
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Somaliland:borama road constructions in full gear + PICS
General Duke replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Wonderful stuff, not sure how the secessionist can lay claim to a local venture. -
Gedo is in flames, the net contribution of Farmaajo..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Southern Somalia fighting leaves several dead Mogadishu, Somalia Published: April 20, 2011 07:43 am EDT At least 11 combatants have been confirmed dead and several others wounded during fierce fighting between Somali government forces and Al-Shabaab militants in a village in the southwestern Gedo region before dawn Wednesday. The fighting erupted when heavily armed militants launched an ambush on a Somali military base in Aboodo village along the road leading to the border town of Elwaq. An elder in Aboodo who demanded anonymity because of security reasons told All Headline News that he saw the bodies of 11 people from both sides. “There may be civilian casualties but I cannot really confirm it,” the elder said in a telephone conversation. Al-Shabaab spokesman for military affairs Sheik Abdi Aziz Abu Musab, who talked to reporters in Mogadishu, said that his men were successful in early morning fighting against Somali government forces. “Our Mujahideens have attacked the enemy camp and they have killed more un-Islamic soldiers and confiscated more arms and ammunitions—our fighters have established a base in the Aboodo village, we have also taken three battle wagons from them,” the spokesman said. Meanwhile, a Somali parliamentarian in the region, Mahmoud Sayid Aden, told the media that the Somali army base was attacked, but the militants were repulsed and they suffered heavy losses. “I can confirm that there are casualties on both sides, but more terrorists were killed although I cannot give the exact number—we have had the upper hand in the early morning fighting,” the MP noted, adding that government forces still remain in the area. -
Gedo is in flames, the net contribution of Farmaajo..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
SOMALIA: 15 killed as fighting renews in southern regions Raxanreeb Online - Malyun Ali - 5 hours ago Mogadishu (RBC) At least 12 persons were killed and nine others wounded after heavy fighting renews today in two southern regions in Somalia. Heavy clashes erupted in Celwak district of Gedo region on early morning of Wednesday after Somalia government ... source -
Shariif Sheekh Axmed oo Aqbalay Natiijadii kasoo baxday Shirkii Wadatashiga Nairobi. Print here| By: allgedo.com: Wednesday, April 20, 2011 // u Jawaab Related Articles Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed ayaa aqbalay inta badan qodobadii kasoo baxay shirkii wadatashiga ee dhawaan lagu qabtay magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya. Shariif Sheekh Axmed oo maanta xildhibaanada isaga taageersan lahadlay ayaa sheegay in uu aqbalay doorashada lafilayo in Bisha Agoosta ee soo socota ay dhacdo oo ladoorto gudoomiyaha baarlamanka iyo madaxweynaha. Madaxweyne Shariif ayaa ku nuux nuuxsaday in beesha caalamka ay tahay mid aan laga maarmin oo wax weyn ka qabanaysa xaaladda Soomaaliya wuxuuna ugu baaqay baarlamanka in ay midnimo muujiyaan. Aqbalaadda shariif ee shirkii wadatashiga Kenya ayaa timid kadib markii wafdi ka socday beesha caalamka uu shalay soo gaaray Muqdisho kulamana uu laqaatay madaxweynaha iyo R/wasaaraha oo sida muuqata lagu cadaadiyay in ay u dhega nuglaadaan rabitaanka beesha caalamka.
-
Gedo is in flames, the net contribution of Farmaajo..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Waxgaradka Gedo oo Dowladda KMG ah ku dhaliilay in aysan Wax gargaar ah u fidin shacabka tabaalaysan. Print here| By: allgedo.com: Wednesday, April 20, 2011 // u Jawaab Related ArticlesWaxgaradka degmada Luuq ayaa sheegay in roobabkii koobnaa ee dhawaan ka da’ay degmada Luuq aysan wax sidaasi ah ka bedelin xaaladii nolol xumo ee kajirta degmada. Nabadoon Xasan Xaajo oo ku sugan Luuq ayaa warbaahinta leyska maqlo u sheegay in dadka ku haray degmada ay u baahanyihiin gurmad deg deg ah iyagoona baaq u diray saraakiisha dowladda ee dhawaan qabsaday degmadaasi. Nabadoonka ayaa dowlada KMG ah ku eedeeyay in aysan wax gargaar ah siin shacabka taasi bedelkeedna markii ay magaalada soo galeen ay joogsadeen wax xoogaa gurmad ah oo ay ka heli jireen guddiga gurmadka abaaraha ee fadhigiisu yahay Baardheere. “dadku way baahanyihiin sicir barar iyo nolol xumo ayaa ka jirta Luuq, dowladda Halkaan joogta waxaan ugu baaqeynaa in ay wax ka qabtaan dhibaatada ilaa markii ay dowladu nasoo gaartay wax gurmad ah namasoo gaarin Raggii halkaan joogi jirey marmar bey wax nagusoo ridi jireen” Nabadoon Xasan Xaaji. R/waasare Farmaajo iyo Wasiirka G/dhigga ayaa Gargaar u balan qaaday Shacabka Gedo xiligii uu socday dagaalkii Beled-Xaawo balse ilaa iyo hadda lama hayo wax gargaar ah oo ay gaarsiiyeen shacabka, xaaladda ayaa sii xumaatay markii ay Al Shabaab go’doomiyeen degmooyinka Gedo. Shacabka Gobolka Gedo ayaa walaac ka muujinaya abaarta sii daba dheeraatay ee kajirta Gobolka iyo Gargaar la’aanta ku raagtay dadka aadka u tabaaleysan ee ku dhaqan Gedo. —————- Allgedo News Desk, Gedo/Somalia. -
Ciidamada Al Shabaab oo Dagaal kula wareegay deegaanka ABOODA ee duleedka Ceel Waaq. Print here| By: allgedo.com: Wednesday, April 20, 2011 // 2 Jawaabood Related ArticlesDagaalo ayaa saaka ka dhacay hareeraha degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo oo saacadihii lasoo dhaafay laga dareemayay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoog badan. Saaka aroortii ayay ciidamada Al Shabaab weerar culus kusoo qaadeen inta u dhexaysa Buusaar iyo Ceel-Waaq, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal labada dhinacba ku riiqmeen. Shacabka fara kutiriska ah ee ku sugan Ceel-Waaq ayaa soo sheegay in ciidanka dowladda ay xalay saqdii dhexe dib ugu soo laabteen magaalada oo ay shalay gelinkii dambe xeelad dagaal dib uga gurteen, balse ciidanka dowladda waxay ku sugnaayeen bara difaac oo ay dibadda magaalada ka sameysteen. Saaka markuu waagu baryay ayay ciidamo fara badan oo Shabaabka ka tirsan weerar culus kusoo qaadeen Isgoyska ABOODA, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal qaatay muddo 2 saacadood ah. Afhayeenka ciidamada Xarakada Al Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidankooda ay dagaalka guulo ka gaareen ayna la wareegeen saldhig ciidan. Abuu Muscab wuxuu ku faanay in Shabaab gacanta ku dhigeen Saldhigii ciidanka dowladda ku lahaayeen ABOODA. “Mujaahidiinta ayaa qabsaday duleedka Ceel-Waaq Sedax baabuur oo dagaalna waan lawareegay” ayuu yiri Abuu Muscab. Weli ma jirto cid u hadashay saraakiisha dowladda ee Ceel-Waaq.
-
^^^Not sure what you are talking about. These 550 MP's you insult elected the man who you are defending. Now were they good yesterday and are they bad today? Also the sea deal was a project Sharif Ahmed was part and parcel of. So kindly stop the nonsense. He has proven to be a joke as highlighted by his flip flopping on the issue of the election.
-
Galkacyu: will not be destroyed nor will her people cower.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Gaalkacyo:Gudiga Amniga ee gobolka Mudug oo Mamnuucay Hub la dhexmarista Gaalkacyo,Iibinta Hubka & baahinta wararka ka dhanka ah Maamulka...(Akhri digreetooyinka ay gudigu soo saareen). 20. april 2011 APL Gaalkacyo:(Allpuntland)-Gudiga Nabad gelyada ee gobolka Mudug ayaa soo saaray awaamir culus oo dhanka Amaanka ah kuwaas oo ay ku jiraan in ay mamnuuceen eebinta,wadashada & isticmaalka hubka qeybihiisa kaladuwan,waxaana sidookale gudiga Nabadgelyada ee ay mamnuuceeen xerashada dharka midabka leh ee ay ciidamadu isticmaalaan marka laga reebo ciidanka amaanka ee howlgalada wada. Gudiga Nabadgelyada ee gobolka Mudug wuxuu sidoo kale mamnuucay in la baahiyo codadka dad aan haysan ruqsada dawlada kuwaas oo ka hadlaya Amaanka,waxaana qodobadan oo soo baxay kadib shir aan caadi ahayn oo gudigu uu lahaa ay kasoo saareen Digreetooyinkan:- -
Somaliland: Explosion Targets Sool Governor in Lasanod
General Duke replied to Jacaylbaro's topic in Politics
^^^indeed, SSC are konfurians right? Anyhow your claim to SOOL is over this will continue untill you run away as you always do. -
Somaliland: Explosion Targets Sool Governor in Lasanod
General Duke replied to Jacaylbaro's topic in Politics
^^^Of course adeer, thats what you have been saying all along. -
Somaliland: Explosion Targets Sool Governor in Lasanod
General Duke replied to Jacaylbaro's topic in Politics
XX would have made it clear. . Terror Group with different DNA attack Ethnic Somalilander Puppet -
Galkacyu: will not be destroyed nor will her people cower.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Puntland oo sheegtay in ay gacan bir ah ku qabanayso ammaanka Gaalkacyo; qorshayaal ammaan oo ay dawladdu soo karkarinayso. Wed, 20 Apr 2011 13:38:44 -0400 pm -04:00 -14400 -------------------------------------------------------------------------------- Galkacyo, April 20 - Saraakiisha ciidanka amniga Puntland ee ku sugan Galkacyo iyo guddiga nabad-galyada gobolka Mudug ayaa maanta shir la yeeshay qaybaha bulshada gobolka kaasoo looga wadahadlay xaaladda ammaanka gobolka iyo wax ka qabashadeeda. Shirkaan oo ahaa mid aad u xasaasi ah ayaa lagu marti-qaaday ku dhawaad 60 xubnood oo iskugu jira nabaddoonno, cuqaal-dhaqan, ganacsato, aqoonyahanno, haween iyo wax-ku-ool kale oo qaybaha bulshada ee magaalada Galkacyo ah, waxaana shirkaasi si baaxad leh loogu soo bandhigay xaaladaha dhabta ah ee ka jira magaalada Galkacyo gaar ahaan xagga amniga. Ka-qayb-galayaashu waxay si cad u muujiyeen dareenkooda ku aaddan amniga Galkacyo oo muddooyinkaan danbe ka sii xumaanayey, waxayna si wadajir ah u iftiimiyeen siday u arkaan in amniga wax looga qaban-karo iyagoo ku tilmaamay rukniga ugu weyn in uu yahay xoojinta awoodda ciidamada amniga iyo wada-shaqaynta qaybaha maamullada iyo bulshada. Odaayasha dhaqanka ee shirkaan ka qayb-galayey inkastoo ay ka gaabsadeen warbaahintu in ay codkooda siidayso misna waxay ku dheeraadeen amniga gobolka iyagoo sheegay in ay fududahay wax iska-waydiinta arrimaha gobolka laakiinse aysan sahlanayn sidii looga jibo-gaari lahaa, ficilo cad-cadna loogu rogi lahaa miraha ka dhasha kulamada noocaan oo kale ah. Dhinaca kale, mas'uuliyiintii dawladda ee ka qayb-galay shirkaasi uuna ka mid yahay taliyaha ciidamada bileyska iyo asluubta Puntland sarreeye-guuto Cali Nuur Cumar ayaa iyana muujyey qorshahooda wax-qabad ee ku aaddan amniga magaalada Gaalkacyo, iyagoo iyana si aan kala har-lahayn u sheegay in ay ka go'an tahay sidii gacan bir ah loogu qaban lahaa nabad-galyada magaalada Gaalkacyo. Guddoomiyaha gobolka Mudug Axmed Cali Salaad ahna guddoonka guddiga nabad-galyada ayaa sheegay xaalad aan la fududaysan karin oo xagga amniga ahi in ay ka jirto Gaalkacyo, ayna dhalisay dalabka iyo u yeeridda mas'uuliyiinta dawladda dhexe ee xagga amniga taas oo uu caddeeyey in ay dhankooda ka timid kaddib markii falalka amni-xumo ee Gaalkacyo ay noqdeen tusbax afka laga furay. Guddoomiyuhu waxaa uu qiray jiritaanka awood-darrida xagga ciidamada amniga ee gobolka ah, isagoo sheegay middaasi in ay horseed u noqotay dadka gaysta dhibaatada iyo falalka amni-xumo in ay soo dugaashadaan tababar-darrida ciidanka ammaanka, kuna dhaqaaqaan tallaabooyin gurracan. Sidoo kale, taliyaha ciidamada bileyska iyo asluubta Puntland sarreeye-guuto Cali Nuur Cumar oo shirkaasi ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ayaa sheegay nabad-galyada in lagu sugi karo oo kaliya haddii dadweynuhu ay gacan siiyaan ciidamada amniga, lana shaqeeyaan laamaha bileyska ee gobollada iyo degmooyinka. Taliyuhu waxaa sidoo kale uu sheegay in uu jiro qorshe weyn oo dawladdu ugu talo-gashay in wax looga qabto amniga magaalada Galkacyo ayna si deg deg ah taasi u bilaabanayso, waxaana dadka reer Galkacyo uu ku ammaanay dadaalka ay muujiyeen iyo dulqaadka ay u leeyihiin dhibaatooyinka la soo gudboonaada. Iskastaba ha'ahaatee shirkaan maanta ayaa dabo-socday shir la mid ah oo shalay ka dhacay xarunta maamulka gobolka kaasi oo ay si wadajir ah u yeesheen guddiga nabad-galyada gobolka iyo taliyayaasha ciidamada amniga, waxaana shirarkaani ay yimaadeen kaddib markii dhawrkii bilood ee ugu danbeeyey magaalada Galkacyo ay daris la noqotay dilal aan dhammaad lahayn oo lagu ugaarsanayey wax-tarka bulshada gobolka, kuwaa oo heerkoodii ugu sareeyay gaaray todobaadkan kadib markii 24 saac gudahood lagu dilay 5 qof isla markaana la weeraray masaajid, taasoo xaalka u rartay marxald cusub iyo fitno diineed. Farxaan Jeemis Cabddule Daljir, Galkacyo. -
Galkacyu: will not be destroyed nor will her people cower.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
As Xiin pointed out the city of Galkacyu and the region of Mudug shall overcome these problems insha Allah. The main problem is that of the admin, it needs to be changed and a new younger leaders should be installed. Anyhow the unified outcry and condemnation of these atrocities has been a most welcome development -
Madaxweynaha Soomaliya ayaa waxaa uu carabka ku adkeeyay in lagama maarmaan ay tahay inay wada hadlaan Xukuumadda KMG iyo barlamanka, isagoo tilmaamay in hadii taasi la waayo ay suurto gal tahay in uu burbur ku yimaado Hay’adaha dowladda Federalka Soomaaliya. Indeed there is nothing they can do to Sharif Sakiin..
-
"Waxaan rabaa inaan idin sheego inaan doorasho diyaar u ahay, madaxweyne markii hore doorasho ayuu ku yimid, mana diidi karo, laakiin waxaa loo baahan yahay in Hey'adaha Dowladda ka tashadaan, waqti munaasib ahna doorashooyinka dhacaan" ayuu yiri Madaxweyne Shariif Ugu dambeeyntii Madaxweynaha ayaa u sheegay xildhibaanada uu kulanka maanta la qaatay in uu arintaa kala tashado golaha wasiitrada, waxana uuna madaxweynaha ugu dameyn sheegay in markiii hore uu oglaa in baarlmaanka waqti korar sadaan laakin mudadada intaasi laga yareeyo. Double speak, he now accepts elections, and extension of Parliment. After all the fuss and trips aborad Sharif Ahmed has been told that there will be no extension for him.
-
Muqdisho(AllPuntland)-Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay ka soo horjeedeen in ka badan 200 Xildhibaan ayaa ku guuleystay inuu xaliyo khilaafka kala dhaxeeyay Mudanayaasha Baarlaamaanka oo ka soo horjeeday ka qeybgalka shirkii wadatashiga ahaa ee Kenya lagu qabtay. Kulan shalay ka dhacay magaalada Muqdisho kana soo qeybgaleen mudanayaashii kasoo horjeeday ayaa lagu dhameeyay khilaafkii kala dhaxeeyay Shariif Xasan, waxaana warbaahinta u xaqiijiyay Xildhibaan Cumar Islow iyo Guddoomiyaha guddiga Warfaafinta Cawad Axmed Cashara. Labadan Mudane ayaa si wada jir ah u sheegay in la dhameeyay khilaafkii iyo kala qeybsanaantii Xildhibaanada Baarlamaanka ku kala jiray. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xildhibaanada qaar uu Shariifka u muujiyay balanqaad, halka kuwa ugu codka dheeraa uu si gooni u sooray, taasoo aheyd qorshaha koowaad ee Shariifka u degsanaa marka uu dalka dib ugu soo laabto. Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in mooshinkii laga diyaarinayay Shariif Xasan oo xildhibaanadii waday si gooni ah balan qaad u muujiyay, kuwaasi oo dib u laqay ololihii ka dhanka ahaa SHariif Xasan. Khilaafka Xildhibaanada kala dhaxeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sida muuqata abuurayay Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo ka soo horjeeday go'aanka Guddoomiyaha Baarlamaanka ee shirka Kenya ku tegay. AllPuntland News Desk.
-
Shariif Axmed ayaa ku tilmaamay faro gelinta Beesha Caalamka mid salka ku haysa maadaama DFKMG ay tahay mid kumeel gaar ah isla markaana ku tiirsan dhaqaalaha Caalamka, ay DFKMG sidoo kale gacan siinayaan ciidamo shisheeye, middaasi baa keenaysa buu yiri in ay Beesha Caalamka ay dooneyso inay talo ku yeelato DFKMG After all those trips he was told to back down and contest the elections.
-
Shariif Axmed oo sheegay in wadanka uu dib u dhac ku iman karo 3 hours ago | 0 comments 0 Madaxweynaha Dowlada Federaalka Kumeelgaarka Soomaaliya Shiikh Shariif Axmed ayaa ka digay dib u dhac ku yimaada dalka Soomaaliya, hadii uu sii socdo khilaafka u dhaxeeya mas’uuliyiinta iyo hay’adaha DFKMG. Shiikh Shariif Axmed ayaa hadalkan jeediyey xili uu la kulmay qaar kamid ah Xildhibaanada taageersan oo uu ku qaabilay xaruntiisa Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Magaalada Muqdisho ayey maalmahan ka socdaan shirar kala duwan oo ay yeelanayaan xubnaha kamid ah Baarlamaanka DFKMg iyo Xukuumada, kadib markii magaalada uu dib ugu soo noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG Shariif Xassan Shiikh Aadan oo dhawaan ka qeyb galay shirkii ka dhacay magaalada Nairobi. Shariif Xassan ayaa magaalada kula kulmay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, ayadoo warar hoose ee soo gaaraya Horseed Media ay sheegayaan in Guddoomiyaha uu wado olole lagu doonayo in mooshino ka dhan ah Madaxweynaha DFKMG la horgeeyo Baarlamaanka, xili horey loo sheegayey Madaxweynaha dhankiisa uu asaguna waday mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha. Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Axmed ayaa kulan uu maanta la sheegay qaar kamid ah xildhibaanada taageersan oo uu xaruntiisa Muqdisho ku qaabilay ayuu ka digay khilaafka hada jira oo sii socda. Shariif Axmed ayaa sheegay in codsigii uu Baarlamaanka u diray ee ahaa in dib looga noqdo go’aankii ahaa in 3 sano Baarlamaanka ku darsaday, isla markaana laga dhigo muddo kooban, ayuu sheegay in wax jawaab ah uusan illaa iyo hada ka heyn Baarlamaanka. Madaxweyne Shariif Axmed oo sheegay inuu asagu diyaar u yahay in Doorasho la qabto, balse wuxuu yiri Xiligan Munaasib maaha in doorasho la qabto, asagoo intaasi raaciyey in loo baahan yahay in wakhti lagu daro xukuumada si buu yiri dalka meel cidlo ah ugu dhici xiliga kala guurka. Hogaamiyaha DFKMG Shariif Axmed ayaa sheegay in dib u dhac weyn ku imaan doono dalka Soomaaliya, hadii ay sii socoto khilaafkan soo noq noqday ee ka dhex taagan hay’adaha DFKMG xili dowlada ay wakhtiga uga hartay muddo 3 bilood ah oo kaliya. Shariif Axmed ayaa ku tilmaamay faro gelinta Beesha Caalamka mid salka ku haysa maadaama DFKMG ay tahay mid kumeel gaar ah isla markaana ku tiirsan dhaqaalaha Caalamka, ay DFKMG sidoo kale gacan siinayaan ciidamo shisheeye, middaasi baa keenaysa buu yiri in ay Beesha Caalamka ay dooneyso inay talo ku yeelato DFKMG, asagoo carabka ku adkeeyey in hada loo baahan yahay in laga gudbo xaalada Kumeel Gaarka ah ee uu dalka ku jiro. Horseed Media
-
Shariif Xasan oo ku guuleystay inuu kala fur furo inta badan Xildhibaanadii ku kacsanaa (Warbixin) Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhaq dhaqaaqyo aan caadi aheyn ka wada Hoygiisa ayaa sida lagu yaqaan ku guuleystay inuu kala fur furo inta badan Xildhibaanadii sida aadka ah uga soo horjeeday, isagoo inta badan ku qanciyay fikirkiisa ku wajahnaa shirkii wada tashiga Magaalada Nairobi dhowaan lagu soo gaba gabeeyay. Shariifka oo dadka siyaasadihiisa yaqaanan ku tilmaamaan inuu yahay nin galaan gal badan, jeeb furnaan iyo maskax isku darsaday ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay kulamo gaar gaar ah la yeelanayay Xildhibaanada u madax buurnaa kuwa isaga sida gaarka ah uga soo horjeeday, kuwaasoo uu inta badan haatan gacanta ku dhigay. Warar ku dhow dhow Xafiiskiisa ayaa sheegaya inay jiraan Xildhibaano u kala dhuumanayay, kuwaasoo u badnaa Xildhibaanadii qaar ee dhowaan ka dhawaajiyay inay diyaariyeen mooshin ka dhan ah, si ay xilka uga tuuraan. Maalintii shalay ayaa Waxaa Warbaahinta la hadlay Xildhibaan Cumar Islow iyo Cawad Axmed Cashara oo ah Gudiga Gudiga Warfaafinta Baarlamaanka, kaasoo hormuud u ahaa Xildhibaanadii sida aadka ah uga soo horjeeday Shariif Xasan, waxayna si wada jir ah u sheegeen in la dhameeyay khilaafkii iyo kala qeybsanaantii Xildhibaanada Baarlamaanka ku kala jiray. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xildhibaanada qaar uu Shariifka u muujiyay balanqaad, halka kuwa ugu codka dheeraa uu si gooni u sooray, taasoo aheyd qorshaha koowaad ee Shariifka u degsanaa marka uu dalka dib ugu soo laabto. Mooshinkii laga diyaarinayay Shariif Xasan oo maalmo ka hor xowli ku socday ayaa hadana warar la helayo ay sheegayaan inuu dhaafi la'yahay ilaa 52-Xildhibaan, taasoo muujineysa in Xildhibaanadii boqolka ku dhowaa ee isla balamay inay geeyaan Mooshinkaas la kala fur furay. Shirkii jaraa'id ee shalay wada qabteen Gacan yaraha Shariif Xasan Cumar Islow iyo Cawad Axmed Cashara wuxuu tusaale cad u yahay in meesha ay ka baxday daadkii ku soo wajahnaa Shariifka, taasoo si muuqata uu isaga moosay. Qorshayaasha ka dhanka ah Shariif Xasan waxaa sida cad daadihinteeda ka socotay Xafiisyada Madaxweynaha iyo kan Ra'iisul Wasaaraha oo damacsanaa in lagu kiciyo Xildhibaanada Shariif Xasan, kadib markii uu goostay inuu ka qeyb galo shirkii wada tashiga Qaramada Midoobey. Hoyga wararka Somaliyeed www.jowhar.com jowharcom@hotmail.com jowharcom@gmail.com
-
Madaxweyne Sheekh Shariif oo sheegay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya Arbaco, Abriil 20, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho in ka badan 100-xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inuu ka qaygalayo doorashooyinka madaxnimo ee dalka ka dhacayay, balse ay tahay in marka hore hal dhinac la isku raaco. Sheekh Shariif oo hadal u jeediyay mudanayaashii uu la kulmay ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xaaladda uu dalku ku sugan yahay iyo khilaafka u dhexeeya hay'adaha sare ee DKMG ah, isagoo xusay in doorashooyin la qabto ay ka horreyso in la xalliyo khilaafka u dhexeeya hay'adaha dowladda. "Aniga waxaan diyaar u ahay inaan ka qaybgalo doorashada madaxnimo ee dalka, waayo madaxweyne doorasho ayuu ku yimaadaa - mana diidi karo, balse waxaa loo baahan yahay in marka hore ay is-waafaqaan hay'adaha DKMG go'aan wadajir ahna la gaaro muddo kordhinta markaas kaddibna laga hadlo doorasho," ayuu yiri madaxweyne Sheekh Shariif. Madaxweynuhu wuxuu sheegay inaan lagu mashquulin doorasho, balse ay tahay in marka hore la xalliyo khilaafka u dhexeeya hay'adaha dowaldda, sidoo kalena aysan doorashadu carqalad ku keenin howlaha dowladda Soomaaliya. "Haddii baarlamaanku uu si gooni ah xilliga u kororsado, xukuumadduna ay si gooni ah xilka u kororsato taasi ma suurogalayso, waxaa loo baahan yahay in si wadajir ah la isugu raaco muddada ay xukuumadda iyo baarlamaanku shaqeynayaan, idinka ayaa ah xildhibaannadii baarlamaanka waxaana la idinka doonayaa inaad go'aan ka gaartaan muddo kororsiyada ay xukuumadda iyo baarlamaanku sida kala goonida ah ugu kala dhawaaqeen, howshaasna waa billowdeen waxayse u baahan tahay dhameystir," ayuu Sheekh Shariif mar kale yiri. Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa hadalkiisa ku sheegay inaysan jirin hay'ad si gaar ah u kororsan karta xilligeeda, balse loo baahan yahay inay kala tashado hay'adda kale, si howsha la qabanayo ay u noqoto mid xalaal ah. Waa markii ugu horreysay oo madaxweynaha Soomaaliya uu sheego inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee lagu qabanayo gudaha dalka, isagoo xusay in loo baahan yahay in baarlamaanka iyo xukuumaddu ay doorashada go'aan wadajir ah ka gaaraan. Hadalka madaxweyaha ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaanahan uu jiray khilaaf ka dhashay muddo kororsiga baarlamaanka Soomaaliya iyo xukuumadda oo hay'adaha dowladda u dhexeeyay, kaasoo cirka isku sii shareeyay markii Afhayeenka baarlamaanka uu ka qaybgalay shirkii ka dhacay Nairobi. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Galkacyu: will not be destroyed nor will her people cower.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Galkacyo: Shir u dhamaaday Saraakiisha sare ee bilayska Puntland iyo guddiga amniga gobolka Mudug. Tue, 19 Apr 2011 17:45:37 -0400 pm -04:00 -14400 -------------------------------------------------------------------------------- Galkacyo April 19 - Saraakiil bileys oo uu hoggaaminayo taliyaha ciidanka bileyska iyo asluubta Puntland sarreeye-guuto Cali Nuur Cumar ayna ka mid yihiin kuxigeenkiisa Maxamed Siciid Jaqanaf iyo taliyayaal kale oo laamaha bileyska Puntland ayaa soo gaaray magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kuwaasi oo kulamo deg deg ah la bilaabay qaybaha maamulka ee gobolka iyo guddiyada nabad-galyada. Waftigaan oo saaka aroortii soo gaaray magaalada Galkacyo ayaa kulamadoodii ugu horreeyey isla saaka-ba si wadajir ah ula yeeshay maamulka gobolka, midka degmada, guddiga nabad-galyada iyo saraakiisha laamaha amniga ee gobolka Mudug, waxaana kulankaasi oo xilli dhaw soo gaba-gaboobay looga arrinsaday xaaladda ammaan ee gobolka gaar ahaanna amniga magaalada Galkacyo oo in muddo ahba ay ka aloosnayd mushkilad lagu ugaarsanayey wax-galka bulshada gobolka. Shirka maanta oo intiisa badan ahaa is xog-waraysi ayay Labada dhinac wax iskala soo qaadeen dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee gobolka ka dhacay iyo xal u heliddooda kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen dilkii Sh Ismaaciil Xaashi Xuseen oo qarax-miino lala bar-tilmaameedsaday Sabtidii aan soo dhaafnay iyo sidoo kale labo dhacdo oo ka danbeeyey oo ahaa weeraro lagu qaaday labo masaajid oo ku yaalla xaafadda Garsoor ee magaalada Galkacyo, ayna ka dhalatay khasaaro dhimasho iyo dhaawac dadeed iskugu jira. Duqa magaalada Galkacyo C/raxmaan Maxamuud X Xasan oo aan waraysi kooban la yeelanay markii shirku dhammaaday ayaa caddeeyay jiritaanka go'aamo wax ku ool ah oo la iskula meel-dhigay kulanka maanta, kuwaasi oo ku aaddan sidii gacanta loogu dhigay lahaa amniga magaalada Galkacyo, caddaalladdana loo horkeeni lahaa dhagar-qabayaashii ka danbeeyey dilal is daba-jooga ah oo dhawrkii bilood ee ugu danbeeyey ka dhacayey magaalada Galkacyo. Marka laga gudbo saraakiisha bileys ee maanta kulamada la yeeshay maamulka heer gobol iyo heer degmo iyo guddiga nabad-galyada ee isla gobolka, waxaa la tilmaamayaa in ay jiraan ciidamo kuwa amniga ah oo iyana soo gaaray magaalada Galkacyo, kuwaasi oo u soo kicitimay sidii ay u adkayn lahaayeen nabadda magaalada Galkacyo. Imaanshaha waftiga saraakiisha bileyska ahi ay hoggaaminayaan iyo ciidamada amni ilaaliyayaasha ah ee soo gaaray Galkacyo ayaa ka danbeeyey kaddib markii magaalada Galkacyo in muddo ahba ay ka socdeen falal gurracan oo meel ka dhac ku ah amniga iyo nabadda gobolka, kuwaasi oo u badnaa dilal qorshaysan iyo qaraxyo abaabulan oo lala bar-tilmaameedsanayey wax ku oolka bulshada. Cabdifitaax Cumar Geeddi, Daljir, Gaalkacyo