
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
He was only putting into effect that ol famous, sleepy a dope trick. Now suprise.
-
Wasiirada maanta lagu arkay madasha Golaha wasiirada ayaa waxaa ka mid ahaa, Wasiirka Arrimaha Gudaha C/qaadir Cali Cumar, Wasiirka Warfaafinta Dahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga C/raxmaan C/shakuur iyo Wasiiro kale oo aad ugu dhow dhow Madaxweynaha.
-
Madaxweyne Shariif oo waayay qaar ka tirsan Wasiiradiisii gacanta midig (Warbixin+Sawiro) Iyadoo maanta Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke uu si cad uga horyimid tallaabadii Madaxweyne Shariif ku kala diray Xukuumada ayaa waxaa Ra'iisul Wasaaraha uu cayaaray siyaasad furan, kadib markii inta badan Wasiiradii gacanta midig u ahaa Madaxweynaha ay ku mowqif noqdeen Ra'iisul wasaare Sharmaarke. Ra'iisul Wasaare Sharmaarka oo xalay ka biya diiday soo jeedinta Madaxweyne Shariif ee ahaa inuu kala diray Xukuumada ayaa maanta markii uu isagu yeeray wasiiradiisa waxaa uu ka helay kalsooni ballaaran, taasoo keentay inuu laalo go'aanka Madaxweynaha. Kulanka Golaha Wasiirada ee uu shir gudoomiyaha Dr. Cumar C/rashiid ayaa waxaa ka dhex muuqday Wasiiro aad loogu xagliyo Madaxweyne Shariif, oo ahaa kuwo ay isla soo shaqeeyeen in badan intii uu siyaasada ku jiray Shariif. Wasiirada maanta lagu arkay madasha Golaha wasiirada ayaa waxaa ka mid ahaa, Wasiirka Arrimaha Gudaha C/qaadir Cali Cumar, Wasiirka Warfaafinta Dahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga C/raxmaan C/shakuur iyo Wasiiro kale oo aad ugu dhow dhow Madaxweynaha. Kulanka Golaha Wasiirada ayaa waxaa ka baaqsaday Shariif Xasan Sheekh Aadan Wasiirka Maaliyada oo ah saaxibka koowaad ee Madaxweyne Shariif, waxaana si dhab ah loo ogeyn sababaha uu uga baaqsaday, inkastoo la rumeysan yahay in Shariif Xasan uu ahaa shaqsigii shiday dabka haatan ololaya. Sidoo kale xubinta kale ee ka baaqsaday Golaha Wasiirada ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiiru Dowlihii gaashaandhiga Sheekh Yuusuf Indha Cadde oo shalay si kulul u weeraray Ra'iisul wasaare Sharmaarke, markii uu ka war helay in Madaxweynaha uu kala diray. Arrinta kale ee la yaabka laheyd ayaa aheyd saaxibadii hoose ee Madaxweynaha sida Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloonshe iyo Wasiirka Lacagta Eng. C/raxmaan Yariisow oo ahaa kuwo iyana ka dhex muuqday Golaha wasiirada Dagaalka hada ka dhex bilowday Madaxweyne Shariif iyo Ra'iisul Wasaare Sharmaarke ayaa waxaa uu noqonayaa mid labada dhinac ku muujiyaan awoodooda Wasiirada, oo markii hore la rumeysnaa in ay badankood ku yimaadeen rabitaanka Madaxweynaha. Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa sheegay in hadii la doorto Gudoon Baarlamaan uu Baarlamaanka weydiisan doono kalsooni, taasoo ah mida u gogol xaari karta in xukuumadiisa ay sii jirto. Hadaba xiisada cirka isku shareertay ee u dhaxeysa Dowladda KMG oo ay curyaamisay hanaankii Dowladda ayaa la ogeyn halka ay ku biya shuban doonto, waxaana labada mas'uul midba midka kale uu heystaa taageerada Beesha caalamka iyo taageerada Baarlamaanka. Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.com Jowharcom@gmail.com
-
Prof. Dhalxa "Aniga ayaa ah Ku simaha sharciga ee Gudoomiyaha Baarlamaanka, shaqadeyda wan sii wadanaa Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dhalxa ayaa shaaca ka qaaday inuu isagu yahay Ku simaha sharciga ee Gudoomiyaha Baarlamaanka, kadib markii ay is casileen Gudoomiyihii iyo Kuxigeenkii 2aad. Prof. Dhalxa ayaa sheegay inuu sii heynayo shaqadiisa, maadaama aysan jirin cid isaga casishay, waxaana uu cadeeyay in Gudoomiyihii iyo kuxigeenkii labaad ay is wada casilee. Isagoo ku sugan magaalada Nairobi ayaa waxaa uu sheegay Prof. Dhalxa inuu sii wadayo howsha Gudoonka Baarlamaanka, waxaana uu ku booriyay xildhibaanada Baarlamaanka in ay joojiyaan buuqa iyo fowdada. "Aniga wali howsheydii ayaan sii wadanayaa, waxaan ahay Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ee sharciga ah"ayuu yiri Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo sheegay in Madaxweyne Shariif hadii sharci ahaan loo eego uu ku qaldanaa kala diristii Xukuumada, maadaama aan Baarlamaanka loo soo marin. Inkastoo aan la ogeyn sida Xubnaha Baarlamaanka ka yeelayaan ku adkeysashada Prof. Dhalxa ee xilkiisa, ayaa hadana waxay maanta Xildhibaanadu doorteen Gudoomiye KMG ah oo sii wada howsha Baarlamaanka tan iyo inta Gudoon laga dooranayo. Khilaafka ka bilowday Gudoonka Baarlamaanka ayaa ah mid ka sii weecinaya halkii lagu uu ku wajahnaa, iyadoo Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha haatan u muuqdaan kuwo uu si guud u saameeyay khilaafkaas, kadib markii uu maanta Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid uu diiday in xukuumadiisa la kala diray. Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.com Jowharcom@gmail.com
-
Muqdisho:"Wasiiradu ma dhicin waxayna sii laba jibaarayaan Shaqadii ay Qaranka u hayeen"Ra'iisul wasaare Sharmaake oo jeediyey hadaladiisii ukululaa. 18. maj 2010 Muqdisho:(Allpuntland)-Ra'iisul Wasaaraha lagu muransanyahay xilkiisa Ra'iisul wasaarenimo Dr,Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa maanta isugu yeeray wasiiradii xukuumadiisa wuxuuna kala hadlay Sharci ahaanshaha hadalkii Shalay uu Madaxweynuhu warbaahinta ka sheegey oo uu kukala diray golaha xukuumadiisii,Kulankan oo saacado badan socday kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Ra'iisul Wasaare Dr,Cumar Cabdirashiid Cali wuxuuna sheegey in uusan waxba kajirin hadalkan uu madaxweynuhu shala jeediyey. "Een Maanta waxaan yacni isugu wacay Wasiiradii Dawlada Dhamaantoodna shirka waa ay yimaadeen,waxaanu kawada hadlay jiritaanka warkii madaxweynaha kaso yeeray,Madaxweynaha anoo aad u xurmaynaya waan ka soo horjeesaday codsigii uu isoo jeediyey ee ahaa in aan xilka Ra'iisul Wasaarenimo iska casilo isla markaasna laka diro xukuumada"Ayuu yiri Dr,Cumar. Cumar Cabdirashiid wuxuu sheegey in aysan dastuur ahayn kala dirista uu madaxweynuhu ku dhawaaqay,wuxuuna sheegey in uu xalay kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya islamarkaasna la'isku afgaran waayey kulankaas oo saacado badan socday,waxaana uu meesha ka saaray inuu marna ka tanaasulo xikiiisa isagoo taas ku macneeyey inuu qaranka u shaqaynayo isla markaasna sii wadi doono shaqadiisa Ra'isul Wasaare nimo. "Waxaan ku celcelinayaa in go'aankii shalay ee Madaxweynuhu uusan sharciga waafaqsanayn,xalay madaxweynaha waanu is aragnay saacado badan ayaanuna wada joognay,waxaana u sheegey in uu hadalkiisuna khaldanaa anna aan ahay Ra'iisul Wasaare Sharci ah,marka hada Wasiirada waxaan u sheegey inay sharci yihiin isla markaasna sii wadaan shaqada ay qaranka u hayaan ayna xataa sii laba jibaaraan iska daa inay shaqada ka tagaan ama ay xilka ay umada u hayaan dayacaaan"Ayuu yiri Ra'iisul Wasaarihii shalay lagu dhawaaqay in xilkiisii laga eryey. Dr,Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo markii uu warbaahinta la hadlayey ay dhinacyadiisa fadhiyeen Wasiiro badan oo ka tirsan Xukuumadiisa waxa uu ku hadlay hadaladii ugu kululaa oo uu warbaahinta ka sheego tan & intii uu Siyaasada Soomaaliya kusoo biiray mudo Sanad & Bilo lagu joogo,wuxuuna sheegey in uu haysto kalsooni badan oo uu ka haysto xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya isla markaasna uu ku tagi karo markii uu codkooda waayo ama ay kalsoonida kala laabtaan intabadan Baarlamaanka Soomaaliya. Cabdiqani Xayir Allpuntland
-
^^^My sister, many innocent Muslims lost their lives also in 9/11.
-
^^^He maybe fat, but he got swagger. loooooool
-
Gen. Ilka Jiir Sets The Direction For Makhiri Political Destiny (Pics)
General Duke replied to Xudeedi's topic in Politics
I am a big fan of the General, and I wish him all the best. -
President Faroole and Reps from Laasqoray Tuna Factory Fly to Turkey
General Duke replied to Xudeedi's topic in Politics
Good news, the Turky trip is important. -
NNC, thanks for he topic and don’t mind these confused Nomads. SYL are the true reflection of the Somali past and the future. Insha Allah their struggle will be redeemed.
-
Kulan deg deg ah oo maanta isgu yimaadeen xarunta madaxtooyada golaha wasiirada DFKMGS oo u shir goodominayay R/wasaarihi Dowladda Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali ayaa looga hadlaayay go’aankii uu shalay ku dhawaaqay Madaxweyne Sheikh Shariif ee ahayd in uu kala direy Xukuumadii Federaalka. Shirakaas deg deg ah markii u shamaaday ayaa R/wasaare Cumar C/rashiid waxaa uu qabtay Shir Jiraa’iid,wuxuuna sheegay inuu yahay weli R/wasaaraha Soomaaliya isla markaana ku tilmaamay go’aanka Madaxweyne mid khaladan oo sharci darro ah. R/wasaarahu wuxuu sheegay in dhamaan Wasiiradu ay sii wadan doonaan howlahooda shaqo ee ay u hayaan umada Soomaaliyeed waa siduu hadalka u dhigaye. Sidoo kale wuxuu Shirkiisa Jiraa’id ku sheegay in uu kulan la qaatay Madaxweyne Sheikh Shariif isla markaana xusay inuu u sheegay in uusan wax istiqaalo ah gudbinaynin. nta badan golohii Wasiirada Dowladda Federaalka ayaa maanta waxaa ay kasoo qaybgaleen shirkaan deg deg ah,waxaana go'aanka R/wasaaraha si buuxada ugu raacsan dhamaan wasiiradii maanta kasoo qeyb galay shirkaasi,waxaana wajiyadooda laga dheehen karay sida aysan ugu faraxsaneyn go'ankii shalay u ku dhawaaqay Madaxweynaha.
-
Somalia: President Sharif has failed the test miserably Yesterday Somalia’s flawed federal parliament issued opposing decisions. The former speaker of the Transitional Federal Parliament Sheikh Adan Madobe said the Transitional Federal Government had lost vote of confidence and called for the president to appoint a new prime minster. The former TFG Prime Minister, Omar Abdirashid Ali Sharmake, challenged the parliamentary speaker’s decision. Today the president held meetings with the Sheikh Adan Madobe and the Omar Abdirashid Ali Sharmake. The meetings culminated in the resignation of Sheikh Adan Madobe, and the president’s decision to appoint a new prime minister “ who is capable of the work”, accord to the Radio Muqdisho. In the past the TFG saw power struggles but they never caused the dismissal the parliamentary speaker and the prime minister simultaneously. In 2007, former TFG president Abdullahi Yusuaf Ahmed clashed with his prime minister, Ali Mohamed Geddi, over fiscal policies. Their differences came to an end after Ali Mohamed Geddi resigned. Again the fomer TFG president disagreed with his prime minister, Nur Hassan Hussein, over the reconciliation efforts aimed at co-opting the Asmara-based Somali opposition. The international community intervened and persuaded Abudllahi Yusuf to resign in December 2008. President Sharif has not learned from the past power struggles How handled the Aden Madobe-Omar Abdirashid duel shows he had followed in the footsteps of Mr, Abdullahi Hayow, who, in 1991, was appointed to adjudicate the political dispute between the late United Somali Congress Chairman, General Aideed and Ali Mahdi Mohamed, former interim president. Mr Hayow’s verdict was: Ali Mahdi is right so is Aideed. President Sharif mishandled the situation by assuming that both men are wrong. And that is far from the truth. One of them is right. It was easy to decide who was wrong. The two men belonged to two different parts of the failed federal institutions. Reconciling their differences could have been the better option compared to the one president Sharif opted for today. He failed the test miserably. More than thirty Somalis were killed in Baraka market after the market and surrounding areas were heavily shelled as the messy power struggle was going on in Mogadishu. Liban Ahmad libahm@gmail.com
-
Puntland Forces taking on murderous criminals haven in Sanaag
General Duke replied to Thankful's topic in Politics
Garoweonlinr seem to be picking to many fights lately. We shall wait and see. -
Somalia: President Farole – the Pride of Puntland [Editorial]
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Thanks brother, anyword if Minister Ilka-Jiir will be visiting the states in the coming weeks? -
Egypt to unveil DNA of worlds most famouns ancient King, Tuntankhamun
General Duke replied to Hales's topic in General
Karl_Polanyi, keep it up.. Tell us how the Somali's reacched what is present day Kenya? -
Germany Foreign Ministry Envoy Meet Puntland Health Minister. (PICS))
General Duke replied to Cowke's topic in Politics
Originally posted by Hales: Faroole looks like a Somali version of Kim Jong il in this picture. lol. LOOL. That was funny, he has his own pic at the back. -
Gaalkacyo:Wafdi Talyaani ah oo Gaalkacyo kusoo gabagabeeyey Booqasho...(Faafaahin Booqashada Wafdigan), 14. maj 2010 Gaalkacyo:(Allpuntland)-Waxaa maalmihii lasoodhaafay Magaalooyinka Puntland kusugnaa Wafdi kasocda Dawlada Talyaaniga,isla markaasna ahaa Gudi heer caalami ah oo ka shaqeeya Samaynta Madxafyo aanan xuduud lahayn & Taageerista Bulshada,waxayna Wafdigani tageen Magaalooyinka Gaalkacyo & Garoowe halkaas oo ay kula kulmeen madax kasocota Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed. Wafdigan oo uu horkacayey Gudoomiyaha Ururka Perigeo International Dr,Gianluca ayaa waxaa kamid aha Madaxa Xiriirka Caalamiga ah ee ururka Madxafyada aan xuduuda lahayn & Saraakiil sar sare oo ururka ka tirsan,waxayna Wafdigu kulamo laqaateen madaxweyne Xigeenka Dawlada Puntland Jen,Cabdisamed Cali Shire,Wasiirka Caafimaadka,Wasiir xigeenka Qorsheyta & Iskaashiga caalamiga ah & Saraakiil sar sare oo katirsan Dawlada Puntland. Wafdiga ayaa kulan khaas ah la qaatay Madax katirsan Wasaarada Warfaafinta isgaarsiinta,Hidaha & dhaqanka ee Dawlada Puntland,waxayna lakulmeen wasiir xigeenka Wasaarada Warfaafinta,agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta & Agaasimaha Akadeemiyada Hidaha & Dhaqanka ee Dawlada Puntland,waxayna Khadka Taleefoonka kuwada hadleen Wasiirka Warfaafinta,Isgaarsiinta,Hidaha & Dhaqanka ee Dawlada Puntland Mudane,Cabdixakiin Axmed Guuleed oo ay kala hadleen Madxafyo ay Puntland yeelato & sidii uu ururkani u kaalmeynlahaa Wasaarada gaar ahaan Waaxda Hidaha & Dhaqanka. Saraakiishan kasocota Ururada Talyaanigu waxay maalin kahor soogaareen Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,waxayna kulamo laqaateen Gudoomiyaha gobolka mudug,duqa magaalada Gaalkacyo,qaarkatirsan xubnaha golaha deegaanka ee Degmada Gaalkacyo,takaatiir & madax katirsan Jaamaca PSU ee Puntland. Prof,Maxamed Jaamac Salaad oo ah Hurmuudka jaamacada PSU isla markaasna wafdigan daadihinayey ayaa sheegey in ay Jaamacada PSU xafiis kasiisay ururka Magaalada Gaalkacyo,isla markaasna ay Jaamacadu qeyb kamid ah Xafiisyadeeda ugu deeqday Ururka Perigeo,wuxuuna Prof,Maxamed Jaamac Salaad intaas ku daray in ururkani uu qeyb weyn ka qaadan doono Hor'umarka Magaalada gaalkacyo & guud ahaanba Puntland. Saraakiishan talyaaniga ah ayaa si gaar ah u arkay duqa Magaalada Gaalkayo & Madaxda Isbitaalka guud ee Magaalada Gaalkacyo,waxayna wafdigani taageereen Hor'umarka weyn ee ay dhanka amaanka & Hor'umarka kaleba ka gaartay Gaalkacyo & guud ahaanba Puntland,waxayna sheegeen in ay doonayaan in lasiiyo Dhulkii laga dhisilahaa Madxafka Hidaha & Dhaqanka Soomaaliyeed,waxaana ay is afgarad ka gaareen Kulamadi ay qaateen,saaka Aroortii ayeyna Wafdigani soo gabagabeeyeen Booqashadii & howshii shaqo oo ay Puntland ku joogeen waxayna ka duuleen garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo iyagoo kusii jeeda Magaalada nairobi ee Dalka Kenya. Cabdiqani Xayir Allpuntland
-
Somalia: President Farole – the Pride of Puntland [Editorial]
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ministers Hashi, and Warsame, are examples of Faroole's success in taping into Puntland's talent