
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
MUQDISHO: Shariif Xasan oo aqbalay in Ra’iisul Wasaaraha uu iskiis u soo magacaabo Wasiirrada xukuumaddiisa June 30, 2011 1:38 pm GMT - Written by PP - Edited by PP Print Muqdisho (PP) - Warar hoose oo ay helayso Puntlandpost ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ogolaaday in loo madaxbanneeyo ra’iisul wasaaraha Somalia magacaabida golaha cusub ee wasiirrada Somalia. Ra’iisul wasaaraha cusub oo ay Baarlamaanku cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen maalin ka hor ayaa sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad wax ka qabata xaaladda dalka uu marayo, isagoo sidoo kale sheegay in xukuumaddiisu ay ku shaqeyn doonto jidkii ay horay ugu shaqeyn jirtay xukuumaddii uu wasiirka ka ahaa. ”Shariif Xasan wuxuu ogolaaday in golaha wasiirrada uu faraha kala baxo, uuna u daayo wasiirka koowaad inuu soo dhiso xukuumadda cusub,” ayuu yiri mudane ay si aad ah isugu dhowr yihiin Afhayeenka Baarlamaanka. Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo warar la isla dhexmarayay ay sheegayeen in Afhayeenka Baarlamaanka uu doonayo inuu ku gorgortamo wasiirrada cusub ee lasoo dhisayo iyadoo la sheegay in arrintan uu isku casilay ra’iisul wasaarihii hore. Golaha wasiirrada cusub ee la soo dhisayo ayaa la sheegay inay tiradoodu noqon doonto 18-wasiir oo ay kusoo biiri doonaan xubno cusub oo la sheegay inay ka imaanayaan baarlamaanka iyo dibaddiisa. Ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia ayaa isku dayay inuu xakameeyo xukuumadda uu soo dhisayo, isagoo doonaya in xubnihii isaga horay uu uga mid ahaa ay intooda badan howsha sii wadaan. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost – Muqdisho
-
^^^He did nothing wrong and was arrested wrongly by Faroole who has thin skinn.
-
Its madness, why arrest the man?
-
R/wasaaraha Soomaaliya Prof. Cabdiweli Maxamed Gaas oo beesha caalamka ka dalbaday gargaar deg deg ah, lana wareegay deeq ka timid Umaaraadka Carabta. Wed, 29 Jun 2011 14:02:55 -0400 pm -04:00 -14400 -------------------------------------------------------------------------------- Muqdisho, June 29 - R/wasaaraha dawladda federaal KMG ah ee Soomaaliya ayaa beesha caalamka ka dalbaday in si dhakhsiyo ah gargaar loola soo gaaro dadka ku barakacay dagaallada Soomaaliya iyo abaaraha baahsan ee ka jira meelo badan oo dalka ah. R/wasaaraha Soomaaliya Prof. Cabdiwali Maxamed Gaas, ayaa sheegay dad fara badani in ay la dabaalaysan yihiin dhibaatooyinka ka dhashay dagaallada joogsan waayey ee Soomaaliya iyo abaaraha daba-dheeraaday ee wali ka jira gobollo badan oo dalka ah, kuwaasi oo sababay dad badani in ay magaalooyinka ku soo jabaan kaddib markii xoolihii ka dhammaadeen. R/wasaaruhu, waxaa adduunka ka codsay in gacan weyn loo fidiyo dadka Soomaaliyeed ee aadka u taagta daran, kuwaasi oo uu sheegay in ay ku kala firirsan yihiin dhammaanba gobollada dalka ayna u baahan yihiin gargaaro bini'aadanimo, sidaas darteedna beesha caalamka looga fadhiyo taakulaynta iyo taaban-taabinta ku aaddan dadka dhibaataysan. Prof. Cabdiweli Maxamed Gaas, ayaa hadalkaan ka jeediyey xilli uu ku sugnaa dekedda magaalada Muqdisho halkaasi oo uu kula wareegay deeq gargaar ah oo dawladda imaaradka carabtu ugu deeqday ummadda Soomaaliyeed ee muddada dheer la daalaa-dhacaysay dhibaatada amni xumo, iskuguna jirtay raashin, dhar iyo gaadiid. R/wasaaruhu waxaa uu dhinaca kale maalqabeennada Soomaalidu ugu baaqay in ay taakuleeyeen dadkooda taagta daran lana garab is-taagan mucaawino dhanwalba ah si looga samata-bixiyo dhibaatada ku habsaday. Diiwaanka Wararka Radio Daljir.
-
June 29, 2011 - QOL - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey dekedda Muqdisho, halkaas oo uu kula wareegay mucaawano isagu jirta raashin iyo gaadiid ay dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) u soo dhiibtay shacabka soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha oo goobtaas ka hadlay ayaa hadalkiissii waxuu ahaa sidan: Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan maanta kormeer shaqo ku soo gaaro Dekedda Muqdisho, oo ah goobta ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dalka. Farxad weyn bey ii tahay inaan arko mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Dekedda oo gudanaya waajibaadkooda qaran. Sida aan halkan uga jeedaan dalka aan wallaalaha nahay ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta (United Arab Emirates) ayaa shacabka soomaaliyeed ugu deeqay mucaawanadan aad u jeedaan. Anigoo ku hadlaya magaca dowladda iyo kan shacabka soomaaliyeedba aad iyo aad baan uga mahadcelineynaa wallaalaheen Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) sida ay noo soo xasuusteen, isla markaana ay mucaawanadan noo soo gaarsiiyeen waqti xasaasi ah oo shacabka soomaaliyeed ay aad iyo aad ugu baahanyihiin. UAE waa dal aan xiriir qotodheer leenahay, isla markaana aan ganacsiga ugu badan ay soomaalida ka sameyso. Ma aha markii ugu horreysey ee ay dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ay mucaawano soo gaarsiiyaan shacabka soomaaliyeed, waxeyna markhaati ka tahay sida ay noo xasuusanayaan waqtiga aan ugu baahi badanahay. Waxaan u caddeyneynaa wallaalaheen UAE in mucaawanadii ay shacabka u keeneen si toos ah loo gaarsiin doono shacabka ugu baahida badan. Waxaan ugu baaqayaa bulshada caalamka gaar ahaan waddamada aan wallaalaha nahay iyo kuwa aan saaxiibka nahayba inay shacabka soomaaliyeed la soo gaaraan gar-gaar bani’aadanimo, kuna daydaan dowladda isu-tagga Imaaraadka Carabta. Ugu danbeyntii waxaan ka codsanayaa ganacsatada, iyo shacabka soomaaliyeed ee awooda inay gar-gaar bani’aadanimo u fidayaan wallaalahood soomaaliyeed ee u baahan gar-gaarka. Ummaddu waa inay isku tashadaan si looga maarmo kaalmada shisheeye. Somalida dhaqan ahaan waxaa lagu yaqaanay in ay is gar-gaaraan oo deriskooda ay ka warqabaan. Waxaa nagu soo fool leh bisha Ramadan oo nooga wada baahan inaan isu naxariisano, isla markaana isa saacidno. UNHCR waxey sheegeen in bishiiba 10,000 oo qaxooti ah ay gaarayaan xerada Dhadhaab ee Kenya, sidoo kale 5,000 – 6,000 oo qaxooti inay bil walba iska diiwaan gelinayaan xerada Doolow ee dalka Ethiopia. Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa shaqaalaha iyo maamulka dekedda oo ay ku jiraan shaqaalaha furdooyinka iyo turubataariyada booliska oo runtii la dagaalay musuqmaasuqa. Waxaana ku dhiiri gelineynaa inay sii wadaan dadaaladooda. Gaadiidka Loogu Deeeqay * -**DHAMAAD - -- Garad Salad Hersi Communication Director, of the Prime Minister urdoox'
-
http://www.qaranimo.com/2011/jun/Khudbadii%20RW%20Abdiweli%2028%20June%202011.pdf The PDF link here has the correct email addresses.. So not to worry the emails have been inherited..lol
-
^^^I agree the division is what needs to be addressed but Al Shabaab have lost most of Mogadishu, if they are completely defeated in the capital it would change the game for good. There needs to be both talks within the Somali stakeholders as well as holding on to and building on the success of the previous admin.
-
He has to fight Al Shabaab, capture Mogadishu and then and only then can there be a national conference inside the capital. The idea of control is relative, who is in control? Mahiga, Zenawi, Museveni or Washington DC? The fight against Al Shabaab as proven by Farmajo can be done quite easily and AMISOM must not just shell the civilian areas but go out and secure the last quarters if the capital. Its doable, feasable and timely.
-
Ngoonge: Faroole is not that important he will have to change or be changed. Now you need another angle. This one has been exhausted.
-
^^^There is no issue between the PM and Puntland. He is much respected in the State and is remembered for the good work he has done for the past few years. We shall await the cabinet, he has the vote and now needs to outline his strategy. However we are in agreement it was a good speech, much better than what we have got used to.
-
A good speech, and its wonderful to see our secessionist bigwig Ngoonge analyzing the speech of his PM and asking questions. It was expected that the junior secessionist Oodweyne would also arrive in here. Good to see you Ngoonge, its positive what the new PM has outlined. That a new approach will be followed with regards to greater engagement with the regions.
-
Khudbaddii uu Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu u jeediyay xildibaannada golaha Baarlamaanka Soomaaliya Talaado, June 28, 2011 (HOL) – Dhammaantiin A Salaamu Caleykum Waraxmatullah Wa barakat. sharaf weyn bey ii tahay inaan maanta idinkala soo qeybgalo kulankan muhiimka ah oo aad ku gudaneysaan waajibaadkiina dastuuriga ah ee aad uga doodeysaan ansixinta iyo kalsooni siinta xilka ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee uu Madaxweynahu ii soo magacaabay. Baarlamaaku waa hooyada hay’adaha dastuuriga ah, waa goobta matasha shacabka soomaaliyeed, isla markaana laga soo saaro dhammaan shuruucda dalka. Waxaan hubaa oo aan aaminsanahay inaad wada akhrisateen taariikh nololeedkeyga. Waxaan qabaa inaanan aheyn shaqsi idinku cusub oo waxaan wada joognay 6dii bilood ee ugu danbeysay, sidaas daraadeed, waxaan si wanaagsan ula socdaa marxaladda dalka uu haatan marayo, caqabadihii taagnaa iyo anigoo fikir fiican ka heysta sida looga bixi karo marxaladdahan nagu soo noqnoqday. Waxaan in muddo ah ku howlanaa oo aan shaqooyin muhiim u ah shacabka soomaaliyeed ka hayey dalka gudihiisa. Sidoo kale waxaan si joogta ah ula socday dhammaan marxaladihii dalku soo maray ee dhanka siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Waxaa hubaal ah in mudada noo dhiman nalooga wada baahanyahay inaan si wadajir ah waddanka ugu wada adeegno, isla markaana aan labo jibaarno dadaaladeena ku wajahan sidii aan amniga u soo celin laheyn, isla markaana u dhameystiri laheyn howlaha muhiimka ah ee na wada horyaalla, sida dhameystirka dastuurka qabyada ah iyo ka gudubka xilliga KMG ah. Xildhibaanada sharafta leh, waxaan si xushmad leh idiin kaga codsanayaa inaad maanta i siisaan kalsoonidiina, si aan u guda-galo una dar-dargeliyo howlaha muhiimka ah ee na wada sugaya. Marka aad i siisaan kalsoonidiina buuxda, waxaan ku dhaqaaqi doonaa la tashiyo aan la sameeyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed oo ay ugu horreeyaan mudanayaasha baarlamaanka sharafta leh si aan u soo xulo shaqsiyaadka ku habboon inay ka mid noqdaan golaha wasiirada si ay gacan buuxda nooga wada siiyaan u adeegida shacabka soomaaliyeed. Sidoo kale waxaan la tashiyo ka dib idiin soo bandhigi doonaa barnaamijka Xukuumadda iyo xubnaha golaha wasiirada si aad uga doodaan, isla markaana aad uga gudataan waajibaadkiina dastuuriga ah. Mudanayaal goor dhow ayaan idiin soo gudbin doonaa barnaamijka Xukuumadda oo faahfaahsan, haddana waxaan shaki ku jirin in arrimaha u baahan inaan diirada wada saarno ay ka mid noqon doonaan: Soo celinta amniga oo ay ku jrito *****lida baahida ciidanka, soo celinta kala danbeyntii iyo sharaftii dalka; La dagaalanka kooxaha argagaxisada ee diidan dowladnimada iyo burcad-badeeda, Dhameystirka howlaha muhiimka ah ee uu axdiga FKMG ah na farayo oo ay ka mid yihiin, dhameystirka dastuurka qabyada ah, iyo ka gudubka xilliga KMG ah, Dowlad wanaaga, dib-u-heshiisiin qaran oo taam ah, howlgelinta iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah, Toosinta maamulka dhaqaalaha; La dagaalanka musuq-maasuqa; Gargaarka bani’aadanimo iyo adeega bulshada; Xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dastuuriga ah, Xoojinta xiriirka maamulada dalka ka jira iyo Xoojinta xiriirka bulshada caalamka. Xildhibaanada sharafta leh, waxaa hubaalti ah in xaaladda dalku marayo inay tahay mid khatar ah oo u baahan inaan u wada istaagno. Shacabkii soomaaliyeed waxaa isagu darsoomay, dagaalo joogta ah, abaaro dabo dheeraaday, macluul, argagaxiso, burcad badeed, gaajo iyo iyadoo in badan oo ka mid ah laga hor-istaagay gar-gaarkii ban’aadanimo. Waxaa sidoo kale bur-buray dhammaan hay’adihii adeega ee qaranka isla markaana ummadda wax u qaban lahaa. Waqtiga aan heysano aad buu u yar-yahay, mashquulka aan ku nahay soo celinta amniga iyo la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah waxey keentay in dhammaan Xukuumadihii naga horreeyeyba aysan waqti u helin in ay xoojiyaan xiriirka Dowladda Dhexe iyo maamulada dalka ka jira. Sidaas daraadeed, waxaan ku dadaali doonaa sidii aan xiriirkaas dib-ugu soo nooleyn lahaa oo aan u saari lahaa waxii mugdi iyo kala aragti duwanaan ah ee jira. Ugu danbeyntii, waxaan halkan uga mahadcelinayaa Madaxweyne Sheikh Sharif Sheikh Ahmed oo iigu aaminay xilkan Qaran ee culus, anigana waxaan hortiina ka ballanqaadayaa inaan u gudan doono si waafaqsan diinta Islaamka iyo dhammaan shuruucda u degsan dalka, dhowri doonana Axdiga FKMG ah. Waxaan kaloo aan hortiina ku ballanqaadayaa inaan xoojin doono xiriirka wada-shaqeynta dhammaan hay’adaha dastuuriga ah iyo xiriirka beesha caalamka. Sidoo kale idinkana waxaan idinka codsanayaa inaan mudada yar ee aan heysanno aan ka wada shaqeyno sidii aan si wadajir ah isaga wada kaashan laheyn dhan walba, innagoo eegeyna danta guud ee shacabka soomaaliyeed. Waxaan mar kale ku celinayaa in aan xoojin doono xiriirka baarlamaanka iyo Xukuumadda. Mahad ballaaran ayaan mar kale idiin soo jeedinayaa. Xafiiska Ra'iisul wasaaraha Somalia Muqdisho, Soomaaliya engabdirahman@gmail.com *
-
Puntland delegation visits SOOL: Taleex Xallin: enjoy the PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Saado Ali is a legend. The best thing to have come out of Xaglatosiyo's promotion is her comeback. -
^^^lol@Oodweyne, you are a shadow of what you used to be. Siilanyo's sub clan coronation as the most powerful of the SNM has had a profoundly negative impact on you. I feel your pain, and I will be here to help remind you that its not the end of the world. Your clan is weak; your phantom nation has not gained recognition. Keep it up lad. Where is NGOONGE, I have a question regarding Somaliland?
-
Puntland delegation visits SOOL: Taleex Xallin: enjoy the PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Thats not even a Saado Ali song. -
Abwan is right. Its all about the cabinet. his kinsmen have no place in the cabinet, as he represents that grouping. He needs to reach out to everyone and bring on board competent individuals. We shall see.
-
Well done to the sister...
-
^^^Ok Zack you got me. Let me make it clear for you, Narnia boy. AbdiWeli is by far the most educated man to ever run any office in Somalia, with the reight subject matter to have ever held this position. :D
-
Puntland delegation visits SOOL: Taleex Xallin: enjoy the PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^I respect the artist. Its just this whole fake movement that only works to make the weak secessionist a power they are not. The supporters of this group led by XaglatosOhio, ALi of Minnesota and the missing Garad's have done nothing but make it easy for the secessionist to beat up on the civilians. As for the parties, the artist gets paid.. -
Puntland delegation visits SOOL: Taleex Xallin: enjoy the PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
SSC milia men Sabarey oo rafaadsan Vs Garaad Jaamac shaking it for the ladies Xaglotoosiye with his 1000 dollar suites A two year long party... Keep opening your mouths peeps, and we shall see who ends up in the frying pan.