General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Sh Umal iyo Sh Shibile oo Qaatay ama Ogolaaday Dastuuradii ay ku sheegi jireen Kufriga iyo ilxaadka! Heshiiska ay Culumadan qaateen cidna kama qarsoona iyo meesha ay maanta wax marayaan oo Jabhadoodu waxey ku qanacday arrimahan. 1- Waa ay ka tanaasuleen Madax banaani ama in dhulkan ********ya ay u soo celiyaaan Soomaaliyadii uu ka maqnaa, sidaasna waxey ku qireen in dhulkaas ********ya uu sharciyan u raacsanyahay Itoobiya........ Xasuusnow in labadan sheekh marka ay ka hadlayaan arrimaha koonfurta soomaaliya ku baaqaan in Gaalada la iska celiyo oo aan mabda'ooda la qaadan ama loo tanaasulin, oo Sh Shibile mar aan fogeyn ayuu sheegay in dagaalka lagula jiro Amisom uu yahay dagaal xaq ah---- bal car arka asaga oo ku baaqaya in Soomaali Galbeed laga xoreeyo Kufriga. 2- Jabhadu waxey si toosa oo aan qarsooneyn u qaadatay Dastuurka iyo kamid noqoshada Dowlada Federaalka ah ee fadhigeedu yahay Addis Ababa, oo waxey ogolaaatay ka qeyb galka hanaanka siyaasada ee ku dhisan Dimoqraadiyada....xakamka ugu sareeya ee Itoobiya waa Dastuurkaaas ay dajisteen, wixii xuquuq ah oo ay jabhadu hesho waa wax ay ku heshay dastuurkaas iyo sharcigaas yaala Itoobiya--- meeshana waa ay ka baxday Diin loo dagaalamo iyo sharci islaam oo lagu dhaqmo. 3- Waxey qaateen in xabad aysan xal ku jirin oo ay nabad wax ku raadiyaan, nabadna kula dhaqmaan Dowlada Itoobiya, xuquuqdoodana ay ku soo dhacsadaan jidka nabada ayagoo sii maraya dimoqraadiyada iyo ciyaarta siyaasadeed ee Dastuurka Itoobiya ogolyahay.... Qaamuuska Jabhada waa laga tirtiray Magaca Jihaad ama Dagaal, waana tan sahashay in Meles Zanawi uu maanta madaxa ku sito jabhadaas.
  2. Xiliga La joogo waxaa heshiis ah oo uusan Dagaal ka dhaxeyn labadan Sheekh iyo Itoobiya-Meles Zanawi. Sida aan ognahay waxaa mar aan fogeyn heshiiyay oo walaaloobay Dowlada Itoobiya iyo Ururka Al-Itixaad garabkiisa ka dagaalami jirtay Soomaali Galbeed. Garabkan ayaa waayihii dambe ku holwgali jiray Magac lagu qaldayo ummada oo ah UWSLF- Jabhada Xoreynta Soomaali Galbeed. UWSLF ama Jabhada Xoreynta Soomaali Galbeed wixii ay rabaanba hala baxeenee ee Waa Jabhad Itixaad ah oo ay dhidibada u aaseen rag ay ugu horeeyaan Sh Umal iyo Sh Shibile, haatana labadan sheekh ayaa majaraha u haya waxeyna usha u dhiibteen oo Madaxtinimada Jabhadaas ugu magacaaban Sh Ibraahim Maxamed oo loo yaqaan Sh Ibraahim Dheere. Sh Ibraahim Dheere kuma dhaqaaqi karo tallaabo aysan raali ka aheyn Sh Umal iyo Sh Shibile iyo Culumada kale ee Ictisaamka ah. Jabhadan ayaa ku sii gaar ah Ictisaamka u dhashay Beel weyntaas macruufka ah ee degta dhulka baaxada weyn gaar ahaan Soomaali Galbeed iyo Dhulka ay Kenya ka heysato Soomaaliya. Jabhadu waa jabhadaas ay leeyihiin Sh Umal iyo Sh Shibile waa jabhada 20 sano ku dhowaad dhiig soo daadineysay, dagaalka ay mudadaas wadana lagu sheegay in uu jihaad ahaa oo cidii aan taageerina loo arkayay cid diidan jihaadkii. Jabhadu waxey qoorta ka jartay boqolaal muslimiin ah oo kamid ahaa soomaalidii la shaqeyn jirtay ama la socotay ama ciidamada u ahaa Dowlada Itoobiya.
  3. Sh Umal iyo Sh Shibile oo Ogolaaday Dastuurka Kufriga ah ee Dowlada Itoobiya. Heshiisna La Saxiixday Itoobiyaankii ay wax ku Gaalaysiin jireen. (Warbixin Dheer) Sh Maxamed Cabdi Umal iyo Sh Shibile ayaa ah laba sheekh oo kamid ah Culumada Al-Itixaadka ee haatan loo yaqaano Culumada Ictisaamka. Labadan Sheekh ayaa ku nool dhul Gaalo waa Dalka Kenya islamar-ahaantaana heysta jinsiyada dalkaas ama Baasaboorka Kenyaatiga. Labadan Sheekh waligood waxba kama sheegin mana aysan La Dagaalamin Dastuurka Kufriga ah ee u dagsan Kenya. Sidoo kale ma aysan Gaalaysiin Soomaalida Kenyaatiga ah ee xubnaha ka ah Baarlamaanka Kenya iyo kuwa jagooyinka kale ka haya xukuumadaas gaalada ah, iskaba daayee inay gaalaysiiyaanee waxay u ogolaadaan olalaha doorashada inay ka fuliyaan si ay codka dadka Masaajida u helaan! Sh Umal iyo Sh Shibile waxa ay La dagaalameen Barnaamij kasta oo Nabad ka dhalin kara Koonfurta Soomaaliya. Waxaa la wada xasuustaa dagaalkii cuslaa ee ay la galeen natiijadii ka soo baxday Shirkii Jabuuti iyo weeraradii aan kala joogsiga laheyn ee ay ku qaadeen wadaadadii ka qeyb galay shirkaas. Shirkaas Jabuuti oo ahaa mid lagula heshiinayay Dowladii Itoobiya iyo Dowladii TFG-da, sababna u ahaa in Ciidamada Itoobiya wadanku ka baxaan oo ay Koonfurta Soomaaliya ka soo muuqato Rajo Nabadeed. Caawa oo kale markii Jabuuti lagu doortay Sh Shariif ayaa maalintii ka dambeysaba waxaa Nairobi ka bilowday kacdoon ay horseed ka yihiin Sh Umal iyo Sh Shibile iyo wadaadka kale ee saaxiibkood Xassaan, kacdoonkaas oo ay ku muujinayaan in natiijada ka soo baxday Jabuuti aan la qaadan karin oo waxa halkaas ka dhacay ay tahay Diintii oo Kuraas lagu badashay. Aad ayaa loo xasuustaa khudbadii caanka aheyd ee Sh Umal furka ku tuurtay markii la doortay Sh Shariif. Sh Umal ayaa khudbadaas ku dhaleeceeyay si farsameysana ugu gaalaysiiyay raggii xaadiray Jabuuti oo ay ugu horeeyaan kuwa wadaadada ah asagoo hoosta ka xariiqay in lagu dhaartay Dastuur uu ku tilmaamay ilxaadi oo ah meesha ugu sii xun gaalnimada ee aan jiritaanka Allah soo galeyn. Sh Umal ayaa khudbadaas ku tilmaamay in nimankaaas diinta sheeganaya waa sida uu hadalka u dhigay ay u hogaansameen Gaalo banaankana ay ku tuureen ku dhaqankii Shareecada islaamka ayna sharaf u arkeen in Golaha Ammaanka wad-wado arrimaha soomaaliya.
  4. The abject failure of Sharif Hotel, Nur Cade. The fact that only in the last few months 200,000 civilians have fled the former capital. The fact that Al Shabaab who’s supporters used to claim fight for the faith, are now deemed a “terrorist” group by the same supporters. The fact that more African troops including the front line countries are being begged to come back and “stabalise” Somalia by the likes of Sharif, Tarzan, Yarisow. That fact the Ulema who used to call for Jihad from Nairobi are now blessing deal making with Melez, as well as supporting the introduction of frontline troops into Somalia. Why did all the people suffer so since 2006?
  5. Kambala:Wadamo Horleh oo katirsan AU oo Soomaaliya Ciidamo ugu deeqay. 23. juli 2010 APL Kambala:(Allpuntland)-Iyadoo uu maalinkii labaad maanta socdo Shirkii Wasiiro Arimo dibadeedka Qaarada Afrika ayaa maanta Wajiga labaad ee shirka oo ay ka hadleen Wasiiro badan waxaa si weyn loo falanqeeyey Xaaladihii ugu danbeeyey ee Qaarada gaar ahaan Wadanka Soomaaliya oo ay xaaladiisu noqotay mid aad uga sii dartay bilihii u danbeeyey. Shirka oo Warbaahinta & Siyaasiyiinta Aduunka & Kuwa Afrika ee madaxa banaan laga hor istaagay ayaa maanta waxaa wadamo Cusubi ay ku deeqeen inay Ciidamo rasmi ah usoo dirayaan wadanka Soomaaliya si ay uga qeybqaataan howlgalka Midowga Afrika ee Muqdisho kasocda. Gudoomiyaha Ururka Midnimada Qaarada Afrika Mr,Jean Ping oo si kooban Warbaahinta hadal kooban Warbaahinta siinayey galabta xili ay Wasiirada Arimaha dibadu u bexeen Fasax kooban ayaa sheegey in Wadamada Jabuti & Guinea ay ku deeqeen dhowr Batalyam oo ciidamo ah kuwaas oo si dhakhso ah loogaynayo Dalka Soomaaliya. Mr,Ping wuxuu sheegey in Wadamadan Ay Wasiiro Arimo dibadeedyadoodu shirka ka horsheegeen inay Ciidamadan soo dirayaan,waxaana uu sheegey in Saacadaha soo socda la filayo in wadamo kale oo horleh larajaynayo inay iyana ciidamo ku deeqaan islamarkaasna ay ka horsheegaan madaxda Afrika Deeqahooda. Balanqaadkan kasoo yeeray Wadamadan labada ah ee katirsan Qaarada Afrika ayaa imaanaya xili Taliye Sare oo katirsan Ciidamada dalka Ugandha uu shalay Golayaasha kaladuwan ee dawladaas & Warbaahinta ka horsheegeen in ugu yaraan 6-Wadan oo afrika ah la rajeynayo inay dalka Soomaaliya ugu deeqaan ciidamo deg deg ah. Cabdiqani Xayir Allpuntland
  6. Paragon: Nonsense as usual from you adeer, is it that time when you pretend to be from that clan, or is your hate for anything Puntland coming up again. Go take a breather you wont achieve anything here.
  7. This is not a big deal, all white people came from a black person...
  8. The new coming war and the demise of Al Shabaab, the only thing clear is that the whole fake religious movement is in decline as a potent political ideology in Somalia. Many of the supporters of the Jihadi’s are becoming disenchanted with the whole thing.
  9. Originally posted by NGONGE: Benign ethnic cleansing, is it? Still, if there is to be trouble one can understand his predicament. There are more than 20,000 civilians from the south who have made Bossaso their home. 900 trouble makers were taken out ina security sweep, no adeer, this is not Borama 1993 and we are not the SNM.
  10. These are tragic events but worse would be to allow Godanes clowns to have a foothold in Bossaso. It's wR it's ugly but Puntland should defend itself by any means. I also doubt that there are only 900 southerners in the city of Bossaso, more needs to be done including in Galkacyu and the fake wadaads holed up there.
  11. ^^^What about supporting suicide bombers from the comfort of ones western abode?
  12. Faroole is learning the true cost of leading Puntland, "be careful for what you wish for" comes to mind.
  13. Sharif Ahmed is a clanist, who worked for Ali Mahdi and Mohamed Dheere his close kinsmen, who led the ICU which was exclusively based on the power of his clan and funded by another cousin, Abukar Cumar Cadaan. This is the man who fooled the most gullible; the weak of our nation by pretending to be a pious man of faith and in the process triggered the greatest mass slaughter in the history of Somalia. He is a historical figure of immense infamy, the first “leader” in Somalia’s history to have tried and given away Somali territory. He was amusing to say the least, but anyone with an ounce of intelligence could see that this man was as empty as his expression and literaly out of his depth. He still has a role to play, one that might surprise everyone.
  14. Security crackdown Puntland government forces have arrested and sent back to their homes in southern Somalia more than 500 people this week. President Farole defended the security crackdown, saying: "The people we arrested and sent back are not displaced persons. They are those young men seeking to be smuggled [to Yemen via Gulf of Aden] whom we have always sent back for their own safety. We did not send back elders, women, children, and the poor." He explained that "most towns in southern Somalia with the exception of Mogadishu are peaceful today and these people should return to their homes unless they have other intentions." Mr. Farole said that the other group of people sent back to southern Somalia is a major security threat to Puntland and the region as a whole: "The second group intends to plant enmity in a big city [bossaso] that is crowded and commercially vibrant and where Somalis from everywhere have been welcomed and is home to every Somali clan. Like they did in Mogadishu, they want to create instability from within the city [of Bossaso]," President Farole concluded. Puntland's leader said the reason terror groups want to target Bossaso is "same reason as Mogadishu. It is a city with business and a big population and is therefore easy to hide [terrorists]." He promised that Puntland security forces "would not harm or hold" anyone who is innocent of the authorities' suspicions.
  15. 'We have surrounded Galgala hideout' President Farole was asked a question regarding rumors that the Al Shabaab flag has been raised in parts of Puntland. "That is propaganda and they [Galgala militants] are receiving orders from southern Somalia [ruled by Al Shabaab] and the objective is to fundraise and to say, 'Look we have raised the flag at the corner of a remote mountain. Send us money.' But they have nothing there," the Puntland leader added. He stated that Puntland government troops have "surrounded Galgala hideout" and that the standoff "will be finalized in the coming days." But President Farole admitted that the "bigger concern [for authorities] is the terrorists who hide among the displaced people. Those are the ones responsible for the bombings." Puntland, located at the northeastern tip of Somalia with shores along the Gulf of Aden and the Indian Ocean, has been a stable region since the outbreak of the Somali civil war in 1991. In recent months, Puntland's government has blamed a string of assassinations and bombings on terror cells connected to Al Shabaab and other terror groups fighting to topple the Western-backed TFG in Mogadishu.
  16. Somalia: 'Puntland under attack by foreign terrorists': Farole 21 Jul 21, 2010 - 1:27:29 PM The president of Somalia's Puntland State government has said that the stable region is "under attack" by international terror groups and is cracking down on anti-peace elements, Radio Garowe reports. Dr. Abdirahman Mohamed Farole, Puntland's elected president, told the VOA Somali Service during a Wednesday interview that a group loyal to Al Shabaab militants in southern Somalia is responsible for assassinations of Puntland officials. "The group hiding in Galgala hills received training in southern Somalia and they take orders from foreign terrorists who are the enemy of peace and government," President Farole said, while referring to a hilly region west of Bossaso, Puntland's commercial heartland. The Galgala militants are led by a Puntland-born self-styled sheikh named Mohamed Said Atom, who is on the U.S. wanted list of suspects who hinder peace in Somalia. "The local element in Galgala hills is led by the man named Atom, who has been hiding out in the mountains for a few years. But those who kill people in Bossaso are especially trained to spread the terror they commit in the south to every part of Somalia," Puntland's president said. President Farole said government security forces have apprehended a number of terror suspects in recent months, all of whom originate in southern Somalia and received instructions at Al Shabaab terror training camps in southern Somalia
  17. Howlgalada ciidamada Puntland ee Boosaaso Madaxweyne Faroole ayaa dhanka kale waxa uu difaacey tallaabada Ciidamada ammaanka ee Puntland ay maalmahan ku qabqabanayeen dadka ay u arkaan iney wax u dhimayaan ammaanka waxaana uu sheegey in dadka la qabqabtey aysan aheyn kuwa ka dhex shaqeysta Magaalada Boosaaso. "Dadka la qabqabtay maha dad soo barakacay. Waa labo qeybdood: Dad tahriib u socda iyo dad dhib u socda oo col in lagu beero magaalo wayn oo ganacsi wayn leh oo dad badan oo Soomaali ah lagu soo dhaweeyey oo Beel walba degan in lagu dhexbeero -- sidii Xamar oo kale -- oo kacdoon gudaheeda laga sameeyo," ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. "Dadka aanu celinay [gobollada koonfur] waa dad Dhalinyaro ah oo Tahriib-doon ah awalna waanu celin jirnay. Kuma jiraan Haween, Caruur, Waayeel iyo masaakiin dadkii la celiyay," ayuu intaasi ku daray Hogaanka Puntland. "Waxay Boosaaso u abaareen waa sababta ay Xamar u abaareen. Waxba kama badalna. Waa meesha ay u badan yihiin dadka soo barakacay oo lagu dhex dhuuman karo. Waa magaalo ganacsi oo dad badan degan yihiin," ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Wuxuu sheegey in dadka ciidamada ay qabqabteen kuwii wax dambi ah lagu waayo loo masaafurinayo deegaannadii ay ka yimaadeen isagoo sheegay in maanta Koonfurta Somalia ay inta badan nabadi ka jirto markii laga reebo Magaalada Muqdisho. 'Xanuunka ka jiraa Muqdisho waa xanuun na haya' Mar la waydiiyey Madaxweynaha Puntland warar sheegaya in Kooxda Buurta Galgala ay calankii Al Shabaab ka taageen meelo ka mid ah Puntland, wuxuu yiri: "Waxaa weeyey propaganda [dacaayad] Koonfur baana laga soo amraya. Waxaa la rabaa in fundraising [lacag-uruurin] loo sameeyo oo la yiraahdo 'Waa kaa Buur fiiqeyd baan Calan xunna ka taagnay ee Lacag hanaloo soo diro.' Waxay meesha ku hayaan weyni ma jiro." Asagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu yiri: "Waxa welwelka leh waxaa weeye dadka ku dhex dhuumanaya shacabka soo barokacay oo danyarta ahaa oo xaafada magaalada jooga. Kuwaasi ayaa ah kuwa qaraxyada wada oo Koonfur ka keena. Kuwa Buurta [Galgala] waaba lagu hareeraysan yahay oo waa lagu kala baxayaa Maalmaha soo socda." Su'aashi ugu danbaysay ayaa Madaxweynaha waxaa la waydiiye in Dowladda Puntland inay u baahan tahay ayna soo dhaweynayso 20,000-ciidamo Midowga Afrika [AMISOM] oo la sheegay in la geyn doono dhamaan Gobollada Somalia. "Anagu dad ka go'ay Somalia ma ihin. Xanuunka ka jiraa Muqdisho iyo Koonfur waa xanuun na haya. Dadkaa aanu u aragno inay shidada waadaan oo aan dib u celinayno waaba ka mid. Wax kasta wixii lagu dajinkaro Dalka gacan inaan ka gaysano una yeerno Caalamka oo dhan inay qeyb ka qaataan xag Dhaqaale iyo xag Ciidan diyaar baan u nahay waana soo dhaweynaynaa," ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Asagoo hadalkii sii wata, wuxu yiri: "Puntland uma baahna Ciidamo Shisheeye. Waxaan uga baahan nahay dhinaca Koonfureed oo anaga iyo Gobollada dhexe oo weerarka lagu hayo ayna Ahlu Sunna Wal Jameeca joogaan in la keeno ama la dhexdhigo intaas kaliya baan uga baahanahay. Gudaha Puntland ugama baahnin [ciidamo shisheeye] maha inaan diidayno ee waanan u baahnayn."
  18. Faroole: 'P/Land waxaa soo weeraray Argagaxiso caalami' 21 Jul 21, 2010 - 12:09:14 PM GAROWE ONLINE Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud Faroole oo wareysi xasaasi ah siiyey laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa shaaca ka qaadey in goor dhow lagu kala bixi doono Deegaanka Buurta Galgala oo ay muddooyinkan isku uruursaneyeen kooxda uu madaxda u yahay Maxamed Siciid Atam ee taabacsan Ururka Alshabaab ee ka dagaalama koonfurta Soomaaliya. Madaxweynaha Puntland ayaa carrabka ku dhuftey in Buurta Galgala ay ku hareereysanyihiin ciidamada Puntland islamarkaana goor dhow la soo gabagabeyn doono isagoo dhanka kalena sheegey sababta magaalada Boosaaso shaqaaqada looga abuurayo ay tahay inaan buurta la weerarin oo ciidamada Puntland ay ku mashquulaan xakameynta ammaanka Boosaso. "Raga jooga Buurta Galgala waxay u badanyihiin rag tabobaran oo laga soo diray Koonfurta Somalia ahna rag ka amartqaata Argagaxisada Caalamiga waxayna col la yihiin in nidaam iyo maamul meelna ka jiro," ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland oo u waramay Laanta Afsoomaliga ee VOA, isagoo ku daray in kuwo Reer Puntland ah ay ku jiraan Kooxda Buurta Galgala oo laga samaystay inay amar qaataan. "Kuwa Local-ka waxaa madax u ah ninka la yiraahdo [Max'ed Siciid] Atam oo dhowr sanno ciidamo ku haystay meel Buuro ah laakin kuwa dadka ku laaya Boosaaso waa dad loo soo tabobaray in Argagaxa ay ka samayeen Koonfur lagu balaariyo Dalka oo dhan," ayuu yiri Madaxweyne Farole. Mar la waydiiye sida ay Dowladda Puntland ku cadayn karto arrintaasi, Madaxweyne Farole ayaa yiri: "Kuwo badan baan gacanta ku haynaa xitaa kuwo Dharka Haweenka xirtay oo falal amnixumo waday baanu haynaa. Waa marag-madoonto."
  19. Originally posted by Xaji_Xunjuf: Hales how did you celebrate your independence day again I believe it was with bullets And you are not yet independent of those that "celebrate theirs with bullets" after all these years...
  20. Madaxweynaha Puntland Oo Ka Hadlay Amniga Puntland Madaxweynaha Puntland Oo Ka Hadlay Amniga Puntland July 21, 20100 comments | leave your own!Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud oo la hadlaayay warbaahinta VOA-da ayaa ka hadlay cida ay u arkaan in ay ka dambayso dhacdooyinkii amaanka ka dhanka ahaa ee ka dhacay deegaanada Puntland iyo qorshe dowladu ay ku doonayso in ay ku weerarto buuralayda Galgala halkaas oo la sheegay inuu ku suganyahay wadaadka lagu magacaabo Shiikh Attam iyo maleeshiyo uu muddo urursanayay. Wuxuu sheegay falalka amaanka lidi ku ah ee dhowanahanba ka dhacaayay deegaanada Puntland in ay ka dambeeyaan waxaa uu ugu yeeray kooxaha shidada ka wada koonfurta dalka Soomaaliya oo ay argagixiso dabada ka riixayaan,isla markaasina waxaa Madaxweynuhu uusan meesha ka saarin in ay jiraan dad u dhashay Puntland oo dhacdooyinkaasi qayb ka ahaa. Mar Madaxweynuhu uu ka hadlayay sida ay ku garteen in dadkaasi ay falalkaasi ka dambeeyaan ayaa waxaa u sheegay in dowlada Puntland ay gacanta ku hayso eedaysanayaal qayb ka ah dadkaasi kuwaasi oo u sheegay Madaxweynuhu in ay ku jiraan saldhigyada magaalooyinka Garoowe iyo Bosaaso. “…Dadka ka yimi koonfurta ee ku sugan Puntland waxay isugu jiraan tahriib marin ka dhigta Bosaaso iyo dad u socda fulinta barnaamijyo lid ku ah amaanka Puntland oo doonaya in Puntland ay noqoto sida Muqdisho oo kale…”,ayuu yiri. Waxaa uu intaasi ku daray in dadka ciidamada amaanka ee Dawladda Puntland ay ka qab qabanayaan qaar ka mid ah magaalooyinka Puntland ay dowladu marin doonto laba wado oo kala ah; 1-Kuwo lagu celin doono goobihii ay ka yimaadeen 2-Eedaysanayaal maxkamad sugayaal noqon doona Falalka ka dhaca Bosaaso iyo Weerar ka dhan ah Attam Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay magaalada Bosaaso in ay tahay magaalo ganacsi ay degan yihiin barakacayaal fara badan oo u sheegay in gabaad ka dhigan karaan kooxaha ka wada Bosaaso falaka amaanka lidka ku ah sida Muqdisho oo kale. Wuxuuna hoosta ka xariiqay in talaabada ciidamada amaanka Puntland ay wadaan ay noqon doonto mid hubaanti ah,waxaana uu xusay dhalinyarada Bosaaso ay ka tarxiileen in ay ka hayaan sawiro iyo magacyo sahli kara in dib loo soo qabto hadii ay dib ugu soo noqdaan deegaanada Puntland. ”…Dadka aanu ka qab qabanay Bosaaso way ku noolaan karaan meelihii ay ka yimaadeen Muqdisho meel aan ahayn oo dagaal ka socda ma garanaayo…”,ayuu yiri. Dr.Faroole ayaa intaa ku daray in ay qayb ku leeyihin wadaadka lagu magacaabo Attam iyo ciidamo u hogaaminaayo,kuwaasi oo la sheegay in mudooyinkii ugu dambeeyay ay ku sugnaayeen buuraha Galgala. Waxaa uu intaasi ku daray in ciidamada Puntland ay ku hareersan yihiin maleeshiyaadkaasi dhowaan lagu kala bixi doono siduu sheegay. Madaxweynaha ayaa xusay maleeshiyada uu hogaamiye u yahay Attam in qorshahoodu uu yahay in Bosaaso ay falal ka geystaan si buu yiri aan loo weerarin,waxaa uu maahmaah ahaan u soo qaatay “qaniinyo,qaniinyo kaa fujisa”. Si kastaba 05.05.2010 ayay hayd markii Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay munaasabada ka dhacday madaxtooyada oo ay ka soo qaybgaleen Hay’ado caalami ah uu ka sheegay in aan dib dambi loo argagixin doonin dadweynaha reer Puntland,isla markaasina barakacayaasha oo u sheegay in ay ku lug leeyihiin falalka ka dhacay deegaanada Puntland ay go’aan kasoo saari doonaan. Horseed Media
  21. ^^^That was better, though what does a Baboon know about a Goat or an Orangutan?
  22. orangutan rebel mountains Not as absurd as pretending that NW Somalia is a seperate country inhabited by the lost children of the Queen of England.
  23. Originally posted by NGONGE: Duke's last observations were about muggings and other nonsense. Duke's observations are always wrong. The Mugged one in Villa Morgan wow NGOONGE, still celebrating the ending of Riiyaale;s decade long Mugging. I don’t blame you; your folks have never led anything so enjoy the moment. As for the predictions, yes I am not good with local gubernatorial elections, I got Faroole’s victory wrong as well, thus Siilanyu has added to that trend, will try to pay more attention insha Allah. However on the national trends, was correct and maintain that there will be no recognition of Somaliland that this self delusion must stop, but NGOONGE will no doubt disagree as he waited for the prediction of our Maggie [Oodweyene] when he stated firmly that the big day would be no later than November 2003. Che, Faroole is doing badly, and we hope he corrects himself. He is however not doing badly as the murderous minions of Al Shabaab that you support, they have crossed the line of no return long ago.
  24. The Somali political landscape seems to be a never changing nonsense. Lets start with Hargaysa, and the time wasting claims of democracy, a self declared separatist nation, held a fake election planned, headed and executed by a non profit organization, the regional euphoria aside nothing has changed, and there will be no recognition other than some sound bites by misinformed western politician. While in Mogadisghu we have the absurd Sharif Hotel and his bloated Parliament, incompetent cabinet holed up in a 2km “prime” realestate of the former capital. All round him is a sea of Al Shabaab fighters poised to never capture the Vila, but to waste the lives of countless youths in the process. Puntland is facing a real crisis, created by the current admin, Faroole has proven to be a weak leader, removed from reality and only interstate in finding phantoms to fight. He is good at presentations but with little substance. Al Shabaab: The mindless moron cult is on its way to deliver a monumental setback to the aspirations of the Somali race. Al Shabaab has surpassed anything ever done by any warlord, dicatator and corrupt official and one only hopes that they get extinguished before they inflict any further damage. On the Horizon, War, pain and suffering, there will be nominally effective AU intervention, there will be more inter Somali conflicts in the North and severe attacks staged on the people of Puntland. Insha Allah khair.