qeybgalay wuxuu ugu baaqay inay amanka dalka ka shaqeeyaan wuxuuna u sheegey in Amaanku uu muhiim u yahay Bulsho kasta oo meel degen si ay Nabad & Xasilooni ugu waaraan,waxaana uu dadkii kulanka kasoo qeybgalay ugu baaqay inay isgarab taagaan Xukuumadooda si ay Nabadooda u hantaan isla markaasna si Xasilooni & Amaan ku jiro ay u ganacsadaan. Gudoomiyaha Degmada Boosaaso ee Gobolka Bari Maxamuud Faarax Beeldaaje ayaa isna halkaas hadal kasoo jeediyey,wuxuuna dadkii kulanka isugu yimid ugu baaqay inay Ciidamada Amaanka & maamulka degmada si toos ah ula shaqeeyaan si ay u nabad galaan,waxaana uu shacabka ugu baaqay inay soo qabtaan ama ciidanka usoo gudbiyaan cidkasta oo amaanka wax u dhimaysa,taasina tahay mida kaliya ee lagu badbaadi karo isla markaasna lagu ganacsan karo,waxaana uu gudoomiyuhu sheegey inaysan macquul ahayn ayadoo aanan Amaanka laga shaqeyn in si wanaagsan loo ganacsado. Qaarkamid ah Waxgaradka & Aqoonyahanada gobolka bari ayaa iyana kulankaas ka qeybgalay hadalo kaladuwana kasoo jeediyey,waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay Dawladooda la shaqeeyaan oo ay iska garabtaagaan barnaamijyada ay Xukuumadu wado ee Amaanka lagu sugayo,waxaana ay Fariin u direen guud ahaan Shucuubta gobolka bari oo ay ka codsadeen inay Dawlada la shaqeeyaan kalana shaqeeyaan sugista Amaanka & Xasiloonida Dalka. Kulankan Amaanka looga hadlayo oo ay Dawlada Puntland soo qabanqaabisay ayaa ujeedadiisu ahayd in Shacabka & Maamulku iska kaashadaan sidii Amaanka loo sugi lahaa,waxaana kulankan si gaar ah usoo qaban qaabiyey gudi dhawaan uu madaxweynaha Puntland u magacaabay inay Amanka guud ee Boosaaso ka shaqeeyaan kadib markii ay soo noqnoqdeen falalka Amaanka wax loogu dhimayo ee Boosaaso ka dhacayey Sanadihii u danbeeyey. Cabdiqani Xayir Allpuntland